Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Somaliland police have arrested four Yemeni nationals accused of repackaging expired medicine with falsified expiration dates, allegedly in a bid to resell the drugs in local markets, authorities said Monday. The men were detained during a raid in Hargeisa, where they were found repacking expired pharmaceuticals into cartons imported from China, according to police. Officials say the suspects had erased original expiration labels and replaced them with fraudulent dates, raising serious public health concerns. “We caught these individuals in the act of rebranding expired medicine to deceive consumers,” said Col. Ahmed Saeed, Hargeisa’s eastern district police commander. “This is a dangerous practice that could have harmed countless people.” Authorities said the investigation began when they learned that empty medicine cartons had arrived at Hargeisa’s airport two days before the raid. These boxes, which allegedly originated from China, had pre-printed expiration labels designed to mislead consumers into believing the drugs were new. “We had been monitoring these cartons,” said Osman Adan, district commissioner of Gacan Libaax. “They were intended to repackage expired drugs collected from local pharmacies and put back on the market as if they were fresh.” Police seized five cartons of the expired drugs, along with computers and fake certificates allegedly used in the scheme. Ahmed Mohamed Adad, governor of the Maroodi-Jeex region, said the men had invested approximately $9,000 in the counterfeit operation. “They planned to buy expired drugs from pharmacies, erase the dates, and repackage them into these imported cartons before selling them as if they were safe for consumption,” Adad said. “This is fraud and a serious public health hazard.” Authorities have warned that substandard and counterfeit medicines have increasingly found their way into Somaliland’s markets, with officials struggling to regulate the quality of pharmaceuticals entering the country. The four suspects remain in custody and will be presented in court once the investigation is complete, police said. In recent years, Somaliland and the wider region have faced growing concerns over the influx of unregulated medicine, with some drugs linked to adverse health effects. The government has vowed to crack down on counterfeit pharmaceuticals, but weak enforcement mechanisms and porous borders have made regulation challenging. Qaran News
  2. Saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland ee ku sugan furimaha dagaalka Calmiskaad ayaa ka dalbaday hay’adaha dowladda u qaabilsan Fayo-dhawrka in ay degaanka ka ururiyaan meydadkii Argagixisada Daacish oo ku qurmay goobihii ciidanku ku laayay. Korneyl Faarax Nuur Maxamed oo kamid ah saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland ayaa sheegay in dhammaan goobihii lagu dagaallamay ee buuraha Calmiskaad, gaar ahaanna togga Jeceel ay weli daadsan yihiin meydadii dagaallamayaasha ISIS oo qurmay, islamarkaana halis ku ah caafimaadka bulshada, waxaana uu dalbaday in sida ugu dhakhsaha badan looga nafiifiyo degaanka. “Meel kasta waxaa yaalla meydad aad u fara badan oo ajaanib ah, waxaan ka codsanayaa wasaaradaha iyo hay’adaha ku shaqada leh Fayo-dhawrka in ay degaanka ka nadiifiyaan bakhtigooda si aysan bulshada ugu geysan dhibaato Caafimaad” ayuu yiri Korneyl Faarax Nuur Maxamed oo kamid ah saraakiisha Ciidamada difaaca Puntland. Taliye Faarax Nuur ayaa sidoo kale sheegay in hawlgalkii cirib-tirka Argagixisada ISIS ee buuraha Calmiskaad uu meel geba-gebo ah marayo, balse ay saamayn caafimaad ka dhalan karto, haddii aan si deg deg ah degaanka looga nadiifin meydadka qurmay ee kooxda ISIS oo daadsan dhulkii lagu dagaallamay. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo dalbaday in laga ururiyo meydadka Daacish oo goob kasta daadsan appeared first on Puntland Post.
