Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,244
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Mogadishu (HOL) – The National Intelligence and Security Agency (NISA) has launched a manhunt for Abdullahi Hassan Abdi, a suspected Al-Shabaab operative accused of extorting money from residents in the Banadir region. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) – The National Intelligence and Security Agency (NISA) has launched a manhunt for Abdullahi Hassan Abdi, a suspected Al-Shabaab operative accused of extorting money from residents in the Banadir region. Source: Hiiraan Online
  3. Mogadishu (HOL) – Puntland regional President Said Abdullahi Deni has ordered a crackdown on illegal immigration following reports that dozens of foreign nationals have joined ISIS-Somalia. Source: Hiiraan Online
  4. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ka hadashay weerar culus oo qaraxyo ku bilowday oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Ceel Cali Axmed oo hoostaga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, iyada oo shaacisay arrin yaableh oo ay sameeyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday, kadib markii lagu jabiyay dagaalka. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa si gaar ah maleeshiyada kooxda waxa ay ula beegsadeen deegaankan oo laga ilaaliyo degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Dowladda Soomaaliya ayaa qoraalka ay soo saartay ku sheegtay in ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ay ka hortageen weerarka, ayna jabiyeen xubnihii soo qaaday. “Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha xaq u dirirka ah ee dadka deegaanka ayaa saakay cadowga Khawaarijta ah ku jebiyey dagaalo ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, ayuu ka dhacay howlgalka ugu culus, halkaas oo khasaare lixaad leh lagu gaarsiiyey Khawaarijta,” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya. Sidoo kale, dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday ay sameeyeen arrin yaableh oo ah inay meesha uga carareen maydadka xubnaha laga dilay oo isugu jiro horjoogayaal iyo iyo maleeshiyaad badan. “Maydadka Khawaarijta ayaa daadsa deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan looga laayey,” ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka dowladda. Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda. Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda oo ka socda qaybo badan oo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
  5. Faahfaahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalka ciidanka xoogga dalka iyo kuwo deegaanka oo is garabsanaya iyo Alshabaab ku dhex maray deegaanno ka tirsan gobolka shabeellada dhexe. Dagaalkan oo ka dhacay deegaanada Ceel Cali Axmed iyo Cali Fooldheere, ayay saraakiisha ciidanku sheegeen inay khasaare lixaad leh ku gaarsiiyeen dagaalameyaasha kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha ayaa intaas ku daray inay hayaan meydadka xubno ka tirsan Alshabaab, islamarkaana goor dhow ay Warbaahinta la wadaagi doonaan xogta dagaalkaas oo faahfaahin. Gobolka shabeellada dhexe ayaa kamid ah kamid ah meelaha ay ka socdaan howlgallada militari ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay wadaan ciidanka xoogga iyo kuwa deegaanku. Source: goobjoog.com
  6. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa maata go’aan culus oo lama filaan ah kasoo saartay bandhig faneedyada lagu qabto magaalada Hargeysa, xilli uu bandhig uu dhagsanaa fanaanada caanka ah Haboon Nuur, kaas oo la qorsheynayay inuu dhowaan dhaco. Warqad kasoo baxsaday xafiiska guddoomiyaha gobolka Maroodi-Jeex Axmed Maxamed Cadaad ayaa gebi ahaa joojiyey bandhig-faneedyada iyo cawayska heesaha habeenkii ee caasimadda Hargeysa iyo guud ahaan degmooyinka hoos yimaada gobolka Maroodi-Jeex, taas oo ka dhigan in la baajiyay bandhigii la qaban qaabinayay ee Haboon Nuura. Guddoomiyaha ayaa sababta ku sheegay in bandhig faneedyada iyo cawayska heesaha ay lidd ku yihiin diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, sidaas awgeedna ay go’aansadeen in gebi ahaan la joojiyo, maadaama la galayo bisha barakeysan ee Ramadaan. Taliyeyaasha qaybaha iyo maamullada goobaha lagu caweeyo oo ay ku jiraan hoteellada ayaa la faray inay u hoggaansamaan amarkan cusub ee maanta soo baxay. “Waxaa la farayaa labada taliye qaybeed iyo dhammaan hoteellada magaalada Hargeysa in laga bilaabo maanta oo bishu tahay 19/02/2025 in la joojiyay bandhig faneedyada, cawayska heesaha ee habeenkii, maadaama ay liddi ku tahay diinteenna islaamka iyo dhaqanka