-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hodantinnimo waa fiinta ugu saraysa ee hanaqaadka qofeed iyo kan qaran labadaba. Bulshaduna waxay baraare ku naalootaa kolkuu bislaado garaad wadareedkeeda. Haddiise uu kala dhantaalmo hanka ummadda iyo hab fakarka hogaankooda, waxaa dhexdooda fariista qabjab, waxayna qarka u fuulaan iney wax kasta iska mala awaalaan, waxayna la guurguuraan dareenka ay ka helaan wareerka sida qorshaysan amaba fawdada ah loogu soo dhex tuuro marba marka ka dabeysa. Saboolnimada mar la ammaanay lama sheegin. Daawo waa loo helaa markay gasho dakhliga iyo faa’iidada la filayo. Ummadaha haysta nolol maalmeedkooda waxay dajistaan sidii ay xitaa uga saari lahaayeen waxyaaba la fisho inuu kamid noqdo faqrigu. Waa tan dowladaha qaarkood haddeer meel usii dhigaan jiilal iman doona saddex boqol oo sano keddib dhaqaalihii ay ku deeqtoomi lahaayeen. Farqi aad u weyn baa u dhaxeeya baahiyaha ay bulshooyinku qabaan. Qaar quutul yoonka bey xal u raadiyaan, qaarna horumar sidii lagu gaari lahaa bey ka fekiraan. Soomaalidu tan hore bey la tacaalayaan, waxaase kasii xanuun badan haddii ay saboolnimada gasho maankii la rabay inuu dajiyo siyaasaddii dalka iyo dadka ay hodantinnimo ku gaari lahaayeen. Hogaamiyuhu waa inuu lahaadaa fogaan arag xadkeedu yahay inta hankiisu le’eg yahay, waana iney jiraan qorshe hawleed la fulinayo, dadkuna wada arkayaan, kana rajo qabaan in la gaari doono hankaas. AABBE KAALAY ARAG WAXAY IGU HAYSAY BEY ISKU HAYSAAYE Dad badan oo Soomaaliyeed baa rumaystay in dowladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo ay masuul ka ahayd dib u dhicii doorashada dalka oo si xad dhaaf ah u jiitantay. Dad badan wey xusuustaan in Madaxweynaha khudbad dheer ka jeediyey xaaladdaas, oo si qayaxan farta ugu fiiqay in Madaxweynaha Puntland isagoo fulinayo ajande shisheeye uu mar walba dib u dhigayey doorashada. Ilaahay mahaddiis bacda tacab washidda wey hirgashay doorashadii. Xaaladda ka taagan Puntland cid walba wey aragtaa, hal qof oo kamid ah hoggaanka siyaasadda ama dhaqanka oo garan kara mustaqbalka soo muuqda ee maamulkaas majiro, waxay maraysaa mugdi iyo mala awaal, waana mid aysan mudneyn shacabka reer Puntland. Waxaan ogahay qorshaha Madaxweyne Saciid Deni inuu yahay mid loo soo dhiibay oo uusan isagaba xitaa lahayn, waana isla qorshihii kaga fashilmay dhanka Dowladda Federaalka. Qorshahaasi wuxuu yahay, in awoodda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya mar walba hoos loo dhigo, dalkana lagu baahiyo degenaasho la’aan joogta ah. Taasna waa istaraatiijiyad u muuqata dal Carbeed oo aaminay in horumarka iyo degenaashaha Soomaaliya khatar ku yahay jiritaankooda fog ee dhaqan dhaqaale. Madaxweyne Deni, wuxuu doonayey in Muqdisho dunto, oo dowlad taag daran noqoto ugu yaraan, shir kastana caqabad hor leh ayuu keenayey. Waxaase nasiib darro ah maanta isagoo xilkii ugu sarreeyey Puntland wali ku fadhiyo, oo uusan haysanin cid kale oo eedda kula shirkowda, uuna fulinayo wax kasta oo uu maamulkii Madaxweyne Farmaajo ku eedeyn jiray. Halka su’aal ee ay tahay qof walba inuu is weydiiyo, haddii Madaweyne Deni shalay uu sharxay sababihii ay isku khilaafeen Madaxweyne Farmaajo, bal hanoo sharxo waxay maantana isugu dhaceen Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow kuulama eka sheekadii ahayd ‘Aabe kaalay arag, waxay igu haysay bey isku haysaaye. Sow saboolnimo siyaasadeed maahan?’ PUNTLAND OO SIDA YAMAN LAGA DHIGI RABO Isimada iyo wax garadka Puntland haddaysan tallaabo degdeg ah oo wada jir ah qaadin, waxay soo baraarugi doonaan mar uu xalkii sii fogaaday. Haddaad moodaysaan dooddu iney tahay muran doorasho, ama muran siyaasadeed, xog badan baa idin ka maqan ee qorshuhu wuxuu yahay, Puntland iney daciifto ilaa ay dunto, si xeebeeheeda iyo khayraadkeeda looga saxiixdo guddoomiye degmo, oo aanan lahayn cid la xisaabtami karta. Waa sida haddeer Yaman ka socota. Gobol gobol iyo degmo degmo ayaa loo kala jaray oo mid walba maamul iyo ciidan u gaar ah baa loo sameeyey. XABBADII XASAN SHEEKH IYO XALKII FARMAAJO Taariikhda dhaw ee dunida casriga ah kuma xusna in Madaxweyne xilka ka dagay, oo waliba si dimuqraadi ah ku wareejiyey, inuu isku baddalo dagaal ooge qori sita oo jabhad furtay, oo ciidankii qaranka kala qaybiyey. Waa dhacdo ugub ah oo taariikhda dunida meel weyn uga qormi doonta. Madaxweyne Xasan baa subax lagu baraarugay isagoo hub iyo ciidan uu hormuud u yahay oo guri Mirinaayo ku yaalla dagay oo leh, haddaysan doorasho waqtigeeda ku qabsoomin, waxaan ka door bidayaa in dalku dumo oo dowladdu burburto. Haddii hal maalin uu Farmaajo Villada kusii jiro, dadka ayaan qixinayaa, xabbaduna wey soconeysaa. Waliba, waa ficil uu ilaa haddeer ku faano Madaxweyne Xasan Sheekh. Sow lama wada xusuusto hadalkii ahaa Maxamedoow soobax! Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu maalintaa go’aansaday inuusan sabab u noqon burbur dalka soo gaara, taladiisa ayuu dhiibtay, qorise xal kama raadinin, waayo aqoon buu u leeyahay dagaalka natiijadiisa. Shacabka Soomaaliyeed waxaan hortooda dhigayaa hal su’aal. Haddii Madaxweyne Farmaajo isagana xukunka isku sii dhajin lahaa oo uu diidi lahaa inuu ka laabto go’aankii Baarlamaanka, ilaahay baan idin ku dhaarshayee maanta xaalka Soomaaliya sow kama sii liidateen siday tahay maanta xaaladda Suudaan? Waad xusuusataano, wuxuu yiri Farmaajo: Xamar barakac uma ogoli, qaxna uma ogoli, waa magaaladii aan ku dhashay. Muranka ka dhasha arrimaha doorashada in qori lala aado waa sunnada uu jideeyey Madaxweynaha haddeer talada haya, dalkana wey ku sii faaftay oo waaba looga wada daydaa. Laba walba isa saarayoo, laba tagoog marna isma saarin. Maankayga waxaa gali la’ ‘ABKEY DOORASHO DAGAAL U RIDOOW DASTUUR MAW BADDALI RABAA?’ Sow saboolnimo siyaasadeed maahan? CIMRI TAGAY CEEB HAKU SAGOOTIN Mudane Cabdi Xaashi, Guddoomiyaha Aqalka Sare. Waxaa tahay hoggaamiyaha kaliya ee laba jeer oo isku xigta la doortay taariikhdeenna siyaasiga ah, mana filayo inaad mar saddexaad rabto amaba aadba heleyso. Haddaad shalay soo saartay warqad aad leedahay dalka lagama hirgalin karo doorasho aanan loo dhammayn. Haddaad shalay tiri, doorashada halagala soo heshiiyo Maamul Goboleedyada oo hay’adaha Federaalka halaga wareejiyo. Haddaad shalay kuraasta Somaliland buuq siyaasadeed jiitamay aad hormuud ka ahayd. Haddaad taariikhda kursi doonka ee dunida oo idil u tahay, qofkii koowaad ee awooddiisa inta isticmaalay isku saxiixay warqad aad kursi doorasho kaligaa isugu xirtay. Haddaad tahay Odayga ugu da’da weyn inta maanta talada qaranka haysa. Farriintayda hal kalmad unbaan kuugu soo koobayaa. Dastuurka baddelkiisa oo ay Somaliland iyo Puntland aysan kamid ahayn, cimrigaaga siyaasadeed ceeb haku sagootin. Saboolnimo siyaasadeed yeysan kugu dhicin. ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA Taariikh mucjiso ah baa waayadaan maqalnaa. Ra’iisal Wasaare Xamse baa saxiixay soo jeedintii uu xilkiisa ku waayi lahaa. Wallee tani deeqsinimo ka badan. Marnaba kuma ceebeynayo taas, waayo danta Madaxweynihiisa ayuu ka hormariyey dantiisa shakhsiga ah. Tan kale. Mudane Xamse, kolleyba xantiisa ma moogee, malaha markuu is qiimeeyey, waxaa usoo baxday (ASALBA XAAN KU HAYSTAY XILKA RA’IISUL WASAARENIMADA). Tan saboonimo siyaasadeed kuma jirto, ee waxaa la dhahaa. SADAQO SIYAASADEED. Mudane Xamse ajar iyo xasanaad Allaha ka siiyo. BAARLAMAANKII UGU DANBEEYEY SOOMAALIYA Labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare, waxaa horyaalla soo jeedinta wax ka baddalka dastuurka. Hadduu sida uu yahay ku meel maro, waxaa tirtirmaya shaqadii labada aqal ay lahaayeen 80% (boqolkiiba sideetan). Nin baa laga sheegay ‘biyo kulul iyo aniga sokor baa isku kaaya keentay.’ Haddii Golaha Shacabka uu ansixiyo wax ka baddalka dastuurka, wuxuu lumin doonaa sababta jiritaankiisa oo idil. Hadduusan xukuumad ansixineynin, hadduusan la xisaabtamaynin Raisal Wasaare iyo qorshe hawleedkiisa, awoodihii dalkana hal qof loo gacan galiyey saboolnimo sagxada ku dillaacday sow maahan? MAXAA KU XIGA DASTUUR BADDALKA? Qorsha dhigaalka Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu yahay; Koow: In la meel mariyo wax ka baddalka Dastuurka. Labo: Inuu isagu magacowdo Madaxweyne ku-xigeenkiisa. Qof kaga habboon Xamse yaa meel ku og? Saddex: In muddo xilikeedka uu shan sano yahay, haddeerna dhaqan gal noqonayo. Afar: In dalka xaalad deg deg ah la galiyo. Shan: In la xiro Baarlamaanka gabi ahaantiisa. Lix: In Xeer Madaxweyne lagu soo saaro dib u dhigista dooradashooyinka dalka oo idil, ilaa iyo inta laga adkaanayo Al-Shabaab. Qorshayaashaas, sidaas bey ugu diyaarsanyihiin, sidaas bayna isugu xigaan. NACAB BAAD U GACAN GASHAY Madaxweyne Xasan Sheekh aqoon durugsan baan u leeyahay. Wuu jeclaan lahaa, dalkoo dhisan oo horumarsan, oo uu isagu madax ka yahay. Fariin qoraalkayga wuxuu yahay Madaxweynoow, ma ogtahay muddo-xileedkaagii labaad ee xukunka: Inaad kaligaa tahay? Inaad kaligii duul tahay? Inaad kaligii tashade tahay? Labo kamid ah saddexdaas sifo, go’aan iyo garasho bey kaa tahay. Xikmad baa tiraahdaa ‘ninku markuu kaligii yahay, waa tol laawe’, ama waa tu kaloo aan si kas ah isku ilaawsiinayo haddeer. Ninku hadduu kaligii duul noqdo waa tabar laawe, ama waa tala laawe. Ninku markuu kaligii tashade gaaro kaa maarmay, kuumana baahni baa la yiraahdaa. Saddexdaas waxaa ka dhalatay in Madaxweyne Xasan dunida hal dal saaxiib kala yahay. Dad iyo duunyana kala dhaqmo labadiisa moobil ee uu gacanta ku sito. Tan sow saboolnimo siyaasadeed oo taam ah maahan? DALKAAN CARBEED MUXUU SOOMAALIYA KA RABAA? Waxaa jira dal Carbeed oo dowladii Madaxweyne Farmaajo col iyo cadaawo la ahayd, oo harsad iyo hoyaad nooga dhaartay. Saboolnimadayda siyaasadeed baa igu dhalisay inaan u maleeyo in qoladaasi ay dalka dano ka leeyihiin, laakiin aysan dowladda Farmaajo ka heleynin oo ay ka quusteen. Haddeer qofkii sidaydoo kale saboolnimu ka haysato qoladaas, hal su’aal ha is weydiiyo. Laga soo bilaabo Muuse Biixi ilaa Axmed Madoobe iyagay la jaal yihiin, bal sidaanna ila arag; Muuse iyo Deni waa col, Deni iyo Madoobe waa col, Xasan iyo Deni waa col, Muuse iyo Xasanna waa kala dan. Intoodaasna hal meel bey u arooraan. Bal adigu ii macnee. Wali maanan arag, dowladdaas oo xitaa halmar isku dayday iney laba kamid ah heshiiyaan. Hal tafsiir bey ii yeelatay. Waa casharadii laga dhaxlay xukunkii Tigreega ee ahaa, Soomaalida wada hayso, haddana kala hayso, iyagana kala haay. MAJIRO NIN KU TAGAY TALO ISAGA KA TIMID Xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh uu macaaradka afmaalka ahaa, waxaa laga hayaa inuu yiri: Jeclaan lahaayaa inaa iska joogo. Madaxweynoow, dal mideysan oo doorasho midaysan qabtay baad ku guuleysatay inaad xilka kusoo laabato marka kale. Adigoon laba sano dhammaysan baad rabtaa inaad dalka jihadiisa baddasho, iyadoo aadan wada haynin intii Madaxweyne Farmaajo kaaga tagay. Dadka waxbaad dheertahay, dalkana geeddi caano leh baad u waddaa. Haddaad inta baddasho Dastuurka aad ka dhaxasho dal iyo dad wada jira, waxaan kuu ballan qaadayaa inaan isku qiro damiinnimo siyaasadeed haddaan arko adigoo qibladii siyaasadda inta baddalay, Maandeeq lawada leeyahayna