-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somaliland ayaa maleeshiyaad beelaysan ku daabulaysa jiidda Goldheero iyo Buq-dharkayn oo dhaca duleedka degaanka Yeyle. Wararka ayaa sheegaya in Somaliland galabta maleeshiyaad horleh ku soo gurtay jiidda Buq-dharkayn halkaas oo laga dareemayo saan-saan dagaal. Dhaq dhaqaaqa ciidan ee ka aloosan jiidda Buq-dharkayn ayaa sidoo kale sii xoogaystay saacadihii u danbeeyay inkastoo aysan weli dhicin wax iska hor-imaadyo ah. Ciidamada SSC ayaa dhankooda lagu soo warranaya in ay heegan ugu jiraan sidii ay degaanka uga difaaci lahaayeen malesshiyaadka soo duulay ee Somaliland. PUNTLAND POST The post Somaliland oo maleeshiyaad horleh ku soo daabushay jiidda Buq-dharkayn appeared first on Puntland Post.
-
London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada London ee waddanka Britain. Duulimaadkii koowaad ee toos ah oo Muqdisho illaa Londo ayuu raacay madaxweynuhu, inkasta oo uu ahaa duulimaad khaas ah oo aanay shacabka haysan fursad noocaas ah. Wixii burburkii ka dambeeyay madaxda Soomaalida dalal kale ayay sii mari jireen markay u socdaan waddanka Ingiriiska, oo lagu sii hubin jiray duulimaadkooda. Agaasimaha Villa Somalia wuxuu arrintaas ku tilmaamay tallaabo muujineysa isbeddelka cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo UK. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh ee UK waxa uu leeyahay saddex ujeedo. Midda koowaad waa ka qeyb-galka shirka madaxda caalamka ee looga hadlayo la-dagaalanka dhibaatada cunta yarida adduunka. Hadal-jeedinta madaxweynaha Soomaaliya ee shirkaas ayaa la filayaa in diirada lagu saaro xaaladda cunta xumida ee Soomaaliya. Inta badan dalalka Afrika ayaa wajahaya cunta yari. Dadka Soomaaliyeed waxay ka guureen isticmaalka wax soo saarkooda cuntada, waxayna ku xirmeen cuntada laga soo dhoofiyo dibedda, taasi oo weli dabooli la’a baahida loo qabo cunto dheeli-tiran, dhinaca kalena sababtay sicir barar maadaama ay qiimo sare kusoo gasho dalka. Dowladihii iskaga dambeeyay xukunka Soomaaliya burburkii kadib midkoodna diirada ma saarin mowduucan weyn ee la xiriira cunta yarida. Arrinta labaad ee la filayo inuu dul istaago madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inta uu joogo UK, waa cuna-qabateynta hubka. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah la qaatay ra’iisul wasaaraha Ingiriiska, ayaa qoddobada ugu muhiimsan ee laga wada-hadlay kamid ahaa arrinta cuna-qabateynta hubka. Ingiriiska maadaama uu kamid yihiin waddamada ugu awoodda badan ee ku jira Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, oo iyagu ah cidda ugu dambeysa ee laga sugayo inay ku dhawaaqan inay qaadeen cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saarneyd 30-kii sano ee lasoo dhaafay, wax badan ayuu ka gooya mowduucan. Xogta safarka madaxweynaha sidoo kale waxaa kamid ah in dowladda Ingiriiska kala hadli doono sida ay gacan uga siin laheyd Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada. UK waxay ku jirtaa dalalka sida joogtada ah u caawiya Soomaaliya. Amni-darrada iyo jiritaanka argagixisada waa qeyb kamid ah waxyaabaha sababay inay adkaato cunta helista umaddo badan oo ku nool dhulka ay argagixisada ka dagaalanto, waxaana keenaya dadkii oo ay ka hortaagan yihiin wax soo saarkii, iyo dhinaca kale hay’adihii gargaarka oo baddi tagi karin dalalka iyo deegaanada ay ka dagaalamaan kooxaha argagixisada. Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayay wararka qaar sheegayaan inuu la hadli doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool waddanka Ingiriiska. Saddexdaas qoddob ayaa ugu muhiimsan socdaalka uu madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay Britain The post Safarka XASAN SHEEKH ee UK iyo saddex arrin oo weyn appeared first on Caasimada Online.
