-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dood xoogan iyo falcelin ayaa ka dhalatay kulan gaar ah oo uu maanta shir guddoomiyay Xildhibaan Saaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo loo doortay guddoomiyaha guddiga saaxibtinimada baaralmaannada Soomaaliya iyo Turkiga. Kulankan oo ahaa kii koowaad ee guddiga ayaa waxaa waxaa shir guddoomiyay Jeneraal Saadaq Joon, taas oo ay su’aallo ka keeneen qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed. Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay dardargelinta shaqooyinka iyo wanaajinta xiriirka ka dhaxeeya labada baarlamaan, ayada oo xubnaha guddiga ay ka doodeen sida hufan oo ay u wada shaqeyn karaan Baarlamaannada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga. Haddaba sidee looga falceliyay xilka loo doortay Jeneraal Saadaq Joon? Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ee Internet-ka ayaaa siyaabo kala duwan uga hadlay, waxayna inta badan kasoo horjeesteen in guddigan uu hoggaamiyo Xildhibaan Saadaq Joon, halka kuwa kalena ay dureen shaqada iyo waxa uu qabaanayo guddiga saaxibtinimada Baaralmaannada dalalka Soomaaliya iyo Turkiga. Omar Sham oo kamid ah dhalinyarada ka hadlay ayaa xilka guddoomiyenimo ee Saadaq Joon ka yiri “Baarlamaanka Jabuutina ha loogu daro Legend-ka”. Abdirizak Ismacil ayaa isna si kaftan ah uga facceliyay “Somalia shaqo abuur haddii la rabo in lagu sameeyo ma laguu waaynayo”. Maxamed Cabdullahi ayaa isaguna yiri “Soomaaliya dibjir iyo tuug wax xada baa isugu soo haray xilalkii, dal ba’ayow yaa ku leh?”. Hassan Ali ayaa isna su’aal ka keenay arrintaan “Yaab badnaa saadaq John muxuu ka yaqaana saaxibtinimo?”. Abdulqadir Jaamac ayaa dhankiisa soo dhaweeyay “Maashaa allah Janeraale guul” ayuu ku yiri falcelintiisa. Mohamud Dirie “Golaha Shacabka BJFS maanta kahor rajada shacabka wa ay sii naf baxaysay, balse maanta ayay qudh baxday.” Ali Xildoon ayaa isna ku jawaabay “Qof aan xiriirka caalamiga ah xittaa aqoon miyaaa Xilkaaasu magacowdeen?, Baarlamaanka Somalia xaggee noo wadaa?”. The post Dood ka dhalatay kulan uu guddoomiyay Saadaq Joon kadib markii loo doortay… appeared first on Caasimada Online.
-
Khaatumo oo soo Dhaweey Go’aankii Shirkii Beesha Habarjeclo
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Hargeysa(Qaran news)-Kooxda huwanta ee SSC-Khaatumo ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku soo dhaweeyay go’aanadii beesha bariga Burco ay toddibaadkii hore soo saareen. Warsaxaafadeedkaasina wuxuu u dhignaa sidan; “Golaha dhaqanka ee SSC-Khatumo iyaga oo aaminsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu caddaynayaa in deegaannada SSC-Khatumo ay leeyihiin maamul u gaar ah oo si toos ah u hoos yimaadda dawladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Dhaqanka ee SSC-Khatumo wuxuu soo dhowaynaynaa, sidoo kalana si buuxda ula qaatay go’aanka ay beesha East Burco Clan ku gaadhay inaysan duullaan ku ahayn deegaannada beelaha SSC-Khatumo, diyaarna u tahay wada-noolaansho iyo deriswanaag. Goluhu isaga oo aamminsan in dagaal sokeeye khasaare mooyee aan wax khayr ahi ka dhalanayn, wuxuu mar kale u caddaynayaa beesha Reer Shiikh Isxaaq, gaar ahaan beesha East Burco Clan ee aanu deriska nahay, in aanu wiilshayada iyo ciidankayagaba ceshanayno, dhinacoodana aan ka filayno in ay ceshadaan wiilashooda iyo ciidankoodaba. Ugu dambayntii Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khatumo wuxuu Ilaahay uga baryayaa umada Soomaaliyeed meel ay joogaanba midnimo iyo nabadgelyo waarta. Qaran News -
Dhismeyaal cusub oo xadhiga lagaga Jaray Waqooyiga Hargeysa Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye iyo Maayer ku xigeenka caasimada Hargeysa, Mudane Khadar Axmed Cumar iyo masuuliyiinta Hay’adda Save The Children ayaa xadhiga ka jaray xarrunta Hooyadda iyo dhallaanka ee tuulada Carro-madow oo lagu kordhiyey dhismayaal cusub lana dayactiray dhismihii hore. Waxa mashruuca iska kaashaday hayadda save the children iyo Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka, waxaana maalgeliyey xafiiska gargaarka bini’aadanimada ee hayadda USAID. Munaasibadii xadhig ka jarka xarunta hooyada iyo dhallanka degmada Carro-madaw, waxa hadalo mahadnaq iyo soo dhaweyna ka jeediyay guddoomiyaha degaanka Carro-madaw, guddoomiyaha degmada Fara-weyne, xildhibaano iyo masuuliyiin ka socday hay’adda Save the Children, waxaaney dhammaantood hoosta ka xariiqeen in Horumarinta lagu sameeyay Xaruntan Caafimaadku daboolli doonto baahiyihii ka jiray degaanka. Gaba-gabadii agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka iyo maayer ku xigeenka caasimada Hargeysa, oo si rasmi ah xadhiga uga jaray xaruntan ayaa u mahadceliyay cid kasta oo ka qaybqadatay hirgelinta hawshan, waxaaney ku booriyeen bulshada Degaanka Carro-madaw inay ilaashadan xaruntan, isla markaana la shaqeeyaan shaqaalaha u adeegaya. Qaran News
-
Madaxtooyada Puntland ayaa ka warbixisay Kulankii maanta dhexmaray Madaxweyne Deni iyo Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya. Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Deni oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka uu qaabilay Safiirka UK u qaabilsan Soomaaliya Ambs. Michael Nithavrianakis. Kulanka ay xarunta Madaxtooyada ku yeesheen Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Ingiriiska waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka tirsan Golaha Wasiirada dowladda Puntland. Madaxtooyada Puntland ayaa sheegtay in Kulanka labada mas’uul looga hadlay dhammaystirka Hannaanka doorashooyinka dimuqraadiga ah iyo dardar gelinta Mashaariic Horumarineed ee UK ka fuliso Puntland. “Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland” ayay sheegtay Madaxtooyada. PUNTLAND POST The post Madaxtooyada Puntland oo ka hadashay Kulankii dhexmaray Safiirka UK iyo Madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.
