-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Las Anod (HOL) - The traditional clan chief of the Sool clan and leader of the 33-member SSC traditional council, Garad Jama Garad Ali, welcomed on Thursday the peace initiative put forth by a tribal community in Somaliland, aiming to resolve the ongoing conflict in the Sool region peacefully. Source: Hiiraan Online
-
Qaar kamid ah xoola dhaqatada ku nool deegaano ka tirsan gobolada Mudug, Ceyn iyo qaar kamid ah deegaanada dawlad deegaanka ayaa ka cabanaya xanuun ay sheegeen inuu ka laynayo xoolahooda. Xoolaha ugu badan ee xanuunkan u le’anaya waa geela oo sida ay sheegeen dadka deeganadaas. Jaamac Cali Siciid oo ku nool gobolka Doollo ee dawlad deegaanka ayaa BBC u sheegay in halkii xeraba ay maalintii ka dhimayaan abo ilaa afar neef oo geela, deegaanka uu ku nool yahay. “Geelayaga waxaa ka bakhtiyey mudo 12 saacadood gudahooda laba neef oo geela. Dhawr maalin gudahaoodna ilaa tobban kale ayaa ka baxay geelayaga oo kaliya, waana wax kordhaya oo dhimashada ay kor u socoto, dadka degsiimooyinka aan la ood wadaaga nahay xitaa geelu si badan ayuu uga dhimanayaa” ayuu u sheegay BBC Cabdimajiid Cabdiweli Diirshe oo ah dhaqattar ku takhakhusay daweynta iyo qaliimada xoolaha oo ka hawlgala magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug, ayaa sheegay in ay ku baraarugeen in xanuunkaan uu ka jiro gobolka uu ku sugan yahay. Wuxuu xusay in xanuunkan uu markii labaad soo noqonaya oo sidaan oo kale horay ugu laayahay xoolaha, xilli ay jireen roobab sababay fatahaado. “Xanuunka ku dhacaya xoolaha inta badan waxaa la arkaa xiliyada roobabka da’ayaan ama fatahadu dhacayaan,” ayuu yiir Dr Cabdiwali. Soomaaliya ayaa ku jirta xaaladd daran oo ay sababeen fatahaad Elnino, kuwaas oo sababay dhimashada tobanaan ruux halka ay ku barakaceen qoysas badan. Horay ayaa looga digay in xilligaan oo kale ay dilaaci karaan xanuuno ka dhasha daadadka. Wasaarada caafimaadka ee Puntland ayaa BBC u sheegtay inay ka warhayaan xanuunkaan, oo ay isku dayayaan inay ka daweeyaan xoolaha. Wasiirka wasaaradaas Maxamed Cabdullaahi ayaa sheegay in bagteeriyo loo yaqaano hyperthermia ayay sabab u tahay xanuunka, marar horana sidaas oo kale ay ku dhacday xoolaha. Calaamadaha lagu arkayo Xoolaha. Sida uu sheegay Jaamac Cali Siciid oo geeloodu ku dhacay xanuunkan,waxa xoolaha ku dhacaysa qandho daran oo mudo kooban haynaysa, kadibna neefk ayaa dhimanaya. “Neefka xanuunka ay ku hayso qandhada waxaa ka dareemaysaa inuu xitaa la ilmaynayo, wuxuu joojinayaa daaqa, sidoo kale wuu ka harayaa xoolaha kadibna isla daqiiqado gudahood ayuu bakhtinayaa” ayuu yiri Jaamac. Dr,Cabdimajiid ayaa xusay in xanuunkan ay markii ugu horeysay ku arkeen deegaano ka mida gobolka mudug gaar ahaan deegaanada Bursaalax iyo howdka Mudug sanadkii 2019-kii oo xoolo badana ay ka daweeyeen. Dhaqtarka ayaa sheegay in xooluhu isku gudbinayaan xanuunka oo si xowli ahna ku fidiyo deegaano badan, maadamaa ay daaqa wadaagayaan ama xero ku wada xaraysan yihiin taasna ay tahay walwalka ugu badan ee xanuunka fiditaankiisa oo sii kordhaya. Wuxuu intaa ku daray in wicitaano badan ka helo saacadkasta mid ka mida degaanada xanuunku ka jiro oo ay ka dalbanayaan inuu u daweeyo xoolaha oo si tarab taraba u dhimanaya. Waxa kale oou sheegay in qaar kamid ah dadkii deegaanka ee cunay hilibka xoolahaas ay ku xanuunsadeen, oo ay shuban iyo matag ku soo boodeen. Ma jirto tiro sugan oo ilaa hadda la ogyahay xoolaha uu dilay xanuunkan balse Jaamac Cali oo xoolihiisu ku dhaceen xanuunka ayaa xusay in inka badan boqol neef uu dilay xanuunkaan. Qaran News
-
The Somali authorities say more than a million people have now been forced to abandon their homes in the country due to floods caused by the El Niño weather phenomenon. The heaviest rains in more than two decades have caused widespread destruction, displacement and death across the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (HOL) - A delegation led by Somali President Hassan Sheikh Mohamud arrived in Dubai, United Arab Emirates, on Thursday afternoon to participate in the twenty-eighth session of the Conference of the Parties to the United Nations Framework Convention on Climate Change (COP28). Source: Hiiraan Online
