-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Somaliland oo Badhsaabyada Gobollada kala Hadlay Adkeynta Nabadgelyada Hargeysa(Qaran news)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada kulan u jeedadiisu ahayd Adkaynta amniga gobollada dalka iyo dardar-gelinta hawlaha Qaranka kula yeeshay gudoomiyeyaasha gobollada dalka Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan waxa soo qabanqaabiyey oo qaybna ka ahaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa duray arrin uu muddooyinkii dambe si weyn ugu dhaganaa madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu sheegay in nidaamka madaxweyne iyo ku-xigeen, oo uu meel-marintiisa ku howlan yahay madaxweyne Xasan Sheekh hore loo soo tijaabiyay, looguna fashilmay. Madaxweyne Xasan ayaa dhawaan hadal uu ka jeediyay Masaajidka Madaxtooyada wuxuu ugu adkeystay heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka, kaasi oo dhigayay in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya. Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook uga hadlay dowladihii soo maray Soomaaliya iyo nidaamkoodii, waxaana muuqata in arrintaan ay si weyn ugu aragti duwan yihiin madaxweynaha iyo ergeygiisu. “Hal mar oo nidaamka Madaxtooyada (Presidential system-ka) la qaatay dalka ayaa ku dumay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo duraya aragtida uu weli ku dhagan yahay madaxweynaha ee ah nidaamka Madaxweyne iyo Ku-xigeen. Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran; Soomaaliya saddex nidaam Jamhuuriyadeed ayaa soo maray. 1- Tii koowaad ee dimoqoraadiga ahayd, nidaamka xukunka wuxuu ahaa Baarlamaani, waxaa afgambiyey askarta. 2- Jamhuuriyaddii labaad ee ay milateriga xukunka qabsadeen, Kacaankii Hanti-wadaaga ahaana soo rogeen, Nidaamka xukunka wuxuu ahaa mid Madaxtooyo oo Madaxweyne iyo ku xigeen ah (Presidential), waa tii lagu kala tegey. 3- Jamhuuriyaddii Saddexaad, Soomaalidii dib u heshiisiinta isugu timid Carta, dalka Jabuuti waxay u laabteen nidaamkii Baarlamaaniga ahaa ee Jamhuuriyadii koowaad lagu yagleelay. Haddaba, hal mar oo nidaamka Madaxtooyada (Presidential system-ka) la qaatay dalka ayaa ku dumay. Soomaali waxay ku maahmaadaa “Wixii umusha u roon ayaa ilmahana u roon” The post CC Shakuur oo si weyn u duray arrin uu madaxweyne Xasan ku dhagan yahay appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynaha labada jeer la doortay ee Soomaaliya ayaa saxaafada ka soo muuqday isagoo gacanta bidix u shakaalan tahay, kadib markii uu ka soo baxay qaliin kooban oo garabka ah. Dalalka Sacuudiga iyo Burundi ayuu ku tegay laba safar oo shaqo, iyada oo madaxweynaha gacanta u duuban tahay. Dadweynaha ayaa siyaabo kala duwan uga fal-celiyay inay arkeen madaxweynahoodii oo gacan shakaalan, balse aanay taasi ka reebin inuu u adeego dalkiisa. Marka aad madax u tahay dal sabool ah oo ay colaad sokeeye iyo argagixiso iskugu darsoontay ma leedahay waqti aad ku nasato oo aad ku raadiso caafimaadka ugu sarreeya, dabcan jawaabtu waa Maya. Inkasta oo aanay muwaadiniinta u riyaaqeyn inay xanuun ku arkaan madaxweynaha, haddana dhinaca kale dadka waxay leeyihiin Xasan Sheekh wuxuu muujinaya naf hurnimo hoggaamineed. Madax badan ayaa caalamka soo maray oo ay u diiwaan-gashan tahay inay dalalkooda u khidmeeyeen iyaga oo kuraas lagu riixayo, qaar ay kasoo baxeen qaliino wadnaha ah ama ay ku jireen xaaladdo adag oo caafimaad. Ujeedku waa inuu qofka xaqiijiyo hadafka la doortay iyo