Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Xukuumadda Somaliland oo Heshiis la Gashay Shirkad Badeecadaha Qaada Hargeysa(Qaran news)- Shirkadda ALS Worlwide oo ka shaqaysa qaadista alaabaha iyo fududaynta adeegyada gaadiidka ayaa heshiis is-af-garad la saxiixatay Somaliland. Heshiiska ayaa shirkaddan u saamaxaya inay xarun tababar oo la sharciyaysan ka aasaasto Somaliland, taasoo lagu tababari doono dirawaliinta iyo dadka ku shaqeeya farsamada Mishiinnada. Heshiiskan ayaa sidoo kale u oggolaanaya shirkaddan ALS Worlwide inay dejiso hannaanka la socodka gaadiiska galaya Itoobiya iyo guud ahaan baria Afrika si loo helo xog sugan oo ku saabsan hadba goobta ay marayaan gaadiisku iyo waxa ay sidaan. Dale Calked oo ah agaasinka maamulka ee ALS ayaa sheegay in arrintani ay dammaanad qaadayso in shirkadaha gaadiisku helaan qiimayaasha saxda ah ee ay ka qaadi karaan dadka ganacsatada ah. Bishii August ee sannadkan ayaa shirkaddan ALS World wide, hawl galladeeda soo gaadhsiisay magaalada Berbera, halkaasoo ay qayb ka noqon doonto shaqooyinka dekedda ka socda ee DP world iyo shaqada culus ee ka socota waddada isku xidha Somaliland iyo Itoobiya. Waxaanay isla wakhtigaa shirkaddani heshay qaadatay liisammada ganacsiga iyo gaadiidka ee kaga dhex shaqayn doonto Somaliland, iyada oo hore u haysatay Liisammadeeda Itoobiya. ALS Worldwide ayaa quudarraynaysa inay ka faa’idaysato waddad cusub ee Wajaale(Wajale Corridor) ee tagta Addis Ababa. Ballaadhinta DPworld ee dekedda Berbera oo ah mid qaybo kala duwan leh, ayaa la filayaa inay fududayso habsami u socodka ganacsi u dhigma 27% wax soo saarka dhaqaalaha gudaha ee Somaliland ama GDP. Dhinaca Somaliland heshiiska waxa u saxiixay wasiirka ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad, dhinaca ALS Worldwide-na waxa uu qalinka ugu duugay Sadiiq Jaamac. Qaran News
  2. Guddoomiyaha iyo Murrashaxa xisbiga Waddani oo la Kulmay Maayarka Magaaladda Bristol Bristol(Qaran)- Guddoomiyaha iyo Murrashaxa madaxweynaha xisbiga WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa hoolka Shirarka ee magaalada Bristol kula kulmay Maayarka magaaladaasi. Sidaasna waxa uu ku sheegay Guddoomiye Xirsi qoraal uu ku bashiyay Barta X ee hore loo odhan jiray Twitter, waxaanu xusay in kala hadleen horumarka ay samaysay magaalada Bristol iyo sidii ay iskaashi mataaneyn ah ula yeelan lahayd magaalooyin badan oo ku yaalla Somaliland. Guddoomiyaha WADDANI wuxuu intaas ku daray in si wanaagsan loogu soo dhaweeyay xarunta maamulka Bristol. Qaran News
  3. Wasiirka wasaaradda qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo maalmihii tagay socdaal ku tagay Jubbaland ayaa o khudbad uu maanta ka jeediyey xarunta golaha shacabaka uga warbixiyay deegaanadda jubbaland oo xaalad adag ay ka taagantahay iyo dhibaatadda ka taagan deegaanada webiga uu maro. Beenebeene oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan golaha ayaa marka hore sharaxaad ka bixiyey xaaladda guud ee dalka iyo saameynta roobabka inta ay gaarsiisantahay ayaa sheegay in aan la qiyaasi karin saameynta ka dhalatay roobabka guga ee dalka ka da’ay, isaga oo si gaara uga warbixiyey socdaal uu ku magaaladda Kismaayo deegaanada ku xeeran oo si siman fatahaadda webi jubba u gaartay, meelaha qaarne dad ugu dhinteen. Beene-beene wasiirka qorsheynta ayaa yiri “inta aan dadka u tageynay maydad biyaha wadaan ayaa meelaha qaar laga qabanayey oo ah meelihii biyaha go’doomiyeen oo ay ku dhinteen, halka inta soo hartay aysan heysan dhar, guryo iyo biyo nadiif ah”. Maamulada sida saa’idka ah uu u saameyeen daadku ayuu ku sheegay Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle oo gobolada labada webi maraan, halka xaalka magaaladda Buula burte uu ku tilmaamy mid aan la qiyaasi karin oo boqolkiiba Sagaashan (90%) ay biyuhu xadigii saxda ahaa kor u dhaafeen, dabooleenne Afar ka mid ah 5 ceel-biyood oo magaaladdu laheyd. Shacabka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay wasiirka Qorsheynta XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene-beene in ay u gurmadaan oo garabsiiyaan walaalahooda ay saameyseen fatahaadaha iyo daadka ka dhashay roobabka guga ee dalka ka da’ay. Source: goobjoog.com
