-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta soo saaray wareegto ayaa talis cusub ugu magacaabay Ciidanka Badda Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa Taliyaha Guud ee Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliya u magacaabay Admiral Cabdi Warsame Cismaan, sida lagu sheegay wareegtada soo baxday. Wareegtadan ayaa taliyaha cusub lagu faray inuu si deg-deg ah xilka loo magacaabay ula wareego, kadibna uu guto waajibaadka shaqo ee loo igmaday, uuna dardargeliyo. Sidoo kale madaxweynaha ayaa ka dalbaday hay’adaha kale iyo saraakiisha ay quseyso magacaabistaan inay la shaqeeyaan taliyaha cusub ee Ciidamada Badda Soomaaliya. Admiral Cabdi Warsame Cismaan ayaa ah nin darajada ciidanka ka gaaray ilaa Sarreeye isla markaana waqti badan ka soo shaqaynayay qaybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka. Sidoo kale Cabdi Warsame Cismaan wuxuu horay usoo noqday taliye xigeenka Ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliya, sida aan xogta ku helnay. Magacaabistiisa ayaa kusoo aadeysa, xilli ay mar kale Soomaaliya ku soo laabteen kooxaha burcadbadeeda oo weerarkii ugu dambeeyay maanta ku qaaday doon laga leeyahay Iran oo ku suganayd xeebaha bari ee maamul goboleedka Puntland, gaar ahaan aagga Qandala. Falkan ayaana noqday kii labaad ee lagula kaco doon kalluumaysi oo Iran ay leedahay, waxayna ahayd laba todobaad kahor markii sidaan oo kale doon loogu afduubtay Puntland. Waxaa ka dambeeyay oo maalmo kahor lasoo qabgtay 5 nin oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Mareykanka, kuwaas lagu helay afduubka markab ganacsi oo lagu qabsaday meel u dhow xeebaha dalka Yemen, loona maleeyay inay weerkaas gaysteen Xuutiyiinta, balse waxa ay noqdeen Soomaali,sida ay shaacisay wasaarada gaashaandhiga Mareykanka. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay taliye cusub appeared first on Caasimada Online.
-
Burco(Qaran news)-Ciidanka Dab-demiska magaalada Burco ayaa maanta soo badbaadiyay Ilmo yar oo hal sano Jira kuna dhacday Suuli ku yaala Gurigooda oo ku yaala xaafada Jarmalka degmada Lixle. Ilaahay mahadii Naftood hurayaasha Ciidanka Dabdemiska ayaa ku guuleystay inay ilmahaa yar ka soo samatabixiyaan Suuliga iyadoo nool, waxaana ciidanku isla markiiba gaadhsiiyeen cisbitaalka magaalada Burco. Marar badan ayaa Dhacdooyin noocan oo kale ah ciidanku caruur kaga soo badbaadiyeen. Ciidanka Dabdemisku wuxuu bulshada ku wacyigelinayaa inay markastaba ka warhayaan xaaladaha ay ku suganyihiin caruurta yar yar, laga feejignaado Musqulaha duugoobay. Qaran News
-
