Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Golaha Guurtidda oo ka Dooday Xaaladda Waxbarashada Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ayaa Dood ka yeeshay sidii loo horumarinlaha siyaasada waxbarashada dalka. Fadhigii Maanta ee Golaga Guurtida Somaliland oo uu shirguddoominaayey Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golahaas Mudane, Siciid Jamac Cali, ayaa Mudanayaasha Golahaasi waxay Dood ka yeesheen xaaladda waxbarshada ee dalka, waxaanay mudanayaashii doodaas ka qaybqaadanaayey ka dalbadeen wasaaradda waxbarshada iyoSayniska Somaliland la yimaadaan talaabooyin lagu dardargalinayo waxbarashada dalka, isla markaasina Dugsiyadda Farsamadda Gacanta ay ka hirgaliyaan Gobolladda iyo Degmooyinka Dalka. Dhinaca kalena, Mudanayaasha Golahaas Guurtida Somaliland qaarkood ayaa dugsiyada gaarka loo leeyahay ka codsaday in aanay waxbarashada ka dhigin ganacsi ee ay dadka hoos u eegaan, isla markaana qiimaha lacagta Feega ee ay qaadayaan ay ka dhigaan mid bulshadu wada awoodi karto. Geesta kale xildhibaanadu waxa ay soo jeediyeen in marka la qorayo carruurta iskuulka hoose in lagu xidho in uu soo marey Malcamada Qur’aanka Kariimka lagu barto, laguna imtixaano ilmahaas in uu xafidsan yahay Qur’aanka Kariimka. Gaba-gabadii waxa ay xildhibaanada golaha guurtidu soojeediyeen in ardayda wax lagu baro afkooda hooyo, si ay dalka ugu soo baxaan jiil ku hubaan aqoon. Qaran News
  2. Garowe (HOL) - Puntland Regional State President Said Abdullahi Deni convened a meeting with various political organizations in Garowe on Saturday, aiming to address the upcoming regional elections. Source: Hiiraan Online
  3. Itoobiya oo ka Hadashay Awaamiir Culus ku soo Rogtay Shirkadaha Qaadka iyo Saameynta Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Wasaaradda Ganacsiga ee dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa sheegtay inay awaamiir adag ku soo rogtay dadka qaadka Itoobiya ka ganacsada. Waxa ay Dawladda Itoobiya sheegtay inay liisanka cusub ee ay ku soo rogtay ganacsatada qaadku uu la xidhiidho sidii wax looga qaban lahaa hoos u dhac ku yimid dakhligii Itoobiya uga soo xaroon jiray Jaadka. Wasaaradda Ganacsigu waxay sheegtay in tobankii sannadood ee laga soo dhaafay Itoobiya ku weyday lacag dhan 248 Milyan. Balse ay fajiciso ku noqotay in sannadkii hore oo kaliya ay kaga baaqatay 400 oo Milyan oo doolar. Qoddobada ay soo rogeen waxa ka mid ah in dhammaan ganacsatada qaadka dhoofiya oo dhami ay dib u qaataan ruqsado cusub, isla markaana gaadiidkooda ku xidhaan GPS. Itoobiya waxay sheegtay in 5 kun oo ganacsade oo hore u diiwaangashanaa ay ka shaqeeyaan uun 500 oo shirkadood. Shuruudaha walaaca laga muujiyay waxa ka mid ah in ganacsadaha qaadanaya liisanka cusubi uu keeno cadayn la xidhiidha inuu sannadkii u dambeeyay Itoobiya ka qaatay qaad qiimihiisu dhan yahay Nus Malyuun doolar ama 500.000 oo doolar. Taasi oo ah mid aad ugu adag oo ay walaac ka muujiyeen beeralayda Jaadka ee Itoobiya. Sharcigan wuxuu saameyn doonaa ganacsato badan oo reer Somaliland ah, oo aan tahli doonin inay ka soo baxaan shuruudaha waaweyn, taasina ay saameyn ku yeelan doonto ganacsigoodii. Qaran News
