-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa markii u horraysay shaaciyay in aysan dadka reer SSC ka qayb geli doonin doorashooyinka Puntland. Hoggaamiye Firdhiye ayaa sheegay in dadka reer SSC ay dhisteen maamulka iyaga u gaar ah, islamarkaana aysan qayb ka noqon karin doorashooyinka Puntland, haddii ay qof iyo cod noqoto iyo haddii ay sidii hore u dhacdaba. “Doorashada Puntland ee soo socta deegannada Khaatumo kama qayb galayaan, hadday qof iyo cod la dhaho deegankayaga kama dhici karto oo uma diiwangashana, qarashna loomaba hayo, hadday sidii isamadu qori jirtay ay noqotaba” ayuu yiri Cabdulqaadir Firdhiye. Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaar u yihiin in iyaga iyo Puntland ay noqdaan laba maamul oo deris ah, oo iskaashi ka sameeya dhinacyada Amniga iyo Horunarinta. Hoggaamiye Cabdiqaadir Aw-Cali Firdhiye ayaa xalay Hadalkan ka jeediyay Madal su’aalo lagu weydiinayay oo ay soo agaasintay Machadka Heritage. PUNTLAND POST The post Firdhiye “Dadka Reer SSC qayb kama noqon doonaan doorashooyinka Puntland” appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi oo ka mid ah siyaasiyiinta Puntland ugu miisaanka cuslus ayaa shalay khudbad uu ka jeediyey shirweynaha siyaasiyiinta iyo ururada mucaaradka ah ee Puntland. Asad ayaa sheegay in Madaxweyne Deni looga fadhiyo in uu qabto doorashada xiligeedina ku qabto, oo ah 8-da bisha Janaayo ee 2024. “Ururka Mideeye, waxaan ka qay-bgalney doorashadii goloyaasha deegaanka, waxaan sidaas u sameyney shacabka ayaa na khasbayey oo u arkay in dantu ku jirto, laakiin waxaan ogeyn in Siciid Cabdullaahi wax khaldayo, markii u xeerarkii oo dhan beddalay, dastuurii beddalay, wax kastana ka dhigay sida uu rabo waan isaga baxney,” ayuu yiri Asad Cismaan Cabdullaahi. Jeneraal Asad ayaa ugu baaqey madaxweynaha Puntland Siciid Deni in uu doorashada xiligeedi qabto. “…Madaxweyne Deni haddii uu doorashada qaban waayo 8-da Janaayo 2024 waa in tallaabo laga qaado oo la soo qabto, kadibna maxkamad la soo taago,” ayuu yiri. Shirka siyaasiyiinta iyo ururada mucaaradka oo Talaadadii shalay aheyd ka furmey Garoowe ayaa socon doona laba maalmood, waxaana lagu wadaa in laga soo saaro war-murtiyeed xal loogu raadinaayo siyaasadda cakiran ee Puntland. Mucaaradka Puntland ayaa raadinaya go’aan midaysan oo ku wajahan marxaladda taagan, si Puntland looga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. Shirkaan ayaa imaanaya, iyadoo mudda xileedka madaxweyne Deni ay ka harsan yihiin bilo kooban, islamarkaana lagu eedaynayo in uu muddo kororsi raadinayo. Hoos ka daawo khudbadda Asad Diyaano The post Daawo Asad Diyaano: Deni waa in la soo qabtaa oo la maxkamadeeyaa haddii… appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa Talaadadii wacad ku maray “waxaan garab taagannahay Israel,” xilli Washington ay isku dayeyso inay yareyso xiisadda Bariga Dhexe kadib weerarkii ay Xamas qaaday. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in Washington ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Israel ee ku aadan weerarada jawaabta u ah waxa uu ugu yeeray “xasuuq” ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 14 Mareykan ah. “Waqti xaadirkan, waa inaan si cad u qeexnaa: waanu garab taaganahay Israel,” ayuu yiri, isagoo ku celceliyey: “Waan garab taagannahay Israel. Waxaan hubin doonnaa inay haysato waxa ay u baahan tahay si ay u daryeesho muwaadiniinteeda, isu difaacdo oo ay uga jawaabto weerarkan. Ma jiro wax cudurdaar ah oo argagixisanimadu leedahay. Ma jiro cudurdaar.” Biden, oo ay garab taagan yihiin madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdooyinkii Sabtida, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen “ficillo aad u xun.” “In ka badan 1,000 rayid ah ayaa la gowracay – lama dilin kaliya, waa la gowracay – gudaha Israel,” ayuu yiri. “Waxaa ka mid ah, ugu yaraan 14 muwaadiniin Mareykan ah ayaa la dilay. Waalidiin ayaa la gowracay ayagoo oo isku dayaya inay carruurtooda badbaadiyaan. Ilmo yar oo la dilay ayaa la soo sheegya, qoysas dhan ayaa la dilay.” Wuxuu sheegay inuu weydiisan doono Congress-ka inay qaadaan “tallaabo deg-deg ah” laakiin ma uusan cayimin. Aqalka Wakiilada ee ay maamulaan Jamhuuriga iminka ma lahan afhayeen, taasi oo oo ka hor-istaageysa Congress-ka inuu ansixiyo miisaaniyad cusub. La-taliyaha amniga qaranka Jake Sullivan ayaa sheegay in Aqalka Cad uu ku boorin doono Congress-ka