Dowladda Israa’iil ayaa shaacisay in ay oggolaatay in xabbad-joojinta Xamaas lagu kordhiyo ugu yaraan hal maalin oo kale. Bayaan kooban oo ka soo baxay Taliska Ciidamada difaaca Israa’iil ayay ku sheegeen in xabbad-joojinta lagu kordhiyay maalin dheeri ah. “Iyadoo la eegayo dadaalka dhexdhexaadiyeyaasha ee lagu sii wadayo habka lagu sii daayo dadka la afduubay oo loo hoggaansamayo shuruudaha heshiiska, xabbad-joojintu way sii socon doontaa” ayaa lagu yiri qoraalka. Bayaanka ayaa soo baxay qiyaastii 15 daqiiqo kahor inta aysan dhammaan xabbad-joojintii hore ee labada dhinac. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo hal maalin ku kordhisay Xabbad-joojintii Marinka Gaza appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu muddo xileedkiisu ku eegyahay 8-da bisha Janaayo ee sanadka soo aadan, xisaabta waa 40 cisho ayaa uga dhiman 5-tii sano ee loo doortay inuu hoggaamiyo maamulka Puntland. Marka la dul istaago muddo xileedka Saciid Cabdullaahi Deni, ma waxqabad xuma oo waxaa deegaanka yaalla adeegyo lagu amaani karo oo la bilaabay ama la dhameystiray intii lagu jiray muddo xileedkiisa, laakiin dhinaca kale Saciid Deni isdhaawaca siyaasadda ayaa ku badan. Deni dhowr jeer ayuu siyaasad ahaan isdhaawacay intii lagu jiray muddo xileedkiisa, gaar ahaan ku lug lahaanshaha falal gacan ka hadal siyaasadeed ah, kuwaasi oo sababay geerida dad badan oo aan waxba galabsan. Dagaalkii Boosaaso ee ka dhashay isbedelkii hoggaanka ciidanka PSF, midkii uu ku qaaday Baarlamaanka ee uu ku bixiyay guddoomiyihii hore ee Golaha Wakiilada Puntland iyo dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhashay wax ka beddelka dastuurka ayaa dhamaan dhibco ka lumiyay Saciid Deni. Iyada oo dhamaan dhacdooyinkaas dhaceen, haddana waxaa weli la aaminsan yahay inay Saciid Deni u dhaqan yihiin dhibco waxqabad ah oo u baahan inuu ilaashado oo uu ku galo doorasho wadar ogol ah. Mucaaradka Puntland waxay wacad ku mareen inay xoog iyo xeeladba Saciid Deni dhaafinayaan deegaanka, haddii uu doorasho qaban waayo 8-da bisha Janaayo. Haddii ay magaalada Garoowe gacan ka hadal kale aado marka la gaaro 8-da Janaayo waxaa la aaminsan yahay in Saciid Deni uu fuuqsan doono haraaga waxqabadkiisa. Hoggaamiyahan waxaa lagu eedeeya macan-gagnimo siyaasadeed iyo in uusan waxba ka qaadan tallooyinka hareerihiisa daadsan. Haddii gacanta la iskula tago oo laga adkaado ama ay ku dhamaato sida mucaaradka rabaan Saciid Cabdullaahi Deni wuxuu noqon doona hoggaamiye xukunka xoog looga qaaday oo dib u gubay wixii uu deegaanka u galay. Dadka waxay isweydiinayaan waqtiga haray ma ku badbaadsan doona sumcadiisa, waxqabadkiisa iyo fursadiisa dib u doorashada oo weli xooggan. Madaxda labada heer dowladeed ee Soomaaliya badi ma akhriyaan diiwaanka xun ee u yaalla dadka xukunka isku dhajiya ama natiijo xumada ay la hoydeen kuwii qabtay doorashooyin lagu qasbay. Saciid Deni weli wuxuu leeyahay keyd waxqabad iyo fursad dib u doorasho, waxaase macaashkooda iyo muuq-beelkoodu u dhaxeeya sida uu u garto uguna dhaqmo 40 maalmood ee ka dhiman muddo xileedkiisa. The post Saciid Deni ma is-badbaadin doonaa kahor 8-da Janaayo? appeared first on Caasimada Online.