  4. Dubai (HOL) - The death toll from floods triggered by El Niño rains has reached 120, with over one million people displaced, Somali President Hassan Sheikh Mohamud announced on Friday during his address at the twenty-eighth session of the Conference of the Parties to the United Nations Framework Convention on Climate Change (COP28). Source: Hiiraan Online
  5. Some 57 people have died and an estimated 632,700 people have been displaced due to floods in different parts of Ethiopia since October, the United Nations Office for the Coordination of Humanitarian Affairs (UNOCHA) has disclosed. Source: Hiiraan Online
  6. Governments launched new initiatives on Saturday to bolster clean energy and to wean themselves off fossil fuels at the U.N. climate summit in Dubai, where countries are grappling with how to halt the non-stop rise in planet-warming emissions. Source: Hiiraan Online
  7. KYIV: Ukraine said Saturday that two power lines connecting its electricity grid to the Zaporizhzhia nuclear plant were cut overnight, putting the plant at risk of an “accident.” Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa saddex qarax oo maanta siyaabo kala duwan uga dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kuwaas oo lala beesaday xarumo ganacsi oo ku kala yaalla suuqa Baakaaraha iyo degmada Warta Nabbadda ee gobolka Banaadir. Qaraxa koowaad oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay xarun ganacsi oo ku taalla qeybta Cirtoogte ee Suuqa Bakaaraha, halkaas oo la sheegay in maalmo ka hor lagu xiray kaamirada qarsoon ee CCTV, kadib amar kasoo baxay dowladda, Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhaawacmeen laba haween ah oo ka agdhowaa goobta, sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray goobta la qarxiyay. Laba oo qarax oo kale, oo iyaguna ahaa miinooyin ayaa ka dhacay xaafadda Laba Dhagax ee dgemada Warta Nabadda, kuwaas oo iyana lala beegsaday xarumo ganacsi. Mid kamid ah qarxyadaas waxaa lala beegsaday goob ganacsi oo uu leeyahay ganacsadaha caanka ah ee Qoobey, sida ay innoo sheegeen ilo dadka dadka deegaanka. Sidoo kale qaraxa saddexaad oo isna ka dhacay Laba Dhagax ayaa waxaa lagu qarxiyay xarun lagu magacaabo Oranje Jibsi, taas oo uu buurbur xoogleh soo gaaray. Labadan qarax ayaa ka duwanaa midka ka dhacay Bakaaraha, waxaana labadan goobood toos u tegay rag ka tirsan Al-Shabaab oo qaraxyada geeyay, kadibna baxsaday. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan qaraxyadaas oo qayb ka noqonaya beegsiga haatan lagu hayo ganacsatada. Weeraradan ayaa kusoo aaday, ayada oo Khamiistii uu suuqa Bakaaraha booqday taliyaha NISA, Mahad Salaad oo u kuurgeliyay ammaanka iyo waxa ka dhaqan-galay amarkii kasoo baxay hay’adda ee ku aadanaa in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka CCTV. The post Faahfaahinta qaraxyo maanta ka dhacay Muqdisho + Khasaaraha appeared first on Caasimada Online.
