Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Taliyaha ciidanka Booliska maamul goboleedka Koonfur Galbeed G/ Sare Cabdi Ibraahim Shaamow ayaa shir gudoomiyay kulanka dar-dargelinta amniga Koofur Galbeed oo lagu qabtay magaalada Baydhabo iyo sidii ciidanka iyo shacabku u wada shaqeyn lahaayeen. Waxaa shirka kasoo qeyb galey saraakiisha Gobalka Baay iyo Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Qeybta 60-aad iyo Taliyaha Qeybta Gobalka Baay kan Dagmada Baydhabo iyo hogaanka xarunta dambi Baarista ee CID Intii uu kulankan socday waxaa looga hadlay dardar galinta Wajiga 2-aad ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al Shabaab ee deegaanada Koofur Galbeed iyo in Ciidamada Booliska ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro Al-shabaab. Kulankaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli kulan looga hadlaayay bilaabashada wajiga labaad ee dagaalka Al-shabaab, waxaana sidoo kale deegaannada maamulkaas ka socda dhaqdhaqaaqyo ciidan oo loogu diyaar garoobayo dagaalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Janaale (Caasimada Online) – Waraka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in xalay ciidamada dowladda Soomaaliya ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen duleedka degmada Janaale, kaas oo lagu beegsaday kooxda Al-Shabaab. Qoraal kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgalkaasi, ayada oo lagu shaaciyay in lagu fashiliyay qaraxyo mooto lagu waday. Dowladda federaalka ayaa sheegtay in ciidamada howlgalka sameeyay oo gaaray deegaanka Garilow ay soo dileen laba kamid ah xubnaha waday qaraxyadaasi. “Labo ka mid ah Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Qaranka ay ka sameeyeen xalay deegaanka Garilow hoos taga degmada Janaale ee Gobalka Shabeellaha Hoose” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya oo looga hadlay howlgalkaasi. Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu ay gacanta ku dhigeen hubkii ay wateen raggaas iyo qaraxyada oo ahaa bambaanooyin la doonaayay in lagu weeraro ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan halkaasi. “Ciidanka ayaa gacanta ku dhigay laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto ay wateen maleeshiyaadka la dilay” ayaa mar kale lagu yiri qoraalkan oo lagu baahiyay Internet-ka. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guulaha ka sheegatay dowladda federaalka Soomaaliya. Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxayna inta badan kasoo abaabushaa qaraxyo iyo weeraro qorsheysan intaba. The post Ciidamada ammaanka oo ka hortegay qaraxyo, kadibna dilay… appeared first on Caasimada Online.
  3. Dowladda Puntland ayaa soo saartay go’aanno u muuqda kuwa lagu cabburinayo siyaasiyiinta mucaaradka ah ee imaanaya Garoowe. Guddiga Nabad-galyada Gobolka Nugaal oo shir ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucay in ay hub iyo ciidan la soo galaan caasimadda. Guddiga ayaa sheegay in Amniga siyaasiyiinta imaaanaya Garoowe ay mas’uul ka tahay dowladdu islamarkaana aysan hub la soo geli karin gudaha magaalada. Guddiga Nabad-galyada Gobolka Nugaal ayaa sidoo kale tilmaamay in goobaha la isugu imaanayo ay amnigoda sugayaan ciidamada dowladda. PUNTLAND POST The post Puntland oo siyaasiyiinta mucaaradka ah ka mamnuucday in ay hub la soo galaan Garoowe appeared first on Puntland Post.