nabad lagu maalayo. Jikaar kama wado, ee waxaan goobjoog u ahaa dhammaan shirarkii dowlad dhiska loo qabtay, marka laga reebo kii Carta. Sidoo kale, garaadkayga, baa wuxuu itusay, doorasho aan heshiis lagu ahayn ayaa la dhaqaajin waayey, dastuur baan rabaa inaan baddalo anoo kaligay ah, weyna ii hirgalaysaa, taasi intaan naqaanay wey dhaaftay, waana sababta aan isku dhiibayo hadday kuu fusho sidaas. Waxaanse isku hallaynayaa sooyaalka taariikhda ku xardhan, inaanan wali la arag, nin kursi ku fadhiya oo talo tiisa ah xukunka uga dagay. Marka tu kale unbaa iman doontee oo taada joojin doontee, armay ku habboontahay inaad tagtadii wax ka barto? SIRTAAN FURAN KALIGAA HAYSO Dowladdii Madaaxweyne Farmaajo ayaa Xukuumaddii Xasan Cali Khayre u gudbisay Golaha Shacabka sharcigii doorashada dalka. Jiitan dheer keddib, Guddoonkii Golaha Shacabka ayaa magacaabay guddi kasoo tala bixiyo sharcigaan. Jabuuti ayay u safreen, maalmo ayeyna u fadhiyeen. Xildhibaan Nuux oo Habdhawraha Baarlamaanka ahaa baan wacay, oo aan ku iri xagay shaqadii idiin maraysaa? Wuxuu iigu jawaabay hadal aanan ilaawin, uuna diiday inuu ii fasiro, laakiin aan sifiican u fahmay. “Fahadoow, hal kalmad unbaan kuu sheegayaa. Sharcigaan siduu uga yimid Golaha Wasiirada in loo meel mariyo dalka oo dhan hal qof baa daacad ka ah oo raba, waana Madaxweyne Farmaajo.” Haddeer, Madaxweyne Xasanoow wax ka baddalka Dastuurka kaligaa baa daacad ka ah oo daneynaya. Xildhibaan Nuux ha iga raali noqdo, haddaan xeerkii Saciid Deni kula dhaqmay. ADIGOO WACAN IYO DALKOO WANAAGSAN Mudane Madaxweyne, dardaarankaygu wuxuu yahay, geesinnimadaada iyo isku kalsoonidaada waxaad galisaa; Kow: Sidaad dalka isugu hayn lahayd. Puntland iyo Somaliland oo maqan, Dastuur ah u dhawaan. Labo: Dadka la tasho, oo ka bilow saaxiibadaadii kusoo dhistay ee dartaa dowladdii kaa horreysay eedo badan uga galay. Sadex: Guushaada waa guul qaran oo waxaan diyaar u wada nahay inaan ku caawinno oo ku garab is taagno. Afar: Waxaad ka heli lahayd Madaxweyne Ku Xigeen, haddaadba haysataa, oo waad ka nasiib badan tahay Madaxweynayaashii kaa horreeyey ee hor ilaahay u iimaanso Xamse oo Ra’iisul Wasaare kuu ah. NABAD IYO NOLOL W/Q: FAHAD YASIN AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Saboolnimo Hoggaamineed – Waxaa qoray Fahad Yaasiin appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka SSC-Khaatumo war rasmi ah ka soo saaray dagaalka ka socda degaanka Buq-dharkayn ee galbeedka gobolka Sool. War-saxaafadeed ka soo baxay SSC-Khaatumo ayaa lagu sheegay in Ciidamada Somaliland ay saaka weerar fulaynimo ah ku soo qaadeen degmada Yeyle ee galbeedka gobolka Sool. Maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale tilmaamay in ciidamada SSC iska caabiyeen weerarka ciidamada Somaliland islamarkaana uu weli socdo dagaalka labada dhinac. SSC-Khaatumo ayaa sidoo kale caddeeyay in ciidamada Somaliland dagaalka lagaga qabtay maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo kala duwan oo ay dhawaan soo bandhigi doonaan warbaahinta. “Ciidamada Difaaca SSC-Khaatumo ayaa gacanta ku dhigay Maxaabiis iyo Gaadiid dagaal, kuwaas oo aanu Saxaafadda u soo bandhigi doonno” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka SSC. “Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ogaysiinayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Beesha Caalamka in ay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshaha deriskooda, islamarkaana aannu u hoggaan samayno xeerarka caalamiga ah iyo go’aammada Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay” ayuu sii raaciyay. PUNTLAND POST The post Maamulka SSC-Khaatumo oo war rasmi ah ka soo saaray dagaalka Buq-dharkayn appeared first on Puntland Post.
