-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxaya wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay howlgal qorsheysan oo xalay ka dhacay deegaanka Shabeelow oo dhaca koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo lagu beegsaday Al-Shabaab. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada Xoogga dalka iyo saaxibada caalamiga ah, isla-markaana lagu qaaday xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ku dhuumaaleysanayay hawdka deegaankaas, sida ay hadalka u dhigay. Warsaaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inuu u dhacay sidii loogu talagay, isla-markaana uu kusoo dhammaaday si guul ah. Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay burburisay gawaarida siday xubno Shabaab ah, saanad, qaraxyo, cunto iyo daawo. “Hadafka koowaad ee hawlgalka ayaa ahaa burburinta gawaari wadday maleeshiyaad iyo Saanad dagaal oo isugu jiray Hub, Cunto, Daawo iyo Waxyaabaha Qarxa” ayaa lagu yiri. Sidoo kale qoraalkan ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu khaarijiyay ugu yaraan 20 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab ee isku uruursanayey halkaasi “Si dhamaystiran ayaa loo burburiyay gaadiidkaas waxaana goobta ku halaagsamay maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa oo gaaraya ilaa iyo 20 dhagarqabe” ayaa la raaciyay. Shabeelow ayaa waxaa maalmo kahor ka dhacay dagaal lagu hoobtay oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo dhaliyay khasaare soo kala galaya dowladda iyo Al-Shabaab. Gobollada dhexe ayaa waxaa haatan ka socda howlgallo culus oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deeganaka oo garab ka helaya saaxibada caalamiga ah. The post DF oo shaacisay in 20 Shabaab ah ay ku dishay Shabeelow appeared first on Caasimada Online.
-
Xisbiga UCID oo Badka soo Dhigay Tallaabo Xukuumaddu Qaaday oo sii Hurinaysa Sicir Bararka ka Taagan Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Keyse ayaa sheegay in xukuumaddu ay sabab u tahay sicir bararka ka taagan dalka. Waxa uu soo bandhigay warqad ay Xukuumaddu halkii foosto ee Shiidaal ahba ku saartay saddex doolar oo cashuur dheeraada oo ay soo rogtay Wasaaradda Maaliyaddu. Yuusuf Keyse oo qoraal dheer ka soo saaray arrintan ayaa walaac ka muujiyay saameynta adag ee ay shacbiga ku keenayso arrintani. Waxaanu qoraalkiisu u qornaa sidan:- “Iyada awalba aynu ogayn xaalada baaxaadaga iyo Daalaa-dhaca Xukuumada Xisbiga Kulmiye ee Hogaamintii iyo taladii dalka la Ciir-ciirsa Xag6 Dhaqaale iyo Xag Dhaqaaale . Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay iska Soo daba Dhacayay Fashilka Masuuliyadeed ee Xukuumadan, kaas oo Cidhiidhi Nololeed Galiyay Muwaadiniinta JSL gaar ahaan Danyarta . Fashilaadaha ugu waawayn ee Xukuumadan waxaa ka mid . > Sicir-bararka Xadhkaha Koostay ee Maciishada Iyo Shidaalka oo Mudooyinkii u danbeeyay kor u Socday Iyada oo aynu xogogaal u nahay Qiimo dhac ku Yimid Shilinka Somaliland, taas oo Sababtay in 𝟭𝟬𝟬 𝗗𝗼𝗹𝗹𝗮𝗿 ku sii Socda 𝗠𝗶𝗹𝘆𝗮𝗻 𝗦𝗵𝗶𝗹𝗶𝗻𝗸𝗮 𝗦𝗼𝗺𝗮𝗹𝗶𝗹𝗮𝗻𝗱 𝗮𝗵 Hadaba Iyada Duruufahaas oo Dhami jiraan ayaa Nasiib daro Xukuumadii Mar Kale wareegto Soo Saartay ay ku amrayso 𝗞𝗼𝗿𝗱𝗵𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗶𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗵𝗶𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮 Ugu danbayn waxaa marag-madoon ah oo Cadaatay Bulshada Somalilandna ay tahay in ku Baraarug sanaadaan In uu dalka ka socdo Sicir-barar ay Xukuumadu masuul ka tahay oo Cidna aanay joojin karin.” Qaran News
-
Daabacaada Buuga Liisamada Gaadiidka oo la Gaadhsiiyay Sanaag Hargeysa(Qaran news)-Xafladda Daahfurka Daabacada Liisamadda Wadista Gaadiidka Gobolka Sanaag ayaa waxaa ka soo qayb galay agaasimaha Waaxda Liisamadda iyo bugaagta Ayaan Cabdicasiis Maxamed, Agaasimaha Waaxda Daabacada iyo Waxsoosaarka Muuse Yuusuf iyo Isuduwaha Wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Gobolka Sanaag Xamse Haybe Cali. Munaasibadan oo uu Ka soo Qayb Galay Mayor Ku-xigeenka Degmada Ceerigaabo Cabdiraxmaan Maxamuud Maxamed (Gaadhi jiid). Waxaa halkaa hadal ka jeediyey dhamaan Masuuliyiintaa goobta ku sugnaa oo sheegay muhiimada iyo baahida Loo qabo Daabacaada Liisamada oo markii hore lagu soo Daabici jiray Caasimada Somaliland ee Hargeisa oo Sanaag u jirta in ka badan 700KM, Taas oo Gaadiidleyda Gobolka dhib ku ahayd. Gebagabadii bulsho weynta ku dhaqan gobolka Sanaag waxay maanta laga bilaabo ka heli doonaan oo loogu Daabici doona liisamadda Xafiiska Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Gobolka Sanaag Magaalo madaxdiisa Ceerigaabo. Qaran News