  9. Türkiye on Saturday welcomed a decision by the UN Security Council to lift an arms embargo on Somalia. Source: Hiiraan Online
  10. Countries at risk of climate disaster have called for a transparent and smooth process of grants and not loans from the loss and damage fund, as well as dedicated allocations for the most vulnerable nations. Source: Hiiraan Online
  11. Somalia, the African Union Transition Mission (ATMIS), and the UN Support Office (UNSOS) on Saturday jointly announced the resumption of the second phase of the troop withdrawal from the country in December. Source: Hiiraan Online
  12. Somalia may have joined the East African Community (EAC) last week, becoming the eighth member of the expanding bloc, but Somalis are wondering whether the move could kill their national language: Somali. Source: Hiiraan Online
  13. The Turkish Red Crescent on Saturday handed over 2,000 food packages to the Somali Disaster Management Agency (SODMA) for the people affected by the flood. Source: Hiiraan Online
  14. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shir socday shalay illaa xalay la qaatay xisbiyada siyaasadda Puntland, wuxuuna mar kale ku adkeystay doorashada la isku diidan yahay ee qof iyo cod. Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD, IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA. War-saxaafadeed kasoo baxay shirka ayaa lagu sheegay in looga hadlay dardargelinta dhameystirka doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan. Shirka ayaa imanaya xilli mucaaradka Puntland ay weli diidan yihiin doorasho qof iyo cod ah, oo ay u arkaan mid uu Deni ku dheereysanayo muddo xileedkiisa ku eg bisha Janaayo. Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka kasoo baxay shirka. Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay Xisbiyada siyaasada Puntland, shirkaasi oo socday maanta ilaa iyo caawa ayaa looga hadlay dardargelinta dhameystirka Doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada, Madaxtooyada iyo saddexdii degmo ee ka harsanaa Doorashooyinkii Goleyaasha Deegaanka ee Gobolka Nugaal ee kala ah Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan. Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda ayaa kulankooda xoogga ku saaray, isu diyaarinta dhameystirka Doorashooyinka Dadweyne oo nabad ku dhaca, Shirka waxaa ka qeybgalay Masuuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD, IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA. Madaxweynaha iyo Xisbiyada Siyaasadda Puntland waxay u mahadceliyeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo cidkasta oo door ka qaadanaysa doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada, sidoo kale waxaa loogu baaqay cidkasta oo ka aragti duwan hanaanka şocda in albaabka wadahadalka u furanyahay. Isagoo ku hadlaaya magaciisa iyo kan Goleyaasha Dowladda Puntland, wuxuu Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni cod dheer ku sheegay in Dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo. The post Saciid Deni iyo xisbiyada Puntland oo ku dhowaaqay mowqif la xiriira doorashada appeared first on Caasimada Online.
  15. Qaahira (Caasimada Online) – Israel ayaa ku wargelisay dhowr dal oo Carbeed inay doonayso inay aag difaac ah ka abuurto dhinaca Falastiiniyiinta ee soohdinta Gaza, si looga hortago weeraro ay Xamas mustaqbalka kusoo qaado Israel. Qorshahan ayey Israel sheegtay inay fulineyso kadib dhammaadka dagaalka Gaza, sida ay ilo-wareedyo Masaari iyo kuwa gobolka ku sugan ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters. Qorshahan ayaa macnihiisu yahay in ciidamada Israel ay ka difaaci doonaan Israel gudaha Gaza intii ay ku sugnaan lahaayeen xudduudoodii hore, balse ma cadda inta kilometer ay Israel dooneyso inay aagga difaacca ka dhigto. Sida laga soo xigtay saddex ilo-wareedyo gobolka ah, Israel waxay qorshaheeda la wadaagtay dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, oo sanadkii 2020 xiriir diblomaasi la sameystay Israel. Waxa kale oo ay sheegeen in Sacuudiga, oo aan xiriir la lahayn Israel islamarkaana joojiyey wada-hadallo uu Maraykanku dhex-dhexaadinayey kadib markii uu dagaalka Gaza bilowday 7-dii October, lagu wargeliyey qorshaha Israel. Ilo-wareedyada ma aysan sheegin sida ay xogtani ku gaartay Riyadh, oo aan si rasmi ah u lahayn xiriir toos ah oo ay la leedahay Israel. Turkiga oo aan Carab ahayn ayaa sidoo kale loo sheegay, sida ay sheegeen ilo-wareedyadan. Hindisahani ma tilmaamayo in uu soo afjarmi doono weerarka Israel – kaas oo dib u billowday Jimcihii, kadib xabbad-joojin toddoba maalmood ah –balse waxa uu muujinayaa in Israel ay ka gudubtay dhex-dhexaadiyeyaasha Carabta ee la aasaasay, sida Masar ama Qatar, iyada oo doonaysa in ay qaabayso Gaza dagaalka kadib. Ma jirto dawlado Carbeed oo u muujiyay wax rabitaan ah inay ilaaliso ama maamulaan Gaza mustaqbalka, waxayna intooda badan si buuxda u cambaareeyeen weerarka Israel ee lagu dilay in ka badan 15,000 oo qof iyo burburinta dhul badan oo ka mid ah magaalooyinka Gaza. Xamaas waxay ku dishay 1,200 oo qof duullaankoodii October 7, waxayna qafaasheen in ka badan 200 oo qof. Dowladaha Masar, Sacuudiga, Qatar, Turkiga, iyo Urdun si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan arrintan. The post Israel oo dalalka Carabta ku wargelisay qorshe yaab leh oo ay ka damacsan tahay Gaza appeared first on Caasimada Online.
