-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamsa Abdi Barre, accompanied by the army chief and the minister of defence, inspected the military forces at the Hiil-Weyne military camp located on the road between Mogadishu and Bal'ad district in the Middle Shabelle region on Friday. Source: Hiiraan Online
-
Bacaadweyne (Caasimada Online) – Ciidamo deegaanka ah oo boqolaal gaaraya ayaa Jimcihii shalay lagu soo bandhigay deegaanka Bacaadweyne oo kamid ah deegaanadii ugu dambeeyey ee gobolka Mudug oo laga fara maroojiyay dagaalyahanada kooxda Shabaab. Ciidamadan oo la qalabeeyay ayaa waxaa loo diyaariyay inay soo afjaraan Al-Shabaabka ku sugan koonfurta gobolka Mudug, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa. Sidoo kale waxaa ciidamadan kormee ugu tegay saraakiil ka kala tirsan ciidamad Xoogga dalka iyo Daraawiishta Galmudug oo ku dhiirageliyay xoreynta deegaankooda. Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay inay ciidamadan ka qayb qaadan doonaan howlgallola filayaa in todobaadyada soo socda ay ka billowday Mudug oo looga saarayo Al-Shabaab. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa deegaanada ay iska horfadhiyaan labada dhinac. Gobollada Dhexe ayaa waxaa weli ka socda guluf ka dhan ah kooxa, waxaana jiidda hore ku sugan ciidamo ka qayb qaadanaya xoreynta deegaanada ka maqan gacanta Galmudug. Howlgalladan oo si guud uga socda dalka oo dhan ayaa waxaa Al-Shabaab looga qabsaday dhul badan oo muddo dheer ay joogeen. Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka soconaya isbedallo waa weyn oo ay waddo dowladda Soomaaliya, si u hanato amnigeeda, ugala wareegto ciidamada howlgalka ATMIS. The post Sawirro: Ciidamo loo diyaariyay soo afjarida Shabaab oo la soo bandhigay appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa kormeer dhiirigelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Police Militaire) ee taliskoodu yahay xerada Hiilweyne ee duleedka magalada Muqdisho. Mudane Xamse Barre Ra’iisul Wasaaraha oo la hadlay ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban, ka dhigay caasimad la mid ah kuwa caalamka, taas oo suurtogal ka dhigtay in isbedel weyn laga dareemo ammaanka Muqdisho, iyaga oo hoos u dhigay falal amniga kasoo horjeeday oo dhacayay sida Ciyaalweeradii iyo dhaca shacabka oo joogto ahaa. “Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina”.Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Xamsa. Kormeerkan oo ay ku wehliyeey saraakiil sare oo Dowladda iyo maamulka gobolka Banaadir ah ayaa sidoo kale looga hadlay dardargdlinta amniga iyo arrimo kale. Source: goobjoog.com
-
Ciidanka Booliska Puntland gacanta ku soo dhigay gaari nooca loo yaqaan Probox-ta oo xalay lagu dhacay magaalada Gaalkacyo. Gaariga oo laga dhacay xaafadda Siinaay ee Gaalkacyo ayay ciidanka Boolisku ku guulaysteen in ay gacanta ku soo dhigaan isaga iyo shakhsigii dhacay waxaana laga soo qabtay xaafadda Garsoor ee Gaalkacyo. War ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu soo sheegay in saacad gudaheed lagu soo qabtay gaariga iyo ninkii dhacay oo ku hubaysnaa kartoon loo ekaysiiyay bistoolad oo bacmadow lagu duubay. “Ciiidanka Booliska Qeybta gobolka Mudug ayaa caawa ku guulaystay Gaari laga dhacay xaafada siinaay oo isla saacad gudaheed Ciiddanka Police ay gacanta kusoo dhigeen isaga iyo eedaysanihii watay iyo pastolad gacan ku samays ah oo uu wax ku furtayba Biskoolada waa kartoon loo ikeysiiyay Bistolad oo bacmadow lagu duubay waxaana lagu qabtey Xaafada Garsoor ee Magalada Gallacyo” ayaa lagu yiri warka Booliska. PUNTLAND POST The post Booliska Puntland oo gacanta ku dhigay nin xalay gaari ku dhacay magaalada Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dab xoogan oo xalay ka kacay qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday meelo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo kawaanka Hilibka. Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka dhashay koronto, waxaana uu gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh, kadib markii uu baahay dhul aad u ballaaran. Ganacsade Bukhaari oo ah milkiilaha Carwa Xul Style ayaa sheegay in dabkan uu ku waayay dukaankiisa, wuxuuna sheegay inay ku jirtay qiyaasitee lacag dhan $40 kun. “Xul Style dadku inta badan way wada garanayaan waxaan iibin jirnay dharka dumarka noocyadiisa kala duwan hal shey lagama bixin dukaanka, lacagta ku jirtay xaqiiqatan waa ku dhowdahay 40 kun oo dollar” ayuu yiri ganacsade Bukhaari oo ah Carwa Xul Style. Gurmad xoogan oo ay iska kaashadeen maamulka gobolka Banaadir iyo Shirkadda Hormuud ayaa mar dambe lagu guulaysay in lagu damiyo dabkaasi. Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta tegay ayaa qiray in khasaare xoogleh uu jiro, wuxuuna sidoo kale u mahadceliyay inta ka qayb qaadatay daminta. “Dadaal dheer oo la sameeyay kadib waa lagu guulaystay in la damiyo dabka waxaan aad iyo aad ugu mahadcelineynaa hay’adihii amniga oo si hagar la’aan ah uga qayb qaatay, sidaas oo kale waxaan u mahadcelineynaa Hormuud oo qaybteeda ka qaadatay oo isla markii soo dirtay dab damisyo” ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu yiri “Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa maamulka gobolka Banaadir guddoomiyeyaasha dgemooyinka oo meel kasta isaga yimid oo usoo gurmaday halkan”. Madaale oo sii hadlaya ayaa shaaca ka qaaday in maamulka gobolka uu guddi gaar ah u xil saari doono baaxadda uu la’egyahay khasaaraha soo gaaray ganacsatada Xamarweyne. “Waxaan aad uga xunahay khasaaraha gaaray dadka masaakiinta ah laakiin haddii uu ilaah yiraahdo guddi ayaan u bixin doonaa, waxaana arki doonaa wixii ay xaaladdu la’eg tahay” ayuu mar kale yiri Duqa magaalada Muqdisho. Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada. The post Daawo: Wararkii ugu dambeeyay khasaaraha dabkii ka kacay Xamarweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Khat scientifically known as Katha Edulis is a plant native to the Horn of Africa and the Arabian Peninsula. Its leaves and shoots are commonly chewed for their stimulant effects. Source: Hiiraan Online
-
The reality of displacement in Somalia Source: Hiiraan Online
-
Los Angeles (Caasimada Online) – Shabakadda muuqaallada gaagaaban ee TikTok ayaa ku dhawaaqday mamnuucida waxyaabaha xayaysiinaya warqad uu Osama bin Laden qoray sannadkii sanadkii 2002. Warqaddaasi ayuu xilligaasi si faah-faahsan uga hadlay sababihii uu hoggaamiyihii hore ee Al-Qaacida u soo qaaday weerarrada ka dhanka ah dadka Maraykanka ah. Dood ku saabsan farriinta Osama bin Laden ee lagu faafiyay TikTok toddobaadkan ayaa ku saabsan muranka ka dhashay dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, iyada oo qaar ka mid ah isticmaaleyaasha reer galbeedka ay ammaaneen waxa ku jira. Warqadan oo la qoray kadib weerarkii Al-Qaacida ay ku qaadday Mareykanka oo lagu dilay ku dhawaad 3,000 oo qof, ayaa lagu dhaleeceeyay taageerada Mareykanka uu siiyo Israa’iil. Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay dadka Mareykanka ah inay maal-geliyaan “dulmiga” lagu hayo Falastiiniyiinta, waxaana ka mid ahaa hadallo ka dhan ah Yuhuudda. Bin Laden ayaa sanadkii 2011-kii lagu dilay Pakistan, waxaana dilay cutub ka tirsan ciidamada gaarka ah ee Mareykanka. “Waxyaabaha xayaysiinaya warqadan waxay si cad u jebinayaan xeerarkeena ku aaddan taageeridda nooc kasta oo argagixisanimo,” ayay TikTok ku tiri hadal ay soo saartay. Waxay intaas ku dartay in aan si joogto ah loogu faafin masraxeeda warqaddan. Qaar ka mid ah sharci-dejiyeyaasha Mareykanka ayaa ku baaqay in la mamnuuco app-ka laga leeyahay Shiinaha, waxayna soo cusbooneysiiyeen dhaleeceyntooda kahor inta aan la shaacin mamnuucistan Khamiistii. Afhayeenka Aqalka Cad Andrew Bates ayaa bayaan uu soo saaray Khamiistii ku sheegay in aysan jirin sabab xilligaan loo faafiyo wax uu ku sheegay “beenta iyo naceybka Bin Laden.” “Marna ma jirto sabab loo faafiyo beenta, xumaanta, iyo nacaybka uu hoggaamiyaha Al-Qaacida soo saaray wax yar uun kadib markii uu geystay weerarkii argagixiso ee ugu xumaa taariikhda Mareykanka.” The post Maxaa ku qornaa warqadda uu 20 sano kahor qoray Osama ee laga mamnuucay TikTok? appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka gobolka Banaadir iyo Shacabka oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay deminta dab xooggan oo xalay qabsaday qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne. Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday qeybaha Suuqa Dahablaha, kawaanka Hilibka iyo meelo kale. Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo goobta kula hadlay warbaahinta ayaa ku bogaadiyey maamulka iyo dadkii ka qeyb qaatay daminta dabkaas. “Waxaan daminnay dabkii kacay, waxaana si gaar ah ula xisaabtami doona shirkadaha Korontada” ayuu yiri guddoomiye Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale. Dabkii xalay oo khasaare xooggan dhaliyay ayaanu wali maamulka sheegin cadadka hantida ku baa’baday, iyadoo qaar kamid ganacsatada Suuqa ay sheegeen in hanti wixii halkaas u yiilay dabku la tagay. PUNTLAND POST The post Dabkii xalay ka kacay suuqa Xamar-weyne oo lagu guulaystay demintiisa appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Qaran news)- Xoghayaha Ganacsiga ee xisbiga WADDANI Xamse Khayre ayaa sheegay in maamulka Madaxweyne Muuse Biixi uu astaan u yahay musuqmaasuq iyo bililiqaysiga hantida umnadda. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta Twitterka, wuxuuna tilmaamay in maamulka Madaxweyne Muuse uu calaamad u yahay musuq iyo boobka hantida qaranka. Xamse Khayre wuxuu intaas ku daray in biriishka dumay ee Cabad-weyne oo u dhow Berbera uu ka mid ahaa mashaariicda Berbera Coridoor, isla markaana suda qosol ku jabka ah ee uu u dumay tusmaynayso fadeexad. Wuxuu ku baaqay in foolxumadaas laga qaado tallaabo degdeg ah. Qaran News
-
Government decides to close the border in Southeast Finland
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Government decides to close the border in Southeast Finland Press release The Government has decided to close part of Finland’s eastern border. The border crossing points of Vaalimaa, Nuijamaa, Imatra and Niirala will be closed starting on 18 November 2023. Submission of applications for international protection at the land border between Finland and Russia will be concentrated at the border crossing points of Vartius and Salla. The Government decided on the matter at an session on Thursday. The decision will remain in force until 18 February 2024. “We have acted decisively and swiftly so that the situation at the eastern border would not escalate. During the previous parliamentary term, amendments were made to the Border Guard Act precisely for such situations. These tools have now been used,” says Prime Minister Petteri Orpo. “The closing of border crossing points at the eastern border will stop illegal entry into Finland. The Government is prepared to take even stronger measures if necessary,” says Minister of the Interior Mari Rantanen. There are indications that foreign authorities or other actors have played a role in facilitating the