  4. Kalfadhiga 4-aad kulankiisa labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS oo uu maanta shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), goobjoogna ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow ayaa si weyn looga dooday saameynta fatahaadaha iyo gurmadka socda. Dooddan oo maalintii 2-aad ahayd ayaa waxaa ka hadlay in ka badan 50 xildhibaan oo golaha Shacabka ah, iyaga oo la isdul istaagay xaalada fatahaadaha ka jira dalka iyo khasaarihii ka dhashay, iyo qeybtinta warbixinta xisaab xirka sanad maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decembar 2022-ka iyo qeybinta qoondaha Miisaaniyadda 2024. Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa si isku mid ah ugu dooday ugana qiirooday qoysaska Soomaaliyeed ee wax yeeladu ka so gaartay fatahaada iyo daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gobolada dalka, waxayna xildhibaannadu soo jeediyeen in hay’adaha dowladda u xilsaaratay arrimaha samafalka iyo mas’uuliyiinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS loo yeero. Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo gunnaanaday kulanka maanta ayaa waxaa uu ku soo gabagabeeyay in loo yeero Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka si wax looga weeydiiyo xaalada fataahaadaha ka jira dalka iyo halka ay wax marayaan, maadaama Xildhibaannada soo jeediyeen. Source: goobjoog.com
  5. Wararka ka imaanaya xeebaha gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay halkaasi lagu af-duubtay doonni nooca kalluumeysiga ah. Doonnida Kalluumeysi ayay koox burcad-badeed ah ka qafaasheen xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari sida laga soo xigtay warar lagu kalsoon yahay. Weli lama shaacin magaca doonta la af-duubtay iyo tirada shaqaalaha saaran midna waxaase la xaqiijiyay in ay tahay doonni nooca kalluumeysiga ah. Ciidamada badda Puntland ee PMPF ayaa sidoo kale la sheegay in ay hawlgal ugu baxeen xeebta lagu af-duubtay doonta inkastoo aysan weli war rasmi ah ka soo saarin. Dhacdadan ayaa noqonaysa tii labaad ee lagu af-duubto doonni kalluumeysi waxaana ka horraysay doonni kalluumeysi oo dhawaan laga qafaashay xeebta degmada Eyl ee gobolka Nugaal. PUNTLAND POST The post Doonni Kalluumeysi oo lagu af-duubtay xeebta degmada Qandala ee gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  6. Nairobi (Caasimada Online) – Diyaaradda Kenya Airways ayaa shaacisay inay bilaabeyso duulimaadka tooska ah ee Muqdisho-Nairobi ah, kaasi oo dib u bilaaban doona horraanta sanadka soo aadan ee 2024-ka. Kenya Airways ayaa sheegtay in duulimaadka cusub ee Muqdisho-Nairobi uu noqon doono toddobaadkiiba saddex jeer, kaasi oo ku kacaya qiimo aad u sarreeya. Qiimaha Ticket-ka ay shaacisay diyaaradda Kenya ayaa ah $1050 (Kun iyo konton dollar), oo ah mid aad qaali u ah oo ka badan labo jibaar qiimaha Ticket-ka xilligan ee duulimaadyada Muqdisho-Nairobi. August 2020, ayay aheyd markii duulimaadyada diyaaradda Kenya Airways si KMG ah loo hakiyay caabuqa Karoona (Covid-19) oo dilaacay awgiis, wuxuuna hadda dib u bilaaban doona 14-ka bisha Febraayo 2024. Julius Thairu, oo ah Madaxa Ganacsiga iyo Macmiilka ee Kenya Airways oo ka hadlayay ka hor inta aan la bilaabin duulimaadka, ayaa yiri, “Waxaan aad ugu xiisayneynaa suurtagalnimada in dib loo yagleelo xiriirkii Muqdisho iyo Nairobi iyada oo loo marayo KQ. Tallaabadan ayaa la xiriirta ganacsiga sii kordhaya iyo tirada sii kordheysa ee isu socodka hawada Kenya iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Julius Thairu oo ah madaxa xafiiska ganacsiga iyo macmiilka ee Kenya Airways. “Diyaaradda Kenya Airways waxaa ka go’an inay macaamiisheena siiso adeeg tayo sare leh, anagoo ka wada-shaqaynayna sidii aan u kobcin lahayn ganacsiga iyo maalgashiga si loo helo kobac joogto ah.” Si kastaba, Dib usoo celinta duulimaadyada Muqdisho-Nairobi ayay Kenya Airways ku macneysay qayb kamid ah istaraatiijiyadda ballaarinta shabakadda Kenya Airways iyo horumarinta isku xirka qaaradda Afrika, si ay gacan uga geystaan horumarka dhaqaale ee mustaqbalka fog. The post Kenya Airways oo qiimo lala yaabay ku billaabeysa duulimaadka Xamar-Nairobi appeared first on Caasimada Online.
