Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo amni oo dalka ka dhacay, kuwaas oo lagu soo qabtay ugu yaraan 20 qof oo ku eedeysan dembiyo kala duwan. Afhayeenka ayaa sheegay in xubnaha qaar maxkamad la hor geeyey halka kuwo kalena ay weli baaritaano ku socdaan. Dadka la qabtay waxaa ka mid ah afar nin oo ajaanib ah, kuwaas oo lagu qabtay deegaanada Puntland, xilli ay u socdeen kooxda Daacish. Raggaan ajaanibta ah waxaa la xaqiijiyey inay ka soo jeedaan dalka Marooko, sida uu shaaciyey afhayeenka booliska Soomaaliya, waxaana la sheegay inay u socdeen kooxda Daacish ee ku jirta buuraha Calmiskaad. Nin kale oo Daacish ka tirsanaa ayaa saakay lagu qabtay Boosaaso, isagoo maleegaya qarax uu la damacsanaa shirkad ganacsi oo ku taalla Boosaaso, sida uu sheegay afhayeenku. Sidoo kale wuxuu sheegay in dalka dibadiisa caafimaad loogu qaaday askarigii isku dhigay qaraxii ay Shabaab la damacsanaayeen inay gudaha u geliyaan magaalada Dhuusamareeb. Afhayeenka Booliska ayaa xusay in weli caafimaadkooda lala tacaalayo labo askari oo boolis ah oo ku dhaawacmay qarax ay fashiliyeen. Qaraxaas oo is-miidaamin ahaa ayaa habeeno ka hor ka dhacay agagaarka Baar-Bulsho ee degmada Howlwadaag, waxaana ku geeriyooday naftiisa haligihii lagu soo xiray oo kaliya. Hoos ka daawo The post Daawo: Booliska oo shaaciyey qabashada xubno Daacish ah iyo kiisas kale oo culus appeared first on Caasimada Online.
  2. Madaxweynaha Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo haatan booqasho kujooga dalka Ingiriis ah ayaa kulan gaar ah la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak iyada oo laga hadlay sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa horumar xalwaara ah, wax kaqabashada abaaraha iyo fatahaadaha iyo arrimo kale. Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhaftay in ay Boqol Malyan oo Doollar ay arrinkaas u qorsheeyeen. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha. Ladagaalanka Shabaab, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaas oo Alshabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa sida uu hadalka u dhigay madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud oo London u jooga ka qeybgalka shirka aalamiga ah ee cunta yarida iyo aafooyinka keena. Source: goobjoog.com
  3. London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada London ayaa kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak, kaasi oo looga dhowaaqay 100 Milyan oo dollar. Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka deg-degga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta. Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys. Ra’iisul Wasaaraha Ingiriiska Mudane Rishi Sunak ayaa ku dhawaaqay in Boqortooyadu ay bilaabayso maal-gelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, isaga oo shaaciyay in boqol milyan oo dollar ay arrinkaasi u qorsheeyeen. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha. Sidoo kale waxa uu xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaasi oo kooxda Al-Shabaab ay curyaamiyeen wax soo saarkooda, kaddib markii ay nolosha u diideen dadkii beeralayda ahaa. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaaray magaalada London ee caasimada dalka Ingiriiska, ayaa sidoo kale waxa socdaalkiisa qeyb ka ah ololaha qaadista cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran. The post UK oo ku dhowaaqday $100 milyan kadib kulankii Xasan iyo Rishi Sunak + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Muqdisho, taasi oo ka dhalatay roobkii ka da’ay caasimada. Cosoble ayaa sheegay in wasakhda iyo nadaafad xumada caasimada ee banaanka usoo baxday kadib roobabkii da’ay ay sababteeda leeyihiin dadka degan, taasi oo uu eeddeeda ka difaacay maamulka gobolka iyo kan dowladda federaalka Soomaaliya. “Aniga eeda ma saarayo maamul gobol iyo dowlad federaal toona ee waxaan eeda saarayaa shacabka faraha badan ee haddana wax ma garadka u sii badan ee soo galay magaalada rabana iney ku noolaadaan kana shaqeystaan ee degay meel walba ee ay u arkaan