-
Israa’iil iyo Xamaas ayaa ku heshiiyey heshiis xabbadjoojin KMG ah oo waddada u xaareysa in la sii daayo ilaa 50 qof oo lagu haysto Gaza iyo maxaabiista Falastiiniyiinta ee ku xiran jeelasha Israa’iil, kadib dhowr 40 cisho dagaal soconayay. Heshiiskaan oo ay garwadeen ka yihiin Dowladda Qadar ayaa dhigaya in muddo 4-cisho ah Gaza laga sameeyo xabadjoojin si la isu weydaarsado maxaabiis gaareysa 50 oo ay heystaan Xamaas iyo 150 Falastiin ah oo ku jira xabsiyada Israa’iil. Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa sheegay in heshiisku aanu micnihiisu ahayn in dagaalku joogsanayo, isagoo wacad ku maray in Israel ay sii wadi doonaan dagaalka ka dib xabbad-joojinta, xilli khasaaruhu yahay mid sii kordhaya labada dhiacba. Heshiiska ayaa qeexaya in mudada xabbad-joojinta Israa’iil ay sidoo kale joojin doonto dhammaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee ay ka waddo Gaza iyo in boqollaal baabuur oo ku raran gargaar raashin,dawo iyo shidaal loo ogolaado in in ay galaan Gazaa. Duqeymaha Israa’iil ayaa weli ka sii socda guud ahaan Gaza Koonfurta iyo Waqooyiga oo ay kamid yihiin agagaarka Isbitaalka Indonesia iyo Khan Younis oo ku yaalla koonfurta magaalada Gaza oo la isku hayo, Xamaas ayaa sheegatay gubista dhowr Taangi. In ka badan 14,100 qof ayaa lagu dilay Gaza tan iyo bishii Oktoobar 7-deeda . Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashada weerarrada Xamaas waxay gaaraysaa 1,200, waxaa jira la heystayaal askar iyo shacab ah oo lagu kala gorgortamayo marka la eego. Source: goobjoog.com
-
Baarlamaanka Afrika ayaa u codeeyay mooshin lagu dalbanayo in la xiro safaaradda Israa’iil ee Pretoria iyo in la hakiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa labada dal ee ka dhalatay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Gaza, oo lagu tilmamay xasuuq lagu hayo Falastiin. Qaraarkaan ayaa sidoo kale waxaa la filayaa in loo gudbiyo golaha wasiirrada dalkaasi, uu hoggaamiyo madaxweyne Cyril Ramaphosa, waxaana ay u muuqataa in ay ku raacidoonaan qaraarka kazoo baxay Baarlamaanka dalka, xilli uu madaxweynuhu ka qeybgalay bannaanbax, isagoo aad uweeraray Israel. Tallaabadan ayaa waxaa soo bandhigay xisbiga mucaaradka ah ee garabka bidix ee (EFF) ee Economic Freedom Fighters, isaga oo taageero xooggan ka helay xisbiga talada haya ee (ANC) African National Congress, 248 mudane ayaa ogolaaday , halka ay 91 kalena ay diideen, kuwaas oo diiday tallaabadaan. Xubnaha kasoo horjeestay ayaa ka tirsan xisbiga dhexe, ee caddaanka ah, kaas oo aqlabiyadddaa laga wareegay xilligii dalkaas laga diiday mibad-kalasooca, Koonfur Afrika waa markii labaad oo dibadbaxyo ay kadhacaan lagu dalbanayo joojinta dagaalka lagu hayo magalada Gaza. Source: goobjoog.com
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa markii ugu horreysay si cad u shaaciyay mowqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka KMG ah ee Soomaaliya. Laftagareen ayaa go’aankan uga dhawaaqay kulan uu isugu yeeray xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku metala Koonfur Galbeed, wuxuuna sheegay in sababta ugu weyn ee kulankooda uu yahay wada-tashi ku saabsan nidaamka cusub ee dowlad dhiska Soomaaliya iyo wax ka beddalka dasuurka ku meel gaarka ah. “Qodobka saddexaad ee aan ka tashan doono waa arrimaha siyaasadda iyo sida ay hadda waxa u socdaan iyo nidaamkan cusub ee dowlad dhiska ah iyo isbeddalka wax ka beddalka dastuurka inaan iyadana wadatashi ka yeelano” ayuu yiri madaxweyne Laftagareen. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xusay inay muhiim u tahay in la dhammeystiro dastuurka oo hadda qabyo ah, isaga oo xusay inay qaadan doonaan doorka kaga aadan. “Waa wax sharci ah oo dastuuri ah oo waajibaad qaran ah in dastuurka Soomaaaliya uusan qaybo ahaanin oo la dhammeystiro waa wax waajib ah oo dadka Soomaaliyeed u yaallo, xildhibaanada federaalka u yaalla, siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaliyeedna laga rabo in ayadana aan ka tashano” ayuu mar kale khudbaddiisa ka yiri madaxweynaha K/ Galbeed. Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyay “Soomaaliya waxaan rajayneynaa isbeddal sharciyadeed inuu imaanaayo in aragtida annaga ay mideysan tahay oo aan qaadano go’aano muhiim ah oo dalka anfacaayo”. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan Baydhaba uu ka socdo shir xasaasi ah oo arrintaan iyo xaaladda Koonfur Galbeed looga hadlayo, kaas oo u dhexeeyo madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo xildhibaanada labada Aqal ee BFS ee kasoo jeeda maamulkaasi. Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan dooneysa inay u guurto nidaam cusub, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, waxaana qorshuhu yahay in dowladda federaalka ay markii ugu horreysay yeelato madaxweyne iyo ku xigeen, sida uu horay u shaaciyay madaxweyne Xasan Sheekh oo hormuud u ah ololahan oo xittaa lagu soo qaaday shirarkii ugu dambeeyay ee ay yeesheen xubnaha Golah Wadatashiga Qaranka Soomaaliya. The post Laftagareen oo shaaciyay mowqifkiisa ku aadan wax ka beddalka dastuurka + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Warar dheeri ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay jiidda Buq-dharkayn ee galbeedka gobolka Sool. Dagaalka oo weli socda ayaa sida wararku sheegayaan ciidamada Somaliland lagaga qabsaday maxaabiis iyo gaadiid dagaal oo kala duwan. Saraakiisha ciidamada SSC-khaatumo ayaa sheegay in ay iska caabiyay weerar Somaliland saaka ku soo qaaday difaacyadooda hore islamarkaana ka qabteen maxaabiis iyo gaadiid dagaal. Muuqaallo laga duubay maxaabiista iyo gaadiidka laga qabsaday Somaliland ayaa sidoo kale lagu baahiyay baraha bulshada balse wax faahfaahin ah lagama helin khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca dagaalka. PUNTLAND POST The post Somaliland oo maxaabiis iyo gaadiid dagaal saaka lagaga qabsaday dagaalka Buq-dharkayn appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in odayaal dhaqameedyo la shaqeynayay kooxda Al-Shabaab ay maanta isku soo dhiibeen ciidamada dowladda ee ku sugan gobolkaasi. Labada oday dhaqameen oo caan ka ah gobolka ayaa isku soo dhiibay dowladda, waxayna kala yihiin Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo ka mid ahaa Odayaasha sida dhaw ula shaqeeyn jiray xubnaha Al-Shabaab ee ku sugan aagga degmada Ceeldheer iyo Deegaanka Cowswayne. Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay odayaashan ay soo dhaweeyeen, ayna usii gudbin doonaan hay’adaha ee ku shaqada leh isa soo dhiibayaasha Al-Shabaab. Axmed Cali Gadaf ayaa kooxda u qaabilsanaa in uu u keeno xoolaha baadda ah oo ay ka doonayaan dadka ku nool deegaanka Cowswayne, wxuuna sidoo kale ka mid ahaa odayaal dhawaan kooxdu ay kusoo Bandhigay deegaankaas, intii aysan gaarin Ciidamada Xoogga. Sidoo kale Cali Maqane ayaa isna ahaa Oday Dhaqameed xoolaha baada ah reerkiisa uga soo uruuriya Kooxda,isaga oo dhowr jeer oo hore ka badbaaday weerar ay ku qaadeen ciidamada dib u xoreeynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay xubnaha kasoo goosanaya Al-Shabaab, waxaana sababta lagu sheegay dagaalka culus ee lagu qaaday kooxda. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya guluf ay iska kaashanayaan dowladda federaalka iyo dadka deegaanka, kaas oo dhul ballaaran looga qabsaday Al-Shabaab. The post Cali Maqane iyo Axmed Cali Gadaf oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatuma oo haatan ka socda dhanka galbeed magaalada Laascaanood ee xarunta gobola Sool. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu si gaar ah uga socdo aagga deegaanka Buqdharkayn oo dhawaan ay ku dagaalameen ciidamada labada dhinac, waxaana dhawaqa rasaasta ay isweydaarsanayaan labada dhinac laga maqlayaa meelo fog fog. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in dagaalka ay soo qaadeen ciidamada maamulka Somaliland oo dhowr jiho kasoo weeraray ciidamada deegaanka SSC oo horay ugala wareegay deegaankaasi, kadib dagaallo qaraar oo ka dhacay halkaasi. Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka haatan ka socda aagga Buqdharkayn, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in haatan uu sii xoogeysanayo dagaalka, waxaana gurmadyo dheeraad ah helay ciidamada labada dhinac ee ku diriraya halkaasi. Dhinaca kale SSC oo war kasoo saartay dagaalkaas ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen ciidamada Somaliland, balse ay iska difaaceen ciidamadeeda. “Maamulka SSC Khaatumo wuxuu ogeeysiinayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshiyaha deriskooda isla marakaana ay u hogaansamayaan xeerarka caalamiga iyo go’aanada golaha ammaanka” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC oo ku aadan dagaalkaasi. Si kastaba, dagaalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda Laascaanood, inkastoo ay labada dhinac is uruursi ciidan ay ka wadeen Sool. The post Dagaal u dhexeeya SSC iyo Somaliland oo ka qarxay Sool appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeisa (HOL) - Intense fighting erupted this morning between Somaliland and SSC Khatumo forces in the Bisiqa area of Sool's Yeyle region, marking a significant escalation in the ongoing conflict. The severity of the clashes is reported to be high, although detailed information about the exact locations and the extent of casualties on both sides is yet to be confirmed. Source: Hiiraan Online
-