entry into Finland of persons who have crossed the border illegally. Borders closed in Southeast Finland as of 18 November 2023 During the validity of the decision, people crossing the land border between Finland and Russia must use border crossing points other than those of Vaalimaa, Nuijamaa, Imatra and Niirala. Finnish citizens must also use open border crossing points. The submission of applications for international protection, i.e. asylum, at the land border between Finland and Russia, will be concentrated at the border crossing points of Vartius and Salla. People seeking to enter the country will be directed and guided to these locations. Decision based on Border Guard Act According to section 16 of the Border Guard Act, the Government may decide to close border crossing points for a fixed period or until further notice if it is necessary to prevent a serious threat to public order, national security or public health. The Government may also decide to centralise the submission of applications for international protection at one or more border crossing points if needed. The Government and authorities are closely monitoring the situation at Finland’s eastern border. The content and scope of the decision will be regularly assessed as the situation develops. The decision will be repealed or amended if it is no longer necessary to prevent a serious threat to public order or national security. Dowladdu waxaa ay go’aan ku gaartay in ay xirto xadka Koonfur-bari ee Finland La daabacay 17.11.2023 Golaha wasiiradda waxaa ay go’aan ku gaareen in la xiro qayb ka mid ah xadka bari ee dalka Finland. Goobaha xad ka soo tallaabista magaalooyinka Vaalimaa, Nuijamaa, Imatra iyo Niirala ayaa la xirayaa laga bilaabo 18.11.2023. Codsashada badbaadada caalamiga ah ama magangalyada qaxootinnimo waxaa la isugu geyn doonaa goobaha xad ka soo tallaabista Virtius iyo Salla. Arrinkaan waxaa khamiistii lagu go’aamiyay kulankii ahaa ee ay yeesheen golaha wasiirrada. Go’aanku wuxuu shaqaynayaa ama soconayaa illaa iyo 18.2.2024. “Waxaan qaadannay go’aan degdeg ah, si aanay xaaladda xadka bari uga sii darin. Sababtaas awgeed ayaa xilligii doorashadii hore ee ugu dambaysay waxaa isbeddel lagu sameeyay sharciga ilaalada xuduudka. Hadda arrimahaas aayaan adeegsannay“, ayuu yiri ra’iisulwasaaraha dalkan Finland Petteri Orpo. “Xiritaanka la xiray goobaha xuduud ka soo tallaabista ee xadadka bari, waa tallaabo la doonayo in lagu joojiyo dadka sida sharci darrada ah u soo galaya dalka Finland. Dowladduna waxaa ay diyaar u tahay in ay qaaddo waxqabadyo kuwaasi ka sii xoog badan haddii loo baahdo “, sidaasna waxaa tiri wasiirka arrimaha gudaha ee dalkaan Finland Mari Rantanen. Waxaa jira arrimo tilmaamaaya in hawlwadeenno ka socda dalal ajnabi oo wafdi ahaan ku yimid Finland iyo hay’ado kale oo hawlo ka waday dalka ay qayb ka ahaayeen ka caawinta iyo u sahlidda in shakhsiyaad ay si sharco darro ah xadka uga soo gudbaan oo dalka u soo galaan. Xuduudaha Koonfur-bari waa ay xiran yihiin laga bilaabo 18.11.2023 Muddada uu go’aankan shaqaynaayo dadka ka soo gudbaaya dhulka xadka ah ee u dhexeeya Finland iyo Ruushka, waa in ay isticmaalaan wixii aan ka ahayn goobaha xuduud ka soo tallaabista ee Vaalimaa Nuijamaa, Imatra iyo Niirala. Sidoo kale muwaadiniinta finishka ah waa in ay isticmaalaan goobaha xad ka soo tallaabista ee furan. Codsashada badbaadada caalamiga ama magangalyada qaxootinnimo waxaa la isugu geyn doonaa goobaha xad ka soo tallaabista ee Vartius iyo Salla, halkaasoo dadka isu dayaaya in ay dalka soo galaan loo jihayn doono, islamarkaaa laga hagi doono. Go’aanku waa mid ku salaysan sharciga ilaalada xuduudka Sida uu dhigaayo sharciga ilaalada