-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maamulka Xamaas ee Gaza ayaa xalay siidaayey qeybtii 3aad ee Israa’iiliyiinta ay soo qabteen dagaalyahanada Falastiin 7dii Oktoober. Dadka lasii daayey ayaa ahaa 13 Israa’iiliyiin ah, 3 nin oo u dhashay Thailand iyo muwaadin Ruush ah. Xamaas ayaa sheegtay inay siideysay muwaadinka Ruushka kadib markii uu sidaa ka codsaday Madaxweynaha Ruushka Putin. Tirada guud oo ay Xamaas siideysay ayaa hadda gaadheysa 63 qof, waxaana hore loo sheegay inay qafaasheen in ka badan 200 qof. Xamaas weli ma siideyn maxaabiista Askarta ah oo ay ku qabsadeen dagaalkii 7dii Oktoober. Israa’iil ayaa iyaduna xalay siideysay 39 dhalinyaro reer Falastiin ah oo ay xabsiyada ku heysay. Dhalinyaradaasi oo intooda badan aan wax danbi ah gelin. Maanta oo Isniin ah ayey ku egtahay xabad-joojintii koobneyd ee 4ta maalmood ahayd. Waxaa socda dadaalo lagu doonayo in wakhti dheeraad ah lagu daro xabad-joojinta. Wafti ka socda Qatar ayaa ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay maamulka Israa’iil. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo xalay hadlay ayaa isaguna sheegay inuu taageersan yahay in wakhti dheeraad ah lagu daro xabad-joojinta. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Nolosha qoys Soomaaliyeed oo ku dhibaateysan magaalada Muqdisho ayaa qaylo dhaan u dirsaday dowladda iyo shacabka, si loo caawiyo. Qoyskan oo ka kooban 5 ruux ayaa waxaa ku dhacday musiibo rabaani ah, kadib markii ay aragga beeleen, waxaana kadib lasoo darsay xaalad adag, iyaga oo ku hoos nool geed hoostiisa. Cabdi Axmed Maxamed oo ah Aabaha qoyskan waa 72 sanno jir , wuxuuna aragga beelay isaga oo 16 sanno jir ah, waxaana hadda ugu sii darsoomay xaalado caafimaad darro. “16-kaas wixii ka dambeeyay waxaan ahaa nin indho la’, marka hadda xoogaa maskaxda ayaa iskay dhaafsan maahinee si fiican ayaan u shaqeysan jiray” ayuu yiri Aabaha Qoyska. Sidoo kale carruurtii qoyska ayaa iyaguna lamid noqday Aaabe Cabdi Axmed Maxamed oo midba mar ayuu aragga waayay, balse qisada xanuunka badan ayaan ah in subax aroor ah carruurta oo qaarkood loo diray dugsiga dib loogu soo celiyay guriga iyaga oo aragga la’. Xaliimo Cabdi Axmed oo kamid carruurtaas, waxay arragga weysay laba todobaad kahor, Sayd-Cali Cabdi Axmed, isaguna wuxuu aragga beelay laba bilood kahor, sida lagu soo bandhigan warbixintaan oo uu ka diyaariyay Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed (SNTV). Dhinaca kale Maxamed Diiriye Faarax oo ah adeerka qoyskan ayaa isuguna ka warbixiyay dhibaatada haysta reerka, isaga oo sheegay in aysan weli helin wax caawimaad ah. Maxamed Diiriye ayaa intaas kusii daray in hooyada reerka uu ku dhacay xanuun kale oo aan la aqoon, isla markaana ay noqoto bareelis, waxna looga qaban waayey Digfeer. “Waxaa halkan yaalla qoys ay musiibo rabaani ah isaga dhacday oo hadda wax loo sababsanayo aysan jirin Aabuhu wuu indha la’aa, hooyadii way soo dhacday bareelis weeyaan Digfeer ayay tiilay hal Isbuuc” ayuu yiri Adeer Maxamed Diiriye Faarax. Ugu dambeyn qoyskan Soomaaliyeed ee dhibaatada adag wajahaya ayaa fariin cod dheer u diray dadka Soomaaliyeed, iyagoo ka dalbaday in loo gurmado, si ay u helaan caafimaad. The post Daawo: Qoys dhan oo indho beelay, kadib musiibo ku dhacday appeared first on Caasimada Online.
