-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Waxa uu u ahaa toddobaad aad u dhib iyo niyad jab badan raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, waxaa sidaas qortay warbaahinta Bloomberg News. Hoggaamiye sannadkii 2018 xukunka ku qabtay inuu ballan-qaaday inuu furfuri doono dhaqaalaha dalkan ku yaalla Geeska Afrika, oo uu hurin doono kobac dhaqaale, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Abiy wuxuu gurtay midhaha iyo cawaaqibka in ganacsi la sameeyo xilli dagaal. Marka koowaad, xaraash ay dowladda sameysay oo ay ku iibineysay liisanka shirkad taleefan gacmeed oo caalami ah oo dalka ka howlgasha, ayaa ku guuldareystay inuu soo jiito wax yabooh ah. Kadib, shirkadda kaliya ee bixisa adeeg maaliyadeed ee laga leeyahay dibedda, Ethio Lease, ayaa sheegtay in ay xidhi doonto xafiiskeeda Itoobiya, iyada oo ku eedaysay isbeddelada bankiga dhexe uu ku sameeyey xeerarka sarifka lacagaha qalaad inay ka dhigeyso mid aan macquul ahayn inay kasii shaqeyso dalka. Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee Abiy ayaa xidhay oo garaacay laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), ka hor inta aanu Ra’iisul Wasaaruhu soo faro-gelin si loo sii daayo. Bankiga ayaa ku tilmaamay “dhacdo diblomaasiyadeed oo halis ah.” Faah-faahin dheeri ah lagama bixin arrintan. Waxaa intaas dheer kadib dagaalladii arxan darrada ahaa ee ka dhacay gobolka waqooyi ee Tigray oo dhamaaday sannad kahor, ayaa waxaa dhowr gobol oo kale oo dal ka mid ah laga soo weriyey xasillooni darro kadib markii maleeshiyaad kala duwan ay dagaal la galeen ciidamada dowladda. Dagaalladaas oo lagu daray hab maamulka dowladeed ee xun ayaa ka dhigay mid adag in ganacsi laga sameeyo Itoobiya, oo macnaheedu yahay in rajadii Abiy ee aheyd inuu Itoobiya u furo maal-gashi dibedda ah ay weli tahay riyo uun. Waxaa hubaal ah, in horumar laga gaadhay wada-hadallada dib-u-qaabaynta deymaha oo dawladda siinaya waqti ku aaddan gudashada waajibaadkeeda ka hor waddada dheer ee heshiiska dayn-cafinta, dhaqaaluhuna wuu sii kordhayaa. Hase yeeshee, dal ay ku nool yihiin dad dhallinyaro ah oo ka badan 100 milyan, oo dhowr sanno ka hor lagu tilmaamay inuu yahay mucjiso dhaqaale, Itoobiya waxa ay u eegtahay mid ay adag tahay in caalamka laga iibiyo. Source
-
Hay’adda Sirdoonka Somaliland ee NIA ayaa soo bandhigtay hub, dawooyin iyo dirays ciidan oo ay ku qabatay magaalada Burco. Hay’adda ayaa qoraal iyo sawiro ay ku baahisay barta X ee hore loogu yaqaanay Twitterka ku sheegtay in ay qabatay hub iyo saanad ciidan oo loo waday magaalada Laascaanood. “Hay’adda ugu sarraysa amniga Somaliland ee NIA oo kaa kaashanaysa laamaha kale ee nabadgelyada, ayaa gobalka Todheer ku qabatey saanad millateri oo ka kooban, rasaas, dawooyin, iyo kabaha ciidamada, kuwaas oo lagu waday kooxaha huwanta ah ee Laascaanood” ayaa lagu yidhi Qoraalka NIA. Qoraalka hay’adda laguma sheegin tirada saanada ay qabteen, halka laga keenay, iyo hadii ay jirto cid siday oo ku eedaysan in ay ku lug leeyihiin dhoofinta qalabkan ciidan. Sirdoonka Somaliland ayaa hawlagalo ay fuliyeen bilihii u danbeeyay kusoo qabqabtay dad ku eedaysan argagixiso, budhcadnimo iyo basaasnimo. Source
-