inuu sii wado hubka loo dirayo Israel. Sullivan waxa uu intaas ku daray in Aqalka Cad uu rumaysan yahay inay jiraan 20 Maraykan ah, oo aan laga war hayn, balse waxa uu caddeeyey in dhammaantood laga yaabo inaan la haysan. Biden wuxuu sheegay inuu la hadlay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu Talaadadii, taasi oo ah wada-hadalkoodii saddexaad tan iyo markii ay xasaraddu billaabatay – wuxuuna sheegay inuusan la yaabin jawaabta “deg degga ah, go’aanka iyo awooodda leh,” ee Israel. Balse waxa uu intaa ku daray, “Waxaan sidoo kale ka wada-hadalnay sida dimoqraadiyadaha Israel iyo Maraykanka oo kale ah, ay u awood iyo hubanti badan yihiin marka aan u dhaqmayno sida uu qabo sharciga.” The post Biden: Waxaan garab taagannahay ISRAEL appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta ee xukuumadda Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali ayaa magacaabay guddiga adeegga Xajka ee sanadka soo socda 2024-ka, kaas oo ka kooban 9 xubnood. Guddigaan ayaa loo magacaabay guddoomiye, ku xigeen iyo xoghaye, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa xoghayaha guddiga cusub ee adeegga Xajka u magacaabay walaalkiis Ibraahim Roobow Cali. Seddax qodob ayaa lagu soo koobay waajibaadka guddigaan cusub, kuwaas oo kala ah: 1 – Qabashada araajida tartamayaasha adeeggga Xajka. 2 – Kala saaridda shirkadaha, wakaaladaha iyo xamlooyinka tartamaya, si hufnaan iyo cadaalad ah. 3 – U soo gudbinta warbixinada iyo natiijooyinka tartamayaasha ee xafiiska Wasiirka. “Mudanayaasha la magacaabay waxay yeela doonaan xuquuq shaqo oo gaar ah, sidaas awgeed, xubnaha guddiga la magacaabay waxaa la farayaa inay ka howlgalaan ka shaqeynta iyo fududeynta howlaha loo igmaday si cadaalad ah,” ayaa lagu yiri warqadda lagu magacaabay 9-kaan xubnood. Magacaabidda xubnaha guddigaan ayaa sidaan ku dhaqan gashay, wuxuuna Wasiir Mukhtaar Roobow digreetadaan ku sheegay in xulashada xubnahaan uu kala tashaday ku xigeenadiisa wasaaradda. Hoos ka akhriso digreetada uu Roobow ku magacaabay guddiga: The post Mukhtaar Roobow oo Xajka u magacaabay guddi cusub iyo 3 qodob oo loo xil-saaray appeared first on Caasimada Online.
-
France has begun withdrawing its troops from Niger on the orders of the junta, the AFP news agency reports. Source: Hiiraan Online
-
Geneva: The State of Qatar welcomed the efforts made by the Somali government to achieve peace, stability, countering terrorism, improving humanitarian, economic, and social conditions, and addressing numerous challenges, including drought, floods, food security, and climate change. Source: Hiiraan Online
-
Asmara (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, horraantii bishii 8-aad ayuu gaaray magaalada caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareb oo isagoo markaas ay wehlinayaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida. Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysnaa dhammeystirka dagaalka al-Shabaab looga saarayo deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saarayay kormeerka furimaha dagaalka ee guud ahaan gobollada dalka. Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku dhawaad labo bilood degganaa magaaladaas ayaa dhowaan u safray dalka Eritrea halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Ereteriya, Isaias Afwerki, waxa ay si wadajir ah u kormeereen xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka ee Soomaaliya ee ku sugan dalkaas. Hase yeeshee, sawirro laga qaaday madaxweynaha xilliga uu ku sugnaa xeryaha ay ku sugan yihiin ciidamada tababarka u jooga dalkaasi Eritrea ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, waxaa muuqatay in dadku badanaa ay ka hadlayeen muuqaalka madaxweynaha oo lagu tilmaamay in uu is beddel ku yimid marka loo eego timaha, madaxa iyo garka oo ku batay iyo cirro soo buux dhaafisay. Dad badan ayaa ku sifeeyay in madaxweynuhu galay nolol ka duwan tiisii hore, maddaama in muddo ah uu ku sugnaa furimaha dagaalka isagoo deegaan ka dhigtay Dhuusamareeb si loo xoojiyo dagaalka ay dowladda lagula jiro al-Shabaab. Dadka qaar waxa ay ku sifeeyeen in xaalad caafimaad darro ay lasoo deristay madaxweynaha taas oo keentay in muuqaalkiisii uu is beddelo. Borotakoolka habka labbiska iyo qurxinta madaxda caalamka Marka loo eego madaxda kale ee caalamka, waxaa la rumeysan yahay in ay leeyihiin dad si gaar ah ugu abaabulan madaxda kana shaqeeya labiskooda