Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ra’iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa magaalada London ka furay shir caalami ah oo lagu sugayo amniga cuntada. Shirkan ayaa ah mid ay iska kaashadeen Britain, Somalia, iyo Imaaraadka Carabta (UAE) iyo sidoo kale hay’ado ay ka mid yihiin Bill and Melinda Gates Foundation. Wakiilo ka kala socda in ka badan 20 wadan ayaa ka qeyb galaya. Mr Sunak wuxuu ku dhawaaqay xarun cusub oo casri ah oo isku xirta saynisyahanada Ingiriiska cilmi baaris caalami ah oo ku saabsan dalagyada u adkeysiga cimilada. Sida uu shirku ku bilaabmay, Qaramada Midoobay waxay ku boorisay deeq-bixiyeyaasha inay si degdeg ah u kordhiyaan gargaarkooda oo ay ku maalgashadaan xalalka mustaqbalka fog si wax looga qabto waxa ay ugu yeereen sababaha asaasiga ah ee gaajada. Qaran News
  2. Wasiirada arrimaha dibadda ee Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa Talaadada berri ah ku kulmaya magaalada Moscow ee dalka Ruushka, si ay uga wada hadlaan xaaladda Qaza, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay wakaaladda wararka Ruushka ee RIA oo soo xiganaysa afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka. Warbixintu ma aysan cadeyn dalalka ka qeyb galaya kulanka lala yeelanayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov. Ruushka ayaa heysta mowqif taageersan Falastiin, isagoo ku cambaareeyay Israa’iil tirada sii kordheysa ee khasaaraha rayidka ah, waxayna soo celisay taageerada ay muddada dheer u haysay hirgelinta dowlad Falastiin. Qaran News
  3. New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kordhiytay cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran, xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ugu jirto sidii loo qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka. Golaha Ammaanka ayaa cusbooneysiiyay cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran illaa dhamaadka sanadkan, waxayna qaraarkan ku ansixiyeen kulankoodii 9477-aad. “Xaaladda Soomaaliay weli waa mid khatar ku ah amniga caalamka,” ayaa lagu yiri go’aankan, oo loo cuskaday kordhinta cuna-qabateynta hubka, iyaga oo sheegay in xaaladda Soomaaliya ay weli mid khatar ah. Sidoo kale waxa uu Golaha Ammaanka cusbooneysiiyay shaqada guddiga khubarada ee la-socodka cuna-qabataynta Soomaaliya illaa 31-ka December 2023. Go’aankan ayaa imanaya xilli dowladda federaalka Soomaaliya ay dadaal badan ugu jirto sidii looga qaadi lahaa cuna-qabateynta hubka ee sanadaha badan saaran, islamarkaana Golaha Ammaanka ka codsatay in laga qaado cuna-qabataynta hubka. Soomaaliya ayaa Golaha Ammaanka la wadaagtay muhiimada qaadista cuna-qabateynta, gaar ahaan sida ay xilligaan ugu baahan tahay inay hesho hub ay kula dagaalanto kooxda Al-Shabaab. Sanadkii 1991-kii ayaa Soomaaliya la saaray cuna-qabateyntaan, 32-sano kadib waxay dowladda Soomaaliya si weyn ugu ololeyneysaa in laga qaado, maadaama lasoo dhisay dowlad qaadi karta masuuliyadda xakameynta hubka, sida ay ku doodeyso Soomaaliya. Si kastaba, Soomaaliya ayaa guulo wax ku ool ah ka gaartay bartilmaameedyo ku xusnaa halbeegyada qaadista cuna-qabataynta hubka, iyada oo la dhisay guddi sare oo ka shaqeeya dhammeystirka sharuudaha ku xiran geeddi socodka qaadista cuna-qabataynta hubka. The post Golaha Ammaanka QM oo cusboonaysiiyay xayiraadda hubka, xilli Soomaaliya ay… appeared first on Caasimada Online.