xuduudka, golaha wasiirada waxaa ay go’aan ka gaari karaan arrinka ku saabsan xirista goobaha xad ka soo tallaabista, haddii xiritaankaas uu yahay mid lagammamaarmaan u ah sidii looga hortagi lahaa khatar aad u weyn oo ku imaanaysa nidaamka guud ee dalka, ammaanka qaranka ama dhibaato khatar ku ah caafimaadka dadka. Sidoo kale golaha wasiirradu waxaa ay haddii loo baahdo go’aamin karaan arrinka ku saabsan, in codsiga badbaadada caalamiga ama magangalyada qaxootinnimo la isugu geeyo hal ama dhowr goobood oo ka mid ah kuwa xad ka soo tallaabista. Dowladda iyo hawlwadeennaduba si dhab ah ayay ula socon dooonaan horumarka xaaladda xuduudka bari. Waxyaabaha uu go’aanku ka kooban yahay iyo baaxaddiisaba waxaa loo qiimeyn doonaa si joogto ah, iyadoo arrinkaa lagu salaynaayo hadba sida ay xaaladdu u horumarto. Go’aanka waxaa la burinayaa ama wax laga beddelayaa, haddii uusan mardambe lagaammamaarmaan u ahayn arrinka ku saabsan kahortagga khatar aad u weyn oo ku wajahan nidaamka guud ama ammaanka qaranka. Qaran News -
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqay inuu cafis u fidiyay dhamaan saraakiishii hoggaamineysa ciidankii Mucaaridka ee qeybta ka ahaa dagaalkii dhawaan ka dhacay magaalada Garoowe. Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay in uu diyaar u yahay inuu wada-hadal la galo cidkasta oo qabta aragti ka gedisan dimuqraadiyadda, si buu yiri loogu qanciyo in awoodda dib loogu celiyo shacabka. “Wixii ciidan ahaa waxaan halkaan ka cadeynayaa in dowladdu cafis u fidisay, oo General Jimacaale u wayn yahay,” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni. Waxa uu intaas kusii daray “Waxaan kale oo baaq u dirayaa nimanka siyaasiyiinta ah ee dowladda haatan ka aragti duwan inay miiska nala soo fariistaan oo wixii sharci ah iyo caqli diyaar ayaan u nahay in aan kala hadalno.” Deni ayaa hadalkaan ka sheegay xilli uu maanta booqasho ku tegay deegaanka Caano-yaskax oo ka tirsan degmada Garoowe, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay madaxweynaha iyo wafdi uu hoggaaminayay. Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada deegaanka Caano-yaskax oo uu ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka, waxaana kulamadaasi looga hadlay horumarka, nabad-gelyada iyo dhameystirka hannaanka dimuqraadiyadda Puntland oo dadka deegaanku ay taageereen. Sidoo kale wuxuu la wadaagay bulshada in shacabka oo madaxdooda doorta ay tahay xuquuq ay muwadiiniintu leeyihiin oo dastuuri ah in la gaarsiiyo, sidaasi darteed doorashooyinka goleyaasha ee saddexda degmo ee harsan la qaban doono dhowaan. Si kastaba, hadalka Saciid Deni ayaa imanaya xilli mucaaradka uu dhawaan soo saaray jadwal doorasho, oo ku dhisan hanaankii hore ee doorashooyinka maamulka, kaasi oo kasoo horjeeda midkii uu hore u soo saaray guddiga doorashooyinka, oo dhigaya in 25-ka bisha Febraayo ee 2024-ka ay qabsoomto doorasho qof iyo cod ah. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: DENI oo cafiyay saraakiisha ciidanka mucaaradka, shaaciyay inuu diyaar u yahay… appeared first on Caasimada Online.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dilay hotel ku yaalla magaalada Istanbul ee dalka Turkiga. Ninkan iyo xaaskiisa ayaa la sheegay in markii hore dalxiis ahaan u yimaadeen dalka Turkiga, iyaga oo ka yimid magaalada London se dalka Ingiriiska. Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Ayaan Maxamed Dhobo ayaa la xaqiijiyay in ay haysatay dhalashada dalka Ingiriiska. Dilka ayaa waxa uu ninka u adeegsaday kashawiito, sida ay ku warrantay Warbaahinta Turkiga oo baahisay dhacdadaan lagu dilay Ayaan oo da’deeda lagu sheegay 26-sanno jir. Wararka ayaa intaas kusii daraya in ninkaan u qirtay dambiga uu galay, kaasi oo haatan ku jira gacanta ciidanka Booliska dalka Turkiga, oo kasoo qabtay hoteelka uu ka dhacay dilka. Si rasmi ah weli looma oga sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilkaan, hase yeeshe wararka qaar ayaa sheegay in ninka ay xaaskiisa siisay waxyaabo maan-dooriya, kadibna uu soo kala dhex-galay muran sababay in uu ugu dambeyn khaarajiyo. Sidoo kale waxaa jira sawir ay baahisay warbaahinta Turkiga oo ay ku sheegeen inay tahay gabadha la dilay, balse markii dambe la ogaaday inay khalad tahay. Si kastaba, Isticmaalka waxyaabaha maanka dooriya oo kusoo badanayay muddooyinkii dambe Soomaalida ayaa loo aaneeya mararka qaar inay ka dambeeyan dhacdooyin naxdin badan, oo lamid ah middaan. The post Xog ka cusub nin Soomaali ah oo xaaskiisa ku dilay Turkiga appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Qaran news)- Xildhibaan Eng. Cabdixakiin Maxamed Muxumed oo ja tirsan Golaha Wakiillada Somaliland ayaa Xukuumadda ku naqdiyay biriishka Cabaad weyne oo lacag badani ku baxday oo dumay. Sidaasna wuxuu ku sheegay qoraal uu warbaahinta ugu talogalay oo u qornaa sidan:- “Waa nasiib darro Buundo ( Biriij ) hadda la dhisay oo sannad gudihii burburtay sida Buundada Dooxa Cabaad-wayne. Waxay muujinasaa sida Buundooyinka ( Biriijyada) mashruuca Marinka Berbera ( Berbera Corridor) tayadiisu u hoosayso oo Dooxyada loogu buuxiyay Ciid ( Dhoobo Dhari) , Ciidda oo aan awood u lahayn inay iska caabiso Mowjada awoodda biyaha ee Dooxa, halkii ay ahayd in loo dhamays tiro Dhererka Biriijka dhismaha Sag-badda( Bridge structure span). Waxa gabi ahaan ba meesha ka maqan kaalintii la xisaabtan ka ee tayada Mashruuca ee Waddada iyo Biriijyada ee Masuuliyadda 1aad leeyihiin Gudida Mashruuca u xil-saaran, Masuuliyadda 2aad Hay’ada Horumarinta Waddooyinka, masuuliyadda 3aad Wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Golaha Wakiilada oo gabi ahaan ba kaalintiisii la xisaabtan ee Hay’adahaasi gabay iyo Xisbiyada Mucaaradka. Qaybta Biriijyada ee Mashruucani wuxuu u muuqdaa Mashruucii Faanoole oo ay rabto shirkadda dhisaysaa in kolba dib u dhisto Biriijyada oo Qandaraas cusub ugu qaadato Dhismaha Biriijyada halka markii hore ay ahayd in tayadiisa lagula xisaaabtamo. Dal walba waxa ilaashada Dadkiisa iyo Masuuliyiintiisa , Mashruuc kasta oo laguugu Deeqo inaad si lexejeclo leh u ilaashataa waa waajib ku saaran , laakiin waajibkaa waxa ka gaabiyay Hay’adahii shaqadooda ahayd, waana ayaan-darro. Hadal iyo Dhoobo-dhari (Sand) Biriij lagu buuxiyaa waxba tari maayaan ee ina Xisaabiya. Golaha wakiilada oo kaalintiisii la xisaabtan ka gaabiyay, hadal haama lagama buuxshee , kaalintiisii ha guto”. Qaran News
-
Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta siweyn loogu soo dhoweeyay deegaanka Caano-yaskax oo ka tirsan Degmada Garoowe, Iyadoo soo dhoweynta ay ka qeybgaleen Maamulka Degmada Garoowe, Maamulka Gobolka Nugaal iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada deegaanka Caano-yaskax. Madaxweynaha ayaa kulamo la qaatay waxgaradka iyo bulshada deegaanka Caano-yaskax oo uu ka dhegaystay baahiyaha ka jira deegaanka, waxaana kulamadaasi looga hadlay horumarka , nabadgelyada iyo dhameystirka hannaanka dimuqraadiyadda Puntland oo dadka deegaanku ay taageereen. Madaxweynaha ayaa la wadaagay Bulshada in Shacabka oo Madaxdooda doorta ay tahay xuquuq ay muwadiiniintu leeyihiin oo dastuuri ah in la gaarsiiyo, Sidaasi darteed doorashooyinka goleyaasha ee saddexda degmo ee harsan la qaban doono dhowaan . Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku baaqay wadahadal cidkasta oo qabta aragti ka duwan dimuqraadiyadda si loo qanciyo, wuxuuna cafis Madaxweyne u fidiyey dhammaan Saraakiisha Ciidanka oo uu ku jiro Gen. Jimcaale Takar iyo dhammaan Ciidanka ka qeyb qaatay qalalaasihii ka dhacay Garoowe. Isagoo muujiyey in Dowladdu dhinaceeda diyaar u tahay nabad in ay ku dhacaan Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada ee loo madlanyahay. Waxaa Safarka Madaxweynaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada Siyaasadda, xubno ka mid ah Goleyaasha Dowladda, Saraakiil Ciidan iyo marti sharaf kale. Halkaan ka eeg Muuqaalka iyo Sawirada PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo wada-hadal ugu baaqay Mucaaridka Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa kormeer dhiiri-gelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in ummadda Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban. Waxa uu xusay in maanta ay Muqdisho dhanka amniga lamid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala danbeynta caasimadda, “Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Waxa uu intaas kusii daray “Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taasi oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina.” Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa intii uu ku sugnaa xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardar-gelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir. Si kastaba, amniga magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa si weyn isku beddelay tan iyo markii ay yimaadeen ciidankan, waxaana si weyn hoos ugu dhacay falalka amni darro ee kooxda Al-Shabaab ka geysan jirtay caasimada. The post Sawirro: Xamza oo tegay xerada ciidanka xasillinta caasimada, kadibna… appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa: Lix Carruur ah oo laga soo Badbaadiyay Bulaacad gurigooda ku Duntay Hargeysa(Qaran news)-Bullaacad ku taalay afaafka hore guri ku yaalla degmada Maxamuud Haybe ayaa Ciidanka Dabdemiska Hargeysa ka soo badbaadiyeen Lix Carruura oo ku xanibmay gurigaa bulaacadu ku duntay. Ciidamada Dabdemiska oo adeegsanaya Salaamada Badbaadada ayaa caruurtaa ka soo samatabixiyay Guriga. Ma Jirin cid wax ku noqotay bullaacadaas guriga ku duntay. Xilliyadan lagu jiro xilli roobaadka ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada uga digayaa Goobaha halistu ka iman karto sida bullaacdaha, laagaha, dooxyada iyo godadka. Qaran News
-
Mogadishu (HOL) - A massive fire broke out in Hamarweyne market in Mogadishu on Friday evening. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dab xooggan ayaa goordhoweyd ka kacay qeybo kamid ah suuqa Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz, waxaa uuna ku fiday meelo ka mid ah suuqa Dahablaha iyo kawaanka Hilibka. Waxaa hadda socda dadaal xooggan oo ku aadan sidii loo damin lahaa, ayada oo halkaasi gaareen qolyaha gurmadka. Maamulka gobolka Banaadir oo kaashanayo dadka shacabka ah ayaa ku howlan daminta dabkaasi ka kacay suuqa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir. Weli si dhab looma oga waxa uu ka dhashay dabkaan xooggan, waxaana wararka qaar sheegayaan in ay jiraan goobo lagu guulaystay in la damiyo. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada. The post Dab xooggan oo caawa ka kacay suuqa Xamarweyne appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore HirShabelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa sheegay in Soomaalida in ka badan 3000 sano oo ay ku nooshahay Geeska Afrika aysan weli ka tegin ficilka foosha xun ee dilka. “Muddo ka badan 3000 sano oo ay Soomaalida ku nooshahay geeska Afrika iyo marxalad kasta oo ay ku jiraanba waxaa jira hal ficil oo aysan weligood ka tagin. Ficilkaas waa dilka uunka Ilahey,” ayuu Cosoble ku yiri qormo dheer oo uga hadlayo arrintaan. Soomaalida