-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Isra’iill ayaa xalay sheegtay, in sii deynta ilaa 50 qof oo ka mid ah Israa’iiliyiinta u afduuban Xamaas aysan dhici doonin ka hor Jimcaha berrito ah. Maxaabiista ayaa la filayay in Khamiista maanta ah lagu sii daayo heshiiskii xabbad-joojinta afarta maalin ee ay gaareen Isra’iil iyo Xamaas. Heshiiska oo dhacay aroornimadi hore ee Arbacadi shalay, ayaa dhigaya in Israel ay deyso 150 Falastiiniyiin ah oo ku xira xabsiyadeeda, sidoo kalana ogolaato in gargaar bani’aadannimo la geeyo Marinka Gaza. Xamaas ayaa iyana sii deyn doonta 50 ka mid ah laheystayaasha Isra’iil. Sidoo kale, muddo afar maalin ah ayay labada dhinac jooji doonaan madaafiicda sida uu dhigayo heshiiskan. Waqtiga uu sida rasmiga ah u billaaba doono dhaqangalka heshiiska ayaanan caddeyn, hase yeeshee ilo wareedyada xagga amniga ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta uu dhaqan galo afarta barqanimo ee Khamiista maanta ah. PUNTLAND POST The post Wararkii u danbeeyay ee Xabbad-joojinta Israa’iil iyo Xamaas appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimnada Online) – Dowladda Somaliland ayaa cambaareysay weerar ay sheegtay inay shalay kusoo qaadeen isbaheysi ka kooban saddex dhinac, kaasi oo ka dhacay deegaanka Buqdharkeyn ee gobolka Sool, islamarkaana lagu waxyeeleeyey dad shacab ah. “Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu ahaa fal wuxuushnimo ah iyo sidoo kale xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland. Weerarka ayey Somaliland sheegtay inay soo qaadeen isbaheysi ka kooban, Al-Shabaab, maamulka Puntland iyo wax ay ugu yeertay maleeshiyada Garaadada ee Laascaanood. “Falkan foosha xun ayaa waxaa mas’uul ka ah maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada. Isbahaysigan oo taageero ka helaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa taariikh u leh xasillooni dareynta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo marar badan colaad iyo rabshado ka abuurayay dhulka Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Somaliland ayaa sheegtay in weerarka uu sidoo kale yahay isku day uu maamulka Puntland dareenka uga weecinayo xasaradaha ka taagan gudaha maamulkaas. “Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ma ogolaanayso inay sii socoto dhibaatada lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee loo adeegsanayo qalab siyaasadeed ahaan,” ayey tiri Somaliland. “Xukuumadda Somaliland waxaa ka go’an badbaadada iyo nabad-gelyada muwaadiniinteeda, waxaanay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku ilaalinayso muwaadiniinteeda ku sugan gobolka Sool ee Somaliland.” Somaliland ayaa ugu dambeyn ku hanjabtay in aanay ka laba labeyn doonin inay dhulkeeda la aqoosan yahay ka difaacdo nooc kasta oo gardarro ah. Khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka aagga Buqdharkayn, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay. Dhinaca kale, SSC-Khaatumo oo war kasoo saartay dagaalkaas ayaa ku eedeysay inay ka dambeeyeen ciidamada Somaliland, balse ay iska difaaceen ciidamadeeda. “Maamulka SSC Khaatumo wuxuu ogeeysiinayaa dowladda federaalka iyo beesha caalamka inay diyaar u yihiin nabad kula noolaanshiyaha deriskooda isla marakaana ay u hogaansamayaan xeerarka caalamiga iyo go’aanada golaha ammaanka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. The post Somaliland oo shaacisay inay weerar kusoo qaadeen isbaheysi ka kooban 3 dhinac appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha golaha wasiirada xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkoodii todobaadlaha ahaa ku yeeshay magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiyay ra’iisul wasaare Mudane Xamza Cabdi Barre. Shirkan ayaa waxaa todobaadkan diiradda lagu soo saaray saddex arrimood oo kala ha:- roobabka daadadka wata ee ka da’aya dalka, amniga iyo ciribtirka kooxda Al-Shabaab. Ugu horreyn golaha ayaa warbixin ku saabsan saameynta ka dhalatay roobabka daadadka wata, waxa ay ka dhageysteen Hey’adda Maareynta Musiibooyinka oo soo bandhigay in ku dhawaad laba malyuun oo qof ay saameeyeen roobabka iyo daadadka ka da’aya dalka. Sidoo kale warbixinta ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in ku geeriyoodeen roobabka daadadka wata ee El-nino muwaadiniin gaaraya illaa 96 qof. Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo hadal qaaday gurmadka iyo dadaallada soconayo oo ay hurmuudka u tahay dowladda federaalka Soomaaliya. “Xukuumadda JFS ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka ay saameeyeen dadaadadku, waxa ayna ugu baaqeen hey’adaha gargaarka iyo bulshada Soomaaliyeed in la caawiyo dadka ay saameeyeen roobabku” ayaa lagu yir warsaxaafadeed kasoo baxay Golaha. Dhanka kale, golaha wasiirada ayaa warbixino la xiriira amniga guud ee dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaanshaadhigga. Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa isna golaha warbixin ka siiyey safarkii uu ku tagey degmada Doolow ee Gobolka Gedo, waxuuna soo bandhigay baaxadda saameynta ay ku yeesheen daadadku gobolka. Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo bani’aadanimo, taas oo ka dhalatay fatahaadaha iyo roobabka daadadka wata ee ku dhuftay koonfurta iyo bartamaha dalka. The post Shirka Golaha wasiirada Soomaaliya oo looga hadlay saddex arrimood + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