suuban, diinteenuna ina fartay anshax wanaag iyo dhowrsoonaan” ayaa lagu yiri go’aanka kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha maamulka gobolka Maroodi-Jeex. Fanaanadda caanka ah ee Haboon Nuura ayaa dhowaan sidaan oo kale looga joojiyay bandhig ay ku qabsan lahayd magaalada Muqdisho, kadib markii uu hareeyay muran xoogan oo ka dhashay hees ay horay wax uga qaaday oo ka dhan ahayd reer Muqdisho. Erayada heesta muranka dhalisay waxaa ka mid ahaa: “Malihin cadow Xamar ka daran,” iyagoo qeyb kamid ah heestaas ku amaanay Itoobiya oo xiligaas dooneysay inay xoog ku qaadato badda Soomaaliya. Si kastaba, Haboon ayaa maalmo kooban kadib dib isaga laabatay Hargeysa oo si weyn loogu soo dhaweeyay, waxaana kadib loo qaban qaabiyay bandhig faneed, kaas oo ugu dambeyn maanta la baajiyay kadib amarka cusub ee haatan kasoo baxay Somaliland.
  7. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helaya khasaaraha ka dhashay weerar qaraxyo ku bilowday oo saaka kooxda Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku leeyihiin aagga degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe, waxaana xigay dagaal toos ah. Weerarka ayaa si gaar ah maleeshiyada kooxda waxa ay ula beegsatay deegaanka Ceel Cali Axmed oo laga ilaaliyo degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Macawiisleyda ee Shabeelaha Dhexe. Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, waxaana weli xaaladda deegaanka ay tahay mid aad u kacsan oo laga dareemayo saameyta dagaalka. Ujeedka Al-Shabaab ayaa ahaa inay xoogga saarto deegaanka Ceel Cali Axmed, kadibna ay gaarto degmada Aadan Yabaal oo horay looga xoreeyay kooxda, halkaas oo u ahayd sadhig muhiim ah oo ay ku sugnayd muddo ka badan 15 sano oo xiriir ah. Saraakiil u hadashay milatariga Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen weerarka Khawaarijta, ayna iska difaaceen dagaalka ay saaka kusoo qaaday. Al-Shabaab ayaa mararka qaar weerar gaadmo ah oo xilli hore oo subaxnimada ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda, illaa haddana waxaa muuqata in aan wax laga baran weerarada isku xilliga dhaca ee kooxda ku bartilmaameedsato ciidanka dowladda. Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli ay ciidamadu wadaan howl-gallo ka dhan ah kooxda ay hadda ka wadaan qaybo badan oo kamid ah gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
  8. Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhiggiisa Ukraine Vladimir Zelenskiy ku tilmaamay keligii-taliye doorasho la’aan isaga jooga, wuxuuna intaas ku daray inay lagama maarmaan tahay doorasho degdeg ah oo dalkaas ka dhacdaahi. Trump wuxuu sidoo kale saacado ka hor sheegay in madaxweyne Zelenskiy aanu garanayn meesha ay ku baxday lacag balaayiin doolar ah oo Mareykanku dalkiisa siiyay, wuxuuna sheegay inuu oggolyahay in dagaalku sii socdo. Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli Mareykanka iyo Ruushka ay u socdaan wada-hadallo ku saabsan D dagaalka Ukraine, kuwaas oo Zelensky aan kaalin ah laga siin. Xariirka sii xumaanaya ee madaxda Mareykanka iyo Ukraine ayaa fursad dahabiya u ah Ruushka, maadaama Washington ay ahayd dalka ay ku tiirsanayd oo taageerada ugu badan iyo hubka ka heli jirtay xukuumadda Kiev Source: goobjoog.com
  9. Puntland State President Said Abdullahi Deni. Garowe (PP News Desk) — An executive decree issued by the Puntland Presidency states that Puntland State security forces and associated agencies have been instructed to prevent undocumented foreigners from entering Puntland State of Somalia. The decree has come into effect today. Security forces will double their efforts to implement enhanced security measures at checkpoints, border control points and airports. “All agencies to which this decree is addressed are duly instructed that undocumented foreigners are banned from entering Puntland State from 19/2/2025. Authorities are instructed to discharge their duties to implement the decree” reads the statement. Meanwhile, the Puntland State government will resume the second phase of deporting undocumented foreigners from Puntland State of Somalia, as the Commander of Police Operations in Bari, Lieutenant Colonel Habib Gorod Shire, said today in a briefing to the media. The ongoing counterterrorism operation against ISIS in the Calmiskaad mountain range has brought to light a large number of foreign terrorists who were plotting to turn parts of Puntland State into terror hideouts and foxholes. © Puntland Post, 2025 The post Puntland Bans Undocumented Foreigners from Entering Its Territory appeared first on Puntland Post.