  4. On the morning of 1 April 2018, Luul Dahir Mohamed was on her way to visit her brother in the Galguduud region of central Somalia. She wanted to meet his children for the first time. Her brother, Qasim Dahir Mohamed, was supposed to pick her up. But they could not reach each other on the phone, and so Luul caught a ride in a maroon Toyota Hilux pickup instead. Source: Hiiraan Online
  5. Addis Ababa (HOL) - Ethiopia's government is advancing its support for Somali refugees, focusing on creating a conducive legal and policy environment. Mulualem Desta, Deputy Director General of the Refugees and Returnees Service (RRS), emphasized this commitment. "The government of Ethiopia has taken steps to create a favourable legal and policy environment and provide comprehensive durable solutions for Somali refugees," Desta said. Source: Hiiraan Online
  6. London (HOL) - British Prime Minister Rishi Sunak has announced a £100 million (nearly $125 million) for Somalia's development projects, encompassing economic infrastructure and agricultural development. Source: Hiiraan Online
  7. The representation office of Qatar Red Crescent Society (QRCS) in Somalia has recently completed a project to furnish and operate a health centre for persons with disability (PWDs) in Garowe, Puntland. Source: Hiiraan Online
  8. The Kenyan air force has suffered another setback in its helicopter fleet, as a Mil Mi-171E multirole helicopter crashed in Buna, Wajir County, on Monday. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xoojisay cilaaqaadka kala dhaxeeya waddanka Eritrea. Muqdisho ayaa dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ka heshay Asmara, si gaar ah tababar siinta ciidamada, wallow ay dalal kale bixinayeen kharashaadka tababarada. Dowladdii hore ee madaxweyne Farmaajo ayaa billowday cilaaqaadkan, iyada oo la xasuusto dalalka Ethiopia, Soomaaliya iyo Eritrea ay gaareen heshiis saddex geesood ah oo ay ku dhisanayeen awood mideysan dhaqaale ahaan iyo milatari ahaan. Madaxweyne Xasan Sheekh oo kamid ahaa siyaasiyiinta sida adag u naqdisa cilaaqaadka Eritrea, ayaa markii uu xafiiska yimid wuxuu isna muujiyay inay Eritrea muhiimad gaar ah u leedahay Soomaaliya. Wuxuu Xasan Sheekh magacaabay safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya ay u dirto Eritrea. Dr. Cumar Idiris ayaa noqday safiirkii ugu horreeyay ee Soomaaliya u magacowday Eritrea, kaas oo uu dhawaan waraaqaha aqoonsiga ka guddoomaya madaxweynaha Eritrea Isais Afwerki. Cumar Idiris ayaa hore usoo noqday safiirka Soomaaliya ee waddanka Qatar. Qoraal uu Danjire Cumar Idiris faafiyay ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay safarkii ugu horreeyay ee ay abid Soomaaliya u magacowdo waddanka Eritrea. Waxay u muuqata inuu madaxweyne Xasan Sheekh qaaday tallaabo dheeraad ah oo uu ku xoojinayo cilaaqaadkii uu Farmaajo alifay ee Eritrea. Inta uu hadda jiray nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh waxaa sidoo kale Eritrea loo diray ciidamo cusub oo Soomaali ah oo tababar loo rabay. Waxaana Eritrea noqotay mid kamid ah labada waddan ee ugu badan ee uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud booqday tan iyo markii uu kusoo laabtay xafiiska. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo wuxuu u muuqday nin Eritrea ka leh wax ka ballaaran cilaaqaad caadi ah iyo tababar ciidan, oo taas bedelkeeda raadinaya ku tiirsanaan xooggan oo Asmara iyo Addis Ababa ah, balse weli ma cada gunta waxa uu Xasan Sheekh ka rabo Asmara. Dadka ka faallooda siyaasadda Soomaaliya ee qaada dhigaya cilaaqaadka deg-degta loo kobcinayo ee Eritrea, waxay leeyihiin waxa Afwerki laga barto waxaa ugu horreeyo xukun jaceyl, diidmo dastuur iyo in dimuqraadiyadda lagu beddelo awood sheegasho, waxaana dadka qaarkii ka digayaan inay madaxda Soomaalida badsadaan macaamilka hoggaamiyahan kali-taliska ah, si uusan ugu talaalin damac xukun isku dhajin ah. Xubno kamid ahaa nidaamkii hore ee Farmaajo waxay sheegaan in madaxweynuhu inta uusan ku xiran Asmara inuu ahaa nin dimuqraadi ah oo aaminsan qori isku dhiibka xukunka iyo xasilloonida. Marka laga tago tababarada ciidamada, majirto xadaarad kale, faham dowladeed iyo dimuqraadiyad laga filayo inay madaxda Soomaalida ka dhaxlaan cilaaqaadka joogtada ah ee hoggaamiyaha Eritrea, ayay leeyihiin dadka faalloonaya qoddobkaan. The post Xasan Sheekh ma ku deg-degay tallaabada cusub ee uu u qaaday dhanka Eritrea? appeared first on Caasimada Online.