London (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay gaaaray magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhaweeyay. Ujeedka safarka madaxweynaha ayaa la xiriira ka qayb-galka shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa oo ka dhacaya magaaladaas. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in shirweynahaas uu khudbad ka jeediyo, taas oo uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha bani’aadanimada ee ka jira. Sidoo kale waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa madaxda dalkaas oo uu ugu horreeyay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska oo uu kala hadli doono arrimaha Soomaaliya. Agaasimaha warfaafinta madaxtooyada Cabdikadir Cali Dige oo shir jaraa’id qabtay ayaa ka warbixiyay safarka madaxweynaha, wuxuuna sheegay in shirka kadib uu madaxda Ingiriiska kala hadli doono arrimo ay ka mid ah dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay dalkan waxa uu la kulmi doonaa madaxda ugu sarreysa ee Ingiriiska, sida ra’iisul wasaaraha, madaxweynaha ayaa waxa uu kala hadli doonaa waxyaabaha muhiimka u ah DFS, oo ay ugu horreeyaan dagaalka Soomaaliya looga ciribtirayo Khawaarijta iyo Argagixisada gobolka” ayuu yiri. Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in madaxweynuhu uu UK ka dalban doono in ay Soomaaliya ka taageerto qorshaha qaran ee qaadista cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeenna, maadaama ay xubin ka yihiin Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in kulamadaas kadib uu madaxweynaha la kulmi doono jaaliyadda Soomaaliyeed ee Lodon, isaga oo warbixin kasiin doono xaaladda dalka. The post Daawo: Madaxweyne Xasan oo ka dagay London + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Xaaladda Garoowe ee saaka iyo arrimaha halkaa socda Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Garoowe ayaa sheegaya in xaaladdu daggentahay kadib markii shalay halkaa laga dareemay dhaqdhaqaaq ciidan oo iska soo horjeeda. Qaar ka mid ah dadweynaha magaalada ayaa xaafadahoodii ka barakacay iyaga oo ka cabsi qaba in iska horimaad uu dhaco. Dhanka kale waxaa socda dadaallo lagu xalinayo khilaafka ba’an ee hareeyay doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo xukuumadda kuwaas oo ay wadaan madax dhaqameedka, iyada oo maanta la filayo in ay Garoowe gaaraan odayaal dhaqameed ka socda gobolka Sool iyo degaanno kale. Mucaaradka ayaa sheegay inaysan diyaar u ahayn wadahadal aan ahayn doorasho xilligeedii ku dhacda, iyo sidoo kale gacan saddexaad oo dhex dhexaadisa oo lagu kalsoon yahay. Mucaaardku waxay sheegeen madaxweyne Deni inuu magaalada Garowe kusoo gurayo gaadiid dagaal iyo ciidamo katirsan kuwa PMPF, kuwaas oo ay sheegeen inuu doonayo inuu colaad uga abaabulo magaalada Garowe. Qaran News
-
Xaaladda magaalada Garoowe oo saacadihii la soo dhaafay laga dareemay dhaq dhaqaaqyo ciidan ayaa u muuqata saaka mid deggan. Weli lama soo sheegin saaka wax dhaq dhaqaaq ciidan ah oo ay samaynayaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah. Xaafadaha xiga dhinaca Taliska Ligle iyo saldhiga galbeed ee caasimadda oo shacabku si weyn uga bara-kacay ayaa saaka cidla’ ah waxaana dhankaas ku sugan ciidamada taabacsan Mucaaridka. Dhinaca kale qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo ayaa lagu wadaa in ay maanta yimaadaan Garoowe si ay qayb uga noqdaan xal u raadinta xiisadda taagan. Isimada dhaqanka SSC ayaa doonaya in ay qayb ka noqdaan dhex-dhexaadinta dowladda iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo ku muransan doorashada taas oo xiisaddan abuurtay. PUNTLAND POST The post Xaaladda Garoowe oo saaka deggan kadib xiisad laga dareemay shalay appeared first on Puntland Post.