-
Save the Children, a global charity organization, said Thursday that a cholera outbreak in Ethiopia's eastern Somali region has killed at least 23 people. Source: Hiiraan Online
-
“We didn’t play well in the second match against Rwanda. We want an improved performance. As I said earlier, we take one game at a time,” said Akhulia. Source: Hiiraan Online
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayihii hore ee arrimaha dibadda ee Mareykanka Henry Kissinger, oo kaalin mug leh ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda xilligii dagaalkii qaboobaa, ayaa geeriyooday isagoo 100 jir ah. Waxa uu soo noqday dublamaasiga sare ee Maraykanka iyo la-taliyaha amniga qaranka xilligii labadii madaxweyne Nixon iyo Ford. In kasta oo uu xafiiska ka tagay bartamihii 1970-meeyadii, waxa uu sii waday in uu talo siiyo jiilal hoggaamiyeyaal ah tobanaan sano oo xigay. Kissinger oo ku dhashay Jarmalka ayaa goor dambe oo arbacaddii ah ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaal Connecticut. Lama shaacin sababta geeridiisa. Waxa uu ahaa mid ka mid ah wasiiraddii arrimaha dibeda ee ugu saameynta weynaa dunida, si gaar ah intii lagu jiray dagaalkii qaboobaa. Waxa uu la kulmay madaxweyneyaal kala duwan, isaga oo booqday Muqdisho islamarkaas na la kulmay hoggaamiyihii kacaanka Soomaaliya Janaraal Maxamed Siyaad Barre. Marar kale na, waxa uu madax Soomaali ah kula kulmay gudaha Mareykanka. Mid ka mid ah kulamadaas oo dhacay bishii Oktoobar, 1976 waxa uu la yeeshay wafdi ka socday dowladda Soomaaliya oo uu hogaaminayay Xuseen Cabdulqaadir Kaasim, Wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Biyaha. Kulankaas waxa uu dhacay wax yar kahor inta uusan bilaaban dagaalkii xooganaa ee Soomaaliya iyo Itoobiya 1977dii. Wixii dhexmaray Kissinger iyo wafdiga Soomaalida Xuseen Qaasim oo la kulmay Kissinger, waxa uu mar ka mid ahaa ragga ugu saameynta weyn xukuumaddii kacaanka. Kulanka oo ka dhacay hotel uu Henry Kissinger ka degan yahay magaalada New York waxa uu dhexmaray Xoghayaha Arrimaha Dibeda Mareykanka Kissinger, oo ay wehliyaan labo sarkaal oo sare oo ka tirsan wasaaradiisa, iyo wasiirka Macdanta iyo Khayraadka Biyaha Xuseen Cabdulqaadir Qaasim, oo ay wehliyaan Danjire Cabdulaahi Axmed Cadoow oo Soomaaliya u fadhiyay Mareykanka, Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibeda, iyo sarkaal kale oo Maxamed Maxamuud lagu magacaabay. Kulanka waxa uu dhacay xilli ay sii kordheysay xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya, kahor dagaalkii 77. Hoos ka akhri dooddii dhexmartay labada dhinac oo kooban. KISSINGER: Waa maxay macnaha “Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda”? QAASIM: Anigu waxaan ahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, laakiin waxaan dowladda ku matelaa tiro shirarka caalamiga ah. CADOOW: Waa wasiirka arrimaha dibadda, daahsoon. KISSINGER: Waxaad tihiin wadan yar, oo aan haddana laga waayin wararka. QASSIM: Wax walba waxay ku xiran yihiin sida dabayshu u dhacayso. Ma annaga ayaa wararka abuurna, mise kuwa kale ee sameeya xaaladda nagu qasbeysa in aan tilaabo qaadno. ? KISSINGER: waa sidee xaalada xiriirkeenna? QAASIM: Waxaan jeclaan lahaa inaan ka faalloodo taas. Waxaan aaminsanahay inay jirto fursad wax lagu hagaajin karo. KISSINGER: waan kugu raacsanahay. QAASIM: Haa, waxaad xustay qodobo wanaagsan intii lagu gudo jiray qadada. Wax baad ka baranaysaa Afrika. KISSINGER: Wax badan ayaan ka bartay daawashada siyaasadda Afrikaanka. Idinka Soomaalida ah waxaad tihiin dad qalafsan tihiin. Taas ulama jeedo sida a dhaleeceyn, laakiin waxaad ciyaareysaa siyaasad adag. QAASIM: Qalbigeena iyo maskaxdeenna ayaan ka hadalnaa. KISSINGER: Ma rumaysni in dawladaha Afrika oo dhan ay yihiin cadaw, laakiin haddii aad eegto ficillada Dowladda Soomaaliya, marna la idinku ma tilmaami karo dhex-dhexaad. Arrin kasta oo caalami ah waad nagaga soo horjeedaan. Ma khaldami karno mar walba. QAASIM: Aragtideennu waa in Soomaaliya iyo Mareykanku wada yeeshaan xiriir aan lahayn dareen cadaawad. Su’aalo gaar ah ama siyaasado, arrin ku saabsan xukunku wuu galaa oo dhammaan hadalladayadu maaha kuwo