-
Aadan-yabaal (Caasimada Online) – Dagaal culus ayaa galabta ilaa caawa ka dhacay aagga deegaanka Budbud ee gobolka Galgaduud, kaas oo u dhaxeeyey Al-Shabaab iyo ciidamo is abaabulay oo dadka deegaanka ah. Dagaalkaas wuxuu ka dhacay deegaanada Ceelka-Jowle iyo Ceel Xasan Cali oo u dhow deegaanka Budbud ee Gobalka Galgaduud. Dagaalka ayaa qarxay galabta casir-liiqii, kadib markii ciidamo Macawiisley deegaanka ah ay kooxda Al-Shabaab ku weerareen goobo ay iska soo abaabulayeen. Sarkaal lagu magacaabo Hagar Barre Qanyare ayaa hoggaaminaya ciidanka weeraray kooxda Al-Shabaab, waxayna shaaciyeen caawa fiidkii inay guuleysteen. Saraakiisha ciidanka deegaanka ayaa sheegay inay soo afjareen kooxdii ay ku weerareen aagga deegaanka Budbud, isla markaana ay ka soo furteen hubkoodii. Weerarkaas oo gaadmo ahaa ayaa kooxda Al-Shabaab ku noqday filan waa, kadib markii lagu weeraray dhul howd ah oo iyagu ay weerar ka soo abaabulayeen. Xogta laga helay kooxdii Shabaab ee isku soo abaabuleysay halkaas waxay tilmaameysaa in kooxdu damacsaneed inay weerar cagmarin ah ku qaado ciidamo ka tirsan xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Cali Axmed ee gobolka Sh/Dhexe. Ciidanka xoogga dalka ayaa talis weyn ku leh deegaanka Cali Axmed, waxaana laga gortegay dhagar loo soo maleegay taliskaas, ciidamada Macawiisley ee weeraray kooxda ayaa sheegay inay soo afjareen Shabaab-kii ay galabta ku weerareen aagga Budbud. Maadaama ay tahay xili habeen ah, ilaa hadda lama soo bandhigin sawirro muujinaya maleeshiyaadka howlgalkaas looga laayey Al-Shabaab, balse saraakiishu waxay balan qaadeen inay saacadaha soo socda soo bandhigi doonaan sawirada Khawaarijtii ay laayeen. The post Dagaal culus oo caawa ka dhacay aagga Budbud iyo dhagar culus oo laga hor-tegay appeared first on Caasimada Online.
-
Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa ATMIS ayaa ka qeyb galay kulan looga hadlay dhameystirka dagaalka Al-shabaab oo lagu qabtay degaanka Lambar-Konton ee Gobolka Shabeellada Hoose. Kulankaas waxaa soo agaasimay maamulka Gobolka Sh/Hoose, waxaana ka soo qeyb galay saraakiil ka soctay talisyada guutooyinka 14-ka October, kumaandooska Gor-gor iyo Nabad sugida Qaranka ee NISA iyo saraakiil xoogga ag. Guddoomiyaha maamulka deegaanka Lambar-Konton Maxmed Maxamuud Abuukar oo kaalin muhiim ah ku lahaa qaban-qaabada howgallada ka dhanka ah Al-shabaab ayaa saraakiisha kaga mahaceliyay guulaha laga gaaray la dagaalanka. Kulanka oo saacado qaatay ayaa laga soo saaray go’aano dhowr ah, waxaana kamid ahaa in la kordhiyo weerarada ka dhanka ah Al-shabaab, iyadoo saraakiisha ciidamada la faray inay yeeshaan xiriir dhow oo siwanaagsan ay ula shaqeeyaan ciidanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guriceel (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa degmada Guriceel ku kormeeray cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka. Ciidankaan ayaa kasoo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen, waxayna hadda u diyaarsan yihiin inay ku biiraan howlgalka ka dhanka Khawaarijta Al-Shabaab ee ka socda dalka. Ciidankaan oo lagu kulmiyey xerada Harqaboobe ee duleedka degmada Guriceel ayay madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka ka dhanka Khawaarijta, kuna daydaan geesiyaasha maalmihii lasoo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah u dhigay Khawaarijta. Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidankan laga sugayo in ay Khawaarijta kala soo baxaan godadka ay dhuumanayaan. Ugu dambeyntii Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo khudbad dhiiri-gelin ah i jeediyey ciidanka ayaa sheegay in balantu tahay in ay socodka dambe isku arkaan deegaano cusub oo cadowga laga xoreeyey. Guutadaan oo lagu magacaabo Abuu-dujaana ayaa la isugu geeyey degmada Guriceel, waxaana la qorsheeyey inay Al-Shabaab kula dagaalamaan deegaanada ku aadan bariga degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud. Galmudug waxaa ka socda dagaalka ugu culus ee lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna qorshuhu yahay in maamulkaas uu noqdo kan ugu horeeya eek a xorooba Al-Shabaab. In kastoo Xasan Sheekh uu ku maqan yahay safar dibadda ah oo dalka Eritrea oo ugu amba-baxay maanta, hadana waa hoggaamiyaha dagaalak Shabaab, wuxuuna saldhig ka sameystay Dhuusamareeb. Hoos ka daawo Qoor Qoor The post Daawo: Qoor Qoor iyo Wasiir Jaamac oo Guriceel ku soo bandhigay ciidan xoog leh appeared first on Caasimada Online.