iney dabada la geli karaan iyo kuwa cunnada iyo shaaha ku kariya dhinacyada waddooyinka,” ayuu yiri Cosoble oo si yaab leh uga hadlay xaaladda taagan. Hoos ka aqriso qoraalka Cosoble oo dhameystiran; Haddaan Muqdisho ka soo qaado sida qof oo kale, waxaan dhihi lahaa waa qof aan kaadida iyo saxarada iska dhaqin oo wejiga, gacmaha iyo lugaga oo keliya iska dhaqa bulshadana dhex socda. Muqdisho aad bey uga hooseysaa heer lagu tilmaami karo caasimad waddan ama xataa magaalo caadi ah. Wexey ku socotaa iney la mid noqoto aagga la yirahdo Kibera Slums ee ku yaalla Nairobi. Waxaase is weydiin mudan yaa leh eeda foolxumada, uskaga, qarmuunka, bulaacadaha fatahaya iyo waddooyinka isu beddelay balliyada ee aad Muqdisho ku arkeyso? Aniga eeda ma saarayo maamul gobol iyo dowlad federaal toona ee waxaan eeda saarayaa shacabka faraha badan ee haddana wax ma garadka u sii badan ee soo galay magaalada rabana iney ku noolaadaan kana shaqeystaan ee degay meel walba ee ay u arkaan iney dabada la geli karaan iyo kuwa cunnada iyo shaaha ku kariya dhinacyada waddooyinka. Xamarey qurun badaney xageen ku geeyaa, dadkaagii ayaa dayacee maxaan kuu sameeyaa, caasimad waad ka hoos martaye ma dadkaad rabtaa iney cudur u la’daan ee ma kukuuyo caasimad kaa soo saartaan kuu keenaa mase qudhaada inaad qaxootiyeyso ayaad rabtaa. Waan ku arkaa oo waan la socdaa inaad is nacday ood xammili weyday urka kaa soo baxaya, dacda ku dul sabeyneysa iyo wasakhda sida bilaa naxariista iyo bilaa jaceylka ah ee lagugu daadinayo. Waxaa kaloon la socdaa inaad waddankiina oo aad rabto inaad tahriibto er ma baddasd mari mase dowladaha deriskasd magan galyo siyasadeed weydiisan? Kolley wax uun waad sameyniye naga ilaali inuu magafe ku kaxeysto. Caalamkow kaalaya ila daawada magaaladii quruxda iyo carafta badneyd ee Muqdisho sida loo galay. Midda kalase yaa qaabilsan ilaalinta xuquuqda caasimadaha iyo magaalooyinka? Xamarey waxaan kugula talinayaa inaad qareen qabsato maxkamadda adduunkana ka dacwooto. The post COSOBLE oo si yaab leh u weeraray dadka ku nool Xamar appeared first on Caasimada Online.
  5. Mudaharaad Qof ku Dhintay oo ka Dhacay Tuulada Abdaal Hargeysa(Qaran news)- Hal Qof ayaa ku dhintay mudaharaad galabta ka dhacay tuullada Abdaal ee degmada Mandheera. Dadweynaha magaalada ayaa la sheegay inuu ka dhashay muran ka taagan dhul uu iibiyay madaxa tuulladaasi. Hase ahaatee ma jirto xaqiijin karta arrintaas. Waxase Suxufiyiin jooga Berbera ay xaqiijiyeen dhimashada nin ay ku dhacday rasaas boolisku riday. Waxa kaloo jira dhaawac aan rasmiyan la xaqiijin. Guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo Guddoomiyaha Degmada Madheera, ayaan weli ka hadal dhacdadan iyo waxyaabaha rasmiga ah ee dadweynuhu ku gadoodeen. Qaran News
  6. Warmurtiyeed laga soo Saaray Shirweynaha Guddiyada Shareecada Baanka Hargeysa(Qaran news)-War-murtiyeedka ayaa ka soo baxay Shirweynahaa 1aad ee Guddiyada Shareecada Baanka Dhexe iyo Baananka Gaarka loo Leeyahay ee Somaliland. Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u qornaa sidan:- 1. In la xoojiyo wada-shaqaynta Guddiyada Shareecada Baanka Dhexe iyo baananka gaarka loo leeyahay ee JSL, si kor loogu qaado is-waydaarsiga aqooneed iyo waayo aragnimo ee Guddiyada Shareecada dhexdooda. 2. In laga wada shaqeeyo hirgalinta Axkaamta Shareecada islaamka ee la xidhiidha dhamaan adeegyada Maaliyadeed ee Hay’addaha Maaliyadeed bixiyaan. 3. In la balaadhiyo lana fududeeyo adeegyada maal-galineed ee ay bixiyaan Hay’addaha Maaliyadeed. 4. In kor loo qaado kalsoonida iyo wacyiga bulshada ee ku aadan adeegyada Maaliyadeed ee bixiyaan Hay’adaha Maaliyadeed. 5. In la mideeyo dadaalada maalgalineed ee lagu horomarinaayo kaabayaasha dhaqaalaha iyo kuwa bulshada ee JSL. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Xaafadda loo yaqaano Jeyga ama Wadada Jeyga ee aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ayaa loo yaqaan Xaafadda Maal-qabeennada ee magaalada Muqdisho. Xaafaddan ayaa waxaa degan dad qofka ugu hooseeya lagu tilmaami karo Xildhibaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ka tirsan, Wasiirro, Madaxweynayaal hore, Ra’iisul Wasaarayaal hore iyo Madaxweynayaal maamul goboleed oo hadda tallada ku fadhiya, waana halka ay degan yihiin dadka ladan ee siyaasada ka macaasha ama ka taajiray. Xaafaddaasi ayaa waxaa hadda la’ weysan yahay waddo loo maro. Markii hore waxaa laga geli jiray laba waddo, mid waxay aheyd wadada KM4 ee aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaa jaray biyo muddo maalmo ah lama marin, mararka qaar inkasta oo la marayay oo booyado biyaha ka qaadayeen, haddana markasta oo roob da’o wey jaran tahay. Tusaale ahaan maanta waxay kamid aheyd waddooyinka go’an oo la awoodi waayay in la maro. Wadada kale ee keliya ee laga mari karo waana halka wadada jeyga la yiraahdo ee ka dhacda Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. Wadadan biyaha ma jaraan mana xiranto, marka laga reebo in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda kale marayaan loo xiro, laakiin dhibaatada haysata ayaa ah waa waddo burbur ah, raf ah, biyo mararka qaar ay fariistaan oo gaadiidka ay dhex-maraan. Waxay maantana aheyd boosteejo laga raro shirkada Sahal ee dadka musaafarka ah geeya Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde. Haddii xaafaddii dadka ladan ay daganayeen ee ku taalla magaalada Muqdisho, haddii dhinaca kalena la yiraahdo madaxdii qaranka ay degan yihiin la’layahay waddo loo maro oo 1KM illaa 2KM ay dhisan la’yihiin baaba’ ama raf tahay. Maxay tahay waxa kale ee laga filan karo magaalada Muqdisho, taasi waa su’aasha hortaalla dadka madaxda ah ee halkaasi degan. The post Maxaad ka taqaan xaafadda maal-qabeenada Muqdisho ee la la’yahay waddo laga galo? appeared first on Caasimada Online.
  8. Guddidii golaha Guurtida oo maalintii Labaad Naaqishaysa Xeerka Doorashooyinka Hargeysa(Qaran)-Guddidii golaha guurtida Somaliland u saaray naaqishaada Xeerarka isa-saarka doorashooyinka ayaa maalintii labaad ku guda jira hawlihii goluhu u igmaday. Waxa xeerkan indhaha ku haya shzcbiga Somaliland ee danaynaya geddi socodka doorashooyinka iyo wada jirka dalka. Xeerkani waxa hore aqlabiyad weyn ugu soo ansixiyay golaha Wakiillada Qaran News
  9. Hargeysa-(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud ane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay Aas Qaran oo xabaalaha Baqiic ee duleedka caasimadda Hargeysa loogu sameeyey Marxuum Maxamed Xaashi Cilmi oo kamid ahaa haldoorka qiimaha badan ee bulshada reer Somaliland. Aaska Qaran ee loo sameeyey marxuumka waxa madaxweynaha kala qayb-galay madax kala duwan oo ay kamid yihiin guddoomiyaha golaha wakiillada, xildhibaanno, wasiirro, siyaasiyiin, mujaahidiin, saraakiil ka socota dawlad-deegaanka Soomaalida, madax-dhaqameed, haldoor iyo qaybaha kale ee bulshada reer Somaliland, waxana marxuumka salaadda jinaasada lagaga tukaday duleedka qubuuraha Baqiic lagu Aasay. Qaar kamid ah mujaahidiintii ay soo wada halgameen marxuumka oo ay kamid yihiin Mujaahid Ibraahim Xuseen Dhego-weyne, Prof. Cabdisalaan Yaasiin iyo Mujaahid Xasan Jaamac Cali (Dayax) oo halkaas ka hadlay, ayaa ka hadlay kaalintii uu marxuumku ku lahaa Aas aaskii ururkii SNM iyo dib u xorayntii dalka, waxana ay ku sifeeyey halgamaa ku suntan wanaag iyo dal jacayl. Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi (Xasan-ganey) iyo suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi, ayaa iyaguna tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu marxuumku ka baxay, iyaga oo marxuumkana Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo. Aqoonyahan Ibraahim Aadan Doolaal oo kamid ah siyaasiyiinta Dawlad-deegaanka Soomaalida oo Aaska ka qaybgay, ayaa dhankiisa marxuumka Eebbe uga baryey inuu Jannadii Firdowsa ka waraabiyo, waxana uu ku sifeeyey shaqsiyad dunida kaga tagtay raad muuqda oo dhinaca wanaagga ah. Qaar kamid ah haldoorkii Aaska ka qaybgalay oo ay kamid yihiin wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha, Warfaafinta, Qorshaynta iyo Diinta iyo Awqaafta oo goobta jinaasada ka hadlay, ayaa ku dheeraaday taariikhdii marxuumka, waxana ay tacsiyeeyeen ehellada, qaraabada iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay marxuum Maxamed Xaashi Cilmi. Guddoomiyaha golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), ayaa ugu horrayn tacsi u diray Ehelka, qaraabada iyo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu sheegay in marxuum Maxamed Xaashi dalkiisa iyo dadkiisaba uga tegay taariikh ballaadhan oo dhinaca hal-adayga, halganka iyo horumarintaba ah. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna marxuum Maxamed Xaashi ku tilmaamay Astaan qaran oo dhinaca horumarinta iyo ka shaqaynta danta guud cimrigiisa ku dhamaystay, jiilasha dambena u jeexay jid wanaagsan oo ay ku dayan karaan, waxana uu ehelka iyo qaraabada uga tacsiyeeyey geerida naxdinta leh ee ku timi. Qaran News
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa habeen hore u yeeray dhamaan xubnaha Golihiisa Wasiirrada, wuxuu ahaa kulan deg deg ah, waa lix cisho kahor furitaanka Baarlamaanka. Xukuumadda ayaa shirkaan iskugu timid asbuuc kadib markii uu madaxweyne Xasan Sheekh si weyn ugu canaantay Golaha Wasiirrada inay iibin waayeen siyaasadiisa, gaar ahaan inay ka shaqeyn waayeen taageero u raadinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee la gaaray 27-kii bishii May ee sanadkaan. Madaxweyne Xasan ayaa weli ka laaban aragtadiisa ah inuu dalka u guuro nidaamka madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, iyada oo la baabi’inayo kursiga ra’iisul wasaaraha. Sidoo kale heshiiskaas ayaa muddo kordhin siinaya madaxda maamullada, sidoo kalena dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi siyaasadeed oo heer qaran ah. Doonista madaxweynaha ayaa la kulantay diidmo badan, waxaase hadda muuqata in aanay dowladda weli ka laaban isku deygaan. Kulankii habeen hore ee Golaha Wasiirrada, laba qodob ayaa ugu muhiimsana wixii laga hadlay. Mid wuxuu ahaa in loo diyaar-garoobo furitaanka Baarlamaanka iyo sidii loo marin lahaa heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran. Midda kalena waa in loo diyaar-garoobo ku biirista Soomaaliya ee dallada bulshada Bariga Afrika oo dhawaan cod loo qaadi doono. Isku-deyga ay rabto dowladda inay ku meel-mariso heshiiskan waxaa ku hor gudban dhowr caqabadood, waxayna caqabadahaas ka imanayaan dhowr dhinac. Heshiiska oo isku duuban Haddii dowladda rabto in la ansixiyo heshiiska oo aan waxba laga beddelin caqabadu waa adkaan doonta. Tusaale; waxaa jira dad badan oo ogol hanaanka madaxweyne iyo ku-xigeen, balse aan ogoleyn in dalka uu yeesho laba xisbi oo kaliya. Sidoo kale waxaa jira Xildhibaanno diidan muddo kororsiga maamul-goboleedyada loo sameynaayo, sidaas awgeed waxaa bilaaban doonta in heshiiska wax laga beddelo, haddii xukuumadda ay diidana waa arrin buuq badan dhalin doonta. Wax ka beddelka Dastuurka Qoddobada qaar sida in meesha laga saaro xilka ra’iisul wasaaraha, in doorashada noqoto mid dadweyne oo laga guuro nidaamkii baarlamaaniga ahaa iyo arrimo kale oo waxaa ku jira heshiiskan u baahan wax ka beddel dastuur. In la beddelo qoddob dastuuri ah waxay u baahan tahay saddex meelood, laba meel codadka xildhibaannada baarlamaanka, aad uma sahlana haddii cod sharci ah la aado. Caqabada kale waa Xildhibaannada sugaya isku shaandheynta xukuumadda. Xukuumadda waxay keentay mowduucii ugu weyna, waxaa laga guurayaa hanaan soo jiray 63 sanno. Wuxuu isbeddelkan imaanaya iyada uusan ra’iisul wasaare Xamza wax isbeddel ah ku sameyn Golihiisa Wasiirrada oo ay Xildhibaanno badan u careysan yihiin. Sidoo kale siyaasiyiinta mucaaradka waa caqabad kale oo haysata heshiiskan, maadaama ay si weyn u diidan yihiin qoddobada qaar. Si walba, taliska madaxweyne Xasan Sheekh waxay wajahayaan tallaabadii ugu cusleyd tan iyo markii ay xafiiska yimaadeen 15-kii May 2022. Mana cada sida ay Xildhibaannada u laqi doonaan mashruucan. The post Xog: Xasan iyo Xamza oo BF marinaya heshiis siyaasadeed uu muran ka taagan yahay appeared first on Caasimada Online.