-
Soomaaliya ayaa laga qaaday cunaqabatayntii saarnayd 31 sano ka dib kulan Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobay ka yeesheen kaas oo si aqlabiyad leh loogu codeeyey in meesha laga saaro xayiraaddii hubka ee saarnayd Soomaaliya ilaa sanadkii 1992-dii. Golaha Ammaanka ayaa xilligaas qaraarkoodu ku saleeyay si looga hortago qulqulka hubka ee dalka xilli dagaallo ahli ah ka jireen dalka kuwaas oo ka dhashay markii meesha laga saaray dowladii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre. Dadaallo is daba joog ah oo ka soo billowday sanadkii 2012-kii ayey Soomaaliya ku gaysay masraxyda caalamiga sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabtayntan iyagoo ku andacoonaya inuu dalku helo hub uu ku qalabeeyo ciidamadiisa si ay ugu adkaato kooxda al-Shabaab oo muddo 15 sano ka badan dagaal kala horjeedda dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cisman ‘Baalle’ ayaa sheegay in qaadista cunaqabateynta hubka ay awood u siinayso Soomaaliya ka hortagga khataraha dhanka ammaanka sidoo kalana u oggolaanayso xoojinta tayada ciidamada amniga Soomaaliya. Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna ka hadlay go’aanka ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa tilmaamay in waa cusub iyo cutub hor leh uu u furmay Soomaliya. Madaxwynaha ayaa xusay in dalka Soomaaliya uu xor u yahay intay awooddoodu le’egtahay ay hubka ay rabaan dibadda ka soo iibsadaan ama dalalka saaxiibka la ah ay siiyaan hubka ay waydiistaan. Wuxuu intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay ku ad adkaan doonto xakamaynta, ilaalinta iyo qulqulka hubka dalka ku soo qulqulayo ayna u leedahay shuruuc adag oo lagu ilaalinayo. La taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha, Xuseen Macallin Maxamuud, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay uga dhigan tahay helidda qayb ka mid ah xoriyaddeeda dal ahaaneed. Wuxuu sheegay inay tani ku soo beegantay xilli ciidamada ATMIS ay ka baxayaan Soomaaliya dhammaadka sanadkan ayna u baahan tahay in ciidamada Soomaaliya ay qaataan mas’uuliyadda ammaanka dalka. “See lagu ilaalinayaa, Soomaaliya awoodda ay dhisan doonto, see lagu ilaalinayaa waa hadda su’aasha taagan, ee dowladda Soomaaliy ay rabto inay ka shaqayso,” ayuu yiri mid yihiin, dowladda iyo xafiiska amniga qaranka laga dhexdhisay ayaa nidaanka ay u keensan karaan xaddidaya, iyada oo heshiiskii amniga qaranku uu dhigayo in ciidamo u gaar ah oo booliska ah iyo ciidamada u gaara oo asluub ah ay yeelan karaan hub intaa ku xaddidan keensan karaan” ayuu yiri Xuseen Macallin. Wuxuu intaas ku daray in oggolaansho ay ka qaaadanayaan dowladda dhexe maamul goboleedyadu. Maxaa looga baahan yahay Dowlada Federalka? XIGASHADA SAWIRKA,BARAHA BULSHADA Qoraalka sawirka,Cabdisalaan Guuleed Sida uu qabo Cabdisalaam Guuleed, taliye ku xigeenkii hore ee NISA, ahna falanqeeye arrimaha amniga ayaa sheegay in mas’uuliyad ka xoog badan sidii hore ay fuushay dowladda federaalka oo quseeya arimaha xakamaynta hubka ee dalka maaddaama laga qaaday xayiraaddii saarnayd. Wuxuu BBC-da u sheegay in dalku federaal yahay, balse yuu hubku gacanta u galayaa ay su’aal ka taagan tahay. “War hadii maamul goobleedyadda hubkan gacanta loo galiyo sidee u maamulayaan, awoodda dowlada federaalku ku leeyahy maxay tahay in la xakameeyo intee le’eg tahay, Soomaaliya maxaa uga diyaarsan, kaydad