iyo si gaar ah in ula socoshada xaaladahooda gaarka ah. Haddaba si aan wax uga ogaanno wararka la’isla dhex marayo ee la xiriira is bedelka muuqaalka madaxweynaha waxa aan qadka taleefanka kula xiriirnay agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Soomaaliya, Cabdulqaadir Dige, isagoo faahfaahin kooban ka bixiyay is bedelka ku yimid madaxweyne Xasan Sheikh. Dige oo ka hadlaya is barbar dhigga madaxweynaha iyo madaxada kale ee caalamka ayaa yiri, “Madaxweynaha waxaa loo igmaday shaqo qaran oo adag, mas’uuliyadaha saran awgood waxaa imaan kara walwalka, iyo murugada ka dhalata awgeed is beddel ayaa ku yimaada, madaxweyneheennana waxa uu madaxda caalamka kaga duwanyahay, shaqada qaran iyo in uu muddo ku sugnaa furin dagaal muddo kabadan labo bilood”. “Ciidamada xoogga dagaalka ay kula jiraan al-Shabaab, ayuu kula noolaa, deegaanno ka tirsan Galmudug iyo Hirshabelle ayuu madaxweynuhu ku tagay safarro dhulka ah, madaxweynaha shaqadiisa iyo howsha mugga weyn ee uu hayo oo kaliya ayaa ka muuqata ee waxkale majiraan,” ayuu sii raaciyay Dige. Waxaa la rumeysanyahay in timaha madaxweynuhu ay ka badanyihiin sidii looga bartay kuwiisii hore, agaasimaha madaxtooyada oo ka hadlaya sababta madaxweynuhu uusan timaha u jaran ee ay ugu bateen ayaa yiri, “Madaxweynaha waxyaabo badan oo uu awoodo ayuusan sameynin sababo la xiriira ciidamada uu la joogo in uu noloshooda kula noolaado awgeed, goobaha uu la joogo ciidanka meelo ka qabow oo ka qurux badan ayuu heli karaa, laakiin waxa uu tusaale u noqday xaaladda ciidamada iyo dadka deegaanka ee dagaalka ku jira, marka madaxweynaha waxyaabo badan oo uu heli karo iyo wax loo heli karo ayuu ka tanaasulay.” Madaxweynaha marka uu ciidamada la cunteynayo iyo marka uu dhulka la fadhiyo ama teendhooyinka kula jiro ma weynin kursi qurux badan oo u uku fariisto, ujeedka guud ayaa sidaas ah, timaha madaxweynaha kaliya maahane waxaa jira waxyaabo badan oo is biirsaday sida n madaxweynuhu uu shaqeeyo waqti ka badan intii uu shaqeyn jiray ama in hurdadu ay ku yartahay”. Marka loo eego caafimaadka madaxweynaha, dad badan ayaa rumeysan in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay lasoo derseen xaalado caafimaad. Waxa uu sidoo kale ka hadlay saacadaha madaxweynaha ay u suura gasho in uu hurdo marka loo eego shaqadiisa. Dige oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri, “Madaxweynaha horta caafimaad ahaan, majiraan wax u daran caafimaadkiisa oo uu sameeyo marka loo eego talada dhakhaatiirta,ma jiraan wax kusoo kordhay caafimaadkiisa ama xaalado cusub oo lasoo dersay, laakiin waxa uu shaqeeyaa saacado kabadan intii uu shaqeyn jiray markii uu joogay Muqdisho, xilligaas uu joogay Xamar waxa uu xafiiska soo geli jiray subixii 8-dda ama labo saac illaa habeenkii 10-ka ama ilaa afar saac marmarna kabasii badan, haddana intaas iyo kabadan ayuu shaqeynayay”, Si gaar ah madaxda caalamka qaarkood waxaa jira in xilliyada ay kasoo muuqanayaan shaashadaha loo mariyo qalabka is qurxinta ee loo yaqaano [Make-up] balse agaasimaha madaxtooyada waxa uu sheegay in madaxweynaha dalka uusan waqti badan ku bxinin howlahaas, balse waxa uu carrabka ku dhuftay in marka uu wareysiyo kaga qayb galayo talefishinnada caalamiga ah ay dhici karto in dad shaqaale ah oo ka howl gala xarumaha warbaahinta ay howlahaas fuliyaan. Xaaladda amni ee uu ku noolaa madaxweynaha xilliyadii uu ku sugnaa furimaha ayaa ahayd mid su’aalo la iska weydiinyay xilli madaxweynaha laftiisu uu ka hadlay digniinno dhowr ah oo uu helay. Madaxweynaha oo ka hadlaya wararka la xiriira amnigiisa xilli uu la hadlayay cutubyo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa yiri, “Sidaan oo kale ayaan idiin garab taaganahay kaligiin dagaal idiinma direyno oo waan idinla soconnaa, xafiisyo qaboojiye yaal leh intaan fariisanno kaligiin idin soo diri meyno, maalin walba inta la’idiin sheego oo kale ayaa la ii sheegaa, baabuur qarax ah ayaa jidka kuugu jiro, waa lagu sumeyn rabaa, diyaaradaha helicopter-ka ee aad saarantahay waa lasoo ridaa, ha isku bixin, ha yeelin, farriintii ugu dambeysay ee xalay la iisoo diray haddaad aragtaan waad yaabeysaan, waxaan aaminsanahay in aysan shabaab i dili karin, Ilaahay ayaa Qur’aankiisa ku sheegay cidna saacaddiisa saacad looguma darayo”. Isha: BBC The post Muxuu salka ku hayaa ‘isbeddelka muuqaal’ ee madaxweyne Xasan Sheekh? appeared first on Caasimada Online.