inuu guto masuuliyadda loo igmaday muddadaasi cayiman. Dadweynaha taas ayaa muhiim u ah. Madaxweynaha 68 jirka ah ee Soomaaliya ayaa muddo saddex billood ku dhow wuxuu u dhaxeeyay gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, si uu u xaqiijiyo inuu ka adkaado argagixisada Soomaaliya gaarsiisay halkii ugu xumeyd abid. Qofka madaxda u ah Soomaaliya oo laga wada dharagsan yahay, halka ay joogto maanta iyo sida dowladaha adduunka weli u diidan yihiin in wax badan oo wanaag ah ku biiriyaan, waa ku qasban yahay inuu xaalad walba dhexda xirto oo uu daruuf walba qaato si uu dalkiisa meel u gaarsiiyo, ayey leeyihiin dadka aaminsan inuu madaxweynaha u adeegayo dalka halkii ugu sarreeyay itaalkiisa. Xasan Sheekh in uusan aqbalin inuu seexdo illaa uu kasoo kabto ayaa dad badan u arkaan inay tusineyso laxow-jeclo, masuuliyada iyo hoggaamiye aan rabin inuu dalkiisa ka dayaco wax fursad ah. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa hortaalla inuu argagixisada ka adkaado, taasi oo u baahan dhaqaale iyo garab caalami ah. Waxaa sugeysa inuu deyn cafinta dhameystiro iyo inuu dalkiisa ku hoggaamiyo inuu isku filnaado. Amuurahaas marka la isku geeyo, muwaadiniinta waxaa muhiim u ah in aan waqti laga lumin dalka iyo dadka oo loo shaqeeyo si adag oo joogta ah. Indheer-garadkuna muhiim uma arkaan inay ka hadlaan dheeha iyo dharka madaxweynaha. Dooddu waa inay ahaata sida lagu xaqiijin karo hadafyada waaweyn ee horyaalla dowladda iyo halka ay gaari karto Soomaaliya sanadaha soo aadan. The post Maxay ka dhigan tahay in Xasan Sheekh uu soo muuqdo isagoo gacan shakaalan? appeared first on Caasimada Online.
-
Hay’adaha samofalka Oo Bilaabay inay ka baxaan Puntland Garoowe(Qaran news)- Hay’adaha samofalka ee caalamiga ah ayaa ka baxaya magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland sababo la xidhiidha xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolkaasi oo sababay in ciidamo hubaysani la kala saftaan siyaasiyiinta isku haya doorashada khilaafku ka taagan yahay. Khilaafka doorashooyinka Puntland ayaa gaadhag halkii ugu sarreysay, wsxana dhinacyada doorashada ku muransani ay ku dhow yihiin inay isku faro saaraan dagaal hubaysan. Hay’adaha caalamiga ah ayaa la arkay maanta iyagoo masuuliyiintoodu ka dhoofayaan madaarka Garoowe. Taasi oo sababtay walaac xoog leh oo soo food saaray shacabka iyo Hay’adahaba. Ma jiro wax war ah oo ay Xukuumadda Siciid Deni ka soo saartay tallaabada Hay’aduhu kaga baxayaan magaalooyinka maamul goboleedka Puntland ee Somalia. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo xasaasi oo daba soco heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee 27-kii May 2023. Dowladda ayaa magaalada Muqdisho ka furtay kulan looga tashanayo geedi socodka iyo hanaanka doorayooyinka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kaasi oo daba socda heshiiskaasi. Kulankaan ayaa waxaa goobjoog u ahaa heerarka kala duwan ee dowladda, ururrada siyaasadda iyo bulshada rayidka ah, kuwaasi oo dhammaantood laga doonayo inay aragti ku biiriyaan arimaha la xariira doorashooyinka. Wasiirka Arrimaha Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo kulankaan ka hadlay ayaa ka qeyb-galayaasha ku booriyay inay wax ku biiriyaan wada-tashiga ku aadan qaabka doorasho ee dalka la doonayo in la gaar siiyo. Hanaankan doorasho ayaa ah midka, qof iyo cod, si bulshada u dareemaan in awoodoodii loo soo celiyey, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu kula dardaarmay madaxda iyo umadda Soomaaliyeed in laga fogaado isku dhacyada la xiriira doorashooyinka, lana ilaaliyo xilliyada dastuuriga ah ee lagu heshiiyo. Heshiiskan Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa qeyb ka ah in laba xisbi oo kaliya dalka laga dhiso, lana bedelo nidaamka baarlamaaniga ah ee hadda Soomaaliya ka shaqeeya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa weli ku adkeysanaya dhaqan-gelinta heshiiskaas, oo dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Siyaasiyiin iyo madaxdii hore ee dalka ayaa sidoo kale mucaaradsan qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo, kaasi oo wada-tashigiisa maanta laga furay Muqdisho. The post DF oo qaaday tallaabo cusub oo daba socoto heshiiskii G/Wadatashiga + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa(Qaran news)-Golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta guddi ka kooban 15 Xildhiabaan u saaray ka soo talo bixinta xeerarka isa saarka Doorashooyinka Qaranka, kaasi oo kasoo gudbay golaha wakiillada. Fadhigii saaka ee golaha guurtida oo uu shir-gudoominayay gudoomiyaha golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Gudoomiye ku xigenka golahaasi Mudane Siciid Jaamac Cali, ayaa markii uu furmay waxa uu guddoomiyuhu ku wargeliyay golaha in guddi 15 xildhibaan ah loo saarayo xeerarka isa saarka Doorashooyinka, kuwaasi oo soo naaqishi doona xeerarkaasi. Intaasi ka dib waxa guddida 15 Xildhibaan ah mudanayaasha ka hor akhriyay guddoomiye ku xigeenka golaha guurtida Mudane Siciid Jaamac Cali. Liiska magacyada guddida 15-ka Xildhibaan ayaa waxa ay kala yihiin sidan:- Gudoomiye :Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble Xildhibaan Cawil Cismaan Maxamuud Xildhibaan Cabdiqadir Maxamed Xasan Xildhibaan Ibraahim Muxumed Aw-axmed Xildhibaan Cumar Nuur Xasan Waaye Xildhibaan Axmed Maxamed Cabdi Shide Xildhibaan Maxamed Ducaale Qurux Xildhibaan Sahal Iidle Dirir Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Furre Xildhibaan Axmed Xaaji Cabdikariim Xuseen Xildhibaan Ismaaciil Saleebaan Yuusuf Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaax-nuug Xildhibaan Daahir Cali Jaamac Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf Sheekh Nuu Xildhibaan Mustafe Xaaji Maxamed Daahir Intaasi kadib Gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa faray guddida naaqishaada xeerarka isa saarka Doorashooyinka inay ka soo baaraan dagaan masuuliyada xeerarkaasi muddo saddex cisho ah, isla markaasi ay ku soo celiyaan golaha maalinta Arbacada ah, si goluhu waajibaadkiisa uga guto. Qaran News
-
Diinsoor (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa maanta gaaray magaalada Diinsoor ee gobolka Baay. Socdaalkan ayaa sidoo kale waxaa Lafta-gareen iyo Wasiir Jaamac ku wehliyay qaar kamid ah Golaha Wasiirrada Koofur Galbeed iyo masuuliyiin kale, ayada oo halkaasi maanta si weyn loogu soo dhaweeyey. Ujeedka ay madaxdu halkaas u gaarayn ayaa lagu sheegay in ay tahay soo xirista shir dib-u-heshiisiin ah oo muddooyinkii dambe ka socday magaalada Diinsoor ee gobolka Baay. Sidoo kale, waxaa qorshaha socdaalka madaxdaan qeyb ka ah sidii bulshada Diinsoor degta ay ugu sheegi lahaayeen inay u diyaar garoobaan ka qeyb qaadashada howl-galka dalka looga xoraynayo kooxda Al-Shabaab, gaar ahaan deegaannada Koofur Galbeed. Deegaannada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa dhawaan si rasmi uga bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka kooxda Al-Shabaab ka dhanka ah, sida uu kal hore ku dhowaaqay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Xasan ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan faray masuuliyiinta degmooyinka la haysto ee maamulkaasi in ay u diyaar garooban dagaalka, islamarkaana dowladda ay xooggeeda iskugu keeneyso Koonfur Galbeed oo muhiim u ah gulufka socda. Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka oo isgarabsanaya ayaa guullo wax ku ool ah ka gaaray wejiga koowaad ee dagaalka oo haatan geba-gebo ah, kaasi oo lagu xoreeyay deegaano iyo degmooyin muhiim ah oo sanado badan gacanta ku haysay kooxda. Sidoo kale waxaa kooxda looga dilay horjoogayaal iyo maleeshiyaad badan, ayada oo laga burburiyay xarumo ciidan iyo goobo keyd u ahaa. The post Sawirro: Lafta-gareen iyo wasiir Jaamac oo gaaray DIINSOOR + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
-
Fadhigii Baarlamanka Puntland ee Isniinta berri ah ayaa gebi ahaanba la baajiyay, sida ay xaqiijinayaan warar lagu kalsoon yahay. Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa lagu wargeliyay in gebi ahaanba la baajiyay Fadhiga oo looga doodi lahaa wax-ka beddelka Xeerka doorashooyinka qof iyo cod oo xukuumaddu soo gudbisay. Xogaha ayaa sheegaya in xaalado amni dartood Fadhiga dib loo dhigay ilaa Khamiista Todobaadkan, kadib markii magaalada Garoowe laga dareemay xiisad iyo dhaq dhaqaaq ciidan oo ka dhashay muranka Arrimaha doorashooyinka 2024. Xiisadda ayaa sidoo kale dhalisay in shacab badan ka bara-kacaan xaafadaha caasimadda Garoowe, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal ka qarxo magaalada maadaama ay is hor-fadhiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah. PUNTLAND POST The post Fadhigii Baarlamanka Puntland ee Isniinta berri ah oo loo baajiyay xaalado amni appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta markii labaad u fariisatay dacwadda rafcaanka ay eedeysanayaasha ka yihiin saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya. Eedeysanayaasha ayaa loo heystaa dacwada la xiriirta musuq-maasuq iyo dambiyo kale, waxana horay xukunno kala duwan ugu ridday maxkamadda gobolka Banaadir, ayada oo markaas uu racfaan ka qaatay xafiiska xeer ilaalinta. Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir ayaa go’aamiyay in xafiiska xeer ilaaliyaha guud uu soo bandhigo cadeymaha ka dhanka ah saraakiishan ku eedeysan musuq-maasuqa. Xeer Ilaaliye Ku-xigeen Farxaan Xuseen ayaa maxkamadda rafcaanka gobolka Banaadir u gudbiyay cadeymo la xariira warqado lacag qabasho ah, oo ay tuhmayaan in ay been abuureen eedeysanayaasha. Eedeysanayaasha la horgeeyay Maxkamadda Racfaanka Gobolka ayaa waxaa weli ku dhagan xeer ilaalinta qaranka oo kusoo oogtay xatooyo xoolo dadweyne, halka qaarkood ay sii deysay maxkamadda gobolka Banaadir. Xukunkaas ayaa waxaa ka horyimid xeer ilaalinta, iyada oo mar kale isla kiiskan laga furay Maxkamadda Racfaanka, si ugu dambeyn looga soo saaro go’aan rasmi ah. “Xukunkii kasoo baxay Maxkamada Gobolka Banaadir waxa uu baalmarsan yahay Sharciga iyo Cadaaladda,” ayuu yiri Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo ka horyimid xukunka Maxkamadda gobolka Banaadir. Maxkamadeynta saraakiishaan ayaa qaadatay muddo dheer, waxaana dooddeeda ay dadweynaha Soomaaliyeed kala socdeen warbaahinta, balse waxaa haatan go’aanka u dambeeya laga war sugayaa Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir. Si