-
Imaaraatka Carabta ayaa qorsheynayay in doorkooda martigelinta shirka cimilada ee Qaramada Midoobay ay u noqoto fursad ay dalalka ka soo qeyb galaya shirka ula galaan heshiisyada saliidda iyo gaaska, BBC ayaa sidaas ogaatay. Dukumiintiyo sir ah oo si qarsoodi ah loo soo bandhigay ayaa muujinaya qorshayaal lagaga hadlayo heshiisyo shidaal oo lala galayo 15 dal. Hay’adda Qaramada Midoobay ee mas’uulka ka ah shirka Cimilada COP28 ayaa BBC u sheegtay inay tahay dadka martida loo yahay laga filayo inaysan sameyn eexasho ama dano gaar ah ka dhex arkin shirka. Kooxda Imaaraadku ma aysan dafirin in shirarka COP28 loo isticmaalo wadahadallo ganacsi, waxayna yiraahdeen “kulamada gaarka ah waa kuwo gaas ah” Waxay diiday inay ka hadasho waxa looga hadlay shirararka gaarka waxayna sheegtay in shaqadeeda ay tahay inay diiradda saarayso “ficilo wax ku ool ah oo la xiriira cimilada”. Dukumeentiyada – oo ay ka heleen saxafiyiin madax-banaan oo ka tirsan Xarunta Warbixinta Cimilada ee ka barbar shaqeysa BBC – waxaa dukumiintiyada diyaariyay kooxda Imaaraatka Carabta ee COP28 si ay ula kulmaan ugu yaraan 27 dowladood oo ajnabi ah ka hor shirka COP28, oo bilaabmaya 30 November. Waxaa ka mid ahaa heshiisyada ee la soo jeediyay, in Shiinaha iyo shirkadda Adnoc, oo ah shirkadda saliida ee Imaaraadka Carabta, ay “rabaan inay si wadajir ah u qiimeeyaan fursadaha caalamiga ah ee LNG [gaaska dabiiciga ah]” ee dalalka Mozambique, Canada iyo Australia. Dukumeentiyadu waxay sidoo kale soo jeedinayaan in wasiir Colombian loo sheegay in shirkadda Adnoc “ay diyaar u tahay” inay Colombia taageerto si ay u horumariso kheyraadkeeda shidaalka. Waxaa jira qodobbo laga hadlayo 13 dal oo kale, oo ay ku jiraan Jarmalka iyo Masar, kuwaas oo soo jeedinaya in loo sheego in shirkadda Adnoc ay doonayo inay la shaqeeyso dawladooda si loo horumariyo mashaariicda shidaalka. uusan dhicin waxaana ka mid ahaa UK. Isku dayga in la sameeyo heshiisyo ganacsi inta lagu guda jiro shirka COP waxayna u muuqataa jebinta heerarka anshaxa ee laga filayo madaxweynaha COP. Heerarkaas waxaa dejiya hay’adda Qaramada Midoobay ee mas’uulka ka ah wada-xaajoodka cimilada, Heshiiska Qaab-dhismeedka Qaramada Midoobay ee Isbeddelka Cimilada (UNFCCC). UNFCCC waxay leedahay “mabda’a asaasiga ah” ee madaxweynayaasha COP iyo kooxahoodu waxaa “waajib ku ah dhexdhexaadnimada”. Waxay BBC-da u sheegtay in madaxweynayaasha COP laga filayo “inay ku dhaqmaan eex la’aan, iska ilaaliyaan dano gaar ah, oo ay si adagna anshaha ayna sameeyaan madax banaani iyo garsoor cadaalad ah”. “Waxa kale oo laga filayaa inay xaqiijiyaan in aragtida shakhsi ahaaneed iyo xukunnada aanay waxba u dhimayn ama u muuqan inay wax u dhimayaan doorkooda iyo hawlahooda hay’adda UNFCCC,” ayay sii raacisay. Manuel Pulgar-Vidal, madaxii shirkii COP20 ee Peru ee 2014, wuxuu ka walaacsan yahay burburka kalsoonida ku yimaaday shirka taas oo uu sheegay inay la macno tahay inaan horumar laga gaarin wax ka qabashada isbedelka cimilada ee Dubai. “Madaxwaynaha COP waa hogaamiyaha aduunka, waa inuu isku dayayaa inuu dhiso is afgarad isagoo matalaya adduunka,” ayuu u sheegay BBC. “Haddii madaxweyne kasta oo COP ah uu isku dayo inuu shirka la yimaado dano gaar ah, [oo ay ku jiraan] dano ganacsi, taasi waxay la macno noqon kartaa fashilka COP.” Qaran News
-
Four bodies were on Sunday discovered at a farm reportedly owned by the Kenyan military, prompting outrage from locals. Source: Hiiraan Online
-