  10. The humanitarian situation remains concerning, with nearly four million people facing hunger and about 1.2 million people displaced Source: Hiiraan Online
  11. (ERGO) – The small coastal village of El-hur on central Somalia’s wind-blown coastline is being buried alive – or so it seems to the beleaguered residents. Source: Hiiraan Online
  12. New York (HOL) - The United Nations Security Council extended its sanctions regime on Somalia on Friday, including an arms embargo, through Resolution 2662 (2022). Adopted with 11 votes in favour and four abstentions from China, Gabon, Ghana, and the Russian Federation, the resolution continues to manage the flow of weapons into Somalia. It also aims to impede illicit imports of firearms and exports of charcoal and improvised explosive device components. Source: Hiiraan Online
  13. Helsinki (Caasimada Online) – Finland ayaa ku eedeysay Ruushka inay xuduuddeeda kusoo fasaxday muhaajiriin ka imanaya Bariga Dhexe iyo Afrika, sababo la xiriira inay ka careysan tahay iskaashiga difaac ee sii kordhayay ee Helsinki ay la leedahay Mareykanka, eedeymahaas oo Moscow ay beenisay. Dadka ay ka cabaneyso Finland ee xuduudda soo galay ayaa waxaa ka mid ah Soomaali badan. Qiyaasti 300 oo muhaajiriin ah, oo ka yimid dalalka Soomaaliya, Ciraaq, Yemen iyo Suuriya, ayaa toddobaadkan soo galay Finland ayaga oo kasoo gudbay xuduudda Ruushka, sida ay Reuters kasoo xigatay Ilaalada Xuduudda Finland. Imaatinka dadkan ayaa Finland ku qasbay inay darbiyo ka taagto xuduudda ay la wadaagto Ruushka, si ay u joojiso muhaajiriinta sida xorta ah u soo galaya dalkaas. Muhaajiriinta oo intooda badan ka kala yimid Bariga Dhexe iyo Afrika ayaa yimid dalkan Nordic ah iyaga oo aan haysan dukumenti sax ah, waxaana ay dalbadeen magangelyo kadib markii lagu eedeeyay mas’uuliyiinta Ruushka inay ku caawiyeen inay u safraan aagga xudduudda ee sida aadka ah loo ilaaliyo. Ku dhawaad dhammaan muhaajiriinta ayaa ku yimid aagga xuduudka iyagoo wata baaskiillo ay warbaahinta Finland iyo Ruushku sheegeen in la siiyay lagana iibiyay. Moscow ayaa beenisay sheegashada ku saabsan in ay ka dambeyso qulqulka muhaajiriinta. Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov ayaa sheegay in mas’uuliyiinta Ruushka “ay aad uga xun yihiin in hoggaanka Finland uu doortay dariiqa uu si ula kac ah uga fogaanayo dhaqankii hore ee wanaagsanaa ee xiriirka laba geesoodka ah.” Soohdinta dhulka ee Finland iyo Ruushka ayaa dhan 832 mayl (1,340 kilometer), waxayna inta badan dhexmartaa kaymo qaro weyn oo ku yaalla koonfurta, iyadoo gaaraysa woqooyiga Arctic. The post FINLAND oo Ruushka ku eedeysay ‘dhibaato ay qeyb ka yihiin’ dad Soomaali ah appeared first on Caasimada Online.