  4. Dagaallada hubeysan ayaa weli ka socda saddex goobood oo waaweyn oo ku yaalla koonfurta Israa’iil, kuwaas oo u dhexeeya dagaalyahannada Xamaas iyo ciidammada Israa’iil, kuwaas oo ka dhacay Kibbutz ee Karmiya, iyo magaalooyinka Ashkelon iyo Sderot. Sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas ayaa sheegay in kooxdan ay ku hayaan in ka badan 100 Israa’iiliyiin ah oo ku xiran Qaza, kuwaas oo kooxda gacanta u galay, kadib weerarkii lagu qaaday Koonfurta Israel maalintii sabtida aheyd oo weerar lagu ekeeyay. Diyaarada aan duuliyaha laheyn ee Israel ayaa wali sii wada duqeymaha k u dhacaya gudaha magaalada Qaza ee rayidku degan yahay, waxaana kasoo horjeeda dagaalamayaasha kooxda oo ay isku hayaan ilaa sedex goobood oo Koonfurta Israel dhacda. Milatariga Israa’iil oo la kulmay weerarro aad u adag oo ku guul daraystay in ay ka hortagaan weerarka, ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen inta badan xudduudda Gaza, ay dileen boqolaal qof, tobanaan kalena ay maxaabiis ahaan usoo qabteen. Warbixin uu qoray wargeyska Wall Street Journal ayaa lagu sheegay in Iran ay ka caawisay Xamaas inay qorshayso weeraradeeda lama filaanka ah ee ka dhanka ah Israa’iil dhamaadkii Isbuuca, laakiin howlgalka Iran ee Qaramada Midoobay. “Waxaan si adag u garab taaganahay taageerada aan kala go’a lahayn ee Falastiin, si kastaba ha ahaatee, kuma lug lahayn jawaabta falastiin sida ay u qaadato Falastiin lafteeda,” howlgalka Iran ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wargeyskaan. Dad gaaraya 2.3 oo malyan oo reer Falastiin ah ayaa ku nool Qasa. Ka hor duqeynta Israel ayaa Sabtidii u digtay dadka halkaa ku nool oo ay ku war gelisay in ay isaga baxaan aaggaas oo ay sheegtay in ay ka fulin doonto weerar aargoosi lagu yiri. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Diyaaradaha dagaalka iyo madaafiicda culus ayaa maalintii 3aad duqeyn xoogan ka wada magaalada Gaza, iyadoo ay sii kordheyso tirada dadka shacabka ah ee duqeyntan lagu dilay. In ka badan 400 shacab ah oo ay ku jiraan ugu yaraan 90 carruur ah ayaa ku dhintey duqeyntan, oo ay Israa’iil si badheedh ah ulla beegsaneyso guryaha ay shacabka degen yihiin. Goobaha la dumiyey ayaa waxaa sidoo kale kamid ah Iskoolada iyo waliba 4 Masaajid oo waaweyn. Israa’iil ayaa wada abaabulka ciidamo xoogan oo la sheegay inay gaadhayaan 100-kun oo ay doonayaan inay kusoo weeraraan gudaha Gaza, marka ay dhameeyaan duqeynta ay hada wadaan. Dagaalka Gudaha Israel Waxaa weli socda iska horimaadka u dhaxeeya dagaalyahanada Xamaas oo ay wehliyaan kuwa Islamic Jihad ee laba maalin kahor gudaha u galay qaar kamid ah magaalooyinka Israa’iiliyiinta degen yihiin ee ku dhaw Gaza, waxaana la sheegay in dagaalka uu weli ka socdo 7 goobood oo kala duwan. Tiradda dhimashada Israa’iiliyiinta ayaa illaa iyo hada la xaqiijiyey 600 balse waxaa la rumeysan yahay inay ka badan tahay 1000 sida ay sheegayaan warar maanta oo Isniin ah laga helayo dhanka Israa’iiliyiinta. Goob ay ka socotay xaflad oo ay ciidamada Xamaas galeen ayaa la sheegay in laga helay ugu yaraan 260 Israa’iiliyiin ah oo kamid ah dadkii damaashaadka u soo aaday xaflada heeso xili Israa’iiliyiinta u dabaaldegayeen mid kamid ah ciidahooda. Maxaabiista Xamaas heysato Xamaas ayaa sheegtay inay gacanta ku heyso in ka badan 100 Israa’iiliyiin ah oo ay kasoo qabteen magaalooyinkii ay galeen, kuwaasi oo ay ku jiraan Askar iyo waliba Saraakiil sare. Maxaabiistan ayaa la rumeysan yahay in lagu kala hayo goobo kala duwan ee gudaha magaalada Gaza ah. Arrintan ayaa la sheegayaa inay caqabad ku noqon karto duulaanka dhulka ah oo ay Israa’iil qorsheenayso inay ku qaado Marinka Gaza. Source
  6. Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa Axaddii ka jawaabtay weerarka lama filaanka ah ee Xamas ay ku qaaday Israa’iil, ayada oo ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayada oo qaadaneysa mowqif la mid ah kan Ruushka. “Shiinuhu wuxuu aad uga walaacsan yahay xiisadda iyo rabshadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israel ee kasii daraya. Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada ay khuseyso inay is dejiyaan, is-xakameeyaan, oo ay si deg deg ah u joojiyaan colaadaha, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah loogana fogaado in xaaladda ay sii xumaato,” ayuu yidhi afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha. “Habka aasaasiga ah ee looga bixi karo dagaalka waa in la hirgeliyo xal labada waddan, iyo in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Falastiin ay leedahay,” ayuu sii raaciyay afhayeenka. Sarkaal ka tirsan safaaradda Israel ee Biejing ayaa barta X ku qoray in Israel ay ka fileysay China cambaareyn xooggan oo ka dhan ah Xamas. “Marka dadka la dilayo, lagu gowracayo waddooyinka, ma ahan xilligii lagu baaqi lahaa xal laba dowladood ah,” waxaa sidaas weriyayaasha Axaddii u sheegay Yuval Waks oo ah sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Israel ee Beijing. Shiinaha uma aqoonsano Xamas urur argagixiso, balse wuxuu u arkaa urur iska caabin. Safaaradda Israa’iil ee Shiinaha ayaa sidoo kale ugu baaqday Beijing inay is-garab taagto Israel. “Waxaan sidoo kale rajeyneynaa in Shiinuhu uu taageero iyo garab istaag u fidiyo Israa’iil xilligan adag,” ayay safaaradda ku qortay barteeda X. Xidhiidhka dhaqaale ee Shiinaha iyo Israa’iil ayaa si weyn u ballaartay 30-kii sano ee lasoo dhaafay tan iyo markii ay labada dal sameysteen xiriir diblomaasi sannadkii 1992-kii, inkasta oo khilaaf siyaasadeed uu taagnaa. Khilaafyada ayaa waxaa ka mid ah kala aragti duwanaansho ku saabsan arrimaha Falastiiniyiinta la xidhiidha, xiriirka Shiinaha uu la leeyahay cadawga Israa’iil, sida Iran, iyo welwelka la xiriira amniga ee Israa’iil ee ku saabsan wareejinta teknolojiyadda gaarka ah ee Shiinaha. Source
  7. Siyaasadda muranka dhalisay ee dawladda Ingiriiska ee lagu joojinayo qulqulka muhaajiriinta ayaa toddobaadkan wajahaysa, mid ka mid ah caqabadaha ugu adag, iyada oo Maxkamadda Sare ee UK ay miisaamayso in ay sharci tahay in magangelyo-doonka loo diro Rwanda. Xukuumadda uu hoggaamiyo xisbiga Muxaafadka ahi, ayaa ka soo horjeedda go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Racfaanku bishi June ee sannadkan, kaas oo sharci darro ku tilmaamay, siyaasadda ay xukuumaddu ku doonayso inay ku hakiso qulqulka muhaajiriinta imanaya Britian. Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku sababaysay, inaanu ammaan ahayn dalkan ku yaalla bariga Afrika ee ay dawladda Britian doonayso inay u dirto muhaajiriinta. Waxaa la filayaa inay maalinta Isniinta ah ay bilaabanto dood sharciyeed saddex maalmood socon doonta, taasoo ay xukuumaddu ku difaacayso siyaasadeeda, isla markaana ay ku iftiiminayo in meelaha la geynayo muhaajiriintu inay ammaan yihiin, halka garyaqaano kala metelaya muhaajiriin ka soo kala jeeda Vietnam, Syria, Ciraaq, Iran iyo Sudan ay ku doodayaan in siyaasaddaasi ay tahay mid sharci-darro ah oo ka soo horjeedda bini’aadantinimada. Dooddan ka bilaabanaysa maxkamadda sare ee Britian ayaa ku soo beegmaysa, xilli ay dalalka Yurub iyo Maraykanku ay la daalaa dhacayaan inay la yimaaddan, hababka ugu wanaagsan ee loola tacaali karo muhaajiriinta ka soo cararaya colaadaha, gacan-ka-hadalka iyo cadaadiska ka jira dalalkooda. Dawladda Biritian ayaa ku qiyaasatay in intii ka horraysay bishan October 2-deedii inay dalka Britain ay doomo ku soo galeen illaa 25,000 oo qof, taasoo 25% ka yar tiradii sannadkii hore haatan oo kale soo gashay dalka Britain oo ahayd 33,000. Source
  8. Wararka ka imaanaya dalka Masar ayaa sheegaya in askari katirsan booliiska Masar uu rasaas ku furay dad dalxiisayaal ah oo ku sugnaa magaalada Alexandria ee dhacda badda Mediterranean-ka, halkaasi oo uu ku dilay ugu yaraan laba qof oo u dhashay Israa’iil iyo mid Masaari ah, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha. Telefishinka Extra News, oo xidhiidh dhow la leh Hay’adaha ammaanka Masar, ayaa soo xigtay sarkaal ammaanka ka tirsan oo aan la aqoonsan inuu sheegay in qof kale uu ku dhaawacmay weerarka, oo ka dhacay xarunta Pompey’s Pillar ee magaalada Alexandria. Askarigii weerarka geystay ayaa la sheegayaa in nolol lagu qabtay. Weerarkan oo shalay ahaa ayaa ku soo beegmay xilli Israa’iil ay duqayn ka geysatay marinka Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 250 qof iyo duulaanka Xamaas ku qaaday dhulka Israa’iil oo lagu dilay ilaa 300 Israa’iiliyiin ah. Source
  9. Mogadishu (HOL) - The Somali National Army killed two al-Shabaab militants in a military operation in the Garilow area, situated within the Janale district of the Lower Shabelle region, on Sunday night. Source: Hiiraan Online