-
Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta kormeeray isbadalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo haatan noqotay goob amni ah, oo ganacsatada aan looga qaadin baad. Taliye Mahad Salaad ayaa sidoo kale soo indho-indheeyey sida loo fuliyay amarkii NISA ee ahaa in dhammaan ganacsiyadu xirtan kaamirooyinka CCTV, si ay u sahlanato ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed. Taliye Mahad ayaa ku dhex lugeeyay suuqa, wuxuu gaargaar u arkay ganacsatada yaryar iyo maal-qabeennada waa weyn. Si uu u muujiyo isbadalka amni ee ka muuqda Suuqa Bakaaraha wuxuu taliyuhu la dukaameystay qaar ka mid ah shacabkii Soomaaliyeed ee maanta usoo iib-doontay suuqa Bakaaraha. Ganacsatada suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa taliye Mahad Salad la wadaagay sida ay ugu qanacsanyihiin shaqada laamaha amniga ee Dowladda iyo isbadalka xoogan ee dhanka togan loo qaaday, waxayna ballanaadeen iney Dowladda ku garabsiinayan xaqiijinta amniga guud ee dalka. Taliyaha hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka ayaa uga mahadceliyay ganacsatada suuqa Bakaaraha sida wanaagsan ee ay ula shaqeynayan ciidanka, fulintooda amarkii kaamirooyinka CCTV iyo garab istaagooda Dowladnimada, wuxuuna u ballanqaaday in la xoojin doono ilaalinta amnigooda iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa hay’adda NISA iyo ganacsatada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha hay’addaha nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee (NISA) Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maanta si lama filaan ah ku tegay suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaas oo uu ka sameeyey kormeer guud. Mahad Salaad ayaa u kuur galaya isbaddalka amni ee suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha, halkaas oo muddo dheer laga cabanayay amni xumo Booqashada taliyaha NISA ee Bakaaraha ayaa sidoo kale lagu hubinayay sida ay ganacsatadu u fulisay amarkii NISA ee ahaa in ganacsatadu xirtaan kaamirooyinka CCTV, si ay u sahlanato ilaalinta nafta iyo hantida muwaadiniinta Soomaaliyeed. Inta uu booqashada ku jiray taliyaha waxa uu ku dhex lugeeyay gudaha suuqa, isaga oo gaar gaar u arkay ganacsatada yar yar iyo kuwa waa weyn, si uu u muujiyo isbaddalka amni ee laga dareemayo gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale wuxuu taliyuhu la dukaameystay qaar ka mid ah shacabkii Soomaaliyeed ee maanta usoo iib-doontay suuqa Bakaaraha. Qaar kamid ah ganacsatada ayaa taliye Mahad Salaad la wadaagay sida ay ugu qanacsan yihiin shaqada laamaha amniga ee dowladda iyo isbaddalka xoogan ee dhanka togan loo qaaday, waxayna ballan qaadeen inay dowladda ku garabsiinayan xaqiijinta amniga dalka. Ugu dambeyn taliyaha hay’adda nabad sugidda Qaranka ayaa uga mahad-celiyay ganacsatada suuqa Bakaaraha sida wanaagsan ee ay ula shaqeynayaan laamaha amniga, fulintooda amarkii kaamirooyinka CCTV iyo garab istaagooda dwwladnimada, wuxuuna u ballan-qaaday in la xoojin doono ilaalinta amnigA iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa NISA. The post Taliye Mahad Salaad oo si lama filaan ah ku tegay suuqa Bakaaraha + Sawirrro appeared first on Caasimada Online.
-
Soomaaliya oo Ruushka kala wareegtay Gargaar loogu talo galay Dadka ay sameeyeen Roobabka Dowladda Soomaliya ayaa maanta kala wareegtay safiirka Dalka Ruushka gargaar Raashin ah kaas oo loogu talo galay Dadka ay saameeyeen fatahaadaha Roobabka iyo Dadka danyarta ah ee ku nool Deegaamadii laga xorreeyey Argagixisada. Markabka siday gaargaarkan ayaa ku soo xirtay saaka Dekedda Magalada Muqdishu,halkaas oo ay gargaarkan kula wareegeen Hay’addaha ku shaqada leh. Wasiirka Wasaaradda Dekedaha Mudane Cabdillaahi Axmed Jaamac ayaa uga mahadcelyey safiirka Ruushaka gargarkan ay soo garsiiyeen Dadka Soomaaliyeed Wasiirka ayaa xusay in Ruushka iyo Soomaaliya ahaayeen dalal leh xiriir iskaashi oo soo jireen ah. PUNTLAND POST The post Ruushka oo Soomaaliya ku wareejiyay Gargaar Raashin ah oo dhan hal Markab appeared first on Puntland Post.