colaadeed. Annagu waxaan nahay dhexdhexaad. KISSINGER: Waxaad tiri cadaawad ma jirto, haddana marwalba waad naga soo horjeesataan, oo xitaa mararka qaar waxaad sameysaan waxyaabo wax noo dhimayo. QAASIM: Taasi sawir cadaalad ah kama bixineyso arrinka. Waxaan ula falgalnaa ficilada Mareykanka sida ay noo saameynayaan annaga iyo gobolkeena ba. Jiritaankeenna qaranimo ayaa khatar ku jira. Ficiladiinu na marna ma muujin dhex dhexaadnimo. KISSINGER: Tusaale ma isiin kartaa? QAASIM: Soomaaliya waxay soo martay sooyaal gumeysi oo nasiib darro ah. Xataa ka hor intaanay Soomaaliya xornimada qaadan, waxaad heshiis la gashay Itoobiya. Waxaan aragnay hub ku socda Itoobiya oo aan -aaminsanahay in uu wax u dhimayo xiriir wanaagsan ooka dhexeeya Somalia iyo Ethiopia. Waxaan aaminsanahay in xiriirkeena la hagaajin karo, laakiin hubka aad dirtaan iyo borobogaandada aad sameyneysaan caawin maayaan arrimaheenna. Waxaan aragnay hadalka Xoghayahiina Difaaca. KISSINGER: Waa maxay sababta aan ugu maleyneyno inaad leedihiin ciidan iyo qalab ka badan kan Itoobiya? QAASIM: Taasi waa qalad. Itoobiya way naga xoog weyn tahay. Waxaad nagu qasbeysaa inaan dhisno ciidan. Idinku ma Aydan qaadan door xal-raadin ah. KISSINGER: Waxaad rabtaa qayb ka mid ah Itoobiya. QAASIM: Maya, waxaan rabnaa xorriyad qayb Itoobiya ah oo dadkeena ay leeyihiin. KISSINGER: Markaa cadaawad baad wadi doontaan ilaa aad ka heshaan dhulkiinna intiisa kale. QAASIM: Aan si kale u dhaho. Kama hareyno xuquuqda dadkeena iyo qarankeena. KISSINGER: Waxay nala tahay in aad ka hub badan tihiin Itoobiya. Malaha xogta sirdoonkeenna ayaa qaldan. Waxaan se aragnaa inaad hesho tiro badan oo hubka Soofiyeedka ah. QAASIM: Waxaa nalagu soo duulay 1963 iyo 1964. Itoobiya ayaa taariikh ahaan naga ciidan badan dhanka tirade iyo qalabka ba. Qalad baad ka fahanteen xaaladda. Bal u fiirso waxaad samaysay abaarteennii. KISSINGER: Talcott, maxaan samaynay? SEELYE: Waxaan bixinay gargaar. QAASIM: Haa, laakiin waxaad sheegtay in aan saldhig u nahay Soofiyeedka. Waxaan casuunay goobjoogayaal si ay u arkaan oo u qiimeeyaan arrinkaas. KISSINGER: Taasi waa sax. Oo kulligood waxay xaqiijiyeen warkaas– xataa kuwii bilowgiiba diidanaa. Waxay ku qanceen inaad saldhig Soviet aad martigelisaan. QAASIM: ma aaminsantahay arrinkaas KISSINGER: Waxaan rumaysanahay inaan ka badbaadi karno waxyeelo naga soo gaarta saldhigga Soofiyeedka ee Soomaaliya, laakiin waxaan filayaa in ay ku xiran tahay in la isla fahmo waxa saldhig ah. Haddi aad ku qeexdo saldhig meel ciidamada militariga ayay joogaan, qalabkoodu na yaalo, taasi waa saldhig. QAASIM: Waxaad u baahan tahay inaad wax badan ka ogaato dabeecaddaha dadkayaga. Marna ma ogolaanayno saldhig shisheeye. Ma leh saldhig iyo meel adeeg oo shisheeye. Waxaan aragnay sawiradiinna dayax gacmeedyada oo aad tiraahdeen gantaalo ayaad heysataan. Waan eegnay eedeyntaas, oo waxaan ogaanay in waxa aad ugu yeertiin gantaalo inay yihiin minaaradaha masaajidda. KISSINGER: Waxaa laga yaabaa inaad tahay dad khiyaano badan oo aad gantaalada ku qarisaan minaarada. QAASIM: Waxaan u furnay masaajida si ay kormeerayaashu u booqdaan. Ma hayno lacag aan ku iibsano gantaalada. KISSINGER: Ma aaminsanin inay yihiin gantaaladiinna. Laakiin, aan intaas uga harno. Wax cadaawad ah uma qabno Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, waxaanu aragnaa in aad naga soo horjeesataan gole kasta oo caalami ah. Waxaad ka hortimaadeen hindisahayada koonfurta Afrika. Soomaaliya ayaa safka hore kaga jirta kuwa na dhibaya anaguna waxay ka shaqaynayaan nabadda. Waxaan diyaar u nahay inaan hagaajino xiriirkeena. Ma diidinin sheegashadiinna dhuleed haddii aydan xoog u isticmaalin xallinta khilaafaadkaas. QAASIM: Waxaa jirta sabab aan u wanaajino xiriirkeena, iyo waxaa na laga yaabaa inay jirto fursad sidaas lagu sameeyo. Waxaan u baahanahay inaan mid ba kan kale si cad uga fahmo mowqifkiisa. Wada tashi ayaa naga maqan. Dhexdhexaadnimada Maraykanku kuma filna. Waxaan rabnaa inaad ciyaarto doorka firfircoon ee xalinta dhibaatooyinkeena. Isha: BBC Somali The post Hadalkii yaabka lahaa ee Henry Kissinger uu ka yiri Soomaalida iyo kulankii 1976 appeared first on Caasimada Online.