kastaba, arrimahan ayaa qeyb ka ah qorshaha dowladda ay kula dagaalamayso xatooyada xoolaha dadweynaha iyo sameynta waraaqaha been abuurka, ayada oo hay’adda socdaalka ay xuddun u noqotay baaritaanka kiisaska musuq-maasuq ee ay waddo dowladda federaalka. The post Halka ay mareyso dacwadda saraakiisha dowladeed ee loo haysto musuqa appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shir aan la shaacin ayaa habeen hore wuxu Muqdisho ku dhexmaray Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen. Warbaahinta looma soo bandhigin kulanka labada nin iyo waxyaabaha looga hadlay, balse illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegay in ujeedka kulanka uu ahaa sidii loo hirgalin lahaa qodobada ku jiray heshiiska Golaha Wadatashiga Qaranka ee la gaaray May 2023. Qodobada sida gaarka ah diiradda loo saaray waxa kamid ah kuwa saameynaya dastuurka kmg ah ee Soomaaliya oo ay kamid yihiin u guuridda nidaamka madaxtooyo ee meesha ka saaraya jagada ra’isul wasaaraha iyo in dalku yeesho labo xisbi oo kaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ol’ole weyn ugu jira sidii Barlamaanka Soomaaliya u dhaqan galin lahaa qodobada wax ka badalka dastuurka ee ku jiray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaranka ee dhacay bishii may ee sanad kan 2023. Madaxweyna Laftagreen oo ka duulaya kulanka uu Madaxwene Xasan Sheekh la yeeshay ayaa Baydhabo isugu yeeray xildhibaannada heer federaal ee laga soo doorto Koonfur Galbeed si uu ugu qanciyo in ay taageeraan qodobada wax ka badalka dastuurka. Shirka Laftagareen iyo xildhibaannada ayaa la filayaa in uu beri ka dhaco Baydhabo. Lama oga inta ay la egtahay taageerada uu Laftagareen uga heli doono ol’olihiisa uu doonayo in xildhibaannadu ku taageeraan wax ka badalka qodobo kamid ah dastuurka kmg ah. ISHA: BBC The post Xogta kulan Muqdisho ku dhex-maray Xasan Sheekh iyo Laftagareen? appeared first on Caasimada Online.
-
Magacyadda guddida uu golaha guurtidu u saaray xeerka isasaarka doorashooyinka Gudoomiye :Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble Xildhibaan Cawil Cismaan Maxamuud Xildhibaan Cabdiqadir Maxamed Xasan Xildhibaan Ibraahim Muxumed Aw-axmed Xildhibaan Cumar Nuur Xasan Waaye Xildhibaan Axmed Maxamed Cabdi Shide Xildhibaan Maxamed Ducaale Qurux Xildhibaan Sahal Iidle Dirir Xildhibaan Cabdikariim Sheekh Cumar Furre Xildhibaan Axmed Xaaji Cabdikariim Xuseen Xildhibaan Ismaaciil Saleebaan Yuusuf Xildhibaan Cabdicasiis Maxamed Gaax-nuug Xildhibaan Daahir Cali Jaamac Xildhibaan Axmed Sheekh Yuusuf Sheekh Nuur Xildhibaan Mustafe Xaaji Maxamed Daahir Source
-
Warrarka ka imaanaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo ah kuwa dawladda oo ka yimid Boosaaso ay soo gaareen halkaas, xili ay sii kordhayso baqdinta la xidhiidha in rabshado ka dhashaaan muranka doorashada ee ka taagan Puntland. Sawirro ay Somalilandtoday heshay ayaa muujinaya dad ka qaxaya xaafaddaha qaar, iyadoo badi iskuullada la xidhay sida uu ku soo waramayo weriyeyaasha ku sugan magaalada Garoowe. Garoowe waxa hore ugu sugnaa ciidamada Danab oo ka soo horjeeda qorshaha dawladda ee ah in doorashada loo qabto hannaanka ay u soo jeediyeen guddiga doorashooyinka Puntland iyo ciidamo beeleedyo kale oo dhammaantood ku eedeynaya Madaxweyne Dani in uu doonayo in uu waqtiga korodhsado. Qaabka loo qabanayo iyo waqtiga Doorashada Puntland ayay ku kala aragti duwan yihiin madaxda dawladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka, wuxuna midba mid kale ku eedeynayaa in uu dastuurka ku xadgudbay. Source