-
Mogadishu (HOL) - The Director of the National Intelligence and Security Agency (NISA), Mahad Mohamed Salad, inspected Somalia's largest open-air market, Bakara, in Mogadishu on Thursday in response to recent threats from al Shabab militants targeting business centers equipped with security cameras. Source: Hiiraan Online
-
Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Markab sida shixnad gargaar oo dhan 25 kun tan oo Qamadi ah, isla-markaana ay soo dirtay dowladda Ruushka ayaa maanta soo gaaray Soomaaliya, isaga oo kusoo xirtay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho. Deeqdan ballaaran ee ka timid Ruushka ayaa waxaa la wareegtay dowladda Soomaaliya, ayada oo munaasabad kooban oo ka dhacday dekedda ay ka qayb-galeen mas’uuliyiin uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo la wareegay gargaarkan. Ugu horreyn waxaa goobta ka hadlay Safiirka Ruushka u fadhiya Jabuuti iyo Soomaaliya Ambassador Mikhail Alekseevich Golovanov, kaas oo ka warbixiyay deeqdan, wuxuuna tilmaamay inay tahay mucaawino ay ugu talagaleen dadka Soomaaliyeed ee ay dhibaatada kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka Elnino ee haatan ku dhuftay gudaha Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in tani ay astaan u tahay saaxibtinadii soo jireenka ahayd ee ka dhexeysay dalalka Soomaaliya iyo Ruushka. Dhankiisa wasiirka arrimaha gudaha Axmed Macallin Fiqi oo munaasabadda ka hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Ruushka iyo madaxweyne Vladimir Putin, isaga oo sheegay in deeqdan ay tahay tii ugu weynayd ee hada soo gaartay dalka oo ay ka jiraan xaalado adag. “Deeqdan waa tii ugu weynayd oo maalmahaan soo gaartay Soomaaliya waxay nooga timid dowladda Ruushka waxaan rabnaa inaan u mahadcelino dowladda Ruushka oo uu safiirka wakiil ka yahay iyo madaxweynahooda garashadooda ay u garteen Soomaaliya oo hadda xaalad adag ay ka jirto inay usoo diraan gargaar 25 kun oo tan oo Qamadi ah oo gaaraysa 500 oo kun oo kiish oo min 50 kiilo garaam ah” ayuu yiri wasiir Axmed Macallin Fiqi. Waxaa kale oo uu yiri “Wax weyn weeye, xilli saacaddaan ay dadka Soomaaliyeed wajahayaan daadad iyo fatahaado burburiyay magaalooyin, buundooyin saameeyay dad laba milyan bar ah, ayna barkaceen malyan iyo boqol kun dad ku dhow, ay dhinteen 100 qofood” Fiqi ayaa xaqiijiyay in deeqdan la gaarsiin doono maamul goboleedyada iyo degmooyinka ugu daran ee ay ka jiraan xaaladaha adag ee ka dhashay fatahaadaha iyo daadadka. “Waxaan rabnaa inaan deeqdan la gaarno dadka ay hadda daadadka saameeyeen iyo fatahaadaha sida ugu dhaqsaha badan dowlad goboleedyada kala duwan iyo degmooyinka kale sida ay u kala dhibaato badan yihiin” ayuu mar kale yiri wasiirka arrimaha gudaha. Gargaarkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee ka yimaada Ruushka, waxaana sidoo kale la filayaa in mar kale uu December soo diro, kaas oo isna sida 25 kun oo tan oo Qamadi ah. The post Daawo: Markab uu soo diray Ruushka oo soo gaaray Xamar appeared first on Caasimada Online.