  3. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Mr. James Swan. Kulankan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diiradda lagu saaray arrimo dhowr ah, oo ay kamid yihiin xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardar-gelinta mashaariicda horumarineed ee caasimadda, taageerada amniga, iyo shaqo abuurka dhalinyarada. Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay doorashooyinka qof iyo cod ee Muqdisho, oo maamulka gobolka uu sheegay inay u diyaar-garoobayaan dadka caasimadda. Hanaankan doorasho, oo muran xooggan ka dhashay ayaa waxaa ka horyimid mucaaridka iyo madaxdii hore. Sii-hayaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta QM ee Soomaaliya (UNSOM), Mr. James Swan ayaa bogaadiyay howlaha hortabinta u leh Duqa magaalada Muqdisho, sida lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska gobolka. “James ayaa ku bogaadiyay Duqa Muqdisho sida ay uga go’an tahay in magaalada ay dib u hesho bilicdii iyo heybaddii ay lahayd,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska gobolka Banaadir. Danjire Swan, intaas kadib wuxuu ballan-qaaday in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay barnaamijyada lagu horumarinayo magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa ugu dambeyntii uga mahadceliyay QM kaalintooda ku aaddan garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, iyo sidoo kale taageerada ay had iyo jeer ka geysanayaan mashaariicda horumarineed ee caasimadda.
  4. Paris (Caasimada Online) –Hoggaamiyeyaasha Yurub ayaa Isniintii isku dayay inay khilaafaadka ka dhaxeeya uga heshiiyaan shir deg-deg ah oo ka dhacay Paris, si ay uga jawaabaan isbeddelka lama filaanka ah ee siyaasadda Mareykanka ee ku aaddan dagaalka Ukraine, taasoo ay keentay xukuumadda cusub ee Donald Trump. Jarmalka ayaa si adag uga horyimid soo jeedinta ah in ciidamo la geeyo. Iyadoo siyaasiyiinta Yurub weli la daalaa-dhacayaan weerarkii afka ahaa ee Madaxweyne Ku-xigeenka Mareykanka JD Vance uu ku qaaday Midowga Yurub intii lagu guda jiray Shirka Ammaanka ee Munich, hoggaamiyeyaasha ugu waaweyn Yurub ayaa isugu yimid shir uu si deg-deg ah u iclaamiyay Madaxweyne Emmanuel Macron, kaasoo ka dhacay madaxtooyada Elysee Palace. Astaanta ugu muuqata ee isbeddelka siyaasadda Mareykanka ayaa soo shaac baxday Talaadadii, markii la shaaciyey in diblomaasiyiinta ugu sarreeya ee Washington iyo Moscow ay yeelan doonaan kulan fool ka fool ah—kii ugu horreeyay tan iyo markii Ruushku weeraray Ukraine bishii Febraayo 2022—taasoo muujinaysa in Trump uu doonayo inuu dib u soo celiyo xiriirka uu la leeyahay Madaxweyne Vladimir Putin. Hoggaamiyeyaasha Yurub, oo wajahaya mid ka mid ah caqabadihii ugu waaweynaa ee sannadihii u dambeeyay, ayaa ka walaacsan in Trump uu damacsan yahay inuu heshiis nabadeed la galo Ruushka, iyadoo aan Kyiv iyo Midowga Yurub midna la tixgelin. Hadda waxa ay qiimeynayaan tallaabooyin ay ka mid yihiin kordhinta miisaaniyadda difaaca si loo yareeyo ku tiirsanaanta Mareykanka iyo suurtagalnimada dirista ciidamo nabad ilaalin ah oo Ukraine loo diro marka xabbad-joojin la gaaro. Macron ayaa khadka telefoonka kula hadlay Trump ka hor inta uusan shirku bilaaban, sida ay sheegtay madaxtooyada Faransiiska. Ma jiro bayaan wadajir ah oo ka soo baxay kulanka, mana jiraan go’aanno waaweyn oo la shaaciyey, iyadoo la tilmaamay in arrimahaas ay tahay in laga wada xaajoodo goleyaasha sida Midowga Yurub ama NATO. ‘Xiriirka Yurub iyo Mareykanka oo galay marxalad cusub’ Ra’iisul Wasaaraha Poland Donald Tusk ayaa yiri: “Dhammaan dadka shirka joogay waxay garowsan yihiin in xiriirka labada dhinac ee Badweynta Atlantik, isbahaysiga NATO, iyo saaxiibtinimada Mareykanka uu galay marxalad cusub. Waa xaqiiqo aynu dhammaanteen dareemayno.” Madaxweynaha Komishanka Yurub Ursula von der Leyen ayaa tiri: “Ukraine waxay u baahan tahay nabad lagu sugo awood, taasoo xushmeyneysa madax-bannaanideeda, qarannimadeeda, iyo xuduudaheeda, iyadoo la siinayo dammaanad amni oo xooggan.” Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte ayaa kulanka kadib yiri: “Yurub waa diyaar. Faahfaahinta wali waa in la go’aamiyaa, laakiin ballanqaadka wuu cad yahay.” Ra’iisul Wasaaraha UK Keir Starmer, oo doonaya in London ay muujiso sida ay uga go’an tahay amniga Yurub xilli ay ka baxday Midowga Yurub (Brexit), ayaa sheegay inuu “diyaar u yahay inuu tixgeliyo dirista ciidamo Ingiriis ah oo dhulka ku sugan, haddii la gaaro heshiis nabadeed oo waara.” Si kastaba ha ahaatee, wuxuu hoosta ka xarriiqay in Washington ay tahay inay si buuxda uga qayb qaadato dadaallada, isagoo yiri: “Waa in ay jirtaa dammaanad amni oo Mareykanka bixiyo, maxaa yeelay taasi waa habka kaliya ee si wax ku ool ah looga hortagi karo in Ruushku mar kale weeraro Ukraine.” Hase yeeshee, Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz ayaa sheegay in hadal-heynta la xiriirta suurtagalnimada dirista ciidamo nabad ilaalin ah oo Ukraine loo diro ay tahay “mid aad uga horreysa waqtigeeda,” isagoo intaa ku daray in ay tahay “mid aan munaasib ahayn inta dagaalku weli socdo.” Scholz ayaa si cad u muujiyey dareenkiisa, isagoo yiri: “Waan la yaabay doodda waqtigan xaadirka ah, maxaa yeelay waa arrin laga hadlayo goor aan habboonayn iyo mowduuc aan sax ahayn.” Ra’iisul Wasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa sheegtay in dowladdeeda “ay u furan tahay” arrinta ciidamadu, balse waxay xustay in su’aasha ugu weyn ay tahay haddii Mareykanku “dib uga gurto Yurub” haddii la geeyo ciidamo nabad ilaalin ah. Waxay intaa ku dartay: “Ruushka hadda wuxuu khatar ku yahay Yurub oo dhan,” iyadoo uga digtay Mareykanka inuusan qaadin tallaabo deg-deg ah oo horseedi karta “in Ruushku dib isu abaabulo, markale weeraro Ukraine, ama xitaa waddan kale oo Yurub ah.” ‘Kala qaybinta amniga Yurub iyo Mareykanka lama aqbali karo’ Macron ayaa horay u sheegay in dib u soo laabashada Trump ee Aqalka Cad ay tahay “dhacdo gilgishay”, balse wuxuu sidoo kale ka digay heshiis kasta oo nabadeed oo u muuqan kara “is-dhiibid.” Wargeyska Faransiiska Le Monde ayaa ku tilmaamay kala duwanaanta Yurub iyo Mareykanka inay tahay “mid taariikhi ah,” balse wuxuu xusay in Yurub ay tahay in ay muujiso awooddeeda ay iskugu filnaato difaaceeda. “Indha la’aantii Yurub waxay ku dhamaatay Munich. Wixii hadda ka dambeeya, amniga qaaradda wuxuu si buuxda ugu tiirsanaanayaa Yurubiyaanka laftooda, iyo awooddooda ay ku ilaalin karaan midnimadooda,” ayuu qoray wargeysku. Kulanka Paris ayaa yimid xilli Washington ay sheegtay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio, La-taliyaha Amniga Qaranka Mike Waltz, iyo Ergayga Gaarka ah Steve Witkoff ay Talaadada la kulmi doonaan wafdi Ruush ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Sergei Lavrov, shir ka dhici doona Riyadh, kahor kulan mustaqbalka ah oo Trump iyo Putin ku yeelan doonaan caasimadda Sacuudiga. Scholz ayaa Paris ku sheegay: “Qeybinta mas’uuliyadda amniga Yurub iyo Mareykanka lama oggolaan karo.” “NATO waxay ku dhisan tahay inaan mar walba si wadajir ah u dhaqaaqno, isla markaana aan wadaagno halista, taasoo dammaanad qaadaysa amnigeenna. Aragtidan lama shaki gelin karo.”
