-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dagaal aad u xooggan ayaa hadda ka socda nawaaxiga Buq-dharkayn oo ka tirsan degaanka Yeyle halkaas oo shalay uu ka dhacay dagaal beeleed. Ciidamo ka tirsan Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad laga soo ururiyay Caynaba iyo Habari-heshay ayaa sida la sheegayo soo weeraray Buq-dharkayn. Ciidamada SSC oo sugayay Amniga degaanka Buq-dharkayn ayaa jawaab ka bixiyay weerarka Ciidamada Somaliland sida ay noo sheegeen saraakiisha SSC-Khaatumo. Dagaalka ayaa sii xoogaysanaya waxaana nawaaxiga laga maqlayaa deryanka hubka culus inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dagaal xooggan oo dib uga qarxay degaanka Buqdharkay appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran (SoDMA) ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta gargaar deg-deg ah u diray gobolka Gedo oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad is wata kadib roobab xoogan oo ka da’ay gobolkaas. Hay’adda o ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka ayaa doonyo nooco dheereeya ah u diray degmada Baardheere oo kamid ah meelaha ay ugu daran ee ay ku dhufteen daadadka ku rogmaday gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland. Doonyahaan ayaa lagu wadaa in ay ka qaybqataan badbaadinta boqolaal shacab ah oo xafadaha degmadaas ku go’doonsan kuwaas oo ay go’domiyeen Fatahaada Wabbiga, waxaana Muqdisho looga daabulay diyaarado Qomaatiga u kaca. “Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo ka jawaabaysa xaaladaha adag ee ka jira gobolka #Gedo Degmooyinkiisa kala duwan ee Dowladd goboleedka #Jubaland kuwaas oo ka dhashay roob mahiigaan ah oo watay daadad iyo fatahaad uu sameeyey Wabbiga Jubba oo mara Degmooyinka Gobolkaas ayaa maanta hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka waxa ay laba Doonyood oo ah nuuca dheereeye u dirtay degmada Baardheere” ayaa lagu yirid warsaxaafadeed kasoo baxay SoDMA Sidoo kale hay’adda ayaa intaasi kusii dartay inay diyaarisay deeq kala duwan oo gargaar ah kuwaas oo iskugu jira raashin, dhar iyo daawo, kuwaas oo la gayn doono gobolkaasi. Waxaa kalemoo xusid mudan in maalmo ka hor hay’adda SoDMA doonyo nuuca dheereya ah gaarsiisay degmada Luuq ee gobolka Gedo, si ay u adeegsadaan dadka shacabka ah. Xaaladda gobolkan ayaa ah mid aad u daran, waxaana saameyn xoogan ku yeeshay roobab daadad wata oo ka da’ay, kuwaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid hantiyeed intaba. Si kastaba, guud ahaan Soomaaliya waxaa laga digayaa xaaladda Elnino, ayada oo cabsi xoogan laga dareemayo magaalooyinka ay marayaan wabiyada iyo kuwa u dhow xeebaha. The post DF oo doonyo u dirtay gobolka GEDO + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Xalay fiidkii hore waxaaa bam gacmeed lagu tuurey BTS ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ku leedahay deegaanka Muusaaaley ee Ceeelasha biyaha. Inta la ogyahay ma jiraan wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay dhacdadan. Weerarkan ayaa dhacay wax ka yar 24 saac kadib qarax noociisa lagu sheegay miino jidka lagu aasay oo habeen hore ka dhacay ka soo horjeedka laan ay shirkadda Hormuud ku leedahay degmada Deyniile gaar ahaan agagaarka xero Jarmalka. Inta la xaqiijiyey ma jiraan wax khasaaro nafeed ah uu sababay qaraxaasi , waxaase burbur xoogan uu gaadhay dhismaha xarunta. Dadka deegaanka ayaa si wayn ugu tiirsan adeegga xaruntani bixiso. Lama oga sababta loo beegsaday goobahaas ganacsi, mana jirto cid ilaa iyo hada sheegatay masuuliyadda qaraxyadan kala duwan, iyo dad loo soo xirey falalkaas. Source: goobjoog.com