-
Amsterdam (Caasimada Online) – Khilaafkii u dhexeeyay Guddigii maamulka Markaz QUBA oo ku yaal magaalada Amsterdam ee waddanka Holland, ayaa mar kale soo shaac-baxay kaddib markii uu shalay shir jaraaíd ku qabtay Amsterdam Sheekh Suldaan Gasle oo ahaa iimaam-kii iyo guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka. Sheekh Suldaan oo ay garbihiisa fadhiyeen waxgarad Soomaali ah, ayaa sheegay inuu quus ka joogo waanwaan loogu kala dabqaadayay isaga iyo xubnihii kale ee guddiga maamulka kala tirsanaa, wuxuuna xusay inuu dedaal kasta u sameeyay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka muddada dheer kala dhexeeyay xubnaha kale ee Masjidka. Dacwaddan, oo muddo ka badan 2 sanno soo jiitameysay ayaa u dhexeysay Guddoomiyihii guddiga maamulka masjidka iyo Iimaamkii masjidka Sheekh Suldaan Gasle iyo 2 xubnood oo guddiga masjidka ka tirsanaa [Sheekh Ibraahim oo loo yaqaan Abuu-Khadiija iyo Guuleed Weyrax], waxaanna marxaladaha ay soo martay ka mid aheyd in iimaam-kii masjidka ay masaajidka boolis si qasab ah kaga saareen, iyada oo tillaabadaasi ay si weyn kaga caroodeen waxgaradkii Soomaaliyeed ee la socday dedaalkii uu Sheekh Suldaan ka soo maray dacwadda islaamiga ah. Shirkan jaraaíd ee uu shalay qabtay Sheekh Suldaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo lagu wado dabayaaqada bishan in ay masjidka muxaadarooyin 3 cisho soconaya ku qabtaan culumaa’udiin uu ka mid yahay Sheekh Mustafa Haaruun. “Waxaan maanta halkan u soo fadhiistay inaan ogeysiiyo Jaaliyada iyo culimada lagu casuumay in ay yimaadaan mutamarka lagu iclaamiyay baraha bulshada inaan waxaan kala socda aysan jirin, anigoo sharciyadan ugu qoran sida ay maxkamadu xukuntay haddana waxaan goostay inta arrinta ay dhinac u dhaceyso anigoo xeerinaya maslaxda ay ummaddu ku qabaan masjidka,” ayuu yiri Sheekh Suldaan Gasle. Somali Nederland TV, iyada oo ilaalineysaa nidaamka dhexdhexaadnimada waxeey la xiriirtay mid ka mid ah ragga masaajidka ku haray ee ay is hayaan Sheekh Suldaan, wuuna ka cudurdaartay inuu wax jawaab ah ka bixiyo hadalka uu soo saaray Sheekh Suldaan Gasle. HOOS KA DAAWO MUUQAALKA SHIRKA JARAA’ID EE SHEEKH SULDAAN GASLE. The post Sheekh Suldaan Gasle: Masaajidkii aan aas-aasay ayaa waxaa iga taal warqad la leeyahay ma soo geli karo appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga Mudane Lorenzo Fonta. Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la dhiso guddi saaxibtinimo ee labada Baarlamaan. Sidoo kale waxeey ka wada hadleen xojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood. Mudane Lorenzo Fonta oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku boggaadiyay shaqada adag ay Golaha Shacabka qabteen saddexda kalfadhi ay shaqeeynayeen, isagoona intaa ku daray in Dowladda Talyaaniga ay garab istaageyso halganka dalka looga xorreynaayo Khawaariijta. Gunnaanadka kulanka labada guddoomiye ee labada baarlamaan ayaa looga hadlay arrimaha amniga, xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac, waxaana Guddoomiyaha kulanka ku weheliyay xildhibaanno iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh ayaa dhigiisa dalkaasi ku casuumay inuu Soomaliya yimaado si uu u arko horumarka dalka ka jira iyo shaqooyinka Baarlamaanka wuuna ka aqbalay. PUNTLAND POST The post Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa Talyaaniga appeared first on Puntland Post.