-
Gaarisa (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada dowladda Kenya iyo maleeshiyada Al-Shabaab oo shalay ka dhacay qaybo kamid ah ismaamulka Gaarisa, kaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac. Dagaalka ayaa yimid, kadib markii xubno kooxda Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada Kenya ay ku lahaayeen deegaanka lagu magacaabo Xarxarka, waxaana kadib xigay dagaal toos ah oo u dhexeeyay labada dhinac. Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu geystay khasaare kala duwan, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan. Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka Kenya oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inuu ka dhashay weerar gaadmo ah oo ay soo qaadeen Al-Shabaab, balse ay ka hortageem. Sidoo kale weerarka kadib waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay gubeen teendhooyin ku yaalla deegaanka, sidoo kalena ay sii mareen tuulo u dhow oo ay ku gubeen saldhig ciidan. Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana ciidanka Kenya ay howlgallo baaritaano ah ka wadaan qaybo kamid ah ismaamulka Gaariga oo ah halka lagu dagaalamay. Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si ay sugaan amniga guud ee deegaanadaasi. Sidoo kale weerarkan ayaa qayb ka noqonaya isku dayada hubeysan ee ay Al-Shabaab ka wado gudaha dalka Kenya, kuwaas oo ay ku beegsaneyso ciidanka Kenya iyo safareyda. Si kastaba, weeraradan ayaa kordhay todobaadyadii u dambeeyay, waxaana dhowr qarax iyo weeraro toos ah ay ka dhaceen deegaano u dhow xadka ay wadaagaan labada dal. Kenya ayaa qayb ka ah dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, isla markaana la dagaalama kooxda Al-Shabaab, iyaga oo ku sugan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo. The post Al-Shabaab oo dagaal ku gashay ismaamulka Gaarisa appeared first on Caasimada Online.
-
Afmadow (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee Degmada Afmadow, ayaa ku tilmaamay mid guul u ah bulshada deegaanka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in degmada Afmadow ay tahay magaalo leh taariikh fac-weyn, tallaabadan lagu dhisayo garoonka cusubna ay tahay mid dib loogu soo celinayo taariikhdii iyo kaabeyaashii horumarka ee ay degmadu lahayd, isaga oo u mahadceliyey hey’adda gacanta ku siineysa dhismaha garoonka. R/Wasaare Xamsa ayaa sheegay in degmada Afmadow laga hirgelin doono adeegyadii bulshada ee ay ugu horreeyaan Isbitaalladii iyo goobihii waxbarashada. Munaasabadda lagu dhagax-dhigayay dhismaha Garoonka Diyaaradaha ee degmada Afmadow, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Marwo Fardowsa Cismaan Cigaal, maamulka degmada iyo masuuliyiin ka socday hey’adda garoonka dhisaysa. Ra’iisul Wasaaraha oo shalay ku tagey degmada Afmadow booqasho uu ugu kuur-galayo xaaladda bini’aadantinimo ee ay sababeen roobabku, ayaa sheegay in degmada ay dhinac walba ka go’doomiyeen roobabka daadadka wata ee ka da’ay gobolka iyo kooxaha Khawaarijta ah. Ra’iisul Wasaaraha ayaa dul istaagay baaxadda dhibaatada ay gaarsiiyeen degmada Afmadow iyo deegaannada ku xeeran daadadku. Sidoo kale Xamza ayaa tilmaamay in xukuumaddu ay ku howlan tahay sidii gurmad loo gaarsiin lahaa dadka ay saameeyeen daadadku. Dhankooda, maamulka degmada, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka oo ay la kulmeen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Jubaland ayaa uga warbixiyey khasaaraha nololeed iyo kan hantiyeed ee soo gaaray. The post Sawirro: R/Wasaare Xamza oo mashruuc muhiim ah ka dhagax-dhigay Afmadow appeared first on Caasimada Online.