  16. Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa shalay ku wareejiyay wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad-gobolleedka Hirshabeelle , Mudane Muuse Salaad Waheliye gaari loogu talagalay inuu u adeeggo garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baladweyne. Wareejinta gaarigan ayaa qayb ka ah qorshaha fulinta barnaamijka amniga iyo bedqabka garoommada dal, iyadoo ay adeegsan doonaan kooxda bedqabka iyo la socodka amniga dhabaha diyaaradaha ee garoonka Ugaas Khaliif, sida uu sheegay maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawlad-gobolleedka Hirshabeelle , Mudane Muuse Salaad Waheliye oo ka mahadceliyay wareejinta gaarigan ayaa sheegay inuu muhiimad u leeyahay howlaha shaqo ee garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee xarunta gobolka Hiiraan. Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sidan oo kale ugu wareejisay toddobaadkii hore Dawlad-gobolleedyada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed min hal gaari oo u adeegi doono garoommada diyaaradaha. PUNTLAND POST The post Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya oo gaari ku wareejisay Garoonka diyaaradaha Beledweyne appeared first on Puntland Post.
  17. Ninka Oromada casuumay ayuunbay ku koobantahay Isaaq shaqo kuma laha. Waxa todobaadkani ina haystay rag Oromo ah oo dalka lagu casuumay oo la sheegaayo in ay dir yihiin oo ay reer Somaliland la walaalo yihiin, iyada oo arinkaasi ay wataan ama ku shaqaysanayaan dad gaar ahi oo fashilmay Hadaba ragaasi Oromada ah ee la sheegayaa waa dad aan dadk dalka lahi u wada dhamayn soo dhawayntooda xataa iska daa reer Somaliland ee waxaan u dhamayn reer Hargeysa. Inkasta oo aan arkaynay shaqsiyaad ka mid ah dadka xukuumadda Muuse Biixi taageera oo arinkaasi ka muuqda hadana waxa dhab ah in aan reer Hargysi ayna arinkaasi u dhamayn oo dad gaar ahi ay wataan sida aan kor ku xusay. Waxa aynu ayaamahii ina soo dhaafay aan arkaynay dad badan oo reer Somaliland ah iyo kuwo aan ahaynba oo cay iyo aflagaado u gaysanaaya beelaha Isaaq ee sharafta leh. Waxa aan dadkaasi u sheegaynaa in aan xataa arinkani ayna wadan beel gaar ahi ee ay mashruucani ay wataan dad kooban oo fashilmay isla markaasina faashilkooda ku qarinaaya. Waxa dalka looga baahanyahay siyaasad lagu hago iyo in dadka iyo dalkaba loo jiheeyo horumar. Waxana haboon in aan dadka iyo dalka la khal khalin oo aan been la isu sheegin. Dalku doorasho ayuu u baahanyahay ee uma baahna been iyo khiyaali iyo colaado la huriyo Waxa ay sheekadan Oromadu I soo xasuusisay Riwaayadii Aw Bustaale oo jilayaasha ay xataa ku jireen rag Oromo matalayaa waaba tii uun Waxa aan ku soo koobayaa qoraalkaygani waxa ay xukumaddeenu inoo jilaysaa riwaayadii Aw Bustaale inaguna daawadayaashii qiimahalahaa ayaynu ka nahay ee waa in ay sharafteena ilaaliyaan. Xuseen Xasan Salah Qaran News
  18. Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxay howlgal ay iska kaashadeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadooda caalamiga ah oo laga fuliyay deegaan hoostaga magaalada Halgan ee gobolka Hiiraan ee Hirshabeelle taasi oo lagu dilay ilaa 60 ka tirsan Shabaab. Howlgalka oo si gaar ah loogu bartilmaameedsaday dagaalyahanno Shabaab oo ku tuulada Hela Bacaad ee Halgan ayaa la sheegayaa in khasaaraha uu isugu jiro naf, hanti iyo qaar kale. Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in howlgalka uu ahaa mid saacado badan qaatay, islamarkaana ciidamada ay sidoo kale ku burburiyeen fariisimo kooxdu ku laheyd tuulada. Howlgalkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhowaan ergayga arrimaha ciidamada deegaanka Cali Jeyte Cismaan uu ku dhawaaqay in howlgallo laga bilaabayo deegaanno dhaca Hiiraan oo ay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab. Source: goobjoog.com