SOMALILAND REPUBLIC RECOGNITION CASE AT THE INTERNATIONAL COURT OF JUSTICE (ICJ) 1. SOMALILAND HISTORICAL BACKGROUNDSomaliland was a British Protectorate for 76 years (1884-1960). Somaliland was independent, recognized country before Somalia. Somaliland achieved independence from Great Britain on June 26, 1960 while Somalia achieved independence on July 1, 1960 from Italy. S.N.L Political Party headed by late Mohamed Haji Ibrahim Egal lead Somaliland to independence on June 26, 1960 and immediately Somaliland received International Recognition from 35 countries that included China, Egypt, Ethiopia, France, Ghana, Israel, Libya, the Soviet Union etc. Somaliland achieved independence and recognition before Somalia, Mauritania, Nigeria, Senegal, Gabon, Republic of the Congo, Chad, Ivory Coast, Burkina Faso, Benin, Sierra Leone, Uganda, Kenya, Algeria, Zambia, Zimbabwe, Namibia etc. 2. SOMALILAND REPUBLIC LOCATION Somaliland is located in the Horn of Africa. It lies between 08°00′ – 11°30′ parallel North of the Equator (Latitudes) and between 42°30′ – 49°00′ Meridian East of Greenwich (Longitudes). It is bordered by the Red Sea to the North (Southern Coast of Gulf of Aden), Djibouti to the West, Ethiopia to the South, and Somalia to the East. Somaliland has a coastline with the majority lying along the Gulf of Aden (Red Sea). The country is slightly larger than England, with an area of 176,000km² (110,000 sq. miles) and with a population around 5.8 million. 3. REASONS OF DISSOLVING 1960 UNION WITH SOMALIA Sharing ethnicity, religion, language, culture, traditions, color etc do not determine the creation of union or federation or preserve the existence or survivability of union or federation but only fair power-sharing and justice determine the success and survivability of union or federation and that is what Somalia failed to understand and respect during the 30 years of the failed union (1960-1990). Even though Somaliland was the parent country that invited Somalia for sharing union with Somaliland for achieving independence before Somalia, Somalia never respected the terms and conditions of the union by subjecting Somaliland people to 22 years (1960-1982) of power-sharing denial, oppression and injustice and 8 years (1982-1990) of all kinds of human rights abuses and heinous crimes such as suppression, persecution, imprisonment, genocide and destructions. Those two historical reasons ended the union between Somaliland and Somalia in May 1991 after devastating eight-year- long civil war (1982-1990) between Somaliland and Somalia. Somaliland people reclaimed their independence of June 26, 1960 again. One wonders why people of Somalia still pursue the revival of the disastrous union knowing power-sharing denial for 22 years and atrocities for 8 years. Unions are dissolvable but independence is indissolvable. June 26, 1960 is indissolvable. SOME VIDEOS OF GENOCIDE AND DESTRUCTION IN SOMALILAND 1. https://www.facebook.com/mohamudismail.farah/videos/897439374768996/ 2. pic.twitter.com/7uTHf7qhrV pic.twitter.com/QU4SmdJTs5 3. https://youtu.be/KpSMrCQDs1Q 4. https://en.m.wikipedia.org/wiki/Isaaq_genocide Like Somalis, Arabs share ethnicity, religion, culture, color, traditions etc but , at the same time, disagreed to share union or federation. White Arabs have nearly eighteen countries (18) while Somalis have five (5). The Jordanian or Iraqi man or woman can not enter Egypt without legal documents (Passport and Visas) to get job or rank or any other Arab country. Every Arab country is independent of other Arab countries with each country having their independent state, government, flag and recognition based on their colonial borders. Greater Arab, like Greater Somalia, does not work in the Arab World to enter another Arab country. Citizens of Morocco or Libya are not citizens of Greater Arab but they are citizens of their own countries and Somalis are not different from them. Citizens of Somaliland or Somalia are not citizens of greater Somalia. 4. AFRICAN BORDERS ARE BASED ON LAND, NOT ON CLAN LINEAGE There are no clan or tribal borders in Africa but there are state or national borders only. Borders of all African countries are based on land, not on clan lineage or tribal origin. The territory, independence and recognition of each African country is defined by its colonial power-drawn borders. The political map of Africa showing African countries was made by Europe, not by Africans. Somaliland territory, independence and recognition is based on Somaliland British Protectorate Borders. The borders of Djibouti, Somaliland and Somalia have internationally the same legitimacy and status for being all colonially-drawn borders defining their independence, territory and nation as the rest of Africa. European Colonial Borders define