-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka, gaar ahaan kuwa dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigay laba nin oo ay sheegtay in kooxda Al-Shabaab u geeyeen gaari dowladeed. Labadan nin oo lagu kala magacaabo Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed ayaa sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47. Sida ay sheegtay hay’adda, waxay labadaan nin markaas u dhaqaaqeen dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe, si ay kooxda Al-Shabaab uga iibsadaan hantida dowladda ee lagu aaminay. Cabdifataax iyo Xasan ayaa kula heshiiyay kooxda in la siiyo lacag dhan 20-kun dollar, kadib marka ay u gacan galiyaan gaariga ay iska laheyd wasaaradda biyaha iyo tamarta Jubbaland, hase yeeshe taasi ma dhicin, sida ay sheegtay hay’adda. “Kahor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay hay’adda. Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay ayaa waxay sheegtay NISA in hadda wax walbo ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga. “Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen argagixisada kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku dhuumaalaystaan Khawaarijta balse taasi waxba kama rumoobin oo waxa ay ahayd sheeko khadka taleefanka ku dhexmartay argagixisada iyo raggan khiyaanada Qaran ku kacay,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka. Hay’adda ma shaacin sida raggaan ugu soo gacan galeen ciidamada hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka, hase yeeshe wararka qaar ayaa sheegaya in labadaan nin la soo qabtay kadib markii ay kasoo laabteen Jilib. The post Sawirro: NISA oo qabatay darawal Shabaab u gacan galiyay gaari dowladeed appeared first on Caasimada Online.
-
Garowe (HOL) - Puntland opposition candidates are urging the regional parliament to abstain from any actions that could potentially incite a political and security crisis in the Puntland regional state of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Israel ayaa duqeyn xooggan ka fulinayso Gaza kadib weerarkii ay Xamaas ka fuliyeen goobo ay Israa’iiliyiintu ka degan yihiin hareeraha magaalada Gaza horraantii todobaadkan. Khasaaraha, dhanka Isra’eil waxaa la sheegayaa 1,200 oo u badan shicib, dhaawacuna uu kor u dhaafay 3,000, halka duqeynta diyaaradaha Isra’il ay dileen ilaa hadda in ka badan 1,000 oo Falastiiniyiin ah, dhaawacana uu intaasi ka badan yahay. Sida ay UN-ka sheegayaan in ka badan 200,000 ayaa ku barakacay gudaha Gaza kuwaas oo 10% ka ah dadka ku nool Gaza oo gaaraya in ka badan labo milyan. Korontada, biyaha iyo cunnada ayaa gabaabsi ah, waxaana laga digayaa in ay ka dhabeeyaan sheegidda ah in ay lug ahaan kusoo weeraraan ay uga dari doonto xaaladda banii’aadnimo iyo waxyeellada rayidka. Arrimahan dhacaya waxaa barbar socda dunida oo kala qeybsan, reer galbeedka oo leh Israeil waxaa ay ku jirtaa dagaal xaq ah, taasi oo sharciyad siinaysa wax walba oo ay ka sameeyaan iyo dalal bariga ah oo leh reer Gaza waxaay ay go’doon ahaayeen muddo dheer, in ay is difaacaana waa sharci. Laakin labadaasi ra’yi dhexdooda iyo Hamaaz oo ah jabhad hubeysan waxaa khatar galaya nolasha malaayiin rayid ah. Khubarada Israel waxaa ay ku sheegeen in Tal aviv ay soo afjari doonto guud ahaan Hamaaz ayna gudaha u geli doonto magaalada Gaza, taasina waxaa ay keeneysaa in la isweydiiyo halka ay aadaan dadka halkaasi ku nool, waxaana soo ifbaxay in fursaddan ay tahay middii ay Israael sugaysay 60 sano ah oo ah in Falastiiniyiinta ay dal ka helaan bariga Webiga Urdun(Urdun) ama Sinaay(Masar). Ra’yiga in Falastiiniyiinta loo raro Urdun: Urdun iyo Falastiin waxaa wada xukumayay boqorka Urdun wixii ka horeeyay sagaameeyadii qarnigii hore, iyada oo boqorka uu kala saaray laba maamul 1987, taasina ay u gogol xaartay mashruuca dowladda Farlastiin 1988. Ariel Sharon ayaa fikraddan ma bilaabay 1882-dii isaga oo u sababeeyay in boqorka Urdun ka talin jiray labada daan ee webiga si toos ah inta u dhaxeysay 1950-1967, waxaa ayna firkadda ah in Falastiiniyiinta loo raadiyo dhul kale ay soo noqnoqotay muddo dheer. Keliya qorshaha dhul ama dal kale oo ay deefaan loogu raaciyo dadka Falastiiniyiinta ah kuma koobna Urdun, ee waxaa marar badan lagala hadlay madaxda Masar, weliba ilaa saddex madaxweyne oo kala duwan. Markii ugu horreysay Israel ayaa usoo jeediyay Masar in ay siiso ilaa 1,000 KM oo ka tirsan dhulka Siinaay, firkaddan oo ay hor dhigeen madaxweynihii hore Xusni Mubaarak, waa uu iska diiday. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Shirweynihii Mucaaradka Puntland oo mudda laba maalmood ah socday ayaa maanta ku soo xirmay magaalada Garoowe. Shirka waxaa looga arrinsaday maaraynta Marxaladda hubanti la’aanta ah ee ka taagan siyaasadda Puntland gaar ahaanna arrimaha doorashada 2024 waxaana geba-gabadii laga soo saaray War-murtiyeed qodobaysan. “Wuxuu shirku go’aamiyey in aanay Puntland muddo kororsi ka dhici karin, taas oo aan ognahay wixii laga soo maray. Maadaama mudada xil haynta ee Baarlamaanka iyo Xukuumadda ay ka harsan tahay muddo kooban, waxaa shirku isku raacay in doorashada keli ah la qaban karaa ay tahay 66dii xildhibaan ee beeluhu soo xulan jireen” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka. “Shirku wuxuu Isimadda Puntland ugu baaqayaa inay doorkoodii shariifka ahaa qaataan soona xulaan xubnihii Baarlaamaanka sida ugu dhakhsaha badan. Shirku wuxuu soo jeediyey haddii Dowladdu qaadan weydo doorkii fududeynta doorashada in uusan dalku firaaq Dastuuri ah geli doonin”. “Shirku wuxuu bogaadinayaa halgankii iyo guushii bulshada SSC-khaatumo, wuxuuna soo jeedinayaa in la tixgeliyo rabitaanka bulshada SSC-khaatumo, waxaana bulshada kale ee Puntland ku boorineynaa inay laba-laaban taageeradii naf iyo maalba lahayd ee ay la garabtaanaayeen walaalohood” ayuu sii raaciyay War-murtiyeedka. Halkaan ka akhriso War-murtiyeedka PUNTLAND POST The post War-murtiyeed ka soo baxay Shirkii Mucaaradka Puntland oo Garoowe ku soo xirmay appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya oo la wareegtay hoggaaminta shirweyne caalami ah
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaahira (Caasimada Online) – Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa shir-gudoomiyay kulan weynaha 70-aad ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Shirkan oo ka dhacay caasimada Masar ee Qaahira ayaa waxa ka qeyb-galay madax kala duwan oo ka socday dalalka caalamka iyo kuwa hay’adaha QM ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka, iyada oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh. Shirka oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa looga hadlayaa sidii loo sii amba-qaadi lahaa hiigsiga horumarinta caafimaadka, guud ahaan bariga iyo bartamaha, iyada oo la hubinayo gaarsiinta caafimaad dhamaystiran guud ahaan gobolka. Soomaaliya ayaa madaxda ka qeyb-gashay shirkaan la wadaagtay walaaca ay ka qabto xaaladda ka taagan dhulka Falastiin, tan iyo Sabtidii markii ay Xamaas dagaal qorsheysan ku qaaday Israel. Wasiirka Caafimaadka Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ku baaqay in la joojiyo colaadda, islamarkaana la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyay horumarada laga sameeyay caafimaadka Soomaaliya, maadaama bulshada Soomaaliyeed muhiimad gaar ah u leedahay adeeg caafimaad oo tayo leh, “ayada oo la raacayo nidaamka hirgelinta adeegga caafimaad oo loo dhan yahay.” “Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa ka go’an helitaanka caafimaad dhamaystiran oo tayo leh, islamarkaana ka hirgala guud ahaan dalka si loo gooro yoolka dowladda ee hagaajinta iyo xoojinta nidaamka Caafimaadka Soomaaliya” Si kastaba, Kulan weynahan ayaa inta uu socdo waxa looga hadli doona mowduucyo kala duwan oo muhiim ah, waxaana la soo gaba-gabeyn doona maalinta Khamiista. The post Soomaaliya oo la wareegtay hoggaaminta shirweyne caalami ah appeared first on Caasimada Online. -
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku ridday laba eedeysane, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay dil u geysteen marxuum lagu magacaabi jiray Marxuum Yusuf Cabdi oo ganacsade ahaa. Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed ayaa October 19-keedii u baxay dilka Marxuum Yusuf Cabdi Axmed oo ahaa Beeraley lagu dilay Number 50 beertiisa xilli habeen ah. Muuse iyo Cumar ayaa ka tirsan ciidamada xoogga dalka, waxa ayna marxuumka dilkiisa ka hor ka qaateen $17,300 oo dollarka maraykanka ah. Cali Cumar oo hooyadiis uu mar qabi jiray marxuumka aabihiis ayaa aaminsan in ay dhaxal wada leeyihiin, waxaana hore u jiray muran u dhexeeyay Cali iyo Marxuum Yusuf. Muuse Cali Nuur oo hore abaal marin ugu helay dilka khawaarij uu si gaar ah u u gaarsaday ayuu isticmaalay Cali Cumar oo qorshaha lahaa. Waxaana wadihii mootada geeyay Beerta iyo rag kale oo marxuumka u ahaa shaqaale ay qaraaba hoose yihiin Maxkamadda ka sheegeen 15-kii bishii February ee sanadkaan in dilka ay wada gaysteen Muuse iyo Cumar. Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskaas, fadhiyo kala duwan ka dib, Maxkamadda Darajada koowaad ayaa Labo iyo labaatankii bishii February ee sanadkan ku xukuntay Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed dil toogasho ah. Qareenada u doodaayay eedeysanayaasha ayaa qaatay racfaan ka dib xukunkii dilka ahaa ee lagu riday. Maxkamadda sare ee Ciidamadda ayaa aqbashay dalabkii racfaanka ahaa ay soo qaateen qareenada Sadaxdii bishaan, Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu danbayn maanta ku raacday xukunkii dilka ahaa ee horay ugu xukuntay. Maxakamadda Darajada Koowaad Ciidamadda Muuse Cali Nuur Axmed iyo Cali Cumar Axmed, sida uu warbaahinta u sheegay Janaraal Liibaan Cali Yaroow Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Ciidamadda Qalabka Sida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