hubkan lagu kaydiyo oo uusan gacanta cadowga galayn ama musuq galayn ma u diyaarsan tahay, muhiimaddaas ayaan isleeyahay waa dul saaran tahay dowlada hadda jirta iyo kuwa imaan kara,” ayuu yiri Cabdisalaan. Wuxuu sheegay in tani tusaale u tahay in la qiimayn karayo inay ka soo bixi karto mas’uuliyadda iyo xakamaynta hubkaas. Dhanka kale wuxuu Cabdisalaan xusay in fursaddan dowladdu ugu faa’iidaysato inay dalka uga saarto al-Shabaab. Xuseen Macallin Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay in tallaabadan ay welwel ku haysto oo kaliya al-Shabaab, balse ay ciidanka qaranka siinayso fursaddii ay dalka uga sifayn lahaayeen. Soomaaliya ayaa ahayd dalka kaliya ee xayiraad hub muddadii ugu dheerayd ay saartay Qaramada Midoobay tan iyo intii la dhisay ururkaas sanadkii 1945-tii. Qaran News
-
Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaanka dhaqanka SSC-Khaatuma ayaa jawaab ka bixiyay go’aanadii kasoo baxay shirweynihiui Beesha Habar-Jeclo ee degta bariga gobalka Togdheer ee Somaliland ee lagu soo gebo-gaboobay magaalada Burco, isla markaana lagu sheegay in beeshu aanay duulaan ku ahayn SSC, balse ay difaacan doonaan deegaanadooda. Go’aannada kasoo baxay shirka ayaa waxaa sidoo kale kujiray qodob sheegaya in Beeshaasi ay Aqoon-san tahay Qarannimada Somaliland iyo Xuduudaheeda taasi oo lagu tilmaamay halka uu ka dhutinayo baaqoodu. SSC-Khaatuma oo jawaab deg-deg ah kasoo saartay arrintaasi ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda ula qaadatay go’aanka ay gaartay Beesha Habar-Jeclo ee ah in aysan duulaan ku ahayn Khaatumo, sidoo kalena ay diyaar u tahay wada noolaasho iyo daris wanaag. “Golaha Dhaqanka ee SSC-Khatumo wuxuu soo dhowaynaynaa, sidoo kalana si buuxda ula qaatay go’aanka ay beesha East Burco Clan ku gaadhay inaysan duullaan ku ahayn deegaannada beelaha SSC-Khatumo, diyaarna u tahay wada-noolaansho iyo deriswanaag” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay soo saaray SSC-Khaartuma. Sidoo kale Khaatuma ayaa ka codsatay Beesha Habar-Jeclo in ciidankeeda ay ka ceshato dagaalka ay waddo Somaliland, ayaguna ay ilaalin doonaan darisnimada Beeshaasi. Halkan hoose ka aqriso:- JAWAABTA ISIMADA SSC-KHATUMO EE KU AADDAN QORAALKA KA SOO BAXAY SHIRKA BEESHA East Burco Clan EE BURCO 28 NOVEMBER, 2023. Golaha dhaqanka ee SSC-Khatumo iyaga oo aaminsan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuu caddaynayaa in deegaannada SSC-Khatumo ay leeyihiin maamul u gaar ah oo si toos ah u hoos yimaadda dawladda Federaalka Soomaaliya. Golaha Dhaqanka ee SSC-Khatumo wuxuu soo dhowaynaynaa, sidoo kalana si buuxda ula qaatay go’aanka ay beesha East Burco Clan ku gaadhay inaysan duullaan ku ahayn deegaannada beelaha SSC-Khatumo, diyaarna u tahay wada-noolaansho iyo deriswanaag. Goluhu isaga oo aamminsan in dagaal sokeeye khasaare mooyee aan wax khayr ahi ka dhalanayn, wuxuu mar kale u caddaynayaa beesha Reer Shiikh Isxaaq, gaar ahaan beesha East Burco Clan ee aanu deriska nahay, in aanu wiilshayada iyo ciidankayagaba ceshanayno, dhinacoodana aan ka filayno in ay ceshadaan wiilashooda iyo ciidankoodaba. Ugu dambayntii Golaha Sare ee Dhaqanka SSC-Khatumo wuxuu Ilaahay uga baryayaa umada Soomaaliyeed meel ay joogaanba midnimo iyo nabadgelyo waarta. The post SSC oo jawaab ka bixisay go’aannadii ay ku faraxday ee beesha HABAR-JECLO appeared first on Caasimada Online.