  10. Beijing (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda Shiinaha ayaa Axaddii ka jawaabtay weerarka lama filaanka ah ee Xamas ay ku qaaday Israel, ayada oo ugu baaqeysa dhammaan dhinacyada inay muujiyaan is-xakameyn, ayada oo qaadaneysa mowqif la mid ah kan Ruushka. “Shiinuhu wuxuu aad uga walaacsan yahay xiisadda iyo rabshadaha u dhexeeya Falastiin iyo Israel ee kasii daraya. Waxaan ugu baaqeynaa dhinacyada ay khuseyso inay is dejiyaan, is-xakameeyaan, oo ay si deg deg ah u joojiyaan colaadaha, si loo ilaaliyo dadka rayidka ah loogana fogaado in xaaladda ay sii xumaato,” ayuu yiri afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha. “Habka aasaasiga ah ee looga bixi karo dagaalka waa in la hirgeliyo xal labada waddan, iyo in la dhiso dawlad madax-bannaan oo Falastiin ay leedahay,” ayuu sii raaciyay afhayeenka. Sarkaal ka tirsan safaaradda Israel ee Biejing ayaa barta X ku qoray in Israel ay ka fileysay China cambaareyn xooggan oo ka dhan ah Xamas. “Marka dadka la dilayo, lagu gowracayo waddooyinka, ma ahan xilligii lagu baaqi lahaa xal laba dowladood ah,” waxaa sidaas weriyayaasha Axaddii u sheegay Yuval Waks oo ah sarkaal sare oo ka tirsan safaaradda Israel ee Beijing. Shiinaha uma aqoonsano Xamas urur argagixiso, balse wuxuu u arkaa urur iska caabin. Safaaradda Israel ee Shiinaha ayaa sidoo kale ugu baaqday Beijing inay is-garab taagto Israel. “Waxaan sidoo kale rajeyneynaa in Shiinuhu uu taageero iyo garab istaag u fidiyo Israel xilligan adag,” ayay safaaradda ku qortay barteeda X. Xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo Israel ayaa si weyn u ballaartay 30-kii sano ee lasoo dhaafay tan iyo markii ay labada dal sameysteen xiriir diblomaasi sannadkii 1992-kii, inkasta oo khilaaf siyaasadeed uu taagnaa. Khilaafyada ayaa waxaa ka mid ah kala aragti duwanaansho ku saabsan arrimaha Falastiiniyiinta la xiriira, xiriirka Shiinaha uu la leeyahay cadawga Israel, sida Iran, iyo welwelka la xiriira amniga ee Israel ee ku saabsan wareejinta teknolojiyadda gaarka ah ee Shiinaha. VOA The post Shiinaha oo jawaab aysan fileynin ISREAL ka bixiyey dagaalka ay kula jirto Xamas appeared first on Caasimada Online.
  11. Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Janaale ayaa howlgal qorsheysan xalay ka fuliyeen waxaa ay ku sheegeen in deegaanka Garilow hoos yimaada degmada in lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab sidoo kalena looga furtay saanad ciidan. Howlgalka ayay saraakiisha ciidamada sheegeen in ay ku dileen laba kamid ah Al-shabaab ,iyagoo dhanka kale gacanta ku dhigay laba qori, Bambaanooyin iyo Mooto ay wateen xubnaha la dilay sida ay sheegeen saraakiisha howlgalka waday. Saraakiil ka tirsan ciidanka Qaranka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in howlgalkaan uu u dhacay sidii loo qorsheeyay,iyagoo sheegay in la Sii wadi doono howlgallada lagu xaqiijinayo amniga degmada Janaale iyo deegaannada hoos yimaada. Gobolka Shabeellaha hoose ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka socday howlgallo ay ciidanku ay ka wadaan, waxaana marar badan ka dhacay deegaannada qaar dagaal u dhaxeeya ciidanka dowladda iyo kuwa ATMIS iyo xoogagga Al-shabaab. Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka badan oo katirsan gobolada dalka kawada howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, waxaana xusid mudan in deegaanno badan laga saaray kooxda, kuwaas oo ka tirsan deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle. Source: goobjoog.com
  12. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa hoobiye saaka aroortii hore ku dhacay guriga Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed oo ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo ku yaalla degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir. Wararka ayaa sheegaya in hoobiye uu ku dhacay hoy uu xildhibaankan oo kasoo jeedo Koonfur Galbeed ku leeyahay xaafadda Dabaqiinka ee dgemadaas, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo qaaray qaar kamid ah carruurtiisa. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innnoo sheegay in goobta uu ku geeriyooday wiil uu dhalay Xildhibaanka oo lagu magacaabi jirauy Maxamuud Maxamed Keerow, ayada oo uu dhaawac soo gaaray wiil kale oo uu adeer u yahay oo lagu magacaabo Maxamed Warsame. Sidoo kale waxaa burbur xoog leh uu soo gaaray guriga xildhibaanka ee saaka lagu weeraray hoobiye, balse lama oga halka laga soo tuuray. Goobjoogayaal ayaa sidoo kale innoo sheegay in guri kale oo daris la ah xildhibaanka uu ku dhacay hoobiye kale, kaas oo isna gaystay khasaare kala duwan. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga iyo maamulka degmada Dharkenley oo ku aadan hoobiyeyaashaasi khasaaraha dhaliyay. Todobaadkii hore ayey aheyd markii sidaan oo kale hoobiyeyaal loogu garaacay xaafadda Taraabuushka ee degmada Wadajir, kuwaas oo ay khasaare kasoo gaareen dad rayid ah. Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane. Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka. The post Hoobiye ku dhacay guriga xildhibaan BF Soomaaliya ka tirsan + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  13. Siyaasadda muranka dhalisay ee dowladda Ingiriiska ee lagu joojinayo qulqulka muhaajiriinta ayaa toddobaadkan wajahaysa, mid ka mid ah caqabadaha ugu adag, iyada oo Maxkamadda Sare ee UK ay miisaamayso in ay sharci tahay in magangelyo-doonka loo diro Rwanda. Xukuumadda uu hoggaamiyo xisbiga Muxaafadka ahi, ayaa ka soo horjeedda go’aanka ay soo saartay Maxkamadda Racfaanku bishi June ee sannadkan, kaas oo sharci darro ku tilmaamay, siyaasadda ay xukuumaddu ku doonayso inay ku hakiso qulqulka muhaajiriinta imanaya Britian. Maxkamadda ayaa go’aankeeda ku sababaysay, inaanu ammaan ahayn dalkan ku yaalla bariga Afrika ee ay dowladda Britian doonayso in ay u dirto muhaajiriinta. Dowladda Biritian ayaa ku qiyaasatay in intii ka horraysay bishan October 2-deedii inay dalka Britain ay doomo ku soo galeen illaa 25,000 oo qof, taasoo 25% ka yar tiradii sannadkii hore haatan oo kale soo gashay dalka Britain oo ahayd 33,000. PUNTLAND POST The post Maxkamadda sare ee Ingiriiska oo go’aan ka gaaraysa siyaasadds Qaxootiga dalkaas appeared first on Puntland Post.
  14. Milatariga Israel ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khasaaraha ciidanka ee soo gaaray, tan iyo markii uu bilowday dagaalka Qaza maalintii sabtida, kaas oo sababay dheerida in ka badan 1000 qof oo shacab labada dhinac ah sida laga helayo xarumaha caafimaad. Bayaan laga soo saaray wasaardda difaaca Israel ayaa sheegay liis Cusub oo ay ku qoran yihiin geerida Magacyada 16 askari oo la dilay,kuwaas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigayso 73 askari, sida ay sheegtay wasaaradda difaaca oo soo saartay bayaanka. Hadalka kasoo baxay Israel ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Xamaas ay soo bandhigeen sarkaal sare oo ka tirsanaa milatariga, kaas oo magaciisa lagu sheegay Nimrod Aloni kadib iskahorimaadka Gaza ee ku bilowday gantaalaha lagu garaacay Waqooyiga iyo Koonfurta. Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa Sabtidii sheegay in dalkiisu uu dagaal culus kula jiro Xamas, hase ahaatee warkaasi muu ahayn mid rasmi ah, golaha wasiirrada ayaa rasmi ah ugu codeeyey go’aanka ku dhawaaqista dagaalka, kaas oo rasmi noqday. Xamaas ayaa wali sii wada goobaha ay beegnayaan ee dadka Yuhuudda ah, waxaana habeenimadii xalay la weeraray goob ay ka socotay xaflad, taas oo ay ka dhasheen khasaare xooggan, waxaan sidoo kale socda duqeymo ay geysanayaan diyaarada dagaalka Israel. Ciidamada Difaaca Israel ayaa sheegay in si taxaddar leh ay saaka u eegayaan xaaladda goobaha ay ku dagaallamayaan Xamaas.Ma jirto deegaameyn ka socota magaalooyinka waqooyiga Israel, laakiin dadku halkaa way isaga baxayaan, si ay uga baxsadaan duqeymaha. Source: goobjoog.com
  15. The rise in extremist groups and political instability in some of the Horn of Africa countries could undermine the efforts in addressing insecurity, piracy and drug trafficking, the Intergovernmental Authority on Development (IGAD), an East African bloc, said Sunday. Source: Hiiraan Online
  16. RIYADH: The Saudi aid agency KSrelief has distributed 3,600 school bags in the Somali districts of Waberi, Hamar Weyne, Hamar Jajab and Shangani, the Saudi Press Agency reported. Source: Hiiraan Online
  17. Flash floods caused by heavy rains on Wednesday have displaced 107,000 people in the Baidoa district in southwestern Somalia, the United Nations humanitarian agency said on Sunday. Source: Hiiraan Online