  10. Mogadishu (HOL) – Families of Somali citizens sentenced to death in Saudi Arabia staged a protest in Mogadishu on Wednesday, calling on the Somali government to intervene on behalf of their imprisoned relatives. Source: Hiiraan Online
  11. Dowladda Puntland ayaa soo saartay digniin adag oo ku saabsan in aysan magaalada Gaalkacyo soo gelin ama loo soo rarin colaad beeleedda ka aloosan degaannada galbeedka gobolka Mudug. Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland, Maxamed Faarax Maxamuud oo hadal ka jeediyay shir nabadeed oo Gaalkacyo uga furmay labada beelood ee Sacad iyo Leelkase ayaa si weyn uga digay in colaadda ka taagan galbeedka Mudug loo soo raro magaalada Gaalkacyo. Wasiir Maxamed Faarax ayaa odayaasha labada beelood ka codsaday in ay nabadda u midoobaan, isla markaana ay meesha ka saaraan waxkasta oo colaadda u hiilin kara, wuxuuna sheegay in mas’uuliyiinta Puntland iyo Galmudug aysan aqbali doonin in colaadda miyiga loo soo raro magaalada Galkaacyo ee xarunta gobolka Mudug. “Waxaa tihiin ehel wadashay oo aan meelna kala aadi doonin, dhulkuna weligiis meeshiisa ayuu ahaanayaa, waxaa laydinka rabaa inaad baaqa nabadda gaarsiisaan reer guuraaga oo hawshaan aydinaan ka tegin iyadoo qabyo ah, haddii aad heshiin waydaan maamuladu go’aan bay gaarayaan labada beeloodba dan u ah.” “Magaaladaan Galkacyo waa magaalo inaga wada dhexaysa oo Soomaali oo dhami ku nooshahay, in qalalaaso laga sameeyo waxyaabaha miyiga iyo tuulooyinka ka dhacay loo soo raro marna aqbali mayno, dadka raba inay fidno ka sameeyaan oo dagaalada u soo raraan kulli waa iska celinaynaa oo dhan baan uga soo wada jeensanaynaa. Dagaalku meelbuu joogaa xalbaana loo raadinayaa”ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo si adag uga digtay in colaad beeleedda miyiga gobolka Mudug loo soo raro Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
  12. Mogadishu (HOL) – Somali government on Wednesday launched a nationwide campaign to address the growing cancer burden in the country, marking a significant step in its commitment to public health and non-communicable disease prevention. Source: Hiiraan Online
  13. A joint report by the World Bank, UN, and EU estimates that rebuilding the Gaza Strip will require $53.2 billion over the next decade, highlighting the severe economic toll of the Israel's genocidal war on the Palestinian enclave. Source: Hiiraan Online
  14. Ciidanka Booliska Gobolka Nugaal oo xalay hawlgal ka sameeyay magaalada Garoowe ayaa gacanta ku dhigay shakhsiyaad si sharci-darro ah u waday geed Quwaax iyo dhir kale oo muhiim ah, sida ay sheegtay wasaaradda Degaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimilada Puntland. Hawlgalka ayaa yimid, kaddib markii laba dhalinyaro ah ciidanka ku wargeliyeen in ay arkeen geed Quwaax iyo dhir kale oo muhiim ah, kuwaasi oo ay shakhsiyaad si