-
Content Count
215,467 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Dubai (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) oo lagu qabtay magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa ku soo bandhigay saameynta xooggan ee ka soo gaartay dadka iyo deegaanka Soomaaliyeed isbeddelka xooggan ee ku socda cimilada. Madaxweynaha ayaa sheegay in daadadka ka dhashay duufaanta Elnino ay ku dhinteen in ka badan 120 qof oo Soomaaliyeed, halka ay ku barakeen in ka badan hal malyan. Madaxweynaha ayaa sheegay inay dowladdu la tacaalayso dhibaatada soo gaartay dadka Soomaaliyeed, isla markaana ay dadaal xoog leh ku bixiyeen yareynta khasaaraha la filayey. “Soomaaliya waxay safka hore kaga jirtaa dalalka ay sida tooska ah u saameysa arrinta isbeddelka cimilada, waxaana tusaale u ah dadkeenna haatan la tacaalaya daadadka ka dhashay duufaanta El-nino waa kuwii kal hore ka soo gudbay abaartii ku habsatay dalka,” ayuu yiri. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed oo ku howllan xoreynta dalka iyo in ay iska dulqaadaan argagixisada, haddana ay u nugul yihiin abaaraha, fatahaada iyo roobabka duufaanta wata. Iyadoo ay Soomaaliya heystaan intaas oo caqabadood wuxuu sheegay in hadana ay ka go’an tahay in ay ka qeyb qaataan dadaal kasta oo xal loogu raadinayo dhibaatada isbeddelka cimilada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa ku dhaliilay hannaanka caalamiga ah ee ka hortagga saameynta isbedelka cimilada sii xumaaneysa ee dunida. Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku dooday in dalalka Afrika aan si mug leh looga qeyb gelin qorshaha xallinta dhibaatadan, wuxuuna ugu baaqay dalalka warshad-leyda ah in ay guutaan masuuliyadda ka saaran arrinkaas, si loo xaqiijiyo duni ku habboon nolasha. DECEMBER 1: World Heads of State pose for a group photo at Al Wasl during the UN Climate Change Conference COP28 at Expo City Dubai on December 1, 2023, in Dubai, United Arab Emirates. (Photo by COP28 / Mahmoud Khaled) The post Xasan Sheekh oo jeediyey khudbad xasaasi ah, hal arrina ku canaantay dunida (Sawirro) appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (HOL) - In a stirring display of determination and resilience, Somalia's Ocean Stars showcased their emerging football prowess despite a 4-1 defeat against Kenya's Junior Stars in the CECAFA U-18 Boys Championships at Kakamega's Bukhungu Stadium. The Somali team, under the guidance of Omar Ahmed Mohamed, demonstrated tactical acumen and resilience in a match that was crucial for their semi-final aspirations. Source: Hiiraan Online
-
Mogadishu (Commentary) – Lifting arms embargo on a country divided into rival federal member states and with parallel forces is hardly a peace-making effort. Without canvassing the views of the federal member states Britain drafted a resolution to lift the arms embargo on Somalia. If the UN Security Council decides to lift the embargo on Somalia it will turn out to be a top-down decision expressly designed to deepen political rifts and mistrust within Somali political elites to perpetuate the country’s dependency on peacekeeping forces. The UN Security Council will today vote on a UK-drafted resolution to lift the arms embargo on Somalia It will not be a decision that will be celebrated throughout Somalia. In the South Central, an area near Mogadishu two subclans used weapons supplied by the Somali National Army to fight Al-shabaab under the Macawisley scheme. In Mogadishu the perception that certain subclans receive preferential armament treatment from the government is strong due to the absence of mechanisms aimed to prevent government weapons falling into the hands of rival subclans. Lifting the arms embargo on Somalia will undermine the spirit of reconciliation that, although to some extent flawed and discriminatory, has provided a basis for successive governments in Somalia since the year 2000. Somalia does not have parliamentarians elected through one person, one vote elections. Until Somalia puts in place a government based on the rule of law, consequential decisions such as lifting the arms embargo should not be rushed. The Federal Government of Somalia will