  7. Wasiirka Daakhiliga oo la Kulmay Madaxda Mashruuca JPLG Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa kulan la qaatay Madaxa Mashruuca JPLG. Kulankan ayaa lagaga dooday bilowga weji afraad ee mashruuca maamul Daadejinta ee JPLG, kulankan waxaa ka soo qaybgalay Hay’addaha qaybta ka ah Mashruucan. Qaran News
  8. Lamaane waayeello ah oo carruur u dhalatay iyo welwel laga qabo cidda korintooda ka caawineysa Haweeney 73 sano jir ah oo ku nool gobolka Koonfurta dalka Hindiya ee Andhra Pradesh ayaa dhashay laba carruur oo mataano ah. Caruurtan oo gabdha ah ayay dhaqaatiirtu shegeen inay aaminsan yihiin in sababtu ay tahay in la bacrimiyay oo shahwada ninkeeda lagu beeray minka haweeneyda. “Hooyada iyo carruurtaba aad bay u wanaagsan yihiin”, sidaas waxaa BBC-da u sheegay dhaqaatiirta isbitaalka ay haweenaydaan ku dhashay. Haweeneyda cartuurta dhashay oo lagu magacaabo Mangayamma Yaramati ayaa sheegtay in iyada iyo seygeyda oo da’diisu ay tahay 82 jir ay marwalba ku han-weynaayeen inay carruur helaan, balse taas aysan horay u dhicin. Qaran News
  9. Xamaas oo sheegtay inay diyaar u tahay kordhinta xabbad joojinta Saaka, Xamaas waxay muujisay rabitaankeeda ay ku doonayso in la kordhiyo xabbad joojinta Qaza muddo afar maalmood ah, iyo inay sii socoto maxaabiis is waydaarsigu, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhaqdhaqaaqa. Xamaas ayaa sidan ku wargelisay dhexdhexaadiyeyaasha, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Faransiiska, waxayna xaqiijisay inay awood u leedahay inay sii deyso tiro maxaabiis ah oo Israa’iili ah oo ay gacanta ku hayso, iyadoo la raacayo shuruudaha xabbad jooojinta iyo saamiga halkii qof ee Xamas sii deysaba in loosie daayo saddex falastiiniyiin ah. Madaxa Mossad sirdoonka Israa’iil Dedi Barnea iyo madaxa CIA-da Maraykanka William Burns ayaa kulan qarsoodi ah kula yeeshay magaalada Doha Ra’iisul Wasaaraha Qatar, waxayna ka wada hadleen sidii loo kordhin lahaa xabad joojinta u dhaxeysa Israa’iil iyo Xamaas. Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Mareykanka, labada dhinac ayaa ka wada hadlay tallaabadan, oo sidoo kale lagu dari doono heshiis weyn oo is dhaafsi ah oo ay ku jiraan askar la qabtay. Qaran News
  10. Xukuumadda oo Ruqsadii kala Noqotay Nootaayooyonka Qaarkood Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Caddaalada JSL ayaa qaar ka mid ah nootaayooyinka dalka kala noqotay ruqsadihii ay ku hawlgalayeen. Qaran News
  11. Hargeysa(Qaran news)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda UN-ta. Waxaana Kulankaa lagaga wada-hadlay wajiga 4aad ee mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee JPLG-ga oo la filayo in uu sannadka cusub 2024 bilaabmo, sidoo kale waxa kulanka lagu lafa guray wajigii 3-aad ee dhammaaday waxyaabihii guud ahaan qabsoomay iyo caqabadiihii ka hor yimi. Qaran News
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino hordhac ah ayaa kasoo baxaya qarax goor sii horeysay ka dhacay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland. Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay aalad aan illaa hadda la xaqiijin nooceeda, kaasi oo ka dhacay agagaarka wadada ka tagta Saldhiga Galbeed ee aada Bixin ee magaalada Garowe. Sida illaa hadda la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay saddex dhalinyaro ah oo la dhigay isbitaalka, iyaga oo qaba dhaawacyo fudud, sida ay warbaahinta u sheegeen qoysaskoodu. Ciidamada ammaanka caasimadda ayaa gaaray meesha uu qarax ku helay dhalinta, iyagoo baaritan ku wada qaraxan. Waalidka dhalay caruurtan ayaa sidoo kale sheegay in aysan garanayn waxa ku qarxay caruurtooda, balse ka war sugayan baaritanka. Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online The post Sawirro: Khasaaraha qarax ka dhacay magaalada Garoowe appeared first on Caasimada Online.
