Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,467
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Wasiirka Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda oo ka Qayb Gashay Shirweynaha Isbeddelka Cimiladda Ee COP28 Dubai Dubai (Qaran news)- Wasiirka wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda JSL Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa ka qayb gashay mid ka mid ah dood Cilmiyeedyada ka dhex socda shirweynaha Isbedelka Cimiladda Adduunka ee COP28 Dubai. Wasiir Shukri Baandare, oo ka mid ah wufuudda shirweynahaasi lagu soo marti qaaday ayaa ka qayb gashay doodda lagaga hadlayay Arrimaha la xidhiidha Tamarta Dib Isku Cusboonaysiisa (Renewable Energy), ee laga dhaliyo Qoraxda, Dabaysha, iyo Biyaha. Shirweynaha Isbedelka Cimiladda Adduunka ee ka socda magaaladda Dubia, ee wadanka Isutaga Imaaraadka Carabta, oo noqonaya kii 28-aad ee noociisa ah ayaa furmay 30-kii bishii ina dhaaftay ee November, ayaa socon doona ilaa 12-ka bishan December. Kaasoo ay ka qayb gelayaan madaxda caalamka oo dhan, shirkado caalami ah, iyo dadyowga u dhaq-dhaqaaqa arrimaha deegaanka. Wasiirka deegaanka Somaliland oo warbaahinta qaranka uga warbixisay shirkaasi ayaa xustay in doorka dawlada Somaliland ee dhiiri gelinta isticmaalka Tamaraha kala duwan ee deegaanka la saaxiibka ah, gaar ahaan Gaasta wax lagu Karsado ee loo yaqaan LPGs iyo Tamaraha kale ee Cagaarran. Taasoo xukuumadda Somaliland ay gebi ahaanba Cashuurta ka dhaaftay cid kasta oo wadanka keenta kuna dhiiri galisay bulshada Somaliland in ay beddelaan isticmaalka Dhuxusha, una guuraan isticmaalka tamarraha kale, iyadoo maanta ay dadweynaha Somaliland 16.2% ay si toos ah u isticmaalaaan tamarta cagaaran. Wasiir Shukri, ayaa sidoo kale soo bandhigtay fursada Maalgashi ee dhinaca Tamarta Cagaaran ee ka jirta Somaliland iyo shuruucda dalku ugu diyaar garoobay Maalgashi kasta oo Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada wax ka geysanaya. Waxaanay tidhi “Doodaha aanu ka qayb galnay waxay ahaayeen kuwo na khuseeyo, oo aanu wax ka faa’iidayno. Shirkan aan ka qayb galay wuxuu ahaa shir gaar ah oo lagaga hadlayay sidii hoos loogu dhigi lahaa Qiiqa ay wershaduhu hawada ku sii daayaan, maadaama oo ay imika adduunku ka cabanayaan wasakhowga hawada. Sidii Carbon-ka hoos loogu dhigi lahaa, loo na bedeli lahaa tamarta dhulka hoostiisa ka soo baxaysa ee Baatroolka, iyo Naafatadda, loogu na guuri lahaa Tamaraha cusub ee waara, ee looga faa’iidaysan lahaa tamarraha Dabaysha, iyo Qoraxda. Sida looga faa’iidaysan karro tamarta Korontada ee Biyaha laga dhaliyo, sidee hoos loogu dhigayaa qiimaha Korontada ee aadka u sareeya? Somaliland na waxay ku jirtaa wadamada qiimaha Korontadu aadka u sareeyo. Sidee ayaa dadka loo fahamsiinayaa in ay faa’iido ku jirto in ay bedelaan tamarta aynu maanta Korontada ka helno. Ganacsatadda, iyo tujaarta wadanku sidee ayay maalgashanayaan, oo ay uga qayb qaadanayaan taasi, iyo sida ay dawladu u caawinayso. Inagu 62.2% ayaynu isticmaalnaa tamarta ka soo baxda Dabaysha, iyo Qoraxda. Markaa sidee baynu u kordhin karaynaa oo u maalgelin karnaa tamartaasi. Sida ay haayadaha, iyo dawladaha caalamku inooga caawin karaan, iyo sida ay baananka Afrika, iyo baanka Adduunku inoogu maalgelin karaan tamartaasi”. Shukri Baandare, waxa kaloo ay sheegtay in ay waxyaabaha ugu muhiimsan ee shirkaasi lagaga doodayay ay ka mid tahay sidii loo yeelan lahaa Yoolka ah in hoos loo dhigo Qiiqa hawada wasakheeyay ee ay sii daayaan wershadaha dawladaha horumaray. Sidaas darteed na, loogu guuri lahaa tamaraha kale ee Dabaysha, Biyaha, iyo Qoraxda laga dhaliyo. “Waxaa laga doodayay in dal waliba uu yeesho Yool uu wax kaga dhimayo Qaaca hawada wasakheeyay. Annaga qaybtayadu waxay awoodda saaraysay sidii adduunyadu u heli lahayd isbedel tamareed, oo ah Tamaraha la cusboonaysiin karro, oo jaban, oo meel kasta gaadha, oo dadka anfacda, si loo helo deegaan nadiif ah, oo caafimaad qaba. Anagu waxaanu soo bandhigtay aafada uu nagu saameeyay ama nagu keenay isbedelka cimiladu, haddii aan Somaliland nahay. Markii danbe na qolo dawladda Ingiriis maalgelinta u qaabilsan ayaanu madaxdoodda la kulanay, aniga iyo safiirka JSL u fadhiya Imaaraadka Carrabta” ayay tidhi wasiirka deegaanka Somaliland. Geesta kale wasiirku waxay ka warbixisay waxyaabaha ilaa haatan ka qabsoomay shirweynahaasi, waxaanay tidhi “Dawlado badan, iyo shirkaddo waaweyn ayaa lacago balan qaadyo, oo saxeexay in hoos loo dhigo wasakhawga hawadda oo lacag lagu bixiyo. In food security-ga lacag lagu bixiyo, in dawladaha Saboolka ah la caawiyo, 134 dawladood ayaa waxyaabo badan soo saaray, oo aad u fiican. Haddii ay sidan ku sii socoto, wax badan baa iska bedelaya adduunka xagga dhibaatadda