-
Xamaas ayaa xaqiijisay in hal maalin oo dheeraad ah lagu daray xabad-joojinta oo ku eekayd Arbacadii shalay. Waxaa socda dadaalo lagu kordhinayo wakhtiga Xabad-joojinta si loo siidaayo maxaabiista ku jira gacanta Xamaas iyo Israel. Maanta oo khamiis ah ayaa la filayaa in lasii daayo 8 kamid ah maxaabiista Xamaas heyso. Sidoo kale qaar kamid ah Falastiiniyiinta u xidhan Israel. Israel ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay dib u bilowdo duqeynta iyo weerarka Gaza, marka ay dhammaato xiliga xabad-joojinta. Qaramada Midoobay iyo ururada Caalamiga ah ayaa ku baaqay in xabad-joojinta lasii wado si gargaar loo gaadhsiiyo shacabka Gaza. Maamulka Gaza ayaa Beesha Caalamka ka codsaday in laga caawiyo sidii loo soo saari lahaa meydadka ku hoos jira guryaha burburay oo aad u badan. In ka badan 6.200 qof oo ahaa shacabkii Falastiin ee Gaza ayaa la la’a yahay, waxaana la filayaa in meydadkooda ku hoos jiraan daaraha Israel burburisay. Tiradda la xaqiijiyey in duqeynta Israel lagu dilay ayaa ka badan 15.000 qof oo ay ku jiraan in ku dhaw 7.000 oo caruur ah. Source
-
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee uu soo qabanqaabiyay Bangiga Adduunka kaas oo lagu soo Bandhigay Warbxinta xaaladaha Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oo sitoos ah uga baxayay Goobjoog Tv Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo hadal ka jeediayy shirkaan ayaa soo dhaweeyay warbixinta Bangiga Adduunka uu diiyaariyay xaaladaha Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya oo sheegtay in dhaqaalaha Soomaaliya horumar sameeyay sanadkaan 2023. Wasiirka ayaa sheegay in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya horumar wayn ka samaysay hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo sharuudaha barnaamijka deyn cafinta. “Waxa aan maanta khudbad muhiim ah ka jeediyay shirka Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee Bangiga Adduunka qeybtiisa 8-aad taasi oo aan diirada ku saarnay sida ay biyihu muhiim ugu yihiin nolosha iyo horumarinta dhaqaalaha dalka. Inkastoo ay jiraan caqabado badan, haddana waxa aan horumar muuqada ka samaynay arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige. Dhaqaalaha Soomaaliya waxa uu sameeyay horumar, waana soo hagaagayaa inkastoo ay jiraan caqabado gudaha ah iyo kuwo caalami ah. Waxaa naga go’an inaan xoojino barnaamijkeena dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya. Warbxinta Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka ee la socodka dhaqaalaha Soomaaliya ayaa lagu xusay in dhaqaalaha Soomaaliya uu horumar iyo korar dakhliga gudaha ah uu sameeyay sanadkaan inkastoo ay jiraan caqabado sameeyay homurka dhaqaaalaha taasi oo ay sababeen xaalaha isbeddelka cimilada, daadadka ka dhashay roobka iyo ayax oo dhibaato kale ku haya deegaanka. Warbxinta ayaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya ay heer aad u wanaagsan ka gaartay sharuudaha iyo xeerka ku xiran barnaamijka Deyn Cafinta oo la filayo in lagu dhawaaqo bisha December ee sanadkaan 2023, taas oo dowladda Soomaaliya u suurtogelinaysa in helo maalgashiyo caalami ah iyo qaadashada deymo lagu hormariyo kaabayaasha dhaqalaha dalka. Source: goobjoog.com
-
Laba nin oo Falastiiniyiin ah ayaa saaka oo khamiis ah weerar ku qaaday galbeedka magaalada Qudus Raggan ayaa rasaas ku furay goob basaska laga raaco, waxaana weerarkan ku dhintay ugu yaraan 2 qof. Weerarkan ayey sidoo kale ku dhaawacmeen 8 qof oo kale. Ciidamada Israel ayaa toogasho ku dilay labada nin ee weerarka geystay. Weerarkan ayaa kusoo beegmay xili Israel ay weeraro joogto ah ku heyso shacabka Falastiiniyiinta ee Daanta Galbeed. Israel ayaa sidoo kale diiday in inta badan shacabka Falastiin ku tukadaan Masaajidka Al Aqsa oo ku yaalla magaalada Qudus tan iyo 7dii bishii Oktoober. Source
-