Xildhibaannada Baarlamanka dowladda Puntland ayaa sida lagu wado Khamiista berri ah cod u qaadi doona wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod. Guddi gaar ah oo Baarlamanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka ayaa laga sugaya in ay xildhibaannada warbixintooda u jeediyaan, ka hor inta aysan bilaaban doodda wax-ka beddelka xeerka. Xeerkan oo ay Baarlamanka u soo gudbisay xukuumadda madaxweyne Deni ayaa jihaynaya hannaanka doorashooyinka qof iyo cod, oo aan heshiis lagu ahayn, islamarkaana xiisad siyaasadeed ka taagan tahay. Dowladda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ayaa ku muransan nooca loo galayo doorashada madaxtinimada 2024, iyadoo labada dhinac kala taagan yihiin nidaamka qof&cod iyo nidaamkii hore ee 66-da xildhibaan. Sidoo kale, waxa socda dadaal ay hormuud u yihiin isimada dhaqanka SSC oo lagu dhex-dhexaadinayo xukuumadda Puntland iyo Mucaaridka, si looga baaqsado qalalaase siyaasadeed iyo mid amni. PUNTLAND POST The post Baarlamanka Puntland oo Khamiista cod u qaadaya Wax-ka beddelka xeerka doorashooyinka qof iyo cod appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - Somalia has banned all gambling activities, with a particular focus on the online betting service 1XBET. The decision, announced by the National Anti-Money Laundering & Countering Terrorist Financing Commission (NAMLC) on November 16, reflects the government's commitment to aligning financial practices with the nation's religious beliefs and legal framework. Source: Hiiraan Online
-
Israa’iil iyo Xamaas ayaa Arbacada maanta ah ku heshiiyey in afar maalmood la hakiyo dagaalka, si loo oggolaado in lasii daayo 50 la haystayaal ah oo lagu haysto Gaza, taas oo lagu bedelanayo 150 Falastiiniyiin ah oo ku xidhan Israa’iil, iyo gelitaanka gargaarka bini’aadantinimo ee dhulka go’doonsan. Saraakiil ka tirsan Qatar oo dhexdhexaadinaysay wadaxaajoodyo qarsoodi ah, iyo sidoo kale Maraykanka, Israa’iil iyo Xamaas ayaa maalmo sheegayay inuu heshiisku dhow yahay. Xamaas ayaa la rumeysan yahay inay gacanta ku hayso in ka badan 200 oo laheysteyaal ah, kuwaas oo la qafaashay markii dagaalyahannadooda ay gudaha u galeen Israa’iil 7-dii Oktoobar, halkaas oo ay ku dileen 1,200 oo qof, sida ay muujinayso tirada Israa’iil. Bayaan kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa lagu sheegay in 50 haween iyo carruur ah lasii dayn doono muddo afar maalmood ah, muddadaas oo ay joogsan doonaan dagaallada Gaza. Bayaanka Netanyahu ayaa intaas ku daray in 10-kii qof ee dheeraadka ah ee la sii daayo, xabbad-joojinta lagu kordhin doono maalin kale, iyadoo aan la soo hadal qaadin sii deynta maxaabiista Falastiiniyiinta. “Dowladda Israa’iil waxaa ka go’an in dhammaan la haystayaasha ay ku celiso dalkooda. Caawa, waxay oggolaatay heshiiska lasoo jeediyay oo ah marxaladdii ugu horreysay ee lagu gaadhi lahaa hadafkan,” ayaa lagu yidhi bayaanka, oo la sii daayay saacado badan oo doodo ah oo saxaafadda laga xidhay. Heshiiska ayaa ah xabbad joojintii ugu horreysay ee duqeymaha Israa’iil ay ku burburisay qeybo badan oo ka mid ah dhulka ay Xamaas maamusho ee Gaza, oo ay ku dhinteen 13,300 oo rayid ah deegaanka aadka u yar ee dadku ku badan yahay iyo in qiyaastii saddex-meelood labo meel 2.3 milyan oo qof ay ku guryo beeleen, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Gaza. Source
-
Xildhibaannada waddanka Koonfur Afrika ayaa salaasadii u codeeyay in la xidho safaaradda Israa’iil ee Pretoria, lana joojiyo dhammaan xidhiidhkii diblamaasiyadeed ilaa laga gaadhayo xabbad-joojin dagaal Gaza. Qaraarkan ayaa ah mid inta badan fulintiisu ay hortaal xukuumadda Madaxweyne Cyril Ramaphosa; iyada oo afhayeen u hadlay madaxtooyada uu sheegay in Ramaphosa “uu xusay inuu qaddariyo” qaraarka baarlamaanka ee ku saabsan xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika iyo Israa’iil, gaar ahaan maqaamka safaaradda. “Madaxwaynaha iyo golaha wasiiradu waxay ku hawlan yihiin arrintan, taas oo weli ah fulinta mas’uuliyadda qaranka,” ayuu yidhi Vincent Magwenya. Ramaphosa iyo saraakiisha sare ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa si badheedh ah u dhaleeceeyay hoggaanka Israa’iil intii uu socday dagaalka Marinka Gaza, iyaga oo ugu baaqay maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada inay baaritaan ku sameyso dambiyada dagaal ee suurtagalka ah. Safaaradda Israa’iil markiiba kama jawaabin codsi ahaa inay ka hadasho arrintan. Isniintii, safiirka Israa’iil ee Pretoria ayaa looga yeedhay Tel Aviv si uu wadatashi ula yeesho dowladdisa kahor codbixintan, taasoo salaasadii lagu ansixiyay codadka 248 xildhibaan, halka 91 xildhibaan ay diideen qaraarkan. Source
-
