-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in weli xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka taagan tahay gudaha magaalada Beledweyne, kadib markii ay ku fatahay wabiga Shabelle ee dhex-mara magaaladaasi. Fatahaadda ayaa saameysay afarta xaafadood ee Beledweyne, waxaana ay gaysatay khasaarooyin baaxad leh, iyada oo inta badan dadka deegaanka ay barakaceen. Sidoo kale waxaa jira qoysas kumamaan ah oo weli ku go’doonsan magaalada oo si weyn looga dareemayo fatahaadda, ayadoo loo maleeyo bad marka la eego biyaha wada gaaray. Qoysaska barakacay ayaa sidoo kale waxaa haatan soo wajahday xaalad adag, waxayna ku dhibaateysan duleedka Beledweyne, ayada oo ay soo wajahay hoy la’aan. Tirada dadka ku dhintay fatahaadda ku dhufatay magaalada Baledweyne ayaa sidoo kale gaartay 13 qof, dadkaasi waxaa ku jirta gabar afar jir lagu qiyaasay oo meydkeeda laga helay xero barakacayaal ah. Mid kamid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Cabdi-shimaale ayaa la hadlay warbaahinta, waxaana uu sheegay in aysan haysan hooy ay ka galaan dhaxanta iyo wax kasta oo dhib u keeni kara noloshooda. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in bannaakaas ay ku sugan yihiin, ayna marti ugu yihiin roob habeen iyo maalin kala joogsi lahayn oo korkooda ku bilowda kuna dhammaada. Waxaa kale oo uu baaq u diray dowladda federaalka iyo hay’adaha gargaarka, isaga oo ka dalbaday in ay la soo gaaraan gurmad deg deg ah. ”Istaagga ayuu waaga noogu baryay, wuxuu ilaahey keennay waa ku shukrineynaa, marka hay’adaha gargaarka bixiya waxaan ka filaneynaa kheyr, Dowladda Hirshabeelle sidoo kale, waxaa ka filaneynaa in ay wax u qabato ummaddan,” ayuu yiri Cabdi-shimaale. Qaylo dhaanta kasoo yeeraysa reer Beledweyne ayaa kusoo aadaysa, ayada oo dowladda dhexe ay haatan waddo gurmad loo fidnayo dadka ay waxyeelo kasoo gaartay fatahaadda. The post Wararkii ugu dambeeyay kumanaan qoysas ah oo ku go’doonsan Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada Puntland ee (PEC) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa go’aan cusub kasoo saaray doorashada maamulkaasi oo ay weli ku muransan yihiin xubnaha mucaaradka ah iyo sidoo kale madaxweyne Deni. Guddiga PEC ayaa shaaca ka qaaday in mabda’ ahaan ay isla qaateen in maanta ay qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, taas oo ah waxa isku hayaan labada dhinac. Guddoomiyaha guddiga oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay inay ka go’an tahay in lasii wado hannaanka doorashada, si looga gudbo xaaladda kala guurka ah. Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in shaqada ugu horreyso oo ay qaban doonaan ay tahay diiwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, ayna bilaabayaan 16-ka December. “Waxaan isla garanay 16-ka December inay noqoto maalinta aynu daah-fureyno ama ay innoo bilaabaneyso dib u furista waxa la yiraahdo diiwaangelinta” ayuu yiri guddoomiyuhu. Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay sameyn doonaan barnaamijyo wacyigelin ah oo ay la kaashan doonaan hay’adaha kale e Puntland. Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray xisbiyada maqan, isaga oo ugu baaqay inay doorashada kusoo biiraan, isla-markaana doorkooda ka qaataan dadaallada haatan soconaya. “Waxaan kusoo qatamiyaa inaan halkan baaq uga diro xisbiyada siyaasadda ee weli aan halkan ka muuqan inay kusoo biiraan, waana rajaynayaa” ayuu kusoo gabagabeeyay. Go’aankan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay Madaxweyne Deni uu mucaaradka u diray farriin ku aadan doorashada, isaga oo xusay inuu diyaar u yahay inuu wahadal la galo. The post Guddiga PEC oo go’aan cusub kasoo saaray doorashada PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
-
Dowlaada Finland ayaa maanta oo Sabti ah xirtay afar barood oo ku yaal xadka ay la wadaagto Ruushka iyadoo doonaysa in ay joojiso qulqulka dad magangelyo-doon ah oo ay sheegtay in Moscow ay ka danbeyso. Finland waxa ay ku eedaysay Ruushka in uu dadka soo galootiga ah u soo dirayo Finland si uu uga aarsado go’aanka ay Finland ku kordhisay iskaashiga difaaca ee ay la leedahay Mareykanka, balse eedeyntaasi Ruushku wuu beeniyay. Ilaa 300 oo magangalyo doon ah oo u badan Ciraaq, Yemen, Soomaaliya iyo Suuriya ayaa gaaray Finland toddobaadkan, sida ay sheegeen ilaalada xuduudaha. Laga bilaabo maanta oo Sabti ah, dadka magangelyo-doonka ee ka imaanaya Ruushka waxaa kaliya loo oggolaan doonaa in ay codsiyadooda ku gudbiyaan labada barood ee Salla iyo Vartius oo iyagu ah kuwo weli furan. PUNTLAND POST The post Finland oo joojinaysa Muhaajiriinta uga yimaada dhinaca Ruushka appeared first on Puntland Post.