-
Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxa uu u ahaa toddobaad aad u dhib iyo niyad jab badan ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali, waxaa sidaas qortay warbaahinta Bloomberg News. Hoggaamiye sanadkii 2018 xukunka ku qabtay inuu ballan-qaaday inuu furfuri doono dhaqaalaha dalkan ku yaalla Geeska Afrika, oo uu hurin doono kobac dhaqaale, dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay Abi wuxuu gurtay miraha iyo cawaaqibka in ganacsi la sameeyo xilli dagaal. Marka koowaad, xaraash ay dowladda sameysay oo ay ku iibineysay shatiga shirkad taleefan gacmeed oo caalami ah oo dalka ka howlgasha, ayaa ku guuldareystay inuu soo jiito wax yabooh ah. Kadib, shirkadda kaliya ee bixisa adeeg maaliyadeed ee laga leeyahay dibedda, Ethio Lease, ayaa sheegtay in ay xiri doonto xafiiskeeda Itoobiya, iyada oo ku eedaysay isbeddelada bankiga dhexe uu ku sameeyey xeerarka sarifka lacagaha qalaad inay ka dhigeyso mid aan macquul ahayn inay kasii shaqeyso dalka. Sidoo kale, ciidamada ammaanka ee Abiy ayaa xiray oo garaacay laba xubnood oo ka tirsan shaqaalaha Bankiga Horumarinta Afrika (African Development Bank), ka hor inta uusan Ra’iisul Wasaaruhu soo faro-gelin si loo sii daayo. Bankiga ayaa ku tilmaamay “dhacdo diblomaasiyadeed oo halis ah.” Faah-faahin dheeri ah lagama soo bixin arrintan. Waxaa intaas dheer kadib dagaalladii arxan darrada ahaa ee ka dhacay gobolka waqooyi ee Tigray oo dhamaaday sanad kahor, ayaa waxaa dhowr gobol oo kale oo dal ka mid ah laga soo weriyey xasillooni darro kadib markii maleeshiyaad kala duwan ay dagaal la galeen ciidamada dowladda. Dagaalladaas oo lagu daray hab maamulka dowladeed ee xun ayaa ka dhigay mid adag in ganacsi laga sameeyo Itoobiya, oo macnaheedu yahay in rajadii Abiy ee aheyd inuu Itoobiya u furo maal-gashi dibedda ah ay weli tahay riyo un. Waxaa hubaal ah, in horumar laga gaaray wada-hadallada dib-u-qaabaynta deymaha oo dawladda siinaya waqti ku aaddan gudashada waajibaadkeeda ka hor waddada dheer ee heshiiska dayn-cafinta, dhaqaaluhuna wuu sii kordhayaa. Hase yeeshee, dal ay ku nool yihiin dad dhallinyaro ah oo ka badan 100 milyan, oo dhowr sano ka hor lagu tilmaamay inuu yahay mucjiso dhaqaale, Itoobiya waxa ay u eegtahay mid ay adag tahay in caalamka laga iibiyo. The post Waxa uu ahaa toddobaad aad ugu xun Abiy Ahmed appeared first on Caasimada Online.
-
The spillover of the Gaza war is a concern to the Horn of Africa, especially after Al Shabab in Somalia called to unite with Hamas, a senior EU official told The National on Sunday. Source: Hiiraan Online
-
The Government is due to unveil a long-term plan for international development as Rishi Sunak opens the Global Food Security Summit in London on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Sanca (Caasimada Online) – Xuutiyiinta dalka Yemen ee Iran ay taageerto ayaa Axaddii sheegay inay Badda Cas ku qabsadeen Markab laga leeyahay Israel, sheegashadaas oo ay durba beenisay Israel. Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Saree ayaa bayaan lasoo dhigay barta X ku sheegay in fallaagada “ay qasbadeen Markab laga leeyahay Israel, una kaxaysteen xeebta Yemen.” Militariga Xuutiyiinta “waxay sii wadi doonaan inay fuliyaan howlgallo militari oo ka dhan ah cadowga Israel, illaa inta ay ka joogsanayaan gardarrooyinka ka dhanka ah Gaza iyo dambiyada foosha xun ee ka dhanka ah walaalaheen Falastiin ee Gaza iyo Daanta Galbeed,” ayuu yiri Saree. Militariga Israel ayaa beeniyey inay markabka la afduubtay, oo lagu magacaabo Galaxy Leader laga leeyahay Israel. Bayaan ay ciidamada Israel soo dhigeen barta X ayaa lagu yiri “Afduubka ay Xuutiyiinta ugu gaysteen Markab xamuul meel u dhow Badda Cas ee Yemen waa dhacdo weyn oo leh cawaaqib caalami ah.” “Markabku waxa uu ka ambabaxay dalka Turkey, isagoo ku sii jeeday India, waxaana ka shaqaynayay dad rayid ah oo jinsiyado kala duwan kasoo jeeda, balse kuma jiraan Israa’iiliyiin.” “Ma ahan Markab Israel,” ayaa lagu yiri bayaanka ciidamada Israel. Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa sidoo kale beeniyey in markabka laga leeyahay Israel, laakiin wuxuu cambaareeyay, “Weerarka Iran ee ka dhanka ah markab caalami ah.” “Markabka oo ay leedahay shirkad Ingiriis ah, ayna maamusho shirkad laga leeyahay dalka Japan, ayaa waxa afduubtay kooxda Xuutiyiinta Yemen oo ay hagayso Iran,” ayaa lagu yiri bayaanka. “Markabka waxaa saaran 25 shaqaale oo u kala dhashay dalal kala duwan oo ay ku jiraan Ukraine, Bulgaria, Philippine iyo Mexico.” Si kastaba, faahfaahinta xogta lahaanshaha maraakiibta ayaa milkiyadda markabka la xiriirineysa shirkadda Ray Car Carriers, oo uu aasaasay Abraham “Rami” Ungar, oo la rumeysan yahay inuu yahay mid ka mid ah ragga ugu qanisan Israel. Ungar ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press inuu ka war hayo dhacdadan balse uusan bixin karin wax faallo ah, isaga oo sugaya faah-faahin. Markab isaga lala xiriiriyay ayaa sanadkii 2021 la kulmay qarax ka dhacay gacanka Cumaan. Warbaahinta Israel ayaa ku eedaysay Iran xilligaas. The post Xuutiyiinta oo afduubtay markab laga leeyahay Israel appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Fadhiggii Baarlamanka Puntland ee maanta Isniin ah ayaa gebi ahaanba la baajiyay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay. Xildhibaannada baarlamaanka Puntland ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba la baajiyay fadhigga oo looga doodi lahaa wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo xukuumaddu soo gudbisay. Xogta aan helnay ayaa sheegaya in xaalado amni dartood fadhiga dib loo dhigay ilaa Khamiista toddobaadkan, kadib markii magaalada Garoowe laga dareemay xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhashay muranka arrimaha doorashooyinka 2024. Xiisadda ayaa sidoo kale dhalisay in shacab badan ka bara-kacaan xaafadaha caasimadda Garoowe, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo magaalada maadaama ay is hor-fadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta mucaaradka ah. Xaaladda magaalada Garoowe ayaa aad u kacsan kadib markii halkaas dowladdu ku soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidanka PMPF. Ciidamada taabacsan mucaaradka ayaa sidoo kale dhankooda samaynaya dhaq dhaqaaqyo, islamarkaana ku jira diyaar-garow ciidan sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan. Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa saamayn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimadda waxaana laga bara-kacay xaafadaha qaarkood, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaal ka dhaco magaalada. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in goobaha waxbarashada ay weli xiran yihiin islamarkaana aan saaka loo shaqa tegin xarumaha dowladda qaarkood. The post Xog: Kulankii baarlamanka Puntland ee oo la baajiyey xilli xiisad dagaal ay kacsan tahay appeared first on Caasimada Online.
-
Faahfaahin dheeri ah ayaa ka soo baxaysa shil gaari oo xalay ka dhacay goollada degaanka Xaaji Khayr oo ka tirsan gobolka Nugaal. Qoys ka bara-kacay xiisadda magaalada Garoowe ayaa sida wararku sheegayaan shil ku galay goollada Xaaji Khayr waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Shilka ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaarigii qoyska waday iyo mid xamuul ah oo ka yimid dhinaca magaalada Boosaaso. Inta la xaqiijiyay laba ruux oo mid ilmo yar yahay ayaa ku dhintay shilka waxaana ku dhaawacmay lix ruux oo kale iyadoo uu si ba’an u burburiyay gaarigii ay saarnaayeen. PUNTLAND POST The post Qoys ka bara-kacay Garoowe oo shil dhimasho iyo dhaawac sababay ku galay degaanka Xaaji khayr appeared first on Puntland Post.