wasakhowga hawada, iyo saamaynta isbedelka cimiladda. Shirkadihii Shiidaalka soo saarayay ayaa balan qaaday, waxaa balan qaaday dawladihii waaweynaa, iyo shirkadaha ganacsiga ee caalamiga ah, sidii loo yarayn lahaa mustaqbalka Qiiqa, ay hawada ku sii daayaan, iyo Yoolkoodsa ah halka la gaadhayo 2050-ka 2060-ka Mawduuca ugu weyni waa sidii loo dhimi lahaa Qiiqan hawada wasakheeyay”. Hadaba, maxay Somaliland uga dhigan tahay ka qayb galka shirweynahan caalamiga ah ee isbedelka cimiladda, wasiir Shukri Baandare, oo arrimahaa ka warbixinaysay na waxay tidhi “Faa’iidadda ugu yari waxay tahay, waa lagu maqlayaa waxa aad sheegayso. Marka magaca Somaliland aad ku hadlayso, ee aad barnaamijka ku jirto, iyo doorkaagga. Markaa dadku waxay arkeen sidii hoos loogu dhigi lahaa wasakhawga hawada madaxdii shirka ka soo qayb galay way arkayeen warbixinta iyo doodaha aanu shirka ka jeedinay. Laba wasiir ayaanu shirka kaga jiray, oo kala ahaa wasiirka Senangol, ee Deegaanka, iyo Isbedelka Cimiladda, iyo aniga. Inta kale waxay ahaayeen madaxda wadamadda Saxaraha ka hooseeya. Shirkadda DP World ayaa ku jirtay. Qolo waliba dhibaatadda uu isbedelka cimiladu ku keenay ayaanu ka hadlaynay. Waxyaabo danaha Somaliland ah ee xagga isbedelka cimiladda ah ayaanu madaxda kala hadlaynay”. Dhinaca kale wasiirka oo uu weheliyo Safiirka Somaliland ee dalka Imaaraatka Carabta iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee wasaaradda deegaanka waxay kulan la qaadateen masuul ka socday xafiiska Maal-galinta ee dawladda Ingiriiska. Iyaga oo si qoto dheer uga waramay fursadaha Maalgashi ee wadanka Ingiriisku Somaliland ka gaysan karo kuwaasi oo Deegaanka wax ka taraya. Qaran News
  2. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa u dabaal-degaysa asbuuc kale oo laga mira-dhaliyay dadaalkii dalka looga qaadayay cuna-qabateynta hubka ee saarneyd tan iyo 1992-dii, markaas oo ay qarxeen dagaalo sokeeye oo ku lug lahaayeen jabhadihii riday dowladdii kacaanka ee xoogga ku haysatay xukunka dalka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa habeen hore si buuxda iskugu raacay in Soomaaliya laga wada qaado cuna-qabateynta hubka, waxaa kale oo la ansixiyay in argagixisada si gaar ah loo saaro cuna-qabateyn hubeyd, taasi oo macnaheedu tahay in cid walba oo argagixisada hub ka iibisa inay dabiile tahay. Soo afjarida cuna-qabateynta 31 jirka ah ee xagga hubka ka saarneyd Soomaaliya ayaa ka dhigan Qarannimo, maadaama dal kasta oo go’aamadiisu weli ku jiraan gacanta QM waa dhan taalan tahay madax-banaanidiisu. 1. Qaranimo Soomaaliya oo iyadu go’aan u leh nooca hub ee ay soo iibsaneyso iyo midka ay iska dhaafeyso, oo aan fasax weydiisaneyn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waa arrin kabeysa qarannimada Soomaaliya. 2. Dhismaha ciidan xoog leh Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hadda haysan hub ku filan ciidankeeda. Waxaa inta badan caawiya dalal shisheeye oo iyagu gacana ku caawiya midna ku duuga. Dowladda Soomaaliya gacanta kuma hayso xuduudaheeda, oo haddii xitaa ciidan u joogaan ma haystaan hub iyo saanad u dhigma kuwa dalalka kale ka jooga xuduudaha. Dowladda waxay hadda dhisan kartaa ciidan badan oo hubeysan, oo ilaalin kara amniga gudaha iyo xuduudaha dalka. 3. Dagaalka argagixisada 15 sano ayaa laga adkaan waayay kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalama Soomaaliya, inkasta oo sababuhu badan yihiin haddana mid kamid ah waa hubka. Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo midka argagixisada kalama hub cusleyn muddo aad u fog. Laakiin hadda dowladda waxay soo iibsan kartaa nooc walba oo hub ah, si ay ugu sahlanaanto inay burburiso argagixisada hortaagan nabadda iyo horumarka dalka. 4. In laga maarmo gacan shisheeye Soomaaliya waxay si tartiib tartiib ah uga sii baxaysa gacanta iyo ku tiirsanaanta ajnabiga. Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu u muuqda nin soo hoynaaya dal 100% is wadi kara. Dhaqaale ahaan, ciidan ahaan iyo cilaaqaad ahaanba Soomaaliya gacanta ayaa lagu hayay tan iyo markii Carta lagu soo unkay dowlad kumeel-gaar ah sanadkii 2000. Laakiin hadda dalka wuxuu maalin walba usii dhawaanaya inuu ka maarmo gacanta shisheeyaha. Hadda dalku hub nooc walba ayuu soo iibsan karaa waana mid aan farxad galineyn cid walba oo diidan inay Soomaaliya gaarto isku filnaansho buuxa. Kadib natiijadii 24-kii bishii dhamaatay ee ku biirista Dallada Bulshada Bariga Afrika, qaadista cuna-qabateynta hubka ee habeen hore hirgashay, waxay sidoo kale ka dhigan tahay inuu Xasan Sheekh dhameystiray qodob labaad oo weyn toban cisho gudahood. The post Qaadista cuna-qabateynta Somalia oo ka macno weyn sida la moodayo (Afar qodob) appeared first on Caasimada Online.