nationalism, independence, statehood and diplomatic recognition of each country in Africa, Asia, and Arab World. FIRST ARGUMENT In Africa, three conditions are usually required for continental and international diplomatic recognition of a country: (A) Being separate colony (B) Having proclamation of independence granted by Colonizing power (C) And having separate, unique colonial borders. Somaliland Fulfilled All Three Conditions : Somaliland was British Protectorate for 76 years, Somaliland was granted independence by Great Britain on June 26, 1960 [Shown below] and Somaliland has defined British Protectorate Colonial Borders. SECOND ARGUMENT Somalia does not have the right to challenge or lobby against Somaliland independence and recognition because Somaliland is older country than Somalia in achieving independence and recognition in Africa in 1960. Somaliland was independent, recognized nation while Somalia was still Italian colony. Somaliland achieved independence and recognition on June 26, 1960 from Great Britain while Somalia achieved independence on July 1, 1960 from Italy. Then the two shared disastrous union for 30 years (1960-1990) from which Somaliland withdrew in 1991 after devastating civil war. The world should reject Somalia’s lobbying against Somaliland recognition because it is unfair for Somaliland. It is like younger brother bossing his older brother. THIRD ARGUMENT After dissolving their unions, Senegal/Gambia, Egypt/Syria and Ethiopia/Eritrea each restored and retained its original independence and recognition at OAU and at UN that they had before unions. The countries emerging from the former Soviet Union and Federal Yugoslavia have been all recognized by the United Nations. So, why not letting Somaliland Republic restore and retain its original independence and recognition of June 26, 1960 after dissolving the disastrous union (1960-1990) with Somalia and withdrawing from it on May 18, 1991. FOURTH ARGUMENT OAU and UN both recognized South Sudan without having previous colonizing power and colonial borders separate from Sudan. South Sudan was integral part of Sudan which was British colony. So, why not recognizing Somaliland which was separate colony with different colonizing power from Somalia. Somaliland was British Protectorate while Somalia was Italian colony. MISINFORMATIONS OF SOMALIA AGAINST SOMALILAND RIGHTFUL RECOGNITION 1. FIRST MISINFORMATION: Somalia claims that Somaliland was a province of Somalia to label it with secessionism or separatism while in fact Somaliland was separate colony from Somalia named Somaliland British protectorate for 76 years and became independent country in Africa before Somalia achieving independence and recognition by 35 countries on June 26, 1960 when Somalia was still Italian colony and achieved independence on July 1, 1960. The proclamation of Somaliland independence granted by the colonizing power (Great Britain) is shown below. How Somaliland Republic, becoming independent and recognized country by the world on June 26, 1960 before Somalia, become a province of Somalia? Somaliland achieved independence before Mauritania, Nigeria, Senegal, Gabon, Republic of the Congo, Chad, Ivory Coast, Burkina Faso, Benin, Sierra Leone, Uganda, Kenya, Algeria, Zambia, Zimbabwe, Namibia etc. So, this argument of Somalia is baseless. 2. SECOND MISINFORMATION: That the recognition of Somaliland will open Pandora’s Box in Africa to encourage secessionists or separatists to change the borders of the continent of Africa implying that Somaliland was secessionist province that broke away from Somalia. If Nyanza Province of Kenya or Arusha Region of Tanzania or Puntland province of Somalia secedes or breaks away from their own respective countries, they would definitely qualify to be secessionists, separatists or breakaways and that would change or shift the colonial borders of Africa inherited from European colonial powers thus creating instability and political unrest in the continent of Africa as those provinces share history, colonial borders, independence and recognition with their own motherlands. But Somaliland was older country than Somalia in Africa in achieving independence before Somalia in 1960 as its proclamation of independence shows below. The independence and recognition of Somaliland will be based on Somaliland British protectorate colonial borders and will not influence secessionism or separatism in Africa but will enhance the African Conference of 1964 for reaffirming Africa colonial borders to keep the security, peace and stability of the continent [The location of Somaliland in the Horn of Africa determines its borders. It lies between 08°00′ – 11°30′ parallel North of the Equator (Latitudes) and between 42°45′ – 49°00′ Meridian East of Greenwich (Longitudes)]. How the independence and recognition of Somaliland based on its legitimate colonial borders will open Pandora’s Box for secessionists or separatists while the independence and recognition of all African countries are based on their colonial borders? This argument is baseless too and illogical. 