sharci-darro ah u wadeen, kaddibna ciidanka oo ku hawlgalaya xogtaasi ayaa si deg deg ah guuleysteen in ay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay falkaas, iyagoo sidoo kale diiwaangaliyay tiradda geedaha. “Howlgalka ayaa yimid kadib markii laba dhalinyaro ah ay kusoo wargeliyeen ciidanka booliska in geed Quwaaxa iyo dhirkale oo muhiim ah ay ku arkeen magaaladda. Ciidamada amniga iyo sharaakiisha wasaaradda ayaa si degdeg ah uga falceliyay xogtaas, waxayna ku guuleysteen inay soo qabtaan dadkii ka dambeeyay falkaas, iyagoo sidoo kale diiwaangaliyay tiradda geedaha.” “Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimiladda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa cambaareeyay falkan, isagoo xusay in tallaabo adag laga qaadi doono cid kasta oo ku lug leh burburinta deegaanka. Wuxuu ugu baaqay bulshada inay ka feejignaadaan falalka waxyeellaynaya deegaanka oo ay la shaqeeyaan hay’adaha dowladda si loo ilaaliyo khayraadka dabiiciga ah” ayaa lagu yiri War ka soo baxay Wasaaradda Degaanka Puntland. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo qabtay shakhsiyaad si sharci-darro ah u waday dhir geed Quwaax ah appeared first on Puntland Post.
  15. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysay taageeradeeda buuxda ee midnimada, xasilloonida, iyo wadajirka Jamhuuriyadda Suudaan. Soomaaliya waxay si cad u muujisay in la ixtiraamo madax-bannaanida Suudaan iyo arrimaheeda gudaha, iyada oo la raacayo sharciga caalamiga ah. Soomaaliya, iyadoo ka jawaabaysa codsi ka yimid xukuumadda Suudaan ee fadhigeedu yahay Port-Sudan, waxay muujisay mowqifkeeda cad ee ku aaddan taageerada midnimada Suudaan. Codsigan wuxuu ku baaqay in la cambaareeyo tallaabada ay Kenya ku martigelisay hoggaanka RSF oo doonaya inay Nairobi ka dhisaan dawlad ka soo horjeeda milateriga Suudaan. Inkasta oo Soomaaliya aysan si toos ah u magacaabin Kenya ama dhaqdhaqaaqyada ay martigelisay, haddana waxay si cad u caddaysay mowqifkeeda ah inay garab taagan tahay midnimada Suudaan iyo xasilinteeda. “Soomaaliya waxay garowsan tahay muhiimadda ay leedahay xasilloonida Suudaan ee dhismaha nabadda iyo amniga gobolka. Sidaas darteed, waxay ku baaqaysaa in dhammaan dhinacyada Suudaan ay muujiyaan wada-hadal iyo is-afgarad, si loo ilaaliyo hay’adaha dowliga ah iyo xukunka sharciga ah, loona xaqiijiyo midnimada iyo deganaanshaha dalka” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya. Sidoo kale, Soomaaliya waxay garab taagan tahay dadaallada goboleed iyo kuwa caalami ah ee lagu xasilinayo Suudaan, iyada oo dhiirrigelinaysa xal nabadeed oo waara, kaas oo horseedi kara amni iyo horumar ka hanaqaada Suudaan iyo guud ahaan gobolka. Source: goobjoog.com
  16. Kenya’s foreign ministry said Wednesday it is ready to support peace efforts in Sudan, a day after Khartoum accused Kenya of violating its sovereignty by hosting a meeting of Sudan’s paramilitary Rapid Support Force, RSF, in the capital, Nairobi. Source: Hiiraan Online