forfeit the trust and legitimacy its institutions enjoy despite being unable to return Mogadishu to its pre-1991 status as a melting-pot. President Hassan Sheikh Mohamud has yet to explain to Somali citizens and his national partners the need to lift embargo while a large segment of Somalis remains politically deprived under the 4.5, their deprivation is based on their status as having no armed clan militias or never seeking to conquer a territory or occupy private or public properties illegally. Britain, the penholder, could be accused of prioritising its interests over the national interest of Somalia when it uses its diplomatic heft to push for the lifting of the arms embargo on Somalia. In 2017 at the London Somalia conference António Guterres, the Secretary-General of the United Nations, cited global risks from Somalia as the rationale for keeping ATMIS (then AMISOM) in Somalia. Failure of Somali politicians has resulted in state collapse and the subsequent security threat posed to maritime routes along Somali seas by pirates and transnational, proscribed groups. Somalia’s national interest is best served if the arms embargo does not get lifted. By Adan M. Dawad The post Lifting the Arms Embargo on Somalia Carries Long-term Global Security Risks appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa shaaciyay in Soomaaliya ay heli karto magdhowga khasaaraha iyo waxyeellada ka dhashay isbeddelka cimilada ah. Cabdiraxmaan oo daba socda isfaham lagu gaaray shirka is-beddelka cimilada (COP28) ee ka socda dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay in Soomaaliya ay magdhow u heli karto waxyeelladii kasoo gaartay i-beddelka cimilada. Shirka is-beddelka cimilada ayaa la isku raacay bixinta magdhowga khasaaraha iyo waxyeellada (Loss and Damage Fund), kaasi oo ay bixinayaan dalalka wasaqeeya hawada dunida. “Soomaaliya waxay ka mid ah dalalka ugu ba’an ee ay waxyeellada ka soo gaarto is-beddelka cimilada, si degdeg ah oo fududna uga faa’iidaysan kara fursadaas, waase haddii hawsha loo diro dad aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo leh,” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ku yiri qoraal uu soo saaray. Sidoo kale waxa uu yiri “Dalal badan ayaa u tartamaya sidii ay u heli lahaayeen dhaqaalahaas, waxayse ku xiran tahay dalkasta dadka uu hawsha u dirsado. Haddii aysan taas dhicin, Soomaaliya marna ka faa’iidaysan mayso magdhowga, kana bixi mayso qaylo dhaan, baryo, gargaar iyo gurmad deg-deg oo markii ay fatahaad ama abaar jirto lagu soo tuuro.” Hoos ka aqriso qoraalka Guul wayn ah ayaa shirka is-beddelka cimilada (COP28) kaga soo hoyatay dalalka uu is-beddelka cimilada waxyeellada ugu ba’an uu gaystay. Shirka oo ka socda dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa la isku raacay bixinta magdhowga khasaaraha iyo waxyeellada (Loss and Damage Fund). Soomaaliya waxay ka mid ah dalalka ugu ba’an ee ay waxyeellada ka soo gaarto is-beddelka cimilada, si degdeg ah oo fududna uga faa’iidaysan kara fursadaas, waase haddii hawsha loo diro dad aqoon, xirfad iyo waaya-aragnimo leh. Dad xiriirin kara wada shaqayn dhexmarta hay’adaha dawladda federaalka, kuwa maamul goboleedyada iyo qaybaha kale ee bulshada ee aan looga maarmin hawsha, sidoo kalana la imaan kara xariiftan diblomaasiyadeed, galaangalka, wada xaajoodka iyo qancin dadka bixinaya magadhawga. Dalal badan ayaa u tartamaya sidii ay u heli lahaayeen dhaqaalahaas, waxayse ku xiran tahay dalkasta dadka uu hawsha u dirsado. Haddii aysan taas dhicin, Soomaaliya marna ka faa’iidaysan mayso magdhowga ay bixinayaan dalalka wasaqeeya hawada dunida, kana bixi mayso qaylo dhaan, baryo, gargaar iyo gurmad degdeg oo markii ay fatahaad ama abaar jirto lagu soo tuuro. In ka badan 7 milyan ayey abaari bilo yar saamaysay, maantana dhowr milyan oo kale ayey fatahaad dhibaato u gaystay. Waxaan nahay dad aan ka sarriigan baryada iyo weji gabaxa, deris la ah faqri , iyo fuulxumo uusan Ilaaheey u qorin, balse ay iyaga isku xukmiyeen. Markii damiirku damqo, ayaa danta guud la jiri karaa. The post Soomaaliya ‘oo magdhow caalami ah’ u heli karta khasaaraha iyo waxyeeladdii… appeared first on Caasimada Online.