3. THIRD MISINFORMATION: That Somaliland accepted the terms of the union set by Somalia in 1960 that it cannot withdraw from the failed union. There were no terms set between the two countries in 1960 at all. Somaliland (parent country) initiated the unification between the two countries in 1960 then Somalia violated the conditions of fair power-sharing of the failed union by hijacking it for the 30 years of its existence (1960-1990) and inflicted genocide and destructions against Somaliland people after raising grievances against injustice and oppression. Somaliland withdrew from that union after bloody war of liberation on May 18, 1991. Hence, how Somaliland which was the initiator or host of the union accepted terms dictated or set by Somalia which was the guest or invitee to the union? If one side had to set terms to the other side, it would have been Somaliland because it initiated the birth of the failed union. This argument does not hold too and it is baseless. Now with the three misinformations refuted and eliminated, Somaliland Government and Somaliland expats around the world must fight back too to refute and eliminate the misinformations so that Somaliland will be recognized soon, In Shaa Allah. There is no way to go back to the disastrous union with Somalia. Somaliland returning to the disastrous union is like the Sun rising in the West. Somaliland cannot let Somalia abuse it with the independence it achieved before it and with the failed union it created. No more injustice, genocide, destruction and looting. INTERNATIONAL COURT OF JUSTICE IN HAGUE #Ibrahim Hassan Gagale ibrahimgagale@gmail.com Qaran News
-
First, some families fled drought and violence. Now they say they have nowhere to hide from intense flooding as rainfall exacerbated by the weather phenomenon El Nino pummels large parts of Somalia. Source: Hiiraan Online
-
Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen ayaa olole ugu jira sidii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ula meel-mari lahaa qodobada ku jira heshiiskii golaha wadatashiga ee la gaaray bishii May ee sanadkaan. Laftagareen oo si buuxda ula soo shaqeystay kooxdii Farmaajo ayaa hadda sidii oo kale ula shaqeysta dowladda federaalka ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo, wuxuuna u muuqdaa nin duruufaha taagan wax ku goosta. Madaxweyne Cabdicasiis ayaa Baydhaba ugu yeeray inta badan xildhibaanada BFS ee ka soo jeeda K/Galbeed, isagoo ku qancinaya inay xukuumadda Xasan Sheekh ku garab siiyaan meel-marinta heshiiskaas. Laftagareen ayaa la sheegay inuu aad u daneynayo qorshaha lagu bedelayo nidaamka hoggaanka sare ee DF oo Xasan Sheekh uu doonayo in laga dhigo madaxweyne iyo maxaxweyne ku xigeen. Reer K/Galbeed ayaa qorshahaan u arka fursad ay uga gudbi karaan kursiga guddoomiyaha golaha shacabka oo muddo ay dhaafi weysnaayeen. Soomaaliya ayaa ku biireysa dowladaha isticmaalaha hanaanka madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen, hadii uu qorshahaan ansixiyo baarlamaanka Soomaaliya, waxaana laga guurayaa nidaamka ra’iisul wasaaraha. Madaxda dowlad goboleedyada ayaa heshiiskii bishii May ee golaha wadatashiga qaranka waxay ka heleen muddo kororsi, balse ilaa hadda ma jiro hoggaamiye sida Laftagareen ugu ololeynaya ansixinta heshiiskaan. Madaxda qaar waxaa la sheegay in muddo kororsiga kaliya ay fursad u arkaan, balse aysan dooneyn inay olole u galaan ansixinta qodobada kale ee ku jira heshiiska, kuwaas oo sababaya in lagu qoro dastuurka. Xasan Sheekh ayaa dhawaan si buuxda ula saftay Laftagareen, kadib markii mucaaradkiisa ay isku dayeen iinay doorasho geliyaan maamulka Koonfur Galbeed, balse inta aan la gaarin Laftagareen, waxaa doorashada diiday Xasan Sheekh, maadaama uu ku jiro dagaalka Shabaab iyo meel marinta qorshihiisa wax ka bedelka dastuurka. Wixii ka dambeeyey markii uu Xasan Sheekh isku dhigay qorshihii mucaaradka Koonfur Galbeed, waxaa la sheegay in Laftagareen uu daacad u noqday Madaxweyne Xasan. Laftagareen waxaa lagu tilmaamaa nin leh mowqif adag, iyadoo tusaale loo soo qaato sidii uu u taageersanaa Farmaajo oo la aaminsan yahay inay qiyaameen madaxdii sidiisa oo kale uu Farmaajo u soo dhisay. Shirkii uu Laftagareen Baydhaba kula yeeshay xildhibaanada waxaa la sheegay inuu ku soo dhamaaday is afgarad, isla markaana lagu heshiiyey in dowladda dhexe lagu taageero qorshaha wax ka bedelka hanaanka maamul ee dalka lagu hoggaamiyo. Dowladda federaalka ayaa dadaal badan ugu jirta sidii loo ansixi lahaa heshiiskii golaha wadatashiga qaran, kaas oo khasab ka dhigaya in dastuurka wax laga bedelo. In laga guuro nidaamka hadda jira oo loo guuro nidaam madaxtooyo oo madaxweyne ku madaxweyne ku xigeen ah, waxay ku suurta-geli kartaa in baarlamaanka dalka seddax meelood, labo ka mid ah ay ogolaadaan oo u codeeyaan. Dadka Soomaaliyeed ayaa ku kala aragti duwan arrintaan, halka dowladda federaalka aysan siin sharaxaad ku filan, sidoo kale dowladdu aad uma iib geyn qadiyadaan. The post LAFTA-GAREEN oo si buuxda ula saftay XASAN SHEEKH appeared first on Caasimada Online.