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa maanta saameeyay dhoolatus siyaasadeed oo aad u weyn, kadib markii uu xildhibaanada labada Aqal ee BFS ee kasoo jeeda maamulkaas uu ugu yeeray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay. Laftagareen ayaa hal mar xafiiskiisa ku qaabilay dhammaan xildhibaanada labada Gole ee Koonfur Galbeed ku metalaBaarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu ku casuumay Xarunta Madaxtooyada oo uu si qurux badan u dhisay. Ujeedka ayaa ahaa inuu kala tashado xaaladda cakiran ee maamulkaas oo ay isugu darsoomeen xaalado siyaasadeed, kuwa bani’aadanimo iyo dagaalka Al-Shabaab. Qoraal kooban oo ay shaaciysay Madaxtooyada ayaa waxaa lagu sheegay in Lafta Gareen uu xildhibaanada kala hadlay saddex arrimood oo kala ah, fatahaadaha ku dhuftay maamulkaasi, arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashada iyo dagaalka Al-Shabaab. “Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen oo Xildhibaanada Labadda Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed ku Cazuumay Magaalada Baydhabo ayaa kala hadlay inay kaalin tooda ka qaatay Wajiga 2-aad ee Dagaalka, Waxkaqabashada Saamaynta Fatahaadaha iyo Arimaha Siyaasada Dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri war kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Koonfur Galbeed Soomaaliya. Kulankan ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah, wuxuuna u muuqdaa mid diray y farriin mug leh oo siyaasadeed oo ku socota xubnaha mucaaradka ah ee ku kacsan Laftagareen. Xaaladda maamulkan ayaa bilihii u dambeeyay ahayd mid kacsan, waxaana si aad ah la’isugu hayaa arrinta doorashada madaxtinimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya. Si kastaba, lama oga sida ay wax ay noqon doonaan, hayeeshee mucaaradka ayaa iyaguna weli dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed ka wada magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho. The post Sawirro: Lafta-gareen oo maanta sameeyay dhoolatus siyaasadeed oo weyn appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Warsaxaafadeed kasoo baxay xubnaha Beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan xiisadda ka taagan Garoowe. Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda caasimada Garoowe, waxayna sheegtaan in ciidamadaas ay cabsi gelinayaan shacabka. “Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa ka digtay rabshado kale oo ka dhaca Garoowe, ayada oo ku baaqday in wax weliba lagu dhammeeyo wada-hadal iyo deganaan. “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed” ayaa la raaciyay. Waxa kale oo qoraalka lagu yiri “Saaxiibada beesha caalamku waxaa weli ka go’an inay Soomaaliya iyo dadka Soomaaliyeed ku taageeraan dhisidda aasaaska bulsho nabad iyo barwaaqo ah. Ugu dambeyn Beesha Caalamka ayaa qoraalkeeda farriin ugu dirtay madaxweyne Deni iyo mucaaradka, si loo dajiyo xaaladda cakiran ee ka taagan Puntland, Soomaaliya. Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka” ayaa mar kale lagu yiri farriinta xubnaha Beesha Caalamka. Warsaxaafadeedkan waxaa si wadajir ah usoo saaray Hawlgalka Kalaguurka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS), Belgium, Denmark, Jabuuti, Itoobiya, Wafdiga Midowga Yurub, Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Ireland, Kenya, Netherlands, Norway, Talyaaniga, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkiga, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, Qaramada Midoobay. The post Beesha Caalamka oo WAR culus kasoo saartay xiisadda DAGAAL ee Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre announced on Tuesday that the federal government has allocated a budget for three thousand new teachers in 2024. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howl-gallo qorsheysan oo ay xalay ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howl-gala (Polizia militare) ka sameeyeen duleedka magaalada Muqdisho. Howl-galladan ayaa waxay ciidamada xasillinita si gaar ah uga sameeyeen deegaanka Ceelasha biyaha ee duuleedka caasimada, wuxuuna ujeedkiisu ahaa amni xaqiijin, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda Soomaaliya. Ciidamada ayaa intii socday howl-galkaan waxay baaritaano guri gur ah ka sameeyeen xaafadaha deegaanka Ceelasha biyaha, si looga hortago khatarta dhinaca amniga ah ee laga filan karo kooxda Al-Shabaab, oo dowlada dagaal adag kula jirto. Sidoo kale, ciidamada ayaa baaritaano kala duwan ku sameeyay gaadiidka isticmaala waddada dheer ee isku xirta degmada Afgooye iyo magaalada Muqdisho. Howl-galladan ayaa daba socda kuwa maalmihii dambe ay ciidamada xasillinta caasimadda ay ka sameynayeen qaar kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda, si looga hortagto khatar amni oo ka timaada kooxaha argagixisada. Si kastaba, howl-galladan ayaa imanaya maalmo kadib markii ra’iisul wasaaraha uu kulan looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay xerada ciidamada xasillinta caasimadda ee ku taalla inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad. Amniga magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa si weyn isku beddelay tan iyo markii ay yimaadeen ciidankan, waxaana si weyn hoos ugu dhacay falalka amni darro ee kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay caasimadda. The post Xogta gowl-gallo qorsheysan oo laga sameeyay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Xoogaga Xuutiyiinta Yemen ayaa baahiyey muuqaalka qaabka ay ulla wareegeen markabka uu leeyahay Maalqabeen u dhashay Israa’iil. Markabka Galaxy Leader ayaa laga qabtay badda cas Axadii, waxayna ciidamada Xuutiyiinta u adeegsadeen Diyaarad Helikobter ah oo siday askartooda. Xuutiyiinta ayaa sheegay inay sii wadi doonaan la wareegida maraakiibta ay leeyihiin shirkadaha kasoo jeeda Israel. Shirkada leh Markabka la qafaashay ee Galaxy Leader ayaa saldhigeedu yahay dalka UK, balse Maalqabeenka shirkadaasi hoos tagto ayaa ah nin Israa’iili ah. Markabkan ayuu hadda u kireysnaa shirkad Jabanees ah oo codsatay in loo soo sii daayo. Source
-
Hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh ayaa maanta oo salaaso ah sheegay in gebo-gebo uu marayo heshiis lagu sii deynayo maxaabiista. Qatar ayaa hore u sheegtay in ay hadheen arrimo farsamo. Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in heshiiska heer gebo-gebo marayo. Illaa iyo hadda ma cadda qodobada heshiiskan iyo inay ku jirto xabad-joojin maalmo ah. Sharuudaha Xamaas ay hore ugu xidhay siideynta dadka ay heystaan ayaa ahayd xabad-joojin iyo siideynta shacabka Falastiin ee u xidhan Israa’iil. Xamaas ayaa sidoo kale gacanta ku heysa tiro askar Israa’iiliyiin ah oo ay qafaasheen 7dii Oktoober. Israa’iil ayaa sheegtay in dhankooda laga afduubay 237 qof oo ah shacab iyo askar. Xukuumada Israa’iil ayaa maalmihii lasoo dhaafay cadaadis kala kulmaysey ehelada dadka ku jira gacanta Xamaas, qoysaskaasi oo ku eedeeyey xukuumada Netanyahu in ayna xooga saarin soo-siideynta dadkaasi. Source
-
Finland ayaa ku eedeysay Ruushka inay xuduuddeeda kusoo fasaxday muhaajiriin ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika, sababo la xidhiidha inay ka cadheysan tahay iskaashiga difaac ee sii kordhayay ee Helsinki ay la leedahay Mareykanka, eedeymahaas oo Moscow ay beenisay. Dadka ay ka cabaneyso Finland ee xuduudda soo galay ayaa waxaa ka mid ah Soomaali badan. Qiyaasti 300 oo muhaajiriin ah, oo ka yimid dalalka Soomaaliya, Ciraaq, Yemen iyo Suuriya, ayaa toddobaadkan soo galay Finland ayaga oo kasoo gudbay xuduudda Ruushka, sida ay Reuters kasoo xigatay Ilaalada Xuduudda Finland. Imaatinka dadkan ayaa Finland ku qasbay inay darbiyo ka taagto xuduudda ay la wadaagto Ruushka, si ay u joojiso muhaajiriinta sida xorta ah u soo galaya dalkaas. Muhaajiriinta oo intooda badan ka kala yimid Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yimid dalkan Nordic ah iyaga oo aan haysan dukumenti sax ah, waxaana ay dalbadeen magangelyo kadib markii lagu eedeeyay mas’uuliyiinta Ruushka inay ku caawiyeen inay u safraan aagga xudduudda ee sida aadka ah loo ilaaliyo. Ku dhawaad dhammaan muhaajiriinta ayaa ku yimid aagga xuduudka iyagoo wata baaskiilado ay warbaahinta Finland iyo Ruushku sheegeen in la siiyay lagana iibiyay. Moscow ayaa beenisay sheegashada ku saabsan in ay ka dambeyso qulqulka muhaajiriinta. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Ruushka “ay aad uga xun yihiin in hoggaanka Finland uu doortay dariiqa uu si ula kac ah uga fogaanayo dhaqankii hore ee wanaagsanaa ee xidhiidhka laba geesoodka ah.” Soohdinta dhulka ee Finland iyo Ruushka ayaa dhan 832 mayl (1,340 kilometer), waxayna inta badan dhexmartaa kaymo qaro weyn oo ku yaalla koonfurta, iyadoo gaaraysa woqooyiga Arctic. Source
-
Khasaare ayaa ka dhashay Gantaalo Xisbullah ku tuurtay mid kamid ah Saldhigyada Ciidamada Israa’iil ee u dhaw xaduuda dalka Lubnaan. Duqeyntii Isniintii shalay ayaa ahayd tii ugu xoog badneyd ee Xisbullah la beegsato Israa’iil. Saldhiga Militariga Israel ee Zibdin ayaa burbur xoogan soo gaadhay kadib markii ay ku dhaceen ugu yaraan 2 gantaal oo laga soo tuuray Lubnaan. Xisbullah ayaa weerarkan sheegatay, waxayna duqeyntan u adeegsadeen Gantaalada “Burkan”. Difaaca cirka ee Israa’iil ee loo yaqaan Iron Dome ayaa soo riday qaar kamid ah gantaalada. Balse waxaa muuqata in qaar kale ay yoolkooda ku dhaceen. Xisbullah ayaa sidoo kale diyaaradaha Drone-ka u adeegsatay duqeynta ay la beegsatay ciidamada Israa’iil. Toddobaadyadii lasoo dhaafay ayey labada dhinac isdhaafsanayeen duqeymo, iyadoo laga cabsi qabo in dagaalka Gaza uu kusii fido gobalka oo dhan. Source
-
New York (Caasimada Online) – Guddiga Khubarada QM ee Arrimaha Soomaaliya ayaa warbixin ay soo saareen markii ugu horreysay uga hadlay sheegashada dowladda Soomaaliya ee la xiriirta tirada Al-Shabaab laga dilay tan iyo markii la billaabay duulaanka ka dhanka ah bartamihii sanadkii tegay. Guddiga ayaa sheegay inaan la xaqiijin karin sheegashada dowladda ee ah in khasaaraha Shabaabka gaaray uu dhan yahay 6,000 oo maleeshiyo. “Iyadoo kooxda ay la kulantay cadaadis cusub oo kaga imanaya duulaanka ay hormuudka ka tahay dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan maamul-goboleedyada HirShabeelle iyo Galmudug, guddiga waa awoodi waayeen inay xaqiijiyaan sheegashada Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ay sameysay 25-kii March 2023, ee ahaa in Al-Shabaab ay gaarsiiyeen in ka badan 6,000 oo khasaare ah, oo ay ku jiraan dhimashada 3,000 oo dagaalyahan,” ayaa lagu yiri warbixin guddiga u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM. Guddiga ayaa sheegay in Al-Shabaab ay weli tahay khatarta ugu dhow ee ku wajahan nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya. “Intii lagu guda jiray muddada warbixinta, ma jirin hoos u dhac weyn oo ku yimid awoodda kooxdu u leedahay in ay weeraro joogto ah fuliso Soomaaliya,” ayey tiri warbixinta guddiga. Guddiga ayaa intaas ku daray in inkasta oo Al-Shabaab lagu qaaday weeraro culus, haddana kooxda ay awood u yeelatay inay ka faa’iidaysato nidaam xumida ciidamada dowladda, ku dhex milantay shacabka ayaga oo sameynaya dib ugurasho xeeladeysan, kadibna fuliyeen weeraro rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka taabacsan. “Arrimahan ayaa soo jeedinaya in Al-Shabaab ay weli tahay mid adkeysi leh, la qabsan karta xaaladaha oo dhimasho badan gaysaneysa,” ayaa lagu yiri warbixinta. Inkasta oo laga soo riixay meelo badan oo ka tirsan bartamaha Soomaaliya, kooxda ayaa ku guuleysatay inay kordhiso xawliga howl-galladeeda, oo ay ku jiraan weeraro culus sida weerarkii cuslaa ee bishii May 2023 lagu qaaday saldhigga ATMIS ee deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa lagu sheegay warbixinta guddiga. The post Maxay Qaramada Midoobe ka tiri sheegashada DF ee ah in Shabaab laga dilay 3,000? appeared first on Caasimada Online.