New York (Caasimada Online) – Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP ayaa ku baaqday in la sameeyo waddooyin ammaan ah oo la mariyo gargaarka bini’aadanimo ee la geynayo marinka Gaza, taasi oo ay isticmaali karaan shaqaaleheeda iyo gargaarka ay wadaan. Bayaanka ay soo saartay WFP ayay ku sheegeen inay billaabeen, hawl-gal degdeg ah oo ay doonayaan in cunto lagu gaadhsiiyo in ka badan 80,000 oo qof oo ku nool marinka Gaza iyo Daanta Galbeed, kuwaasi oo haatan aan haysan adeegyada aasaasiga ah, sida cuntada iyo biyaha. WFP ayaa intaas ku dartay inay qaybiyeen cuntooyin diyaar ah, taasi oo ay gaadhsiiyeen illaa 73,000 oo qof oo ku nool marinka Gaza. WFP ayaa sheegtay inay ka walaacsan tahay xaaladda cunto yaraanta ee ka jirta Gaza, iyada oo haatan ay gabaabsi yihiin, cuntooyinkii yaallay meheradaha ganacsigu, kadib markii ay Israa’iil ku dhawaaqday inay gebi ahaanba go’doominayso deegaankan. Israa’iil ayaa sheegtay inay tallaabadan u qaadayso, si ay uga falceliso weerarkii Sabtidii. Waxaa xidhan dhammaan xuduudaha iyo marinada u dhexeeya Gaza iyo Israa’iil, taasi oo ay WFP sheegtay inay sare u sii qaaday xannibaadaha dhinaca gargaarka bini’aadanimo. The post QM oo soo saartay dalab cusub oo la xiriira GAZA kadib markii Israel ay… appeared first on Caasimada Online.
-
Ciidamada Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta soo bandhigtay Cabdifataax Nuur Cabdullaahi iyo Xasan Cabdulaahi Maxamed oo sagaalkii bishii koowaad ee sanadkan magaalada Kismaayo kala goostay Gaari TOYOTA Hartop ah oo ay lahayd Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta Jubbaland iyo qori AK47 iyagoo ula dhaqaaqay dhanka degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe si ay Al-shabaab uga iibsadaan hantida Dowladda ee lagu aaminay. Ka hor inta aysan ka bixin magaalada Kismaayo waxa ay xiriirro kala duwan la sameeyeen koox ka tirsan Khawaarijta kuwaas oo ku hagayey halka iyo goobta ay ku wajah-naayeen, waxaana lagu ballamay in la siin doono lacag dhan 20,000$ balse ay wax walbo is bedeleen markii ay tageen degmada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe. Cabdifataax Nuur Cabdullaahi oo ahaa darawalkii gaariga ahaana maskaxdii barnaamijkan sida weyn uga shaqaysay hadda wax walbo waxa ay ku noqotay filan-waa iyo amakaag maadaama uu gacanta ugu jiro hay’adaha amniga. Waxay haysteen heshiis afka baarkiisa ah oo ay la galeen Al-shabaab kaas oo ahaa in ay heli doonaan lacag dhan 20,000$ iyo damaanad ah in ay xornimo ku mari doonaan dhulka ay ku ka taliyaan Al-shabaab, ka hor inta aysan usoo galin gacanta ciidanka Nabad sugidda iyo sirdoonka dowlad goboleedka Jubbaland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya howlgallo culus iyo duqeymo ay maanta ciidamada Soomaaliya iyo saaxibada caalamiga ah ka sameeyeen qaybo badan oo kamid ah gobolllada Jubbooyinka ee dowlad goboleedka Jubbaland. Howlgallo ay saameeyeen saacadihii lasoo dhaafay ciidamada kumaandooska Danab oo kaashanaya darawiishta Jubbaland ayaa waxaa lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen xubnaha Al-Shabaab oo ku yaalla gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Taliyaha ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee ciidanka Danab, Gaashaanle Carab Axmed Dheeg oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay ku beegsadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen dhulka hawdka ah ee gobolkaasi, ayna khasaare ku gaarsiiyeen. Sidoo kale waxa uu tilmaamay inay burburiyeen fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen, isla-markaana ay kasoo abaabuli jireen weerarada iyo qaraxyada, sida uu hadalka u dhigay. Dhanka kale, wararka ka imaanaya isla Jubbooyinka ayaa sheegaya in howlgalladan ay barbar socdeen duqeymo diyaaradeed oo lala beegsaday Shabaabka ku sugan halkaasi. Duqeymaha ayaa waxaa lagu garaacay degmooyinka Jilib, Bu’aale, Saakow iyo deegaano kale oo hoostaga Jubbooyinka, isla-markaana ay joogaan xubnaha kooxda Al-Shabaab. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in duqeymaha lagu garaacay goobo uu shir uga socday Al-Shabaab iyo saldhigyo ay ku leeyihiin halkaasi, balse ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka soo gaaray weerarkaasi dhanka cirka ah ee lagu qaaday. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa halkaasi, kuwaas oo ay wadaan labada dhinac. Jubbooyinka ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyada kooxda Al-Shabaab, waxaana inta badan ka dhaca dagaallo iyo duqeymo diyaaradeed oo khasaarooyin gaysta. HALKAN HOOSE KA DAAWO The post Howlgallo iyo duqeymo culus oo ka dhacay gobollada Jubbooyinka appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe: 11 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland Madaxweynaha Dowladda Puntland Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: 1. Waxaa Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland 2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay. DHAMMAAD The post Xaaji Bikiin oo loo magacaabay Wasiirka Amniga Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magacaabay wasiir cusub, kadib wareegto uu soo saaray. Deni ayaa xilka wasiirka amniga iyo DDRTA ee maamulka goboleedka Puntland u magacaabay Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin), sida lagu sheegay wareegtada. Madaxweynaha ayaa sheegay inuu la tashaday ku xigeenkiisa, sidoo kalena uu aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo aragnimadiisa uu ku xusay wasiirka cusub ee amniga Puntland. “Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 43 ee 11-ka October, 2023, kuna saabsan magacaabid Wasiirka Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri wareegtada ay shaacisay madaxtooyadu. Qoraalka ayaa intaasu kusii daraya “Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad. Markuu la tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland. Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo. Wuxuu xeeriyey: in Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDRTA Dowladda Puntland”. Sidoo kale digreetadan ayaa waxaa lagu xusay inay dhaqan-gashay isla maanta, maadaama uu saxiixay madaxweynuhu. “Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay” ayaa mar kale lagu yiri. Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bikiin) ayaa beddalaya Cabdisamada Galand oo bishii June ee sanadkan 2023-ka xilka uu ka qaaday madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Magacaabista wasiirka cusub amniga Puntland ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, isla-markaana ay xiisad xoogan oo ka dhalatay muranka doorashada ay ka taagan tahay maamulkaasi, gaar ahaan magaalada Garoowe oo ay hadda ku sugan yihiin xubnaha mucaaradka oo dhaq-dhaqaaqyo ka dhan ah madaxweyne Deni ka wada magaaladaasi. The post DENI oo wasiirka amniga Puntland u magacaabay Ibraahim Xaaji Bikiin appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye iyo wasiirka gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehliyaan wasiir kuxigeenka Warfaafinta Al cadaala iyo masuuliyiin kale ayaa kormeeray rugaha Ciidanka ee koonfurta gobolka Mudug oo socdaal ay ku marayaal. Wasiirka gaashaandhigga dalka Cabduqaadir Maxamed Nuur oo la hadlay cutub ka tirsan Guutada 27aad ee Abuu dujaana ee qeybta ka ahaa xoreynta Magaalooyinka muhiimka ah ee Koofurta Mudug ayaa ku amaaney in ay furimaha kusii nagaadeen xili fasax gaaban la siiyey ururadii kale ee guutada. Madaxwaynaha Galmudug ahmed Cabdi kaariye QoorQoor ayaa sidoo kale ciidankan ku amaaney go’aanka ay ku difaacayaan dadkooda, dalkooda, iyo diintooda, waxaana la sheegay in la joogo xilligii loo midoobi lahaa dagaalka ka dhanka Al-shabaab oo hadda ka socda deegaannada maamulka Galmudug. Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo safar ku maraya deegaannada dhaca Koonfurta gobolka Mudug ayaa waxaa uu booqday magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyne oo dhowaan laga saaray Al-shabaab, isaga oo halkaas kula hadlay shacabka magaalooyinkaas uu ka dalbaday in ay qeyb ka qaataan howlgallada. Maamulka Galmudug waxaa si xowli uga socda howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, oo Koonfurta gobolka Mudug looga soo saaray deegaanno dhowr ah, waxaana lagu wadaa in bariga gobolka Galgaduud laga bilaabo oo ay dowladdu ku daabushay ciidankii ugu badnaa ee duulaan qaaday abid. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hoggaamiyaha Laascaanood Cabdiqaadir Firdhiye ayaa lagu qaabilay safaaradda shiinuhu ku leeyahay magaalada Muqdisho. Mr Firdhiye ayaa la kulmay madaxda shiinaha oo uu safiirku ugu horreeyo, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen arrimo ku saabsan xaaladda degmada Laascaanood. Shiinaha ayaa muddooyinkii dambe lagu eedaynayay inuu taageero siiyo kooxaha ka dagaallama Laascaanood, kulankan ayaana ka dhigan in Shiinuhu ka badheedhayo kaalinta uu kulahaa dagaalka Laascaanood. Xidhiidhka Somaliland iyo shiinuhu uu saddexdii sano ee u dambeeyey sii xumaanayay, iyada oo uu shiinuhu dhawr jeer warbaahinta mariyay hadallo ka dhan Somaliland. Xiisadda Shiinaha iyo Somaliland ayaa ka dhalatay xidhiidhka saaxiibtimo ay Somaliland la yeelatay dalalka Taiwan iyo Maraykanka oo xafiiltan badani ka dhexeeyo Shiinaha, taas ayaana loo aanaynayaa in Shiinuhu uu ku lugyeesho colaadda ka dhacday magaalada Laascaanood. Ugu dambayn xukuumadda Somaliland iyo saaxiibadeeda beesha caalamka ayaa isha ku haya kulankan xasaasiga ah ee ka dhacay magaalada Muqdisho. Source