-
Progress at talks over Ethiopia's Red Sea access - minister
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Ethiopia's talks with the self-declared republic of Somaliland about the possibility of using its port in Berbera town are progressing well, state-owned Ethiopian Press Agency (EPA) has posted on Facebook, quoting a government minister. Source: Hiiraan Online -
Las Anod (HOL) - The SSC-Khatumo administration displayed seven prisoners, reportedly captured during Wednesday's fighting between the Somaliland army and SSC-Khatumo forces in the Sool region. Source: Hiiraan Online
-
Uganda oo lagu arkay xanuun cusub oo aan weli la aqoonsan Mas’uuliyiinta caafimaadka Uganda ayaa baadhaaya cudur aan la aqoonsan oo dalkaasi ka dilaacay isla markaana haleelay ugu yaraan 12 qof muddo labo toddobaad gudahood ah, waxa lagu arkay degmada Kyotera ee gobolka dhexe. Bukaannada ay saameeyeen waxaa ka soo baxay nabro maqaarka ah kuwaas oo sii kordhayay, ka hor inta aysan dhiman maalmo gudahood. Dadka qaar ayaa lugaha ka bararay. Wasaaradda caafimaadka Uganda ayaa baartay qaar kamida dadkii xanuunka u dhintay. Natiijooyinkiisa ayaan wali dadweynaha lala wadaagin. Saraakiisha caafimaadka ee degmada ayaa sheegay in bukaannada qaar ay daweyn u doonanayeen dhaqaatiir dhaqameed halkii ay tagi lahaayeen goobaha caafimaadka. Waxa ay sheegeen in ay aad u adkeyd in bukaanada qaar laga hor istaago in ay sidaa sameeyaan maadaama aan la aqoon cudurka. Qaran News
-
Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka SSC-khaatumo oo Garoowe ku sugan ayaa xalay kulan la yeeshay madaxweynaha Puntland Siciid Deni. Isimada SSC ayaa ku hawllan dhex-dhexaadinta xukuumadda Puntland iyo siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ku muransan arrimaha doorashada Puntland ee 2024. Madaxweynaha isimada ayaa sida wararku sheegayaan ka wada-hadlay xal u raadinta khilaafka siyaasadeed ee ka taagan nooca loo qabanayo doorashada madaxtinimada Puntland. Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxweyne Deni uu isimada SSC ka aqbalay dhex-dhexaadinta ay wadaan, islamarkaana u sheegay in uu diyaar u yahay wada-hadal, si loo xalliyo xiisadda taagan ee ka dhalatay muranka doorashada. Dhinaca kale, isimada SSC ayaa maanta lagu wadaa in ay shir la yeeshaan dallada ay ku midaysan yihiin siyaasiyiinta mucaaridka ah, oo ay ka wada-hadlayaan sidii loo dhammayn lahaa khilaafka jira. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni oo Isimada SSC ka aqbalay dhex-dhexaadinta isaga iyo mucaaridka appeared first on Puntland Post.