  17. Kylian Mbappe scored a hat-trick as Real Madrid eased into the last 16 of the UEFA Champions League on Wednesday after a 3-1 win over Manchester City in the Santiago Bernabeu Stadium, securing a 6-3 aggregate win after last week's 3-2 victory in Manchester. Source: Hiiraan Online
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa loo diiday in la siiyo Baasaboorka Diblomaasiga ah ee Soomaaliya. Xogta la helay waxay sheegeysaa in Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre uu diiday in Rooble la siiyo baasaboorkaas, inkastoo aan weli la caddeyn sababta rasmiga ah ee ka dambeysa go’aankan. Lama filayn in Xamza, oo xilka kala wareegay Rooble, uu tallaabadan qaado, maadaama uusan jirin khilaaf muuqda oo labada masuul ka dhex jiray. Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dadka daneeya siyaasadda Soomaaliya. Siyaasiyiinta ka falcelisay dhacdadan waxaa ka mid ah Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin, oo qoraal uu soo saaray ku sheegay in uusan filayn in Xamza uu sidan u dhaqmo. “Mudane Xamza Cabdi Barre, wax walba inuu ku adeeco Madaxweynihiisa waan ka filayey, laakiin marnaba kama filaynin inuu masuulkii uu xafiiska kala wareegay xurmadarro kula kaco, oo u diido warqad uu qarankiisa xaq ugu lahaa. Maamuuska noocan ahna waa mid wada leh dhammaan madaxda qaranka soo martay,” ayuu yiri Fahad Yaasiin. Fahad ayaa intaas ku daray: “Haddii sidaas foosha xun uu ula dhaqmay Ra’iisul Wasaarihii uu xilka kala wareegay, yey tahay cidda uu mudnaanta siinayo?” Rooble ayaa door weyn ka ciyaaray in talada dalka ay qabtaan Xasan Sheekh Maxamuud, Xamza Cabdi Barre, iyo guud ahaan hoggaanka haatan talada haya, taasoo sii xoojisay layaabka laga muujiyey in sidaan loogu ilhaaneeyo. Baraha bulshada ayaa si weyn loogu faafiyey eedeymo sheegaya in Rooble uu la kulmay “nabsigii” Farmaajo iyo Fahad, oo hore u aaminay, Ra’iisul Wasaarena ka dhigtay, balse markii dambe uu ballantii uga baxay, xilli ay isku dayayeen muddo kororsi iyo awood ciidan. Inkasta oo Rooble safka siyaasadeed uga jiro dhanka xukuumadda hadda jirta, haddana waxaa la sheegaa inuu mar dambe ku biiray ama codsaday xubinnimada xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh. Sidoo kale, waxaa la rumeysan yahay inuu muddo dheer saaxiib dhow la ahaa Madaxweynaha, Xasan Sheekh, oo si weyn loogu yaqaanno saaxiibtinimo joogto ah. Ilaa hadda, Rooble kama hadlin arrintan, sidoo kale Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Hay’adda Socdaalka, oo bixisa baasaboorrada, kama aysan jawaabin. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in dhinacyada ay khuseyso ay ka soo saaraan war rasmi ah, maadaama ay tahay arrin xasaasi ah in Ra’iisul Wasaare hore loo diido xuquuqdiisa dastuuriga ah.