-
Dalku maanta dagaal uma baahna, ee doorasho ayuu u baahan yahay. Somaliland amintan kama duwana, doon ay doc kasta biyo ka soo galeen, taas oo dareewalkeeduna dayow iyo daal la daala-dhacayo. Qarankan dheel-dheeliyaya, ee dhibaatada badani dhabtiisa buuxisay, uma baahna maanta dagaal iyo duulaan la qaado. Balse, wuxuu u baahan yahay difaac, deganaansho, iyo doorasho loo dareero. Sidoo kale, xaqiiqada inala deriska ah la iskama indha-tiri karo. Sidaa darteed, waxaynu u baahan nahay in aynu galno diyaar-garow buuxa iyo difaac adag. Haddii la inagu soo duulo, waa in aynu is difaacnaa. Laakiin, hadalna waa la cadeeyaa, ilkana waa la cadeeyaa’e, duulaan aynu qaadno dani kuma jirto. Waxaan far waaweyn ku dhigayaa, hawlaha faraha badan ee ina hor-yaal, waxaynu kaga gudbi karnaa oo keliya, midnimo iyo wadajir. Allahayow, maxaa ka run badan maahmaahda tidhaahda: Shan nin oo isku calool ah, ceelna way biyeeyaan, cadowna way iska celiyaan. Dhinaca kale, doorasho ayaynu u diyaar garoobaynaa in ay dalka ka dhacdo November 2024, idam Eebbe. Dalku wuxuu galay jawi doorasho, in laga duwaana waa dembi culus, oo aan loo dulqaadan karin. Ugu dambayn, waxaan caad iyo ciiro toona inaga saarnayn, in dhaankii qarankeena ee isku daba xidhiidhsanaa, uu kala xadhig furtay. Haddaba, waxaan si weyn uga digayaa, in dadka hambada hadhay la sii kala durkiyo, iyo in la dibin-daabyeeyo doorashooyinka la wada W/Q Maxamuud Xaashi Sayruuq Qaran News
-
Xalay waxa gobolka Connecticut ee Maraykan ku geeriyooday Isaga oo boqol sanno jiray, Dr. Henry A. Kissinger, oo dhalashadiisii loo bixiyay ‘Heinz’, mar dambe se is ka bedelay. Dr. Kissinger oo in badan ka dhex muuqday masraxa dublamaasiyadda caalamka, waxa aan soo qaadi doonaa Isaga iyo masuuliyintii Soomalaiyeed qaarkood wixii dhex maray todobaatameeyadii qarnigii hore, markii uu isagu ahaa Xoghayaha Arimaha Debedda ee Maraykan. Dr. Kissinger, oo ka soo jeeday qoys yuhuud ah, waxa uu ku dhashay Gobolka Baveria ee dalka Jarmalka. Henry isaga oo 15 jir ah, ayay 1938kii qoyskoodu u la qaxeen dhankaas iyo New York, Isaga oo askari Maraykan ah baanu Yurub ku soo noqday, waxaanu la dagaalamay Naasigii Jarmalka ee Hitlar hogaaminaayay. Dagaladii ka dib, Henry waxa uu dib u gu noqday dhinaca waxbarashada, 1953kii baanu Harford ka qaatay P.HD dhinaca falsafadda ah. Dhamadkii lixdameeyadii, ayuu noqday La Taliyaha Amniga Qawmiga ah ee Dawladda Maraykan, 1973-1977kii na, waxa uu ahaa Xoghayaha Arimaha Debedda. Kissinger waxa uu wasiir u ahaa Madaxweynayaashii Nixon iyo Ford, ilaa toban madaxweyne