-
Empowering Women for Economic Progress: Overcoming Challenges and Driving Change in Somalia and Somaliland. Introduction: Women’s economic empowerment is vital for the growth and development of societies. In Somalia and Somaliland, efforts are being made to address the challenges faced by women and promote their economic empowerment. This article explores the importance of women’s economic empowerment in these regions, highlights the challenges they face, and discusses the solutions and strategies being implemented to overcome these obstacles. Challenges Faced by Women in Somalia and Somaliland: 1. Limited Access to Education and Skills Development: Many women in Somalia and Somaliland face barriers to education, limiting their opportunities for economic empowerment. The lack of access to quality education and vocational training hampers their ability to acquire the necessary skills for entrepreneurship and formal employment. 2. Socioeconomic Barriers and Cultural Norms: Traditional gender roles and cultural norms often restrict women’s economic participation. Discrimination, limited mobility, and societal expectations hinder women’s access to employment opportunities, credit facilities, and decision-making positions. 3. Financial Exclusion: Women in Somalia and Somaliland often face challenges in accessing financial services and capital. Limited financial literacy, lack of collateral, and gender biases in the financial sector prevent women from starting or expanding businesses and accessing credit Solutions and Strategies for Women’s Economic Empowerment: 1. Enhancing Access to Education and Skills Development: Efforts are underway to improve access to quality education for girls and women. Scholarships, infrastructure development, and awareness campaigns are being implemented to promote the value of education and provide opportunities for skills development. 2. Promoting Entrepreneurship and Business Support: Initiatives are being introduced to support women entrepreneurs through training programs, mentorship, and networking opportunities. Advocacy for gender-responsive policies and creating an enabling environment for women-owned businesses are crucial steps in promoting entrepreneurship. 3. Improving Financial Inclusion: Efforts are being made to enhance women’s access to financial services. Promoting digital financial services, providing financial literacy training, and encouraging partnerships between financial institutions and women-led businesses are strategies being implemented to address the financial exclusion faced by women. 4. Advocacy and Policy Reforms: Stakeholders are advocating for gender-responsive policies and regulations that create a conducive environment for women’s economic empowerment. This includes promoting gender quotas in decision-making positions and advocating for equal opportunities for women in the workforce. Overcoming Challenges in Somaliland: In Somaliland, the government and various organizations have taken proactive measures to address the challenges faced by women. The Ministry of Employment, Social Affairs & Family is implementing programs to enhance women’s skills, provide vocational training, and support entrepreneurship. Women’s associations and civil society organisations are playing a significant role in advocating for women’s rights and economic empowerment. Conclusion: Women’s economic empowerment is essential for the development and progress of Somalia and Somaliland. By addressing