-
QM oo Walaac ka Muujisay Go’doominta Isreal ee Qudus Newyork(Qaran)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa walaac xooggan ka muujiyay ka dib markii Israa’iil ay ku dhawaaqday in ay go’doomin guud ku soo rogtay marinka Qaza, oo ay ka jartay biyaha iyo korontada, ayna ka hortagtay in la soo geliyo cuntada. Guterres waxa uu sheegay in xaalada bini’aadantinimo ee Qaza ay aad uga sii dari doonto,isaga oo carrabka ku dhuftay in dhawaan ay soo ifbaxday xiisad ka dhalatay dagaal muddo 56 sano ah socday,isagoo sheegay, in aysan jirin xal siyaasadeed oo hor leh,sida uu hadalka u dhigay. L Guterres ayaa xasuusiyay Israa’iil in howlgalladeeda millatari ay tahay in si buuxda loo ixtiraamo sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada ay khuseyso in ay u oggolaadaan Qaramada Midoobay in ay sii waddo dadaalkeeda ku aaddan xaqiijinta gargaarka si ay uga jawaabto baahiyaha Marinka. Dhankiisa, Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa Isniintii ugu baaqay Qaramada Midoobay inay soo farageliso joojinta gardarrada Israel ee marinka Gaza. Isagoo taleefoon kula xidhiidhay Guterres, Cabbaas ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in gargaar iyo agab caafimaad la gaadhsiiyo dadka Gaza, iyo sida ay lagama maarmaan u tahay faragelinta Qaramada Midoobay si looga hortago musiibo bini’aadantinimo oo ka dhacda marinka. Qaran News
-
Ciidanka Booliska oo Gacanta ku soo Dhigay Nin ku Eedaysan in uu Beeray Xashiishad Booliska Somaliland oo ka Warramay nin Guri ku Beertay Xashiishad Hargeysa(Qaran news):-Ciidanka booliska Somaliland,ayaa gacanta ku soo dhigay nin ku eedaysan in uu guri uu magaalada Hargeysa ku leeyahay uu ku beeray geedka maandooriyaha ah ee xashiishadda oo dalka mamnuuc ka ah. Qoraal kooban ooo ciidanka boolisku ku baahiyay barta u uku leeyahay Facebook,ayaa u dhignayd sidan. “Ciidamada Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gacanta kusoo dhigay eedaysane Cabdicasiis Aadan Yuusuf oo geed xashiishada ka beeray dayrka guri uu ku leeyahay Xaafadda Gacan Libaax , gurigaaasi oo uu ka kireeyay qoys kale. Waxaana ka hawlgalay Ciidamada Wardoonka iyagoo kashanaaya Saldhiga degmada Gacan Libaax. Soo qabashada Eedaysanaha waxa ka warbixiyay Taliyaha qaybta Bariga Gaashaanle sare Saleebaan Ducaale iyo Taliyaha Saldhiga Gacan Libaax Gaashaanle Baashe Cabdilaahi. Qaran News
-
Siyaasi Jawaab ka Bixiyay Hadal Xanaf leh oo ka soo Yeedhay Axmed Karaash Hargeysa(Qaran news)- Mustafe Cabdi Ciise oo ah siyaasi reer Ceerigaabo ah, ayaa ka jawaab ka bixiyay hadal xanafle oo ka soo yeedhay madaxweyne kuxigeenka Puntland. Mustafe Shiine wuxuu sheegay dadka reer Ceerigaabo ay yihiin dad is dhalay oo aan u baahnayn belo. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal dheer oo uu kaga falceliyay hadalkii Axmed Karaash oo u qornaa sidan:- “Ceerigaabo waxa wada yaal dad is ah oon balo u baahnayn. Awoowgay Axmed karaash waxaan lee yahay arrinta Ceerigaabo u daa Maxamed Cabdi Maalik, shalayna isagaa colaadeeda ogaa, maantana nabadeeda garanaaya. Magaalada Ceerigaabo ma jirto belo ay waayeelkeedu wadaan oo waa dad dhalooyo ah oo is ogol ah, se dhalinyarada aan xaajo aqoonka ahayni maanta maaha meel ay ka talin karaan. Sida aan ogahay waxgaradka deegaanku mid uun bey ka midaysan yihiin ah in nabada si wada jir ah looga wada shaqeeyo waxana ay dhisteen guddi Afar beelood ah oo gudoomiye u yahay Ina Cabdi Maalik, kuwaasi oo si toos ah ula shaqeeya guddida nabadgeoyada ee gobolka. Colaada gobolka Sool ay ka rideen rag dan leh oo maquuniyay waayelkii Laascaanood maaha in loo soo raro Ceerigaabo oo lagu wada joogi karo oo keliya nabadgelyo. Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan Awoowe ku lee yahay ha na gelin dab aadan hadhow waxba ka qaban karin.” Qaran News
-