-
Agaasimaha Shaqada oo la Kulmay Masuuliyiinta Hay’adda SOS Hargeysa(Qaran news)-Agaasimaha agaasimaha guud ee wasaaradda Shaqo-gelinta arrimaha bulshada Iyo Qoyska JSL, Mudane Axmed Xasan Aw Aadan, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu saraysa hay,adda SOS. Kulankani mudadii uu socday waxa diirada lagu saaray dardar gelinta hawlaha shaqo ee ay sida dhaw uga wada shaqeeyaan SOS iyo wasaaradu. Sidoo kale kulanka agaasimaha iyo masuuliyiinta hay’adda SOS, waxaa lagaga wada hadlay sidii siwada jira wax looga qabanlahaa daryeelka bulshada, shaqo abuurka iyo shuruucda la xidhiidha weel-xogeedka diiwaanka carruurta xarumaha dalka ku jirta. Gaba-gabadii kulanka agaasimaha guud iyo masuuliyiinta hay’adda SOS, ayaa ku soo dhammaaday Isfahan buuxa iyo wada shaqayn joogta ah. Qaran News
-
Dawladda Hoose Hargeysa oo Magaalada ka Fulisay Ololihii Bil laha ahaa Hargeysa(Qaran news)-Dawladda Hoose oo Olole Nadaafadeed ka Fulisay Caasimada Hargeysa Dowladda hoose ee caasimada Hargeysa ayaa olole nadaafadeed ka sameysay gudaha caasimada dalka ee Hargeysa. Ololahan nadaafadeed oo uu hoggaaminayay Maayer ku xigeenka caasimada Hargeysa Mudane Khadar Axmed Cumar ayaa ahaa olole nadaafadeed kaasi oo ay ka fuliyeen shan goobood oo waa weyn. Goobaha Maayer ku xigeenka iyo shaqaalaha dowladda hoose hoose oo is garabsanaya ay ka sameeyeen ololaha nadaafadeed ayaa kala ahaa, cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, dooxa weyn ee Hargeysa, Baliga Xaafada Daami, Dhaamka Jigjiga yar iyo goobo kale. Ololahan nadaafadeed ayaa lagu nadiifiyaa dhammaan Qashinka goobaha muhiimka yaala, kaasi oo laga dhigo goob lagu nasan karo ama indho qabatin leh, si looga fogaado xannuunada laga dhaxlo nadaafad darada. Ololahan nadaafadeed ayaa Dawlada hoose iyo shaqaalaheedu waxa ay magaaladda ka fuliyaan bil kasta todobaadka u danbeeyay maalinka Khamiista ah, kaasi oo ujeedadiisu tahay in la helo magaalo nadiifa ah oo caafimaadka u wanaagsan. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Heya’dda Duulista Soomaaliyeed iyo Maamulka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa soo saaray awaamiir adag oo ku socota diyaaradaha ka shaqeeya dalka. Awaamiirtaan oo ka kooban afar qodob ayaa lagu farayaa shirkadaha inay ilaaliyaan xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ee safraya, kana baxaya garoonka Aadan Cadde. Qodobada la faray inay fuliyaan shirkadaha diyaaradaha ee dalka ka shaqeeya ayaa kala ah: 1- Waxaa lagu wargelinayaa shirkadaha diyaaradaha in aan rakaab lasoo xarey karin 3-saac ka hor waqtiga ay diyaaradu duuleyso. 2- In shirkadaha diyaaraduhu ay tikitka ku cadeeyaan waqtiga rasmiga ah ee diyaaradu ay ka ceyso. 3- Counterka looma furi doono shirkad aan heysan diyaarad ay ku qaado rakaabka, taas oo ay u dhanyihiin dhammaan shuruudihii looga baahnaa badqabka iyo duulimaadka. 4- Iyadoo la dhowrayo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed shirkadii u hoggaansami weysa qodobada warqadaan ku xusan waxaa laga mamnuuci doonaa inay ka howlgasho garoonka Aadan Cadde. Go’aanadaan ay baahiyeen hey’adda duulista rayidka iyo maamulka garoonka Aadan Cadde ayaa ogeysiis ka heysta midowga diyaaradaha ka shaqeeya dalka, hey’adaha amniga, sida booliska iyo nabad sugidda iyo wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada. Hoos ka akhriso The post DF oo amar 4 qodob ah dul-dhigtay diyaaradaha ka duula garoonka Aadan Cadde appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo hadda loo magacaabay hoggaamiyaha Macawiisley ayaa maanta gaaray deegaano ka tirsan koonfurta gobolka Hiiraan, halkaas oo bulsho badan uu kula hadlay. Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa sheegay in Shabaab ay ku soo laabanayaan dhul ay sanad ka hor ka xoreeyeen, balse hadda ay ku qaadi doonaan dagaal cir iyo dhul ah. Wuxuu si cad u sheegay in toos loo duqey doono shacabka degan goobaha ay joogaan Al-Shabaab, isagoo dhaar ku maray in aan la kala reebi doonin Shabaab-ka iyo dadka la nool. “Kuwa dhex degan waa ku dhex duqeynayaa ma qarinayo taas, hadii aan dadkaas ku dhex duqey waayo waxaan ka shaqeeyaa waxa uu Shabaab ka shaqeynayo ee baadilka ah,” ayuu yiri Cali Jeyte. Waa markii labaad oo Cali Jeyte uu dirayo digniin tan lamid ah, isagoo u dhaaranaya shacabka ku nool deegaanada ay Shabaab joogaan, wuxuuna amar ku bixiyey in laga guuro deegaan kasta oo kooxdaas ay joogto, maadaama ay yihiin bartilmaameed halis ah. Sidoo kale Cali Jeyte ayaa ka hadlay warar soo baxay maalmihii lasoo dhaafay oo sheegayey in Shabaab go’doonkii ka qaadeen wadada xiriirisa Beledweyne iyo Buuloburde. “Markii aan ka xoreynay ayey leeyihiin jidkaas waan furnay oo maxay markii hore u xirteen 15 sano ayey go’doon ku hayeen, hadey wax furayaan maxay intaas ugu dhibayeen shacabka?” Ayuu yiri Cali Jeyte. Cali Jeyte ayaa sheegay in deegaanada uu maanta tegay ay ka bilaabayaan howlgal culus, “Deegaankiina markaan xoreyno balan managa qaadeysaan in Shabaab uusan ku soo laaba doonin, iska celiya nimankaas,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Jeyte. Hoos ka daawo The post Daawo: Cali Jeyte oo ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah shacabka… appeared first on Caasimada Online.
-
Culimada gobolka Togdheer oo bayaan soo Saaray Burco(Qaran)- Culimada gobolka Togedheer ayaa caawa soo saaray baaq nabadeed oo ku wajahan colaadaha ka oogan gobollada Sool iyo Buuhoodle. Baaqa culimada oo kooban siddeed qoddob waxay sheegeen dagaalada qabyaaladeed ee ka socda gobollada Sool iyo Buuhoodle waxayna sheegeen in ciddii ka qaybgashaa ku cadaab mudanayso. Waxa culimadu sheegeen inay soo dhaweynayaan go’aamadii beesha bariga Burco ee ku wajahnaa inay doonayaan inay nabad kula noolaadaan jaarkooda. Waxa kale oo ay ka digeen kelmada Shahiid oo loo adeegsado colaado lagu banaysanayo dhiiga muslimiinta. Sidoo kale waxa baaqa culimada Togdheer soo dhaweeyeen oo ay sheegeen inay doonayaan in la fuliyo heshiisyadii laga gaadhay shaqaaqooyinkii Ceel Afweyn iyo Cali Saahid. Sidoo kalena waxay caddeeyeen inay si mugleh ula shaqeynayaan cid kasta oo dhigta gogol nabadeed. Qaran News
-
Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Imaaraadka kaga qeyb galaya Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), oo ka furmaya dalkaas. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed. Sidoo kale madaxweynaha ayaa dalba doona in la helo taageero caalami ah oo lagu kabayo qorshaha dowladda Soomaaliya ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño. Daadadka ka dhashay xaaladda El-nino ayaa aad u saameeyey Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare nafeed iyo hantiyeedba oo soo gaartay kumannaan Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Imaaraadka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya. Xasan Sheekh ayaa madaxda caalamka hordhigi doona dalabka taageero caalami ah loo helo gurmadka degdegga ah oo ay u baahan yihiin dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan deegaannada ay ku dhufteen daadadka Roobka. Madaxweynaha ayaa u sii gudbi doona dalka Mareykanka oo shir kale uu kaga qeyb geli doono, isagoo ku soo laaba doona dalka, isla markaana mar kale hoggaanka u qaba doona dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab. The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka degay Dubai iyo qorshaha safarkiisa appeared first on Caasimada Online.