-
Muddo bil ayaa kasoo wareegatay weerarkii October 7, iyada oo khasaaraha nafeed ee soo gaaray dhanka reer Falastiin ay kor dhaafayaan toban kun(10,000) sida ay ku warantay Wasaaradda Caafimaadka ee Marinka Gaza. Warbixintan ayaa intaasi raacisay in dadka ay Israel ku dishay gudaha Gaza ay u badan yihiin caruur iyo haween, waxaana dhaawac uu soo gaaray shan iyo labaatan ku(25,000) halka kumannaan kale la la’yahay. Maalmihii la soo dhaafay, duqeymo xagga cirka ah ayay Israel ku garaacday xarumaha Qaramada Midoobay oo ay gabaad ka dhigteen kumannaan qof oo barakacayaal ah, goobaha sidoo kale la la beegsaday ayaa waxaa ka mid ah Isbitaallo, kuwaas oo markii hore ay buuxdhaafiyeen dhaawacyo iyo dad deegaan ah. Sida ay sheegeyso hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO keliya weerarada ay Israel u geysteen goobaha caafimaad ayaa kor u dhaafaya 100 weerar iyada oo ka deyrisay haddii duqeymaha noocaasi ay sii socdaan ay xaalad khatar ah soo wejihi doonto caruurta iyo haweenka uurka leh. Qiyaastii 70% dadka 2.3 milyan ee deggan magaalada Gaza ayaa ka qaxay guryahoodii tan iyo markii uu dagaalku billowday. Cunnada, dawooyinka, shidaalka iyo biyaha ayaa sii yaraanaya, iskuullada ay UN-ku maamusho oo gabbaad noqday ayaa ah kuwo aan la awoodi karin. Dad badan ayaa jiifa waddooyinka. Israel waxaa ay sheegeysaa in ay keliya bartilmaameedsanayso baraha ay joogaan Xamaas, ilaa haddana ay ka duqeeyeen ilaa 2,500 bar oo Gaza ah oo cirka, dhulka iyo badda ah. Khasaaraha nafeed ee soo gaaray dhanka Isra’eil ayaa iyagana kor u dhaafay 1,400 oo u badan rayid, waxaa ayna Xamaas afduub u heysataa ilaa 240 qof. Wararka rasmiga ah ee Israel kasoo baxay ayaa sidoo kale sheegaya in bishaasi ay Talaviv khasaartay in ka badan 12 bilyan oo doolar. Inkasta oo dalal badan oo dunida ay ka dalbadeen Israel in ay joojiso dagaalka iyo duqeynta Gaza hadana waxaa muuqato in ay xasuuqa sii waddo, iyada oo aan indhaha ka qabsanayn xeerar maxaliga ah iyo kuwa dowliga ah ee dhowraya xuquuqda aadanaha. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda UK ayaa markii ugu horreysay si faahfaahsan uga hadashay xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan muranka hareeray doorashada. Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo wareysi gaar ah siiyay Telefishinka Dalsan ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda cakiran ee Puntland, isaga oo ku baaqay in weli lagu dhammeeyo deganaan, si looga hortago qalalaase kale. Ugu horreyn wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay iska hor imaadkii Garoowe ka dhacay, kaas oo u dhexeeyay ciidamo kala tirsan maamulka iyo xubnaha mucaaradka. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dowladdiisa ay si dhow ula socoto xaaladda Puntland, ayna ogtahay kala aragti duwanaasha u dhexeeya labada ee isku haya doorashada maamulkaasi. “Run ahaantii waxaan ognahay inuu jiro kala aragti duwanaasho ku saabsan taariikhda iyo qaabka doorashada u dhaceyso iyo in madaxweyne Deni, mucaaradka iyo kooxo kala duwan oo kamid ah odayaasha beelaha ay is haytaan, codkoodana aan la maqleyn” ayuu yiri. Danjite Mike Nithavrianakis oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inuu