Horjoogaha Huwanta Laascaanood oo waji-gabax kala kulmay Socdaalkiisa Muqdisho Muqdisho(Qaran news)-Laascaanood waa degmo kamida Gobollada Jamhuuriyadda Somaliland oo ah magaalo madaxda gobolka Sool ee ay degmooyinkiisu ka kooban yihiin Caasimada, Taleex, Caynabo iyo Xudun, taasoo marka juquraafi ahaan loo qeexayo 18-kii gobol ee Jamhuuriyaddii Soomaali ka koobnayd, ka hor intaanay Somaliland madaxbanaanideeda kala soo noqon 1991-kii. 18 Gobol waxa ay u qaybsanaayeen 5 Gobol Somaliland ku yaallay iyo 13 Gobol oo Soomaaliya ah, kuwaasoo aanu wax isbedel ah oo sharci noqday ku samaynin dalkaasi, hase ahaatee Somaliland waxa ay shantii gobol ee ay gooni-isutaagga kula soo noqotay ku kordhisay gobollo iyo degmooyin cusub, kuwaasoo ay magacaabeen madaxdii kala duwanayd ee dalka soo xukumay, iyagoo ku saleeyey baahida loo qabay iyo dheeli-tirka haykalka Dawladnimada. Geesta kale, Wadahadallada u socday Jamhuuriyada Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa u dhexeeya labada Dawladdood ee ka dhisan labadii Dal ee is-raacu dhex maray 1960-kii, taasoo ah Kiis Banyaal ah oo aan wax mugdi iyo muran ahi toona ku jirin, iyadoo shirkii ugu horeeyey ee magaalada London ka dhacay sanadkii 2012-kii lagu guddoonsaday heshiis wada-xaajood oo dhex maraya laba dhinac oo siman (Two Intites), kuna salaysan inay ka wada arrinsadaan, isfahamna ka gaadhaan xidhiidhkooda Mustaqbalka, qodobkaasi oo ay beesha caalamkuna si buuxda u aqoonsatay, isla markaana kulamadii shirkaasi dabadii qabsoomay iyo kuwa soo socdaba kula gardaadinaysay labada daraf waa Hargeysa iyo Muqdiaho’e. Iyada oo laga soo bilaabo wakhtigii wadahadalladu bilowdeen xidhiidhka labada dal uu sidaasi ahaa, qodobka qudha ee ay Muqdisho Ixtiraamtay-na uu yahay in aanay xad-gudub toosa ku samaynin dhulka Somaliland oo ay xataa hoos u dhigtay sheegashadiisa, ayaa todobaadkan waxa Xamar ka degay shakhsigii ugu horeeyey ee maleegayey qorshe uu ku shirqoolayo deegaamada JSL. Hogaamiyaha Kooxda colaadda ka hurisay Magaalada Laascaanood oo magaciisa la yidhaahdo Cabdiqaadir Firdhiye oo jimcihii tegay Muqdisho, ayaa la kulmay waji-gabax iyo hungow,kaddib markii si cad loogu sheegay in aanay sinnaba suurtogal ku ahayn in isaga iyo kooxdiisa loo aqoonsado maamul ka madaxbanaan Somaliland oo hoos yimaada nidaamka Federaalka ah ee halkaasi ka jira. Ninkan oo ajandaha socdaalkiisa Muqdisho uu ahaa inuu madaxda Soomaaliya ka dhaadhiciyo inay isaga iyo taageerayaashiisu u burburiyeen magaalada Laascaanood ay tahay soo celinta midnimada Soomaaliya, soona afjareen gooni-isutaagii JSL, ayaa sida ay sheegayaan wararka laga helayo kulamadii uu la yeeshay hogaamiyeyaasha Villa Somalia, waxa ay ugu jawaabeen in aanay arrinta midnimada Somaliland iyo Soomaaliya ku doonaynin dagaal, deegaamaysi Abtirsiin ku dhisan iyo qaab kale oo khilaaf ku jiro toona, balse ay ay ku raadinayaan nabad iyo wadahadallada socda. Waxa kale oo ay u caddeeyeen in aanay shuruucda Federaalku ogolayn in gobol qudha ama laba degmo laga dhigo maamul-gobolleed gaar ah, haddii ay arrintaasi iyaga u tixgeliyaana ay kala tegayaan gobollada Soomaaliya ee maamulladu ka dhexeeyaan, iyadoo tusaalaha ugu weyn ee la hordhigayna ay tahay khilaafka u dhexeeya maamulka Hir-shabeelle oo ay qaybtii doonayso inay ka hoos baxdo dhinaca kale “haddii ay Madaxda dawladda Soomaaliya arrinta SSC ee labada degmo maamulka loogu doonayo ay aqbalaan Dalka oo dhami wuu kala dhaqaaqayaa oo gobolna gobol kale maamuli maayo. Iminka waxa loo maaro la’yahay khilaafka Hiiraan iyo Shabeellada dhexe, tii Gedo iyo Jubbada hoose ayaa taagan oo kala go’doonsan, markaa wax soconaya maaha in saddex ama laba degmo dawlad loo aqoonsado”sidaasi waxa Wargeyska Dawan u sheegay mid kamida dadka xogogaalka u ahaa kulamadaasi oo ka gaabsaday in magaciisa la xigto sababo amni dartood. Warku wuxuu intaas ku daray in Kooxdan dagaal-oogeyaasha ah lagu wargeliyey in aanay ku tahanbaabin doonista maamul-gobolleed ka madaxbanaan Hargeysa, maadaama gobolka Sool iyo gobollada kale ee ay sheeganayaanba ka tirsan yihiin Somaliland oo wadahadallo caalamku markhaati ka yahay u socdaan Dawladda Soomaaliya, isla markaana damacoodu uu halis ku yahay geedi-socodka dawlad-dhiska, wada-xaajoodka laba geesoodka ah iyo nabad-gelyada gobolka. Ilo-wareedyadu waxa kale oo ay tibaaxeen in Firdhiye iyo ollogiisa ay madaxda Soomaaliya ku booriyeen inay joojiyaan xaaladda colaaddeed ee gobolka iyo deegaamada ku teedsan ay ka wadeen bilihii la soo dhaafay, isla markaana ay u diyaar-garoobaan in miiska wadahadallada lagu xaliyo khilaafka u dhexeeya Dawladda Somaliland. Waxa kale oo xusid mudan inay balanqaadyo jal iyo dhiig-joojin ah oo dhanka dhaqaalaha ah ay ka helleen Muqdisho kooxda huwanta Laascaanood, hase ahaatee taasi lafteeda ay ku xidhan tahay shuruudo la xidhiidha in aanay u isticmaalin guluf dagaal wixii loo fidiyo ee ay wax kaga qabtaan hawlaha bina-aadaminimada. Ugu dambeyn, mowqifkan Dawladda Xamar hordhigtay kooxda ayaa la sheegay inay la qabaan wadamada beesha caalamka ee taageerada siiya dalkaasi, waxaana la dhawrayaa in maalmaha soo socda ay soo baxaan go’aamo kale oo qorshahan lagu sii adkaynayo, dhabahana loogu xaadhayo sidii loo soo afjari lahaa colaada ay kooxdaasi gobolka Sool ka bilowday horaantii sannadka. Qaran News