-
Weerarkii Xamaas ay ku qaadday Israa’iil Sabtidii waxay wararku sheegayaan in ay u adeegsatay in ka badan 4000 oo gantaal, kuwaasoo qaarkood ay gudaha shishe u galeen Israa’iil, ayadoo sax ahaanshaha liishaankoodana uu aad uga sarreeyey sidii hore. Tan iyo markii la aasaasay ururkaas 1987, garabkooda milateriga ee ay shaqadiisu aad u sir badan tahay wuxuu ka soo gudbay marxaladda maliishiyada, wuxuuna u shaqeeyaa sidii “milateri habaysan”. Xiisadda Falastiin iyo Israa’iil u dhaxaysa intaa way sii kordhaysay, Xamaasna waxay soo saartay gantaallada Qassam. Waa gantaallo gacan ku samays ah, waxaana u ah shidaal Sokor la fadhiisiyey. Badankood muddo yar ayey hawada ku jiri jireen, qiyaastii wax aan ka badnayn dhowr mayl, mararka qaarna Qasa gudaheeda ayey ku dhici jireen, khasaare bandanna ma geysan jirin. Markii Israa’iil ay ka baxday Qasa 2005, Xamaas waxay rakibteen warshad qarsoodi ah oo ay ka heleen saaxiibadooda Iran iyo Suuriya, sida uu sheegayo milateriga Israa’iil. Qalabka laga sameeyo gantaallada, waxyaabaha qarxa, biro iyo mishiinno ayaa soo gaadhay Qasa, ayagoo badankood ka soo galay xudduudda Masar. Khubaradu waxay sheegayaan in la soo marsiiyey godad dhulka hoostiisa ku yaalla oo hoos mara gacan biyoodka Siinaay, ilaa Qasa laga yimaado. 2007 markii dagaalyahannada Xamaas ay maamulka Falastiiniyiinta ka saareen Qasa ayaa Israa’iil iyo Masar waxay ku soo rogeen xayiraad aad u adag, waxaana la burburiyey godad badan. Khubaradu waxay sheegayaan in Falastiiniyiintu iminka leeyihiin aqoon iyo farsamo ku filan. “Maanta gantaallada aan aragno badankood waa kuwo gudaha lagu sameeyey, oo farsamo hal abuurnimo lehna loo adeegsaday” ayuu yidhi Fabian Hinz oo ah khabiir daraaseeya gantaallada bariga dhexe. Dukumentari ay sii deysay Al Jazeera ayaa waxaa ka muuqday Xamaas oo isku xidhxidhaysa gantaallo ridadoodu gaadhayso ilaa 50 mayl, kuwaasoo sida waxyaabaha qarxa oo culayskoodu gaadhayo 174 kiilo. Si gantaal loo sameeyo, farsamo yaqaannada kiimikada ee Xamaas waxay shidaalka gantaallada ku daraan dawooyinka bacrinta, kiimikooyin, iyo waxyaabo kale. Waxay kaloo isticmaalaan tubooyinka (qasabadaha) biyaha. Weli waxaa la aaminsan yahay inay jiraan godad dhulka hoostiisa ah oo ay isticmaalaan Xamaas. Milateriga Israa’iil waxay qiyaasayaan in dagaalka iminka socda intii aanu bilaaban ay Xamaas haysatay ilaa 7000 oo gantaal oo riddadoodu kala duwan tahay, isla markaana gaadhi kara Isra’iil oo dhan. Waxaa kaloo loo malaynayaa inay haystaan ilaa 300 gantaal oo ah kuwa taangiyada iyo 100 kuwa dayaaradaha ah. Ilaa tobanaan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah iyo 30,000 oo askari oo ay ku jiraan 400 ciidanka badda ah ayaa la rumaysan yahay in Xamaas ay leedahay. Dagaalka iminka socda ayey Xamaas ku soo bandhigtay hub cusub oo ay ku jiraan dayaaradaha bilaa duuliyaha ah, gujisyada ayna cidna wadin iyo gantaallo ayna cidna hagin oo la yidhaahdo Ayyash, kuwaasoo gaadhaya fogaan dhan 155 mayl. Israa’iil waxay sheegtay in dhamaan hubkaas cusub laga hor tegey ama ayna wax weyn gaysan. Waxay intaa ku dareen in hawlgalka hadda socda uu dharbaaxo weyn gaadhsiiyey baadhitaannada hubka ee Xamaas, meelaha lagu kaydiyo iyo meelaha lagu sameeyo. Laakinse saraakiisha Israa’iil way ogsoon yihiin in ay joojin waayeen gantaallo aad u fara badan oo mar qura oodda looga soo qaaday. “Xamaas ujeedadoodu ma aha inay burburiyaan miilateriga Israa’iil, laakin aakhirka gantaaluhu waxay noqon karaan awood muujin” ayuu yidhi Fabian Hinz. “Waa arrin maskixiyan loo adeegsanayo” ayuu sii raaciyey. Hase yeeshee tiro badan oo gantaalladaas ah waxaa qabta hanaanka difaaca gantaallada ee loo yaqaanno Iron Dome. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa salaasadii wacad ku maray “waxaan garab taagannahay Israa’iil,” xilli Washington ay isku dayeyso inay yareyso xiisadda Bariga Dhexe kadib weerarkii ay Xamas qaaday. Waxa uu sidoo kale ballan qaaday in Washington ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Israa’iil ee ku saabsan weerarada jawaabta u ah waxa uu ugu yeedhay “xasuuq” ay ku dhinteen in ka badan 1,000 qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 14 Mareykan ah. “Waqti xaadirkan, waa inaan si cad u qeexnaa: waanu garab taaganahay Israa’iil,” ayuu yidhi, isagoo ku celceliyey: “Waan garab taagannahay Israa’iil. Waxaan hubin doonnaa inay haysato waxa ay u baahan tahay si ay u daryeesho muwaadiniinteeda, isu difaacdo oo ay uga jawaabto weerarkan. Ma jiro