-
Ururka reer Falastiin ee Xamaas ayaa waxa ay sheegtay in ay maxbuus ahaan u qabatay shalay Nimrod Aloni oo ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidanka Milatariga Israel, kadib iskahorimaadka Gaza ee ku bilowday gantaalaha lagu garaacay Waqooyiga iyo Koonfurta Israel. Sawirka taliyaha oo garbaha la hayo lagana xayuubiyay dharkii darjo ee ciidanka ayaa la soo bandhigay kaas oo u muuqda in uu muujinayo in ay haystaan Falastiiniyiin, balse Israel ayaa sheegashada Xamaas ku sheegtay mid aan la xaqiijin karin, balse Mossad kama hadlin. Waxa uu dhowr jagooyin muhiim ah ka soo qabtay ciidamada millitariga ee Israa’iil ee loo yaqaano IDF, gaar ahaan ciidanka Depth Corps ee ka tirsan Ciidamada Difaaca Israa’iil, isaga oo noqday taliyaha qaybta 143 aad ee Gaza, iyo hawlgallada aagga Ramallah. Nimrod Aloni waxa uu dhashay 12 Luulyo sanadkii 1973-dii waxaa la waayay shalay oo ahayd 7-dii Oktoobar oo ciidamada ururka Xamaas ay weerar lama filaan ah ku ekeeyeen Israa’iil isla markaana ay gudaha u galeen, taas oo keentay in gacanta lagu dhigo. Dagaalka ka socda Qaza ayaa sidoo kale waxaa maanta uu ahaa mid duqeymo badan ay ka geystay Israel, halka dhanka kale Ururka Xisbullah uu gantaalo ku garaacay Waqooyiga Israel, taas oo dhalisay khasaare oo soo gaaray shacab ku noolahaa deegaannada. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xisbiga WADDANI oo ka Hadlay Barakicin Lagu samaynayo Dadka Degan Laynka Booliska oo la Iibinayo Hargeysa(Qaran news)-Xoghayaha Arrimaha Bulshada xisbiga WADDANI Maxamed Sidiiq Dhamme ayaa Xukuumadda ugu baaqay in aanay boob iyo xaraash ku baro kicin dadka degan Laynka Booliska Hargeysa. Qoraal uu soo saaray ayaa u qornaa sidan:- “Waxa hadda soo dhammaaday Shir Taliska Boolisku la yeeshay Guddi u badan Ciidan oo ah dadka degen Line-ka Booliska Hargeysa. Waxa la kala doorran siiyay $10,000 in la siiyo Qoyskii iyo in loo dhiso Guri jiingad 3 Maqsin ah dadka degen dhulka, Waxa ka biyo diiday Guddida dadka degen Line-ka Booliska nasiibadarro waxa la xidhay laba Sarkaal, waxaanu soo jeedinaynaa in Ciidanka loo celiyo Xorriyadooda Dhulkaasna aan la Xaraashin oo aan lagu barakicin Muwaadiniinta boob iyo Xaraash” Qaran News
-
Saylici oo Sheegay inay Xukuumaddu ku Dedaalayso ilaalinta Baddaha Somaliland Hargeysa (Qaran news) Madaxweyne ku xigeenfi0ka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa sheegay in qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ay masuuliyad weyni ka saaran tahay ilaalinta ammaanka, nabad-gelyada iyo horumarka baddaha Somaliland Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu sidaasi ka sheegay kulan uu daah-furay oo lagu gorfaynayay xoojinta amniga iyo horumarinta badda Somaliland, waxaanu soo jeediyay in meel looga soo wada jeesto difaaca ka faa’ideysiga badda dheer ee JSL leedahay Kulankan waxa ka soo qayb galay wasiiradda wasaaraddaha maalgashiga, xidhiidhka golayaasha, isbedelka cimilada, wasiir ku xigeenada arrimaha gudaha iyo caddaaalada, La-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha Badda, maareeyaha hay’adda Dekedaha JSL, guddoomiyaha guddida maamul wanaagga, agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha Dibedda, taliye ku-xigeenka booliska, Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, Dibloomaasiyiin ka socotey Safaaradda Taiwan iyo Saraakiil sare oo ka socotay EUCAP. Sidoo kale waxa uu xusay in kulankani marka uu dhammaado laga soo saari doono shuruuc dhameystiran oo lagu maamuli doono badda dheer ee Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu yidhi. “Somaliland waxa ay leedahay bad dhererkeedu ka badan yahay 850 Km, waajibaadka Caalami ahaan iyo Qaran ahaanba innaga saran, gaar ahaan baddeena, xoojinta maamulka, shuruuc dhammeystiran iyo xeerarka caalamiga ah oo dhammeystiran ayaa la innooga baahan yahay, ilaa hadda mahayno shuruuc dhammeystiran, balse waxaan wadna sidii loo dhammeystirilahaa shuruuc inoo gaara, lana jaanqaada shuruucda caalamiga ah Masuuliyad ayaa innaga saaran abniga baddeena, kana qayb qaadanaya abniga gobolka iyo ka caalamiga ah, baaxada baddeena waxa shaqo ku leh hay’addo iyo wasaaraddo badan oo dalku leeyahay, waxaana waajib ka saaran yahay inay wada shaqeeyaan, si ay ugutaan xilka Qaran, wixii qorshe ah ee looga baahan yahayna inay dhammeystiraan,” Madaxweyne ku xigeenku isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray.“Kulankani waxa uu qayb ka yahay aasaaska wada shaqaynta wasaaraddaha iyo hay’addaha kala duwan ee arrinkaasi khuseeyo, waxtar mihiimana wuu yeelan doona haddii ALLE qadaro, waxaa ka soo bixi doona xoojinta abniga iyo horumarinta badda Somaliland, meel aan uga soowada jeesano difaaca iyo ka faa’ideysiga baddeena,” Qaran News
-