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa maamullada Galmudug iyo HirShabeelle ku amaanay sida ay isaga xoreeyeen kooxda Al-Shabaab. Laftagareen ayaa sheegay inay cashirro muhiim ah ka barteen dagaalka kooxda ee ka socda gobollada dhexe, isagoo sheegay inay hadda Koonfur Galbeed ka bilaabayaan wajiga labaad ee dagaalka. Wuxuu sheegay in 90% laga xoreeyey dhulka maamul goboleedyada Galmudug iyo HirShabeelle, taas oo sida uu sheegay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ku dhiirigelineysa inay deg deg u bilaabaan wajiga labaad ee dagaalka kooxda oo la qorsheeyey in laga xoreeyo deegaanada ay Shabaab ka joogaan gobollada labadaas maamul. “Maanta gaarigii Muqdisho ka baxa si nabad ah ayuu Hargeysa ku tegi karaa, dhulka Galmudug iyo HirShabeelle 90% Shabaab waa laga ciribtiray, inta yar ee hartayna hadda ayaa lagu howlan yahay in la xoreeyo,” ayuu yiri Laftagareen. Madaxweynaha K/Galbeed oo sii faahfaahiyey sida uu u arko dagaalka ka socda gobollada dhexe ayaa sheegay in markii hore aysan jirin tuulo u gudbi karta tuulo kale. Wuxuu sheegay in la gaaray go’aan qaran oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu hoggaaminayo, kaas oo ah in caqabada yar ee dalkaan hortaagan la iska hor wareejiyo, taas oo ah kooxda Al-Shabaab. “Shaqo aad u fiican ayaa ka socota HirShabeelle iyo Galmudug, inta hartay waxaan rajeyneynaa in Khawaarijta laga xoreeyo inta ka dhiman bishaan, labadaan gobol ee koonfurta oo ah Jubbaland iyo K/Galbeed waa diyaar garoobeen,” ayuu yiri Laftagareen. Wuxuu sheegay in la dejiyey qorshe dagaalku hal mar uu uga wada bilaabanayo seddaxda gobol ee maamulka uu hoggaamiyo, “Cid kasta oo nagu garab sii karta dagaalkaas waan kaasha doonaa, waana ku dhaqaaqeynaa howlgalka wajiga labaad ee dagaalka Khawaarijta,” ayuu Laftagareen ku sii daray hadalkiisa. Hoos ka daawo The post Daawo: Laftagareen oo ku dhawaaqay billowga dagaalka Al-Shabaab kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Firdhiye oo Shaaciyay inay ka baxeen Puntland Hargeysa(Qaran news)-Maamulka huwanta Laascaanood ee SSC-Khaatumo ayaa markii u horreysay ku dhawaaqday tallaabo ay ku khilaafsan yihiin Puntland oo doonaysay inay is hoosgeyso Laascaanood. Hoggaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye oo ku sugan Muqdisho, ayaa sheegay in doorashada soo socota ee Soomaaliya aan aanay reer SSC wax ka soo doooran doonin 17ka Xildhibaan ee Puntland laga soo dooran jiray oo qoondada Laascaanoodna ay ku jirtay. Sidoo kale wuxuu Firdhiye Muqdisho ka sheegay inay ka baxeen Punland maadaama oo ay maamul dhisteen, taasina waxa ka soo horjeeda maamulka Garoowe. Tallaabadan ayaa noqonaysa khilaaf huursanaa oo ka dhex qarxay maamulka Garoowe iyo Huwanta Laascaanood, kuwaasi oo ka middaysnaa dagaalka ay kula jiraan Somaliland ee kooxaha ka soo horjeeda Somaliland iskugu habar wacdeen. Qaran News
-
Camaara (Caasimada Online) –Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Camaara ee gobolka Mudug oo dhawaan laga xoreeyey Khawaarijta Al-Shabaab, halkaas waxaa ka socda abaabul xoog leh. Qoor Qoor waxaa safarkaas ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka, Wasiir Al-Cadaala, Senator Saciid Siyaad iyo masuuliyiin kale. Wafdigaan waxaa wehliyey ciidamo xoog leh oo dowladda federaalka ay ku biirisay dagaalka Al-Shabaab ee ka socda koonfurta gobolka Mudug, ciidankaas ayaa maalmo ka hor ka baxay Muqdisho, waxayna safar dhulka ah ku tageen Camaara oo caawa ay ku hoyanayaan. Madaxweyne Qoor Qoor oo Camaara warbaahinta kula hadlay ayaa halkaas kaga dhawaaqay inay dardar gelinayaan dagaalka kooxda, isagoo dadka deegaanadaas ku amaanay sida ay ugu diyaarsan yihiin dagaalka kooxda. Sidoo kale Maxaxweynaha Galmudug ayaa dadka reer Camaara ku amaanay sida ay isku garab taageen ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ee ka xoreeeyey kooxda Al-Shabaab. Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ay dhowr toddobaad ka hor isku dayday inay ku disho deegaanka Laas-Gacamey, balse maanta ay joogaan deegaanka Camaara oo 40 KM u jira halkii uu weerarkaasi ka dhacay. “Dhiiranaan hor leh ayaan ka qaadnay weerarkii doqonimada ahaa, waxay maalintaas isku howleen inay dib noo celiyaan, meeshii ay igu soo weerareen 40KM ayaan maanta u jirnaa, waxay heleen jawaabtii ay naga mudnaayeen, hadana waan sii dhaqaaqi doonaa, si aan u dhameystirno inta yar ee ka hartay xoreynta Galmudug,” ayuu yiri Madaxweyne Qoor Qoor. Madaxweynaha ayaa sheegay in Shabaab aysan ku sii jiri karin dagaalkaan, wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyey in laga guuleysa karo muddo aan dheereyn, isagoo balan-qaaday in maalmaha soo socda ay dagaalkii ugu adkaa ku qaadi doonaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalameysa aagga Shabeelow, Caad iyo deegaano kale oo dhaca koonfurta gobolka Mudug. Kooxda Al-Shabaab ayaa awoodeeda isugu geysay koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay kula dagaalamayaan beelaha Saleebaan, Sacad, Saruur iyo Surre oo sameystay isbaheysi ka dhan ah kooxda. Hoos ka daawo Qoor Qoor The post Daawo: Qoor Qoor, wafdi culus iyo ciidan badan oo gaaray Camaara iyo qorshe culus oo socda appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kormeer ku tagay Taliska Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar, asigoona halkaasi salaan sharaf kaga qaatay Cutubyo kala gedisan oo ka tirsan Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar. Duqa Magaalada Muqdisho ayaa warbixin ka dhageystay Taliyaha Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar G/sare Maxamed Carabow Cali iyo Taliyaha Howlgelinta Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar Gaashaanle Sharmaarke Caddow Tuuryare, iyagoona Duqa Muqdisho ku wareejiyay galka cutubyada cusub ee dhawaan kusoo biiray Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dar-daarmay qeybaha kala gedisan ee Ciidanka Ilaalinta Deegaanka Xamar iyo Saraakiishooda in ay dar-dargeliyaan shaqooyinka Dowladda Hoose ee Xamar oo ay ugu horeyso Dakhli aruurinta, Nadaafada & Bilic soo celinta Caasimadda, ilaalinta Anshaxa iyo adeegyada kale oo ay ugu fadhiyaan Bulshada Caasimadda Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee maaliyadda maamul goboleedka Puntland, ahna musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee maamulkaasi, Xasan Shire Abgaal ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan doorashada kusoo socota Puntland. Musharrax Abgaal oo kamid ah xubnaha ugu cad-cad musharixiinta mucaaradka ayaa soo saaray digniin culus oo ku aadan doorashada, isaga oo fariin u diray Isimada Puntland. Xasan Shire Abgaal ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay burburi doonto, haddii doorashada lagu qaban waayo xilligeeda oo ah sideeda January ee sanadka 2024-ka. “Haddii aysan Isimadu aysan xaaladdu inta ay taagan tahay wax ka qaban sideeda January waxa la’isla gaaraa waa dal burburay, dalkuna inuu burburo lama rabo” ayuu yiri Abagaal. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xubnaha kale ee mucaaradka in aan doorashada kaligiis lagu haleyn madaxweyne Deni ee ay qaataan doorkooda, si loo badbaadiyo Puntland. “Waxaa la rabaa kaliya inaan ka shaqeyno sidii dalka doorasho loo gelin lahaa, 31-da Novermber, haddii uusan madaxweynaha soo magacaabin guddigii xulista baarlamaanka waa la magacaabayaa, ma’aha in sideeda January la gaaro” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Waxa kale oo uu weerar toos ah ku qaaday madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni, isaga oo sheegay inuu qiyaameynayo Puntland, isla-markaana aan lagu aamini karin doorashada. “Anigu waxaa qabaaa in Saciid xitaa aan lagu aamini karin guddiga, waayo waad ogtihiin wixii uu Boosaaso la sameeyay” ayuu mar kale yiri Musharrax Xasan Shir Abgaal. Si kastaba, Deni oo muddo xileedkiisa uga dhiman yahay billooyin dhowr ah ayaa wajahaya culeyskii ugu xooggana, isaga oo muddo ku siman laba bilood ka maqan maamulka. The post “Hadii 8-da January ay dhici weyso doorasho, Puntland waa burbureysaa” sidaa waxaa yiri… appeared first on Caasimada Online.