-
Joore (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka deegaanka Joore ee gobolka Jubbada Hoose ee maamulka Jubbaland Maxamed Fanax ayaa mamnuucay shabaq ay isticmaali jireen kalluumaysatada deegaankaas. Shabaqaan oo ah mid ka sameysan caag ama fiilo Ceengari ah (Nylon Silk Nets), ayaa laga isticmaalaa guud ahaan xeebaha Soomaaliya. Waxaa la sheegay in shabaqaan uu dhibaato xooggan ku reebay kulluumeysiga xeebaha dalka. Shabaqaan ayaa inta badan ku dhex iga’ badda, markii uu ku soo dhaco kalluunkii lagu dabaayey. Taasi waxay kaliftaa in kulluun badan uu ku baqtiyo gudaha badda, maadaama uu u go’ayo shabaqaan ka sameysan cinjirka. Markii laga soo tago kalluunka la dabanayo waxaa la sheegay in shabaqaan uu aad u dhibaateeyo noolayaasha kale ee badda. Waxaa hoos u dhacay wax soo saarkii badda, kadib markii uu batay isticmaalka shabaqaan oo sanadihii u danbeeyay aad ugu batay badda Soomaaliya. Tallaabada uu qaaday maamulka deegaanka Joore ee gobolka Jubbada Hoose ayaa la aaminsan yahay inay horseed u noqon doonto in wax soo saarka badda ee deegaanadaas ay wax badan iska beddeli doonaan. Maamulka deegaankaas ayaa baahiyey sawirrada shabaqyadii laga aruuriyay kalluumeysatada xeebaha Joore, kuwaas oo hal meel la isugu geeyey. The post Sawirro: Maamulka deegaan ka tirsan Jubaland oo go’aan culus ka gaaray shabaqa… appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia, November 19, 2023/ — Public-private partnerships (PPPs) are crucial to closing the financing gap for infrastructure development in Africa, and governments and the private sector should work together to create effective PPPs, said Dr Robert Lisinge, Acting Director of the Private Sector Development and Finance Division at the UN Economic Commission for Africa (ECA). He was speaking on Thursday at a plenary session of the African Economic Conference 2023 on Public-Private Partnerships to catalyse infrastructure development and innovative financing for industrialization in Africa. “Financing Africa’s infrastructure is still a big challenge faced by many countries on the continent. To bridge the infrastructure gap, public-private partnerships are essential for infrastructure development in Africa,” said Dr Lisinge. He noted that the African Development Bank estimates that between $130 and $170 billion is needed for infrastructure development every year, leaving a substantial financing gap of $68 to $108 billion. Traditionally, African governments and international partners like China have been primary investors in infrastructure. However, due to financial constraints, there is a growing need to explore public-private partnerships. These can harness private investment, technology and expertise, improving service delivery efficiency and cost-effectiveness. According to Dr Lisinge, the PPP experience varies across countries due to GDP differences, capital market size and depth. The ECA has been working with African countries to enhance their PPPs for infrastructure development, undertaking capacity building and helping them mobilize resources for infrastructure development. Ms Eniye Ogbebor, a Legal Expert at the World Association of PPP Units & Professionals (WAPPP-Africa) said infrastructure development is critical for sustainable development in various sectors, including green energy, clean water and sanitation, in order to achieve the Sustainable Development Goals (SDGs). “The infrastructure financing gap in Africa is around $100 billion. To bridge the infrastructure gap there is a need to bring in the private sector,” said Ms Ogbebor, noting that PPPs provide options to financing, and leverage risk-sharing, including financial and technical risks. Dr Arsene Honore Gideon Nkama, a PPP Expert at the Faculty of Economics, University of Yaoundé II, and Consultant on the UNECA project Yaoundé, Cameroon, said Cameroon, despite its many problems, has an economy that is still resilient enough to promote PPPs. However, the current business environment should be improved to promote more PPPs, while capacity building is also necessary to help mobilize funds. Mr Getahun Moges, an Energy Sector Expert and retired Power Sector Regulator in Ethiopia, said there is an urgent need to address the infrastructure