Ciidamada badda ee Mareykanka ayaa fashiliyay qafaalashada markab ganacsi oo koox burcad badeed ah ay ku weerareen gacanka cadmeed ee u dhow Soomaaliya Axadii shalay, sida ay sheegeen saraakiisha difaaca Mareykanka. Mareykanka ayaa sheegay in uu fashiliyay howlgal lagu afduuban lahaa markabka Kiimikada siday ee Central Park oo ay leeyihiin qoyska Israa’iiliyiinta ah ee Ofer, iyadoo sidoo kale la sheegay in la xiray kooxdii soo weerartay. Warmurtiyeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in laga hortagay labo gantaal oo nooca ballistic-ga ah, oo xalay ay soo tuureen kooxda Yemeniyiinta oo ku dhacay meel 18.5 km u jirta markab Mareykanka laga leeyahay, kaasoo ka jawaabay baaq uu u soo diray markabka Central Park. “Ma jiro wax khasaare ah ama dhaawac ah oo soo gaaray labada markab inta uu weerarka socday,” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Mareykanka. Shaqaalaha markabka ayaa Axaddii bixiyay digniin ay ku sheegeen in ay weerar kusoo qaadeen burcad badeed, xilli ay marayeen gacanka cadmeed, oo qiyaastii 54 mayl-badeed u jirta xeebaha Soomaaliya, sida uu sheegay Zodiac, oo ah sarkaal katirsan ciidanka Maraykanka. Saraakiisha Mareykanka ayaa ka digay in wax badan aan laga ogeyn dhacdada weerarka, iyagoo ku tuhmaya in Iran ay ku lug leedahay, ama uu xiriir la leeyahay xiisadaha gobolka oo sii xoogeystay tan iyo weerarkii Xamaas ee 7-dii Oct. PUNTLAND POST The post Ciidamada badda Maraykanka oo badbaadiyay markab lagu af-duuban lahaa gacanka Cadmeed appeared first on Puntland Post.
-
Forty Somali journalists participated in the competition, who were from print media, radio stations and television channels from many media houses in Somalia. BBC media action announced the winners today, and Abdirahman Hayir an young aspiring journalist won the second position of visual storytelling. Hayir was part of the six winners of the competition who were announced by the agency today. Abdirahman who won the visual storytelling category of the competition highlighted in his program the plight of internally displaced people who are facing the harsh effect of climate change which exacerbated their already fragile situation of poor living conditions. The competition was part of an effort to sensitize Somali journalist on the disastrous impact of climate change in Somalia, and it comes at a time when large parts of the country are ravaged by floods which displaced hundreds of thousands of people. The situation remains that many Somalis including journalists have heard about climate change and see its impact all the time in the form of prolonged drought and other times destructive floods, but still the awareness and understanding of is very low considering the magnitude of the impact of this crisis on the livelihood and development of the country. The efforts of journalists like Abdirahman are exemplary in directing the attention of the communities on the impact of climate change which can contribute to increased understanding and improved resilience of the communities. The post A Journalist a Storytelling Competition by Reporting on the Impact of Climate Change of IDPs appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Xildhibaan Cumar Ibraahim Xaashi. Xilkaasi ayaa waxaa horey u hayey madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare, inkasta oo warqadda magacaabista aan lagu xusin in xilka laga qaaday. Hase yeeshee Waare ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka, oo uu ugu hambalyeeyey Cumar Xaashi ku qiray inuu isaga beddelay. “Hambalyo saaxiibkay mudane Cumar Xaashi oo ah Ergeyga cusub ee Madaxweynaha ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka. Waxaan rajeynayaa inaan kugula shaqeeyo doorkeena cusub. Xasilinta waxay muhiim u tahay sida dagaalka lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri Waare. Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey in Waare xilkaas laga beddelay loona wado xil ka sarreeyaa oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD. Inkasta oo dowladda Soomaaliya aysan laheyn magacaabista xilkan, haddana waxay leedahay inay gudbiso musharaxa, islamarkaana u ololeyso sidii loo magacaabi lahaa loona ansixin lahaa, taasi oo madaxtooyada ay dadaal badan ku bixisay. Xogta ayaa sheegeysa in IGAD iyo dalalka xubnaha ka ahba ay aqbaleen codsiga Soomaaliya ee ah inay xilkan hesho. Haddii xilkan uu ku guuleysto, Waare wuxuu noqon doonaa mas’uulkii saddexaad ee Soomaali ah oo xil sare ka haya ururka goboleedka IGAD xilligan. Waxaa hadda IGAD xil ka haya wasiirkii hore ee qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ah ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan la qabsiga cimilada iyo ilaalinta deegaanka. Sidoo kale, waxaa dhowaan Wakiilka IGAD ee Soomaaliya ahna Madaxa Xafiiska Soomaaliya, loo magacaabay Maxamed Kaarshe oo horey usoo noqday wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Galmudug. The post Xog: Xilka cusub ee loo wado Maxamed Waare kadib xil ka-qaadistii lagu sameeyey appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo xanuun badan oo maanta ka dhacday degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, taas oo sababtay dhimasho iyo burbur soo gaaray guryo ay daganaayeen dad shacab ah. Dhacdadan ayaa timid, kadib markii uu soo dumay dhisme dabaq ah oo laga dhisayay agagaarka isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho. Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Kulmiye oo ka badbaaday dhacdadaas ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in dhibaatada ay dhacday kadib salaaddii subax ee saaka. Waxa uu tilmaamay in dhismaha soo dumay ay dhabarkiisa dambe daganaayeen, isla markaana uu kusoo kordhacay, iyaga oo hurdo, qaarna ay jireen salaaddii subax. “Degmada Kaaraan, qaybta u dhow Sanco waxaa saaka ka dhacay guri la wareejiyay darbigiisa 50 sanno ku dhawaad wareegsanaa ay guryo ka dhisanaayeen cid meeshaana markaas ayaa waxa ay sameeyeen carro buuxis annaga salka dambe ayaan ka saarnayn Ilaahey amarkiis annaga oo hurdeyno ayaa nagu soo kor dumay saaladdii subax kadib” ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka oo ka bad-baaday dhacdadaasi. Sidoo kale waxa uu xaqiijiyay inay dhinteen saddex gabdhood oo daris la’ahaa, kadib markii uu kusoo dul dhacday dhismaha soo dumay, isaguna ka burbureen laba qol. “Cida nagu dhaganeyd saddex gabdhood ayaa ku dhimatay, annagana laba qol ayaa naga duntay, laakiin waxba nama gaarin waa fakanay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in mid kamid ah haweenka ay ahayd Umul, isla markaana ay kamid noqotay dadka ku dhintay mashaqadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan dhacdadaas xanuunka ku reebtay dadka deegaanka. Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayay khasaaraha ka dhasha dhismaha dumayo, iyada oo loo sababeynayo khibrad la’aan iyo farsamo xumo darteed. The post Saddex gabdhood oo ku dhintay dhacdo maanta ka dhacday KAARAAN appeared first on Caasimada Online.
-
Doha, Qatar: Minister of State for Foreign Affairs H E Sultan bin Saad Al Muraikhi received copies of the credentials of the Ambassador of the Sultanate of Oman H E Ammar bin Abdullah bin Sultan Al Busaidi, Ambassador of the Federative Republic of Brazil H E Marcelo Otavio Dantas Loures da Costa, and Ambassador of the Federal Republic of Somalia H E Mohamed Ahmed Sheikh Ali. Source: Hiiraan Online
-
Kenya's U18 football team, the Junior Stars, currently lead Pool A in the Council for East and Central Africa Football Associations (CECAFA) U18 Championship after an impressive performance on Saturday in Kisumu. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee amniga Soomaaliya Xasan Xundubey oo si weyn kaga soo hor jeeda qorsha socda ee wax looga bedelayo dastuurka dalka ayaa tilmaamay caqabadaha ku xeeran ee aan la dhaafi kari doonin hadii la qaato nidaam madaxtooyo oo meesha laga saaro doorka ra’iisul wasaaraha. Xundubey ayaa sheegay in Xasan Sheekh uu ku madax adeygayo arrin ay muuqato in aysan meel gaari doonin, wuxuu sheegay in nidaamkaan uu horay Maxamed Siyaad Barre uga hirgeliyey Soomaaliya, balse markii uu wadi waayey uu ku qasabanaaday inuu soo magacaabo ra’iisul wasaare. “Arrintaan waa mid halis badan