oo kale na, la taliye ayuu u ahaa, waxaana ka mid ahaa Obama. Kissenger, sida la is la ogolyahay, waxa uu ahaa dublamaasigii u gu saamaynta badnaa siyaasadda debedda ee Maraykan, waxaanu 1973kii biladda Nobel ku qaatay soo afjaridda dirirtii Fiidnaam ee dhiigga badani ku daatay. Sidoo kale, waxa uu hormuud ka ahaa siyaasadii qaboobayd ee beryahaas ay Moosko iyo Washington isugu soo dhawaanaayeen, dareemada halista ah ee dhexdooda na ku xakamaynaayeen, taas oo keentay heshiiskii hoos u dhigidda gantaalaha qaaradaha ka gudba. Sidoo kale, waxa uu door weyn ka ciyaaray isu soo dhaweynta Maraykan iyo Shiinaha, in kasta oo aanay suuroobin in labada waddan xidhiidkooda caadiyeeyaan intii uu xafiiska joogay. Geesta kale, Kissinger waxa uu door muhiim ah ku lahaa dhamaynta dagaalkii Masar iyo Israaiil ee 1973kii, iyo ololihii dublamaasiyadeed (The Shuttle Diplomacy), ee xigtay labadii sanno ee ka dambeeyay dagaalka. Si kastaba, Kissinger waxa aad loo gu dhaliilaa in uu ahaa siyaasi aan waxba ka soo qaadan arimaha xuquuqda aadanaha, muhiimadda na siiya uun xoogga iyo xaqiijinta danaha Maraykan. Waxa uu qoray toban buug in ka badan, waxaanu ku dadaali jiray in Maraykan aanu dagaal ku lug yeelan, intii wadahadal iyo dublamaasiyaddu ay suurtagal tahay. Kissinger waxa uu ahaa dublamaasi, siyaasi, taariikyahan iyo khabiir culuumta siyaasadda ah, Isaga oo wax ka qoray jaamacadaha na ka dhigay. Gebagabadii, , Henry Kissinger waxa uu aaminsanaa in Soomaalidu ay sabab la’aan Maraykan u ga hor jeeddo. Eedda taas ah waxa uu si toos ah u gu sheegay, oo si adag oo xariifnimo leh na Isaga difaacay, Wasiir Cabdilqaadir Qaasim iyo Danjire Cabdilaahi Caddow oo New York ku la kulmay. Wadahadalkii masuuliyintaas dhex maray, oo waa dambe ay dawladda Maraykan qaybo ka mid ah shaacisay, ayaan halkan idin ku la wadaagayaa. Waa qoraal aan saddex sanno ka hor shaaciyay, waxa aan se u arkaa in uu istaahilo in dib mar iyo marar kale ba loo akhriyo. Kulankii Qaasim iyo Kissinger, 1976! Turjumaad: Maxamed Haaruun Biixi. Galabnimo Jimce ah, oo ku beegnayd 8 October, 1976, waxa ku kulmay New York (USA), laba wafti oo kala matalaayay dawladihii Soomaalida iyo Maraykanka. Labada dhinac waxa kala hogaaminaayay Henry Kissenger, Xoghayihii Arimaha Debedda ee xiligii Madaxweyne Gerald Ford; iyo Dr Xuseen Cabdulqaadir Qaasim, Wasiirkii Macdanta iyo biyaha, isla markaana xiligaas ahaa Sii Hayaha Wasiirka Arimaha Debedda ee Soomaaliya. Labada wafti guud ahaan, gaar ahaan labadaas nin, waxa dhex maray wadahadal xoog u adag, oo aan waxba la isu