Xukuumadda Muuse Biixi oo wada Olole weyn oo ay ku xaraashayso Dhulka danta gud ee Somaliland. Hargeysa(Qaran news)- Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi oo ku gudo jirta xiliga kala guurka ee la sugayo sannadka dambe ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka isa saarka ah ee madaxtooyada iyo ururrada, ayaa wada olole balaadhan oo ay ku faasaxayso dhulka danta guud. Waxa la sheegay in xukuumaddu ay ku wargelisay qoysaska ciidanka u badan ee degan Laynka bilayska ee Hargeysa inay ka baxaan guryahaas oo la siin doono jago iyo qadar yar oo lacag ah oo ay saluugsan yihiin. Sidoo kale waxa la sheegay in goobaha la iibinayo ee xukuumadda Muuse xaraashayso ka mid ah laanta koowaad ee baanka u dhow khayriyada Hargeysa. Sidoo kale waxay sanadkii u dambaysay iibisay guryo badan oo dawladeed, iyadoo lacagihii lagu iibiyayna aan lagu darin khasnadda dawladda iyo miisaaniyada midna. Si kastaba ha ahaatee waxay u muuqataa in madaxweyne Muuse oo aan wax yiddidiilo ah ka qabin in dib loo doortaa uu sifo sharciga baalmarsan u iibinayo hantida Qaranka. Qaran News
-
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo uu wehliyo wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa degmada Guriceel ku kormeeray cutubyo ka tirsan guutada 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo kasoo noqday fasaxyo gaaban oo ay ku jireen. Ciidankaan ayaa hadda u diyaarsan inay ku biiraan howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab eek a socda deegaannada Galmudug, gaar ahaan gobolka Mudug iyo deegaanno dhaca bariga gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug oo ka maqan gacanta maamulka. Ciidankaan oo lagu kulmiyey xerada Harqaboobe ee duleedka degmada Guriceel ayay madaxdu kula dardaarmeen in ay ka libin keenaan dagaalka, kuna daydaan geesiyaasha maalmihii lasoo dhaafay casharrada lama ilaawaanka ah ka dhigay gobolka Mudug. Wasiirka difaaca dalka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ciidankan laga sugayo in ay Al-shabaab kala soo baxaan godadka ay ku jiraan sida uu hadalka u dhigay xilli uu u jeediyay hadal dardaaran u muuqday wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga. Ugu dambeyntii Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo khudbad dhiiri-gelin ah i jeediyey ciidanka ayaa sheegay in balantu tahay in ay socodka dambe isku arkaan deegaano cusub oo Al-shabaab laga saaray oo ay hadda maamulaan kooxda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Beesha Duduble ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ku soo gabagabeysay shir uga socday shan maalmood, kaas oo ay kaga arrinsanayeen sidii loo xoreyn lahaa deegaanada beesha ee bariga gobolka Galgaduud oo Shabaab ay heystaan. Beesha ayaa soo saartay bayaan ka kooban sagaal qodob oo looga hadlay qorshaha xoreynta deegaanada beesha Duduble ay ka degaan Galgaduud. Ugu horeyn war-saxaafadeedka beesha ayaa lagu sheegay in shirkaan lagu soo gabagabeeyey Dhuusamareeb looga heshiiyey dhamaan wixii khilaafaad ahaa eek a jiray gudaha beesha. “Intii uu shirkaan socday waxaa ‘looga tashaday aayaha, midnimada iyo sidii la isaga kaashan lahaa xoreynta deegaanada ay Shabaab ka heystaan beesha Duduble,” ayaa lagu yiri hordhaca bayaanka. Senator-ka beesha Duduble, ahna wasiirka maaliyadda Galmudug Farxaan Cali Gaban ayaa hoggaaminayey shirkaan, waxaana bayaanka ka soo baxay qodob ka mid ah farriin loogu diray dadka ka soo jeeda beesha Duduble ee ku sugan dhulka uu Shabaab joogo. “Walaalaha ka dhashay beesha Duduble ee ku nool deegaanada ay Shabaab ku dhuumaaleystaan, waxaan ka codsaneynaa inay isaga fogaadaan Khawaarijta, maadaama dagaalka kooxda loo adeegsa doono cudud ciidan oo aad u culus,” ayaa lagu yiri nuqul ka mid ah bayaanka. Beesha Duduble ayaa bayaankaan ku cadeysay inay ku heshiiyeen in la abaabulo ciidamo deegaanka ah, si ciidamada qaranka loogu garab siiyo dagaalka Al-Shabaab. “Waxaan si buuxda u garab taaganahay dagaalka uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh ee Khawaarijta looga xoreynayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug, gaar ahaan deegaanada ay degto beesha Duduble,” ayaa lagu yiri bayaanka. Xubnaha kale ee beesha Duduble ka dhashay ee dagaalka aan soo gelin ayaa bayaankaan looga codsaday inay ku soo biiraan halganka deegaanada beesha looga xoreynayo Al-Shabaab, sidoo kale waxaa bayaankaan loogu tacsiyeeyey ciidankii iyo masuuliyiintii beesha looga dilay dagaalkii Ceel-lahelay. Hoos ka daawo The post Daawo: Beesha Duduble oo hal arrin ka codsatay dadka uga sugan gudaha Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay Munaasabadda Khatinka iyo Ducadda Tacsida Allaha u nasriixto Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Ahaana Duqii Muqdisho Marxuum Cali Ugaas Cabdulle oo 2-dii October 2023 ku geeriyooday Magaalada Muqdisho. Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, Guddoonka G/Banaadir, Culuma’udiin, qeybaha Dhaqanka, Siyaasiyiin, Haweenka iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada ayaa ka qeyb galay Munaasabadda Khatinta iyo Ducada Tacsida AUN Xaaji Cali Ugaas Cabdulle. Marxuum Cali Ugaas Cabdulle ayaa dhowaan waxaa uu ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana todobaadkaan caasimadda ka socday Duco iyo Qur’aan Akhris loo sameynayay marxuumka, iyadoo uu khatintinkii maanta ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin kale duwan uu ugu horeeyay Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Cabdi Barre iyo Guddoomiye Madaale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Ethiopia mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa Addis Ababa ku qaabilay safiirka Jaamacadda Carabta ee Ethiopia Mudane Ambassador Dr. Walid Hamed iyo safiirka Germany ee Ethiopia Ambassador Spephan Auer. Labada Danjire ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta Amb Cabdullaahi Warfaa iyo Amb Dr. Walid Hamed ayaa kulankooda uga wada hadlay kobcinta xiriirka qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Jaamacadda Carabta, waxaana Ambassador Walid uu sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay Dawladda Soomaaliya garab buuxa ugu siin lahaayeen dagaalka ay kula jirto Al-shabaab. Docda kel, danjire Warfaa ayaa kulan is-afgarad kusoo dhamaaday la yeeshay safiirka Dawladda Germany ee Ethiopia , iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya labada dal, waxayna isla qaateen in Dawladda Germany ay mashaariic maalgashi ka fuliso Soomaaliya, isla markaana ay sii dar-dar geliso arrimo badan oo ay xiligan ka caawiso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Goobjooj News Source: goobjoog.com
-
Gaza (Caasimada Online) – Weerarka Xamaas shalay ku qaadday degaannada ay Israa’iil ka haysto Falastiin oo ahaa kii ugu waynaa tan iyo dagaalkii Oktoobar ee ay Masar ku qaatay Israa’iil 1973 wuxuu dirayaa fariimo sedax ah; 1- In Sirdoonka Israa’iil oo lagu tiriyo kuwa dunida ugu xirfadda sareeya ay heli waayeen xogta weerarka, taasoo ka dhigan in awoodda sirdoon iyo hawlgal ee Xamaas ay aad u sarayso. 2- Sanadihii danbe waxaa socday daddaalo lagu go’doominayo Falastiin, iyadoo xoogga la saaray caadiyenta xiriirka dawladaha Carabta iyo kuwa Islaamka kala dhexeeya Israa’iil, waxaa kaloo shacabka Falastiin la saaray cunaqabatayn, gaar ahaan kuwa Gaza, iyadoo dhanka kale cadaadis la saaray dawladihii taageerayey, iyo kuwii marti geliyey madaxda Xamaas iyo ururada kale ee halganka ku jira. Weerarka wuxuu kala daadinayaa daddaaladaas oo idil. 3- Jawaabta laga bixiyey weerarka, gaar ahaan xukuumada Falastiin ee ay Fatax hoggaamiso waxay cadayn u tahay wada shaqaynta kooxaha Falastiin oo markii hore meel fog kala taagna iyo in dhinaca isku tashadeen, meelna iska dhigeen taageero iyo talo ay debada ka sugaan. Dhanka Israa’iil ayaa waxaa bilihii la soo dhaafay ka aloosnaa kala qaybsanaan, is nac iyo dhiilo siyaasadeed oo aad u wayn. Nathanyaho oo xagjir baxsad ka ah dacwad musuq oo loo haysto ayaa xukunka qabsaday, isagoo isbahaysi la galay kooxo diineed aad u mayal adag, kuwaasoo doonaya in birta laga aslo waxay ugu yeereen calmaaniyiinta libaaraalka ah, meeshana laga saaro kala saarida Diinta iyo dawlada iyo kala madax-banaynta hay’adaha seddaxda, si taasi u hirgashana garsoorka la hoos keeno laanta fulinta, diinta Yuhuuddana sideeda loo dabaqo, Carabtana laga sifeeyo siyaasadda Israa’iil, kooxaha Falastiina lugta la mariyo. Haddaba, waxaa isku soo beegmay reer Falastiin oo derbiga lagu geeyey, naf iyo nolol loo diiday, albaabka rajadana laga xiray iyo Israa’iil oo si ba’an u qaybsan. Weerarka Xamaas wuxuu wax wayn ka bedeli doonaa loollanka juqraafi siyaasadeed ee Bariga Dhexe, wuxuu gilgili doonaa siyaasdaha gudaha ee dawladaha carabta iyo ku qasbayaa in ay wax iska bedelaan siyaasada caalamka, gaar ahaan reer Galbeedka ee ku aaddan arrinta Falastiin iyo Israa’iil. Waxaa kaloo taa xoojinaya aalada warbaahinta bulshada oo xaqiiqooyin badan debada soo dhigtay, aragti kale ku kordhisay wacyiga bulshooyinka reer Galbeedka, iyo quus laga joogo xagjirka talada Israa’eel qabsaday oo daboolka ka qaaday hagardaamooyinkii daboolnaa. Bal okorta, waxaad arki doontaa Alle qaadkii khawaarijtaa ahaa ee Soomaalida boqol boqolka u dili jiray oo farriin soo duubaya, iyagoo leh “Alaahu Akbar, walaalaheen Xamaas ayaa guulaystay, inaguna waan guulaysan doonaa. W/Q: Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur The post Weerarka Xamaas ee Israel oo diraya saddex farriin culus appeared first on Caasimada Online.