-
Manchester United footballer Harry Maguire has accepted the apology of a Ghanaian MP who ridiculed him last year. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Daakhiliga oo Kormeeray Dhismaha Suuqa Waaheen Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed ay weheliyaan Guddida Heer Qaran ee dib-u-dhiska iyo Gurmadka Suuqa Waaheen ayaa saaka kormeeray Suuqa Waaheen ay ka socoto shaqada dib-u-dhiska, taasoo ah shaqo ballaadhan oo maraya meel aad u fiican. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL iyo Guddida ayaa soo maray Suuqa Waaheen oo dhan, isaga oo Wasiirku la kulmay Ganacsatada Suuqa, sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay Ganacsato dhowaan ka cabasho ka muujiyey dhismayaal Cusub. Qaran News
-
Addis ababa(Qaran news)- Agaasimaha fulinta Sanduuqa Horumarinta Dhalinyaradda Somaliland Mudane Khadar Ibraahim Maxamed oo ku sugan Caasimada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa kulamo kala duwan la yeeshay agaasimayaasha guud ee Machadka Horumarinta Halbuurka Ganacsiga Ethiopia (Entrepreneurship Development Institute- Ethiopia) Dr. Hassan Hussein iyo xarunta xirfadaha (Centre of excellence for Engineer) Eng. Handiso Selamu. Agaasimaha Sanduuqa Hormarinta Dhalinyarada Somaliland iyo masuuliyiinta uu la kulamay waxay ka wada hadleen iskaashi dhexmara labada dhinac oo ku saabsan horumarinta hal-buurada ganacsiyada, Cilmi baadhista iyo kobcinta xirafadaha shaqo abuurka dhalinyarada. Gunaanadkii Labada dhinac waxay isla qaateen in kulamo joogta ah oo iskaashiga lagu xoojinayo la joogteeyo. Qaran News
-
Heshiiskii lagu soo Afjaray Khilaafkii Doorashooyinka Somaliland oo qarka u Saaran inuu Burburo Heshiiskii lagu soo afjaray khilaafkii doirashooyinka ayaa u muuqda inuu burburayo.kadib markii Guurtiddu ay jiitan ka gashay xeerka doorashooyinka isa saarka ah ee ay hore golaha Wakiilladu aqlabiyada culus ku ansuxiyeen. Heshiiskaas oo ay soo jeediyeen guddida salaadiinta bariga Burco, waxase heshiiskaasi qarka u saaran yahay inuu burburo. Maadaama oo guddidii Guurtidu u saartay inay soo naaqishtaa ay gacanta ku sii hayn diinaan bil kale. Taasina ay tahay carqalad hor leh oo dib u sii dhigi karta doirashooyinkii muddaysnaa inay qabsoomaan 13ka November 2024ka. Xisbiga mucaaridka ah ee WAADDANI ayaa tallaabada Guurtidda ku sifeeyay mid xukuumaddu ka dambayso oo lagu mijo xaabinayo doirashooyinka, waxayna sheegeen in xukuumaddu xeerkan carqaladeyntiisa u adeegsatay xilsmdhibaanno ka tirsan Golaha Guurtidda. Haddii aan xeerkaas degdeg loo meelmarin, waxay sababi kartaa khilaaf weyn oo siyaasiya oo aanu dalku qaadi karin xiligan, waxana dib u istaadhmi kara jabhadihii buurta gacanlibaax ee dhawaan go’aamadii heshiiska lagu kala diray. Ugu dambayn waxa daruuri ah in xukuumaddu mowqifkeeda caddayso oo ay golaha Guurtidda ku booriyaan meelmarinta xeerkan maadaama oo Xukuumadda iyo Golaha Guurtiddu ay yihiin qaar aad isugu dhaw. Sidoo kale madax dhaqameedka beesha bariga Burco ayaa looga fadhiyaa inay sidii ay hore u sheegeen dabogalayaan habsami u socodka qoddobadii ay soo saareen, fartana ku fiiqaan cidda lugta haysa xeerka doorashada oo sees u ah inay doorashooyinka madaxtooyada iyo ururrada siyaasaddu ka qabsoomaan dalka. Xuseen Xasan Salah Qaran News
-
Iska hor-imaad ciidan ayaa mar kale saaka dib uga bilowday jiidda Buq-dharkayn ee galbeedka gobolka Sool. Dhawaqa rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa jiidda waxaana wararku sheegayaan in ciidamada Somaliland ay weerar ku soo qaadeen degaanka Buq-dharkayn. Ciidamada SSC oo gacanta ku haya Amniga Buq-dharkayn ayaa nawaaxigeeda ayaa jawaab ka bixiyay weerarka welina waxa socda iska hor-imaadka labada dhinac. PUNTLAND POST The post Iska hor-imaad ciidan oo mar kale saaka dib uga bilowday Buq-dharkayn appeared first on Puntland Post.
