-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
FC Barcelona won 1-0 away to Atletico Madrid on Wednesday to secure a Copa del Rey final appearance against Real Madrid. Source: Hiiraan Online
-
Saraakiisha ururka Taliban, marka ay sharraxayaan ujeeddada ay ula dagaallamayeen Mareykanka iyo isbahaysiga NATO, waxay ku sheegeen inay doonayeen Afgaanistaan inay noqoto meel xor ka ah maamulkii ku hoos jiray NATO iyo dhaqangelinta shareecada Islaamka. Muddo 20 sanno ah oo ay dagaallamayeen bishii Agoosto ee sannadkii 2021 ayay dib u qabsadeen Kabul,kaddib markii ay ka baxeen ciidanka Mareykanka. Taliban, waxay hirgeliyeen ujeeddadii ay u dagaallamayeen, iyagoo sheegay inay shareecada ku soo rogeen Afgaanistaan, muddada shanta sanno ku dhow ee ay xukunka hayaanna waxay soo bandhigeen dadaalladooda isku tashiga ku dhisan ee ay doonayaan inay horumariyaan kabayaasha dhaqaalaha. Hadda inay xiriir la sameyaan Mareykanka oo dib ugu soo celiyaan Kabul, taasi ma khilaafayso mowqifkooda dagaalka , si tan aad u fahanto; Afgaanistaan oo ay hoggaamiyaan Taliban waxay Mareykanka u dhaqmayaan labo dal oo wadaagaya dano dheef wadaag ah ee aan ahayn inuu Mareykanka ku rogo waxa uu doonayo si la mid ah sida uu ula dhaqmay nidaamkii ay Taliban xukunka ka tuureen. Taliban, waxa ay ka doonayaan dib usoo celinta xiriirka Mareykanka ayaa ah inay helaan aqoonsiga caalamiga ah oo ay ku dhibtoonayaan muddada ay hoggaaminayaan Afgaanistaan, ka qaadista cunaqabateynta iyo in loo oggolaado maalgashiga caalamiga ah ayaa sidoo kale ku riixiya dib usoo celinta xiriirka. Afgaanistaan waxay doonaysa inay ka faa’iideysato maalgashiga dalalka khaliijka oo aan ku dhici karin oggolaansho la’aanta Mareykanka, sidoo kale waxay doonayaan inay helaan dhaq dhaqaaq xor. Ruushka iyo Shiinaha oo ah cadowga Mareykanka , haddana ma aysan joojin la macaamilka Mareykanka oo waxaa shaqeynaya kanaalka diblomaasiyadeed , si ka badan Ruushka , wuxuu Shiinaha ka hortagaa isku dhaca Mareykanka , sabab la xiriirta danaha dhaqaale ee kaga xiran ayaa ka badan dal kasta oo kale ganacsiga ay wadaagaan , waxayna dalalka ku dhibtoodaan cunaqabateynta uu saaro Mareykanka , tana waxaa awood u siinaya dhaqaalaha uu gacanta ku hayo iyo xulafadiisa, isla xaaladan waa sababta ay Taliban u doonayso iyagoo siman haddana inay la yeeshaan iskaashi , maaddama ay u leedahay faa’iido waxtar ah. PUNTLAND POST The post Xiriir ay Taliban la sameyso Mareykanka miyuu khilaafayaa mowqifkooda? appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa cashuuro culus dul dhigay badeecadaha laga keeno dalal badan oo caalamka ah, si uu u dhiirrigeliyo wax-soo-saarka gudaha. Shiinaha (34%), Vietnam (46%), iyo Cambodia (49%) ayaa ka mid ah dalalka uu cashuuraha ugu sarreeya ku soo rogay. Tallaabadan waxay sare u qaadi kartaa qiimaha badeecadaha Mareykanka, taasoo sicir-barar horseedi karta. Dalalka la saaray cashuuraha waxay halis ugu jiraan hoos u dhac ganacsi iyo shaqo la’aan, halka qaar ka mid ah ay ka falcelin karaan iyagoo iyaguna cashuuro dul dhigaya badeecadaha Mareykanka. Dagaal ganacsi oo hor leh ayaa laga cabsi qabaa, iyadoo xiriirka ganacsi ee caalamiga ah uu sii adkaan karo. Dhibaatooyinka ugu badan waxay taabanayaan warshadaha wax-dhoofinta sida dharka, elektiroonigga, iyo baabuurta, gaar ahaan dalalka sida Shiinaha, Midowga Yurub, iyo Bangladesh. waa kuwaan dalalka Trump uu kusoo rogay canshuuraha adag : Shiinaha: 34% Midowga Yurub: 20% Vietnam: 46% Taiwan: 32% Japan: 24% Hindiya: 26% Kuuriyada Koonfureed: 25% Thailand: 36% Switzerland: 31% Indonesia: 32% Malaysia: 24% Cambodia: 49% Boqortooyada Ingiriiska: 10% Koonfur Afrika: 30% Brazil: 10% Bangladesh: 37% Singapore: 10% Israa’iil: 17% Filibiin: 17% Chile: 10% Australia: 10% Pakistan: 29% Turkiga: 10% Sri Lanka: 44%. Source: goobjoog.com
-