  18. Kenya has received Ksh2.5 billion ($17 million) in the past five years for its contribution to the Somalia peacekeeping mission (now known as the African Union Transition Mission in Somalia) whose mandate is set to end in December next year. Source: Hiiraan Online
  19. The representation office of Qatar Red Crescent Society (QRCS) in Somalia has launched the Drinking Water Trucking project to distribute potable water at camps of internally displaced people (IDPs) in Jubaland. Source: Hiiraan Online
  20. Khasaaraha ka dhashay weerarrada ka socda magaalada Qaza ayaa sii kordhaya, waxaana la warinayaa in geerida ay ka badan tahay 1000 qof oo labada dhinac ah, weerarkii Xamaas ay qaaday ee maalintii Sabtida, sida ay sheegayaan wararka laga helayo halkaasi. Weerarka lagu Israel ayaa lagu sheegay inuu ahaa mid uga darnaa dagaalkii October (6, 1973)- kii, kadib markii Sirdoonka Israel ay ku guuldareysteen in ay ogaadaan wax aka socday Qaza, ka hor inta aan circa, dhulka iyo badda aan looga imaan maalintii Sabtida aheyd. Soddon iyo lix saacadood ka dib markii ay bilowdeen dagaaladii ugu dambeeyay, waxaa wali laga soo ridayaa Qasa gantaallo lagu garaacayo koonfurta Israa’iil, waxaana xusid mudan in dagaalka ay ku jiraan Xisbullah oo weerarro ku qaaday shalay Koonfurta Israel. Barakac xoogggan ayaa ka socda Qaza, waxaana cabsi laga qabaa in magaalada ay wajahdo xaalad adag oo dhanka Korontada ah, Qaramada Midoobay ayaa sheeay in laga yaabo in Madoorada Kontada ay ka dhammaadaan Shidaalka, taas oo keenaysa Koronta la’aan. Maraykanka ayaa Markab uu leeyahay oo qaada diyaaradaha waxaa uu ku soo dhawaaday Israa’iil wuxuuna sheegay in uu hub badan soo diri doono, tallaabadaas oo Xamaas ay cambaaraysay kuna tilmaantay “gardarro” iyo taageero hal dhinac ah ee Israel. Israel ayaa la sheegayaa in ay qorsheynayso in duulaan dhulka ah ay ku qaado Qaza 48-saac ee soo aadan, Xamaas ayaa ku jirta difaac iyo sidoo kale weerarro ay ka geysanayaan goobo kale duwan taas oo adkeysay xaaladda ay wajahayaan Yuhuudda aagga Qaza. Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa maxbuus ahaan u qabatay Sabtidii Nimrod Aloni oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Israel, kadib iskahorimaadka Gaza ee ku bilowday gantaalaha lagu garaacay Waqooyiga iyo Koonfurta gudaha Israel. Source: goobjoog.com
  21. Somalia’s Finance Minister, Bihi Iman Cige, attended the 18th meeting of Horn of Africa Finance Ministers yesterday in Addis Ababa, Ethiopia. Source: Hiiraan Online
  22. The 31st edition of the Maralal International Camel Derby concluded on Sunday in Kenya's northern county of Samburu, with senior officials reaffirming their commitment to promoting cultural tourism growth. Source: Hiiraan Online
  23. Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress-ka Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ka hadashay dagaalk Ururka Xamaas ee Falastiiniyiinta iyo Israel, kaas oo galay maalintii 3-aad oo xiriir ah, isla-markaana geystay khasaare xoogleh. Ilhan Cumar ayaa si lama filaan ah uga hadashay dagaalkan, ayada oo cambaareysay weerarka culus ee ay Xamaas ku qaadday Israel. Sidoo kale waxa ay wax laga argagaxo ku tilmaamtay ‘in la laayo dadka aan hubeysneyn iyo afduub ay sheegtay inay gaysteen dagaalyahanada Xamaas. Waxaa kale oo ay ugu baaqday in labada dhinac ay dejiyaan xaaladda, kadibna ay sameeyaan xabad-joojin, si loo joojiyo dagaalka iyo dumaha ka socda halkaasi. Ilhan Cumar oo hadalkeeda sii wadata ayaa shaaca ka qaaday in dhankeeda ay sii wadi doonto u dhaq-dhaqaadida nabada iyo cadaalada barriga dhexe. Gabadhan xildhibaanada ah ee laga soo doorto Minnesota ayaa horey loogu eedeeyay Israel naceyb, iyada oo markaas loo arkayay nay taageerto Falastiiniyiinta, balse warkan ayaa dad badan layaab ku noqotay, maadaama ay ka hortimid guusha Ururka Xamaas. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in dhimashada dagaalka ay korortay, ayna gaartay dhanka Israle 700 oo qof, halka laga dhaawacay in ka badan 2,000 oo kale. Waxaa sidoo kale nolosha lagu qabtay askar iyo saraakiil u dhashay Israel, ayada oo jiraan shacab badan oo u gacan galay kooxda Xamaas. Falastiin ayaa dhankeeda dhimashada waxaa lagu qiyaasay 413 qof oo ay ku jiraan carruur, kuwaas oo ku dhintay duqeymo ay ciidamada Israel fuliyeen kadib weerarka lagu qaaday. The post Ilhan Cumar oo war lama filaan ah kasoo saartay dagaalka Xamaas iyo Israel appeared first on Caasimada Online.