  11. Murashaxa Cirro oo Dhambaal Diiran Kaga Mahadceliyay sidii loogu soo Dhaweeyay Ingiriiska London(Qaran news)-Murrashaxa Madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa qoraal uu soo saaray ugu mahadceliyay jaaliyadii iyo taageereyaashii sida weyn ugu soo dhaweysay London. Qoraalkaasina wuxuu u qornaa sidan:- “Waxa aan si mug leh ugu mahad-celinayaa dhammaan madaxda & hoggaanka sare ee Xisbiga WADDANI ee dalweynaha UK, taageerayaasha Xisbiga, Jaaliyadda Somaliland ee reer UK, xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan UK, iyo mas’uuliyiinta Xisbiga ee ka kala yimid dalka USA, Canada iyo Europe ee ka qaybta ahaa soo dhaweyntii ballaadhnayd ee habeen hore noogu sameeyaan madaarka caalamiga ah ee Heathrow London.” Qaran News
  12. Garowe (HOL) - Puntland Intelligence and Security Agency (PISA) seized improvised explosive devices during a security operation in Bosaso town on Sunday. Source: Hiiraan Online
  13. Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal ku yimid dalka Ingriiska waxana xafiiskiisa ku qaabilay raysal wasaaraha dalka UK, Rishi Sunak. Somaliland ayaa dalka Britain xoreyadeeda ka qaadatay 1960kii xaga ay Somalia oo uu maanta matalaayo Xasan Sheekh Maxamuud ay xoriyadooda ka qaateen dalka Talyaaniga. Madaxweynaha Somalia ee maanta booqashada ku joiga dalka Ingriiska ayaan booqan karin Somaliland oo midnimadii ay Somalia la gashay kala noqotay 1991kii. Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhowaaqday in gebi ahaanba laga laabtay dacwadii loo haystay Cabdixakiin Cabdullaahi Cabdi (Jiille) oo ahaa La-taliyaha agaasimihii guud ee hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda. Qaraarka ay soo saartay maxkamadda ee ay ku joojisay eeddii loo heystay La-taliye Jiille ayaa loo cuskaday warqad uu soo saaray xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, taasi oo u jeedadeedu aheyd eed kala noqosho. “Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir markuu arkay qoddobka 112 XHCS oo u ogolaanaaya Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud in uu eeda ka laaban karo Maxkamadda ay ku waafaqday,” ayaa lagu yiri qaraarka ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir. Sidoo kale waxaa lagu yiri “Maxkamaddu iyada oo cuskanaysa asbaabta sare ku xusan si waafaqsan qod: 107/3 dastuurka ku-meel-gaarka gudaneysana waajibka saaran ee ku xusan qod: 76,77 XHCS waxay ooday gal dacwadeedkii loo haystay eedaysanaha sare ku xusan.” Go’aankan ayaa waxa uu si rasmi ah dhaqan-gal u noqday maalintii shalay oo taariikhduna aheyd 19-kii November 2023. Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa horay saraakiil dowladeed ugu soo eedeeyay musuq-maasuq, kuwaasi oo qaarkood ay maxkamadda gobolka sii daysay kadib muddo ay socotay maxkamadeyntooda, halka kuwa kale dhageysiga kiiskooda loo gudbiyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir. Eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne, halka qaarkood ay sii deysay maxkamadda gobolka Banaadir. Xukunkaas ayaa waxaa ka horyimid xeer ilaalinta, iyada oo mar kale isla kiiskan maalmo ka hor ka furay Maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga soo saaro go’aan rasmi ah. Maxkamadeynta saraakiisha loo haysto musuqa ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana dooddeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir. Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya xilli dowladda ay wado qorshaha la-dagaalanka xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka, ayada oo hay’adda socdaalka ay xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka. The post Dacwadii loo haystay mid ka mid ah masuuliyiinta hay’adda socdaalka oo laga laabtay appeared first on Caasimada Online.