  5. For the first time since 1971, Somalia has been elected as a non-permanent member of the United Nations Security Council (UNSC) for two years, starting on 1 January 2025. Mogadishu has not yet announced priorities for its tenure, but the maritime domain should occupy an important place, given Somalia’s history and location at the crossroads of international maritime trade. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa faah-faahisay howlgal culus oo xalay ka dhacay degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kaasi oo jab xooggan lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab. Howl-galkan ayaa si gaar ah loogu beegsaday guri uu degmadaas ka deganaa horjoogaha waxa ay kooxdu ugu yeerto “Xisbada,” oo lagu magacaabo Yaxye Laba Madax. Howl-galkan oo ay fuliyeen dadka deegaanka ayaa si gaar ah uga dhacay guriga horjoogahan oo ku dheggan saldhigga degmada Ceelbuur, waxaana kooxda lagu gaarsiiyey khasaare aad u xooggan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac, sida ay baahisay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda Soomaaliya. Wararka qaar ayaa sheegaya in horjooge Yaxye Laba Madax uu dhaawac halis ah soo gaaray. Howl-galkan kadib ayaa lagu soo warramayaa in kooxda Al-Shabaab ay qaadeen tallaabooyin ay ku qaarijiyeen maleeshiyaad kale oo iyaga ka tirsan, kuwaasi oo ay ku tuhmayaan in ay falkan ku lug lahaayeen. Maanta waxaa degmada Ceelbuur ka taagan xiisad u dhaxeysa horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka kooxda oo iyagu degmadaasi ku wada sugan. Howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo bilihii dambe hoos u dhac ku yimid ayaa haatan dib u dardar galay, iyadoo dagaal lagu qaaday jihooyin dhowr ah, kuwaas oo qaarkood guulo wax ku ool ah laga gaaray.
  7. Mogadishu (HOL) — The news came with chilling finality: Mohamed Nur Hussein, a Somali man imprisoned for seven years in Saudi Arabia, had been executed. His family, who had spoken to him only a day earlier, were left in shock. Source: Hiiraan Online
  8. STOCKHOLM, Sweden (HOL) — A Swedish court on Monday sentenced four men to prison for participating in the Islamic State (IS) network, including recruitment, weapons training, and propaganda activities, while acquitting three of them of planning an attack inside Sweden. Source: Hiiraan Online