-
The private sector can play a critical role in fighting climate change in the world, Dahabshiil Group Chief Executive Officer Abdirashid Duale says. Speaking on the day COP 28 summit commenced in Dubai, Duale said: “I was so happy to hear King Charles III emphasise the critical role of the private sector in fighting climate change.” Dahabshiil invests in financial services, clean energy and sustainable food resources in more than 120 countries worldwide including some of those worst affected by climate change. In his speech, King Charles, who recently visited Kenya, touched on the drought in East Africa, the worst in a generation. This is a region where the Dahabshiil network offers lifeline services and where its infrastructure has been damaged by heavy rains, floods, droughts and other extreme weather conditions exacerbated by climate change. Duale said governments need to offer a more enabling environment for the business community to adopt and promote climate change strategies. “Most of the money needed to finance the energy transition is going to come from private sources. Cop28 needs therefore to find new ways for policymakers to unlock that finance, and get countries on track to meet their net-zero pledges,” said the Dahabshiil CEO. Duale said he is on the same page as King Charles when it comes to the collaboration between governments and the private sector as the key solution in fighting climate change across the world. “As the British king said in his speech in Dubai, “Public finance alone will never be sufficient. But with the private sector at the table, we can mobilise the trillions of dollars we need.” Duale added the role of the diaspora cannot be ignored too. “We must recognize the diaspora’s role in driving positive change for climate action and environmental sustainability. It not only offers life-saving support in the form of remittances; diaspora investment is key to establishing climate-friendly businesses in hard-hit regions like the Horn of Africa.” Duale said the creation of job opportunities in these regions also would help reduce migration. He emphasised the role of science and technology in reducing the impact of climate change, including the harvesting of rainwater in drought-affected areas. Local innovation can be supported and sustained with financing from the diaspora via remittances provided by compliant companies like Dahabshiil. “Dahabshiil plays a vital role in empowering communities in the Horn of Africa by setting up microfinance institutions to help small-scale business people including those and on the other hand has been supporting cheap energy for businesses to reach off-grid rural communities with low-cost, clean energy products and services. Our people in the Horn of Africa should forge new ways of food production such as fishing in order to address and avert the famine in 2022 which decimated the livestock and the current climate-induced severe shocks in the country”, he said The 2023 United Nations Climate Change Conference or Conference of the Parties of the UNFCCC, more commonly referred to as COP28, is the 28th United Nations Climate Change conference, being held from November 30 to December 12, 2023 Nirobinews Qaran News
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda maaulka Somaliland ayaa maanta war la yaableh kasoo saartay go’aankii Golaha Ammaanka QM ee cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliyda, kadib muddo 31 sano ah oo ay saarnayd xiyaaraad dhanka hubka ah. Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa waxaa walaac looga muujiyay go’aankan oo ay sheegtay inuu xambaarsan yahay khatartiisa, ayada oo sheegtay in tallaabadan ay sababi karto halis weyn oo ka dhalaneysa, haddii hubka loo fasaxo Soomaaliya, sida ay hadalka u dhigtay. “Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay walaac xooggan ka muujinaysaa ka qaadista cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya, taasi oo saarnayd tan iyo 1992-kii oo uu soo saaray Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 733 (1992)” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland. Sidoo kale Somaliland ayaa sheegtay in cawaaqib xumo ay ka dhalan karto go’aankan, marka loo eego kooxaha xagjirka ah iyo maleeshiyaad ay sheegtay inay ku xoogan yihiin Soomaaliya, ayada oo tusaale usoo qaatay ciidamada deegaanka ee SSC-Khaatuma. Waxaa kale oo ay intaasi kusii dartay in khatartaas ay ku sii baahi karto gobolka oo dhan, haddii aan hadda laga hortegin. “Waxaan waayo-aragnimo u leenahay cawaaqib xumada ka dhalan karta fidinta hubka aan la xakameynin, waxaanan ka feejigannahay khatarta kooxaha xagjirka ah iyo ciidamada maleeshiyaad ka ah, soo ifbaxa kooxo maleeshiyo beeleed ah sida kuwa Laascaanood oo la safan kooxaha xagjirka ah waxay muujinaysaa khatar cad oo hadda ka jirta gobolka”. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale ay Somaliland ku sheegtay in Soomaaliya aanay lahayn nidaam fiican oo ay hubka ku xakamayso taasi oo sababi karta in hubku uu gacanta u galo gacan kale, kadibna uu waxyeeleyn karo ammaanka guud ee Soomaaliya iyo dariskeeda. Gabagabadii ayaa waxaa warsaxaafadeedkan looga codsaday Golaha Ammaanka ee QM inay ka fiirsadaan go’aankooda oo ay tilmaameen inay ka dhalan karto dhibaato wayn. Somaliland ayaa sidaan oo kale dhawaan uga hortimid ku biiritaankii Soomaaliya ee Dalladda Bulshada Bariga Afrika, balse ma jirto cid warkeeda dhag jalaq u siisay, waxayna arrimahaasi qayb ka yihiin, sida ay uga soo horjeedo go’aanada iyo horumarka Soomaaliya. The post Somaliland oo war yaableh kasoo saartay qaadista cunaqabateynta hubka Somalia appeared first on Caasimada Online.