  3. Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada qalabka sida ay go’aan ka gaartay kiiska Cumar Cali Axmed oo ay isku heysteen labo qoys oo Soomaaliyeed. Kiiskan oo ahaa mid hadalheyn badan ayaa la xiriira Cumar oo ka mid ahaa dhallinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista Ciidanka Qaranka, taas oo keentay in si aad ah ugu ekaa ay midna ku dhintay halka midkale uusoo gaaray dhaawac, taas oo ugu damebyn horseeday in la isku qabsado cidda dhashay. Is qabqabsi kadib, baaris ay sameeyeen CID-da iyo Maxkamadda Ciimada qalabka sida ayaa wiilkaan si rasmi ah ugu wareejisay reerka wiilkaan oo la cadeeyay inay dhaleen Reer Cali Axmed oo hore wiilkooda muddo uu ka maqnaa. Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in Wiilkaan dhibanaha u ah Qarax Khawaarijtu u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa. Go’aanka Maxkamadda ayaa yimid kadib in kabadan 3 Todobaad oo la sugayay natiijada Baaristii Dheecaanka hidda raaca (DNA), kaas oo loo diray dalka dibaddiisa si aad loogu soo xaqiijiyo, iyadoo ugu dambeyn lagu wada qancay. Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) — Despite facing a prolonged drought from 2020 to 2023 and global economic shifts, Somalia's economy demonstrates resilience, according to the World Bank's 8th Somalia Economic Update. The drought, severely impacting agriculture and exports, led to significant migration as people sought food and water. This situation resulted in a decline in GDP growth to 2.4% in 2022, down from 3.3% the previous year. Source: Hiiraan Online
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Soomaaliya iyo Guddiga La-socodka Dastuurka Baarlamaanka JFS ayaa maanta kulan wada jira waxa uu uga furmay magalada Muqdisho. Ujeedka kulankaan ayaa ahaa soo bandhigid iyo soo jeedinta cutubyo kamid dastuurka, kaasi oo uu diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka Soomaaliya. Labada guddi ayaa isla eegi doona cutubyada 1-aad illaa 4-aad ee uu soo diyaariyay guddiga madaxa-banaan ee dastuurka, ayada oo markaas kadib loo gudbin doono labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka Burhaan Aadan Cumar ayaa ugu horeyn xubnaha guddiga la-socodka u soo bandhigay soo jeedinta warbixinta cutubyadan. “Guddiga madax-banaan wuxuu u maray diyaarinta cutubyada soo jeedinta iyo warbixintooda warbixinadii iyo soo jeedimihii dastuurka ee xilliyadii 1-aad iyo 2-aad ee baarlamaankii 9-aad, iyada oo ay jirtay in xilligaas la sameeyay la-tashiyo badan oo lala yeeshay hay’adaha kala duwan ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah,” ayuu yiri guddoomiye Burhaan. Guddoomiyaha La-socodka Dastuurka Baarlamaanka Xildhibaan Xuseen Iidoow oo isna halkaasi ka hadlay ayaa guddiga madaxa-banaan ee dastuurka ku bogaadiyay shaqada uu qabtay, kana guddoomay warbixinta iyo soo-jeedimaha cutubyadaasi. “Waan idinka guddoonay cuutbyada aad kasoo shaqeyseen iyo warbixinta la socota. Shan billood kadib waxaa runtii garowsanahay in shaqo wax ku ool ah oo macno leh soo qabateen.” Kulankaan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiyeyaasha labada guddi iyo xubnaha kale ee guddiyada dastuurka Soomaaliya. Hoos ka daawo The post Wararkii ugu dambeeyey ee wax ka beddelka dastuurka iyo kulan maanta dhacay appeared first on Caasimada Online.
  6. Caaro oo Sheegay in Dagaalka ka Jira Somaliland uu ku Dambayn Doono Deegaannadooda Hargeysa(Qaran news)- Siciid Caare ayaa sheegay in dalka ay ka jirto xaalad dagaal. Waxana ugu baaqay dadka deegaankiisa inay ka sii diyaar garoobaan wax uu ku tilmaamay dagaal ay rag ugu talogaleen inuu aakhirka ku dambeeyo deegaannadooda. “Dagaalka dalka ka jiraa, wuxuu ku dambayn doonaa aniga. Rag baana ugu talo galay oo innagu dambaysiiyay,” ayuu yidhi Mr. Caare. Col. Caare wuxuu sheegay in mustaqbalka dagaalka uu garanayo loona baahan yahay in loo diyaar garoobo oo loo sii hub urursado. Qaran News
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Laamaha Amaanka ayaa maanta gacanta ku dhigay qarax lala damacsanaa goob ganacsiga oo ku taalla magaalada Muqdisho ee caasimada dalka. Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay ninkii waday qaraxaasi, kadib markii laga arkay Camerada (CCTV), sida uu warbaahinta u sheegay afhayeenka maamulka gobolka Banaadir. “Waxaa jiray kooxo iyagu khal-khal galinaya dadka ganacsatada ah in aysan xiran kaamirooyinka, wadeyna maalmihii ugu dambeeyay miinooyin ugu dhajiyaan goobahooda ganacsiga, nasiib wanaag laamaha ammaanka waxay ku guuleysteen inay fashiliyaan koox iyagu miino ku dhajisay tukaan qof muwaadin Soomaaliyeed uu lahaa,” ayuu yiri Saalax Cumar Xasan (Saalax Dheere). Sidoo kale waxa uu sheegay in laamaha ammaanka ay qabteen Mooto Bajaaj lagu waday miinada dhajiska ah iyo weliba qofkii la socday, islamarkaana lagu raadjoogo shabakad iyadna fulineysa falalkaasi amni darrada ah ee lagu khal-khal galinayo goobaha ganacsiga. “Ganacsatada Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa in ay dardar-geliyaan howlaha ku aadan hirgelinta kaamirooyinka, ujeedooyinka markii hore awaamiirta loo saaray waxay aheyd inay kaameriyoonkaas ka qeyb qaatan sugida amniga, taasi oo maantaba suurta-galisay in raad-raaci mootadaasi iyo dadkii falka amni darrada ka shaqeynayay lagu raad-raaco islamarkaana gacanta lagu soo dhigo.” Tan iyo markii uu soo baxay amarka dhigaya in ganacsatada xirtaan kaamirooyinka, ayaa waxaa kordhayay qaraxyada miinooyinka ee kooxaha argagixisada ku bartilmaameedsaneyso goobaha ganacsi ee u hoggaansamay amarka dowladda. Khamiista toddobaadkii tegay ayay aheyd markii uu suuqa Bakaaraha booqday taliyaha NISA, Mahad Salaad oo u kuur-gelay ammaanka iyo waxa ka dhaqan-galay amarkii kasoo baxay hay’adda ee ku aadanaa in goobaha ganacsiga lagu xiro kaamirooyinka CCTV. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Laamaha amniga Muqdisho oo gacanta ku dhigay qarax lala damacsanaa… appeared first on Caasimada Online.