  9. MUSHKILADDA DAACISH OO MAJEERTEENKII SAAMAYN WEYN KU YEELATAY. Ururka arggagixisada ee daacish oo waqti dheer ku sugnaa dhulka majeerteenka ee puntland ayaa dagaallo is daba joog ah kula jiray bilihii u danbbeeyay ciidanka majeerteenka IWM. Dagaalkaas wuxuu gaadhsiiyay maamulkii majeerteenka burbur iyo khasaare baxad weyn oo dad iyo duunyoba leh. Waxa adkaatay mushaharkii shaqaalaha iyo kii ciidanka in la bixin Waayo waqti dheer waxa adkaatay diyaradda dhaawaca culus u qaadda xamar IWM oo markiiba qaadata 30.000 oo doollar in la bixin kariwaayo lacagteeda taas oo sababtay in qaylo dhaan loogu soo diray inay qurbba jooggu bixiyaan lacagtaas diyaradda. Dhibaatada u weyni waxay tahay daacish waa majeerteen la dagaallamaya majeerteen kale oo soo kaxaystay ajaaniib denbiileyaal ah oo uu caalamku daba socdo. Mushkiladda u weyn ee dhexdooda caadiga ka noqotay waxa weeye taakulaynta iyo ciidanka ku soo kordhayaaba waxay ka yimaaddaan majeerteeniya taasoo ku noqotay MASKII QORRATADA LIQAY. MAHADSANID. BACAW MEDIA. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-gareen, ayaa dekedda Baraawe ku wareejiyay shirkad laga leeyahay dalka Kuwait, sida ay sheegayaan xogo saacadihii dambe banaanka u soo baxay. Shirkaddan oo lagu magacaabo Arab Digital Holding, ayuu Lafta-gareen la gaaray heshiis uu maamulka dekedda Baraawe ugu wareejinayo. Heshiiska ayaa la sheegay inuu socon doono muddo 25 sano ah. Qiimaha ku baxaya heshiiskan ayaa sidoo kale lagu sheegay nus bilyan dollar ($500 milyan), waxaana la horumarinayaa dekedda Baraawe, iyadoo la maalgelinayo ka faa’iideysiga macdanta ku jirta dhulka, sida shidaalka. Intaa waxaa dheer in heshiiska lagu daray hirgelinta dhismayaal casri ah sida: hoteello, aag cashuuraha ka caagan, warshado, horumarinta wax-soo-saarka badda, iyo fursado shaqo oo kale. Shirkaddan laga leeyahay Kuwait ayaa fulinta qorshahan la kaashaneysa shirkad kale oo lagu magacaabo MYD, taasoo laga leeyahay dalka Masar. Doorka MYD ayaa ah in si casriyeysan loo dhiso dekedda Baraawe, iyadoo xoogga la saarayo marsada iyo goobaha dadka soo jiidan kara, si dhaqaale badan halkaas uga soo xaroodo. Hirgelinta mashruucan ayey madaxda shirkadda Arab Digital Holding ku sheegeen inuu faa’iido u leeyahay dalal badan oo gobolka ku yaalla, sida Itoobiya, Koonfur Suudaan, Kenya, Afrikada Dhexe, Uganda, Congo DRC, iyo dalal kale oo si toos ah marsada Baraawe wax uga soo degsan kara. Dhulka mashruuca laga fulinayo ayaa gaaraya 200 km oo isku wareeg ah. Shaqada sahminta, oo ah howsha ugu horreysa, ayaa la filayaa inay billaabato bilaha soo socda si muddada ay shirkaddu u qabsatay loo dhammeystiro, loogana faa’iideysto dhaqaalaha laga rajeynayo inuu dib uga soo laabto, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka shirkadda Arab Digital Holding, Fahad Nawaaf Al-Doosari. Heshiiskan weli si rasmi ah ugama hadlin maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka, waxaana laga dhursugayaa jawaabtooda.