  13. Hargeysa, Qaran news)-Gudoomiyaha gudiga beelaha West Burco Clan Axmed Cismaan Caddegude ayaa soo dhaweeyay go’aamadii shalay ka soo baxay shirkii beelaha East Burco Clan ugu soo dhamaaday magaalada Burco. Waxa uu hanbalyeeyay shirkaasi waxa uu sidoo kale ku booriyay beelaha Sool clan in ay iyana ay baaqaasi soo dhaweeyaan oo ay soo saaraan baaq la mid ah kaasi oo kale oo khuseeya nabada iyo daris wanaaga. Sidookale waxa hadalkaasi suldaan caddegude taageeray oo daba istaagay suldaanka guud Suldaan Suldaan Cali Madar Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Garaad Cumar ayaa shaaca ka qaaday dhibaato xooggan oo ka taagan garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ee Aadan Cadde. Yuusuf ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay in dadka rakaabka ah ee garoonka Aadan Cadde ka soo dega xilliga habeenkii ay la kulmaan rafaad, maadaama gaari soo geli kara Gegida iyo mid ka bixi karaa aanay jirin. “Waxaan arkay aabbe iyo hooyo mid kastaa ilmo yar kor u hayo, oo dhex taagan dhowr boorso. Dadka aga maraya ayay ku eegayaan indho ay ka muuqato war aan indiin duceynee gacan na siiya oo meesha naga saara,” ayuu yiri Yuusuf Garaad. Waxa uu sheegay in kadeedku uusan ku koobnayn oo keliya in bas iyo gaadiid kale midna loo diyaarin rakaabka, balse xataa aan loo oggoleyn in ay dalbadaanna. “Waddada keliya ee furan waa mid aan laami ahayn oo in tunka lagu qaado maahee aan boorso lagu jiidi karin, mugdi ah, iyada lafteeda ay biyo fadhiyaan meelaha qaar, oo ay tahay in lagu lugeeyo kiilomiitir ka badan si gaadiidka dadweynaha loo gaaro.” Sidoo kale waxa uu intaas kusii daray “Waxaan u qabaa in dadweynihii habeenkaas soo degey la dayacay, halisna la geliyay. Ma jirto dayaarad soo degi karta ruqsad la’aan. Airporku haddii uu gaadiid oo dhan ka xiran yahay, dayaaradahana waa in uu ka xirnaadaa.” Hoos ka aqriso qoraalka; Gegida dayaaradaha Aden Cabdulle waxay u baahan tahay in sida loo dhaamo. Marka laga soo tago dhaliilo badan oo soo jireen noqday, oo aan la nool nahay, waxaan hadda jecelahay in aan ka hadlo dhaliil culus, wax ka qabadkeeduna aad u sahlan yahay. Waxaan arkay dayaarad rakaab ah oo soo degtay 7- da fiidnimo iyada oo gaari soo geli kara Gegida iyo mid ka bixi karaa aanay jirin. Ku dar xataa Baska Sahal ma shaqeyneyn. Waxaan arkay hooyo sidda ilmo aad u da’yar oo hurdaya, isla markaa laba boorso midna dhabarka ku sidda midna jiideysa, oo dalcadda yar ee airporka looga baxo ku dhibban. Waxaan arkay aabbe iyo hooyo mid kastaa ilmo yar kor u hayo, oo dhex taagan dhowr boorso. Dadka aga maraya ayay ku eegayaan indho ay ka muuqato war aan indiin duceynee gacan na siiya oo meesha naga saara. Kadeedku kuma koobnayn in aan bas iyo gaadiid kale midna loo diyaarin rakaabka, in ay dalbadaanna aan loo oggoleyn. Marka ay gegida lug uga soo baxaan, waxaa gaadiid ugu dhow kan dadweynaha oo maraya meel dhowr km u jirta. Afarta waddo ee airporka ka baxa, saddexda laamiga ahi waa ay go’an yihiin. Waxaa ceegaagta xareed ay ka tageen daadad meel fog ka yimid iyo roob maalmo ka hor da’ay. Waddada keliya ee furan waa mid aan laami ahayn oo in tunka lagu qaado maahee aan boorso