challenges such as limited access to education, cultural norms, and financial exclusion, these regions are implementing strategies to overcome these obstacles. Through enhancing access to education, promoting entrepreneurship, improving financial inclusion, and advocating for gender-responsive policies, women in Somalia and Somaliland can overcome barriers and contribute to their societies’ economic growth and prosperity. It is crucial for stakeholders to continue their collaborative efforts to ensure that women have equal opportunities and access to resources, leading to a more inclusive and equitable society for all Marwo Hayd Source Medium Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa mar kale maanta u fariisatay dacwad ka dhan 10 ruux oo loo hayto inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, ayna qaarkood tababar kusoo qaateen buuraha Galgala ee Puntland. Raggan oo sidoo kale kasoo dagaalamay meelo kala duwan ayaa la qabtay, iyaga oo safar usii ah dhulka buuraha silsiladda ah ee Puntland, si ay halkaas uga soo dagaalamaan. Waxaa sidoo kale qaar kamid ah eedeysanayaasha loo haystaa in ay ka soo dagaallameen deegaannada Ceel-lahelay, Sina-dhaqo, Bacaadweyn iyo qal-qal-gelinta amniga caasimada Dhuusamareeb ee Galmudug. Baaraha Kiiskan oo Maxkamadda sharraxaad siinayay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7 ka mid ah eedeysanayaasha ay u socdeen buuraha Gal-gala si ay halkaas uga dagaallmaaaan, Al-shabaabna ay ku biireen bishii lixaad ee 2023. Sidoo kale 7 ruux oo qaba tababaro kala duwan oo dhanka ciidanka ah waxaa lagu qabtay Gaalkacyo ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidanka Danab, sida uu sheegay baaraha. Intaas kadib ku xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cismaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga guud ee dalka. Dhankiisa Qareenka difaacayay eedeysanayaasha ayaa Maxkamadda u sheegay in ay muwakaliintiisu qorsheynayeen in ay isku soo dhiibaan ciidamada sidaas daraateed la dhaqan-celiyo. Ugu dambeyn Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo soo gabogabeysay dhageysiga dacwadda ayaa sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go’aanka tobankaan ruux. The post Maxkamadda Ciidamada oo la horgeeyay 10 ruux oo tababar kusoo qaatay buuraha Galgala appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa markale maanta dhegaysatay garmaqalka 10 eedaysane oo loo haysto Argagixisanimo. Eedaysanayaasha ayaa qaarkood safar u ahaa dhinaca Puntland si ay ugu biiraan kooxaha argagixisada ee ku dhuumaalaysta buuraha sil-siladda ah ee Golis oo ku yaalla gobolka Bari. Baaraha Kiiskan oo Maxkamadda u sharxay ayaa sheegay in baaris dheer oo ay sameeyeen ay ku ogaadeen in 7-ka mid ah eedeysanayaasha u socdeen buuraha Gal-gala si ay ugu biiraan kooxaha AS. Shakhsiyaadkan qaba tababaro kala duwan oo dhanka ciidanka ah waxaa lagu qabtay magaalada Gaalkacyo ka dibna waxaa lagu wareejiyay ciidanka Danab, sida uu sheegay baaraha Kiiskan. Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida Cabdicasiis Cusmaan Faarax ayaa maxkamadda ka codsaday in raggan lagu xukumo qodobada ay ku soo eedeeyeen, maaddaama ay khatar ku ahaayeen amniga dalka. Maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa maanta soo gaba-gabeysay dhageysiga dacwadda, waxayna sheegtay in ay dib ka soo saari doonto go’aanka xukunkooda. PUNTLAND POST The post Maxkamada Ciidamada Soomaaliya oo soo geba-gabaysay kiiska rag loo haysto Argagixisanimo appeared first on Puntland Post.