Wararka naga soo gaadhaya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay doon nooca kalluumaysiga ah oo laga leeyahay Iran lagu afduubtay maamulkaasi, gaar ahaan aagga degmada Qandala ee gobolka Bari. Guddoomiyaha degmadaasi Axmed Yuusuf Khuurshe oo u warramay VOA ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday doontaasi, isaga oo sheegay in kaxeysteen rag budhcadbadeed ah. Axmed Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in doonta oo dhameysatay shaqadeeda ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen rag isa soo abuulay, kadibna ay sidaas ku afduubteen. “Doon Qandala aageeda joogtay oo shaqadeydii dhammeysatay, ilaaladiinta ay kasoo degay oo safar ah ayaa niman abaabulan oo qoryo wata oo budhcadbadeed lagu tilmaamay ay doontaas la wareegeen oo ay kaxeysteen” ayuu yidhi gudoomiyaha degmada Qandala. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Arrimo budhcadbadeed ayaan uga shakisanahay doontaas, maalmihii u dambeeyayna waan helaynay Report-kooda, waxaana 100% xaqiijinay in nimankaas ayna ahayn wax iska abaabulay Qandala iyo aageeda”. Guddoomiyaha maamulka degmada Qandala oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in doonta ay ahayd mid si sharci ah uga kalluumaysaneysay xeebaha Puntland, isla-markaana la afduubtay dhammaan shaqaalihii saarnaa doontaasi. Source
-
Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareyknaka Henry Kissinger, oo ahaa diblamaasi weyn isla markaana mar ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize, ayaa xalay geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 100 jir. Kissinger, ayaa ku geeriyooday hoygiisa oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalkan Maryekanka, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Xaruntiisa Latalinta Arrimaha Siyaasadda ee Kissinger Associates. Kissinger, ayaa saameyn weyn ku yeeshay arrimaha siyaasadda caalamka muddo siddeed sanno ah oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadda u soo kala noqday, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka Richard Nixon iyo Gerald Ford. Tan iyo marki uu ka baxay siyaasadda, wuxuu wali door ka ciyaarayay arrimaha siyaasadda iyo bulshada Mareykanka. Wuxuu ka qeybgali jiray kulamada Aqalka Cad, bandhigyada buugaagta iyo isaga oo sidoo kale hortagi jiray guddiyada Sanatka oo uu kala hadli jiray khatarta hubka niyukleerka. Bishi July ee sannadkaan 2023-ka wuxuu magaalada Beijing kula kulmay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Source
-
Nin asalkiisu ka soo jeedo dalka Nigeria balse haysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ka hor qirtay inuu ku kacay khiyaano isla markaana uu xaday in ka badan 6 milyan oo doolar muddo toddobo sanno ah. Idris Dayo Mustafa, oo 33 jir ah, waxa uu qayb ka ahaa koox jabsata oo gashay email-ka iyo xisaabaadka shirkadaha Maraykanka laga leeyahay intii u dhaxaysay sannadihii 2011 iyo 2018, taas oo keentay in la waayo lacagtaasi lixda milyan ah sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah Mustafa ayaa laga soo celiyay Ingiriiska bishii August, laba sanno kadib markii la xidhay.Dambiyada uu galay ayaa gaadhaya ilaa sida la sheegay u dhigma xukun gaadhaya 20 sanno oo xadhig ah. Source
-
Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareyknaka Henry Kissinger ayaa xalay geeriyooday isaga oo ay da’diisu aheyd 100 sano jir. Kissinger, ayaa ku go’ay hoygiisa oo ku yaalla gobolka Connecticut ee dalkan Maryekanka, sida ay warbaahinta u xaqiijisay Xaruntiisa Latalinta Arrimaha Siyaasadda ee Kissinger Associates. Mr. Henry Kissinger ayaa ahaa diblamaasi calaamad aanan la tiri karin kaga tagay siyaasadda dibadda Mareykanka isla markaana mar ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize. Tan iyo marki uu ka baxay siyaasadda, wuxuu sidoo kale wali door ka ciyaarayay arrimaha siyaasadda iyo bulshada Mareykanka. Wuxuu ka qeybgali jiray kulamada Aqalka Cad, bandhigyada buugaagta iyo isaga oo sidoo kale hortagi jiray guddiyada Sanatka oo uu kala hadli jiray khatarta hubka niyukleerka. PUNTLAND POST The post Xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareyknaka Henry Kissinger oo xalay geeriyooyday appeared first on Puntland Post.