-
Maanta waa 21-ka Novembar waxayna ku beegan tahay maanta macalinka Soomaaliyeed oo dalka iyo meel ay Soomaali joogtaba laga xuso. Maalintan oo markii ugu horreysay dalka laga xusay 1974-tii ayaa loogu dabaaldegaa ahmiyadda macallinka Soomaaliyeed. Wasaaradda Waxbarashada ayaa qabanaysa munaasabado lagu weynayo maalintan, waxaa ayna kusoo aadaysaa xilli dhowaan dowladda Soomaaliya 3000 oo macalimiin cusub ah ay kusoo dartay shaqada, kuwaas oo la qaatay sanadkaan. Macalimiinta Soomaaliyeed ayaa marka aad la kulanto waxaad arkaysaa in ay sheegayaan in mudnaanta la siiyo maanta aysan la mid aheyd shaqaalaha dowladda ama ku wale, waxaana ay marwaliba sheegaan in loo baahan yahay in macalinku bulshada meel sare ugu jiro, maadaama uu yahay shakhsiga tabiyeeya qof walba markuu tacliin bilowga yahay waxna soo bara. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak magaalada London sida ay sheegtay Villa Somalia. War-saxafaadeed kasoo baxay madaxtooyada ayaa lagu sheegay in madaxweynaha uu soo bandhigay sida Soomaaliya “ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta.” “Madaxweynaha ayaa ka hadlay caqabadaha kuu xeeran nolasha dadka Soomaaliyeed iyo dadaallada ay ku bixisay dowladdu la tacaalidda macaluushii ay la kowsaday sannadkii 2022-kii iyo haatan dhibaatada culus ee ka jirta dalka ee ay sababeen daadadka roobka ee barakiciyey kumannaan qoys,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka. Qoraalka ayaa intaas ku daray in Ra’iisul Wasaaraha UK Rishi Sunak uu ku dhawaaqay in boqortooyadu ay billaabayso maalgelinta mashaariicda horumarineed, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo horumarinta beeraha ee Soomaaliya, uuna carrabka ku dhaftay in ay $100 milyan ay arrinkaas u qorsheeyeen. Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee ka hortagga cunno yarida iyo aafooyinka sababa ayaa sheegay in Soomaaliya ay udub dhexaad u noqon karto dadaallada caalamiga ah ee dabar-goynta macaluusha, xaqiijinta tamarta iyo dalagyada beeraha. Madaxweynaha ayaa xusay in ciidanka Soomaaliyeed ay xoreeyeen in ka badan 70 degmo iyo deegaan oo hodon ku ah dalagyada beeraha, kuwaas oo argagixisada Al-Shabaab ay curyaamiyeen waxsoosaarkooda, kaddib markii ay nololasha u diideen dadkii beeralayda ahaa. Source
-
Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa walaac xooggan ka muujiyay xiisadda dagaal ee ka taagan magaalada Garoowe. War-saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen Saaxiibada Beesha Caalamka ayay ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin halista xiisadda dagaalka ee ka aloosan Garoowe oo ay ku jirto abaabulka ciidamada ee ka socda magaalada taas oo cabsi ku abuurtay shacabka. “Saaxiibada beesha caalamka waxay ka walaacsan yihiin halista xiisadaha oo kor u kaca, oo uu ka mid yahay abaabulka ciidamada ee Garoowe ka socda. Joogitaanka ciidamadan ayaa cabsi gelinaya dadka shacabka ah, taasoo keentay in iskuullada la xiro” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku muransan arrimaha doorashada Puntland in ay nabad iyo wada-hadal ku xalliyaan Khilaafkooda islamarkaana aysan wax marmarsiinyo ah u haysan rabshad ama hanjabaad iyo xoog. “Ma jirto wax marmarsiinyo ah oo loo haysto rabshad ama hanjabaad xoog. Cabashada waa in lagu dhammeeyaa si nabad ah oo loo marayo wada hadal. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada inay khilaafkooda ku xalliyaan qaab nabadeed”. “Waxaan si dhow ula soconaa xaaladda, waxaana ku baaqaynaa in si degdeg ah loo dejiyo xiisadda iyo wadahadallo degdeg ah oo ay yeeshaan madaxda siyaasadda iyo kuwa kale ee deegaanka” ayuu sii raaciyay war-saxaafadeedka ka soo baxay Beesha Caalamka. War-saxaafadeedka waxa si wadajir ah u soo saaray urur Goboleedka IGAD, Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, Midowga Yurub, Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), Qaramada Midoobay, Maraykanka, Ruushka, UK, Jarmalka iyo dalal kale. PUNTLAND POST The post Saaxiibada Beesha Caalamka oo si adag uga hadlay Xiisadda dagaal ee ka taagan Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Can camels be raised as dairy in Minnesota? An innovative collaboration between University of Minnesota Extension and Somali community members in Stearns County is exploring the possibilities. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - In a stirring tribute to World Children's Day, celebrated Somali artist Aar Maanta has unveiled an animated music video for his song 'Ubadkaa Mudnaanta Leh' (Children Have Priority). This release marks a significant addition to Maanta's repertoire, known for blending music with social messages. Source: Hiiraan Online
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa xalay kulan hoose la yeeshay guddi gaar ah oo Baarlamaanka Puntland u xil-saaray ka shaqaynta xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo ay soo gudbisay xukuumadda. Madaxweyne Deni oo kulanka ka hadlay ayaa guddiga u sheegay in aysan dowladdu wax wada-hadal iyo gorgortan ah ka geli doonin socod-siinta doorashada qof iyo cod, sidaas darteedna uu rabo in Baarlamanku sida ugu dhakhsaha badan u ansixiyaan xeerka doorashooyinka. Wararka ayaa xaqiijinaya in Siciid Deni uu guddiga ka dalbaday in la kala qaado doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamanka, islamarkaana doorashada madaxweynaha loo daayo 25 Feb 2024 tan Baarlamankana dib loo dhigo mudda laba sano ah. Tallaabadan ayaa imaanaysa, iyadoo magaalada Garoowe laga dareemayo xiisad ka taagan doorashada Puntland ee 2024, oo ay ku muransan yihiin dowladda iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah, inkastoo ay dadaallo nabadeed wadaan qaar kamid ah Odayaasha dhaqanka SSC oo Garoowe u yimid xal u raadinta arrintaas. PUNTLAND POST The post Maxaa dhexmaray Madaxweyne Deni iyo guddi loo xil-saaray xeerka doorashada qof iyo cod? appeared first on Puntland Post.
-
Ciidanka Sirdoonka gaarka ah u qaabilsan Puntland ee lagu magacaabo PISF ayaa saaka shaaciyay in ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay magaalada Boosaaso. Qoraal ka soo baxay Taliska Ciidanka Sirdoonka PISF ayay ku sheegeen in ay fashiliyeen qaraxa miino oo kooxaha Argagixisada ah geliyeen gudaha Boosaaso. “Ciidanka sirdoonka gaarka ah ee PISF oo gacan ka helaya PMPF ayaa ku guulaystay inay fashiliyaan qarax 2aad oo la doonayay in lagu waxyeeleeyo muwaadiniinta Puntland iyo ganacsiyadooda ee magaalada Boosaaso”. “Qaraxaan oo xogtiisa ay haysay hay’ada sirdoonka ee PISF ayaa waxaa soo maleegay kooxaha argagixisadaha ee waqtigoodu dhamaadka yahay” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Taliska ciidanka Sirdoonka gaarka ah ee PISF. Waa qaraxii labaad oo Sirdoonka Puntland shaaciyeen in ay fashiliyeen mudda 24 gudahood ah kaas sida ay tilmaameen lagu diyaariyay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Sirdoonka Puntland oo 24 saac gudahood fashiliyay qaraxii labaad oo lagu aasay Boosaaso appeared first on Puntland Post.
-
Wararka ka imaanaya gobolka Karkaar ayaa sheegaya in waan-waan nabadeed laga dhex wado laba beelood oo ku dagaallamay degaanka Sheerbi. Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka Bari iyo Karkaar ayaa dadaal ku bixinaya joojinta xiisadda beeleed ee weli ka jirta degaanka Sheerbi inkastoo aanu hadda socon wax dagaal ah. Waxgaradka labada dhinac ee dagaallamay ayaa sidoo kale laga soo sheegay in ay diyaar u yihiin waan-waanta si loo sameeyo xabbad-joojin deg deg ah. Xaaladda Sheerbi ayaa tan iyo shalay deggan waxaana halkaas ku sugan ciidamo ka tirsan Daraawiishta Puntland oo laga keenay gobolka Bari. PUNTLAND POST The post Puntland: Waan-waan nabadeed oo laga dhex wado beelo ku dagaallamay Sheerbi appeared first on Puntland Post.