-
•Ministers hope the 140-page policy document - published on Monday - can help restore Britain's reputation as a development superpower after years of aid cuts. •A new £150m fund will help poorer countries get access to money faster in emergencies and reduce the impact of future climate crises. Source: Hiiraan Online
-
Diyaarad Drone ah oo ay lahaayeen ciidanka Mareykanka oo ku burburtay xeebta Saylac ee Somaliland. Saldhiga 2-aad ee Ciidanka Ilaalada xeebaha Somaliland ee Saylac ayaa ku guulaystay inay soo saaraan hadhaaga diyaarad (Drone) taasi oo ku dhacday xeebaha Saylac15 bishan aynu kujirno. Ma jiro waxyaabo dheeraad oo la xidhiidha burburka diyaarada oo xukuumada Somaliland ka soo saartay. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ka jawaabaya xaaladaha adag ee ka jira deegaanada maamulkaasi ayaa magacaabay guddi cusub oo ka kooban illaa 10 xubnood. Guddigan oo loogu magac daray guddiga gurmadka fatahaadaha ayaa loo xil-saaray inuu wax ka qabto dhibaatooyinka ka taagan deegaanada maamulkaasi. “Kadib fatahaadihii ka dhacay dhammaan deegaanada Jubbaland, taas oo galaafatay naf iyo maal, wuxuu madaxweynaha dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam halkan ku magacaabayaa guddiga gurmadka fatahaadaha dowladda Jubbaland” ayaa lagu yiri wareegto ay goordhow shaacisay madaxtooyada dowlad goboleedka Jubbaland. Guddiga ayaa waxaa guddoomiye looga dhigay madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud, halka ku xigeen laga dhigay wasiirka gargaarka iyo maareynta musiibooyinka maamulkaasi, Cabdiraxmaan Axmed Muxumed, waxaa sidoo kale guddiga hoghaye u noqon doono wasiirka warfaafinta Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar. Xubnaha kale ee guddiga ayaa kala ah:- 1-Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Maxamed Yuusuf Cumar 2-Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Cadar Ismaaciil Cabdullaahi 3-Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cabdirashiid Cabdiraxmaan Caamir 4-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Ibraahim Xasan Cabdi 5-Guddoomiyaha gobollka Jubbada Hoose Xasan Cabdi Guure 6-Guddoomiyaha gobolka Gedo Cabdullaahi Cabdi Jaamac 7-Guddoomiyaha gobolka Jubbada Dhexe Haajir Bile Sugaal. Jubbaland ayaa waxaa haatan ka taagan xaalado nololeed oo ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay deegaanada maamulkaasi, gaar ahaan Jubbooyinka iyo Gedo. Horay dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland ayaa uga digay xaaladda Elnino, taas oo hadda si weyn looga dareemay gobolka Gedo iyo agagaarka magaallo xeebeedka Kismaayo. The post Axmed Madoobe oo tallaabo qaaday kadib xaalad kasoo korortay Jubbaland appeared first on Caasimada Online.
-
Shabakadda muuqaallada gaagaaban ee TikTok ayaa mamnuuci doonta waxyaabaha xayaysiisinaya warqaddii uu Usama bin Laden sannadkii 2002 uu sida faahfaahsan uga hadlay sababihii uu hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida u soo qaaday weerarrada ka dhanka ah dadka Maraykanka ah, sida ay Khamiistii sheegtay shabakaddani. Dood ku saabsan farriinta Usama bin Laden ee lagu faafiyay TikTok toddobaadkan ayaa ku saabsan muranka ka dhashay dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas, iyadoo qaar ka mid ah isticmaaleyaasha reer galbeedka ay ammaaneen waxa ku jira. Warqadan oo la qoray kadib weerarkii Al-Qaacida ay ku qaadday Mareykanka oo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof, ayaa lagu dhaleeceeyay taageerada Mareykanka uu siiyo Israa’iil, waxaana lagu eedeeyay dadka Mareykanka ah inay maalgeliyaan “dulmiga” lagu hayo Falastiiniyiinta, waxaana ka mid ahaa hadallo ka dhan ah Yuhuudda. Bin Laden ayaa sannadkii 2011-kii lagu dilay Pakistan, waxaana dilay cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka. “Waxyaabaha xayaysiinaya warqadan waxay si cad u jebinayaan xeerarkeena ku saabsan taageeridda nooc kasta oo argagixisanimo,” ayay