lagu jiidi karin, mugdi ah, iyada lafteeda ay biyo fadhiyaan meelaha qaar, oo ay tahay in lagu lugeeyo kiilomiitir ka badan si gaadiidka dadweynaha loo gaaro. Waxaan u qabaa in dadweynihii habeenkaas soo degey la dayacay, halisna la geliyay. Khasab ma aha in aad noqoto khabiir ama qof aad u fiiro dheer si aad u garato in rakaabka dayaaradda ku imaanayaa oo waayeel, carruur iyo xataa bukaan uu ku jiri karo, oo wata boorsooyin culculus ay u baahan yihiin gaadiid ay raacaan. Ma jirto dayaarad soo degi karta ruqsad la’aan. Airporku haddii uu gaadiid oo dhan ka xiran yahay, dayaaradahana waa in uu ka xirnaadaa. Waan la yaabay in aanan maqal dad rakaabkii ka mid ah oo Maxkamad geeyay cidda ka mas’uulka ah dayaca intaa la eg. Khaladdaadka badan ee xalkoodu fudud yahay in midba mar la saxo, waxay dadweynaha siineysaa kalsooni, in ay samofishaan iyaguna ay nidaamka u hoggaansanaadaan. The post Yuusuf Garaad oo shaaciyay dhibaato xooggan oo ka taagan garoonka Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
  15. Alliance Wellness Center’s Yussuf Shafie says East African women grappling with addiction need treatment tailored to them. Source: Hiiraan Online
  16. Madaxweyne Ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa Maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefti ka socda UN-ta. Waxaana Kulankaa lagaga wada-hadlay wajiga 4aad ee mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee JPLG-ga oo la filayo in uu sannadka cusub 2024 bilaabmo, sidoo kale waxa kulanka lagu lafa guray wajigii 3aad ee dhamaaday waxyaabihii guud ahaan qabsoomay iyo caqabadiihii ka hor yimi. Source
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib hadal kulul oo uu ka dhex jeediyay kulankii maanta ee baarlamaanka. Gama’diid ayaa si weyn uga horyimid qorshaha uu wado madaxweynaha ee ku aadan wax ka beddalka Dastuurka KMG ka ah oo haatan ay ku howlan tahay Villa Soomaaliya. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Xasan Sheekh uu hadda wado wixii uu shalay ku diidayay Farmaajo, uuna ku dhaqmayo sharci darro, sida uu hadalka u dhigay. “Madaxweynaha maalmahaan waan aragnaa kulamo ayuu wadaa, Dastuur uu shalay isaga yiri xildhibaanow mas’uuliyiin ayaad tihiinee sharci darrada uu madaxweyne Farmaajo wado iyo muddo kordhinta ka hortega” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed (Gama’diid) Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha inuu doonayo inuu si qasab ah ku fuliyo damaciisa ku aadan wax ka beddalka Dastuurka oo ay haatan ka taagan tahay dood culus. “Dantaada gaarka ah iyo xukunka inaan joogo ayaan rabaa & Dastuur aad dad ku qasbeyso xagga iska dhig, Ilaaheybaa ku daalacanaayeen intaad ka baqdid ee Ummaddan sidii loo badbaadin lahaa ee buuraha saaran dadka taas ku baraaruji” ayuu mar kale yiri Gama’diid. Xildhibaanka ayaa ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu meel iska dhigo siyaasadda, kadibna uu diiradda saaro xaaladda bani’aadanimo ee ka taagan dalka. “Sharci darro ayaa hadda wadaa madaxweyne ee waxa kala qaybinayo Ummadda jooji gargaarka iyo arimaha taagan ka hadal iyo samata bixinta dadka” ayuu kusii daray. Si kastaba, Kalfadhigga-aad ee baarlamaanka 11-aad oo furmay 25-kii bishaan November ayaa la filayaa in go’aan looga gaaro arrinta Dastuurka oo ay haatan dood ka qabaan siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. The post Yuusuf Gama’diid: Xasan Sheekh wuxuu wadaa wixii uu shalay ku diiday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.