waxayna sababi doontaa in Somaliland ay go’do anaga ayaana u sabab ah, sidoo kale Puntland ayaa go’I doonta ama lagu dhibtoo doonaa, marka arrinta wuu Xasan wato ee nidaamka madaxtooyo lagu dhisayo, waa mid aan Soomaaliya lagu maamuli karin,” ayuu yiri Xundubey. Xundubey oo ka qeyb galay dood uu qabtay TV-ga SMS ayaa sheegay in nidaamkaan uu si gooni ah ugu adeegayo beelaha Mogadishu Clan, isla markaana aysan ogolaa doonin beelaha Dir iyo Daarood. Wuxuu tusaale u soo qaatay in madashii heshiiskaan lagu gaaray ee golaha wadatashiga qaran aysan metelaad muuqata ku laheyn Puntland iyo Somaliland, taasina ay adkeyn doonto in dalka lagu maamulo nidaam aysan wax ka ogolaan. Xundubey ayaa Xasan Sheekh ku dhaliilay in mararka qaar uu ku madax adeygo nidaam aan shaqey doonin, isagoo yiri “Tookadii hore waxaa Xasan laga fuji waayey 10 wasiir xukuumad ka kooban, markii ay shaqey weysay ayuu qaatay taladii uu markii hore diiday, waad aragtaan hadda xukuumadiisu waxay ka badan tahay 70 wasiir, marka nidaamkaan waxaa cad in uusan shaqey doonin ee yaan la isku lugoyn,” ayuu yiri Xundubey. “Madaxweynaha dastuurkaan ayaa lagu shex doortay, xeyndaabka dastuurkaan nagama saari karo, waxa laga rabo waa in dadkaan uu dib u heshiisiin u sameeyo, hadii aan madaxweyne ku xigeen qaadano oo ra’iisul wasaaraha laga gudbo Somaliland nooma soo noqoneyso, anaga ayaana u sabab ah,” ayuu yiri. Wuxuu sheegay Xundubey in xiligaan aysan munaasab ku aheyn xitaa hadii ay dhaceyso in laga guurayo nidaamka hadda lagu maamulo Soomaaliya, “Hadii aan guureyno howlo culus ayaa loo baahan yahay, madaxweynaha la doortay qorshaha uu wato laguma dooran, markii uu musharaxa ahaa, waxaa laga rabay inuu dadka u sheego hadii uu doonayo inuu wax ka bedelo nidaamka lagu maamulo dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray wasiir hore Xasan Xundubey. Hoos ka daawo The post Xundubey oo shaaciyey labada caqabad oo hortaagan qorshaha Xasan ee dastuurka appeared first on Caasimada Online.
-
Kalfadhigii 7’aad ee golaha Wakiillada oo dib loo dhigay. Qaran News
-
Booliska Mareykanka ayaa shaaciyay in ay xireen qof looga shakisanyahay in uu toogtay saddex nin oo dhallinyaro Falastiiniyiin ah. Toogashadan waxay ka dhacay meel ku dhow xarun jaamacadeed oo ku taal magaalada Vermont ee dalka Mareykanka, sida u sheegay telefishinka CNN. Saddexda qof ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Hisham Awartani, Kinnan Abdel Hamid iyo Tahseen Ahmed. Waxay wax ka baranayeen saddex jaamacadood oo kala duwan oo ku yaal Maraykanka. Taliyaha booliiska Burlington Jon Mura ayaa sheegay in laba ka mid ah dhibanayaasha ay xaaladdoodu wanaagsan tahay; Midka saddexaadna waxaa soo gaaray dhaawacyo aad daran. PUNTLAND POST The post Booliska Maraykanka oo gacanta ku dhigay nin ku eedaysan dilka arday Falastiiniyiin ah appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa qoraal uu soo saaray isbarbar dhig ku sameeyay shan urur oo Soomaaliya ay qeyb ka tahay iyo urur-goboleedka EAC ee ay Jimcihii ku biirtay. Cabdiraxmaan ayaa waxaa uu sheegay in Dallada Bulshada Bariga Afrika ee EAC ay uga duwan tahay ururada kale ee QM, AU, IGAD, AL iyo OIC in mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay dhaqaale iyo ganacsi, si taas loo xaqiijiyana ummadaha ku bahoobay daladda “ay ka gudbaan caqabadaha isu socodka dadka, fikirka, adeegga, badeecada iyo raasumaalka.” “Qofka Soomaaliga ah wuxuu ku farxayaa oo keli ah in uu dalalkaas dal ku gal la’aan tegi karo. Waa guul in aan daladdaas wayn ku biirno, dawladduna way ku ammaanan dadaalkaas,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur. Hoos ka aqriso qoraalka; Soomaaliya waxay xubin ka tahay QM, AU, IGAD, AL iyo OIC oo ah ururo mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay iskaaahi dhanka siyaasadda, nabadgelyada iyo horumarka. Daladda Bulshada Bariga Afrika waxa ay kaga duwan tahay in mudnaanta