TikTok ku tidhi hadal ay soo saartay, iyadoo intaas ku dartay in aan si joogto ah loogu faafin masraxeeda warqaddan. Qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ayaa ku baaqay in la mamnuuco app-ka laga leeyahay Shiinaha, waxayna soo cusbooneysiiyeen dhaleeceyntooda kahor inta aan la shaacin mamuniicistan Khamiistii. Afhayeenka Aqalka Cad Andrew Bates ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku yidhi: “Marna ma jirto sabab loo faafiyo beenta, xumaanta, iyo nacaybka uu hoggaamiyaha al-Qaacida soo saaray wax yar uun kadib markii uu geystay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa taariikhda Mareykanka.” Source
-
Fatahaadda ku dhufatay magalaada Baladweyne ee caasimadda Hiiraan ee uu sameeyay Wabiga Shabeelle ayaa meelaha uu aad u sameeyey waxaa ka mid ah Isbitaalka guud ee magaalada kaas oo oo ahaa isha kaliya oo caafimaadka ay ka helaan bulshada ku dhaqan magalada, xilli ay biyo badan gudaha u galeen taasi oo keentay in maamulka gobolka ay dalbadaan in gurmad degdeg ah lal soo gaaro reer Baladweyne. Fatahaada Webiga ayaa sidoo kale sababtay in ay xirmaan suuqyadii ganacsiga sidoo kale na uu hakad galo isu socodka Magaaladda oo goobihii la marayey ay xireen Biyaha, waxaana xaalad halis ah ku jirta Buundada. Fatahaadda ku dhufatay magaalada ayaa ah tii ugu adkeyd oo magaalada si guud u saamaeysa, xilli ay taagan tahay cabsida kororka fataahada, xaafadaha magaalada ay ka kooban tahay ayaa qaar laga guuray halka kuwa kalena ay bulshadu ku gu’doonsan tahay kadib biyaha tirda badan. Source: goobjoog.com
-
Laba wiil oo dhallinyaro ah ayaa geeriyooday kadib markii ay ku qarqoomeen bada Berbera shalay galabtii Labada wiil oo lagu kala magacaabi jiray Salmaan Mustafe iyo Ridwaan Mawliid, oo ka yimid Hargaysa iyo Burco ayaa ilaa hada Maydadkooda la laayahay. “Labadayada qoysba waxa naga maqana caruurtayadii, anaga kaayaga waxa la waayay galinkii danbe ee Khamiista ilaa imika oo ay Sabti tahay oo 4:00 habeenimo tahayna waa la laayahay” Mid kamid ah eheleda ayaa sida Seeko Media u sheegay. Waxa ay sheegeen in aanay gurmad buuxa ka helin ciidamada bada iyo kooxaha kale ee loo tababaray in ay badbaaadiyaan dadka badu liqdo. Baadhista maydadka dhallinyaradan ayaaa ilaa hada socda, isla markaana eheleda ayaa ka codsaday deegaanada kale ee Berbera ka fog in ay iyaguna baadhaan, hadiiba ay maydadku ku caaridaan goobo kale Source
-
Hogaamiyaha Garabka Siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh ayaa sheegay inay isu diyaariyeen dagaal daba dheeraada oo ay la galaan Israa’iil. Wuxuu sheegay in Israa’iil ayna gaadhin wax guul militari ah, marka laga reebo duqeyta goobaha shacabka. Duqeynta Israa’iil ayaa la sheegay inay burburiyeen in ka badan 48% guryaha iyo daaraha ku yaalla Gaza. Haniyeh ayaa sheegay in garabka militari ee Xamaas muddo dheer u tababusheysanyeen halgan dheer oo ay la galaan gumeysiga Israa’iil. Xamaas ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin dhankooda dhaqan gelinta xabad joojinta ay ku baaqeen dalalka Islaamka iyo Carabta. Dhinaca kale afhayeenka Xamaas ayaa beeniyey muuqaaladii ciidamada Israa’iil ku sheegeen in hub laga helay cisbitaalka al-Shifa. Afhayeenka ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya kartoono ay siteen ciidamada Israa’iil markii ay cisbitaalka galayeen. Kartoonadaasi oo ahaa kuwii ay ku jireen hubka qoryaha fudud oo ay Israa’iil sheegtay inay ka dhex heshay cisbitaalka ugu weyn Gaza. Warbaahinta Militariga Israa’iil ayaa ku fashilantay qaar kamid ah Sawirada iyo muuqaalka ay baahiyeen oo ay ku sheegeen hubka iyo qalabka ay ka heleen Al-Shifa. Waxayna Baraha Bulshada shalay ka saareen qaar kamid ah Muuqaalada kadib markii ay soo baxday inay been abuur ahayd. Source
-