  14. Beirut (Caasimada Online) – Ururka Xizbullah ayaa sheegay in ciidamo ku sugan waqooyiga Israel ay ku beegsadeen diyaarado drone ah iyo gantaallo Isniintii, xilli kooxda ay kordhisay weerarada ka dhanka ah Israel. Xuduudda Israel iyo Lubnaan ayaa si maalinle ah gantaallo la isugu weydaarsanayey tan iyo markii uu billowday dagaalka Israel iyo Xamaas, 7-dii October. Dagaalyahannada Xizbullah ayaa askar ku sugan galbeedka Kiryat Shmona ee waqooyiga Israel “la beegsaday seddex weerar oo ay fuliyeen diyaarado kuwa aan duuliyaha lahayn ah,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay kooxda ay Iran taageerto. Xizbullah ayaa intaas ku dartay wax yar kadib weerarka diyaaradaha ay sidoo kale madaafiic la beegsatay ciidamo ku sugnaa aaggaas. Xizbullah waxay sheegtay inay sidoo kale “gantaalada Burkan” ku dhufatay xero ay Israel leedahay, waxayna sidoo kale sheegatay tiro kale oo weerarro ah oo ay ku qaadday goobo ka tirsan Israel. Ciidamada Israel ayaa sheegay in weerarka aanu kasoo gaarin wax khasaare ah. Bayaan kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay “in 25 weerar looga soo qaaday Lubnaan, kuwaas oo lala beegsaday goobo kala duwan oo ku yaalla xuduudda,” waxayna intaas ku dareen in “qaar ka mid ah gantaallada dhexda laga qabtay.” Ciidamada ayaa intaas ku daray inay weerar jawaab ah ku qaadeen Xizbullah. “Taankiyo, diyaarad dagaal, iyo diyaarad helikobter ah ayaa weeraray kaabayaasha argagixisada Xizbullah ee Lubnaan,” iyaga oo ka jawaabaya “weeraro ku wajahan dhulka Israel”, ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay ciidamada Israel. Madaxa Xizbullah Hassan Nasrallah ayaa bishan sheegay in kooxdiisa oo ah xulafada Xamas ay hub cusub u adeegsanayso Israel oo ay ku jiraan gantaallada Burkan, isagoo intaas ku daray inay qaadi karaan “culeys dhan 300-500 kg.” Kooxda ayaa sidoo kale adeegsaneysay diyaarado drone ah markii ugu horreysay, kuwaas oo qaarkood gudaha u galay Israel, sida uu sheegay Nasrallah. The post Xizbullah oo weerar gantaallo iyo diyaarado ku qaaday Israel appeared first on Caasimada Online.
  15. London (Caasimada Online) – Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaaalda London ee dalka Ingiriiska, ayaa guddoomiyay shirka maal-gashiga caalamiga ah ee Soomaaliya ee maal-gashishada Ingiriiska. Wasiirka Biixi Imaan Cige oo shirka furay ayaa u sheegay ganacsatada iyo Maalgashigada UK in Soomaaliya diyaar u tahay maalshagi caalami ah oo ah dhinacyada, Beeraha iyo Kallluunka. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo ka hadlay horumarka dowladda federaalka Soomaaliya ay ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta maaliyadda iyo horumarinta dhaqaalaha gudaha dalka. Wasiir Biixi ayaa shirka ka sheegay sida ay muhiim iyo fursad ah qaali ugu tahay ganacsatada iyo maal-gashigada reer UK in ay Soomaaliya maal-gashadaan kaddib hannaanka deyn cafinta Soomaaliya oo hadda gaba-gabo ku dhaw. Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa qeyb ka ah wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya ee ku sugan London, kaasi oo ka qeyb-galaya shirka caalamiga ah ee cuntada adduunka. Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale kulamo gaar la qaadan doona dhiggiisa dalka UK iyo hay’addaha kale ee maaliyadda dalkaasi inta uu shirka socdo. The post Sawirro: Wasiirka maaliyadda oo London uga qeyb-galay shir muhiim ah appeared first on Caasimada Online.