-
Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayey weli go’doonsan yihiin xaafadaha qaar, kuwaas oo ay ku fataheen biyo play daadad ah gaar ahaan suuqyada magalaada, Isbitaalka guud ee degmada Dadkii ku dhaqnaa magalaada sida deegaanka Ceeljaalle ayaa waxaa gargaarkii ugu horeeyay gaarsiiyay ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ATMIS , gaar ahaa kuwa Jabuuti, kaas oo isugu jiray Baco ay ka galaan roobka cunto iyo sidoo kale Biyo, maamulka gobolka ayaa ka mahadceliyay. Xaafadaha magaalada Baladweyne wabiga oo biirsanaya Roobka ayaa si isku mid ah ugu fataheen , xilli cabsi xooggan laga qabaa in xadiga biyaha wabiga ay saameeyaan halka la isaga gudbo ee buundada, Xaafadaha Koonshin iyo Buundoweyn ayaa dadku wali waxaa ay yihiin kuwa ku go’doonsan gudohooda. Gabi ahaan suuqyada kale duwan ee magaalada ayaa ku xirmay fatahaadda, taas oo adkeysay nolosha dadka, kuwaas oo deegaansanaya Ceeljaale iyo kuwa go’doonsan, waxaa meesha ka baxay isbitaalkii guud ee magaalada oo ahaa halka ay bulshadu ka heli jirtay daawada,oo fatahaadda ayaa saameysay. Wabiga Shabeelle ayaa waxaa ay xilligaan cabsi weyn laga qabaa inuu fatahaad xooggan sidoo kale uu ka geysan karo gobollada Shabeellooyinka marka la eego xadiga biyaha badan ee Wabiga, Magaalooyin ay ku jirto Jowhar dadka ayaa bilaabay dadaallo looga hortagayo fatahaaddo iyadoo carro xir laga dhisay. Fatahaadaha wabiyada Shabeelle, Jubba iyo daadadka roobka da’aya ayaa dowladdu sheegatay in ay ku nafwaayeen 50 ruux, waxaana wali socda digniinha soo baxay eek u aadan cabsida laga qabo in dalka ay ku dhufato duufaanta El-nino, taas oo cabsi badan laga muujinayo kadib saameynta caalmak laga arkay. Source: goobjoog.com
-
Garowe (HOL) – Heavily armed Puntland opposition fighters began a military movement in Garowe on Sunday morning, accusing regional President Said Abdullahi Deni of deploying additional troops and army vehicles into the town, which serves as the administrative capital of Puntland. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Nugaal ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolkaasi oo ay ku wada sugan yihiin ciidamo kala taabacsan Saciid Deni iyo mucaaradka. Labada dhinac ayaa lagu soo warramayaa in haatan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo ay ka wadaan bartamaha magaalada, taas oo cabsi ku beertay dadka deegaanka. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa inoo sheegay in Garoowe lagu dhex arkayo ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka, isla markaana wada dhaq-dhaqaaqyo culus. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamo ka tirsan kuwa PMPF oo wata illaa 20 gaadiidka dagaalka ay gudaha u galeen magaalada Garoowe, kuwaas oo ka yimid dhanka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, sida ay sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Arrintaan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelatay dhaq-dhaqaaqa goobaha ganacsiga, waxbarashada iyo isku socodka gaadiidka oo inta badan hakad ku jira. Xubnaha mucaaridka ayaa xalay ka digay dhaq-dhaqaaq ay sheegeen in madaxweynuhu wado, iyaga oo ku eedeeyay in ciidamo badan uu kusoo daad-gureynayo caasimada. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka madaxtooyada Puntland oo ku aadan xiisadda maanta laga dareemayo magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal. Waxa ay arrintaan kusoo aadeysaa, xilli baarlamaanka uu todobaadkan u madlan yahay meel-marinta xeerka doorashooyinka qof iyo cod, taasi oo ay waddo xukuumadda Deni. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase laga digayaa dagaal mar kale labada dhinac ku dhex-mara caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe. The post Wararkii ugu dambeeyay dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Garoowe appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Soomaaliya ayaa safiirkii ugu horreysay ee ebid u dirtay waddanka Eritrea, waxaana loo magacabay Cumar Idiris, oo hore u ahaa Safiirka Qatar, waxaana waraaqihiisa aqoonsiga ka guddoomay Jimcihii madaxeynaha dalkaas Isaias Afwerki. “Sharaf ayay ii ahayd in aan noqdo safiirkii ugu horreeyey ee Soomaaliya u fadhin doona Erirea taariikhda labada dal ee walaalaha ah.” ayuu danjire Cumar Idiris ku yidhi qoraal kooban oo u soo dhigay bartiisa X ee hore loo odhan jiray Twitter. Wasiirka warfaafinta Eritreal ayaa sheegay in Cumar Idris uu ka mid ahaa 17 danjire oo uu madaxweyne Afwerki ka guddoomay warqadaha aqoonsiga Jimcihii. Source
-
Xisbullah ayaa ugu yaraan 20 gantaal ku tuurtey deegaanada Galilee ee dhulka Israa’iil heysato ee saaran xaduuda Lubnaan. Duqeyntan ayaa timid kadib markii Israa’iil ay madaafiic iyo gantaalo ku duqeysay koonfurta Lubnaan, isla markaana burburisay warshad soo-saarta aluminium. Tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka socda Gaza, waxaa socday duqeynta ay is-weydaarsanayaan Xisbullah iyo Israa’iil. Israa’iil ayaa dar-dargelisay weerarada ay la beegsaneyso koonfurta Lubnaan iyo dhulka Daanta Galbeed ee Falastiin. Waxaana la rumeysan yahay in Israa’iil ay qorsheenayso inay duulaano dhulkaasi ku qaado marka ay soo afjarto dagaalka Gaza. Source
-
Xog dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa xasuuq ay xalay Israa’iil ka geysatay iskuulka Al-Fakhura oo ay maamusho hay’ada UNRWA ee Qaramada Midoobay. Ugu yaraan 60 qof ayaa lagu xasuuqay iskuulka ay ku sugnaayeen kumanaan barakacayaal ah. Muuqaalada laga soo duubay iskuulka oo ku yaalla xerada / xaafada Jabaliya ayaa muujinaya meydadka shacabka iyo carruurta halkaasi lagu xasuuqay. Iskuulka Al-Fakhura ayaa ah kan ugu weyn Gaza oo ay gacanta ku heyso UNRWA. Xasuuqan ayaa imaanaya laba maalmood kadib markii ay hay’ada UNRWA sheegtay in Israa’iil ay weerar ku tahay xarumahooda. Duqeyn kale oo ay Israa’iil la beegsatay xerada Jabaliya ayaa lagu dilay ugu yaraan 32 qof oo shacab ah oo hal qoys kasoo jeeda. Source
-
Xiisad iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan ayaa maanta laga dareemaya magaalada Garoowe kadib markii halkaas dowladdu ku soo daabushay cutubyo ka tirsan ciidanka PMPF. Ciidamada taabacsan Mucaaridka ayaa sidoo kale dhankooda samaynaya dhaq dhaqaaqyo islamarkaana ku jira diyaar-garow ciidan sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan. Dhaqdhaqaaqa ciidan ayaa saamayn ku yeeshay shacabka ku dhaqan caasimadda waxaana laga bara-kacay xaafadaha qaarkood iyadoo ay jirto cabsi laga qabo in dagaal ka dhaco magaalada. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in goobaha Waxbarashada ay xiran yihiin islamarkaana aan saaka loo shaqa tegin xarumaha dowladda qaarkood. PUNTLAND POST The post Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo laga dareemayo magaalada Garoowe appeared first on Puntland Post.