-
Maamulka Gobolka Togdheer oo beeniyay War laga Faafiyay Madaarka Burco Burco(Qaran news)-Maamulka Gobolka Togdheer oo beeniyay warar been abuura oo laga faafiyay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Burco. Guddoomiyaha gobolka Togdheer, taliyaha ciidanka booliska gobolka iyo masuuliyiin kala duwan ayaa soo kormeeray garoonka Diyaaraha ee magaalada Burco, kadib markii laga faafiyay warar aan sal iyo raadtoona lahayn, iyagoo masuuliyiintaas u kuurgalaayey howlaha shaqo ka socota garoonka iyo sida uu ugu adeego bulsho weynta Somaliland. Maamulaha Madarka Magaladda Burco Cabdirisaaq Nuur Caraale, ayaa sheegay in Garoonka diyaaraduhu uu yahay mid ay kawada hawlgali karaan dhammaan diyaaradaha dalalka aynu jaarka nahay kuwa caalamkuba, waxaanu dadweynaha Somaliland u cadeeyey in madaarku sidiisii u shaqeynaayo, iyadoo afar iyo labaatanka sacadoodna uu furan yahay shaqadiisa iyo howlaha uu Bulshada u hayaaba si wacan xiligan u socdaan. Sidoo kale waxa uu Maamulaha Garoonka Diyaaraduhu meesha ka saaray wararka lagu faafiyay baraha ay bulshadu ku xidhiidho ee Facebook, waxaanu xusay in diyaarad kasoo kicitinta dalka Kenya ay wakhti kasta iman karto, waxaanu tilmaamay in xukuumadda Somaliland amniga madaarada Dalka xil gaar ah iska saartey oo madaradda wadanku yihiin kuga ugu amaanka badan Geeska Africa. Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer, Gaashaanle Sare Cali, ayaa sheegay in aanay jirin cid xilligan looga baqo abniga Garoonka Diyaaradaha ee Burco. Gaba-gabadii guddoomiyaha Gobolka Togdheer Maxamed Cabdillaahi Nafaqo ayaa sheegay in Madarku yahay mid amaan ah, oo aaney jirin cid is hortaagi karta howlaha madarkaas ka socda. Raga muuqaalkaasi ka soo baxay ayaa ah raga ka ganacsada qaadka gobolka Togdheer qaarkood waxana muuqaalkoodu ahaa sidani ee daawo Qaran News
-
Guriceel (Caasimada Online) – Guddigii isku xilqaamay uruurinta lacagtii loo xirtay Xaawo Cabdullahi Nuur oo toddobaadkaan laga sii daayey xabsi ku yaalla Guriceel ayaa soo saaray warbixin dhameystiran. Guddiga ayaa ka warbixiyey inta ay dhantahay lacagta soo xarootay, inta qof ee deynta ku yeelatay Xaawo, sida loo kala siiyey lacagta iyo inta ay dhantahay lacagta u hartay Xaawo. Guddoomiyaha guddigaas oo lagu magacaabo Axmed Khaliif Guure oo warbixintaan soo jeediyey ayaa sheegay in lacag dhan $63 kun ay ku soo xarootay akoonkii lagu uruurinayey deynta. Sidoo kale wuxuu sheegay in 69 qof ay lacago kala duwan ku sheegteen Xaawo, kuwaas oo la kala siiyey $57 kun oo ah deyntii lagu lahaa Xaawo. Hadda wuxuu sheegay in akoonka Xaawo ay ku hartay lacag $8,000 (Sideed kun oo dollar ah) iyadoo aan lagu laheyn wax deyn ah. Ugu dambeyntii guddiga ayaa u mahadceliyey cid kasta oo kaalin ka geysatay sidii deynta looga bixin lahaa gabadhaan oo 6 bilood ku xireed xabsiga degmada Guriceel. Xaawo ayaa warbixinteeda waxaa soo bandhigay warbaahinta gudaha, kadibna kiiskeeda ayaa cirka isku shareeray, iyadoo ugu dambeyn xabsiga damaanad looga sii daayey. Intaas kadib waxaa bilaabatay uruurinta lacagtii loo heystay gabadhaan, waxaana hadda lagu guuleystay in ugu dambeyntii laga bixiyo lacagtii, iyadoo ay u soo hartay lacag dheeraad ah. The post Gabadhii 6-da bilood Guriceel ku xireyd oo qaantii laga bixiyey iyo tirada lacag u soo hartay appeared first on Caasimada Online.