Israa’iil oo duqeymihii ugu cuslaa ka fulisay dalka Suuriya Diyaaradaha dagaalka ee maamulka Israa’iil ayaa goor dambe oo arbacadii ah waxa ay 11 duqaymood ka fuliyeen magaalooyinka Dimishiq iyo Xama ee Suuriya, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka Suuriya ee SANA. Weerarada cirka ah ee geysatay Israa’iil qaarkood ayaa lala beegsaday agagaarka dhismaha xarunta cilmi-baarista sayniska ee degmada Barzeh ee Dimishiq,” ayaa sida lagu sheegay warka at baahisay SANA. duqeymaha kale ayaa lagu garaacay agagaarka magaalada Hama ee bartamaha dalka Suuriya, halkaas oo uu ku yaallo saldhig militari oo ay leeyihiin ciidamada Suuriya, balse wax faahfaahin ah lagama bixin khasaaraha weerarradan. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Suuriya ayaa si adag u cambaaraysay duqeymaha gardarada ah ee maamulka Israa’iil, ayadoo ku tilmaantay xadgudub bareer ah oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madax-banaanida Jamhuuriyadda Suuriya. Maamulka Israa’iil ayaa duqeymo joogto ah ka wada gudaha Suuriya taniyo markii xilka laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaas, waxayna Tel Aviv si cad u sheegtay inaysan oggolaan doonin in Suuriya ay mar kale dowlad xoog leh yeelato. Source: goobjoog.com
-
President Donald Trump and Somaliland Flag The White House 1600 Pennsylvania Avenue Washington, D.C. 20500 Dear Mr. President, I am writing to inform you about Somaliland’s compelling argument for international recognition and highlight its significant achievements. Situated in the Horn of Africa, Somaliland is a democratic, peaceful, and stable nation, yet it remains unrecognized by the global community. It shares borders with Ethiopia, Somalia, and Djibouti. Importantly, Somaliland achieved independence from British rule on June 26, 1960, prior to Somalia’s independence. While a union between Somaliland and Somalia was initially proposed, the plan ultimately failed early on, lacking both formal ratification and legal documentation to officially establish the unification. Somaliland actively pursues international recognition of its sovereignty, and despite not being formally recognized by many, enjoys robust diplomatic ties with several nations. Taiwan, Ethiopia, Djibouti, and Turkey maintain embassies in its capital, Hargeisa. Due to its strategically important location, Somaliland presents an attractive opportunity for establishing military bases to safeguard international trade routes through the Red Sea. Its advanced port in Berbera also positions it as a key trade hub capable of supplying landlocked East African nations. We welcome the United States and its allies to consider leasing land for a military base in Somaliland. Somaliland’s journey began with rebuilding from the ground up after significant losses. Over the years, Somaliland has reconstructed its nation, established its own government, and met all the criteria for international recognition. It boasts clearly defined borders, a permanent population, and a functioning government capable of international agreement. Somaliland has developed its constitution and laws, prioritizing peace, security, and stability while upholding human rights, freedom, and democratic principles. It has conducted numerous elections—presidential, parliamentary, and local—adhering to the principle of one person, one vote. Its legal framework aligns with international standards. Furthermore, the U.S. Department of State now recognizes civil documents such as marriage and birth certificates, as well as affidavits of support issued by the Somaliland government. Somaliland has made significant strides in building strong relations with its neighbors, African nations, and Western powers, particularly the U.S. and the EU. It is actively working towards the Sustainable Development Goals, focusing on poverty reduction, hunger elimination, and combating climate change to ensure a sustainable future for generations to come. The people of Somaliland demonstrate remarkable resilience, perseverance, and unity in overcoming challenges and transforming problems into opportunities. Somaliland has the right to self-determination and self-existence. Somalilanders have determined never to reunite with Somalia, which remains fragile and unstable. Our territorial integrity is non-negotiable, and we have the right to international recognition. We deserve our seat at the United Nations to contribute to addressing global challenges and developing sustainable solutions. Somaliland’s claim for recognition is supported by principles enshrined in the Universal Declaration of Human Rights (Article 3, 1948) and the Montevideo Convention on the Rights and Duties of States (1933). Somaliland stands as a beacon of progress in the region, achieving remarkable milestones through unity, collaboration, and resilience. Our commitment to democracy, peaceful transitions of power, and strong public institutions sets an example for neighboring states. The people of Somaliland are prepared to face any difficulties that