  19. Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), oo maanta shir jaraa’id qabtay, ayaa eedeyn kulul u jeediyay dowladda federaalka, isagoo ku dhaleeceeyay in ay cunaqabateyn saartay maamulkiisa. Wuxuu sidoo kale farriin u diray hay’adaha gargaarka bixiya. “Dowladda dhexe shacabka uma shaqeyso ee waa ka shaqeysataa. Dalkani waa federaal, waxaana la rabaa in maamul kasta uu xuquuqdiisa si toos ah u helo. Haddii la yiraahdo wax kasta anagaa masuul ka ah oo anagaa maamuleyna, wadanka dhan ciriiri ayuu gelayaa,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in dowladda federaalka ay siyaasadaysay deeqihii iyo gargaarkii loogu talagalay Jubbaland, wuxuuna codsaday in maamulkiisa si gaar ah loola macaamilo, halkii dowladda federaalka loo marsiin lahaa. “Ma aqoonsanin in dowlad Soomaaliyeed ay Muqdisho ka jirto. Inta dowlad la isla ogolyahay laga helayo, Jubbaland waxay dalbaneysaa in si toos ah loola macaamilo,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Axmed Madoobe ayaa eedeyn culus u jeediyay madaxda dowladda federaalka, isagoo ku dhaliilay in ay dalka u horseedayaan burbur, islamarkaana ay siyaasadeeyeen wax kasta oo muhiim u ahaa shacabka iyo qaranka. “Xuquuq kasta oo aan lahayn waxaa leexsatay dowladda federaalka. Ilaa inta dowlad Soomaaliyeed laga helayo, ma doonayo in hay’adaha gargaarka iyo deeqaha nala soo marsiiyo dowladda federaalka, wax nagala dhexeeyana ma jiraan, umana aqoonsanin in dowlad Soomaaliyeed ay maanta Xamar ka shaqeyneyso,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Ugu dambeyn, isagoo farriin u diraya hay’adaha iyo ganacsatada, ayuu yiri: “Cid kasta oo maalgashi sameyneysa, Jubbaland waxay diyaar u tahay inay la heshiiso, ruqsadaha siiso, kalana shaqeyso wax kasta oo ay daneynayaan.” Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cunaqabateyn toos ah saartay Jubbaland kadib markii uu qarxay khilaaf xooggan oo labada dhinac soo kala dhex galay, kaasoo gaaray heer gacan ka hadal. Axmed Madoobe ayaa maanta qiray in cunaqabateyntaas ay saameyn ku yeelatay maamulkiisa.
  20. London (Caasimada Online) – Boqortooyada UK ayaa u magacowday Charles Nicholas King safiirkeeda cusub ee Soomaaliya, isaga oo beddelaya Michael Nithavrianakis MVO, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda. Mr. King ayaa xilkan si rasmi ah ula wareegi doona bisha May 2025, isagoo leh khibrad qoto dheer oo dhanka diblomaasiyadda, xallinta khilaafaadka, iyo amniga gobolka. Muddo ka badan labaatan sano oo uu ka shaqeynayey Xafiiska Arrimaha Dibadda, Barwaaqo-sooranka & Horumarinta (FCDO), Mr. King wuxuu qabtay xilal muhiim ah oo ka mid ah kuwa ugu murugsan siyaasadda caalamiga ah. Ugu dambeyn, wuxuu ahaa Madaxa Wadajirka ee Hawlgalka Israa’iil iyo Dhulka La Haysto ee Falastiin (2023-2024), halkaas oo uu ka shaqeeyay arrimaha amniga iyo siyaasadda gobolka ee xasaasiga ah. Horey, wuxuu u ahaa Madaxa Waaxda Levant iyo Waqooyiga Afrika (2020-2023) iyo Wakiilka Gaarka ah ee UK u qaabilsan Suuriya, isagoo hogaaminayey dadaallada diblomaasiyadeed ee gobollada colaadaha ka jiraan. Intii uu shaqada ku jiray, wuxuu ka soo howlgalay Paris, Istanbul, Baghdad, iyo Dimishiq, taasoo muujinaysa fahamkiisa qotodheer ee arrimaha Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika. Wuxuu si fiican u yaqaannaa luuqadda Carabiga, tababarna ku qaatay Qaahira. Khibraddiisa la xiriirta diblomaasiyadda, xallinta khilaafaadka, iyo wada-xaajoodyada caalamiga ah ayaa ka dhigaysa hoggaamiye si fiican ugu diyaarsan doorkiisa cusub, sida ay sheegtay London. Magacaabistiisa waxay ku soo beegmaysaa xilli Soomaaliya ay la tacaalayso caqabadaha dhanka amniga, dib-u-habaynta dhaqaalaha, iyo dowlad-wanaagga. UK waxay muddo dheer kaalin muhiim ah ka qaadanaysay horumarinta Soomaaliya, iyadoo xooga saaraysa: La dagaallanka argagixisada iyo iskaashiga amniga, gaar ahaan la-dagaallanka Al-Shabaab. Gargaarka bini’aadantinimo iyo horumarinta bulshada si kor loogu qaado adkeysiga Soomaaliya. Horumarinta ganacsiga iyo maalgelinta, si loo dhiirrigeliyo kobaca dhaqaalaha. Taageerada dowlad-wanaagga iyo dib-u-habaynta hay’adaha qaranka. Khibradda Mr. King ee xallinta khilaafaadka iyo istiraatiijiyadda diblomaasiyadda ayaa door weyn ka ciyaari doonta xoojinta iskaashiga UK iyo Soomaaliya.