-
Beesha Ciise oo soo saartay Warmurtiyeed ka soo baxay Shir ay ku Yeesheen deegaanka Jidhi Hargeysa(Qaran)- Beesha Ciise ee galbeedka Somaliland ayaa shir lixdii maalmood ee la soo dhaafay ku yeesheen deegasnka Jidhi ee gobolka Selal, waxay ku sgeegeen inay ka shaqeynayaan qarannimada Somalilabd iyo horumarkiisa. War murtiyeed dheer oo ay soo saareena wuxuu u dhignaa sidan:- Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo ku sugan Kismaayo ayaa war cusub kasoo saaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeyo dowladda federaalka iyo dowlad goboleedka Puntland. Xamza oo ka qayb-galay kulan dadweyne oo ay su’aallo ku weydiinayay reer Kismaayo ayaa wax laga weydiiyay khilaafka labada dhinac iyo xal u heliddiisa. Ra’iisul wasaaraha ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya ay dadaal ku bixisay sidii loo xalin lahaa Puntland, ayna u direen ergo saddex madaxweyne ah, si ay usoo qanciyaan madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, dhankoodana ay diyaar u yihiin xalka. “Waxaan dirnay ergo ka kooban saddex oo dowlad goboleedyada madax u ah inay u tegaan madaxweyne Saciid oo ay kusoo qanciyaan wax alle wixii tabasho ah iyo aragti ah uu nagu khilaafsan yahay inuu keeno, annagana aan diyaar u nahayn inta aan kala fadhiisano oo aan ka doodnom haddii uu naga saxan yahayna aan qaadano tiisa” ayuu yiri Xamza. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxa laga hadlayana State looma hadlaayo, reerna looma hadlaayo, qofna looma hadlaayo ee waxa laga hadlaayo waa Soomaaliya”. Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa Puntland ku sifeeyay inay da’ weyn tahay maamul goboleedyada, isla-markaana la dul mari karin, sida uu hadalka u dhigay. “Puntland meel la’iska dul mari karo ama meel si sahlan looga gudbi kari ma’aha shacabkeeda, aqoonyahankeeda iyo madaxdeeda”. Waxaa kale oo uu intaasi sii raaciyay in dowladda federaalka ay ku rajo weyn tahay in xalka la heli doono, Puntlandna ay kusoo noqon doonto saaxadda siyaasadda Soomaaliya. “Mar walba waxaan ku rajo weynahay in aan isku imaan doono oo Puntland waxaan oo dhan hormuud ka noqon doono, Puntland nagama maqna, laakiin waa sugeynaa” ayuu yiri. Si kastaba, khilaafka Muqdisho iyo Garoowe ayaa saameyn ku yeeshay wada shaqeynta dowladda dhexe iyo Puntland, kuwaas oo ku kala tegay arrimaha siyaasadda dalka. The post R/W XAMZA oo war cusub kasoo saaray khilaafka DF kala dhexeeya Puntland + Video appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar ay maanta ciidamada dadka deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ay ku qaadeen goob ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan koxoda Al-Shabaab oo ku aadan deegaanka Cinjir, una dhow magaalada Budbud ee gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya. Weerarka kadib ayaa waxaa xigay dagaal toos ah oo dhex-maray labada dhinac, kaas oo muddo saacad ka badan qaatay, isla markaana la’isku adeegsaday hubkua culus. Saraakiil ka tirsan Macawiisleyda oo ka hadlay dagaalkaasi ayaa shaaca ka qaaday inay ka war heleen xubnaha Al-Shabaab ee isku uruursanayeen halkaasi, kadibna weerareen. Sidoo kale waxa ay intaasi ku dareen inay goobta ku dileen xubno kamid ahaa kooxda, ayna la wareegeen gacan ku heynta goota lagu dagaalamay. Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaasi ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada dadka deegaanka ee Macawiileyda. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana weli aagga Bubud dhaq-dhaqaaqyo ciidan ka wada ciidamada deegaanka ee howlgallada xoreynta ka wada gobollada dhexe. Howlgalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo muddooyinkii dambe ay istaageen dagaalladii ka dhanka ahaa Al-Shabaab ee ka socday koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. The post Ciidanka Macawiisleyda oo weerar ku qaaday goob isku urursanayeen Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), oo ka furmaya dalkaas. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, muhiimada in la helo taageero caalami ah iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño oo khasaare nafeed iyo hantiyeedba ay kasoo gaareen kumannaan Soomaaliyeed . Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Inaaraatka waxa uu kulammo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya, si taageero caalami ah loogu helo gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadkeenna ku dhibaateysan deegaannada ay qaateen daadadka Roobka. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Soomaaliya oo Shirka Isbeddelka Cimmilada ee COP28 kaga qayb-galaya dalka Imaaraadka Carabta appeared first on Puntland Post.
-
Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Ogaal oo soo Dhaweysay Go’aankii Shirkii East Burco Clan Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha Urur siyaasadeedka OGAAL, Rooda Cabdi Muuse ayaa bogaadisay go’aamadii shirkii beelaha East Burco Clan ay ka soo saareen Burco. Sidaasna waxay ku sheegtay qoraal ay soo saartay oo u dhignaa sidan:- “Waxaan si mugleh u bogaadinayaa Shirweynihii Beelaha Habrjeclo ee TALOWADAAG ee lagu qabtay magaalada Burco qodobadii kasoo baxay iyo Dardaarankii cuslaa ee Suldaanka Guud Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cali. Sidoo kale waxan si karaamo leh u taageerayaa doodii, dareenkii, dardaarankii iyo go’aamadii ka soo baxay shirka Beelweynta East Burco Clan oo ay ku go’aamiyeen inay difaacaan deegaankooda, dadkooda, dalkooda iyo qaranimada Soomaliland, meelna ugasoo wada jeestaan iyagoo isku duuban gudo iyo dibadba. Siyaasadda OGAAL waxa tiir dhexaad u ah adkaynta nabadgalayda iyo difaaca dalka, waxaan usoo jeedinayaa shacabka reer Somaliland inay midoobaan oo gacmaha is qabsadaan.” Qaran News