  19. Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah Xisbiyada siyaasada Puntland. Madaxweyne Deni oo hadal kooban jeediyay ayaa sheegay in Kulanka looga hadlay dardargelinta dhameystirka doorashooyinka hal qof iyo hal cod ee Golaha Wakiilada iyo Madaxtooyada Puntland. Shirka waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiinta iyo hoggaamiyeyaasha Xisbiyada Siyaasadda ee kala ah Xisbiyada SINCAD , IFIYE, RUNCAD, MUSTAQBAL, KAAH iyo SHAQAALAHA. Madaxweynaha ayaa sheegay in aysan Puntland ka dhacayn doorasho aan qof iyo cod ahayn islamarkaana shacabku isu diyaariyaan in ay codkooda ku doortan Madaxdooda. “Wax aan doorasho qof iyo cod ahayn oo meeshaan (Puntland) yaalla ma jiraan waana in shacabku Madaxdooda ku doortaan” ayuu yiri Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Wuxu sidoo kale sheegay in dowladu diyaar u tahay wadahadal iyo in ay la fariisato cidii ka aragti duwan, si hanaanka dimuqraadiyadu ugu taabo galo xasilooni iyadoo qof walba doorkiisa qaadanayo. Halkaan ka daawo Muuqaalka PUNTLAND POST The post Madaxweyne Deni “Doorasho aan qof iyo cod ahayn kama dhacayso Puntland” appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo qoraal ka soo saaray go’aankii cunaqabateynta hubka looga qaaday dowladda Soomaaliya, ayaa dowladda federaalka Soomaaliya u diray baaq ku aadan hubka iyo ciidamada qaranka. Kheyre ayaa sheegay in go’aankaas uu Soomaaliya u horseedayo isku filaasho amni oo caalamka ay wax kula qeybsa karto. “Hambalyo Soomaaliya oo Golaha Amaanka Qaramada Middoobay ka qaaday cunaqabateynta hubka, si Soomaaliya awood ugu yeelato iney amnigeeda gudaha, kan gobolka iyo caalamkaba ugu filnaato,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre. Ra’iisul Wasaarihii hore ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay sii wado qorshaheeda hagaajinta hay’adaha amniga. Sidoo kale wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay inay xaqiijiso xakameynta hubka iyo saadka ciidamada, si aysan u gelin gacan argagixiso. Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale dowladda ku adkeeyey inay muhiim tahay in ciidamada qaranka loo dhameystiro xuquuqdooda. “Waxaa Dowladda Soomaaliya waajib ku ah in ay sii waddo dardargelinta hagaajinta hay’adaha amniga iyo adkeynta habraacyada xakameynta hubka iyo saadka si loo xaqiijiyo gacan ku haynta guusha la gaaray, sidoo kalena waa lagama maarmaan in xuquuqaha kale ee ciidankeena qof iyo qoysba la kaamilo,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Kheyre. Golaha Ammaanka ee Qaranada Midoobe ayaa saqdii dhexe ee xalay u codeeyey in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyntii hubka ee saareyd 31-ka sano, waxayna dowladda Soomaaliya hadda kadib awood u leedahay inay nooc kasta oo hub ah soo iibsato. The post Kheyre oo DF u diray farriin culus oo ku aadan ciidamada appeared first on Caasimada Online.