-
Mogadishu (HOL) – The second phase of the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) troop withdrawal, initially delayed, will resume in December, as announced by the ATMIS, the Federal Government of Somalia (FGS), and the United Nations Support Office in Somalia (UNSOS). This phase involves the withdrawal of 3,000 troops and the transfer of control of eight Forward Operating Bases (FOBs) by the end of December 2023, in line with U.N. Security Council Resolution 2710 (2023). Source: Hiiraan Online
-
My friend Mohamed Omer invited me to attend the Somali Youth Summit, which took place in Jigjiga between 25 and 27 November this year. I had never been to Jigjiga before, and I was interested and excited to visit the town and engage with its people. There is no direct flight from Mogadishu to Jigjiga. The two options I had were a transit to Addis Ababa or a flight to Hargeisa and then make road trip to Jigjiga. I wanted to maximize my travel experience and opted for the latter option. Source: Hiiraan Online
-
Hargeisa (HOL) - Somaliland has expressed "deep concerns" over the United Nations Security Council's decision to lift the arms embargo on Somalia, citing significant risks to regional security. The government emphasized the potential dangers of arms falling into the hands of extremist groups due to Somalia's inadequate weapons control systems. Source: Hiiraan Online
-
Garoowe (Caasimada Online) – Dowladda Boqortooyada UK ayaa maanta billowday faragelinta xaaladda cakiran ee Puntland, gaar ahaan khilaafka doorashada. Safiirka Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Ambs. Michael Nithavrianakis ayaa maanta bilaabay dadaallo ku aadan sidii xal loogu heli lahaa xiisadda ka taagan Puntland. Nithavrianakis ayaa la kulmay madaxda sare ee dowlad goboleedka ee Puntland, gaar ahaan Saciid Deni, ku xigeenkiisa iyo qaar kamid ah golaha wasiirada, isaga oo ka hadlay arrimaha ka taagan Garoowe, si xal loogu helo is faham waaga ka dhashay doorashada. Kulanka labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay xaaladda guud ee maamulka Puntland iyo sidii loo dhammeystiri lahaa doorashooyinka dimuquraadiga ah ee maamulkaas. Sidoo kale waxa ay isla soo hadal qaadeen, sidii loo dardargelin mashaariicda kala duwan oo ay dowladda UK ka fuliso deegaanada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland. “Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, ayaa looga hadlay guud ahaan xaalada Soomaaliya iyo arrimaha Puntland, sida Doorashooyinka dimuqraadiga ah ee Puntland loo dhamaystiri lahaa iyo sidii loo sii dardargelin lahaa mashaariicda horumarineed ee UK ka fuliso Puntland,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada. Puntland aya waxaa hada ka taagan xaalad siyaasadeed oo ka dhalatay muranka hareeyay doorashada oo ay isku hayaan madaxweyne Saciid Deni iyo xubnaha mucaaradka ah. Mucaaradka iyo madaxweynaha ayaa isku fahmi waayay qaabka loo wajayo doorashada, ayada oo uu sii dhammaanaayo muddo xileedka hay’adaha kala duwan ee dowladda. Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase haatan socda dadaallo ay qayb ka tahay beesha caalamka oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisadda ka taagan Puntland. The post UK oo faragelisay khilaafka doorashada Puntland iyo Saciid Deni oo sheegay… appeared first on Caasimada Online.
-
Xukuumadda Somalilabd oo Daadifaysay Cuna-qabataynta Hubka ee laga Qaaday Soomaaliya Hargeysa(Qaran news)-War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu deedafeeyay cuna qabtaynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya. Warsaxaafadeedkan ayaa u dhignaa sidan. “Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay walaac xooggan ka muujinaysaa isla markaana si weyn uga soo horjeedda cuna qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, taasoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku soo saaray qaraarka tirsigiisu ahaa 733(1992). Waxa aanu aaminsan nahay in qaadista cuna qabtaynta hubku ay halis ku tahay mandaqadda geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka. Dagaalladii arxan darrada ahaa ee dawladdii wixii la odhan jiray Somalia ku soo qaadday dadka reer Somaliland isla markaana ay ku laysay in ka badan 200 oo kun oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa si weyn inoo xasuusinaya khatarta hub si fudud loo helo. Somaliland waxa ay waayo aragnimo u leedahay cawaaqib xumada ka dhalan karta hubka aan la xakamayn, waxaananu ka digtoonnahay suurtagalnimada in hubkaasi gacant u galo kooxaha xagjirka ah iyo kooxaha malleeshiyaadka. Soo if-baxa Kooxaha malleeshiyaadka ah sida kuwa Laascaanood ee la safan kooxaha xagjirka ah, waxa ay muujinaysaa khatar cad oo ka jirta gobolka. Qaadista cuna qabtaynt hubkuna waxa ay sii hurin kartaa kooxahan, waxaanay khatar galinaysaa ammaanka iyo inay uga sii darto dhibaatooyinka banii aadannimo ee hadda jira. Soomaaliya si cad umay samaysan nidaam habboon uu lagula socdo hubka isla markaana lagu kormeero ama siyaasadaha maamulka hubka. Tani waxa ay kor u qaadaysaa wererka weyn ee ku saabsan in hubka loo leexyo kooxaha argagixisada iyo kuwa xagjirka ah, taasoo uga sii daraysa xasilloonida gobolka. Loollanka hubka ee kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid suurtagal ah, marka la qaado cuna qabtaynta hubka. Taasoo shaki la’aan mija xaabin karta xasilloonida iyo degganaanshaha gobolka sidoo kalena abuuraysa jawi hubka tartan loogu jiro. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay u soo jeedinaysaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay inay si qoto dheer uga fiirsadaan dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabtaynta hubka, isla markaana ay sameeyaan hannaan lagu daba galayo laguna ilaalinayo in aan hubku gacanta u galin kooxo aan qaadi karin masuuliyadda hubka. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an inay la shaqayso dalalka gobolka iyo bulshada caalamka dhinaca ammanka, isla markaana qayb ka qaadato arrimaha khatarta amni ku ah xasillonida iyo deganaanshaha gobolka.” Qaran News
-
War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland ayaa lagu deedafeeyay cuna qabtaynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya. Warsaxaafadeedka ayaa Sidan u dhignaa Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay walaac xooggan ka muujinaysaa isla markaana si weyn uga soo horjeedda cuna qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, taasoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku soo saaray qaraarka tirsigiisu ahaa 733(1992). Waxa aanu aaminsan nahay in qaadista cuna qabtaynta hubku ay halis ku tahay mandaqadda geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka. Dagaalladii arxan darrada ahaa ee dawladdii wixii la odhan jiray Somalia ku soo qaadday dadka reer Somaliland isla markaana ay ku laysay in ka badan 200 oo kun oo muwaadiniin reer Somaliland ah ayaa si weyn inoo xasuusinaya khatarta hub si fudud loo helo. Somaliland waxa ay waayo aragnimo u leedahay cawaaqib xumada ka dhalan karta hubka aan la xakamayn, waxaananu ka digtoonnahay suurtagalnimada in hubkaasi gacant u galo kooxaha xagjirka ah iyo kooxaha malleeshiyaadka. Soo if-baxa Kooxaha malleeshiyaadka ah sida kuwa Laascaanood ee la safan kooxaha xagjirka ah, waxa ay muujinaysaa khatar cad oo ka jirta gobolka. Qaadista cuna qabtaynt hubkuna waxa ay sii hurin kartaa kooxahan, waxaanay khatar galinaysaa ammaanka iyo inay uga sii darto dhibaatooyinka banii aadannimo ee hadda jira. Soomaaliya si cad umay samaysan nidaam habboon uu lagula socdo hubka isla markaana lagu kormeero ama siyaasadaha maamulka hubka. Tani waxa ay kor u qaadaysaa wererka weyn ee ku saabsan in hubka loo leexyo kooxaha argagixisada iyo kuwa xagjirka ah, taasoo uga sii daraysa xasilloonida gobolka. Loollanka hubka ee kooxaha xagjirka ah ee Soomaaliya ayaa ah mid suurtagal ah, marka la qaado cuna qabtaynta hubka. Taasoo shaki la’aan mija xaabin karta xasilloonida iyo degganaanshaha gobolka sidoo kalena abuuraysa jawi hubka tartan loogu jiro. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waxa ay u soo jeedinaysaa golaha ammaanka ee qaramada midoobay inay si qoto dheer uga fiirsadaan dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabtaynta hubka, isla markaana ay sameeyaan hannaan lagu daba galayo laguna ilaalinayo in aan hubku gacanta u galin kooxo aan qaadi karin masuuliyadda hubka. Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka go’an inay la shaqayso dalalka gobolka iyo bulshada caalamka dhinaca ammanka, isla markaana qayb ka qaadato arrimaha khatarta amni ku ah xasillonida iyo deganaanshaha gobolka Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan xasaasi ah oo ay maanta xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ku lahaayeen xarunta Villa Hargeysa ayaa lagu kala kacay, kadib markii uu buuq xoogan uu hareeyay hoolka ay ku shiraayeen xildhibaannadu. Doodda ayaa ka dhalatay laba ajende oo la horgeeyay Baarlamaanka, kuwaas oo kala ahaa xisaab xirka miisaaniyadda sanadkii hore iyo meel-marinta misaaniyadda sanadka cusub, taas oo ay su’aallo ka keeneen xildhibaanada oo diiday in la’isku qabto labada ajende. Sidoo kale xildhibaanada qaar ayaa ka horyimid in kulankan uu guddoomiyo Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo madasha ku sugnaa, taas oo ahayd oo dood kale oo meesha tiilay. Intaas kadib waxa sii xoogeystay buuqa, kadibna waxaa go’aan qaatay guddoomiye Cabdi Xaashi oo si deg-deg ah usoo farageliyay arrintan kadibna soo xiray kulanka baarlamaanka. “Haddii ay arrintu sidaa tahay shirku waa innoo xiran yahay, ballanta dambana waan soo sheegi doonaa” ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Sidoo kale waxaa arrintan ka hadlay qaar kamid ah xildhibaanada Golaha Shacabka oo ay kamid tahay Qaali Cali Shire oo sharraxaad ka bixisay waxyaabaha keenay buuqa. “Baarlamaanka ayaa Problem dhex yaallo ayada oo si hoose ama sare loo xallin ayaa waxaa nala dhex keenay maanta guddoomiyaha Aqalka Sare nin weyn oo xushmadleh oo wanaajineyso waayay, laakiin tiisa daryeella tu kale ku dara teena aan soo xalisano, kabacdi hanaloo keeno” ayay tiri xildhibaan Qaali Cali Shire. Waxa kale oo ay intaasi kusii dartay in aysan raali ka ahayn labada ajende ee la horgeeyay maanta, kadibna ay iska diideen, sida ay hadalka u dhigtay. “Anaga raalli kama nihin labada ajende ee nala horkeenay, laakiin qoraal ahaan waa loo soo diray” ayay hadalkeeda sii raacisay. Dhankiisa Xildhibaan Cabdullaahi Aadan Kulane oo lo yaqaano (Kulane Jiis) ayaa isna ka hadlay dooddan, wuxuuna sheegay in la’isa soo hoos geliyay labada ajende oo waa weyn. “Waxaa weeye waxaa yaalla laba ajende oo waa weyn, labada ajende waxa waayay xisaab xirka iyo qoondada miisaaniyadda cusub ee sanadkan,” ayuu isna ku jawaabay Kulane Jiis. The post Daawo: Maxaadan ogeyn oo maanta ka dhacay xarunta BF? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa war kasoo saaray go’aankii cuslaa ee xalay kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM, kaas oo cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya. Taliye Mahad Salaad ayaa soo dhaweeyay go’aanka Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay fursad muhiim ah tahay in muddo 31 sano ah kadib in xiraaddii laga qaado Soomaaliya. “Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa si weyn usoo dhoweeyay go’aankii uu xalay Golaha Ammaanku meesha kaga saaray cunaqabateyntii hubka ee 31-ka sano saarnayd Soomaaliya” ayuu yiri Taliye Mahad Salaad. Sidoo kale taliyaha NISA oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in go’aankan uu kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo muhiim ah guud ahaan dakda Soomaaliyeed. Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in fursad weyn ay tahay marka loo eego dagaalka haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee ka socda gudaha Soomaaliya. “Go’aankan wuxuu kusoo aaday waqti muhiim noogu ah dal ahaan iyo dad ahaan maadaama aan ku jirno dagaal aan dalka uga ciribtireyno Khawaarijta,” ayuu yiri. Taliyaha Nabad Sugidda ayaa sidoo kale tilmaamay in go’aankan uu wax badan ka beddali doono dhismaha ciidanka Soomaaliyeed, ayna heli heli doonaan qalab iyo hub casri ah. Ugu dambeyn wuxuu u mahad-cdeliyay madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo dhammaan mas’uuliyiintii kala duwanaa ee waqtiga ku bixiyay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo saarnayd mudd 31 sano oo kasoo bilaabaneysa 1992-kii. Si kastaba, Soomaaliya waxa ay haatan la daalaa dhacaysaa caqabado badan oo dhanka ammaanka ah oo ay ka mid yihiin joogitaanka kooxaha xagjirka ah, sida Al-Shabaab ee ku xiran shabakadda argagixisada caalamiga ah ee Al Qaacida. The post Mahad Salaad oo shaaciyey qorshaha xiga kadib go’aanka Golaha Ammaanka QM appeared first on Caasimada Online.
-
Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Mr. Mike Nithavrianakis ayaa maanta oo Sabti ah soo gaaray caasimadda Puntland ee Garoowe. Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa safiirka ku qaabilay xarunta madaxtooyada Garoowe halkaas oo ay ku yeesheen kulan gaar ah oo ku saabsan maareynta khilaafka doorashada Puntland. Safiirka ayaa sidoo kale la kulmay qaar kamid ah xisbiyada siyaasadda Puntland oo uu kala hadlay sidii lagu xallin karo muranka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashada 2024. Danjire Mike Nithavrianakis ayaa lagu wadaa in uu dhinaca kale la kulmo dallada ay ku midaysan yihiin Mucaaridka Puntland islamarkaana kala hadlo xal u raadinta xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee ka aloosan doorashada. PUNTLAND POST The post Safiirka Ingiriiska oo Garoowe u tegay xal u raadinta Khilaafka doorashada Puntland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo xalay ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan suuqa Bakaaraha, kaas oo ay jugtiisu si xoogan u maqleen dadka deegaanka. Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa in xalay saq-dhexe lagu xiray xarun ganacsi oo ku taalla agagaarka isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah. Weerarkan ayaa waxaa fuliyay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo goobta ka baxsaday, waxaana goor dambe meesha gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka. Ma jiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qaraxan, balse waxaa lasoo wariyay in burbur uu soo gaaray dhismaha xarunta ganacsi ee la weeraray. Sababta loo beegsaday goobtan ganacsi ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay, kadib markii lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV oo ay amartay dowladda Soomaaliya, balse waxaa dhanka kale ka horyimid kooxda Al-Shabaab oo haatan bilowday beegsiga ganacsatada. Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo Khamiistii uu suuqa Bakaaraha booqday taliyaha NISA, Mahad Salaad oo u kuurgeliyaya ammaanka iyo waxa ka dhaqan-galay amarkii kasoo baxay hay’adda ee ku aadanaa in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka CCTV. Waxaa qaraxan ka horreeyay mid kale oo dhawaan ka dhacay agagaarka isgoyska Black Sea, kaas oo lala beegsaday dukaan lagu biiyo qalabka baabuurta ee Spare Parts-ka oo isna lagu xiray Kaamirada, waxaana ka horreeyay qaraxyo kale oo lala eegtay xarumo kale Si kastaba, magaalada Muqdisho ayaa maalmihii u dambeeyay ammaankeeda waxa uu ahaa mid deggan, waxaana howlgallo ka wadan ciidamada dowladda Soomaaliya. The post Faahfaahin ku saabsan qarax ka dhacay suuqa Bakaaraha appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Jimcohii waxaa uu cunaqabatayna hubka qaaday Soomaaliya kadib 31 sano. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ayaa loogu mahadceliyay golaha ammaanka go’aankan Taariikhiga ah iyada oo tillaabadan lagu dheegay mid wax badan katari doonta nabadda iyo xasilloonida. Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban kajeediyay munaasabadda ayaa shacabka ugu bishaareeyay qaadista cunaqbateynta hubka “31 ayey Soomaaliya saarnayd cunaqabatayn hub, waxaa ay ahayd cunaqbatayntii ugu dheereyd ee taariikhda UN-ka weligeed dowlad la saaro, dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadkii 32-aad cunaqabatayn hub in aanay na saarneyn, maanta dalka Soomaaliya waa laga qaaday dhammaan cunaqbateyntii hubka” Muhiimadda Qaadista Cunaqbateynta Hubka ayaa noqon karta in; (1). Soomaaliya oo hadda kujira ladagaalanka Shabaab ay fursad u hesho hub casri ah oo wax badan ka badali kara awoodaha. (2). Ilaalinta qarannimada oo 30-kii sano oo tagay aanay ciidanka xoogga dalka wada heyn xuduudaha dhul, bad iyo cir ayay tani saacideysaa in ciidamadu helaan awood militari. (3). Soocinta Amniga iyo Kala dambeynta waa Muhiimadda kale oo ay Dowladda kaheli doonto ka faa’ideysiga tallaabadan. (4). Kor uqaadista awoodda ciidanka iyo tayeynta hubka ay heystaan waa hadaf muhiim ah oo laga helayo qaadista cunaqbateynta hubka Sooyaalka Cunaqabateynta Hubka: Golaha Ammaanka oo kajawaabaya dagaallada sokeeye iyo xaaladda Banii’aadnimo ee ay jirtay ayaa Janaayo 1992-kii waxaa ui Soomaaliya kusoo rogay qaraar 733 cunaqabateynta hubka. Inkasta oo la qafiiyay marar kala duwan sida 2001, 2006, 2007, 2008, 2009 iyo 2013 ayaa marnaba ma dhicin in sidan oo kale loo wada qaado. Xilliyada ka qafiifiyay waxaa dhici jirtay in dowladda Soomaaliya ay codsato, kadib ay golaha ogolaadaan in ay soo degsato hub fudud iyo saanad lala socdo iyaga oo lagu darayay qaraarada in si gaar ah loo bartilmaamredsanayo ciddii ku xadgudubta gaar ahaan dhinacyada aan dowladda ahayn. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkan ku tilaabsanaysa tallaabooyin taariikhda iyada oo 24-kii November ku biirtay AEC oo ah urur dhaqaale oo ay ku mideysan yihiin dalalka bariga Afrika halka December 1 laga qaaday cunqabateynta hubka oo 31 sano saarnaa, waxaana la filayaa in isla bisha gudaheeda laga cafiyo deyn caalami ah oo dulsaarneyd 40 sano. Source: goobjoog.com
-
Golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo ayaa baaq nabadeed u diray beelaha ay deris ka yihiin ee ka soo jeeda dhinaca Somaliland. Bayaan ka soo baxay golaha dhaqanka SSC ayay ku sheegeen in ay diyaar u yihiin nabad iyo deris wanaag, islamarkaana beelaha bariga Burco ugu baaqayaan nabad iyo walaalnimo. Bayaanka odayaasha dhaqanka SSC ayaa sidoo kale lagu soo dhaweeyay go’aankii ka soo baxay shirkii beesha Habar-jeclo ee ka qabsoomay magaalada Burco, kaas oo lagu sheegay in aysan weerar ku ahayn dhulka SSC-khaatumo. PUNTLAND POST The post Golaha dhaqanka SSC oo baaq nabeed u diray beelaha Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in taliska ciidanka xoogga dalka uu u yeeray saraakiisha hoggaamisa qeybaha 21-aad iyo 27-aad ee militeriga Soomaaliya oo ka howlgala HirShabeelle iyo Galmudug. Saraakiisha loo yeeray ayaa u badan kuwii hoggaaminayey ciidankii Badbaado Qaran ee Muqdisho kula dagaalamay Madaxweyne Farmaajo, markii uu damcay inuu sameysto mudo kororsi. Sida ay noo sheegeen saraakiil xog ogaal ah, qorshuhu wuxuu yahay in ciidanka iyo saraakiisha qeybahaas loo sameeyo feyl-celin ama dib u tababarid, qalabeyn iyo dib u dhis cusub oo markaan ay aad ugu baahan yihiin qeybaha 27-aad iyo 21-aad ee militeriga Soomaaliya. Ciidamadaan waa kuwii ugu horeeyey ee dib loogu soo aas-aasay ciidamada xoogga dalka, waxaana la sheegay in saraakiisha loo yeeray ay ku jiraan Korneyl Saney Cabdulle oo ah nin awood badan ku leh Sh/Dhexe, Baakaay oo ah ninka hoggaamiya qeybta 27-aad, Cali Xuubey, Ibraahim Yuusuf iyo saraakiil kale. Saraakiisha qaar waxaa la sheegay inay heystaan ciidan iyo hub culus oo aan ku jirin diiwaanka dowladda, waxayna dowladdu hadda ku amartay inay cadeeyaan qiimaha hubkaas, si looga iibiyo oo dowladdu ula wareegto iyo tirada askarta aan ku jirin diiwaanka ciidanka qaranka. Waxaa iska soo dabadhaca warar badan oo ku saabsan qorshaha dowladda ee ku saabsan arrintaan, balse xogta ugu badan ee Caasimada Online ay heleyso waxay sheegeysaa in saraakiishaan loo qaadayo tababar dibadda ah, ciidamadana tababar iyo dib u diiwaan gelin loogu sameyn doono gudaha dalka. Markii arrintaan loo eego shuruucda ciidanka iyo shaqada militeriga waxaa la sheegay in wax dhibaato ah aysan arrintaani laheyn, isla markaana ay dowladdu awoodeeda leedahay. Waxaa arrintaan xiiso gaar ah u yeeleysa in saraakiisha loo yeeray ee tababarka loo dirayo ay yihiin kuwii hoggaaminayey dagaalkii Badbaado Qaran oo siyaasiyiintii ay u hiiliyeen uu ugu horeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh oo xiligaas mucaarad ahaa. The post Xog: DF oo go’aan culus ka gaartay saraakiishii Badbaado Qaran, hubka iyo ciidankooda appeared first on Caasimada Online.