  11. Hargeisa (HOL) — Somaliland police have arrested four Yemeni nationals accused of repackaging expired medicine with falsified expiration dates, allegedly in a bid to resell the drugs in local markets, authorities said Monday. Source: Hiiraan Online
  12. Mogadishu (HOL) — Somali-Canadian actress Sabrina Dhowre Elba has been cast in Nuur, an upcoming feature film directed by Lula Ali Ismaïl, a Canadian-Djiboutian filmmaker known for her groundbreaking debut Dhalinyaro. The film, produced by Scythia Films and Good Question Media, is an adaptation of Somali-Canadian writer Hassan Ghedi Santur’s acclaimed novel The Youth of God. Source: Hiiraan Online
  13. Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya kuwa deegaanka ee Macawisleyda ayaa howlgallo ballaaran ka fuliyay deegaanno ku teedsan jiinka wabiga Shabeelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalladan ayaa lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab, waxaana ciidamada ay la wareegeen deegaannada Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Farbarako, Damileey iyo deegaanno kale oo ku yaalla jiinka wabiga Shabeelle. Saraakiisha hoggaaminaysa howlgalladan ayaa sheegay in dagaallada lagu gaarsiiyay Al-Shabaab khasaare culus, laguna dilay xubno badan iyo horjoogayaal. Sidoo kale, waxaa gacanta lagu dhigay xubno kale oo maxaabiis ahaan loo qabtay. Ciidamada ayaa weli ku howlan baacsiga firxadka Al-Shabaab, iyaga oo ku raad jooga goobihii ay gabaadka ka dhiganayeen. Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda iyo dadka deegaanka ay ku xoreynayaan deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Source: goobjoog.com
  14. Saakay aroortii ayaa koox hubeysan oo kasoo jeeda deegaanka Wabxo waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen qoys kasoo jeeda Guriceel oo daganaa inta u dhexeysa deegaanada Ceel-Yaasiin iyo Ceel-baxaay. Weerarkan ayaa sababay dhimashada laba qof, oo midkood dumar ahayd, halka gabadh yar oo ka mid aheyd qoyska ay ku dhaawacantay. Lama oga sababta rasmiga ah ee weerarkan, hase yeeshee, waxaa la tuhunsan yahay inuu salka ku hayo colaado beeleed. Maamulka deegaanka iyo waxgaradka ayaa la filayaa inay ka hadlaan dhacdadan, iyagoo dadaal ugu jira sidii loo xallin lahaa xiisadaha ka dhalan kara. Dableyda hubeysan oo markii horaba ka yimid deegaano ay ka taliyaan Shabaab ayaa halkaasi dib ugu laabtay. Source: goobjoog.com
  15. Mogadishu (HOL) — Ma'awisley fighters launched a coordinated assault on an Al-Shabaab stronghold in El Buur, a district in central Somalia's Galgaduud region, according to security sources and residents. Source: Hiiraan Online
  16. Gaza (Caasimada Online) – Xamaas ayaa si rasmi ah u shaacisay dilka mid ka mid ah hoggaamiyayaasheeda caanka ah oo la yirahdo Muxammad Ibrahim Shahin. Ninkan oo loo yaqaannay Abu al-Baraa. Xamaas ayaa sheegtay in Shahin la dilay Isniintii shalay intii lagu guda jiray weerar ay diyaaradaha Israa’iil ka fuliyeen magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan. Muxammad oo walaalo ahaayeen Qassam Xamza Shaheen oo isna horey u shahiiday ayaa qabtay dhowr jagooyin jihaad ah oo horumarsan, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Xamaas. Duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lala beegsaday gaari marayey magaalada Sidon ee koonfurta Lubnaan habeen ka hor waqtigii loo qabtay fulinta heshiiskii xabad joojinta ahaa ee u dhaxeeyay Xisbullah iyo Israel. Wakaaladda wararka qaranka Lubnaan ayaa ku warantay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay beegsadeen baabuur ku socdaalayay jidka badda ee woqooyiga laga galo Siidoon kuna sii jeeday Beyruut. Si kastaba, Ciidamada Israa’iil ayaa bilaabay ka bixitaanka qaar ka mid ah tuulooyinka xadka, saacado yar ka hor xilliga kama dambaysta ah ee xabbad-joojinta. Israa’iil ayaa hore u shaacisay inay weli joogto shan “meelood oo istiraatiiji ah.” Lubnaan ayaa horey uga digtay in Israa’iil ay seegi karto muddadii kama dambaysta ah ee Talaadada, iyadoo dalalka caalamka ugu baaqay inay cadaadis saaraan si Israa’iil ay u ixtiraamto heshiiska.