arise, confident that challenges will not slow our progress. We remain steadfast in our pursuit of international recognition and have established strong diplomatic partnerships with the United States. The time is now for the world to acknowledge Somaliland. The U.S., the European Union, and the United Nations should formally recognize Somaliland as an independent nation. Somaliland met all the criteria for statehood two decades ago, and its eligibility is undeniable. While recognition should have happened twenty years ago, the second-best time is today. International recognition is crucial for the people of Somaliland, unlocking opportunities such as foreign investment, easier travel, global business partnerships, and full integration into the international community. Mr. President, we urge you to look beyond initial impressions and carefully consider Somaliland’s accomplishments and progress. We believe you can be the catalyst for meaningful change. Your cooperation is greatly appreciated. With sincere gratitude, About the Author Shuaib Omer Shuaib Omer Contractor/Passionate Advocate for Somaliland Recognition – United States Qaran News
-
UK Member of Parliament Gavin Williamson has strongly criticized Somalia’s government, calling it a failed state and urging its leadership to acknowledge the sovereignty of Somaliland instead of engaging in what he termed “stupid games.” In a bold statement, Williamson highlighted Somalia’s ongoing struggles with governance, asserting that President Hassan Sheikh Mohamud does not even have full control over Mogadishu, let alone the regions beyond it. “Somalia has failed,” Williamson declared. “The President of Somalia doesn’t even control Mogadishu. He needs to recognize the sovereignty of Somaliland and stop playing stupid games.” Williamson, a long-time advocate for Somaliland’s recognition, further predicted that more nations would soon follow suit in acknowledging Somaliland’s statehood. “Over the next few years, many countries will move to recognize Somaliland, the only democratic country in the area,” he added, emphasizing Somaliland’s stability and democratic governance compared to the turmoil in Somalia. His remarks come amid increasing international discussions on Somaliland’s status, particularly in light of its strategic importance in the Horn of Africa and its growing diplomatic engagements with Western nations. Somaliland has functioned as a self-governing entity for over three decades, boasting democratic elections, a stable political system, and effective governance—contrasting sharply with Somalia’s continued instability. Observers suggest that Williamson’s statement signals growing momentum within UK political circles toward formal engagement with Somaliland. This aligns with previous calls from British and U.S. lawmakers advocating for diplomatic recognition of Somaliland as a legitimate and independent state. Williamson’s comments were made in response to a post by Somaliland’s presidency, which issued a strong condemnation of President Hassan Sheikh Mohamud’s interference in Somaliland’s internal affairs. The Somaliland government has repeatedly asserted its sovereignty and rejected Mogadishu’s claims over its territory. Somalia continues to struggle with ongoing security issues and political unrest, while Somaliland solidifies its position as a reliable partner on the international stage. With increasing support from global political figures, Somaliland’s case for recognition appears to be gaining traction Horn diplomat Qaran News
-
XASAN SHIIKH IYO DAWLADDIISU WAXAY BILAABEEN WEJI CUSUB OO AY DAGAAL KAGA HURINAYAAN BARIGA SOOL IYO SANAAG. Maamulka xasan shiikh markuu ku fashilmay dagaalkii uu kula jiray arggagixisada, wuxuu bilaabay Weji cusub oo uu doonayo inay isku baaba”aan shicibka s. Land ee deggan bariga sool iyo sanaag isagoo ka dagaallamaya aqoonsiga caalamiga ah ee u soo socda s. Land. Wuxuu itaal ka dhigtay dhulkaas oo ay joogaan jabhado degaamadaas ahi inuu baahida kaga faa”iideysto isagoo adeegsanaya garaaddada iyo siyaasiyiin ka mid ah degaankaas, wuxuu marayaa nin daad qaaday xumbbo cuskag waa isku daygii ugu cuslaa ee uu cadaawad ka dhex huriyo carrigaas sidaadaas awgeed waa in talo midaysan lagaga hor tago taliska caalwaaga ah ee xasan shiikh, wuxuu ka wadaa mandaqadda xaalad abuur dhalinaya amnidarro aanuu waxba ka qaban karaynin hadhow. Xasan wuu hinaasay waxa u sawiran quruxda s. Land iyo mushkiladda ku xeeran XAMAR oo ah kaaf iyo kala dheeri. Aqoondarradu waxay marinaysaa inuu xamse barre yidhaahdo laascaanood tag si uu nefis siyaasadeed uga dhigto, taasina way ku adkaatay xamse barre. MAHADSANID. BACAW MEDIA. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal. Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, iyadoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen walaalnimada iyo iskaashiga Labada dal, kaas oo ku salaysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ree Jabuuti. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyey doorkooda dagaalka ka dhanka ah Shabaab. Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayeynta hay’adaha ammaanka. Source: goobjoog.com
-
𝐖𝐀𝐑 𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃 Hargeysa, 02.04.2025 Fadhigii 14-aad ee Shirka Golaha Wasiirada Jammhuuriyadda Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland, waxana lagaga wada hadlay arrimo badan oo mudnaan u leh Qaranka Somaliland, qodobada maanta waxa ka mid ahaa: (𝟏) Warbixin guud oo la xidhiidha Xaaladda Amniga dalka, waxa ka war bixiyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isoo Golaha u sheegay in guud ahaanba Amniga dalku sugan yahay, marka laga reebo fal dambiyeedyada maalinlaha ah ee ka dhaca Bulshada iyo shilalka gaadiidka. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in Qaran ahaan ay lagama maarmaan tahay in aynu si weyn uga feejignaano saamaynta ay inagu yeelan karto xasilooni darrada ka jirta marrinka Badda Cas iyo hirdanka ka dhexeeya Quwadaha waaweyn. (𝟐) Wasiirka Wasaaradda Maaliyada iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa isaguna Golaha siiyey warbixin guud oo la xidhiidha xaaladaha dhaqaale ee dalka iyo hab-sami-u-socodka ururinta cashuuraha iyo kobcinta Dakhliga Qaranka. Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in uu dhammaaday 3-biloodkii koowaad ee sannan Miisaaniyadeedka 2025-ka. Wasiirka ayaa cadeeyey in nasiib wanaag ay muuqato kor u kac xagga Dakhliga ah, kaasi oo 19% ka sarreeya marka loo eego sannadkii 2024-ka. Sidoo kale, Wasiirku waxa uu sheegay in isku xidhka nidaamka Maaliyadda ee Cashuuraha ku waajibay iibka ee Shirkadaha Korontada iyo kuwa Isgadhsiintu ay meel wacan marayaan, taasoo kor u qaadi doonta Dakhliga dalka. (𝟑) Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Khayraadka Biyaha ayaa ka war bixiyey xaaladaha abaaraha iyo biyo la’aanta ee ka jirta Gobollada Bariga iyo in loo baahan yahay in la abaabulo gurmad Qaran oo qorshaysan. (𝟒) Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin guud oo la xidhiidha hab-sami-u-socodka ciyaaraha, caqabadaha jira iyo arrimaha u baahan in wax laga qabto si loo kobciyo jidhka iyo garaadka Dhallinyarada. Wasiirku waxa uu sheegay in ay soo dhamaadeen Horyaalka Kubbada Cagta ee Gobollada Awdal iyo Saaxil. Sidoo kale waxa soo gabagaboobay Shirka Daneeyeyaasha Ciyaaraha, iyo in la qaban doono Doorashada Xidhiidhka Kubadda Cagta, Kolayga iyo Ciyaaraha fudud. Wasiirku waxa uu sheegay in Wasaaraddu ay qaban doonto Tartanka Ciyaaraha isku-dhafan oo nooc walba leh, oo lagu qaban doono Hargeysa, Bisha 8-daad, 2025-ka. (𝟓) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta JSL ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin waafi ah oo la xidhiidha doorka iyo masuuliyadda Wasaaradda taasi oo ah in Wasaaradu ay tahay hayy’ad dawli ah oo u adeegta muwaadiniinta Somaliland. Wasiirku waxa uu sheegay in Warbaahinta Qaranku aanay noqon doonin meel cid laga af-lagaadeeyo ummadana lagu kala qaybiyo sidii hore u dhici jirtay, balse Warbaahinta Qaranku ay noqon doonto mid tabisa warar dhex-dhexaad ah oo ku salaysan xaqiiqada isla markaana ku salaysan danta iyo maslaxadda ummadda JSL iyo wadajirkiisa ummad ahaaneed. Wasiirku waxa uu sheegay in la qaban doono Shirweynaha Qaran ee Dhaqanka Somaliland . (𝟔) Madaxweynuhu waxa uu warbixin ka dhegaystay Wasiirradii loo kala diray Gobollada dalka si farxadda Ciidal Fitriga ula qaybsadaan bulshada Somaliland ee ku nool Gobollada iyo Degmooyinka dalka. Wasiirradu waxa ay sheegeen in ay bulshadu aad u soo dhaweeyeen ka qayb galka madaxda Xukuumadda ee Munaasibadda Ciidul Fidriga. (𝟕) Ugu dambayntii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Golaha la wadaagay xog warran guud oo la xidhiidha dedaalladii nabadaynta iyo Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah ee Gobolka Sanaag, isagoo sheegay in Degmada Ceerigaabo ay hawlahaasi soo gabagaboobeen, arrintaasi oo ay ay kaalin laxaad leh ka qaateen Madaxweyne ku-xigeenka JSL iyo Weftiga culus ee uu hoggaaminayo. Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu rajo wacan iyo niyad-sami ka muujiyey xidhitaanka nabada Ceel-Afweyn oo ilaa hadda si fiican u socota. Madaxweynuhu waxa uu Golaha u sheegay in dhawaan la bilaabo doono Qaramaynta Ciidamada Madaniga ah ee Gobolada kale ee Bariga. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥 Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Shie la yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, waxaana Villa Somalia sheegtay in ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya labada dal Labada Madaxweyne ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii loo sii amba-qaadi lahaa iskaashiga dhow ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo siyaasadda, iyadoo labada Madaxweyne ay bogaadiyeen walaalnimada iyo iskaashiga Labada dal, kaas oo ku salaysan danaha guud ee shacabka Soomaaliyeed iyo kuwa ree Jabuuti, siday sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti doorka firfircoon ee ay ka qaadanayaan nabadeynta, horumarinta iyo taageerada joogtada ah ee Soomaaliya, waxa uuna si gaar ah uga mahadceliyey doorkooda dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Dhankiisa, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xusay in Jabuuti ay marwalba garabtaagan tahay walaalahooda Soomaaliyeed, isla markaana ay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhanka la dagaallanka argagixisada, dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo tayeynta hay’adaha ammaanka. PUNTLAND POST The post Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti oo shir ka yeeshay Iskaashiga labada dal iyo La-dagaallanka Argagixisada appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa, Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle. Warsaxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayay ku sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh maanta gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa, Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle.” “Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka Villa Somalia. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta gaaray dalka Jabuuti halkaasi oo uu kula kulmayo Madaxweyne Geelle appeared first on Puntland Post.
-
Expert traveller and adventure lover Mark Harrison decided to visit one of the least visited countries in Africa and was taken aback by its beauty. Djibouti is home to some of the most surreal and incredible landscapes in the world. With approximately 114,000 tourists visiting in 2021, according to the Oxford Business Group, Djibouti remains a relatively lesser-known destination. This could be attributed to its proximity to politically unstable regions in the Gulf of Aden and the Horn of Africa, bordering Ethiopia, Eritrea, and Somalia, as well as its turbulent past during the civil war of the 1990s. Mark Harrison posted a video on his Youtube Channel titled “I travelled to AFRICA where NO ONE GOES and found this!” where he shared incredible images of his adventures. The video featured dolphins, whale sharks, volcanic landscapes and white-sand beaches. Expert traveller and adventure lover Mark Harrison decided to visit one of the least visited countries in Africa and was taken aback by its beauty. Djibouti is home to some of the most surreal and incredible landscapes in the world. With approximately 114,000 tourists visiting in 2021, according to the Oxford Business Group, Djibouti remains a relatively lesser-known destination. This could be attributed to its proximity to politically unstable regions in the Gulf of Aden and the Horn of Africa, bordering Ethiopia, Eritrea, and Somalia, as well as its turbulent past during the civil war of the 1990s. Mark Harrison posted a video on his Youtube Channel titled “I travelled to AFRICA where NO ONE GOES and found this!” where he shared incredible images of his adventures. The video featured dolphins, whale sharks, volcanic landscapes and white-sand beaches. In the video, he said: “In this video we’re exploring the unknown, undiscovered, least visited country, Djibouti. We’re going to dive with whale sharks, go to a crazy moonscape and now explore the lowest point in Africa and a lake saltier than the Dead