  8. Senator Abdulahi Ali Hersi, the Second Chairman of the Upper House, urged Villa Somalia to honour its promise to subject the National Consultative Forum declaration to national consultations. Mogadishu (PP News Desk) — The Villa Somalia plan to make amendments to the draft federal constitution faces a hurdle following a communique issued by federal MPs and Senators from Puntland State of Somalia, who held a meeting in Mogadishu. In the communique they warned against basing consequential national decisions on personal objectives, and urged other MPs and Senators to prevent any steps that can damage the integrity of the bicameral house, state-building initiatives and the unity of the Federal Republic of Somalia. “We are concerned about the recklessness through which the executive branch aims to effect amendments to the draft constitution without conducting extensive national consultations on the declaration from the National Consultative Forum. We oppose the process to make amendments to the draft constitution” reads the communique. Ali Hosh (MP) and Senator Saredo Jeyte from Puntland attended the meeting in Mogadishu They cited articles 54 and 137 of the draft constitution on extensive national political consultations to seek input from federal member states in a consensus-based manner to bring to the attention of the national leaders that the absence of Puntland State of Somalia sheds light on the executive power-grab. © Puntland Post, 2023 The post MPs and Senators from Puntland Oppose Federal Constitutional Amendments appeared first on Puntland Post.
  9. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii cunaqabatayntii hubka uga qaaday Dowladda Federaalka Soomaaliya qaraarka tirsigiisu yahay 2714(2023), tallaabadan oo soo afjartay 31 sano oo ilaalo laga hayey, la diidanaa, adkeynayay ama la xadidayay hubka soo galaya dalka iyo isticmaalkiisa. Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiyeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka ee Mudane Aadan Madoobe iyo Mudane Cabdi Xaashi iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda ayaa si weyn usoo dhoweeyey qaadidda cunaqabateynta hubka iyaga oo ku sheegay mid wax weyn ka tari doonta nabadda iyo xasilloonida, isla markaana ka qeybqaadan doonta awoodsiinta ciidamada xoogga dalka iyo soocelintii kaalinta Soomaaliya ee ilaalinta amnigeeda, midka dariska iyo dunidaba. Qaadista cunaqateynta hubka ayaa ku timid dadaal siyaasi iyo mid diblomaasiyadeed oo ay bixisay dowladda Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, kaasi oo labadiisa xilli ee kala dambeeyay ka shaqeeyay sidii loo qaadi lahaa. Madaxweyne Xasan Sheekh oo xilligan fulinaya aragtidiisa ah “Soomaali Dunida Heshiis la ah”, kana faa’ideysanaya xiriirka wanaagsan uu la leeyahay saaxiibada caalamka ee Soomaaliya ayaa ka mirodhaliyay dadaallada qaadista cunaqabateynta hubka. Hoswhan Madaxweyne Xasan uu uga qaadayo Soomaaliya culeyskan ka saaran in ay keensato hub ay ku difaacdo dalka iyo dadka, waa mid ka dhexguuxaeysay 10-kii sano ee lasoo dhaafay, oo waxaa xusid mudan in horay loo qafiiyay cunaqabateynta hubka xilligii hore ee uu madaxweynaha ahaa ee March 6, 2013, iyada oo taasi ay xigtay in madaxweynaha Mareykanka Obama uu saxiixay in taageero militari la siiyo Soomaaliya April 1, 2013. Tallaabooyinkan ayaa daba socday safarkii madaxweyne Xasan Sheekh uu ku tagay Mareykanka January 17, 2013, iyo aqoonsiga Washington ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya 22 sano kadib. Haddaba, Sidee Halkan Lagu soo Gaaray? Markii ay soo noqotay dowladnimada Soomaaliya 2,000 iyo wixii ka dambeeyay, waxaa mar weliba jiray xiriiro kala duwan oo Muqdisho ay la sameyneysay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo qaado amaba loo qafiifiyo cunaqateynta hubka, si dalku u yeesho ciidan hanan kara amniga xuduudaha dalka, isla markaana difaaci kara shacabka Soomaaliyeed, balse arrinkan waxaa mar kasta wiiqayay aragtida ay dunidu ka heysatay Soomaaliya, nuglaanta hey’adaheeda dowliga ah, hubka oo gacanta ugu jira beelo iyo kooxo kasoo horjeeda dowladnimada sida Shabaab. Haddaba, wada hadallo, qiimeynno ay sameeyeen khubaro amni oo UN-ka ah oo heerar kala duwan lahaa, iyo dadaallo la bixiyay waxaa ka dhashay is-afgarad dhaliyay go’aanka Jimcihii la gaaray. Go’aankani, waxaa uu daba socday qiimeyn la sameeyay sanadkii hore, kadib markii koox khubaro ay yimaadeen Soomaaliya inta u dhaxeysay 16 to ilaa July 2022 iyaga oo la kulmay mas’uuliyiin uu ugu horreeyo Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, lataliyihiisa amiga, waxaa ayna sidoo kale arkeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka socotay hey’adaha amniga, garsoorka iyo Duqa Muqdisho. Inta ay joogeen waxaa ay qiimeyn ku sameeyeen dib u habeynta hey’adaha amniga, xeryaha, keydka hubka, khatarta Shabaab, isticmaalka hubka iyo arrimo kale. Iyada oo la eegayo tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya u qaaday xakameynta hubka, shuruucda la dejiyay, isla xisaabtanka hey’adaha amniga iyo siyaasadda hubka ee 2021-2025 oo ay ku cusan yihiin marxalado kala duwan iyo mas’uuliyado ay kala leeyihiin heerarka kala duwan ee hey’adaha dowladda. Waxaa la dejiyay ilaa toban bartilmaameed oo lagu muujinayo sida Soomaaliya uga go’antay kaqaadista cunaqabatrynta hubka sida; Habeynta shuruucda iyo nidaaminta hubka sida hubka fudud, midka culus, keydinta, sumadeyntiisa iyo cidda leh gudbinta, saxiixa iyo arrimo kale. Istaraatiijiyad qaran oo la xiriirta maamulidda iyo keydinta hubka taas oo kulmineysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada. Xafiis iskuwada arrimaha keydinta, diiwaangelinta iyo xakameynta hubka gaar ahaan marka lajoogo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka ah. Xisaabinta hubka, sida in tusmo