  17. Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo ka warbixiyay Hawlgallada Amni ee ka socda magaalooyinka Gobolkaasi ayaa sheegay in ay Boosaaso ku qabteen xubno badan oo dakhliga u ururin jiray kooxaha Daacish. Gaashaanle sare, Cabdiqaadir Jaamac Dirir oo faahfaahin ka bixiyay Hawlgalladii laga sameeyay Boosaaso ayaa tilmaamay in Ciidamadu gacanta ku dhigeen xubno badan oo ka tirsan Kooxda ISIS, oo ay ku jiraan kuwii dakhliga ururin jiray iyo kuwii qaabilsanaa qaraxyada la aaso. “Waxan rabaaa in aan idinku bishaareeyo dagaalka buurta laga wado mid ka xooggan baan gudaha ka wadnaa, waxaan qabanay kuwa badan uu dakhliga u ururin jiray, waxaan qabanay kuwa badan oo gudaha qaraxyo dhigi jiray si ay dhagar u sameeyaa” ayuu yiri Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Bari G/sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir. “Wallaahi habeenkii ma seexdo, waxaan la seexan waayay waa shacabka oo qofkii ay ka shakiyaanba isku duubaya oo qabanaya, si uusan u baxsan markaasina kuu soo sheegaya, waxaana idin sheegayaa shaqada aan qabano badankeeda in ay iska lee yihiin shacabka oo aan uga mahadcelinayo” ayuu sii raaciyay Gaashaanle sare Cabdiqaadir Jaamac Dirir. Hadalkiisa ayaa imaanaya xilli uu magaalada Boosaaso ka socdo hawlgal xooggan oo ka dhan ah xubnaha kooxda Argagixisada ah ee Daacish u qaabilsan dhaqaale ururinta iyo qaraxyada ay ka sameeyaan magaalada kuwaasi oo badankooda gacanta lagu dhigay, sida uu sheegay G/sare Cabdiqaadir Dirir. PUNTLAND POST The post Xubnihii ugu badnaa ee dakhli ururinta u qaabilsanaa kooxda ISIS oo Boosaaso lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi ka tirsan mucaaradka ayaa ku eedeeyay xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inay si qarsoodi ah u dhistay ciidan gaar ah oo ka kooban 10,000 askari, kuwaas oo loogu talagalay in lagu cabburiyo mucaaradka siyaasadeed ee dalka. Cabdullaahi Sheekh Xasan, oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka, ayaa eedeyntan ka jeediyay shir laba maalmood socday oo uu xisbiga Himilo Qaran ku qabtay Muqdisho Axaddii. Isagoo, sida uu sheegay, soo xiganaya ilo sirdoon oo gudaha ah, wuxuu sheegay in ciidankani si gaar ah loogu tababaray inay bartilmaameedsadaan siyaasiyiinta mucaaradka iyo shakhsiyaadka uu madaxweynuhu u arko inay halis ku yihiin xukunkiisa. Wuxuu ugu baaqay ciidamada dowladda inay dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha siyaasadda, isagoo uga digay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu adeegsanayo ciidanka ammaanka ujeeddooyin siyaasadeed. “Madaxweynuhu wuxuu qoray ciidan si gaar ah loo tababaray, oo aan hoos imaanin saddexda laamood ee ugu waaweyn ee amniga dalka, si loogu bartilmaameedsado mucaaradka loogana dhigo kuwo hub la’aan ah,” ayuu Cabdullaahi ku eedeeyay xukuumadda. Caasimada Online si madaxbannaan u xaqiijin karto eedeynta mucaaradka. Madaxweyne Xasan Sheekh, oo shalay ka hadlay Muqdisho, una muuqday inuu ka jawaabayo eedeymahan, ayaa ku tilmaamay cabsi gelin siyaasadeed. Madaxweynaha wuxuu intaa ku daray in hadallada mucaaradku ay qeyb ka yihiin xasillooni-darrada dalka. Kooxaha mucaaradka Soomaaliyeed ayaa dhawaan qaadacay diyaarinta doorashooyinka 2026 ee uu wado guddiga doorashooyinka, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha inuu si keli-talisnimo ah u maamulayo hannaanka doorashada. Sidoo kale, dowlad-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa si cad uga hor yimid qorshaha doorashada ee dowladda federaalka, iyagoo ku sababeeyay cabashooyin la xiriira arrimaha amniga iyo khilaafaadka siyaasadeed ee taagan.