koowaad ee loo dhisay ay tahay dhaqaale iyo ganacsi, si taa loo xaqiijiyana ummadaha ku bahoobay daladda ay ka gudbaan caqabadaha isu socodka dadka, fikirka, adeegga, badeecada iyo raasumaalka. Soomaaliya maanta ma haysato afkaar, adeeg, iyo badeecad buuran oo ay suuq geyso, waxaase jira in aan hayno rasumaal uu dal weliba doonayo in aan ku maalgashano. Tusaale ahaan qof kasta ee Soomaali ah ee dakhligiisu kordho, wuxuu qoyskiisa dejiyaa Kenya, taasoo keentay in dabaqada dhexe (Middle Class)-ka Soomaalida ay badankood deggan yihiin Kenya, iyadoo maalgashiga ugu wayn ee dhismaha guryaha (Real State), uu haatan ka socdo Nairobi. Dabcan dawladaha kalana waxay daddaal ugu jiraan in aan rasumaalkeena ku maalgashano. Qofka Soomaaliga ah wuxuu ku farxayaa oo keli ah in uu dalalkaas dal ku gal la’aan tegi karo, sababtoo ah wuxuu doonayaa meel uu naftiisa, hantidiisa iyo ubadkiisa ku aaamino, caafimaad iyo waxbarsho uga helo, dalxiis iyo nasashana u tegi karo, qarashka ku baxaya waxaasoo idilna waxay faa’iido u tahay dhaqaalaha dalalkaas. Waa guul in aan daladdaas wayn ku biirno, dawladduna way ku ammaanan dadaalkaas, waxaase hubaal ah in aanan kaga faa’iidi karin sida uu haatan xaalkeennu yahay, haddiise aan waqti, tamar, hanti, hoggaan iyo caqligaba isku geyno wax ka qabashada taaganta, waxaan noqon karnaa dalka ugu faa’iidada badan timaaddada Gobolka. The post CC Shakuur oo shaaciyey waxa ay EAC uga duwan tahay 5 urur oo ay ku jirto Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa shalay daah-furay shirweynaha 2-aad ee guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah. Wasiir Fiqi oo hadal ka jeediyay shirweynaha ayaa shaaciyay in dowladda federaalka Soomaaliya ay qorsheynayso in sanadka soo socda ee 2024 dalka oo dhan laga hirgeliyo adeeg dad dhigis oo hufan, la iskuna haleyn karo. “Shirweynaha labaad ee guddiga qaran ee haggida dad dhigista iyo dhacdooyinka muhiimka ah ujeedkiisu waa soo jeedin howlaha qabsoomay iyo kuwa la qorsheynayo sanadka soo socda, kaasi oo ah hirgelinta adeeg dad dhigis, oo sharciyad leh, oo la isku halayn karo,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi. Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu dul istaagay ahmiyadda guddigaan, isaga oo ku booriyay in laga shaqeeyo ka mira-dhalinta qorshahaan, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimada in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo dadaallada kel-keli iyo midka wadajirka ah ee socda. “Guddigaan, oo ah guddi xubnihiisu isku dhafan yihiin kuwaas oo metela heer dowladd federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa ah midka ay ku xiran tahay xil-gudashadiisa guulaysiga ama guul-darraysiga adeegga dad-dhigidda.” Waxa uu intaas kusii daray “Sababta sidaas aan u leeyahay ayaa ah in xubin kasta oo guddigaan ka mid ah ay hoggaamiso wasaarad ama hay’ad xiriir toos ah la leh adeegga dad-dhigidda. Sidaa daraaddeed, waxaan si xurmad leh kaga codsanayaa xubnaha guddiga in aan xoojinno dadaalkeena, ha noqdo mid keli keli ah ama si wadajir ahba, ku aaddan ka miradhalinta dib-u-hirgelinta adeegga dad-dhigidda.” Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ku booriyay hay’adaha caalamiga oo horay taageero uga soo qaatay barnaamijkan in ay sii wadaan shaqada. Sidoo kale waxaa halkaasi kelmado kasoo jeediyay maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka tirsan dowlad-goboleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya. Maamullada kala duwan ee dalka ayaa dhankooda xaqiijiyay in degmooyinka ay diyaar u yihiin hirgelinta howlahan, islamarkaana ay sugayaan maalintii la bilaabi doono, uuna nidaamka muhiim u yahay caafimaadka, waxbarashada, tirakoobka iyo guud ahaan bedqabka dadka iyo dalka. Hoos ka daawo muuqaalka Wasiir Fiqi The post Daawo: Fiqi oo shaaca ka qaaday adeeg cusub oo dalka oo dhan laga hirgelinayo 2024 appeared first on Caasimada Online.