Sea.” Djibouti is a geological marvel and home to the lowest point in the entire continent – Lake Assal, which is a crater lake which is more than 150 metres below the sea level. Surrounded by dormant volcanoes and fields of black lava, the saline lake boasts turqioise waters and hundreds of glistening salt crystals. Another must-see is Lake Abbé, located on the border with Ethiopia with its salt lake famous for its striking landscape, where jagged limestone chimneys rise from the ground. The landscape of the lake is so unique it was even used in the filming of the film, Planet of the Apes. The country is also home to islands of white sand beaches with crystal clear waters, rivers and mangroves, many whale sharks and dolphins – all perceived and captured by Mark during his exploring. Its otherworldly beauty is what sets it apart as a country situated at the Afar Triple Junction, where three tectonic plates meet. Moucha Island is a coral island in the Gulf of Tadjoura and another amazing spot for snorkeling and dolphin spotting with a marine reserve, along with stunning white sand beaches. In his video, Mark says Djibouti is a massively underrated and “beautiful” country He added: “I’m beginning to realise how underrated Djibouti truly is…I’m so glad I randomly decided to come here. “Since all there is, is bad press, no one has documented the beautiful side to Djibouti, it has had a really bad rap. “I really hope this video on this tiny country in the Horn of Africa has changed your perspective, and perhaps one day you’ll even give it a chance.” Source Express.co.uk Qaran News
-
𝐖𝐚𝐫𝐞𝐞𝐠𝐭𝐨 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐞 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 02/04/2025 uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/G/083-071/042025 ku soo saarey Magacaabista Guddiga Qaran ee Agaasinka iyo Qabanqaabada Xuska 18-ka May 2025. Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:- 𝐔𝐣𝐞𝐞𝐝𝐝𝐨: 𝐌𝐚𝐠𝐚𝐜𝐚𝐚𝐛𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐐𝐚𝐛𝐚𝐧𝐪𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝟏𝟖-𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐲 𝟐𝟎𝟐𝟓. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐭𝐢𝐱𝐠𝐞𝐥𝐢𝐲𝐞𝐲: Muhiimadda maalinta Qaran ee 18-ka May u leedahay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, iyo doorka ay maalintaasi ku leedahay xoojinta midnimada, madax-bannaanida, iyo sumcadda caalamiga ah ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐚𝐫𝐤𝐚𝐲: In sannadkan 2025-ka uu yahay sannadkii ugu horreeyey ee ay Xukuumadda WADAJIR iyo WAXQABAD xilka hayso, isla markaana loo baahan yahay fursaddan in si heer qaran ah loo abaabulo si loo muujiyo heerka horumarka iyo koboca Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐚𝐧 𝐪𝐢𝐢𝐦𝐞𝐞𝐲𝐞𝐲: Baahida loo qabo in si xirfad leh, abaabulan, oo wadajir ah loo agaasimo looguna diyaar garoobo xuska 18-ka May, isla markaana la sameeyo hannaan isku dubbaridan oo ay qayb ka yihiin dhammaan heerarka dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland ee ku nool gudaha dalka iyo dibeddiisaba. 𝐌𝐚𝐫𝐤𝐢𝐢 𝐚𝐲 𝐢𝐢 𝐦𝐮𝐮𝐪𝐚𝐭𝐚𝐲: In loo baahan yahay Guddi Qaran oo si toos ah ugu xilsaaran Agaasinka iyo Qabanqaabada Xuska 18-ka May 2025, iyo in wada shaqaynta heer Qaran ay muhiim u tahay guusha munaasabaddan. Waxa aan mas’uuliyiintan hoos ku xusan u magacaabayaa in ay noqdaan Guddiga Qaran ee Agaasinka iyo Qabanqaabada Xuska 18-ka May 2025, oo ka kooban sidatan: 1. Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha & Amniga – Guddoomiye 2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Wacyigelinta – G/Kuxigeen 3. Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland- Xoghaye 4. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta & Sayniska – Xubin 5. Wasiirka Wasaaradda Duulista, Hawada & Horumarinta Madaarada – Xubin 6. Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada & Qoyska – Xubin 7. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga & Wershadaha- Xubin 8. Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex – Xubin 9. Duqa Caasimadda Hargeysa – Xubin Sidaas darteed, waxaa la farayaa in mas’uuliyiintan ay xil gaar ah iska saaraan agaasinka iyo qabanqaabada xuska 18-ka May, sida oo kale waxaan farayaa dhammaan maamullada gobollada, degmooyinka, hay’adaha dawladda, iyo cid kasta oo ay khusayso in ay si buuxda ula shaqeeyaan guddigan, kana qayb qaataan qabanqaabada maalinta qaran ee 18-ka May si waafaqsan qorshaha iyo jihada uu dejiyo guddigu. 𝐀𝐥𝐥𝐚𝐚 𝐌𝐚𝐡𝐚𝐝 𝐋𝐞𝐡 ________________________________________ 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaasi oo uu kula kulmi doono dhiggiisa Mudane Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa kulankooda kaga wada-hadli doona xoojinta xiriirka soojireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo adkaynta xasilloonida gobolka. Source: goobjoog.com