  21. Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay soo saaray amar lagu joojinayo ‘ajaanibta sharci la’aanta kusoo gelaysa deegaannada Puntland,’ isagoo faray dhammaan hay’adaha ay khuseyso in ay ka howlgalaan arrintan. Madaxweyne Deni ayaa amarkan ku socodsiiyay wasaaradaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada iyo Dekedaha, isagoo qoraalkiisa ku caddeeyay in amarkan la ogeysiiyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya. “Dhammaan hay’adaha ay warqadani ku socoto waxaa lagu wargelinayaa in la joojiyay, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 19/2/2025, in ajaanibta aan haysan sharciga dal-ku-galka aysan soo geli karin gudaha deegaanada Puntland,” ayaa lagu yiri dikreetada uu soo saaray Siciid Deni. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in la soo saari doono xeer gaar ah oo lagu maamuli doono nidaamka dal-ku-galka ajaanibta soo galaya Puntland, taas oo muujinaysa in Puntland ay dejinayso qorshe ka madax-bannaan kan dowladda federaalka. Amarka ka soo baxay Madaxweynaha Puntland wuxuu salka ku hayaa dagaalka ay kooxda Daacish ku qaaday Puntland, iyadoo maamulka Puntland uu ogaadey in dagaalyahannada ku sugan buuraha ay u badan yihiin ajaanib. Sidoo kale, amarkan wuxuu imaanayaa iyadoo inta badan la ururiyay oo la tarxiilay ajaanibtii sida sharci-darrada ah ku soo gashay Puntland, kuwaas oo laga soo qabtay magaalooyin ay ugu horreeyaan Boosaaso. Tan iyo markii Puntland ay dagaal ku qaaday Daacish, shacabka Boosaaso waxay ka nasteen cabsi-gelintii, beegsigii iyo baadkii ay ku hayeen kooxda Daacish, oo ah ajaanib ka soo haajiray dalalkoodii, iyagoo isu yeeray ‘jihaadiyiin.’
  22. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa noqonaysa hoggaanka Madasha Iskaashiga Wasiirrada Maaliyadda Dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa Initiative) 2-da sano ee soo socota oo ka bilaabanaysa bisha April 2025. Shirka 23-aad ee Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Addis Ababa ayaa looga dhawaaqay in Guddoomiyaha cusub ee Madasha uu noqonayo Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo xilka kala wareegaya Wasiirka Maaliyadda Ethiopia oo ahaa guddoonka madasha 2-dii sano ee la soo dhaafay. Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban soo saaray ayaa mahadcelin iyo bogaadinta golaha kadib, waxa uu xaqiijiyay in uu si hufan oo cadaalad ah u maamuli doono madasha Iskaashiga Geeska Afrika. Source: goobjoog.com
  23. Somaliland and the United Kingdom enhancing their security and bilateral relations The enduring relationship between Somaliland and the United Kingdom continues to evolve, as both goverments reaffirm their commitment to deepening diplomatic engagement and security collaboration. In a significant development, Somaliland’s Police Commissioner, Abdi Dhere, newly appointed has embarked upon an official visit to London, where he is set to hold high-level discussions with senior security officials and representatives from the Foreign, Commonwealth & Development Office (FCDO). This visit underscores the dynamic nature of the partnership between Somaliland and the United Kingdom, characterised by both the reinforcement of historic ties and the pursuit of new avenues for cooperation. CenGkKb4wuWsAAWTNh.jpg.c09bed3cb79e7cf85464ea21ad38e0d0.jpgtral to these discussions is the enhancement of security