lagu dhigo hubka lasoo iibiyay, midka yaallo ama midka dhowaan laga qabsaday kooxaha. Bakhaarada iyo keydka hubka oo dib u qiimeyn lagu sameeyo iyo in la badiyo keydadka, lana xoojiyo tababarrada arrimahan la xiriira. In koox wadajir ah ka shaqeyso kor u qaadista iyo keydinta hubka, lana helo warbixinno sanadkiiba labojeer ah oo ay qeyb ka yihiin dowlad goboleedyada. Helidda nidaam lagu raadraacayo hubka iyo in uu jiro unug gaar ah oo arrinkan u xilsaaran kaasi oo shaqadiisu tahay la socodka keydka hubka iyo noocyadiisa. Istaraatiijiyad tababar oo mideysan oo la xiriira arrimaha hubka, keydintooda iyo howlaha la xiriira oo la hirgeliyo. In la sameeyo qaab la iskula xisaabtamo, gaar ahaan xadgudubyada jinsiga ee xilliyada colaadaha. In ay jiraan kulammo la xiriira ilaalinta xuquuqda caruunta ee xilliga colaadaha. Sanad kadib bartilmaameedyadaasi in la qaado cunaqabateyntii hubka, waxaa ay caddeyn u tahay in Soomaaliya muddo sanad ah ay uga gudubtay dhammaan qodobbada kor ku xusan, isla markaana golaha ammaanka ay tustay niyad wanaag iyo sida ay go’antahay kor u socod. Ansixinta xeerar nidaamiyaha xakameynta hubka, ladagaalanka maaliyadda argigixisada iyo aasaasidda NISA iyo xeerarka amni ee la xiriira, dib u habeynta hey’adaha amniga, garsoorka iyo hanti-dhowrka waa arrimaha ay guulaysatay xukuumadda oo ku jiray bartilmaameedyadaasi taasi oo kalsooni gelisay golaha amniga, dedejisana go’aankan. Waxaa Maxay Ahmiyadda Qaadista Cunaqbateynta Hubka: Ladagaalanka Shabaab: Qaadista cunaqabateynta hubka, waxaa ay Soomaaliya u suutogelin doontaa helidda hub waaweyn, oo casri ah, 15 sano oo dowladda iyo Shabaab isla isticmaalayeen hub isku awood, oo inta badan ka haray burburkii dowladdii dhexe, hadda waxaa ay dowladdu heli doontaa hub ka duwan. Ilaalinta qarannimada: Ciidanka qaranka oo hub hela, waxaa xaqiijinta amniga dalka iyo xuduudihiisa, taasi oo ay adkeyd 30-kii sano ee lasoo dhaafay. Soocelinta Amniga iyo Kala dambeynta waa Muhiimadda kale oo ay Dowladda kaheli doonto ka faa’ideysiga tallaabadan. Waxaa ayna taasi yareyn doontaa cooladaha beelaha iyo xakameynta kooxaha nidaam diidka ah. Kor uqaadista awoodda ciidanka iyo tayeynta hubka ay heystaan waa hadaf muhiim ah oo laga helayo qaadista cunaqbateynta hubka. Xasilloonida Gobolka: Dalka inuu hub iyo ciidan adag yeesho waxaa ay kor u qaadeysaa kalsoonida dunida, waxaa ayna xoojineysaa amniga iyo xasillooniga gobolka. Soocelinta heybadda dowladnimada: Soomaaliya oo xoogeysata, awoodna leh waxaa dadka ugu dambeysay mar hore, awoodda dowladda waxaa ay kalsooni gelin doontaa shacabka in ay heystaan dowladnimo. Sooyaalka Cunaqateynta Hubka ee Soomaaliya: Golaha Ammaanka oo ka jawaabaya dagaallada sokeeye iyo xaaladda Banii’aadnimo ee ay jirtay ayaa 23 Janaayo 1992-kii, waxaa ui Soomaaliya kusoo rogay qaraarka 733 cunaqabateynta hubka, iyada oo Dowladihii dalka ka dhismay wixii ka dambeeyay 2,000 waxaa ay raadiyeen in cunaqabataynta hubka laga qaado ama laga qafiifiyo, laakiin waxaa markii ugu horreysay cunaqabatayntaas qayb la qaaday oo la qafiifiyey 2013ki, taasi oo horseeday in geedu usocodkaasi lagu xoojinayay hey’adaha amniga ee dowladda uu haatan soo dhameystirmo, lana qaado guud ahaan cunaqabateynta iyada oo dhanka kale oo lasii adkeeyay cusboonaysiiyey cunaqabatayta saarneyd kooxda Al-shabaab ee qaraarka 2713(2023). Arrimaha kale oo Sooyaalka laga xusi karo waxaa ka mid ah; in iyada oo la adkeeyay cunaqabateynta hubka, hadana lagu daray mid xadidan oo khuseeyay dad gaar ah oo ku xagdubka go’aanka golaha sida Shabaab, oo la xanibay safarka ama la hakiyay dhaqdhaqaaqa akoonadooda sida qaraarkii 1844 (2008). Kadib codsi ka yimid dowladda Soomaaliya golaha ammaanka oo ka duulaya Chapter VII ayaa isku raacay1744 (2007) kaas oo u ogolaanayay ciidamada Afrikaanka in ay qaadaan tallaabo kasta oo lagu soo celinayo amniga iyo nabadda Soomaaliya, taasi oo ay jirto adeegsiga hub. Dowladda Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh ayaa sanadkan ku tilaabsanaysa tallaabooyin taariikhda iyada oo 24-kii November ku biirtay EAC oo ah urur dhaqaale oo ay ku mideysan yihiin dalalka bariga Afrika halka December 1 laga qaaday cunqabateynta hubka oo 31 sano saarnaa, waxaana la filayaa in isla bisha gudaheeda laga cafiyo deyn caalami ah oo dulsaarneyd 40 sano. Arrimahan waxaa ay u gogol xaarayaan u saldhigidda dowlad dhiska, xoojinta hey’adaha dowladda iyo soocelinta adeegyadii kala duwanaa ee dowladnimada oo ku baaha dhammaan geyiga Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  10. Muqdisho (Caasimada Online) – Cumar Cali Axmed oo dhawaan sheekadiisu qabsatay baraha bulshada kadib markii ay isku qabsadeen laba reer ayaa maanta maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ay go’aan ka gaartay kiiskiisa. Cumar Axmed ayaa kamid ahaa dhalinyaro ku dhaawacantay qarax ka dhacay xerada Nacnaca xilli loo qorayay ku biirista ciidanka qaranka. Is qab-qabsi kadib baaris ay sameeyeen CID-da iyo maxkamadda ciimada qalabka sida ayaa maanta si rasmi ah loo caddeeyay reerka wiilkaan. Maxkamadda Ciidamada ayaa Cumar Cali Axmed ku wareejisay Reer Cali Axmed oo la cadeeyay inay dhaleen. Maxkamadda Ciidamada ayaa caddeysay in wiilkaan dhibanaha u ah qarax Al-Shabaab u geysatay isaga iyo saaxiibadiis sannadkii 2022 uu yahay Cumar Cali Axmed sidaas ayaana loogu wareejiyey reerkiisa. Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib in ka badan saddex todobaad oo la sugayay natiijada baaristii dheecaanka hidda raaca (DNA). Sheekada wiilkan ayaa hadal hayn xooggan ka dhalisay baraha bulshada, ayada oo dadka siyaabo kala duwan uga fal-celiyeen, iyada oo ugu dambeyntiina maanta lagu wareejiyay reerkiisa. The post Cumar Cali Axmed oo is qab-qabsi dheer kadib maanta lagu wareejiyay reerkiisa appeared first on Caasimada Online.