financing gap in Africa. “In Ethiopia’s case, the pace of development and engaging the private sector has been slow and sometimes results in unnecessary delays. Also, there is a big challenge of understanding the regulatory frameworks for PPPs, feasibility, and procurement regimes in the country,” he said. Mr Moges noted that development partners support aspects of PPP development in Ethiopia through finance mobilization, technology transfer and capacity building. The plenary session was held at the three-day African Economic Conference taking place in Addis Ababa, Ethiopia. Experts discussed how to attract private-sector investment to PPPs, promote collaboration among stakeholders, identify necessary legal reforms, build PPP competencies, and establish knowledge platforms for sustained support. Distributed by APO Group on behalf of African Development Bank Group (AfDB). SOURCE African Development Bank Group (AfDB) Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey kiiska Liibaan Aadan Cali (Lii Caato) oo galabta la sheegay in laga afduubtay isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Afhayeenka ayaa sheegay in afduubka la sheegay in loo geystay Lii Caato aysan waxaba ka jirin, isla markaana uu dhacay is fahmi waa yar. Wuxuu sheegay in booliska iyo guud ahaan hey’adaha amniga ee gobolka Banaadir ay soo qabtay gaari Cabdibile ah iyo gaari Baraado ah oo loo maleeyey inay Liibaan afduubteen. Afhayeenka booliska ayaa xaqiijiyey in kiiskaas uusan aheyn afduub, balse uu dhacay is fahmi waa sababay inay qalqal dareemaan xubno ka mid ah qoyska uu ka dhashay Lii Caato. Sidoo kale Lii Caato oo garab taagnaa afhayeenka booliska ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuuna ka sheekeeyey sidii ay wax u dhaceen. Lii ayaa sheegay in taleefankiisa oo ka densan uu galabta magaalada ka dhex raacay Mooto, isagoo aaday xaafadiisa, halkaas oo saaxiibadiis uu kula balansanaa. Wuxuu sheegay in walaashiis uu ka wacday taleefankii darawalka watay Bajaaj-ta, balse ay u sheegtay in aysan joogin guriga, intaas kadib wuxuu sheegay in darawalka uu u qoray lambarkiisa densan, si markii uu taleefanka daarto uu ugu soo diro lacagta Mootada. Intaas kadib wuxuu sheegay inay imaadeen labadii gaari ee uu sugayey, isla markaana uu raacay, balse darawalkii keenay ee Mootada uu mooday in la afduubtay – wiilkaan ayaa ah YouTuber caan ah. Darawalkii Mootada ayaa mar kale wacay gabadhii uu Lii Caato ka wacday taleefankiisa, wuxuuna ku wargeliyey in la afduubtay, intaas kadibna waxaa la waayey taleefanka Lii, maadaama uu ka densanaa. Ehelka Lii Caato ayaa deg deg u wacay Booliska, waxaana la fuliyey howlgallo lagu soo qabtay Lii Caato iyo raggii watay gaadiidkii uu raacay ee loo maleeyey inay afduubteen. Dad badan ayaa weli u heysta in kiiskaan uu yahay Prank fashilmay, waxaana aad uga carooday laamaha amniga, maadaama uu faafay war sheegaya in la afduubtay Lii Caato, balse ay beenowday. The post Maxaa ka jira in Lii Caato Muqdisho lagu afduubtay? Booliska oo war culus soo saaray appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa caawa lagu qabtay xaflad weyn oo lagu taageeray doorashada Naadiya Maxamed oo ah gabar Soomaaliyeed oo dhawaan loo doortay guddoomiyaha magaalo ka tirsan dalka Mareykanka. Xafladda waxaa isugu yimid xildhibaano u badan beelaha Habargidir oo Naadiya ay ka dhalatay, waxaana xafladda lagu soo hadal qaaday wararka sheegaya in qabiilka Naadiya uu muran ka taagan yahay. Xildhibaanadii ka hadlay xafladda, sida Cabdiraxmaan Odawaa iyo Qaali Shire ayaa sheegay in Naadiya ay tahay gabar ka dhalatay beesha Saleebaan ee Habargidir, sidoo kale xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda beelaha kala duwan ee Soomalaiyeed ayaa soo camiray xafladaan loogu hambalyeeyey Naadiya. Sidoo kale Naadiya ayaa si online ah uga soo qeyb gashay xafladda caawa lagu qabtay Muqdisho, waxayna aad uga mahadcelisay sida loogu farxay, loona soo dhaweeyey doorashadeedii. Naadiya ayaa sheegtay in gabar hadii wax la baro ay noqoneyso sideeda oo kale mid guuleysata, iyadoo soo qaadatay maah-maah Soomaaliyeed oo tiraa “Gabar wax baratay waa qoys wax bartay.” Naadiya ayaa soo hadal qaaday wararka la xiriira is qabqabsida qabiilkeeda oo sida ay sheegtay ay kala socotay