arrangements, reflecting a shared commitment to stability and the rule of law in the Horn of Africa. The United Kingdom has long played a strong role in supporting Somaliland’s security infrastructure, offering capacity-building initiatives and strategic advisory support to bolster institutional resilience. This latest engagement further cements a relationship built on mutual respect and shared interests, with a focus on fostering regional stability, countering transnational threats, and advancing the rule of law. As Somaliland and the United Kingdom continue to consolidate their diplomatic and security partnership, such high-level engagements serve as a testament to their enduring collaboration. The strengthening of these ties not only benefits both parties but also contributes to wider regional security of the horn of Africa and prosperity as whole. Qaran News
  24. Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa amar uu soo saaray ku joojiyey ajaaniibta Sharci la’aanta ku soo gelaysa deegaannada Puntland, wuxuuna faray dhammaan Hay’adaha maamulkiisa ee ay khuseyso in ay ka hawlgalaan fulinta amarkaas. Amarka uu soo saaray Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale lagu sheegay in dal ku gal gaar ah loo samayn doono ajaaniibta imaanaysa deegaannada dowlad goboleedkaaas. Arrintan ayaa qeyb ka ah tillaabooyin ka dhan ah ajaanibta looga shakisanyahay inay xariir la leeyihiin kooxda Daacish oo todobaadyadii la soo dhaafay ay wadday Puntland. Source: goobjoog.com
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Burcad-badeed la rumeysan yahay in ay Soomaali yihiin ayaa afduubtay doon kalluumeysi oo Yemeni ah meel u dhow Xeebaha Geeska Afrika, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta. Bayaanka ay soo saareen EUNAVFOR Atalanta, oo ah ciidanka badda ee Midowga Yurub, ayaa lagu sheegay in weerarka lagu qaaday dhow – nooc ka mid ah doonyaha dhaqameed ee isticmaala badda Bariga Dhexe. Weerarku wuxuu ka dhacay meel u dhow deegaanka Eyl ee Soomaaliya, waxaana baaritaan ku socda wixii dhacay. Weerarkan ayaa yimid toban maalmood kadib markii burcad-badeed kale ay weerareen doon kalluumeysi oo Yemeni ah, taasoo ugu dambeyn burcad-badeeddii ay ka carareen, halka shaqaalihii saarnaa la badbaadiyey iyagoo aan waxyeello gaarin. Burcad-badeednimada Soomaaliya ayaa gaartay heerkii ugu sareeyay sanadkii 2011, markaas oo la diiwaan-geliyay 237 weerar. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hay’adda la socodka burcad-badeedda Oceans Beyond Piracy, falalkan waxay xilligaas dhaqaale ahaan adduunka ugu kaceen $7 bilyan, halka madaxfurasho ahaan loo bixiyay ilaa $160 milyan. Weeraradan ayaa hoos u dhacay kadib: Xoojinta howlgallada caalamiga ah ee ciidanka badda, dhismaha dowlad dhexe oo awood leh oo ka howlgasha Muqdisho, iyo dadaallo kale oo lagu xakameynayo burcad-badeednimada. Si kastaba ha ahaatee, sanadihii u dambeeyay burcad-badeedda Soomaaliyeed ayaa dib u soo laba kacleysay, taasoo la xiriirta kala-dambeyn la’aanta ka dhalatay dagaalka Xuutiyiinta Yemen, kuwaas oo weerarro ka fulinaya Badda Cas sababo la xiriira dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Gaza. Sida ay sheegtay Hay’adda Caalamiga ah ee La Socodka Badaha (International Maritime Bureau), sanadkii 2024, waxaa la diiwaangeliyay toddobo weerar oo burcad-badeednimo ah oo ka dhacay xeebaha Soomaaliya.