-
Qandala (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya xeebaha bari ee Puntland ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay doon nooca kalluumaysiga ah oo laga leeyahay Iran lagu afduubtay maamulkaasi, gaar ahaan aagga degmada Qandala ee gobolka Bari. Guddoomiyaha degmadaasi Axmed Yuusuf Khuurshe oo u warramay VOA ayaa xaqiijiyay weerarka lagu qaaday doontaasi, isaga oo sheegay in kaxeysteen rag burcadbadeed ah. Axmed Yuusuf ayaa shaaca ka qaaday in doonta oo dhameysatay shaqadeeda ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen rag isa soo abuulay, kadibna ay sidaas ku afduubteen. “Doon Qandala aageeda joogtay oo shaqadeydii dhammeysatay, waardiyihiina uu kasoo degay oo safar ah ayaa niman abaabulan oo qoryo wata oo burcadbadeed lagu tilmaamay ay doontaas la wareegeen oo ay kaxeysteen” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Qandala. Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Arrimo burcadbadeed ayaan uga shakisanahay doontaas, maalmihii u dambeeyayna waan helaynay Report-kooda, waxaana 100% xaqiijinay in nimankaas aysan ahayn wax iska abaabulay Qandala iyo aageeda”. Guddoomiyaha maamulka degmada Qandala oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in doonta ay ahayd mid si sharci ah uga kalluumaysaneysay xeebaha Puntland, isla-markaana la afduubtay dhammaan shaqaalihii saarnaa doontaasi. “Doontu waa doon Iran ah oo kalluumeysato ah oo waxaa weeye guddoontay shatiga xeebahana si sharci ah ku joogtay, marka shaqaalihii saarnaa iyo doontii oo dhammeystiran waa ay kaxaysteen” ayuu mar kale yiri Axmed Yuusuf Khuurshe. Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in ciidamada Badda ee maamul goboleedka Puntland ay ku bexeen arrintaas, isla-markaana ay rajaynayaan in laga dabo tego afduubayaasha. “Waxaan jecelnahay ciidamada amniga oo hadda howlgal fuliyay inay soo afjari doonaan ama ay keeni doonaan, kadibna aan si faahfaahsan uga warbixin doono” ayuu yiri. Si kastaba, waa doontii labaad ee kalluumaysi oo Iran ay leedahay, taas oo laba todobaad gudahood koox burcad ay kaga afduubtaan bariga Soomaaliya. Maalmo kahor ayay sidoo kale ahayd markii shan nin oo ay qabteen ciidamada Mareykanka lagu helay afduubka markab ganacsi oo lagu qabsaday meel u dhow xeebaha dalka Yemen, isla-markaana loo maleeyay inay weerkaas gaysteen kooxda Xuutiyiinta, balse waxa ay noqdeen Soomaali,sida ay shaaca ka qaaday wasaarada gaashaandhiga dalka Mareykanka. The post Xogta doon laga leeyahay IRAN oo lagu afduubtay xeebaha Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.