Addis Ababa (HOL) — Peace talks between the Ethiopian government and the Oromo Liberation Army (OLA) in Tanzania ended without an agreement, deepening the crisis in Ethiopia's Oromia region. The negotiations, critical for resolving a long-standing insurgency, concluded in a stalemate, officials from both sides announced Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
Dagaal xooggan oo dhawr jiho ah ayaa saaka ka socda nawaaxiga Buq-dharkayn oo dhaca duleedka degaanka Yeyle. Ciidamada Somaliland oo ay weheliyaan maleeshiyaad beelaysan ayaa saaka aroortii hore weerar dhawr jiho ah ku soo qaaday difaacyada hore ee ciidamada SSC-khaatumo. Ciidamada SSC ayaa iska caabiyay maleeshiyaadka soo duulay waxaana halkaasi ka socda dagaal culus sida laga soo xigtay goob-joogayaal ku sugan degaanka Yeyle. Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa laga soo sheegaya dagaalka inkastoo aan weli faahfaahin sugan laga helin tirada khasaaraha labada dhinac. PUNTLAND POST The post Dagaal culus oo ka socda jiidda Buq-dharkayn ee galbeedka Sool appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan qarsoodi ah la yeeshay guddi gaar ah oo baarlamaanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod, oo ay soo gudbisay xukuumadda. Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa guddiga u sheegay in aysan dowladdu wax wada-hadal iyo gorgortan ah ka geli doonin socod-siinta doorashada qof iyo cod, sidaas darteedna uu rabo in baarlamanku sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan xeerka doorashooyinka. Wararka ayaa xaqiijinaya in Saciid Deni uu guddiga ka dalbaday in la kala qaado doorashada madaxtooyada iyo baarlamanka, islamarkaana doorashada madaxweynaha loo daayo 25-ka Febraayo 2024, tan baarlamankana dib loo dhigo mudda laba sano ah. Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo magaalada Garoowe laga dareemayo xiisad ka taagan doorashada Puntland ee 2024, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka ah, inkastoo ay dadaallo nabadeed wadaan qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC oo Garoowe u yimid xal u raadinta arrintaas. Saaxiibada beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen walaac uga muujiyey xiisadda ka dhalatay muranka ka taagan doorashooyinka Puntland. “Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saareen saaxiibada. Qoraalka ayaa intaas ku daray “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal.” Saaxiibada ayaa ugu baaqayn dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed. “Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah,” ayey yiraahdeen saaxiibada. “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka.” The post Xog: DENI oo qorshe yaab leh soo jeediyey xilli ay kasii dareyso xiisadda Puntland appeared first on Caasimada Online.
-
London (Caasimada Online) – Soomaaliya waxay haysataa hal sano si ay dalka uga saarto kooxda Al-Shabaab, waxaa sidaas Talaadadii sheegay madaxweyne Xasan Sheekh, ayada oo uu dhow yahay waqtiga loo qabtay in ciidamada ATMIS ay dalka kaga baxaan oo ah December 2024. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa bishii August sheegay inuu doonayo in Al-Shabaab dalka laga saaro horraanta sannadka 2024. “Dhammaadka qorshaha waa December 2024 markaasi oo dhammaan ciidamada ATMIS ay tahay inay dalka ka baxaan,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh u sheegay dad goobjoog ka ahaa Machadka Royal United Services Institute ee London. Diiradadu waxay ahayd ciribtirka “haraadiga” Al-Shabaab, ayuu yiri. Howshaas ayuu sheegay in ay sii adkeeyeen daadad ay dad badan ku dhinteen, inkasta oo daadadka ay sidoo kale ku adkeeyeen maleeshiyada inay faafiyaan miinooyinka. Abaabulka madaxweyne Xasan Sheekh ee ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa billowday bishii Ogoosto ee sannadkii hore, iyadoo milatarigu ay taageero ka helayaan maleeshiyo beeleedyo ka dhisan gobollada dhexe ee Soomaaliya. Wadashaqeyntan naadirka ah waxay gacan ka gaysatay gaarista guulihii ugu muhiimsanaa ee laga gaaray Al-Shabaab tan iyo bartamihii 2010, laakiin Al-Shabaab ayaa sii waday weerarada dhimashada badan ee ka dhanka ah bartilmaameedyada militariga iyo rayidka. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku tilmaamay horumarka la gaaray mid dhiirogelin leh, isagoo intaa ku daray in hadda aysan muuqan wax muujinaya in madaxda Al-Shabaab ay doonayaan in wadahadal lala galo dowladda. “Waxaan aaminsannahay inaan Al-Shabaab uga adkaan doono ciidan ahaan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay shirka Royal United Services Institute oo ka dhacay London Talaadadii. “Ma hayno wax calaamad ah oo muujinaya in Al-Shabaab ay doonayaan wadahadal ay la galaan dowladda Soomaaliya [laakin] haddii ay taasi dhacdo berri waa midda aan door bideyno.” The post Xasan Sheekh oo shaaciyey muddada u hartay inay Al-Shabaab uga adkaadaan appeared first on Caasimada Online.