wax cudurdaar ah oo argagixisanimadu leedahay. Ma jiro cudurdaar.” Biden, oo ay garab taagan yihiin madaxweyne ku-xigeenka Kamala Harris iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda Antony Blinken, ayaa faahfaahin ka bixiyay dhacdooyinkii Sabtida, kuwaas oo uu sheegay inay ahaayeen “ficillo aad u xun.” “In ka badan 1,000 rayid ah ayaa la gowracay – lama dilin kaliya, waa la gowracay – gudaha Israa’iil,” ayuu yidhi. “Waxaa ka mid ah, ugu yaraan 14 muwaadiniin Mareykan ah ayaa la dilay. Waalidiin ayaa la gowracay ayagoo oo isku dayaya inay carruurtooda badbaadiyaan. Ilmo yar oo la dilay ayaa la soo sheegya, qoysas dhan ayaa la dilay.” Wuxuu sheegay inuu weydiisan doono Congress-ka inay qaadaan “tallaabo deg-deg ah” laakiin ma cayimin. Aqalka Wakiilada ee ay maamulaan Jamhuuriga iminka ma lahan afhayeen, taasi oo oo ka hor-istaageysa Congress-ka inuu ansixiyo miisaaniyad cusub. Source
-
Xilli Israa’iil sii kordhisay go’doominta ay ku hayso marinka Qaza, isla markaana ay sare u kacday suurto-galnimada dagaal wakhti dheer socda, ayaa dawladda Giriigu waxay sheegtay in laga cabsi qabo qulqulka muhaajiriin cusub oo ka soo cararaya colaadda ka socota Marinka Qaza. Sarkaalka ugu sareeya dhinaca socdaalka ee dalka Giriiga ayaa ka digay in colaaddan ugu dambaysay ay sare u qaadayso tirada muhaajiriinta, taas oo ay hore Qaramada Midoobay u sheegtay inay Falastiiniyiintu ay kaalmaha hore kaga jiraan. Wasiirka socdaalka ee dalka Giriiga Dimitris Keridis ayaa ka digay, in xataa ka hor intii aanay rabshadahan ugu dambeeyey bilaaban, in dalkiisa Giriigu uu la tacaalayey tiradii muhaajiriinta sharci-darrada ahayd ee ugu badnayd ee ay arkaan sannadahan. Wasiirka ayaa ka digay in xiisadaha cusub ee ka jira Bariga Dhexe, inay mar walba culayska dhinaca muhaajiriinta ku sii kordhinayaan dalkiisa, kuwaas oo doonaya inay u gudbaan dalalka Midawga Yurub. Wuxuu si gaara farta ugu fiiqay haddii Iran ay ku lug yeelato xiisaddan cusub, iyada oo ay marka horeba xaalado kala duwani ay ka jiraan Lubnaan, Masar iyo Liibiya. Si la mid ah dalalka Spain iyo Italy, dalka Giriiga ayaa isaguna culays badan kala kulma dhinaca muhaajiriinta, waxaana sannadkan la diiwaangeliyey in tirada muhaajiriinta sharci-darrada ahi ay labanlaabmeen marka la barbardhigo sannadkii hore. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee SSC-Khaatuma, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa qaaday tallaabo culus oo ka dhan maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in deegaanada Khaatuma aysan ka dhicin doonin doorashada soo socota ee Puntland, taas oo haatan loo diyaar garoobayo. Hoggaamiyaha SSC ayaa gebi ahaan ku gacan seeray doorashada Puntland, haddii ay noqon laheyd qof iyo cod ama xittaa xulistii isimada noqotoba. Sababta waxa uu ku sheegay in reer SSC-Khaatuma ay haatan yeesheen maamul cusub, isla-markaana ay go’aan ku gaareen inay ka tashadaan aayahooda iyo kan deegaankooda. “Dadka ka soo jeeda SSC, doorashada soo socota ee Puntland kama qayb gelayaan, dadka deegaanka ayaa sidaa go’aansaday, odayaashii soo xuli jiray ayaana go’aankaa qaatay” ayuu yiri Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye). Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in ay ilaalin doonaan darisnimada iyo nabad-gelyada kala dhexeysa Puntland, balse ay noqon doonaan hadda kadib laba maamul oo daris ah. Maamulkaas aan wax ka dhisnay ee reer Puntland nabad-gelyadiisa, horumarkiisa iyo iskaashigiisa baanu diyaar u nahay, Waxaanu diyaar u nahay inaan ahaano laba maamul oo daris ah oo walaalo ah oo iskaashada” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiyaha SSC. Arrintan ayaa ka dhigay in dadka reere SSC aysna soo xuli doonin 17-kii Xildhibaan ee Puntland doorashadeeda ka qeybgali lahaa horraanta sanadka soo socda ee 2024-ka. Si kastaba, arrintan ayaa abuuri karta xasilooni darro siyaasadeed oo ka dhex dhacda Laascaanood iyo Garoowe, taas oo saameyn ku yeelata labada dhinac. SSSC oo dagaal adag la gashay Somaliland, isla-markaana garab uga heshay Puntland ayaa hadda dooneysa inay noqonto maamul goboleed madax bannaan, taas oo ay hadda kala macaamiliso dowladda federaalka Soomaaliya, maadaama Muqdisho lagu casuumay The post Hoggaamiyaha SSC oo qaaday tallaabo ka dhan ah Puntland, kuwa dhowaaqay… appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalo la yidhaahdo Vantaa, oo ku taalla duleedka magaalo madaxda dalka Finland ee Helsinki, ayaa lagu soo warramayaa in qoys Soomaali ah uu ku gubtay gurigii ay deganaayeen. Allaah ha u naxariistee, hooyo la odhan jirey Sahra Macallin Ibraahim iyo afar carruur ah oo ay dhashay ayaa ku dhintay dabkaas. Carruurta waxaa ugu weynaa 8 jir, waxaana ugu yaraa 2 jir, illa iyo haddana ma cadda waxa sababay dabkaasi, inkastoo Booliska Magaaladaasi ays heegen inay baadhitaanno sameyn doonaan sababta keenatay dabkaasi inuu kaco. Jaalliyadda Soomaalida ee dalkaasi oo isku soo baxay, waxaana ay dalbadeen in baadhitaanno la sameyo, xilli aan wali meydadkii la aasin. Source