  11. Xildhibaan ka Tirsan Guurtidda oo Walaac ka Muujiyay Sansaan Colaadeed oo ka Aloosan Awdal iyo Selel Hargeysa(Qaran news)-Xildhibaan Maxamuud Xareed Rooble oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaalad saansaan dagaal oo ka soo cusboonaatay gobolka Selel, waxaanu sheegay xaalada jirta awgeed in aanay xabaduuni qoriga ka bixin. Geesta kale xildhibaan Xareed waxa uu ka dayriyay in xubno ka mida golaha wasiirrada iyo masuuliyiin dowladdeed ay goob joog ka ahaayeen shir lagu soo saaray go’aamo lagu farayo beelo kale inay si deg dega uga guuraan degaanadooda, taas oo keeni karta isku dhac beelo walaalaha ah ee halkaasi wada dega. Dhinaca kale waxa uu xildhibaanada golaha guurtida iyo xukuumadda ka codsaday inay fadhiga ka kacaan oo aanay eegan saansaanta xaalada colaadeed ee laga abaabulayo gobolka Selel iyo degaanada hoos yimaada, waxaanu sigaara xukuumadda u faray inay tallaabo ka qaado masuuliyiinta qaybta ka ah isku dhaca bulshada walaalaha ah. Waxaanu yidhi.“Dalka waxba ka socda waxaad mooda guud ahaanba in dadku rabshad u baahday, dhib dhacda iyo dagaal dhaca, barri wixii ka jiray waynu ognahay, degaanada Cali Saahid iyo Ceel-afweyn golaha ayaa xalkeedii ku jira, hadda Galbeed dhibaato ayaa ka jirta, waliba maalmahan soo cusboonaatay, mudana aad moodaysay inay socoto. Dhulka hadda lama degin, dadkana imika laguma beerin, waligeedna sidaasi uunba loo degana, Qabaailkuna waligii ayuu wada degana, meel uuwada degan yahay iyo meel ku kala soocan yahayba. Habeenadan waad maqlayseen fariimaha ka imaya Galbeed, mid ka mida beelaha Somaliland ayaa degaanka Jidhi ku qabsatay Shir, beelihii kalena xalay ayay hadleen, arrimuhuna marka ay halkaasi gaadhaan waxa ku xigaa waa in ay wax dhacaan. Beryahan danbe waxaad mooda in wanaagba aan la rabin, waxa ka socda baraha bulshada, guubaabo, fidno, dagaal, waxaan moodaday 30-ka sano inaynu kornay. Muwaadinku waddanka meeshi uu doono ayuu ka degi kara, haddii aanu sharcigu ka reebin oo aanay meelo gaara ahayn, imikana dhulkii ayaa la kala sheeganaya oo digniin ayaa la isa siinaaya la leeyahay, ‘hadaydaan sacadaha noocaasa kaga guurin wixii dhaca weydun arki. Beelba degaanka Jidhi shir ku qabsatay go’aan ayay soo saareen, masuuliyiin dowladda ka tirsan ayaa fadhiyay, oo markii go’aanada lagu dhawaaqayay ka eegayay, xalayna kuwii kale ayaa ku hanjabayay yaanu gabalku kaadhicin, waxa halkaasi ka socda xabadu qoriga caaradiisa uunbaanay ka bixin, taasi waxaan leeyahay haddii golaha aynu nahay iyo haddii xukuumadda aynu nahayba, sidii wax looga qaban karayo waa in looga qabto. Dowladdu way og tahay oo wasiiro ayaa joogay shirarka hurinta colaada beelaha lagaga hadlayay oo dhageysanayay, dad masuuliyadii ay Qaranka u hayeen reernimadu kala wayn tahay, waxaasi wax la eegan karo ee waa in tallaabada ku haboon ay ka qaado” Qaran News
  12. New York (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Danjire Abuukar Cisman Baalle ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay go’aankii Golaha Ammaanka ee cunqabatayenta hubka looga qaaday Soomaaliya, kadib muddo 31 sano ah. Abuukar Baalle ayaa shaaca ka qaaday in go’aankaas uu ahaa mid taariikhi ah oo waqti badan la sugayay, isla markaan u muhiim u ah guud ahaan dadka Soomaaliyeed. Danjiraha ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan waddamo badan oo haatan Soomaaliya diyaar ula ah inay siiyaan hub casri ah, taasna ay ku timid qaadista cunaqabateynta hubka. “Waddamo badan oo asaxaab nahay ayaa jiro oo diyaar u ah inay hub siiyaan dowladda dhexe ee Soomaaliya waxaa jira waddamo kale oo ka ganacsada hubka oo laga soo iibsan karo” ayuu yiri danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in markii hore ay caqabaddu ka jirtay cunaqabateynta, maadaama Soomaaliya aan loo ogoleyn hubka waa weyn, haddase laga gudbay. “Cunaqabateyntu waxay ahayd qof walba oo raba inuu wax kusiiyo kuma siin karin oo waxa uu ka baqaayay UN-ka iyo is daba socodka inuu dhib uga yimaado” ayuu sii raaciyay. Ugu dambeyn wuxuu meesha ka saaray walaaca laga qabo in hubkan loo fasaxay Somalia uu gacan galo cid kale, isaga oo sheegay inuu jiro nidaam loo diyaariyay xakameyntiisa. “Walwalka ah hubka inuu iska soo galo waddanka waxaas ma’aha wax laga walwalo, waxaa diyaarsan system lagula soconaayo dhaq-dhaqaaqa guud” ayuu mar kale yiri Mr. Baalle. Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku guulaystay in laga qaado cunaqabateynta muddada dheer saarnay, taas oo kusoo aaday, xilli ay dowladda dagaal kula jirto Al-Shabaab. The post Soomaaliya ‘oo heshay waddamo hub diyaar ula ah’ kadib go’aankii QM appeared first on Caasimada Online.