  18. Nairobi (HOL) - Kenya Airways (KQ) has announced the resumption of direct flights to Mogadishu from Nairobi, starting February 14, 2024. This resumption marks the ending of a three-year suspension due to the COVID-19 pandemic and is seen as a significant boost to Somalia-Kenya connectivity. Source: Hiiraan Online
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Maareynta Musiinooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA) ayaa mar kale digniin culus soo saartay, taas oo ku aadan halis ku soo wajahan Soomaaliya, taas oo ay sheegtay inay muujineyso saadaal la sameeyay. SoDMA ayaa shaaca ka qaaday in todobada cisho ee soo socota ay di’i karaan roobah xoogan oo daadad wata, isla-markaana ay ka di’i doonaan gobollada dalka. “Todobada cisho ee soo socota oo ah asbuunca ugu dambeeyay ee bisha November iyo asbuuca ugu horreeya bisha December 2023ka waxay saadaashu roobka xilliga Dayrta muujinaysaa in roobab fiican ay ka di’i doonaan qaybo kamid ah gobollada dalka” ayaa lagu yiri digniinta. Waxaa kale la raaciyay “Xaddiga roobabkaas ay heli doonaan sida saadaashu sheegeyso ayaa cabirkoodu u dhexeeyaa 30 illaa 100 (mm)” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Hay’adda ayaa si gaar ah u tilmaamtay in roobabkaas ay ku wajan yihiin gobollada Bari, Nugaal, Sool, Sanaag, Togdheer, Baay, Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo gobolka Banaadir, waxayna heli doonaan roobab cabirkoodu u dhexeeyo 50 illaa 100 (mm). Degmooyin kamid ah gobolladan waxay saadaashu sheegeytay in roobabkaas ay sababi karaan daadad iyo fatahaado (Flood iyo Flash Floods). Sidoo kale dgemooyin ka tirsan gobollada Mudug, Waqooyi Galbeed, Shabeelaha Hoose, Shabeelada Dhexe iyo Gedo ayaa waxaa la saadaalinayaa inay ka da’aan roobab cabirkoodu u dhexeey 30 illaa 60 (mm), sida ay sheegtay Hay’adda Maareyynta ee SoDMA. Waxaa kale Hay’adda SoDMA ay intaasi ku dartay in roobabkaas la saadaalinayo ay sababi karaan khasaare xooga, ayada oo shacabka ugu baaqday inay muujiyaan feejignaan. “Haddii roobabka la filayo todobaadkan ay da’aan sida saadaashu sheegeyso waxay gaysan karaan khasaare isugu jiro naf iyo maalba leh” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka. Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka taagan xaalad bani’aadanimo oo aad u daran, taas oo ka dhalatay roobaab daadad wata iyo fatahaado xoogan oo ku dhuftay gudaha dalka. The post DIGNIIN: Maxaa dhacaya toddobada cisho ee xiga? appeared first on Caasimada Online.