  15. Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo magaalada Garoowe oo ay weli ku wadan sugan yihiin ciidamada ammaanka Puntland iyo kuwa taabacsan xubnaha mucaaradka ah. Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa innoo sheegay in maanta ay dareemayaa jawi deganaashaha marka loo eego shalay oo ay ciidamo badan soo galeen caasimada. Sidoo kale waxaa haatan billowday dadaallo dhex-dhexeedin ah oo ay wadaan odayaasha dhaqanka, si xal loogu helo khilaafka u dhexeeya madaxweyne Deni iyo mucaaradka. Wararla ayaa intaasi kusii daraya in maanta la filayo in magaalada Garoowe ay gaaraan odayaal dhaqameed iyana ka socda gobolka Sool iyo deegaanno kale. Xiisada Garoowe ayaa sii shalay sii laba qarxday, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa PMPF ay gudaha u galeen magaalada Garoowe, kuwaas oo ka yimid dhanka magaalada Boosaaso, taas oo ay digniin ka bxiyeen xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaaladaasi. Arrintan ayaa sidoo kale keentay inay shacab fara badan ka baracakaan guryahooda, iyaga oo ka cabsi qaba in mar kale uu dagaal culus ka dhaco halkaasi. Dhanka kale waxaa saaka dib loo dhigay kulan ay yeelan lahaa xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland, sababo la xiriira xiisadda weli ka taagan magaalada Garoowe. Kulanka baarlamaanka oo uu qorshuhu ahaa in looga doodo xeer doorashooyinka ayaa dib loo dhigay muddo saddex beri ah, sida uu shaaca ka qaaday guddoomnka golaha oo farriin wargelin ah u diray xildhibaanada maamulkaasi. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa dagaal mar kale labada dhinac ku dhex-mara caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe. The post Xog: Maxaa kasoo kordhay xaalada magaalada Garoowe? appeared first on Caasimada Online.
  16. Police are investigating an incident in which an examiner in the ongoing national examination died after complaining of chest pains in Nairobi. Source: Hiiraan Online
  17. Waxaa sii socota duqeynta Israa’iil ku wado Gaza, tiradda shacabka duqeynta lagu xasuuqay ayaa kor u dhaaftay 13.000 qof. Dadka duqeynta Israa’iil lagu dilay ayey ku jiraan 5.500 carruur ah iyo 3.500 haween ah. Goobaha la duqaynayo ayaa ku yaalla Waqooyiga iyo Koonfurta Gaza, waxaana xalay la duqeeyey nawaaxiga cisbitaalka Indonesia oo ay yaalaan dhaawacyo badan. Ciidamada Israa’iil oo cagta soo mariyey cisbitaalka Shifa ayaa hadda u muuqda inay diirada saarayaan cisbitaalka Indonesia. Guryaha iyo daaraha ku yaalla Marinka Gaza ayey 60% soo gaadhay burbur ama khasaaraha duqeynta. Waxaa sidoo kale shaqada joojiyey 25 cisbitaal iyo 52 goobo caafimaad oo ku yaalla Gaza. Halka 55 gawaadhida caafimaadka (ambulances) la burburiyey. 77 Masaajid ayey Israa’iil burburisay, halka kuwo kalena khasaaro kasoo gaadhay duqeynta. Source
  18. Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira heerarka kala duwan ayaa habeennimadii Axaddii Muqdisho uga qeybgalay munaasabad loogu guusha Naadiya C/risaaq Maxamed oo ku guulaysatay in ay noqoto Maayarka magaalada St. Louis Park ee dalka Maraykanka. Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin kale duwan oo heer wasiirro iyo xildhibaanno isugu jiraan gaar ahaan Wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Qorsheynta Maxamuud Beenebeene, Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed (Odawaa) iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xildhibaan Sacdiya guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha Shacabka BJFS oo munaasabadda ka hadashay ayaa sheegtay in Naadiya tusaale u tahay gabar kasta oo Soomaliyeed, waxaana ay ku baaqday in saaxadda siyaasadda dumarku ay siweyn kaga soo muuqdaan oo tartanka galaan. “Guusha Naadiya waa guul dadka Soomaaliyeed u soo hoyatey gaar ahaan dumarka Qurba-joogta ah oo kaalimo Hormuudnimo ah uga jira siyaasadda wadamada ay ku dhaqan yihiin “ ayaa hadalladiisa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha federalka iyo dib-u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhankiisa ka hadlay guusha Naadiya Cabdirisaaq ayaa waxaa uu ku tilmaamay guul weyn oo ay gaartay gabar Soomaaliyeed, isaga hablaha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay tusaale ka dhigtaan ”guusha ay gaartay waa mid weyn” . Xildhibaan Cabdiraxmaan Odowaa ayaa isna munaasabadda ka sheegay in guusha Naadiya tahay guul dadka Soomaaliyeed,isagoona ugu hambalyeeyay dhammaan Haweenka Soomaaliyed” Kuraasta annaga aan ku fadhino waxaa ku fadhin jiray gabdho madax ah”. Source: goobjoog.com