Garoowe (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Kumaandooska Danab ee Puntland ayaa u jawaabay madaxweynaha maamulkaasi, Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay shaaciyay inuu cafis guud u fidiyay dhammaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu seegay inuu diyaar u yahay in uu wada-hadal la galo cidkasta oo qabta aragti ka gedisan dimuqraadiyadda, si buu yiri loogu qanciyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka. “Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan ka cadeynayaa in dowladdu cafis u fidisay, oo General Jimacaale u wayn yahay,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Warsaxaafadeed kasoo baxay taliska Puntland ayaa loogu jawaabay madaxweyne Deni wuxuuna talisku sheegay in qofka dambi galay uu isagu yahay, sida uu hadalka u dhigay. “Taliska Ciidanka Kumaandooska Puntland ee Danab wuxuu bulshada Puntland iyo tan Soomaaliyeed oo cadaynayaa in madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaanayo ee Siciid Cabdullaai Deni uu isagu dambi galay ciidanka kumaaandooska Danab oo uu fagaare ka sheegay in yihiin cadowga Puntland” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka taliska Danab. Hoggaanka ciidanka Danab ayaa sidoo kale madaxweynaha ugu baaqay inuu cafis waydiisto ciidamada oo ay sheegeen inuu u gefay iyo shacabka Puntland. “Sidoo kale waxa uu dambi ka galay shacabka Puntland, isagoo dagaalo dad badan ku dhinteen ka riday Garoowe iyo Boosaaso, ayna la gudboon tahay inuu cafis ka dalbado Ciidanka Kumaandooska Danab iyo shacabka Puntland” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Ugu dambeyn wuxuu taliska hoosta ka xariiqay in hadda kadib ay u hogaansami doonaan go’aankii ay gaareen isimada dhaqanka oo ahaa in doorashada lagu qabto xilligeeda, sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in aysan aqbali doonon muddo kororsi “Taliska waxa uu hoggaaminsan yahay oo uu ku shaqaynayaa go’aankii isimada dhaqanka Puntland ee doorashada inay ku dhacdo waqtigeedii 08/01/2024, mana aqbali doono muddo kororsi” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka kasoo baxay taliska ciidanka Danab. The post Taliska Danab ee Puntland oo u jawaabay Saciid Deni “Isagaa dambiile ah” appeared first on Caasimada Online.
-
Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa dhageysatay dacwad loo haysto nin lagu eedeeyay in uu afar qof oo isku qoys ah oo Muslimiin ah ku dilay magaalada London ee koonfurta Ontario. Wiilkan Canadian-ka ah oo lagu magacaabo Nathaniel Veltman ayaa shalay la horkeenay maxkamad, waxaana qareenadiisa iyo goobjoogayaasha mucaaradka ay soo bandhigeen doodahooda xeerbeegtida. Dacwad oogaha ayaa sheegay in Mr. Veltman uu doonayay in uu cabsi ku dhex faafiyo dadka Muslimiinta ah, isagoo dadkan laayay, balse qareenada u doodayay ayaa sheegay in qofka uu u doodayay uu qabo xanuun dhanka dhimirka ah. Dacwad oogayaasha ayaa maxkamada u sheegay in Nathaniel Weltman uu qorsheeyay in uu diro fariin naxdin leh oo ah in dhamaan muslimiinta ay ka werweraan amaankooda. Mr. Veltman, oo 22 jir ah, ayaa loo haystaa dilka afar qof iyo isku day dil. Waxa uu sidoo kale wajahayaa eedeymo la xiriira argagixisanimo, sababtoo ah, sida ay sheegeen dacwad oogayaasha, waxa uu beegsaday xubnaha qoyska Muslimka ah diintooda darteed. Hadda garsoorka ayaa ka fiirsanaya kiiska Weltman, haddii lagu helo dambiga, wuxuu wajihi karaa xabsi daa’in. Arrinkan, qareennada iyo dacwad-oogayaasha Mr. Veltman ayaa isku raacay inuu baabuur ku dhuftay xubnaha qoyskan Muslimka ah bishii June 2021. Veltman laftiisu ma aqbalayo dacwadda lagu soo oogay wuxuuna sheegay inuu la ildaran yahay xanuunka dhimirka. Source
-
Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ugu baaqay Maxkamadda Caalamiga ah ee Danbiyada ICC inay dacwad kusoo oogto Israa’iil. Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa la horgeeyey mooshin ah in Waddankaasi gebi ahaan xidhiidhka u jaro Israa’iil. Xisbi Xaakimka ANC iyo Sidoo kale xisbiyada mucaaridka EFF ayaa taageersan qorshahan xidhiidhka loogu jarayo Israa’iil. Koonfur Afrika ayaa kamid ah dalalka Afrika ee sida adag u cambaareeyey duulaanka Israa’iil ee Gaza. dalkaasi ayaa sidoo kale dib ulla soo noqday safiirkii ka joogay Tel Aviv. Toddobaadyadii lasoo dhaafay ayey magaalooyinka dalka Koonfur Afrika ka dhacayeen banaabaxyo lagu taageerayo Falastiin. Israa’iil ayaa horey xidhiidh dhaw ulla lahaan jirtay dowladii hore ee Gumeysiga Cunsiriga ee Koonfur Afrika. Source
-
Israa’iil ayaa sheegtay in ay ogolaan doonto in laba baabuur oo shidaal ah ay maalintii galaan marinka Gaza kadib cadaadis kaga yimid dhanka Maraykanka, Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegay in ku dhawaad 140,000 oo litir oo shidaal ah la ogolaan doono labadii maalmoodba mar. Shidaalkan ayaa inta badan waxaa loogu talagalay gawaarida xamuulka qaada ee gargaarka, iyo sidoo kale in lagu taageero UN-ta dhanka biyaha iyo nadaafadda, ayuu yiri sarkaalku, halka Inta soo hartay uu yahay mid loogu tala galay taleefoonada gacanta iyo Internet-ka oo shiidaal la’aan darteed u go’ay. Go’aanka ah in shidaalka la ogolaado ayaa ka dambeysay kadib markii dhowaan madaxa Qaxootiga Qaramada Midoobay ee Falastiin Tomas White uu sheegay in ay joojinayaan gargaarka haddii aysan u helin shidaal gawaaridu isticmaalaan muddo 48 saacadood gudahood ah, waxaana lagu soo waramayaa in shidaalkii ugu horeeyay oo shalay oo Jimco ah ka gudbay marinka Rafax ee xadka dalka Masar. Jimcihii, shirkadda bixisa isgaarsiinta Gaza ayaa sheegtay in adeegyadeedu soo laabanayo ka dib markii ay xoogaa shidaal ah ka heshay hey’adda UNRWA oo ah hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga Falastiin. Sarkaalka Maraykanka ah ayaa sheegay in Washington ay cadaadis weyn saartay Israa’iil si ay u riixdo heshiiskan shidaalka oo lagu ogalaaday inuu galo marinka Gaza. Heshiiska ayaa mabda’ ahaan la wada isku raacay toddobaadyo ka hor, laakiin Israa’iil ayaa dib u dhigtay, sida laga soo xigtay Sarkaalka u hadlay dowladda Maraykanka, diidmada Israel waxaa lagu micneeyay in ay doonaysay in Xamaas ay wadaxaajoog kala galaan la heystayaasha Israel ee gacantooda galay weerar 7-dii Octobar ee sanadkaan lagu qaaday gudaha dhulka Israel. Source: goobjoog.com
-
Cadale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in mas’uuliyiintii ugu badnaa ay maanta isugu tegeen magaallo xeebeedka Cadale ee gobolkaasi, kuwaas oo xal u raadinaya colaadda kusoo noqo noqotay halkaasi. Mas’uuliyiintan ayaa isugu jiro wasiiro ka tirsan HirShabelle, saraakiil ciidan, bahda garsoorka iyo maamullada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle, waxayna ka arrinsadeen xaaladda ammaan ee gobolka, gaar ahaan xal u helidda dagaal beeleedyada Sh/Dhexe. Kulan ay yeesheen dhinacyadan ayaa waxaa si aad ah looga arrinsaday amniga guud ee deegaannada hoostaga Cdalale iyo Raage-Ceelle oo dhowr jeer ay dagaallo ka dhaceen. Sidoo kale waxaa kulankan lagu go’aamiyay in gacan adag lagu qabto cid weliba oo amniga ka dhan ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo ku dhow shirkaasi. Dhankoida maamullada degmooyinka Cadale iyo Raage Ceelle oo madasha ka hadlay ayaa ballan-qaaday in wax ka qaban doonaan xaaladaha ka jira halkaasi, iyaga oo kaashanayaa laamaha amniga iyo ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan gobolka Shabeelaha Dhexe. Tan iyo markii ay dib u qarxeen dagaal beeleedyada gobolkan waxaa billowday dadaalllo ay iska kaashanayaan dowladda dhexe iyo HirShabelle, si xal loogu helo colaadaasi. Waxaa siodoo kale ciidamo katirsan dowladda kuwa daraawiishta Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle la geeyay goobaha lagu dagaalamay, si ay gacanta ugu hayaan amniga gobolka. Colaadaan soo noq nqotay waxa ay sababtay in la dilo dad badan oo shacab ah, kadib weeraro maleeshiyaad hubeysan ka gaystaan aagga magaalooyinka lagu dagaalamayo. The post Madax kala duwan oo isugu tegay degmada Cadale + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