  13. Mogadishu (HOL) - The Somali Media Association (SOMA) concluded a two-day Panel Discussion meeting for the stakeholders on freedom of expression, safety of journalists and access to information in Dhusamareb town, the administrative capital of Galmudug State on Friday. Source: Hiiraan Online
  14. Mogadishu (HOL) - A string of mine blasts in Mogadishu's business sectors on Sunday has heightened concerns among locals and merchants. The first explosions occurred on Route 30 (Jidka 30-ka), near Laba Dhagax, targeting two businesses. Subsequently, another blast rocked the Bakahara market. Source: Hiiraan Online
  15. Dowladda Soomaaliya ayaa war rasmi ah ka soo saartay hawlgal qorshaysan oo saaka ka dhacay degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka argagixisada AS. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in hawlgalkaas ay iska kaashadeen ciidamada dowladda iyo saaxiibada Caalamiga ah islamarkaana laga fuliyay tuulada Hilow Bacaad oo wax yar u jirta degaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. In ka badan 60 xubnood oo ka tirsan maleeshiyaadka As ayaa lagu dilay hawlgalka waxaana lagu burburiyay saanad ciidan iyo gaari dameero ay saaran yihiin hub iyo walxaha qarxa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladds Federaalka Soomaaliya. “In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga ah oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo sideed kilo mitir dhinaca Koonfur Galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan”. “Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa sidoo kale burburiyay Saanado Ciidan iyo Gaari Dameero ay ku wadeen Hub iyo waxyaabaha Qarxa” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaaradda Warfaafinta xukuumadda Federaalka Soomaaaliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Soomaaliya “In ka badan 60 xubnood oo Argagixiso ah ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay Hiiraan” appeared first on Puntland Post.
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xoogan oo saaka ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka ku yaalla gobolka Banaadir. Qaraxa oo ahaa ismiidamin ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay afaafka hore ee xerada TurkSom oo ku taalla degmada Wadajir, gaar ahaan waddada aada Jasiira. Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in qaraxa uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, wuxuuna beegsaday ciidamo cusub oo loo qorayay Xoogga dalka. Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxaan uu gaystay khasaare u badan dhaawac, waxaana waxyeelo soo gaartay ugu yaraan 4 qof oo kamid ah dadkii ku sugnaa goobta. Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in qofka qaraxu ku xirnaa uu doonayay inuu dhex galo dhalinyaro saf ku jirtay si ay u qortaan ciidanka Gorgor ka soo horjeedka xerada TurkSom laakiin ay ciidamada amaanku ka shakiyeen, deetana inta aanu soo gaarin uu is qarxiyay. Dhanka kale Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa shaaca ka qaaday inay ku dishay 32 ka tirsan dhalinyaradii ciidanka qoranaysay, sida ay hadalka u dhigtay. Al-Shabaab ayaa horay sidaan oo kale qaraxyo ugu weerartay xeryo ciidan oo ku yaalla Muqdisho, xilli ay ka socotay diiwaangelin ciidan, waxaana ugu dambeeyay weerarkii ka dhacay xerada Kuliyadda Jaalle Siyaasad, inkastoo laga hortegay ismiidaamiyihii fulina rabayu weerarkaais, kadib markii ay rasasaaseeyeen ciidanka, sidaasna kuu ku qarxay, Waxaa sidoo kale ka horreeyay weeraro kale oo horay uga dhacay xerada Nacnaca oo iyana ku taalla degmada Wadajir, halkaas oo ay dhowr jeer qarxiiyeen xubnaha Al-Shabaab. The post Ismiidaamin ka dhacday xero ciidan oo ku taalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  17. Israa’iil ayaa ku wargelisay dhowr dal oo Carbeed inay doonayso inay aag difaac ah ka abuurto dhinaca Falastiiniyiinta ee soohdinta Gaza, si looga hortago weeraro ay Xamas mustaqbalka kusoo qaado Israa’iil. Qorshahan ayey Israa’iil sheegtay inay fulineyso kadib dhammaadka dagaalka Gaza, sida ay ilo-wareedyo Masaari iyo kuwa gobolka ku sugan ay u sheegeen wakaaladda wararka Reuters. Qorshahan ayaa macnihiisu yahay in ciidamada Israa’iil ay ka difaaci doonaan Israa’iil gudaha Gaza intii ay ku sugnaan lahaayeen xudduudoodii hore, balse ma cadda inta kilometer ay Israa’iil dooneyso inay aagga difaacca ka dhigto Sida laga soo xigtay saddex ilo-wareedyo gobolka ah, Israa’iil waxay qorshaheeda la wadaagtay dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, oo sannadkii 2020 xidhiidh diblomaasi la sameystay Israa’iil. Waxa kale oo ay sheegeen in Sacuudiga, oo aan xidhiidh la lahayn Israa’iil islamarkaana joojiyey wada-hadallo uu Maraykanku dhex-dhexaadinayey kadib markii uu dagaalka Gaza billaamay 7-dii October, lagu wargeliyey qorshaha Israa’iil. Ilo-wareedyada ma sheegin sida ay xogtani ku gaadhay Riyadh, oo aan si rasmi ah u lahayn xidhiidh toos ah oo ay la leedahay Israa’iil. Turkiga oo aan Carab ahayn ayaa sidoo kale loo sheegay, sida ay sheegeen ilo-wareedyadan. Hindisahani ma tilmaamayo in uu soo afjarmi doono weerarka Israa’iil– kaas oo dib u billaamay Jimcihii, kadib xabbad-joojin toddoba maalmood ah –balse waxa uu muujinayaa in Israa’iil ay ka gudubtay dhex-dhexaadiyeyaasha Carabta ee la aasaasay, sida Masar ama Qatar, iyada oo doonaysa in ay qaabayso Gaza dagaalka kadib. Ma jirto dawlado Carbeed oo u muujiyay wax rabitaan ah inay ilaaliso ama maamulaan Gaza mustaqbalka, waxayna intooda badan si buuxda u cambaareeyeen weerarka Israa’iil ee lagu dilay in ka badan 15,000 oo qof iyo burburinta dhul badan oo ka mid ah magaalooyinka Gaza. Xamaas waxa ay ku dishay 1,200 oo qof duullaankoodii October 7, waxayna qafaasheen in ka badan 200 oo qof. Dowladaha Masar, Sacuudiga, Qatar, Turkiga, iyo Urdun si degdeg ah ugama jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan arrintan. Source