  21. Mogadishu (HOL) - Somalia's bicameral legislature session descended into chaos on Saturday as several lawmakers reportedly obstructed the opening, which was expected to be chaired by Speaker of the Upper House, Abdi Hashi Abdullahi. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online)- Guddoonka Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa qoraal ka soo saaray gacan-qaadkii iyo buuq maanta hareeyey kulanka labada Aqal ee ka dhacay xarunta golaha shacabka. Xildhibaanada golaha shacabka oo diidanaa in la guda-galo akhrinta miisaaniyadda 2024-ka, iyadoo aan lasoo xirin miisaaniyadii sanadkii hore ayaa sameeyey buuq iyo gacan-qaad. Waxaa hoolka lagu garaacay habdhowraha golaha shacabka oo xildhibaan ka tirsan golaha uu u gacan qaaday. Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka Cabdullahi Abshirow ayaa kulanka shir guddoominayey, waxaana wixii maanta dhacay iska fogeeyey guddoonka Aqalka Sare. Qoraalka ka soo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in buuqii maanta hareeyey kulanka labada aqal uu ahaa nasiib darro laga baaqsa karay oo Aqalka Sare uusan qeyb qaadan. “Golaha Aqalka Sare, wuxuu ka xun yahay is hortaaggii ka dhacay Villa Hargeysa maanta oo ay tariikhdu tahay 𝟐/𝟏𝟐/ 𝟐𝟎𝟐𝟑, kaas oo sababay in uu qabsoomi waayo kulanka wadajirka ahaa oo loogu ballansanaa in looga hadlo Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka iyo Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedka ku dhamaaday 31-ka Decenber 2022-ka,” ayaa lagu yiri qoraalka. Qoraalka Aqalka Sare ayaa intaas ku sii daray, “Golaha Aqalka Sare oo ka duulaya 𝐪𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟓𝟔-𝐚𝐚𝐝 xarafka (𝐚) oo qeexaya in ay Labada Aqal u gutaan si wadajir hawlaha ay waddagaan, wuxuu howlo shaqo u tegay Xarunta Golaha Shacabka Villa Hargeysa, balse, nasiib darro waxaa halkaas ka dhacay dhacdo aan ku habboonayn maqaamka iyo milgaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.” Golaha ayaa ugu dambeyn qoraalkiisa ku yiri “Aqalka Sare wuxuu caddaynayaa in uusan dhacdadaan qayb ka ahayn, wuxuuna rajaynayaa in xal degdeg ah laga gaaro wixii dhacay.” The post Aqalka Sare oo war yaab leh ka soo saaray wixii maanta dhacay appeared first on Caasimada Online.