walaac ka muujinayo in arrintu ay sidaan kusii socoto, isla-markaana ay meesha ka baxdo kala dambeynta. Waxa kale oo uu hoosta ka xariiqay in UK ay saameyn doonto dadaal kasta oo lagu qaboojinayo xiisadda, isla-markaana ay la kulmi doonaan dhinacyada is haya. “Waxaan ka walaacsanahay suurtagalnimada sii kicinta run ahaantii waxaan wada-hadal la yeelan doonaa qaar kamid ah shaqsiyaadka muhiimka ah maalmaha soo socda, si aan ugu boorino xakameynta” ayuu mar kale yiri safiirka dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya. Puntland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad hubanti la’aan ah oo ka dhalatay muranka doorashada, kadib markii ay isku fahmi waayeen Saciid Deni iyo mucaaradka, ayada oo haatan uu sii dhammaanaayo muddo xileedka hay’adaha kala duwan ee maamulkaasi. The post Daawo: UK oo war kasoo saartay dagaalkii ka dhacay Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Wararka laga helayo dalka Koonfur Afrika ayaa xaqiijinaya in halkaasi xalay lagu dilay laba dhalinyaro ah oo Soomaaliyeed. Burcad hubaysan oo u dhashay waddanka Koonfur Afrika ayaa duleedka magaalada Cape Town ku dilay laba marxuum sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi. Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin ayaa lagu dhex dilay gooba ganacsi oo ay ku lahaayeen degaanka Phillipi oo ka tirsan magaalada Cape Town. Wararka ayaa intaas ku daraya in burcadda hubaysan ay dilka kadib dhac u gaysteen goobihii ganacsi ee ay lahaayeen labada wiil ee la dilay. Bishaan Novembar gudaheeda waxaa dalka Koonfur Afrika meelo kala duwan oo ka mid ah lagu dilay ilaa sideed Muwaadiniin Soomaali ah oo dalkaasi u shaqo tagay. PUNTLAND POST The post Dhalinyaro Soomaali ah oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa Arbacadii shalay ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan., ka dib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto. Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, ka dib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya. Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen. RWe Benyamin Natenyahu ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in ay u badan tahay in militariga Israel uu amniga Gaza si abadi ah u maamuli doono, arrintaas oo walaac galisay dawladda Maraykanka. Blinken oo warfidiyeenka kula hadlaya isaga oo jooga dalaka Japan ayaa sheegay in qorshe kasta oo Gaza la xiriira, dagaalka ka dib, inuu ahaado maamul ay Falastiin hogaamiso oo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ay ku mideysan yihiin. Source
-
Wararka ka imaanaya deegaanka Phillipi oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi Koonfur Afrika ayaa sheegaya in burcad hubeysan ay halkaasi ku dileen laba nin oo Soomaali ah. Budhcada hubeysan ayaa labada nin ee Soomaaliyeed oo ku dhex dilay goobtooda ganacsi oo ku taalay deegaanka Phillipi, waxaana la sheegay in dilka kadib ay dhaceen agabkii muhiimka ahaa ee dukaanka yaalay. Labada nin ee Xalay lagu dilay dalka Koonfur Afrika oo ah wiilal dhalinyaro ah ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin. Dilka kadib ciidamo ka tirsan Booliiska dalkaas ayaa goobta gaaray, kuwaas oo sameeyay baadhitaano aanan kooban oo aysan kasoo bixin wax natiijo ah. Source
-
Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa taageero xooggan u muujiyay Ururka Xamaas iyo dagaalka uu kula jiro Israel, isagoo Xamaas ugu yeedhday dhaqdhaqaaq xorriyad doon ah. Dadka arrimahan ka faalooda ayaase qaba in Turkiga uu weli yahay dariiq muhim ah shidaalka iyo Tamarta Isreal. Sida ay qabaan dadka arrimaha Turkiga odorosa, Faraqa u dhaxeeya hadalada kulkul ee afka laga yirahdo iyo Ficilka waa qeyb ka mid ah doorka diplomaasiyadeed ee ay Ankara ku dooneyso inay ka qaadato colaadda Qaza. Source
-
Fallaagada xuutiyiinta Yemen oo taageero ka hela Iiraan ayaa soo riday diyaarad aan duuliye lahayn oo uu Mareykanku leeyahay, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah iyo xuutiyiinta. Sarkaal Mareykan ah ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan Xuutiyiinta ay diyaaradda nooca MQ9 ku soo rideen xeebaha Yemen. Tallaabadan waxaa xaqiijiyay afhayeenka milateriga Xuutiyiinta dalka Yemen. Tani ayaa waxay ku soo beegantay iyadoo Washington ay ka feejigan tahay dhaqdhaqaaqyada kooxaha ay Iran taageerto ee Bariga Dhexe, iyadoo xulafadeeda dhow ee Israa’iil oo si weyn uga soo horjeeda Tehraan ay ururka Xamas kula dagaalameyso Qasa. Fallaagada Xuutiyiint Yemen, waxay taageero buuxda ka heystaan Iiraan. Source
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa shalay ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan., ka dib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto. Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, ka dib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya. Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen. RWe Benyamin Natenyahu ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in ay u badan tahay in militariga Israel uu amniga Gaza si abadi ah u maamuli doono, arrintaas oo walaac galisay dawladda Maraykanka. Blinken oo warfidiyeenka kula hadlaya isaga oo jooga dalaka Japan ayaa sheegay in qorshe kasta oo Gaza la xiriira, dagaalka ka dib, inuu ahaado maamul ay Falastiin hogaamiso oo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ay ku mideysan yihiin. PUNTLAND POST The post Maraykanka oo ku baaqay in la helo dowlad ay ku midaysan yihiin shacabka Falastiin appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaas oo jugtiisa si xoogan looga maqlay halkaasi. Qaraxa oo ahaa bam-gacmeed ayaa ka dhacay xaafada Jabad Geele oo ka tirsan deegaankaaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonyahay. Wararka ayaa sheegaya in bamka lagu weeraray xarun ay shirkadda isgaarsiinta Hormuud ku leedahay halkaasi, waxaana ka dhashay khasaare hantiyeed oo burbur u badan. Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howlgallo kooban ka sameeyay halkaasi, si ay gacanta ugu soo dhigaan raggii ka dambeeyay falkaasi. Weerarkan waxaa ka horreeyay qarax shalay lagu xiray xarun kale oo ay shirkaddan ku leedahay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, taas oo qayb ahaan burburtay. Ma cadda sababta ka dambeysa weeraradaan is xig-xiga, balse inta badan kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ayaa weerarada noocaan oo kale ka fuliya gudaha dalka. Xaaladda ayaa saaka ah mid deggan, waxaana si caadi ah u shaqeynaya isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, deegaan weynaha Ceelasha Biyaha ee Shabeelaha Hoose. Weeraradan ayaa kusoo aadayo, ayada dhankooda ciidamada ammaanka ay kordhiyeen howlgallada lagu sugayo amniga ee ka socda magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda. The post Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenkii hore Wasaaradda Amniga ee Xukuumadii Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre Cabdicasiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa wareysi lala yeeshay wuxuu kaga hadlayo arrimo dhowr ah, isaga oo ka sheekeynaya dhacdooyinkii uu goob jooga u ahaa xilligii uu ahaa afhayeenkii Wasaaradda Amniga. “Markii dib loo doortay Madaxweyne Xassan wuxuu wacad ku maray inta uu dalka madax ka yahay inuu kooxda Shabaab la diriri doono, dalka na ka xorreyn doono,” ayuu yiri C/casiis Xildhibaan isaga oo dhinaca kale na tilmaamay in marka isbarbar dhig lagu sameeyo Dowladdii hore iyo Dowladda madaxweyne Xassan Sheekh inuu jiro farqi weyn oo dhinaca amniga ah. “Waxaa jira wareysi dhowaan lala yeeshay Taliyihii Sirdoonka Bashiir Maxamed Jaamac wuxuu u sheegay shacabka Soomaaliyeed in 2 Dowladood ay ku wada noolaayeen Muqdisho, qatarta amniga na ay ka sareysay tan maanta jirta, dhacdadii 14-ka Oktoobar kaddib 7 maalmood ayeey xirneyd Dekadda Muqdisho,” ayuu yiir Cabdicasiis Xildhibaan, wuxuuna intaasi ku daray inuu ka mid ahaa 5-tii qofood ee ugu horreeysay ee shaqada iska casilay. “Waxaad ogtahay nabadgelyada ka jirta caawa Muqdisho meesha ay joogto & meeshii ay joogtay xilligii aan Afhayeenka ahaa, waxaan shirarka jaraaid ku qaban jiray goobaha ay qaraxyada ka dhacaan iyada oo uusan ila socon askari,” ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan, wuxuuna intaasi ku daray inuu u bareeray inuu qatartaas. “Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre markii aan ka dalbaday in ilaalo la ii sameeyo wuxuu igu yiri kuwa qabiilkaaga ka tirsan oo ilaalo kuu noqda la imow, waxaan ku iri ma jiraan miyaa ciidamo Dowladdu leedahay?,” ayuu yiri Cabdicasiis Xildhibaan oo intaasi ku daray in taasi qeyb ka aheyd sababihii uu isku casilay. Halkan ka daawa wareysiga Cabdicasiis Xildhibaan oo dhameystiran The post Daawo: C/casiis Xildhibaan: “Kheyre wuxuu igu yiri kuwo qabiilkaaga ka tirsan la imow” appeared first on Caasimada Online.
-
Cape Town (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay muwaadiniin Soomaaliyeed oo sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada ku dhaqan dalkaas lagu dilay deegaan hoostaga magaalada Cape Town ee dalkaasi. Kooxo burcad Afrikaan ah ayaa lagu soo warramayaa inay dileen muwaadiniintaas oo ku sugnaa deegaanka Philippi oo kamid ah deegaanada hoostaga Cape Town. Labada marxuum oo dhalinyaro ahaa ayaa lagu kala magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin, sida innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Wararka ayaa intaas kusii daraya in labada wiil ay burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas ay ku dhex toogateen goobtooda ganacsi oo ku taalla halkaasi, kadibna baxsadeen. Sidoo kale burcadda ayaa waxay dhac u geysatay dukaanka labada marxuum, iyaga oo goobta ka qaatay agabkii muhiimka ahaa ee dukaanka yaalay. Ciidanka Booliska dalka Koonfur Afrka ayaa dhacdada kadib gaaray goobta, sidii caadada u aheyd, kuwaasi oo baaritaano ka sameeyay halka lagu dilay marxuumka. Hase yeeshe wax natiijo ah oo illaa hadda ma jirto kasoo baxday baaritaanka ay saameeyeen ciidamada booliska ee goobta tegay, kadib wiilasha Soomaalid ah. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa sii kordhayay weerarada lagu hayo Soomaalida ku dhaqan dalkaasi ayada oo bishaan gudaheeda lagu dilay illaa sideed muwaadin oo dalkaasi u shaqo tagay, taas oo muujineysa inuu sii kordhinayo beegsiga lagu hayo Soomaalida. Si kastaba, Koonfur Afrika ayaa waxaa sanadihii u dambeeyey ku sii kordhayey dilalka, dhaawaca iyo dhaca loo geyto muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi. Mana jirto cid wax ka qabata dhibaatooyinka loo geysto muwaadiniinta Soomaalida ah ee dalkaasi u shaqo doontay, oo iyagu u badan dhaca, dhaawaca iyo dilalka loo geysto dadka ajaaniibta ah ee ku ganacsada dalkaasi. The post Yuusuf Taakow iyo Maxamed Deeq Muxudiin oo lagu dilay K/ Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Source: Hiiraan Online
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dalka Itoobiya ayaa si weyn looga hadal hayaa dagaal cusub, kaasoo noqon doona kii afaraad ee uu qaado Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo muddo shan sano ah xafiiska jooga. Abaabulka ciidan iyo soo iibsashada hub ayaa loo arkaa in qeyb ka tahay damaca Abiy uu ku doonayo helitaanka dakad ku taalla Badda Cas. Abiy Axmed oo sanadkii 2019-kii ku guuleeystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, taas oo uu ku muteysatay soo afjariddii dagaalkii Itoobiya ay kula jirtay waddanka ay dariska yihiin ee Eritrea. Bartilmaameedka ugu weyn ee Itoobiya ayaa ah dekedda Casab ee Badda Cas ee Eritrea, taas oo ka mid ahayd Itoobiya ka hor xorrnimadii Eritrea in ka badan 30 sano ka hor. Tan iyo sanadkii 1998-kii dagaalkii Itoobiya iyo Ereteriya kadib, xiligaas oo la xiray xudduudka labada dal u dhaxeeya, dekadda Casab waxay ahayd mid daxalaysatay oo aan la isticmaalin, halka ganacsiga Itoobiya uu u wareegay dalka ay jaarka yihiin ee Jabuuti. Dad badan oo Itoobiyaan ah iyo kuwa dalalka dariska ah ayaa u arka hadal dhawaan kasoo baxaya ra’iisul wasaraaha Itoobiya Abiy Axmed in uu ahaa hanjabaad iyo in uu doonayo inuu awoodd isticmaalo si Itoobiya ay dakad u hesho. Abiy Axmed oo dhawaan la hadlay ciidamo ka tirsan kuwa qalabka sida ee Itoobiya ayaa si cad u beeniyay inuu doonayo inuu ku duulo Eritrea, waxaana uu yir “Itoobiya waligeed kuma soo duulin dal kale, mustaqbalkana ma sameyn doonto.” Waxa uu sidoo kale ku baaqay wadahadal iyo shir-madaxeed degdeg ah oo ay yeeshaan urur goboleedka IGAD, oo ay ku mideysan yihiin siddeed waddan oo ku yaal waqooyi-bari Afrika. Bishii Luulyo, Abiy wuxuu si cad u soo bandhigay arrinta ku saabsan helitaanka Itoobiya ee badda. Waxaa uu sheegay in Itoobiya ay tahay dalka ugu dadka badan adduunka ee aan lahayn wax bad ah, ayna ku nool yihiin 125 milyan oo qof. Helitaanka badda ayuu Abiy Axmed tilmaamay in ay ahayd mudnaanta koowaad ee boqorratooyadii Itoobiya, gaar ahaan Xayle Salaase oo xukumayay 1930 ilaa 1974kii. Isaga oo soo xiganaya Janaraal caan ah, Qarnigii 19-aad, waxaa uu Abiy sheegay in Badda Cas ay tahay xuduudda dabiiciga ah ee Itoobiya Qaar ka mid dadka Itoobiya ayaa hadalka ra’iisul wasaraaha u arka mid uu taageero siyaasadeed kaga raadinayo gudaha waddankiisa Waxaa uu baaq u diray siyaasiyiinta kasoo jeeda qowmiyadda Amxaarada oo u ololeeya Itoobiya oo ah hal dal oo awood badan. Qowmiyadda Amxaarada iyo Abiya ayaa siyaasadda ahaan kala fogaaday markii uu sanad ka hor heshiisa nabadeed la gaaray jabhadda TPLF ee waqooyiga Itoobiya, kaddib dagaal sokeeye oo uu dhiig badan ku daatay. Bishii April ayuu bilaabay hawlgal milatari oo uu hub ka dhigis ugu samaynayo maleeshiyaadka Axmaarada, kuwaas oo ka barbar dagaallamaya ciidanka Itoobiya