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa sheegaya in maanta xaalad deganaasho ah laga dareemayo deegaanadii ay shalay ku dagaalameen ciidamada milatariga Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka SSC ee ku yaal gobolkaasi. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in maanta jawiga uu dagan yahay, balse ay weli is horfadhiyaan ciidamada ku dagaalamay halkaasi. Labada dhinac ayaa Arbacadii isku fara saaray aagga deegaanada Buqdharkayn iyo Yeeyle oo u dhow degmada Oog ee gobolka Sool, waxayna ka kala sheegteen guullo. SSC oo sheegtay in hub iyo maxaabiis ay ku qabsatay dagaalka ayaa shaaca ka qaaday in markii hore ay weerarka soo qaadeen ciidanka Somaliland, balse ay iska caabiyeen. Ciidamada Muuse Biixi oo fulinaya baaqii colaadeed oo uu jeediyay guddoomiyaha Guurtida Somaliland waxay weerar fulaynimo ah kusoo qaadeen degmada Yeeyle iyo goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada SSC iyo wafdiga nabadeynta” ayuu yiri mas’uul u hadlay SSC. Dhankeeda Somaliland ayaa iska fogeysay eedda loo jeediyay waxayna tilmaamtay in dagaalkaas ay ka dambeeyeen Garaadada SSC oo ay sheegtay inay ku sugnaayeen goobaha lagu dagaalamay. Sidoo kale Somaliland ayaa xusatay in dagalkaasi ay kusoo qaadeen isbaheysi ka kooban saddex dhinac, ayada oo intaasi ku dartay in lagu waxyeeleeyey dad shacab ah. “Falkan foosha xun ayaa waxaa mas’uul ka ah maamulka Puntland ee Soomaaliya iyo kooxaha argagixisada. Isbahaysigan oo taageero ka helaya dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, ayaa taariikh u leh xasillooni dareynta magaalada Laascaanood iyo deegaanada ku xeeran, kuwaas oo marar badan colaad iyo rabshado ka abuurayay dhulka Somaliland,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Si kastaba, dagaalka SSSC iyo Somaliland oo socday muddo ku dhow sanad ayaa sababay khasaare xoogleh oo soo gaaray labada dhinac, waxaana uu weli uu yahay mid taagan. The post Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda goobihii ay SSC iyo Somaliland ku dagaalameen appeared first on Caasimada Online.
-
Doolow (Caasimada Online) – Gobolka dhinaca xadka xigga ee Gedo la yiraahdo waxaa Isniintii booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre. Dalka roobab ayaa guud ahaantii ka da’ayay muddo bil ku dhow. Gobolka Gedo waa meesha ugu badan ee daadadka ay khasaare ka dhaliyeen. Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland midna ma bixin dhibaatada reer Gedo. Gobolkaan oo siyaasad ahaan u go’doonsan sanado badan, ayaa dhinaca kale waayay garaam u qalma dhibaatada dhacday afartii asbuuc ee lasoo dhaafay. Gaabis, garasho la’aan, garbin iyo tabar darro dowladeed middii ay tahayba reer Gedo ma helin wixii ay kaga gudbi lahaayeen marxaladan adag ayay leeyihiin dadka isha ku haya dhibaatada Gedo taalla iyo heerka ay le’eg tahay jawaab celintu. Booqashada ra’iisul wasaare Xamza inkasta oo ay soo jeedin karto indhaha beesha caalamka, haddana waxaa weli hooseeya heerka jawaabihii laga filayay dowladda dhexe ee Soomaaliya, ganacsatada Soomaaliyeed iyo maamulka Jubbaland intaba. Hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo isagu wajahaayay diidmo siyaasadeed oo reer Gedo ah sanado badan ayaa maamulkiisa lagu dhalleeceeyay in uusan xataa bixin qeylo dhaan caalami ah. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa wuxuu Doolow ka sheegay in xooga gargaar ah ay geeyeen gobolka Gedo, waxyaabo kalena ay soo socdaan, laakiin taasi ay aanay waxba ka tari karin baaxadda dhibaatada. “Haddii Ilaahay iraahdo wixii kaalmo ah waa lala tacaalaya oo waxaa rajeynaya in kaalmo nila soo gaaro, oo maantaba waxba la keenay. In degmadaan iyo kuwa kale ee dhibaatada badan ka dhaceen ee gobolkaan wax lala soo gaaro ayaa rajeynayaa,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Gedo waxay u baahan tahay gurmad dhab ah oo ka yimaada dowladda dhexe, Jubbaland iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, si gaar ah deegaanada ka bad qaba dhibaatada daadadka. Xaaladda ay maanta ku jirtaa Gedo waa in laga dhigaa mid heerkeedu intaan ka sarreeyo. Walaaca ugu badan waa inay jiraan digniino la xiriira roobab kuwii hore ka xoog badan oo la filanayo maalmaha soo aadan sida ay sheegtay hay’adda SODMA. Iyadii oo aan xaaladdii hore laga bixin jawaab gargaar oo u qalanta, in roobab kale yimaadan ayaa xaaladda sii adkeyn karta. Nuxurka