  16. Xildhibaanno ka Tirsan Baarlamaanka Sweden oo Hargeysa kula Kulmay Dhigooda Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Guddida Arrimaha Dibadda ee Golaha Wakiilladda Somaliland iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka Sweden oo booqasho ku jooga caasimadda dalka ee Hargaysa ayaa maanta kulan laba geesood ah ku qaatay xarunta golaha Wakiilladda. Labadan Xildhibaan oo kala ahaa MP Magnus Berntsson oo ah guddoomiyaha guddiga arrimaha dibada baarlamaanka Sweden iyo MP john E. Weinerhall ayaa booqasho ku yimid Somaliland. Kulankan laba geesoodka ah waxaa kale oo ka qayb galay Mikeal Torstensson oo ah wakiil sharafeedka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Xirsi wadaad-yare oo ah muwaadin Somaliland u dhashay oo Sweden degen. Xubnaha Guddida arrimaha dibada ee gollaha Wakiilladda Somaliland ayaa mudanayaasha baarlamaanka Sweden ka socday uga waramay xaaladaha Somaliland, marxaladihii ay soo martay iyo sida ay u danaynayaan iskaashi saxiibtinimo oo dhex mara labada baarlamaan, iyo labada dawladood ee Sweden iyo Somaliland. Waxa kale oo ay ka wada sheekaysteen marxaladaha dhaqan dhaqaale, siyaasadeed iyo amni ee gobolka Geeska Afrika haatan ka taagan. Qaran News
  17. Xukuumadda oo la Shirtay Hantiileyaasha Suuqa Waaheen Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddida Gurmadka iyo Dib-u-Dhiska suuqa Waaheen ayaa kulan la yeeshay qaar ka mid hantiilayaasha guryaha suuqa Waaheen, kulankaas oo ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL. Ugu horayn waxa Shirka furay Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa aanu sheegay in ay dhegaysan doonaan war-bixintooda iyo wixii ay ka cabanayaan ba, waxaanu xusay Wasiirku in ay wada qaadan doonaan go’aan lagu midaysan yahay. Hantiilayaasha Sekadaha Block 5 iyo Block 11 ayaa sharaxaad ka bixiyey waxa ay ka cabanayaan, kuwaasi oo sheegay in wadadii u dhaxaysay labadooda sakadood loo gorsheeyey in laga dhisayo guryo, taasoo sababaysa in ay xidhanto wadadu. Geeska kale, xubno u hadlay Guddida Gurmadka iyo Dib-u-dhismaha Suuqa Waaheen ayaa u cadeeyey hantiilayaasha labadaasi sekadood ee Block 5 iyo Block 11 in aanay waxba ka jirin in la iibiyey wadada dhex marta sakadahooda, waxayna xuseen in halkaas laga dhisayo 12 guri oo qaarkood dhulkoodii lagu fidiyey Sariibadda (A1) iyo qaar wado laga soo raray. Qaran News
  18. Hargeysa(Qaran news)-Maamulka Saynduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF ayaa maanta ku wareejiyey Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Md Siciid Sulub Maxamed gaadhi casriya oo ku qalabaysan dhamaan baahiyaadka caafimadka xoolaha isla markaana loogu talo galay xarunta daryeelka xoolaha iyo cilmi baadhista ee Aroori. Munaasibadan oo ka qabsoontay Xarunta Aroori ayaa waxaa ka soo qayb galay Gudoomiye ku xigeenka Gobalka Togdheer, Maayarka Magaaladda Burco, Taliyaha Qaybta booliska, madax dhaqmeed iyo marti sharaf kale. Mas’uuliyiin u hadlay Sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ayaa sheegay in baabuurkani uu noqon doono mid kafeeya baahida caafimaad ee ka jirta gobalka Togdheer waxaa kale oo ay xuseen in gaadhigani uu noqon doono cisbitaalka xanaanada xoolaha ee guur guura, kaasi tagi doona goobaha ay ka jirto baahiyaha caafimadka ee deegaanada gobalka Togdheer. Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Md Siciid Sulub Maxamed oo gabo gabadii munaasibadaas ka hadlay ayaa u mahadceliyey sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF oo door wax ku ool ah ka qaata hirgalinta mashaariic dhanka xoolaha ah waxaa kale oo wasiirku uu sheegay in gaadhigan ay la wareegeen uu kaalin muuqata ka qaadan doono wax ka qabashada caafimaadka xoolaha. Qaran News
  19. Israeli tanks have reportedly encircled Gaza's Indonesian Hospital, where the Hamas-run health ministry said 12 people were killed on Sunday night. Source: Hiiraan Online
  20. Qaar kamid ah isimada dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa magaalada Garoowe ka bilaabay xal u raadinta xiisadda ka taagan arrimaha doorashada 2024. Isimada SSC oo maanta soo gaaray caasimadda Garoowe ayaa kulamo kala duwan la yeeshay dhinacyada dowladda iyo siyaasiyiinta Mucaaridka ah oo ku mursan doorashada. Wararka ayaa xaqiijinaya in labada dhinacba Isimada u sheegeen in aysan dagaal wadin islamarkaana ay diyaar u yihiin wada-hadal si loo xalliyo xiisadda ka jirta magaalada. Ciidamada dowladda iyo kuwa taabacsan siyaasiyiinta Mucaaridka ah ayaa sidoo kale weli ku sugan goobihii hore islamarkaana ma jiraan ciidamo dib looga qaaday halkii ay joogeen. Xaaladda Garoowe ayaa ilaa iyo maanta degganayd inkastoo shacabka qaarkood weli ka baxayaan xaafadaha maadama ay jirto hubanti la’aan la xiriirta ciidamada dul fadhiya magaalada. PUNTLAND POST The post Odayaasha dhaqanka SSC oo bilaabay xal u raadinta xiisadda Garoowe appeared first on Puntland Post.