  24. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa markale magaalada Dhuusamareeb isku arkay mucaaradka Koonfur Galbeed iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xubnaha Dhuusamareeb tegay waxaa ugu tun weynaa hoggaamiyihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo guddoomiyeyaashii hore ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari. Kulankaan wuxuu ahaa midkii labaad oo ay isku arkaan madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnahaan asbuuc gudihiis. Labada kulan waxaa u dhaxeeyay kulan dhexmaray madaxweyne Xasan Sheekh iyo Cabdicasiis Xasan Lafta-gareen. Xubnaha mucaaradka ah ee kasoo jeeda Koonfur Galbeed waxay ku dhaganaayeen in la fuliyo heshiiskii Baydhabo lagu gaaray horraantii bishii Febraayo ee sanadkaan. Heshiiskaas wuxuu dhigayay in doorashada Koonfur Galbeed bilaabato bisha soo aadan ee November ee sanadkaan 2023. Laakiin shalay waxay lasoo noqdeen go’aan aan ka fileyn madaxweyne Xasan Sheekh. Sida laga soo xiganayo mid kamid ah xubnaha mucaaradka ah ee Koonfur Galbeed ee Jimcihii la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu madaxweynaha u sheegay mucaaradka in wax doorasho ah ka dhaceyn Koonfur Galbeed illaa la gaaro bisha November 2024, taas oo ka dhigan in Xasan Sheekh ku dhagan heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee 27-kii May. “Dalku dagaal ayuu ku jiraa haddana uma soo jeedo doorasho ee aan dagaalka ka wada shaqeyno,” ayuu nagu yiri madaxweynuhu ayaa laga soo xiganayaa mid kamid ah xubnihii madaxweyne Xasan Sheekh kula kulmay magaalada Dhuusamareeb. Xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed markay arkeen mowqifka madaxweynaha waxay iyaguna u sheegeen inay mowqifkoodii hore sii wadayaan oo ay u socdaan magaalada Baydhabo, maadaama ay tahay magaaladoodii. Laakiin wuxuu Xasan Sheekh ka dalbaday in marka hore saxaafadda la hadlaan oo ay sheegaan inay aqbaleen in la sugo doorashada Koonfur Galbeed illaa November 2024, kadibna ay aadan Baydhabo, haddii ay taas diidaan wixii dhibaato ah oo ka dhasha socdaalkooda in uusan isagu masuul ka aheyn, waa sida uu hadalka u dhigay masuulkaasi kamid ahaa wafdigii madaxweynaha la kulmay. Wuxuu intaas ku daray in iyaguna ka cudur daarteen inay taas aqbalaan oo ay saxaafada sidaas u sheegaan, iyaga oo ku dooday inay yihiin rag deegaankooda u socda, sidoo kalena aanay doorashada ka tanaasuli karin. Kulankaan oo shan saacadood xiriir ah socday doodaha hareeyay waxaa kamid ah midda horeysa amniga iyo siyaasadda. Xubno kamid ah mucaaradka Koonfur Galbeed ayaa kala dooday madaxweynaha in marka hore laga heshiiyo siyaasadda kadibna looga gudbo ka wada shaqeynta amniga, laakiin madaxweynaha taas cagsigeeda ayuu qabay oo ah in aan dalka wax siyaasad ah iyo doorasho ah ka socon karin illaa laga adkaado argagixisada. Gunaanadka kulanka markii arrintu dhinac u dhici weysay madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed inay kulan kale iskugu yimaadan magaalada Muqdisho isla asbuucan, wallow ay mucaaradka Koonfur Galbeed rejo xumo ka muujinayaan waxa iska beddeli kara mowqifka madaxweynaha. Natiijada mucaaradka Koonfur Galbeed ay Dhuusamareeb kala soo noqdeen ayaa dhinaca kale waxay guul hordhac ah u tahay Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo aan isagu rabin inuu doorasho qabto. The post Xasan Sheekh ‘oo u deyriyay’ mucaaradka K/G iyo Lafta-gareen oo guul ka gaaray… appeared first on Caasimada Online.