  19. Wararka naga soo gaarayo magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegaya in maanta xaaladdu ay tahay mid degan, kadib markii shalay qeyb kamid ah xaafadaha magaalada ay isaga barakaceen bulshada, iyaga oo ka cabsi qaba in lagu dagaalamo. Xaaladda cakiran ee ka taagan magalada ayaa waxaa sabab u ahaa in saamileyda siyaaddu ay isku mariwaayeen doorashada iyo nuuca ay noqonayso, xilli madaxweyne Saciid Deni uu sheegay in doorasho hal qof iyo hal cod ah ay ka qabanayaan Puntland, taas uu mucaaradku diidan yahay. Wararka ayaa intaa ku daraya in maanta dib u dhac uu ku yimid kulan ay lahaayeen golaha wakiillada maamulkaasi, kaas oo qorshuhu ahaa in looga doodo isbedel lagu sameeyo dastuurka maamulka, kaas oo xubnaha mucaaradku si weyn kaga hor yimaadeen. Dhanka kale waxaa socda dadaallo lagu xalinayo khilaafka ba’an ee hareeyay doorashooyinka ee u dhaxeeya mucaaradka iyo xukuumadda kuwaas oo ay wadaan madax dhaqameedka, iyada oo maanta la filayo in ay Garoowe gaaraan odayaal dhaqameed ka socda Sool iyo Sanaag. Puntland ayaa la filayaa in ay doorashooyin ka dhacaan January iyaga oo qaabka ay isku mari la’yihiin maamulka hadda jira iyo mucaaradka. Source: goobjoog.com
  20. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda ayaa gaaray magaalada London dalka Ingiriiska, halkaas oo ay kaga qeyb-galyaan wafdiga Jamhuuriyaddu, shirka hoggaamiyeyaasha caalamka ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dalalka xubnaha ka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kala hadalayay mudooyinkii dambe sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateynta hubka ee saran Soomaaliya dhowr iyo 30 sano, kadib markii dalku uu burbur galay oo dowladnimadii duntay 1991-kii. Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale kulamo gaar gaar ah la qaadan doono madaxda kasoo qeyb gasha shirka, kuwaas uu kala hadli doono xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay caalamka iyo fursadaha maalgashi ee ka furan, tasiduu hore u yiri madaxweynaha “Soomaali heshiis ah dunidane heshiis la ah”. Dhanka kale, waxaan meesha ka marnayn kulamada Jaaliyadda ku dhaqan ingiriiska, isaga oo kala hadli doona sidii Qurbajoogta ay uga qeyb qqaadan lahaayeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo gurmadka loo sameynayo dadka ay saameyeen Fatahaadaha dhacaya . Shirka London ayaa kusoo aadaya iyadoo dunidu ay wajahayso saameynta ka dhalatay El-Nino, taas oo dalal badan oo Afrika iyo Asia ku sababtay in ay ku waayaan dhulbeereed badan oo wax soo saar lahaa oo daadadku ay qaadeen, xilli Soomaaliya ay ka da’ayaan roobab badan daadadna iyo fatahaado wata. Source: goobjoog.com
  21. Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda dowladda Puntland ee PISA ayaa fashilisay qaraxyo lagu diyaariyay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Hay’adda Sirdoonka Puntland oo la socotay dhaqdhaqaaqa argagixisada ayaa fashilisay qaraxyadan kadib markii ay macluumaad buuxa ka heshay halka lagu diyaariyay. Saraakiil ka tirsan hay’adda PISA ayaa laga soo xigtay in qaraxyadan ay yihiin miinooyinka rimoodka laga hago ee lagu qarxiyo wicitaanka taleefonnada ku rakiban. Sirdoonka Puntland ayaa sheegaya in ay mar kasta si dhow ula socdaan dhaq dhaqaaqa maleeshiyaadka argagixisada ah ee Shabaab iyo Daacish ee ku sugan buuraha gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Puntland oo fashiliyay qarax miino oo lagu diyaariyay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  22. Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimo bani’aadanimada ee haatan ka jira gudaha Soomaaliya. Farmaajo ayaa si gaar ah uga hadlay dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka ku dhuftay qaybo badan oo kamid ah dalka, isagoo sheegay in culays uu ka jiro gobollada. “Dhibaatada soo food saartay kumannaan qoys oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan gobollada Bay, Bakool, Gedo, Shabeelooyinka, Banaadir, Hiiraan iyo Mudug ee ay sababeen daadadka ku rogmaday gobolladaas waa mid aad u culus oo inoo ka baahan dhammaanteen in aynu u istaagno” ayuu qoraalkiisa ku yiri Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo). Madaxweynihii hore ee dalka ayaa sidoo kale farriin u diray dadka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay is abaabulaan, isla markaana ay u gurmadaan dadka tabaaleysan. “Dadka Soomaaliyeed oo lagu yaqaanno gurmadka iyo is-garabsiinta waxaan ugu baaqayaa in ay si xooggan ugu istaagaan walaalahooda dhibaateysan, lana abaabulo gurmad iyo gargaarka ay naga mudan yihiin xaaladdan adag ee ay ku jiraan” ayuu mar kale yiri. Sidoo kale wuxuu ka hadlay khasaaraha ka dhashay fatahaadaha, isaga oo tacsi u diray dadka shacabka ah ee lasoo wariyay inay ku geeriyoodeen daadadka ku dhuftay dalka. Waxaa kale oo uu ugu baaqay shacabka inay hoggaansamaan talooyinka kasoo baxay hay’adaha dowladda ee ku aadan roobabka iyo fatahaadaha ka jira gudaha waddanka. “Alle waxaan naxariistiisa Janno u weydiinayaa dadkii inooga dhintay daadadka ku soo rogmaday gobollo badan oo ka tirsan dalka, waxaana adkeynayaa in loo hogaansamo talooyinka ay soo saarayaan Hay’adaha dowladda ee ku aaddan badqabka iyo goobaha biyo mareenka ah” ayuu warsaxaafadeedkiisa kusoo gabagabeeyay madaxweynihii hore. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad adag oo dhanka nolosha ah, taas oo saameyn ku yeelatay kumannaan qoysas ah oo ku dhaqan koonfurta iyo bartamaha dalka. The post FARMAAJO oo war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda dalka appeared first on Caasimada Online.