  19. Former Prime Minister Raila Odinga made a quiet comeback from Addis Ababa, Ethiopia yesterday morning, marking an end to a grueling journey in his quest to represent Kenya on a continental scale the political scene is warming up to new developments. Source: Hiiraan Online
  20. Mogadishu (HOL) – The speakers of both houses of Somalia's Parliament have announced that the 6th session of the 11th Parliament will officially convene on Saturday, February 22, 2025. Source: Hiiraan Online
  21. Mogadishu (HOL) – Somali President Hassan Sheikh Mohamud has announced that his administration will launch a tax collection campaign in the coming weeks, emphasizing the need for citizens and businesses to fulfill their tax obligations. Source: Hiiraan Online
  22. Mareykanka ayaa sheegay inuu duqeymo ka dhan ah kooxda Al-qaacidda ka fuliyay gudaha dalka Suuriya, sida laga soo xigtay maamulka Trump. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo lala beegsaday Xubin ka tirsan Al-Qaacida oo ku sugan dalka Suuriya dhamaadka todobaadkii hore. Dowladda cusub ee Suuriya ayaa wax faahfaahin ah ka bixin duqeymahan ka dhacay gudaha dalkeeda, balse Mareykanku wuxuu sheegay in weerarkaas lala beegsaday xubin ka tirsan Al-Qaacida oo lagu magacaabo Hurras al-Diin. Source: goobjoog.com
  23. Wasiirka arrimaha dibadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dhowaan loo doortay xilka guddoomiyaha Midowga Afrika, ka dib doorasho adag oo ka dhacday magaalada Addis Ababa. Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn u soo dhawaysay guusha Danjire Maxamuud Cali Yuusuf, ayadoo tilmaamtay in Jamhuuriyadda Jabuuti ay hormuud u noqan doonto hormarka qaaradda Afrika, islamarkaana guddoomiyaha cusubi uu xaqiijin doono himilada dadka Afrikaanka ah. Jabuuti oo ah dalka ugu muhiimsan saaxiibada Soomaaliya ayaa guusheeda loo arkaa ahmiyad gaar ah u leh Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo ka kabanaysa colaado sokeeye iyo qaran jab ay muddo dheer la daalaacaysay. Soomaaliya ayaa si joogto ah ula kulanta fara-gelin inteeda badan uga timaadda dalalka Africa, gaar ahaan deriskeeda, taas oo wax ka qabashadeeda Midowga Afrika uusan markiisii hore xil weyn iska saari jirin. Sidoo kale Soomaaliya waxaa joogaa kumaanaan askari oo Midowga Afrika ka amar qaata, islamarkaana mas’uuliyaddoodu tahay nabad ilaalin, balse dalalka qaar ayaa xooggaas u adeegsada danahooda gaar ah. Hadda Soomaaliya ayaa guddoomiyaha cusub ka filaysa inuu ka taageero ka hortagga xadgudubyada ka dhanka ah madax-bannaanideeda, iyo jaangoynta qorshe hawleedka ciidanka nabad ilaalinta ah ee AUSSOM. Source: goobjoog.com
  24. U.S. airstrikes killed 16 militants affiliated with the Islamic State terrorist group in northern Somalia, officials there said Monday. Source: Hiiraan Online
  25. A Delta Air Lines (DAL.N), opens new tab regional jet flipped upside down upon landing at Canada's Toronto Pearson Airport on Monday amid windy weather following a snowstorm, injuring 18 of the 80 people on board, officials said. Source: Hiiraan Online