-
Deegaano ku yaalla Gobolka Saaxil oo Laga Dhagax dhigay Shan Ceel Biyood Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka wasaaradda horumarinta biyaha Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan), ayaa degaanka Kala-jab ee gobolka Saaxil ka dhagax dhigey 5 ceel biyood oo kuwa dhaadheera, iyo 35 Km oo beebabka biyaha qaada ah. Mashruucan biyo balaadhinta tuulo Barwaaqo ee degmada Berbera waxa iska kaashanaya, wasaaradda horumarinta biyaha JSL, dowladda hoose ee degmada Berbera iyo Sheekh Nayaal Rashiid Seyf oo dhashay dalka Masar, isla markaana ku deeqay mashruucan. Sidoo kale wasiir Cali Mareexaan waxa uu sheegay in guud ahaan dalka oo dhan bari ilaa galbeed ay ka socdaan mashaariic biyood, waxaanu intaas ku daray in dalka oo dhan olole biyood oo xooglihi uu ka socdo, waxaanu tilmaamay in biyuhu ay kordheen ilaa boqolkiiba laba boqol, marka Miyiga iyo magaalooyinka la isku darro.Waxaanu yidhi.“Shanta ceel oo kaliya maaha ee waa ilaa beebabkii oo 35 Km noqonaya, shanta ceel iyo qalabkoodaba waxa lagu xidhi doona biyo balaadhinta magaalada Berbera, waxaana loogu tallo galay qaybta galbeed ee magaalada, garoonka diyaaradaha iyo meelaha ku dhaw, oo biyihii magaaladu aanay gaadhi jirin, xagga Galbeed ayay magaalada ka soo geli doonaan, mashruucan waxa innoogu deeqay muwaadin Masri ah, mashruucani waa mid balaadhan. Berberi waa magaalo halbowle ah, waa magaalo kulul, waa magaalo biyo badan u baahan, dadka oo kaliya maaha ee xoolo badan ayaa ka dhoofa, Maraakiib badan ayaa timid, dhismayaal cusub ayaa ka socda, marka markasta waxa ay u baahan biyo, guud ahaan dalka bari ilaa galbeed mashaariic biyood ayaa ka socda, ama caalamka halaga keeno oo dowladdu cid waraaqo haw qorto oo ha codsato ama miisaaniyada halagu darro, olole xoogle oo dhanka biyo gelinta ah ayaa ka socda dalka, biyuhu waxa ay kordheen ilaa boqolkiiba laba boqol, marka Miyiga iyo magaalooyinka la isku darro.” Qaran News
-
Wasiirka Warfaafinta oo Hortagay Guddida Joogtada ee Guurtida Hargeysa(Qaran news)-Wasirka wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wecyigalinta Somaliland Mudane, Saleebaan Yuusuf Cali (Koore ) ayaa sheegay in xukuumaddu ku guuleysatey in idaacaddi weyneyd ee dalka oo dhan wada gaadheysey la kiciyey, isla markaana lagu guuleystey in la cilad tiro, waxaanu xusay in idaacaddaasi xiligan hawada gashey oo si wacan u shaqeyneyso, waxaanu intaas ku daray in Barnaamijyadeedii kala duwanaa ee ka bixi lahaa la diyaarinayo oo gacanta lagu hayo, waxaanu tilmaamay in idaacaddan weyn laga dhegeysan karo Dalalka Bariga Dhexe iyo Afrikaba. “Waxaanu dadaal iyo tacab badan galinay in aanu idaacadii hore dib u kicino, oo dabagal ku sameyno wixii cilad bixina ee ay u baahan tahay, waxkasta oo aad doonto in aad hirgelisaana wakhti ayay qaadanayaan, balse hadda waxa aanu joogna in aanu ku guulaysanay idaacadii weynayd, oo ay hawada gashay, si deg deg ahna loo bilaabi doono barnaamijyadeedii iyo wax soo saarkeedii, waxaanu gacanta ku hayna iyada oo laga dhageysanayo bariga dhexe iyo Afrika inteeda kale, meel fiican ayay noo maraysa, Idaacadaha sidaasi ayay kuwii horena inoogu diyaar yihiin kuwii FM-kuna dalka oo dhan ayay kawada shaqeeyaan, idaacada Qur’aankuna 24-ka saac gobolkasta way ka shaqaysaa, tii weyneydna laba toddobaad gudahood ayaa qorshahayagu yahay in aanu hawada ku gelino” Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in horumarka la taaban karo TV-ga Qaranku ku talaabsaday, isla markaasna daawashadiisii kor u kac weyn ku yimid marka loo eego xiliyadii hore, kaasi oo barnaamijyadiisa ka baxa shacabku si weyn ugu xidhan yahay Gudo iyo dibadba. Geesta kale waxa uu daboolka ka qaaday in kor u qaadis lagu sameeyey aqoonta suxufiyiinta ka howlgala warbaahinta dowladda, halka sidoo kalena wasirku xusey in ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA uu ku howlan yahay horumarinta iyo kor u qaadista aqoonta warbaahinta kala duwan ee dalka, iyadoo sidoo kalena wasiirku tilmaamey in Suxufiyiinta howlgabka ah kana howlgali jirey hay’addaha warbafainta dowladda masuuliyiinta hay’adda shaqaalaha dowladu gacanta ugu hayaan sidii loo daryeeli lahaa shaqalahaasi howlgabka ah. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble oo ka hadlay dagaalka Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday kuwo ka muhiimsan oo ay tahay in dowladda ka horeysiiso dagaalka ay ku jirto. Cosoble ayaa qoladaas ku sheegay kuwa sida tooska ah ama dadban u xagal-daacinaya howl-galka ciidanka, si aan cadowga looga adkaan, uuna dagaalkana sameyn horumar lagu soo afjaro kooxda Al-Shabaab. “La-dagaalanka Khawaarijta waxaa ka horreeya kana muhiimsan la-dagaalnka kuwa sida tooska ah ama sida dadban u xagal-daaciya howlgalka CXD ee dagaalka ka saaraya ciidanka ama qaska ka dhex abuuraya ciidanka taagan furinta,” ayuu Cali Cosoble ku yiri qoraal uu soo saaray, oo uu ku baahiyay bartiisa Facebook. Sidoo kale waxa uu ku yiri qoraalkiisa “Waxaa jirta maah maah caan ka ah Masar oo dhaheysa ‘Ilahow anagaa iska ilaalineyna cadawgee naga ilaali saaxiibka’. Saaxiibka waa kan ku dhex jira ciidanka ee xogta u gudbinaya cadawga ama tashwiishka ku dhex furaya ciidanka si ay u kala jabaan ama sababaya iney ciidanka ka baxaan difaacii ay ku jireen.” Cosoble ayaa soo jeediyay in cid alaala ciddii xogta ciidanka u gudbisa cadowga lagu maxkamadeeyo furinta, islamarkaana taliyeyaasha ciidanka iyo hoggaankooda loo siiyo amar buuxa arrinkaasi. Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran; La-dagaalanka Khawaarijta waxaa ka horreeya kana muhiimsan la-dagaalnka kuwa sida tooska ah ama sida dadban u hagaldaaciya howlgalka CXD ee dagaalka ka saaraya ciidanka ama qaska ka dhex abuuraya ciidanka taagan furinta ee ku jira dagaalka ama difaaca uga jira dhulka la qabto. Waxaa jirta maahmaah caan ka ah Masar oo dhaheysa ‘Ilahow anagaa iska ilaalineyna cadawgee naga ilaali saaxiibka’. Saaxiibka waa kan ku dhex jira ciidanka ee xogta u gudbinaya cadawga ama tashwiishka ku dhex furaya ciidanka si ay u kala jabaan ama sababaya iney ciidanka ka baxaan difaacii ay ku jireen. Sow tii xilliga lagu jiro difaaca askarigii qas ka sameeya furinta isla furinta lagu saari jiray maxkamad militari isla goobtana lagu toogan jiray? Taliye wata ciidan kun nin ah oo furinta taagan oo aan tallaab ka qaadi karin basaas ku dhex jira ciidanka ama mid wax qasaya, muxuu taliye ka yahay? Ciidankase sow ma aha iney fahamsan yihiin iney ku jiraan dagaal ay dalkooda ku xoreynayaan naftoodana ku waayi karaan, sidaa darteedna aan indhaha laga qabsaneyn, lana cafineyn basaas, qas wade iyo fuleyga cadawga dhabarka u jeediya? Nidaamka, shuruucda iyo xeerarka ciidamada xilliga lagu jiro dagaalka wey ka duwan yihiin kuwa xilliga nabadda ee intaa ma ogin miyaa, mase ma awoodno inaan fulinno? Sida keliya ee la xaqiijiyay dunida oo idil ee xilliga dagaalka waa sidaa. The post Cosoble: Dagaalka Shabaab waxaa ka muhiimsan la-dagaalanka kuwa… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya oo maanta dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ku go’doomay colaadda dalka Sudan. Muwaadiniintaan oo ka kooban caruur iyo waalidiintooda oo ku noolaa dalka Sudan ayaa ka gudbay xadka dalkaasi uu la leeyahay dalka Ethiopia, kadib markii dagaaladdu ka curteen dalkaasi Sudan. Xafiiska Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soogalootiga iyo Xuquuqda Caruurta ugu qaabilsan Madaxweynaha JFS, Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda IOM ayaa iska kaashaday soo celinta muwaadiniintaan oo si nabad ah uga soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Howl-wadeenada xafiiska ergeyga gaarka ah ee arrimaha soo-galootiga ayaa garoonka magaalada Muqdisho si weyn ugu soo dhaweeyay muwaadiniintaan dalka dib loogu soo celiyay maanta. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii uu billowday dagaalka Sudan ku howlaneyd sidii dalkaasi looga soo daad-gureyn lahaa muwaadiniinta Soomaalida ah, si dib loogu soo celiyo dalkooda, loogana badbaadiyo dhibaatooyinka ka jira dalkaas. Tan iyo markaas dowladda ayaa marar kala duwan dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Sudan, kuwaasi oo laga dejiyay magaalada Muqdisho iyo Garoowe. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa muujinaysa inay ka go’an tahay dib-u-soo-celinta iyo badbaadinta muwaadiinta Soomaaliyeed ee ku go’doonsan dagaallada ka socda dalka Sudan. The post Sawirro: DF oo maanta dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin Soomaaliyeed appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Sanaag iyo Booliska oo ka Hadlay Shaqaaqo xalay ka Dhacay Ceerigaabo Ceerigaabo,(Qaran news)- Maamulka gobolka Sanaag iyo ciidanka booliska ee gobolkaasi ayaa sheegay magaalada Ceerigaabo tahay nabadgelyo isla markaana aanay jirin wax halis ku ah ammaanka gobolka. Badhasaabka gobolka Sanaag Axmed Cabdi Muuse ayaa sheegay inay xalay koox shufto ah oo khamriileyaal ahi ay soo weerareen ciidanka booliska isla markaana ciidanku iska difaaceen weerarkaasi. Badhasaabku wuxuu sheegay in aanay waxba ka jirin waxyaabaha been abuurka ah ee laga faafinayo magaalada. Taliyaha booliska Gobolka gaashaanle dhexe Muuse Xasan Kaahin ayaa sheegay in magaalada ay degan tahay isla markaana aan la ogolayn in khamri lagu dhex arko magaalada, wuxuuna tilmaamay in werarkaasi ay jiraan dhawr askari oo ku dhaawacmay. Taliyuhu wuxuu ugu baaqay shacbiga reer Cerigaabo midnimo iyo inay wada ilazliyaan nabadgelyada. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidanka Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya oo hore loo oran jiray AMISOM, haddana loo yaqaano ATMIS ayaa gacanta ku haya goobaha muhiimka ah ee dowladda. Goobahan ayaa kamid ah garoonka diyaaradaha, Madaxtooyada, Dekedda Muqdisho iyo xeradda Xalane oo ay ku yaallan inta badan safaaradaha reer galbeedka ku leeyihiin Soomaaliya iyo goobo kale. Dhowr iyo tobankii sanno ee ay joogeen Soomaaliya waxay kaalin ka qaateen in Soomaaliya ka baxdo kumeel-gaarka ah, in madaxda adduunka usoo bareerto imaatinka Soomaaliya, in xukunka si nabad ah lagula kala wareego, in diyaraado caalami ah usoo bareeraan ka shaqeynta Soomaaliya iyo in argagixisada laga difaaco illaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya, maadaama Soomaaliya ay ku jirtay dib u dhis ciidan. Joogista ciidanka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo sidoo kale leh qeybo badan oo taban ayaa haddana weli lagu kala aragti duwan yahay xilliga ku habboon inay baxaan. Dhismaha ciidan qaran oo Soomaaliyeed oo la wareega masuuliyadda amniga ayaa socday tobankii sano ee lasoo dhaafay. Heshiis ay dowladdii madaxweyne Farmaajo la gashay Midowga Afrika iyo dalalka kaalmeeya ciidanka ATMIS ayaa dhigaayay in ciidanka ATMIS ay guud ahaan ka baxaan Soomaaliya daba-yaaqada 2024. Iyada oo Farmaajo uusan si adag ula