  21. MOGADISHU, SOMALIA, November 20, 2023 /EINPresswire.com/ -- Aar Maanta, a distinguished figure in Somali music known for his exceptional contributions, has once again demonstrated his commitment to creativity and activism. Notably recognized for his outstanding work with children in Minnesota and beyond, Aar Maanta recently marked World Children's Day with the release of a captivating animation music video for his song 'Ubadkaa Mudnaanta Leh' (Children Have Priority In Somali). Source: Hiiraan Online
  22. The quote "Failure to plan is planning to fail" is often attributed to Benjamin Franklin, and its message remains timeless and relevant in various contexts. In the context of the recent Africa Climate Summit, the quote underscores the importance of proactive planning and preparedness in addressing climate change and its associated challenges. Source: Hiiraan Online
  23. London (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska, isagoo ka hadlay arrimo kala duwan oo xaaladda Soomaaliya ku saabsan. Madaxweynaha ayaa khudbadiisa kaga hadlay sida Soomaaliya ay mudnaanta u siinayso in mashaariicda gargaarka degdegga ah loo weeciyo dhanka horumarinta, si dadka Soomaaliyeed ay uga helaan faa’iido waarta. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa madaxda caalamka sharaxaad dheer ka siiyey fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya iyo siyaasadda dowladda Soomaaliya uga deggan maalgashiga wax soo saarka dalka. Wuxuu sheegay in bishii Juun ee sanadkii 2022 ay ciidamada xoogga dalka iyo xoogagga deegaanada kala duwan ee dalka ay bilaabeen howlgallo ay ku ciribtirayaan Khawaarijta Al-Shabaab. “Ciidamadeenu waxay ku guuleysteen inay Khawaarijta ka xoreeyaan 70 magaalo oo ka tirsan gobollada koonfurta iyo bartamaha dalka, deegaanada la xoreeyey qaar waxay ku yaallaan dhulka ugu qanisan Soomaaliya,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sheegay in deegaanadii la xoreeyey ay dowladdu xasilisay, lana gaarsiiyey adeegyada aas-aasiga u ah bulshada ku nool oo aan adeeg dowladeed helin in ka badan 10 sano oo Shabaab ay xukumayeen. “Sida lagu ogaaday daraasad uu dhawaan sameeyey Bangiga Hormarinta Afrika, waxay Soomaaliya heysataa fursad soo saar tan ugu sareysa qaaradda Afrika,” ayuu khudbadiisa ku yiri Madaxweynaha Soomaaliya. Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa dunida u amaanay cimilada ay heysato Soomaaliya, “Hadii aan helno maalgelin ku filan, waxaan maalgasha karnaa kaabayaal u adkeysa kara cimilada,” ayuu yiri. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay qaar ka mid ah dhinacyada mudan in la maal-gashado, waxaana ka mid ah beeraha, keydinta biyaha, dhismaha wadooyinka iyo fursado kale. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in si loo gaaro yoolka Soomaaliya ay dowladda soo deynsa doonto dhaqaale, hadba intii ay awoodo, “Dhaqaalaha aan soo deysano waxaan wax uga qaba doonaa wax soo saarka gudaha, sida beeraha,” ayuu yiri. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan Sheekh oo khudbad xasaasi ah ka jeediyey shir ka dhacay London appeared first on Caasimada Online.