  25. Helsinki (Caasimada Online) – Hooyo Soomaaliyeed iyo afar caruurteeda ah ayaa ku geeriyooday dab ku kacay gurigooda oo ku yaalla dalka Finland. Dabka ay ku geeriyoodeen hooyada iyo carruurteeda waxaa urka qiiqa dareemay oo ku soo baxay qoys daris la ah. Sida booliska laga soo xigtay waxaa kaliya ka badbaaday dabka waa aabbaha qoyska oo la sheegay in ay u suuragashay in uu ka baxo. Waxay boolisku sheegeen in hooyada iyo carruurta ay isla goobta ku dhinteen oo aan lagu gaarin iyagoo nool. Saacadihii dambe ee habeenkii Axadda ayuu dabka bilowday. Carruuta ayaa la sheegay in da’oodu ay ka yared 10 sano. Aabbaha badbaaday ayaa isbitaalka looga daaweeyay dhaawacyo dabka ka soo gaaray. Boolisku waxay shegeen in dhammaan qoyska ay u dhasheen Finland balse ay asalkooda ay ka soo jeedaan Soomaaliya. Dabka siduu ku bilowday? Dhismaha uu dabka ka kacay waxa uu ahaa guri dabaq ah, qoyskana waxay ka deganaayeen qeybta dhulka. Sida uu dabka ku bilowday mar ay ka hadleen boolisku waxay sheegeen in uu ka bilowday qolka laysku kululeeyo (sauna) kaas oo laga dhigay meel wax lagu keydsado, waxaana yaalay alaabo dabka degdeg ku qabsankaro. Qeybaha badbaadada ee gobolka Uusimaa waxay sheegeen in howsha badbaadada ay soo afjareen wax yar ka hor waabarigii. Ilaa 9 qeybood oo ayaa isugu yimid goobta. Madaxa howlaha samatabixinta ee bartamaha gobolka Uusimaa, Jorma Alho, waxa uu u sheegay warbaahinta Iltalehti in dabka uu guriga wada burburiyay. Qeybta dambi baristana Otkes waxay sheegeen in ay baarayaan dabka. Magaalada Vantaa waxay ku taal gobolka Uusimaa ee Finland, waxaana la sheegay in ay ku nool yihiin dadka gaaraya 245,384, waxayna taasi ka dhigeysay in ay tahay magaalada afaraad ee ugu dadka badan dalkaas. Dadkii yaqaannay qoyska wixii ay ka yiraahdeen Daniela Vainio oo deggan dabaqa shanaad ee dhismaha ayaa sheegtay in ay ku toostay qiiqa dabka iyado mooday in dabka uu ka kacay gurigeeda. Waxay kaloo sheegtay Daniela in qoyska dabka ku geeryoody ahaayeen dariskeeda ayna salaami jirtay marka ay iska horyimaadaan. “Si gaar ah isuma aqoon balse salaanta ayaa naga dhexeysay” ayey tiri Cabdiqaadir Axmed Macalin Qooje oo ka mid ah madaxda ururada Soomaalida ee Finland qoyska musiibada ku geeriyoodayna qaraabo la ah ayaa BBC-a uga warramay sidii ay wax u dhaceen. Wuxuu noo sheegay in qoyska ay hurdayeen markii uu dabka kacay. “Carruurta iyo hooyda waxaan u sababeynaa in ay u dhinteen qiiqa”. Waxaan kaloo weydiinay xaaladda aabaha qoyska ee badbaaday. Qooje wuxuu yiri: “Kama sheekeyn karo aabaha xaaladiisa, nin qoyskiisa waqti kooban ku waayay , afar carruur ah iyo hooyadood waad garan kartaa sida uu u murugeysan yahay” ayuu yiri. Soomaalida ku nool magaalada Vantaa iyo gobolka oo dhan ayaa isugu yimid si ay aabaha ugu tacsiyeeyaan iyagoo sheegay in ay la qeybsanayaan muragada. Qooje ayaa ugu baaqay dhammaan Soomaalida in ay ka soo qeybgalaan marka la aasayo hooyada iyo carruurta qoyska ee dabka ku geeriyooday. Sidoo kale wuxuu fariin u diray Soomaalida dalka ku nool ee guryahooda leeyihiin Soonada. “Waxaan dadka u sheegeynaa in ay hubiyaan oo ay damiyeen Soonada marka ay seexanayaan habeenki”, ayuu yiri Cabdiqaadir Axmed Macalin Qooje Warbaahinta gudaha dalka ayaa si weyn uga hadashay maanta qoyska Soomaaliyeed ee dabka ku dhintay. The post Xogta hooyo Soomaaliyeed iyo afar carruurteeda ah oo ku dhintay dalka Finland appeared first on Caasimada Online.