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa maanta xarigga ka jaray dhismaha xarunta cusub ee wasaaradda caafimaadka dowlad-goboleedka Jubbaland. Dhismaha wasaaradda oo loo dhisay qaab-casri ah, ayaa waxa uu ra’iisul wasaaraha sheegay in hirgelinteeda ay ku soo aadday xilli muhiim ah oo gobolka ay ka socdaan dadaallada wax ka qabashada cudurrada ka dhasha daadadka iyo fatahaadaha biyaha ee la xariira caafimaadka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray wasaaradaha caafimaadka heer federaal iyo heer dowlad-goboleed in heegan ay galaan, si looga hortago cudurrada faafa ee ka dhasha biyaha wasakhaysan, islamarkaana ay ka yeeshaan qorshe cad. Madaxda wasaaradda caafimaadka Jubbaland oo uu ra’iisul wasaaruhu kulan la qaatay, ayaa soo bandhigay qorsheyaashooda la xiriira wax ka qabashada saameynta roobabka daadadka wata iyo adeegyada kala duwan ee ay wasaaraddu siiso bulshada ku nool deegaannada Jubbaland. Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sidoo kale waxay maanta soo kormeer ku tageen Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, iyaga oo maray qeybaha kala duwan ee Isbitaalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa wuxuu warbixinno ku saabsan xaaladaha caafimaad ee dadka ku jira isbitaalka ka dhageystay dhakhaatiirta, oo la wadaagay cabsida ay ka qabaan cudurro safmareen ah oo ka dhasha barakaca degdegga ah ee soo foodsaaray dadka deegaanka. Waxa uu faray wasaaradda caafimaadka XFS in wax laga qabto adeegyada uu u baahan yahay Isbitaalka guud ee magaalada Kismaayo, maadaama laga cabsi qabo roobabka daadadka wata in ay sababaan cudurrada ka dhasha biyaha. Kormeerka ayaa waxaa ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubbaland ku wehlinayay Wasiirro iyo Xildhibaanno heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah. The post Sawirro: Ra’iisul Wasaare Xamza iyo Axmed Madoobe oo 2 arrin sameeyay maanta appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka tirsan golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa ka warbixiyey xaaladda ka taagan deegaanada uu ka soo jeedo ee Jubbaland, isagoo shaaciyey buundooyin muhiim ah oo daadadka ka dhashay roob ay burburiyeen. Senator Fartaag ayaa sheegay in xaalad aad u daran ay ka jirto Jubbaland, gaar ahaan gobolka Gedo, wuxuu sheegay inay go’een buundooyinkii Baardheere iyo Buurdhuubo, sidoo kale buundada degmada Luuq ayuu sheegay in burbur xoog leh uu gaaray, magaaladuna ay ku jirto xaalad go’doon ah. Senatorka ayaa shaaciyey in lasoo sheegayo inay burbureen buundooyinka Jilib, Bu’aale iyo Kadsuumo oo kooxda Al-Shabaab ay joogto cid u gurma kartana aysan jirin. Fartaag ayaa aad ugu dhaliilay dowladda federaalka gurmad yarida, “Sidii la rabay dowladda dhexe uguma gurman dadkaas, dowladdu hadii ay wax gaarsiisay dadka ay xaaladda El-nino saameysay, weli doorkeeda wax badan ayaa ka dhiman ee ha dedejiso gurmadka,” ayuu yiri. Sidoo kale Senator Fartaag ayaa codsi u diray dadka qurba joogta ah ee ka soo jeeda Jubbaland, “Walaalayaal wax iska uruuriya oo dedejiya, dadkeenu waxay ku jiraan xaalad aad u liidata, soo gurmada,” ayuu yiri. Senatorka ayaa sheegay in hadda aan laga fekeri karin in la dhiso buundooyinka go’ay maadaama ay dadkii wajahayaan xaalad aad u daran oo u baahan in la badbaadiyo noloshooda, “Buundooyinka la leeyahay waa la dhisayaa dadkii mari lahaa ayaa dhamaanaya ee hala soo gaaro,” ayuu yiri Fartaag. Wuxuu sheegay in buundooyinka la dhisi doono markii dadka laga samata bixiyo xaaladaan halista ah, “waan u soo jeesa doonaa dhismaha buundooyinka, safaaradaha ayaan la kaasha doonaa ama anaga dhan ayaa isugu tegi doona “Dakeenii ayaa badbaadin u baahan oo baahi u dhimanaya waxaad heysaan soo dedejiya walaalayaal,” ayuu yiri Fartaag. Wuxuu sheegay in hobolka Jubbada Hoose ay ka jirto