-
Dagaal culus ayaa ka socda deegaanka Jiicboor ee galbeedka gobolka Mudug, halkaas oo maleeshiyaad ka soo kala jeeda Puntland iyo Galmudug ay isku fara saareen. Dagaalkan ayaa ah mid soo noqnoqday, waxaana la sheegay inuu salka ku hayo muran la xiriira dhul daaqsimeed. Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, inkastoo tirada rasmiga ah aan weli la xaqiijin. Dagaalka ayaa sababay barakac ay sameeyeen dadkii ku noolaa Jiicboor iyo nawaaxigeeda, iyadoo laga cabsi qabo in colaaddu sii xoogeysato. Dhinacyada dagaallamaya ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan Goldogob iyo Saax-wanaag, kuwaas oo horay ugu muransanaa maamulka deegaanka. Ciidamada ammaanka ee Puntland iyo Galmudug ayaa weli aan si toos ah uga dhexgalin dagaalka, inkasta oo dadaallo nabadeed ay wadaan waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka. Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ee uu hoggaamiyo madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa si weyn uga horyimid qorshaha ra’iisul wasaare Xamza ee ku aadan safarkiisa magaalada Laascaanood ee xarunta KMG ah ee SSC-Khaatumo. Guddoomiyaha gobolka Sool ee Somaliland, Mudane Axmed Faarax Cismaan ayaa ka digay safarka ra’iisul wasaaraha ee deegaannada SSC-Khaatumo, wuxuuna sheegay inuu ka qoomameyn doono booqashadiisa Laascaanood. Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu rabo in dagaal uu ka dhex huriyo Somaliland iyo SSC-Khaatumo oo horay ugu dagaalamay Sool iyo Sanaag. “Ra’iisul wasaare Xamza wuxuu rabaa inuu Laascaanood yimaado, isaga oo sida mashruuc ah in dagaalo laga bilaabo Sanaag iyo Sool” ayuu yiri Axmed Faarax. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan uga digayaa ninka Raiisul wasaaraha Soomaaliya ku magacaaban inuu ka qoomamayn doono hagardaamada iyo mashruuca dagaal ee uu mar labaad u soo wado shacabka gobolada Sool iyo Sanaag”. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in Xamza iyo madaxweyne Xasan Sheekh ay yihiin raggii ka dambeeyay dagaalladii ka dhacay Laascaanood, welina ay faraha kula sii jiraan. “Xamza oo kaashanaya Xasan Sheekh waa maskaxdii ka danbesay dagaalkii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay Laascaanood. Xamse wuxuu ahaa ninkii ciidankii Somalia ee lagu soo tababaray dalalka Turkey iyo Eritrea Laascaanood geeyay isagoo uga Dan lahaa Qorshe lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland” ayuu mar kale yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan lagu wado in ra’iisul wasaare Xamza uu baxo booqasho uu ku tegayo magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ah ee SSC-Khaatumo, isaga oo u kuur-geli doono xaaladaha ka jira magaaladaasi. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Xamza uu maalmaha soo socda u bixi doono Laascaanood, halkaas oo uu ku tagi doono booqasho indho-indheyn ah, sida ay ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah oo ku dhow xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. Ujeedka safarka Xamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale la xiriira xoojinta xiriirka dowladda dhexe iyo maamulka SSC-Khaatumo, si loo sii amba qaado howlaha harsan ee la xiriira maamulkaasi oo weli KMG ah, isla markaana weli wajahayo xaalado dagaal. Socdaalkan ayaa sidoo kale la filayaa inuu caddeeyo mowqifka dowladda federaalka Soomaaliya ee ku aaddan taageerada maamulkaasi iyo horumarinta gobollada SSC. Si kastaba, socdaalka wafdigan sare ee uu hoggaaminayo ra’iisul wasaaraha ayaa sare u qaadaya maqaamka maamulka SSC oo weli dowladda federaalka ay u aqoonsan tahay mid ku meelgaar ah, tan iyo markii uu dagaal adag la galay maamulka Somaliland. Magaalada Laascaanood ee uu haatan tegayo ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre waxaa horay uga dhacay dagaallo culus oo u dhexeeyay maamulada Somaliland iyo SSC Khaatumo, kuwaasi oo ay dad badan ku geeriyoodeen, welina xiisadda labada maamul ayaa ka taagan gobollada Sool iyo Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya.