-
Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safarro ku maraya deegaanno dhaca Koonfurta gobolka Mudug, kuwaas oo dhowaan laga saaray Al-shabaab, si ay ugu kuurgalaan xaaladaha ka jira deegaannadaasi. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi kaariye oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulkaadir Maxamed Nuur iyo xubno kale ayaa gaaray magaalada Bacaadweyne ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo si diiran loogu soo dhoweeyay wafdiga madaxweyne. Madaxweynaha oo bulshada magaalada Bacaadweyne kula hadlay goob fagaaro ah ayaa sheegay in deegaanka dhowaan lagu dhawaaqi doono degmanimadiisa, waxaana uu ugu baaqay bulshada iyo ciidanka deegaanka in laga wada shaqeeyo amniga iyo sidii loo dhameystiri lahaa howlgallada. Wafdiga Madaxweynaha ayaa Bacaadweyne kaga sii gudbay magaalada Camaara oo aan sidaas kaga fogeyn Bacaadweyne, waxaana halkaas kusoo dhoweeyay bulshada deegaanka oo laga arkayay sida ay ugu hamuun qabaan dowladnimada, iyaga oo calamo ruxaya ayey taagnaayeen waddooyinka. Madaxweynaha ayaa guul ku tilmamay in Al-shabaab laga saaray inta badan gobolka Mudug, waxaana uu ugu baaqay bulshada in ay ka wada qeyb qaataan sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfurta gobolka Mudug, oo ay ka socdaan abaabul iyo diyaar garow intaba. Xubnaha wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiir wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Shiikh Al-cadaala iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada goledowlad goboleedka Galmudug iyo saraakiil. Madaxweynaha Galmudug safarka uu ku tagay Bacaadweyne iyo Camaara ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Koonfurta gobolka Mudug ay ka socdaan howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, kaas oo looga saaray deegaanno dhaca gobolka Mudug intiisa oo galay gacanta dowladda iyo dowlad goboleedka Galmudug. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaaalda Marrakesh ee dalka Morocco ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Ceymiska Maalgashiga Caalamiga ah ee magaceeda loo soo gaabiyo (MIGA). Kulanka uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Madaxweyne ku xigeenka MIGA Mr. Junaid Ahmed ayaa looga hadlay sida Soomaaliya ay usoo jiidan laheyd indhaha maalgashiga caalamiga ah iyagoo laga faaiideysanayo caymiska iyo dammaanad qaadka Hey’adda. MIGA ayaa ka mid ah hey’adaha hoostaga Bankiga Adduunka uuna maalgeliyo, kuwaas oo ka shaqeeya arrimaha Ceymiska, waxaana ay ka howlgashaa dalal kale duwan oo caalamka ah, kulankaan ayaa imaan xilli dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso in ay hesho Maalgashiyo. Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa ku sugan Magaalada Maraakish ee dalka Boqortooyada Morocco , halkaas oo sanadkan lagu qabanayo shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo hey’adda IMF. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cadaale (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay xalay maleeshiyaad hubeysan ka gaysteen agagaarka magaallo xeebeedka Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaas oo loo gaystay ugu yaraan illaa saddex qof oo shacab ahaa. Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanada Labagaras iyo Ceel Muluq ee gobolka Shabeelaha Dhexe, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Marxuumiinta la dilay oo dhammaan ahaa dhalinyaro ayaa waxaa lagu kala kala magacaabi jiray Axmed Abuukar Aw-Cumar, Cali Muxyidiin Cali iyo Maxamed Cali Maxamuud, sida aaanu ku soo xignaay ehellada dadkaasi xalay lagu dilay duleedka degmada Cadale. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ragga la laayay ay ahaayeen ganacsato kasoo jeeda deegaanka, waxaana dilkooda uu salka ku hayaa aano qabiil, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ku sugan aagga ay wax ka dhaceen. Sidoo kale maleeshiyaadka hubeysan ee dilka gaystay ayaa lagu soo warramayaa inay goobta isaga baxsadeen, waxaana haatan socda howlgallo ay wadaan ciidanka amniga. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka HirShabelle, kan degmada Cadale iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan falkaasi argagaxa leh. Dhacdadan ayaa sidoo kale cabsi ku beertay dadka deegaanka, maadaama ay dib usoo nooleyn karto colaaddii muddada ka taagnayd halkaas oo dhowaan uun xal laga gaaray. Toogashada saddexdan qof ayaa kusoo aaday, ayada oo maalmo kahor deegaanka Burka Dirimeed lagu soo xiray gogol nabadeed oo ay garwadeen ka ahaayeen madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe Xuseen, taas oo laga soo saaray go’aanno culus oo ku aadan ka hortagga colaaddaasi. Si kastaba, horay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo u booqday deegaankan, isaga oo ay wehlinayaan waxgaradka kasoo jeedda halkaas ayaa ku dhawaaqay in qof kastaa oo dil gaysta ama isbaara dhigta la toogto, si meesha looga saaro dhibaatada ka jirta Shabeelaha Dhexe ee saameynta ku yeelatay shacabka. The post Saddex qof oo lagu dilay duleedka Cadale + Sababta appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa magaalada Roma kulan kula qaatay dhigiisa Talyaaniga Mudane Lorenzo Fonta. Kulanka labada Guddoomiye ayaa looga hadlay sidii loo sii amba qaadi lahaa xiriirka iyo wada shaqeynta labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, iyo in la dhiso guddi saaxibtinimo ee labada Baarlamaan. Sidoo kale waxeey ka wada hadleen xojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood. Mudane Lorenzo Fonta oo ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga ayaa Guddoomiye Sheekh Aadan ku boggaadiyay shaqada adag ay Golaha Shacabka qabteen saddexda kalfadhi ay shaqeeynayeen, isagoona intaa ku daray in Dowladda Talyaaniga ay garab istaageyso halganka dalka looga xorreynaayo Al-shabaab. Gunnaanadka kulanka labada guddoomiye ee labada baarlamaan ayaa looga hadlay arrimaha amniga, xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo xiriirka soo jireenka ah. Guddoomiyaha ayaa kulankawaxaa ku weheliyay xildhibaanno iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka. Sidoo kale Guddoomiye Sheekh ayaa dhigiisa dalkaasi ku casuumay inuu Soomaliya yimaado si uu u arko horumarka dalka ka jira iyo shaqooyinka Baarlamaanka wuuna ka aqbalay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda ferderaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden ayaa shir gudoominayay kalfadhigii 70-aad ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO sanadkaan 2023. Shirka oo looga hadlay sidii loosii amba qaadi lahaa hiigsiga horumarinta Caafimaadka, guud ahaan Bariga iyo bartamaha, iyadoo la hubinaayo gaarsiinta Caafimaad dhamaystiran guud ahaan gobolka dhowr wadan ayaa ka qeybgalaya. Shirkaan oo ka dhacay Caasimadda Masar ee Qaahira ayaa waxa ka qeb galay Madax kalla duwan oo ka socday dalalka caalamka iyo Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar Ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada xukuumadda ferderaalka Soomaaliya Dr Ali Haji Aden oo khudbad dheer ka jeediyay kulanka ayaa ugu horeyn sheegay Inu aad uga walaacsan yahay xaaladda ka taagan dhulka falastiin isagoo ku baaqay in la joojiyo colaadda islamarkaana la ilaaliyo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan. Sidoo kale wasiirka ayaa ka warbixiyay horumaradda laga sameeyay dhanka caafimaadka dalkeena maadama bulsho waynta Soomaaliyeed muhiimad gaar ah u leeyahay adeeg Caafimaad oo tayo leh iyadoo la raacayo nidaamka hirgilinta adeegga caafimaad oo loo dhan yahay. Shir weynahaan ayaa inta uu socdo waxa looga hadli doona mowduucyo kalla duwan oo muhiim ah iyado lasoo gabagabeyn doono maalinta khamiista, halkaas oo looga soo saari doono war-murtiyeed ku saabsan go’aannadii lagu gaaray sanadkaan shirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, horraantii bishii 8-aad ayuu gaaray magaalada caasimadda u ah Galmudug ee Dhuusamareb oo isagoo markaas ay wehlinayaan saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida. Safarka Madaxweynaha ayaa ku saleysnaa dhammeystirka dagaalka al-Shabaab looga saarayo deegaannada Galmudug, iyadoo uu xoogga saarayay kormeerka furimaha dagaalka ee guud ahaan gobollada dalka. Madaxweyne Xasan Sheikh oo ku dhawaad labo bilood degganaa magaaladaas ayaa dhowaan u safray dalka Eritrea halkaas oo uu kula kulmay dhiggiisa dalka Ereteriya, Isaias Afwerki, waxa ay si wadajir ah u kormeereen xeryaha ay tababarka ku qaadanayaan ciidamada Badda iyo Cirka ee Soomaaliya ee ku sugan dalkaas. Hase yeeshee, sawirro laga qaaday madaxweynaha xilliga uu ku sugnaa xeryaha ay ku sugan yihiin ciidamada tababarka u jooga dalkaasi Eritrea ayaa si weyn loogu baahiyay baraha bulshada, waxaa muuqatay in dadku badanaa ay ka hadlayeen muuqaalka madaxweynaha oo lagu tilmaamay in uu is beddel ku yimid marka loo eego timaha, madaxa iyo garka oo ku batay iyo cirro soo buux dhaafisay. Dad badan ayaa ku sifeeyay in madaxweynuhu galay nolol ka duwan tiisii hore, maddaama in muddo ah uu ku sugnaa furimaha dagaalka isagoo deegaan ka dhigtay Dhuusamareeb si loo xoojiyo dagaalka ay dowladda lagula jiro al-Shabaab. Dadka qaar waxa ay ku sifeeyeen in xaalad caafimaad darro ay lasoo deristay madaxweynaha taas oo keentay in muuqaalkiisii uu is beddelo Qaran News