xaalad lamid ah tan ka jirta Gedo, balse aysan jirin cid soo bandhigeysa dhibaatada iyo cid u gurmaneysa toona, isagoo codsaday in la gargaaro dadka reer Jubbaland oo si siman ay u saameeyeen fatahaadaha uu sababay roobka Deyrta ee dalka ka da’aya. Hoos ka daawo The post Daawo: Fartaag oo arrin xasasaasi ku eedeeyey DF appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Maxamed Barre ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaal maanta ciidamo ka tirsan booliska gobolka Banaadir iyo kuwa Koonfur Galbeed ku dhex maray deegaanka Jaziira ee gobolka Shabeellada Hoose. Guddoomiye Maxamed Barre oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan booliska gaarka ah ee Haramcad ay weerar toos ah ku soo qaadeen askar ka tirsan booliska K/Galbeed oo joogay goob lagu canshuuro gaadiidka. Guddoomiyaha ayaa sheegay in ciidamada K/Galbeed aysan sameyn wax iska caabin ah, maadaama horay loo siiyey amar ah inay isaga baxaan goobtii lagu soo weeraro. Wuxuu sheegay in ciidanka Haramcad ay halkaas ku dilay hal askari, hal kalena ay ku dhaawaceen, ciidamada Koonfur Galbeed ayaa xiliga la weeraray ku sugnaa kastam canshuurta lagu qaado oo K/Galbeed ay ku leedahay deegaanka Jaziira. Ciidanka weerarkaas fuliyey ayaa la sheegay inay ka baxeen Muqdisho, isla markaana ay dib ugu soo laabteen howlgalkaas kadib, maamulka K/Galbeed ayaa falkaan uga dacwooday maxkamadda ciidamada sida uu caawa sheegay guddoomiye Maxamed Barre. Guddoomiyaha ayaa sheegay in shalay ay la shireen saraakiisha booliska gobolka Banaadir, isla markaana ay ka codsadeen in lagu ixtiraamo masuuliyadda iyo shaqada ay ka hayaan deegaanka Jaziira, balse wuxuu sheegay in falkaan uu maanta dhacay oo ay la yaabeen weerarkaan. Ugu dambeyntii guddoomiye Maxamed Barre wuxuu sheegay in K/Galbeed aysan cidna uga waaba doonin masuuliyadda maamul ee oa saaran deegaanka Jaziira oo maamulka gobolka Banaadir uu quud-dareynayo. Hoos ka daawo The post Daawo: Koonfur Galbeed oo sheegtay inay soo weerareen Haramcad ka baxay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa Jimcihii si rasmi ah ugu biirtay dallada bulshada Bariga Afrika, waxayna sidaas ku noqotay xubintii 8-aad ee urur-goboleedkan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo markaas ka qeyb-galay Meertada 23-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) ayaa guddoomay kursiga xubinnimo ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo la aqbalay codsigeedii ku biiridda dalladan. Kadib guushan taariikhiga ah ee Soomaaliya ay gaartay, waxaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud horyaalla xaqiijinta fursadaha iyo sharciyada ururkaan, oo ay si rasmi ah ugu dhaqan-gasho arrintaan. Inkasta oo shuruudaha qaar ka soo bixidooda ay Soomaaliya ku qaadan karto dhawr sano, haddana waxaa Xasan Sheekh looga fadhiya in uu bilaabo dhismaha wasaarad cusub oo kamid noqoneysa xukuumadda. Dal kasta oo xubin ka ah ururkaan waa in uu leeyahay wasiir qaabilsan Bariga Afrika, sidaas darteed waa in Soomaaliya dhistaa wasaarad qaabilsan Bariga Afrika. Sidoo kale, Soomaaliya waa inay sameyso guddiyo qaabilsan ka shaqeynta sharciyadda loo baahan yahay iyo dhameystira qoddobo la xiriira xubinimada shaqeysa. Shuruucda Soomaaliya wax badan ayaa iska beddeli doona, waa in aan wax badan oo sharciyo ah la wadaagno dalalka Bariga Afrika. Soomaaliya waa inay sharciyo badan la wadaagta dalalka ku jira ururkaan. Si kastaba, ku biirista Soomaaliya ee EAC ayaa waxaa laga faa’iidi doona arrimo ay kamid yihiin; fursad ganacsi, isku socodka iyo weliba iskaashiga ammaanka, difaaca, tiknoolajiyadda iyo sharciga, kadib marka ay si rasmi ah u shaqeyso xubinimada Soomaaliya. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo laga rabo dhismaha wasaarad cusub kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