diririn argagixisada ayuu haddana dhinaca kale doortay inay baxaan ciidanka Midowga Afrika. Dad badan ayaa weli raadinaya waxa qarsoon ee uu damacsanaa, wallow ay jiraan dad aaminsan inuu rabay in uu keensado ciidamo Itoobiyaan iyo Eriteriyaan iskugu jira oo isaga toos uga amar qaata uuna ku fushan karo wixii uu doono oo siyaasad ah, maadaama ciidanka Midowga Afrika aan dano gaar ah loo adeegsan karin oo ay yihiin ciidan sharciyeysan oo ka amarqaata ururka Midowga Afrika iyo dalalka reer galbeedka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu yimid xafiiska argagixisada oo ka xoog badan halkii uu kaga tagay iyo ATMIS oo lagula heshiiyay inay ka baxdo dalka. Wuxuu qaaday dagaal si uu guud ahaan dalka ula wareego inta aanay bixin ciidanka Midowga Afrika oo goobo badan gacanta ku haya. Sida muuqata dagaalku weli waqti badan ayuu u baahan yahay, waxaana dowladda dhexe ee Soomaaliya soo baraarugtay dagaalkii oo wejigii koowaad weli ku jira iyo ciidankii Midowga Afrika oo bixitaankii bilaabay, waana midda keentay in dhawaan codsadaan in bixitaanka dib loo dhigo inta ay dowladda Soomaaliya ka xaqiijineyso guusha dagaalka. Dad badan ayaa qaba in aan weli la gaarin waqtigii saxda ku ahaa bixitaanka ciidanka Midowga Afrika, taas bedelkeedana loo baahan yahay in marka hore kaalin ka qaatan dagaalka socda iyo in argagixisada si buuxda loo wiiqo. Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle waxa uu dhawaan taageeray in dib loo dhigo xilliga ay Soomaaliya ka baxayaan ciidanka ATMIS. Madaxweyne Geelle ayaa u sheegay TRT World in haddii ay baxaan ciidanka ATMIS iyada oo xaaladda waxba iska beddelin oo aanay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya guullo wax ku ool ah ka gaadhin argagixisada inay dhici karto xaalad jahwareer ah oo lamid ah middii Afghanistan. Labada waddan ee Kenya iyo Jabuuti ayaa hore u muujiyay walaaca waxa ka dhalan kara haddii ay baxaan ciidanka ATMIS iyada oo Soomaalida diyaar aheyn, waxayna taas bedelkeeda ka fikirayaan inay Soomaaliya geeyaan ciidan ka baxsan ATMIS. The post Xasan iyo kooxdiisa oo kal dambe ku baraarugay halista bixitaanka ATMIS appeared first on Caasimada Online.
-
Asmara (HOL) - Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Asmara on Sunday for his fourth working visit since last year. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Cabdulqaadir Axmed (Firdhiye) oo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, ayaa halkaasi ka wada kulamo kala duwan. Mudane Firdhiye ayaa maanta booqday xarunta dhexe ee hay’adda maareynta musiibooyinka qaranka ee SODMA, ayada oo halkaas oo kusoo dhaweeyay guddoomiyaha hay’adda Maxamuud Macallin Cabdulle oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan. Hoggaamiyaha oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha fulinta maamulkaas iyo ergeyga gaarka ee gargaarka u qaabilisan hoggaamiyaha ayaa kulan la qaatay madaxda hay’addq SODMA. Waxay uga mahad-celiyeen hoggaanka hay’adda SODMA gargaarkii ay kal hore gaarsiisay dadkii ka barakacay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool ee maamulkaas iyo dhawaacyadii ay ka soo qaaday. Intaas kadib hoggaamiye Firdhiye ayaa ka warbixiyay baahiyaha gargaar ee ka taagan deegannada SSC, isaga oo ka codsaday in hay’adda SODMA sii waddo hawlaha gargaar oo wali baahi badan ay u qabaan shacabka halkaa ku nool. Sidoo kale waxaa shirka qayb ka ahaa wasiirka wasaaradda tiknoolajiyadda iyo isgaarsiinta Jaamac Xasan Khaliif oo dhankiisa ku ammaanay hay’adda Maaraynta sida ay ugu gurmatay shacabka gobolka Sool. Firdhiye oo Jimcihii soo gaaray Muqdisho ayaa sidoo kale waxa uu kulan gaar ah la yeeshay madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Sabtidii shalay kusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib laba bil oo uu ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug. Xasan Sheekh iyo hoggaamiye Firdhiye ayaa ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda Laascaanood iyo sidoo kale qaddiyada SSC-Khaatumo. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa inoo sheegay in kulanka sidoo kale diiradda lagu saaray sidii ay dowladda dhexe taageera buuxda usiin laheyd SSC oo horay ugu dhawaaqday maamul ka madax-banaan Somaliland, kadib dagaalladii ka dhacay aagga magaalada Laascaanood. Kulamada ayaa lagu ballamay inay sii socdaan, maadaama uu yahay wada-hadalkii ugu horreeyay ee ay yeeshaan xubnaha maamulka cusub ee SSC iyo dowladda dhexe. Cabdulqaadir Firdhiye ayaa sidoo kale horay ula kulmay ra’iisul wasaare Xamza Cabdii Bare oo ay ka wada-hadleen isla qaddiyada SSC iyo dagaalka ka socda Laascaanood. Ra’iisul wasaare Xamza ayaa madasha in xukuumadda federaalka Soomaaliya ay u taagan tahay ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed iyo in wixii khilaafa ee jira lagu xalliyo miiska wada-hadalka. Hoggaamiyaha SSC ayaa Muqdisho u yimid sidii uu ula kulmi lahaa madaxda sare ee dalka iyo qaar kamid ah wakiillada Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay caasimadda, si uu ugala hadlo xaaladda magaalada Laascaanood oo ay horay uga dhaceen dagaallo culus. Si kastaba, Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xilligaan muhiimad siineysa shacabka SSC oo awood isaga saaray ciidamadii Somaliland, sidoo kalena dhawaan sameystay maamul ay ku mideysan yihiin. The post Sawirro: C/qaadir Firdhiye oo kulamo ka wada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