  23. Ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo uu wato taliye lagu magacaabo Cartan Jicif ayaa saaka ku sugan degaanka Sheerbi halkaas oo ay ka taagan tahay xiisad beeleed. Ciidamada oo ka soo baxay degaanka Kalabayr ee gobolka Bari ayaa Sheerbi loo keenay si ay u kala dhex-galaan maleeshiya-beeleedka labada dhinac ee dagaallamay. Xaaladda Sheerbi oo ka tirsan degmada Waaciye ee gobolka Karkaar ayaa saaka deggan kadib dagaallo laba maalmood ka socday oo ay ku dhinteen in ka badan lix qof oo dhinacyadii diriray ah. Ciidamada dowladda ayaa hadda jooga goobihii lagu dagaallamay inkastoo maleeshiyaadka labada dhinac aysan ka fogayn halkaas. PUNTLAND POST The post Ciidamo ka tirsan Puntland oo la dhex dhigay beelo ku dagaallamay Sheerbi appeared first on Puntland Post.
  24. Garowe is currently in the spotlight of intensifying peace efforts and a deepening political crisis, as the town navigates through a period of rising tensions and significant civilian displacement. Monday's arrival of traditional leaders from SSC-Khatumo in the city marks a pivotal moment in the ongoing peace negotiations amidst a backdrop of political upheaval. Source: Hiiraan Online
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta kusii jeeda gobolka Gedo ee dowlad goboleedka Jubbaland oo ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad xoogan. Sida ay ogaatay Caasimada Online, ra’iisul wasaare Xamza ayaa saacadaha soo socda ka duuli doono garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku horumari doono degmada Doolow oo kamid ah meelaha ugu daran ee ku dhufteen fatahaadaha ee gobolka Gedo. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ra’iisul wasaaruhu uu usii gudbin doono degmooyinka kale ee gobolka oo ay iyana ay ka jiraan xaalado bani’aadanimo oo aad u daran. Ujeedka safarka Xamza iyo wafdigiisa ayaa la xiriira sidii uu usoo qiimeyn lahaa xaaladda Gedo, uguna kuurgeli lahaa nolosha qoysaska ay saameysay fatahaadaha. Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa xooga saari doono sidii gurmad bani’aadanimo loo gaarsiin lahaa qoysaska barakacay iyo kuwa xaaladaha adag ku wajahaya dalka. Gedo ayaa kamid ah meelaha ugu daran ee ay haatan ka jiraan dhibaatooyinka ka dhashay xaaladda Elnino, maadaama daadad xoogan yo fatahaado ay isku darsameen gobolkaas. Meelaha xaaladaha bani’aadanimo laga soo wariyay waxaa kamid ah, degmada Baardheere oo buundooyinkii ay go’een, magaalada Garbahaarey oo xaalad adag gashay iyo degmada Doolow oo biyuhu ay wada gaareen, halkaas oo ay booqan doonaan madaxda dowladdu. Dowladda Soomaaliya ayaa haatan wada dadaallo ballaaran oo loogu gurmanayo kumannaanka qoysaska ah ee ay dhibaatada daran ku wajahaya gobollada dalka, waxaana gurmadkaas hormuud u ah Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaran ee (SoDMA). Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo kusoo aaday xilli adag oo ay dowladdu ku howlanayd la dagaallanka kooxda Al-Shabaab. The post Xog: R/W Xamza oo ku wajahan GEDO + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.