waa in si intaan ka ballaaran oo siyaasad ka maran tahay in loogu gurmado reer Gedo. The post Laba arrin ee kala daran oo isku biirsaday gobolka GEDO appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaaladaasi oo ay ka taagan tahay xiisad u dhexeyso Saciid Deni iyo mucaaradka. Qaar kamid ah haweenka ku dhaqan Garoowe ayaa isugu soo baxay fagaaraha xarunta baarlamaanka Puntland, waxayna halkaas ka dhigeen dibad-bax cabasho ah. Haweenkan oo careysan ayaa ka dalbaday xildhibaanada inay bad-baadiyaan Puntland, si looga gudbo xaaladda adag ee haatan ka taagan maamulkaasi. Mid kamid ah haweenka oo dibad-baxa ka hadashay ayaa sheegtay inay dareemayaan cabsi iyo walwal ay ka qabaan dagaal mar kale ka dhacay magaalada Garoowe. “Annaga waxaa nahay hooyooyin iyo lafta dhabarta Puntland ayaa nahay waxaan idinka codsaneynaa xildhibaano inaynan na qixin oo na dhibaateyn” ayay tiri hooyo kamid ah dadka ka qayb-galay dadka ku banaanbaxay xarunta hore ee baarlamaanka Puntland. Sidoo kale gabar kale oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay inay ku baaqaan nabad iyo in laga wada shaqeeyo horumarka maamul goboleedka Puntland. “Ma hubeysanin, ciidan ma wadano, dagaal kuma jirno, dhex-dhexaad baanu nahay annaga nabadda Puntand ayaa na deeqda” ayay tiri gabar kale oo goobta ka hadashay. Dhanka kale, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada oo usoo baxay haweenkaas ayaa la hadlay, waxayna u ballan qaadeen inay dajin doonaan xiisadda ka taagan Puntland, ayna ku dadaali doonaan, sidii looga gudbi lahaa muranka hareeyay doorashada maamulkaasi. “Haddii aad nagu kalsoon tihiin guryihiina kala aada annaga waa ku filanay waxa halkaas idinka jira, ma dhaceyso wax dhagihiina u daran” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada. Puntland ayaa haatan wajaheysa marxalad kala guur ah, ayadoo lagu heshiin la’ahay doorashada oo ay weli isku hayaan xubnaha mucaaradka iyo madaxweyne Saciid Deni. The post Daawo: Dadweyne careysan oo maanta ku dibad-baxay baarlamaanka PUNTLAND appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiyada saaxibtinimada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Shiinaha, Ciraaq iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Guddiyadan ay magacaabeen Guddoomiye Aadan Madoobe iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka shaqeyn doona kor u qaadista xiriirka ka dhaxeeya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaannada Shiinaha, Ciraaq iyo Imaaraadka. Guddiyada Shiinaha iyo Ciraaq ayaa midkiiba waxa uu ka kooban yahay toddoba xubnood, halka Guddiga loo magacabaay Isu-tagga Imaaraadka Carabta uu ka kooban yahay shan xubnood. “Xoghayeyaasha Guud ee Labada Aqal ee BJFS waxaa la farayaa in ay magacaabidda Guddiga Saxiibtinimada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Dalalkaan ay u gudbiyaan Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ee JFS, si ay ugu sii gudbiso Baarlamaanka Dalka Shiinayha, Ciraaq iyo Imaaraadka Carabta,” ayaa lagu yiri magacaabista wada-jirka ah ee guddoonka labada gole ee BF. Hoos ka aqriso magacyada Xildhibaannada iyo Senatarada guddiyada la magacaabay; Guddiga Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Shiinaha Xil. Jama Mohamed Askar Xil. Sayid Ali Isack Mohamed Xil. Osman Ali Yusuf Xil. Mohamed Ibrahim Ali (Cajiib) Xil. Yusuf Hayle Jimalle Sen. Abdi Osman Hareed Sen. Ibrahim Cismaan Awgaab Guddiga Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Ciraaq Xil. Mohamed Abdirahman Nadiif Xil. Mohamaed Ahmed Mohamed (Baafo) Xil. Ismail Eid Mohamed Xil. Faa’izo Mohamed Jeyte Xil. Said Mohamed Mohamud Haid Sen. Abdiweli Mohamed Ibrahim Sen. Sareda Mohamed Hassan Guddiga Saaxiibtinimada Soomaaliya iyo Imaaraadka Xil. Mustafa Sheikh Ali Duhulow Xil. Mohamud Abdiahman Sheikh Farah Xil. Nura Ayni Khalif Sheikh Xil. Hassan Abdi Ismail Sen. Ahmed Mohamed Ali The post Guddoonka labada gole ee BF oo guddiyo u magacaabay saddex dal + Magacyada appeared first on Caasimada Online.
-
Djibouti’s geographical positioning, straddling the junction of Africa and the Arabian Peninsula, has recently thrust it into a crucial role in the sphere of global economics. This nation transcends its military significance, using its political stability as a platform to mediate regional conflicts and develop a sophisticated seaport infrastructure. Source: Hiiraan Online