barta Tiktok-ga iyo Websiteka BBC. “Dadka ku wareersan qabiilka aan ahay waxaan rabaa inaan caawa u jawaabo, walaalayaal waxaan ahay waxa idinku aad tihiin oo ah muwaadin Soomaaliyeed, halkaas uga hara warka,” ayey tiri Naadiya. Gabadhaan ayaa u mahadcelisay dadka u qabtay xafladaan taageerada ah, waxay sheegtay inay jeclaan laheyd inay ka soo qeyb gasho xafladda, balse aysan u suurtagelin oo ay ka cudur daaraneyso. Ugu dambeyntii Naadiya waxay dardaaran u soo dirtay dadka Soomaaliyeed, waxay ka codsatay in dalkooda ay dhistaan oo nabadda ka shaqeeyaan, iyadoo sheegtay inay jeceshahay in mar un ay ku soo laabato dalkeeda hooyo. Hoos ka daawo The post Naadiya, gabadhii lagu doortay Mareykanka ee qabiilkeeda muranka la geliyey oo hal arrin xaqiijisay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dab kale oo la demi waayey ayaa maanta gelinkii dambe ka kacay suuqa weyn ee degmada Xamarweyne, kaas oo dadka ku howlan demintiisa ay ilaa hadda ku sugan yihiin gudaha suuqa. Dabkaan ayaa la ogaaday inuu ka dhashay haraadiga dabkii habeen hore burburiyey suuqaas, kaas oo hanti tiray dad badan oo ganacsi kumanaan dollar ku fadhiya ku lahaa suuqa Xamarweyne. Guddoomiyaha degmada Xamarweyne oo maqribkii warbaahinta kula hadlay gudaha Suuqa ayaa sheegay inay ku howlan yihiin deminta dabka oo mar kale qabsaday dhismayaasha suuqa. Guddoomiyaha ayaa xaqiijiyey in dabkaasi uu dhashay dabkii hore oo labo maalmood iyo habeen lagu howlanaa demintiisa, isla markaana burburiyey carwooyinkii iyo guud ahaan goobihii ganacsi ee ku yaallay suuqaas. Sarkaal ka tirsan booliska oo isna warbaahinta kula hadlay gudaha suuqa gubanaya ee Xamarweyne ayaa sheegay inay toos u shaqeynayeen labo maalmood iyo labo habeyn, isla markaana aan weli lagu guuleysan in dabka la baqtiiyo. Dad badan ayaa ku hanti beelay suuqa gubtay ee Xamarweyne, kuwaas oo carwooyin iyo goobo kale oo ganacsi ku lahaa suuqa. Ilaa hadda lama ogaan wixii dhaliyey dabkaas, sidoo kale ilaa hadda toos looguma guuleysan in la demiyo dabkaas. Habeenkii Jimcaha ee Sabtigu soo gelaayey ayuu suuqa ka kacay dabkaasi, wuxuuna soo gaaray caawa oo Isniin ay soo geleyso, taas oo ka dhigan in labo maalmood iyo labo habeen uu suuqu gubanayo. Dowladda Hoose ee Xamar iyo shirkadaha dalka, sida Hormuud ayaa awoodooda isugu geeyey sidii dabkaas loo demin lahaa, balse weli toos looguma guuleysan in dabka la baqtiijiyo. Sidoo kale weli lama tiro koobin hantida ku gubatay suuqa, balse dadka ku hanti beelay oo qaarkood ay warbaahinta la hadleen ayaa sheegay inay ku ceyrtoobeen dabkaas, iyadoo qaarkood ay cadeeyeen inuu dabku dhaafiyey kumanaan doollar. The post Dab mar kale ka kacay suuqa Xamarweyne iyo sababta dhalisay oo la ogaaday appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamuud Cabdiraxmaan (Beene-beene) ayaa maanta kulan miro-dhal ah la yeeshay agaasimaha xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Mareykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Sheri Nouane Duncan-Jones. Kulankaan ayaa waxaa saldhig u ahaa xoojinta wada-shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo hay’adda USAID xafiiskeeda Soomaaliya, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulanka. Labada dhinac ayaa sidoo kale waxay kulankaan uga wada-hadleen sidii looga guuri lahaa deeqaha gargaarka xoogana la saaro dhinaca horumarinta iyo xalka waara. Sidoo kale waxay isla qaateen in la iska kaashado horumarinta dhaqalaaha ka dib xilliga dayn cafinta iyo in hay’adda USAID ay isticmaasho nidaamka dalka ee fulinta barnaamijyadda iyo mashaariicda. Wasiir Beene-Beene ayaa uga dambeyntiina uga mahad-celiyay hay’adda USAID taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Horraantii sanadkaan ayay aheyd markii ay USAID ku dhowaaqday 5 milyan oo dollar oo ay gacan uga gaysaneyso gaarsiinta adeegyada deg-degga ah ee ay u baahan yihiin bulshooyinka u istaagay kacdoonka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah. Si kastaba, Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha sida u dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale ka qayb-qaata dagaalka kooxda Al-Shabaab, isagoo ku duqeeya gobollada. The post Sawirro: Muxuu Wasiir Beenabeene kala hadlay Agaasimaha USAID? appeared first on Caasimada Online.