ayuu sheegay in ay weligoodba caan ku ahaayeen welina caan ku yihiin dilka noole kasta ee uu Ilahey ku abuuray dhulka ay ku nool yihiin, sida uu ku yiri qormadan. Hoos ka aqriso qormada Cosoble oo dhameystiran; Muddo ka badan 3000 sano oo ay Soomaalida ku nooshahay geeska Afrika iyo marxalad kasta oo ay ku jiraanba waxaa jira hal ficil oo aysan weligood ka tagin. Ficilkaas waa “dilka uunka Ilahey”. Soomaalida wexey weligoodba caan ku ahaayeen welina caan ku yihiin dilka noole kasta ee uu Ilahey ku abuuray dhulka ay ku nool yihiin; sida dadka, ugaarta, shimbiraha, xamaaratada, berri-biyoodka, xasharaadka iyo dhirta. Xataa markey yeesheen magaalooyin iyo maamullo kama aaney tegin ficilladii foosha xumaa ee ay lahaayeen Islaamka ka hor ee waxaa weliba ugu darsamay been sheegid, dad isku dir iyo boobka hantida ummadda. Ma qiyaasi kartaa dadka lagu dilay geeska Afrika kontonkii sano ee u dambeeyay? Boqolkii sano ee la soo dhaafay imisa Soomaali ah ayey Soomaali iska dishay? Shantii boqol ee sano ee la soo dhaafay imisey kula tahay in la dilay? Diinta islaamka markey na soo gaartay ilaa maanta imisa Soomaali ah ayaan xaq darro isaga dilnay? Aaway ugaartuu Ilahey ku abuuray dhulkaan? Aaway jeertii iyo yaxaaskii? Aaway dhirtii? Aaway shimbirihii? Miyi iyo magaalaba caruurta Soomaalida mexey ku sameeyaan shimbirkii dhulka u soo dega? Ummaddii ka reebtoomi weyda wuxuu Ilahey ka reebay sow ma aha ummad ku caasiday Allahii dhulkan sameeyay ee faray ineysan dhiig si xaq darro ah ugu daadin? Maxey diinteena nooga reebi weyday dilka uunka Ilahey? Ma kuu muuqataa in aanan aheyn dad diintooda ixtiraama? Wadammada caalamka waxaa lagu qiyaasaa boqolkiiba inta muslimka ah. Waxaad maqleysaa waddan hebel boqolkiiba 30 ama 40 ama 80 ayaa muslim ah. Soomaalida waxaa la yirahdaa waa dad boqolkiiba boqol Muslim ah, waa sax laakiin waxaa hadana la dhihi karaa waa dad 20% ilaa 30% ku dhaqma diinta Islaamka, sidaa darteed marka xiga ee aad tilmaameyso Soomaali runta ka sheeg oo waxaad dhahdaa Soomaali waa dad 25% ilaa 30% ku dhaqma diinta Islaamka. Tiradaa yar ee sida saxa ah ugu dhaqanta diinta ayuu Ilaahey nagu badbaadinayaa ee mar horey nagu dhici karaayeen zilzaal, duufaan ama uu Ilaahey nagu soo fasixi lahaa badda nagu hareereysan. Ilahow naga dhig dad 100% ku dhaqma diinta Islaamka. Aamiin The post COSOBLE: Ficilka xun ee Soomaalida aysan weli ka tegin in ka badan 3000 sano appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer dhiirri-gelin ah ugu tagey ciidanka xasillinta caasimadda ee millatariga sida Booliska u howlgala (Polizia militare) ee ku sugan xerada Hiil-weyne oo ku taalla inta dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay abaal uga hayaan ciidanka xasillinta ee sida ay u xaqiijiyeen amniga caasimadda muddo gaaban. Waxa uu xusay Ra’iisul Wasaaruhu in maanta ay Muqdisho dhanka amniga lamid tahay caasimadaha dhiggeeda ah ee caalamka, isla markaana ay ciidanku meesha ka saareen wax walba oo dhibaato ku ahaa amniga iyo kala danbeynta caasimadda, “Waxaan idin kugu imid si aan u qiro kartidiina iyo dhiiggiina aad u hurteen dalkiinna, gaar ahaan caasimadda Qaranka, waxaan idinkaga mahadcelinayaa sida aad u badesheen wajigii ay lahayd magaalada Muqdisho. Maalintii aad timaadeen ayaa ugu danbeysay magaaladaan wajigii foosha xumaa, taas oo ku timid dhiiggiina aad hurteen iyo geesinimadiina” ayuu yiri Xamsa. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa intii uu ku sugnaa Xerada Hiil-weyne, wuxuu kulan looga hadlayay dardargelinta amniga caasimadda la qaatay hey’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaare Xamsa oo kormeeray Ciidanka Xasilinta Caasimadda Muqdisho appeared first on Puntland Post.