  24. London (Caasimada Online) – Yacquub Axmed, waa wiil Soomaali ah oo dowladda Ingiriiska ay tarxiilkiisa kaga baxday lacag ka badan hal milyan oo dollar. Kiis dacwadeedkan oo muddo badan socday ayaa waxaa ka taagnayd doodda dhanka sharcig ah oo ka socotay dalkaasi, taasi oo ugu dambeyntiina kusoo dhamaatay musaafurinta Yacquub. Yacquub ayaa waxaa muddo dheer ku socotay dacwad la xiriirta kufsi, taasi oo ay ku wehliyeen saddex qof oo kale. Kiiskan ayaa ka dhacay dhisme ku yaal London, halkaasi oo kufsiga loogu geystay gabadh yar oo lix iyo toban jir ah, oo la qiyaamay, qiyaastii 15 sano kahor. Marxaladaha uu soo maray kiiska iyo tarxiilka ka dhashay ee Yacquub, ayaa waxa uu caro xooggan ka dhaliyay gudaha dalkaasi, ayada oo warbaahinta Ingiriiska ay si adag uga hadashay kiiskaan. Yacquub ayaa ugu dambeyn laga tarxiilay Ingiriiska bishii hore, kadib sanado uu baaqday, iyada oo ay ku baxday dhaqaale badan oo caro dhaliyay, tan iyo intii uu socday kiiska. Ku dhawaad hal milyan oo lacagta Giniga Ingiriiska, oo ah in ka badan hal milyan dollar ayaa ku baxday muddada ay socotay dhageysiga heerarka kala duwan ee dacwaddaan. Lacagtaan ayaa iskugu jirta mid la siiyay qareennada difaacayay Yacquub, mid lagu kireeyay diyaaraddii lagu masaafuriyay iyo kharash kale oo laga bixinayay sida; hoyga iyo adeegyo kale afar iyo tobanka toddobaad ee ugu horeysa marka lagu soo cesho dalka. Dadweynaha Ingiriiska oo arrintaan si weyn uga carooday ayaa sheegay in lacagtaan tahay mid aad u badan oo aysan mudnayn in canshuurta laga qaado la siiyo dad dalkooda danbi ka galay. Si kastaba, kiiska dacwada Yacquub ayaa banaanka keenaya hababka cakiran iyo hanaanka sharciga ee masaafurinta ee dalka Ingiriiska, taasi oo mararka qaar ay ku baxdo lacag aad u badan. The post Sidee UK ugu bixisay lacag ka badan $1 milyan tarxiilka wiil Soomaali ah? appeared first on Caasimada Online.
  25. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ayaa maanta socdaal Ku gaaray degmada Doolow ee gobolka Gedo isaga oo u kuurgalay xaaladda banii’aadnimo ee halkaasi ka jirtay kuwaasi oo ay sababeen fatahaadaha. Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee degmada Doolow si diirran ugu soo dhaweeyey Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Dowlad Gobolleedka Jubbaland, Mudane Maxamuud Sayid Aadan, masuuliyiin ka tirsan dowlad-gobolleedka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Doolow iyada oo soodhoweynta kadib hadal kooban uu ra’isul wasaare Xamse halkaasi kajeediyay ku sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku jirto heegan, waxa uuna xusay in goobaha la isaga gudbi waayey ay dowladdu gaarsiisay dooman magaalooyinka qaar ee dalka. “Daadadku weli way socdaan, dadka in ay meeshaan ku soo noqon ayaa loo baahan yahay oo ay ka digtoonaadaan, in la iska warqabo ayaa loo baahan yahay, illaahay idinkiis waan dadalaaynaa,” sida uu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo la hadlayay shacabka ku dhaqan magaalada Doolow ee Gedo. Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sidoo kale ballan qaaday in safarro kale uu ku imaan doono magaalooyinka kale ee Gobolka, wuxuuna sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sida ugu dhakhsiyaha badan ku dhisayso buundooyinka Baardheere, Buurdhuubo iyo Luuq si loso celiyo amniga, Nolosha iyo isu socodka dadka . Booqashada Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo beegmaysa xilli guud ahaan gobollada dalka ay ka da’een Roobab wata fatahaado, waxaana xaaladdii ugu adkeyd wajahaya gobolka Gedo, kadib markii fatahaad iyo daadad ay isugu darsameen magaalooyinka qaar ayaa kala go’ay marka la eego sida uu u saameeyay. Source: goobjoog.com