  23. Dawladda UK oo Digniin Amni oo ay soo Saartay Kaga Hadashay Somaliland Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Ingiriiska ayaa muwaadiniinteeda uga digtay inay u safraan 29 dal oo ay sheegtay inay halis amni kala kulmi karaan, sababo la xidhiidha qaraxyo argagixiso iyo xasarado kale oo ka oogan dalalkaas dartood. Xafiiska Arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa digniin uu soo saaray, wuxuu ku sheegay in aanay u safrin dalalkaas oo ay ka mid yihiin Maali, Liibiya, Niger, Suudaan, Koonfurta Suudaan, Waqooyiga Itoobiya iyo Soomaaliya. Digniinta ay soo saartay dawladda Ingiriiska, waxay muwaadiniinteeda uga digtay inay u socdaalaan Soomaaliya oo dhan, hase ahaatee waxay intaas ku dartay inay booqan karaan Somaliland, gaar ahaan saddexda gobol ee galbeedka oo ay uga jeedaan Saaxil, Maroodijeex iyo Awdal. Somaliland kama jirto cabsi amni oo laga wabiyaa, waxana ay dawladda Ingiriisku si gaar ah farta ugu fiiqday in wixii daruuri ah ay muwaadiniinteedu u tagi karaan Somaliland. Qaran News
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa gaari uu la socday Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kaas oo habeenkii Jimcihii lagu rasaaseeyay magaalada Muqdisho. Xildhibaanka ayaa ka hadlay dhacdadaasi wuxuuna xaqiijiyay inay jirto, lana rasaaseeyay isaga oo maraya waddada Maka Al-Mukarrama. Cabdisamad ayaa sheegay inuu kusoo dhacay bar ay ciidamo ka tirsan kuwa NISA ku baarayeen gaadiidka, kadibna uu askari ka tirsan ciidankaas uu xabado ku furay, taas oo ku dhacday daaqadda gaariga, balse ay ka badbaadeeu, Isaga oo ka hadlayay falkaas ayaa waxa uu yri “Maalinta Khamiista ah ee habeenka Jimcaha soo galayay abaare 10:00 habeenimo waqti ku aadan ayaan waxaa mareynay waddada Makka Al-Mukarrama, agagaarka isgoyska Xaaji Baasto,waxaana ku nimid bar koontarool oo ay joogeen ciidamada Hay’adda Nabad Sugidda oo lagu baarayay gaadiidka meesha marayo askari kamid ah Hay’adda ayaa wuxuu na weydiiyay inaan u leexano midigta, si naloo baaro kadibna darawalkii waxa uu uu sheegay inuu xildhibaano wado askariga markaas waa ka madax adeegay, waana ogolaanay inaan u leexano dhanka ay baabuurta taalay, kadib waxaan weynay meel aan ka galno baabuurtii la baarayay kadibna kala wareegaddii askariga xabado ayuu nagu soo riday daaqada gaariga ayay ku dhaceen”. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in falka kadib ay goobta ku gaareen saraakiil ka tirsan Nabad Sugidda, kadibna tallaabo la qaaday askarii ka dambeeyay dhacdada oo al xiray. “Waqti yar oo kooban gudahood waxaa nagu soo gaaray saraakiisha u sarreysa Hay’adda Nabad Sugidda, waxaana markiiba ay qaadeen tallaabo runtii aan ku qanacnay oo ah in askarigii markiiba qorayga laga qaaday, lana xiray” ayuu mar kale yiri. Waxaa kale oo uu intaasi raaciyay “Mar labaadna waa iga daba yimaadeen, waxayna igu yiraahdeen wax kasta oo qanaacaad ah inay diyaar iila yihiin, waxaana u sheegay inaan ku qanacsanahay sharciga”. Ugu dambeyn xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud ayaa meesha ka saaray weerarka sheegaya in falkaas uu ahaa mid la doonanay in isaga lagu khaarijiyo, balse waxa uu hoosta ka xariiqay inuu ahaa mid kam ah oo uu gaystay askari khaldamay, sida uu hadalka u dhigay, “Arrintaan dhacday ma’ahan mid siyaasad la xiriirta ee ahayd arrin ku dhacday qaab xumo askari meeshaa taagnaa, isagana waxaan rajaynaa inuu ka waantoobo” ayuu markale yiri. The post Daawo: Xildhibaan Cabdisamad Macallin Maxamuud ‘oo ka badbaaday weerar halis ah’ appeared first on Caasimada Online.