dagaalkii kooxda TPLF. Abiy ma dakadda uu awoodda ku qabsaday ayuu rabaa inuu dhaxal ahaan dalkiisa uga tago? Hadalka Abiy ayaa waxaa kale oo lagu macneeyay in uu qeyb ka yahay qorshe uu doonayo, kaas oo ah in dhaxal ahaan uu uga tago dakadda Itoobiya, uuna awoodda isticmaalo, hadii wadahadal uu guul darraysto. Biyo xireenka Itoobiya ee wabiga Niil ee loogu talagalay inuu dhaliyo koronto ku filan itoobiya, ayna u dhoofin karto waddamada deriska ah ayaa ka mid ah waxyabaha uu hirgaliyay inta uu xafiiska joogay balse muranka badan abuuray. Tartanka hubka ee gobalka iyo suurgalnimada dagaalka dhaca Dalalka deriska la ah Itoobiya ayaa ku gacan sayray hadalka Ra’iisul wasaaraha Itoobiya. waxaana ka mid ah dalalka walaaca ka muujiayay Jabuuti, Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland, Soomaaliya iyo Kenya. Ciidanka Itoobiya ayaa saddexdii dagaal ee ugu dambeeyay ee ay galeen ku guuldarrestay, waxaana kii koowaad oo ah kii ay kaga soo horjeedeen Ciidanka Xoraynta Oromada, oo aan welina dhammaanin. Dagaalkii labaad waxaa ciidanka Itoobiya ay ku wajaheen Jabhadda Xoreynta Shacabka Tigray (TPLF) ayada oo markii danbe hal sano ka hor xabad joojin lagu dhammeeyay. Ciidanka Itoobiya waxaa la sheegay in dagaalkii TPLF ay kaga dhinteen askar u dhaxeeysa 260,000 ilaa 520,000 oo askari halka 374,000 kalena ay ku dhaawacmeen. Dagaalka saddexaad ee ay galeen ciidanka Itoobiya waa kan hadda socada ee ka dhanka ah maleeshiyaadka Axmaarada kaas oo bilaawday bishii April, askar badan ayaa dowladda looga dilay howagalkaas. Wararka qaar ayaa sheegayaan in Eritrea ay hubaynayso maleeshiyaadka Amxaarada ee loo yaqaanno Fano. Suurta-galinimada ah inay dagaal Itoobiya ku qaaddo dalalka dariska la ah, ayaa abuuri kara xasilooni darro gobalka ah, iyadoo uu biloowday loollan cusub oo dhanka hubka ah, Itoobiya ayaa soo iibsatay hub badan, sidoo kale Ereteriya iyo Jabuuti ayay u badan tahay inay ku dayan doonaan, xaaladda Soomaaliya ayaa laga yaabaa in ay kasiii dari karto. Isha: BBC The post Abiy oo laga cabsi qabo inuu dagaal afaraad ka billaabo Badda Soomaaliya marta appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Anthony Blinken ayaa ku baaqay dawlad ay Falastiiniyiintu leeyihiin oo ka talisa Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza oo mideysan, kadib marka dagaalka hadda socdaa uu dhamaado. Arrintan ayaa ah tallaabo ay Falastiin dawlad buuxda ku noqon karto. Aragtidan dawladda Maraykanka ayaa sii soofeynaysa farqiga u dhexeeya Maraykanaka iyo Israel oo ay xulufo yihiin, marka laga hadlayo dhulka reer Falastiin, kadib dagaalka Israel iyo Xamaas u dhexeeya. Hadalka Blinken ee la xiriira sida Maraykanku u arko tallaabada xigta ee Gaza ayaa sidoo horjoogsanaya haddalo saraakiisha midigta fog ee Israel iyo tagaareeyaashoodu ay maalmahan wareejinayeen. Ra’iisul Wasaare Benjamin Natenyahu ayaa Isniintii la soo dhaafay sheegay in ay u badan tahay in militariga Israel uu amniga Gaza si abadi ah u maamuli doono, arrintaas oo walaac galisay dawladda Maraykanka. Blinken oo warfidiyeenka kula hadlaya isaga oo jooga dalaka Japan ayaa sheegay in qorshe kasta oo Gaza la xiriira, dagaalka ka dib, inuu ahaado maamul ay Falastiin hogaamiso oo Daanta Galbeed iyo Marinka Gaza ay ku mideysan yihiin. Israel ayaa kumanaan qof ku xasuuqday Gaza. Wasaaradda Caafimaadka Gaza ayaa sheegtay in tirada dhimashada ee dadka rayidka ah ay gaartay 10,569 qof, oo ay ku jiraan 4,324 carruur ah. Tani ayaa ka dhigan in 24-kii saac ee ugu dambeysay ay weerarada Ciidamada Israel ku dhinteen 241 qof, sida ku cad tiradii ugu dambeysay ee shalay la shaaciyay. Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa mar kale Maamulka Israel ugu baaqday in ay joojiyaan dhacdooyinka argagaxa leh ee ay ka gaysanayaan Gaza. Hay’adda ayaa sheegtay in loo baahan yahay xabad joojin degdeg ah, iyadoona ka digtay in uu burburo hannaanka caafimaadka ee magaalada. The post Antony Blinken oo shaaciyey in Mareykanka uu doonayo in Gaza iyo Daanta Galbeed… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Codbixiyeyaasha magaalada St. Louis Park ee gobolka Minneasota ayaa Naadiya Maxamed u doortay inay noqoto duqa magaaladaas, iyada oo noqoneysa qofkii ugu horreeyay ee Muslim, Soomaali iyo Madow ah oo doorasho qof iyo cod ah xilkaasi ku guuleysata. Sanadkii 219-kii, ayaa iyadoo 23 jir ah waxaa loo doortay kursi golaha deegaanka ee magaaladaas, taas oo ka dhigtay qofkii ugu da’ada yaraa ee maamulka magaaladaas ka mid noqda. Deeqa Dhalac oo ka tirsaneyd baarlamanka Magaalada South Portland, ee gobolka Maine, ayaa sanadkii 2021kii noqotay gabadhii ugu horeysay ee Soomaali ah oo duq magaalo ka noqota Mareykanka. Naadiya, waxay kaga duwaneyd Deeqa waxaa xilkaasi u doortay, lixda xubnood ee Golaha deegaanka ee magaaladaas St. Louis Park ee gobolka Minneasota. Naadiya oo si kooban ula hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in caawa ay aad u faraxsan tahay, isla markaana guusha ay gaartay ay tahay guusha dadka dhan. Faa’iza Cali Boolaay Agaasimaha Xuquuqul insaanka Ururka Haweenka Qaranka oo caawa wareysi siisay TV-ga Somali Cable ayaa guusha gabadhaas ku tilmaantay mid umadda Soomaaliyeed ay wada leedahay. “Naadiya waxaan leeyahay Qabyaalad yeysan ku galin dadka Soomaaliyeed si isku mid ah ugu adeeg,Soomaalida waa Dad Madaxweyne ka noqon karo Dalalka ay Caalamka kaga noolyihiin” ayey tiri Faaiza Cali Boolaay Agaasimaha Xuquuqul insaanka Ururka Haweenka Qaranka. Dadka Soomaaliyeed ayaa door firfircoon ka cayaara siyaasadaha caalamka markii ay tagaan dalalka adduunka, Soomaalidu waxay ugu horeysaa dadyowga caalamka ee dalalka aysan ka soo jeedin ka qabta masuuliyadaha ugu sareeya. Hoos ka daawo The post Daawo: Maxay Naadiya ka tiri doorashadii ay ku soo baxday ee ka dhacday Mareykanka? appeared first on Caasimada Online.
-
Degaannada Oog iyo Ceeldhaab ayaa sida wararku sheegayaan bara-kac ka bilowday gelinkii danbe ee maanta kadib dagaalka ka soo cusboonaaday galbeedka Sool. Qaar kamid ah shacabkii ku dhaqnaa Oog iyo Ceel-dhaab ayaa u bara-kacay tuulooyin miyi ah oo ka baxsan laamiga dheer islamarkaana masaafo durugsan ka xiga dhinaca waqooyi. Wararka qaar ayaa sidoo kale sheegaya in magaalada Caynaba laga dareemay bara-kac oo ay jiraan shacab uga baxay dhanka waqooyi si ay uga fogaadaan saamaynta dagaalka. Xaaladdan ayaa ka danbaysay kadib markii maanta ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland uu dagaal beeleed ku dhexmaray degaanka Buq-dharkayn oo ka tirsan galbeedka gobolka Sool. Dagaalka labada dhinac oo saacado badan socday ayaa lagu soo warramayaa in dhinaca Somaliland lagaga qabsaday gaadiid dagaal iyo maxaabiis uu ku jiro sarkaal sare. PUNTLAND POST The post Bara-kac ka bilowday Oog iyo Ceel-dhaab kadib dagaalkii Buq-dharkayn appeared first on Puntland Post.