-
Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa habeennimadii Axaddii kulan degdeg ah ku yeeshay Muqdisho ayaa ka hadlay hindise sharciyeedyo, amniga, fatahaadaha iyo arrimo kale. Golaha ayaa lagu meelmariyey hindise sharciyeedka Dad-dhigista iyo tirakoobka xaaladaha madaniga ah. Hindisaha-sharci ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ayaa muhiimad weyn u leh dib-u-dhiska iyo nidaaminta adeegyada dad-dhigista ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana soo gudbisay wasaarrada arrimaha gudaha. Shirka oo uu guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa warbixinno ku saabsan amniga guud ee dalka looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay halka uu marayo dagaalka lagula jiro kooxaha Al-Shabaab. Kulanka golaha wasiirrada ayaa ayaa sidoo kale looga hadlay tallaabooyinka illaa iyo hadda la qaaday ee la xiriira gurmadka dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen roobabka wata daadadka ee ka da’ay qeybo kamid ah gobollada dalka oo siweyn u saameeyay. Shirka golaha wasiirrada ay isugu yimaadeen ayaa kusoo aadaya xilli dalka intiisa badan ay ku dhufteen fatahaado iyo daadad ku rogmaday magaalooyinka qaar, waxaana hadda socda gurmad la isku dayayo in lagu samatabixiyo shacabka go’doonka ku jira xilligaan. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray dib-u-dhis lagu sameeyay Darjiinka Umberto Di Savoia ee ku yaala Degmada Xamarweyne, halkaasi oo ah goob nasiino iyo dalxiis oo taariikhi ah oo dib loo hirgelayay. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ujeedada dib-u-dhiska loogu sameeyay Darjiinkaan uu yahay iney Bulshada Soomaaliyeed ay helaan goobo ay usoo nasiino iyo Dalxiis tagaan, maadaama Darjiinkaan uu ka mid yahay goobaha faca weyn ee taariikhda ku leh Caasimadda Muqdisho, isaga dhisan 120 sano. Munaasabada xarig-jarka Darjiinka Umberto Di Savoia waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Agaasimeyaal iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Deegaannada Gobolka Banaadir, waxaana uu ugu baaqay in la ilaaliyo dhismahaan. Darbigaan ayaa waxaa uu ahaa taariikh dowladda Taliyaaniga ay u dhistay boqor la oran jiray UmbertoI Di Savoia, kaas oo taliyaaniga xukumayay intii u dhaxeysay sanadihii 1878 ilaa iyo 1900,intaan la toogan xilli socdaal ku marayay magaalada Monza oo ah magaalada sedexaad ee ugu weyn gobolka Lombardy. Source: goobjoog.com
-
Buulo-mareer (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar gaadmo ah oo ay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab xalay ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose. Weerarka kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay Al-Shabaabka weerarka soo qaaday iyo ciidamada ku sugnaa halkaasi. Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dagaal muddo kooban socday uu ka dhacay halkaasi, ayada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad u fog fog. Khasaare kala duwan ayaa sidoo kale lasoo wariyay inuu ka dhashay dagaalka, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, maadaama ay ahayd xilli habeen ah. Wararka ayaa intaasi kusii daray in ciidamada ATMIS ay iska caabin adag saameeyeen, taas oo keentay in la jebiyo xubnaha Al-Shabaab weerarka kusoo qaaday Buulo-mareer. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana aagga magaalada haatan howlgallo iyo dhaq-dhaqaaqyo ka wada ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa howlgalka ATMIS. Horay Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale usoo weerartay ciidamada ATMIS ee deggan magaalada Buul-mareer], halkaas oo ay ku dileen ugu yaraan 57 askari. Aaskarta Uganda ee markaas lagu laayay Buulo-mareer ayaa dhaliyay hadal hayn xoogan, waxaana xittaa ka hadlay madaxweynaha dalkaasi Yoweri Museveni oo sheegay in askarta la cabsi-geliyay markii ay iska-caabin lahaayeen dagaalyahanda Al-Shabaab, taasina mas’uul ka ahaayeen taliyaasha oo dhiira-gelin waayay ciidamada xiliga weerarka bilowday, iyagoo u cararay dhanka degaanka Golweyn, oo ATMIS saldhig kale ku leedahay. Si kastaba, Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay Al-Shabaab, waxaan badanaa ay ka gaystaan weeraro ay ku qaado saldhigyada ku yaalla gobolkaasi. The post Al-Shabaab oo markale weerar ku qaaday xerada ATMIS ee Buulo-mareer appeared first on Caasimada Online.