-
Somalia, a nation abundantly endowed with natural wealth—untapped oil and mineral reserves, fertile river valleys, strategic maritime positioning, and the longest coastline in mainland Africa—should be a regional powerhouse. Yet, for nearly four decades, the country has been trapped in a cycle of conflict, terrorism, and political dysfunction. The very leaders entrusted with the nation's recovery have, instead, become the architects of its stagnation. Source: Hiiraan Online
-
Baidoa (HOL) — Four former fighters from the Al-Shabaab militant group have surrendered to police in Somalia’s Southwest State, regional officials said Wednesday, amid ongoing military offensives and increased aerial strikes targeting the group. Source: Hiiraan Online
-
Gaalkacyo (Caasimada Online) – Faah-faahino kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xooggan oo goordhow ka qarxay galbeedka gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka. Dagaalka ayaa si gaar ah uga socdo deegaanada Jiicboor iyo Saax Quran iyada oo labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaalka uu kusii fidayo goobo horleh, isla-markaana ay jiraan khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawacba leh. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka uu salka ku hayo is qab-qabisi ka dhashay dhul oo u dhexeeyo labada beelood ee ku wada dagaalamaya halkaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qaybo badan oo gobolka kamid ah, gaar ahaan aagga lagu dagaalamay. Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay mas’uuliyiinta gobolka oo ku aadan dagaalkaasi sababay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca. Xiisadda haatan soo cusboonaatay ayaa kusoo aadeyso, ayada oo maalmihii lasoo dhaafay ay Mudug ka dhacayeen dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh, oo saameyn ku yesehay dadka deegaanka. Waxaa sidoo kale soconayo baaqyo iyo dadaallo lagu doonayo in nabad lagu kala dhex dhigo beelaha ku dagaalamaya galbeedka Gobolka Mudug. Dagaal beeleedyada ayaa ku soo laab laabtay gobollada Dhexe gaar ahaan Galgaduud iyo Mudug, waxaana jira heshiisyo horay loo gaaray oo mar dambe fashilmay. Si kastaba, Dagaalladan ayaa loo arkaa kuwo saameyn kara gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab ee haatan ka socda deegaannada maamul goboleedka Galmudug.
-
Jowhar (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo miino oo ay ku dhinteen carruur ay dhaleen xubno ka tirsan maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe. Qaraxyadan oo ahaa kuwa dhulka la geliyo ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud iyo tuulooyinka u dhow, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay carruur iyo xaasas ay dhaleen xubnaha Al-Shabaab. Guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo la hadlay ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ayaa ka hadlay dhacdadan, wuxuuna xaqiijiyay in carrruur iyo xasaas u dhaxa xubnaha Al-Shabaab ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyadaasi. Waxa uu tilmaamay in qaraxyada ay si gaar ah uga dhaceen deegaannada ay howlgallada ka socdaan, isaga oo ku eedeeyay in Al-Shabaab ay dhibaatadaasi la rabeen dadka shacabka ah iyo ciidamada isbaheysanaya ee howlgallada ka wada halkaasi. “Maanta waxa ay u baahan yihiin in laga bad-baadiyo ilmahooda iyo naagahooda, meeqo carruur ah ayaa darraad iyo shalay ku dhintay miino ay iyaga dhigeen oo ilmahoodi ah ogaada maanta waxaan rabnaa inaan ka bad-baadino ilmahooda?” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay in Khawaarijta aysan naxeyn, ayna usoo jeesatay leynta dadka Soomaaliyeed oo ay ku jiraan carruurta, haweenka iyo dadka da’da ah. “Waxaad kale oo ogaataan nimankaas cadowtimada ay qabaan in aysan qof u aabe yeeleen, ninkii hooyooyinkoodii iyo ilmahoodii inta miino u dhigo oo qarxiya asxaan miyay leeyihiin?”. ayuu kusii daray. Dhanka kale, guddoomiyaha deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo hadalkiisa wata ayaa xusay inay ka go’an tahay in lasii wado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, si looga xoreeyo deegaannada gobolka Shabeellaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle. “Go’aankeennu waxa uu yahay inaan Shabaab dhulkaan ka tirtirno wax kale qorayga uma wadano, ogaadana dagaalkan inuu yahay naf-hurnimo oo jihaad ah” ayuu yiri. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan xubnaha kooxda Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud oo ay dagaal kula galeen ciidamada dowladda, inkastoo markii dambe laga saaray, kadib duqeymo lagu garaacay halkaasi. Si kastaba, Kooxda Al-Shabaab ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay culeys soo saartay gobolka Shabeellaha Dhexe, iyada oo dib ula wareegtay deegaanno horay looga qabsaday, waxaase hadda soconayo guluf culus oo ay dhankeeda wado dowladda dhexe.