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa dhawaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud u magacaabay safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya. Jabriil Ibraahim Cabdulle oo ahaa madaxa hay’ada cilmi-baarista ee CRD, kana mid ahaa hoggaanka ururradda bulshada Rayidka ah ee dalka Soomaaliya, ayaa beddelaya Maxamed Nuur Tarsan oo uu magacaabay madaxweyne Farmaajo 2018-kii, kaasi oo intii uu fadhiyey Nairobi labada dal ay dhex-mareen iska hor-imaadyo diblomaasiyadeed. Magacaabista Danjire Jabriil Ibraahim ayaa waxaa si weyn usoo dhoweeyay Soomaalida ku nool dalka Kenya, iyaga oo ku tilmaamay mid ay ku bogaadinayaan dowladda federaalka Soomaaliya oo ay sheegeen in ay tahay mid wax qabatay 16 bilood oo ay jirtay. Nabadoon Axmed Faarax oo kamid ah Odayaasha ku nool xaafada islii ayaa u sheegay Caasimada Online in madaxweyne Xasan Sheekh uu dalka Kenya u soo magacaabay shaqsi aqoon u leh caalamka, isagoo sheegay in Danjire Jabril Ibraahim uu yahay shaqsi wax ka qaban kara xaaladda Kenya iyo Soomaaliya iyo baahida Soomaalida ku nool Kenya. Soomaalida ku nool Kenya, gaar ahaan xaafada Eastliegh ayaa ganacsiyo waaweyn ku leh Kenya, gaar ahaan xaafada Eastliegh, waxayna Danjirayaashii soo maray dalka Kenya ay ka war qabeen dadka degan xaafadaas iyo ganacsigooda, xilli mararka qaar ay safiirada la kulmaan waxgaradka Soomaalida ee degta Eastliegh, kuwaasi oo ay ka wareystaan xaaladda amni iyo hadii ay dhibaato kala kulmaan dowlada Kenya. Isku soo wada duuboo Soomaalida degan Kenya, gaar ahaan xaafada Eastliegh ayaa lagu wadaa in ay maalmaha soo socda sameeyaan xaflado ay ku soo dhawaynayaan safiirka cusub ee Soomaaliya u soo magacaabatay Kenya Jabriil Ibraahim Cabdulle. Jabriil Ibraahim ayaa ah shaqsi aqoon u leh diblumaasiyada, waxa uuna ka soo shaqeeyay oo uu soo noqday madaxa hay’ada cilmi-baarista ee CRD kadib dilkii Marxuum Cabdiqaadir Yaxye. Danjire Jabril Ibrahim ayaa ku dhashay magaalada Muqdisho 1969-kii, isagoo isla magaaladan ku qaatay waxbarashada ilaa dugsi sare. 1990-1995: Cilmiga Sociology iyo Public Administration ayuu ka dhigtay Carleton Universiy, Otota ee dalka Canada, isagoo heysta shahaadada koobaad ee Political Science, waxaa uu si gaar ah ugu taqasusay xallinta khilaafaadka. Mr. Jibril waxaa mudooyinkii la soo dhaafay ku jiray siyaasada, asaga oo soo boqday Musharax Madaxweyne, waxa uuna in badan ka soo shaqeeyaya oo uu Madax ka ahaa hey’adda Centre for Research and Dialogue (CRD), hey’addan oo ay wada aas-aaseen isaga iyo Dr. Cabdiqaadir Yaxye. Danjire Jabriil Ibraahim ayaa sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyay wasaaradda cadaallada Canada, waxa uuna aqoon fiican u leeyahay siyaasada arimaha dibada. Sidoo kale Danjire Jabriil ayaa ku lug lahaa nabad dhiska iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya xilligii hogaamiye kooxeedyada ay kala xirteen wadooyinka Muqdisho, isaga oo madax ka ahaa hay’adda CRD oo shaqooyin wanaagsan kasoo qabatay Soomaaliya xilli magaalada Muqdisho ay u kala xirnaayeen yogaamiye kooxeedyadii. Cabdixakiin Cilmi Xasan Nairobi Kenya Email-Cabdixakiin441@hotmail.com +254711830393 The post Soomaalida xaafadda Islii ee Nairobi oo soo dhaweeyay magacaabista danjire Jabriil appeared first on Caasimada Online.
  21. Minneapolis (HOL) - A legal battle has emerged at Edina High School following the suspension of two Somali-American students. The students, participating in a "Walkout for Palestine" in late October, used the chant, "From the river to the sea, Palestine will be free." This phrase, deemed controversial by entities like the pro-Irsael Anti-Defamation League due to perceived antisemitic implications, has been defended by others as a legitimate expression of Palestinian statehood aspirations. Source: Hiiraan Online
  22. Mukhtar Ibrahim is stepping down from leading the Sahan Journal to spend more time with his family. But he looks forward to seeing what's next. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) - An explosion rocked an auto parts business in Howlwadaag district's Black Sea neighbourhood on Tuesday night. The blast is suspected to be the work of the Al-Shabaab, following their threats against companies who have installed security cameras. Source: Hiiraan Online