-
Burco(Qaran news)-Hay’adda Sirdoonka Jamhuuriyadda Somaliland oo ah hay’adda ugu saraysa Amniga guud ee wadanka oo kaashanaysa laamaha kale ee nabadgelyada, ayaa gobolka Togdheer ku qabatey saanad Militari. Saanadaas oo ka kooban Rasaas, daawooyin iyo kabaha ciidamada, kuwaas oo loo waday kooxaha huwanta ah ee ka dagaalama Magaaladda Laascaanood. Hay’adda sirdoonka ayaa muddooyinkii dambe dedaal weyn ugu jirtay hawlaheeda. Waxaanu dedaalkaasi qayb ka yahay isbeddelkii dhawaan lagu sameeyay hoggaanka sare ee Hay’adda Sirdoonka ee NIA. Qaran News
-
Markabkan oo lagu magacaabo Global Leader ayaa la sheegay in maanta laga qafaashay Badda Cas. Maamulka Israa’iil ayaa ku eedeeyey falkan dowlada Iran, balse Xuutiyiinta Yemen ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku dhigeen. Shirkadda Markabkan leh ayey xarunteedu tahay UK, balse waxaa shirkadaasi saami kuleh Maalqabeen Israa’iili ah. Markabkan oo hada u kireysan shirkad Jabanees ah ayaa kasoo baxay dalka India wuxuuna kusii jeeday waddanka Turkiga. Shaqaalaha saaran Markabkan ayaa la sheegay inay heystaan dhalashooyin kala duwan, balse kuma jiraan kuwo u dhashay Israa’iil. Xuutiyiinta Yemen ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay shaaciyey inay gacanta ku dhigi doonaan dhammaan Maraakiibta laga leeyahay Israa’iil. Waxayna kooxdaasi sheegtay inay sii wadi doonto duulaanka ka dhanka ah Israa’iil inta ay duqeynta ku wado Gaza. Kooxda Xuutiyiinta oo gacan-saar laleh Xisbullahda Lubnaan iyo Xamaas ayaa la sheegaa inay taageero ka helaan dowlada Iran. Tan iyo intuu billaamay dagaalka Gaza, kooxda Xuutiyiinta ayaa shan mar gantaalo ku tuuray xeebaha dhulka Israa’iil ka taliso, iyagoona soo riday Drone uu leeyahay Militariga Mareykanka. Source
-
Musharaxa xisbiga Waddani oo si weyn loogu soo Dhaweeyay magaaladda London, kana Warbixiyay Socdaalkiisa London(Qaran news)- Murrashaxa Madaxweynaha ee xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada London ee dalka Ingiriiska. Waxa madaarka ku soo dhaweeyay taageereyaal badan, Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xoghayaha guud ee Xisbigaas Md Khadar Xuseen Cabdi. Murrashax Cirro ayaa u mahadceliyay jaaliyadda iyo tasgeereyaashii soo dhaweeyay, wuxuuna xusay in socdaalkiisu la xidhiidho inuu farriin midnimo gaadhsiiyo jaaliyadda Somaliland ee UK. Waxa kaloo uu tilmaamay inuu la yeelan doono Jaaliyadda iyo taageereyaasha xisbigaasi kulamo ay isku xog waraysan doonaan. Xoghayaha guud iyo madaxda xisbiga WADDANI ee dalka Ingiriiska ayaa u mahadceliyay taageereyaasha sida wanaagsan ugu hagar baxay soo dhaweynta Murrashax Cirro. Qaran News