  18. Golaha dhaqanka ee Sool clan ayaa soo dhoweeyay go’aan kasoo baxay beesha Habar-jeclo, go’aankaas oo ahaa mid nabadeed oo dhiirri galinayay wada noolaanshaha labada dhinac. Bayaan kooban oo ay soo saareen golaha dhaqanka ee Sool clan, ayaa waxay ku sheegeen in ay xakamayn doonaan in ciidankooda ay u gudbaan dhinaca kale. Iyaguna waxay codsadeen in sidaas oo kale beelaha ay dirirtu dhexmartay, xakameeyaan inay duulaan soo qaadaan ciidankooda. Source
  19. Garowe (HOL) -President Deni and several political parties pledged on Sunday to advance direct elections despite only thirty days left in Deni's presidency. Source: Hiiraan Online
  20. Dowladd Deegaanka Oromada Itoobiya ayaa Sabtidii ku eedeysay jabhadda Oromada ee OLA inay dileen dad badan oo rayid ah weerarro daba socday fashilkii ku yimid wada-hadalladii nabadeed ee ka socday wadanka Tanzania. Ugu yaraan 36 qof ayaa la dilay kaddib markii kooxo aan la aqoonsan ay weerareen saddex tuulo oo ka tirsan degmada Shirka ee gobolka Oromiya 24 kii iyo 27 kii bishii ina dhaaftay ee November, sida ay ka soo soo xigtay dadka deegaanka wakaalada wararka ee Reuters. Afhayeenka gobolka Oromada Hailu Adugna ayaa weerarradaas ku eedeeyay ururka OLA oo ah koox sharci darro ah oo ka go’day xisbi mucaarad ahaa oo hore loo mamnuucay, kaasoo ka soo laabtay mustaafuris 2018-kii. “Kooxda argagixisadu waxay ku kacaysaa falal arxan darro ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, sababtoo ah hadda aad ayay u welwelsan tahay,” ayuu Hailu u sheegay wakaaladda wararka ee dowladda, isagoo intaas ku daray in sidoo kale hanti badan lagu burburiyay weerarradaas. Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay OLA. Dowladda federaalka iyo tan gobolka Oromada ayaa abaabulay kooxo amni si ay jabhadda uga saaraan deegaannada ay maamulaan, ayuu yidhi Hailu. Source
  21. Mogadishu (HOL) - A joint military operation spearheaded by the Somali National Army, with international support, has successfully neutralized more than 60 al-Shabaab militants in the Hiiraan region's village of Hilow Ba'aad, eight kilometres southwest of Halgan. This strategic strike, conducted in the early hours of Sunday, is part of an ongoing campaign to rid the Hiiraan region of al-Shabaab insurgents, who have waged a violent war against the Somali government and its allies for over a decade. Source: Hiiraan Online
  22. Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan howlgal culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab uu ka socdo aagga deegaanka Halgan ee gobolkaasi, kaas oo qaatay saacado badan oo xiriir ah. Howlgalkan oo ah mid qorsheysan ayaa waxaa iska kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo saaxibada caalamig ah, wuxuuna si gaar ah uga scodaa tuulada Hilow Bacaad oo hoostagta deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan. Wararka ayaa sheegaya in howlgalkan khasaare culus oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur lagu gaarsiiyay xubnaha kooxda Al-Shabaab oo ku sugan halkaasi. Sida ay shaacisay warbaahinta dowladda waxaa howlgalkan culus lagu khaarijiyay in ka badan 60 Al-Shabaab ah, kuwaas oo isku uruursanayay tuulada uu weerarka ka dhacay. “In ka badan 60 ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamiga oo ka dhacay Tuulada Hilow Bacaad oo 8 KM dhinaca Koofur galbeed ka xigta deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan” ayaa lagu yiri qoraalka. Sidoo kale warbaahinta dowladda ayaa intaasi kusii dartay in ciidamadu ay burburiyeen, isla markaana ay cagta maryeen saldhiyo ay kooxda ku laheyd halkaasi. “Howlgalkaan oo qaatay Saacado badan walina socda ayaa sidoo kale waxaa lagu bur buriyay fariisimo ay khawaarijtu halkaasi ku lahaayeen iyo saanado ciidan” ayaa lagu yiri. Xaaladda ayaa haaatan kascsan, waxaana lagu soo warramayaa in weli howlgalka socdo, kaas oo lagu baacsanayo xubnaha kooxda Al-Shabaab ee ku sugan aagga Halgan. Hiiraan ayaa kamid ah meelaha lagu jebiyay kooxda Al-Shabaab, isla markaana khasaare culus lagu gaarsiiyay wejigii koowaad ee dagaallada haatan ka socda dalka. The post Ciidamada DF oo hal goob ku dilay 60 Al-Shabaab ah appeared first on Caasimada Online.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxtooyada Soomaaliya ayaa faah-faahin ka bixisay cidda hub lasoo degi karto, kadib markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii hubka ay saarneyd 32-ka sano. Xuseen Macallin Maxamuud, oo ah la-taliyaha amniga qaranka madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya iyo ciidamadeeda ay soo gadan karaan hub kala duwan. ‘’Dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka waa dalban karaa hub oo awoodda ay leeyihiin ku xiran maaddama ay leeyihiin booliis iyo asluub kaliya, loona oggolyahay inay maamulaan hub iyagana ku siman inay si nidaami ah dalka ula imaan karaan,” ayuu yiri Xuseen Macallin. Isagoo ka jawaabayey sababta ay maamulladu hub usoo dajisan karaan ayuu yiri “Dabcan dowladeey ku hoos noolyihiin, kaligood wax ma sameeyaan, dowladda Soomaaliya ayey ka mid yihiin, dowladda iyo xafiiska amniga qaranka laga dhexdhisay ayaa nidaamka ay u keensan karaan xaddidaya, iyada oo heshiiskii amniga qaranku uu dhigayo in ciidamo u gaar ah oo booliska ah iyo ciidamada u gaar ah oo asluub ah ay yeelan karaan, marka hub intaas ku xaddidan ayey keensan karaan” ayuu yiri Xuseen Macallin. Wuxuu intaas ku daray in maamul goboleedyada ay oggolaansho ka qaaadanayaan dowladda dhexe ka hor inta aysan hubka dalban. Dhinaca kale, Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sheegay in laga bilaabo 2-dii December, Soomaaliya hub nooc kasta oo hub ah oo dunida lagu kala iibsho ay xaq u leedahay inay soo gadato. Wuxuu sheegay inaysan jirin wax shuruudo ah oo Soomaaliya u dhiman ama laga sugayo inay buuxiso Ciidamada Soomaaliya ayuu sheegay inay muhiim tahay inay helaan hub ay kaga adkaanayaan ururka Al-Shabaab oo ay dagaal kula jirto. “Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa gacmaha ka xirnaa, hubka la wada haysto hub ka waa weyn oo uu dalka ku ilaalin karo, cidda hubka ay haysato si khaldan u istcimaalaysana shaqa ka qaban karo ayey muhiimaddu tahay hadda,” ayuu intaas ku daray Xuseen Macallin. The post Villa Somalia oo shaacisay labada dhinac ee kaliya ee hub lasoo degi kara Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.