dhimin, wax na la isu dhaafin. Dublamaasiyiintu marka aanay idacadaha la hadlaynin ee gudaha la isla galo, hadalada la qurxiyo bartaas baa la iska dhigaa oo la isu badheedhaa. Al-muhim, Dhinac kastaaba danihiisa ayuu difaacday; Maraykanku in ay Itoobiya u garbinayaan ma qarsanin; Soomaalidu na in ay taas ogyihiin ma qarsanin. Hadal-qoraalkii kulankaas oo Dawladda Maraykan ay waa dambe faafisay ayaa marar dhawr ah akhriyay, mar kasta na aniga oo xiisaynaaya sidii war igu cusub oo kale, ayaa aan u akhriyaa. Waxa ay ila noqotay in aan qoralkaas turjumo, si dad badani u ogaadaan in ay jireen masuuliyiin (dublamaasiyiin) Soomaaliyeed oo ajnabiga fahmi karaayay, jawaab munaasib ah na bixin karaayay iyaka oo isku kalsoon. Xasuusnow, dublamaasiyaddu ma aha in aad af-ingiriis ku hadli kartid, taas bedelkeeda, xitaa hadii aanad af-ingiriis aqoonin, waxa muhiim ah in aad si wacan u garanayso waddankaagu waxa uu doonaayo, waxa wadamada kale doonayaan, iyo meelaha ay labadaas doonisood ka kulmi karaan, meelaha aanay ka kulmi Karin, iyo hadii ba ay suurtagal tahay in aad danaha kulansiiso. Muhiimadda ugu wayn ee dublamaasiyiintu, hadii uu safiir yahay iyo hadii uu wasiir yahay ba, taas weeye. Waa in aad cid kasta saaxiib la ahaatid intii suurtagal ah, hadana aanad cidna aaminin. Waa in aad taada wadatid. Waa waddan walalaheen ah amaba saaxiibkeen ah ma jirto. Saaxiibada iyo cadowga waa in aad isku si uga feejignaatid. Taas weeye dublamaasiyaddu, waana taas midda ay dawladuhu ku macaamilaan. Fiiro gaar ah: kulanka aan ka hadlayno ee masuuliyiintan dhex maray, intiisa badan waxa looga hadlay qadiyaddii waagaas taagnayd ee u dhexaysay Itoobiyaanka iyo Soomaalida, taas oo xiligas wax yar uun ka dib isu bedashay dagaal buuxay. Boogaadinta aan kor ku muujiyay marnaaba qiimayn ma u ahaa sidii ay masuuliyiintii Soomaalida ee waagaasi guud ahaan u maamuleen amuurtaas, ee ay uga fikireen amaba u qiimeeyeen sida caalamku u arki karaayay go’aamadii Soomaalidu qaadatay amaba xiliyadaas qaadan doontay. Qiimaynta noocaas ahi ha noqoto maalin kale, laakiin hadda waxa keliya ee aan qiimeeyay, oo heer sare na iila muuqday, tayada dublamaasiyadda Dr Xuseen, iyo sida isku kalsoonida leh ee uu ugu jilib-dhigay Henry Kissenger oo ahaa dublamaasi aad looga dambayn jiray masraxa siyaasadda ee caalamiga ah; ilaa maantadan na wali la hadal hayo isaga oo in ka badan 40 sanadood shaqada ka sii maqan. Isku kalsoonida qofka Soomaaliga ah oo waxoogay aqoon iyo waxoogay miyir amaba deganaansho ah lagu kabo, oo caadifadda na laga yareeyo, wax badan ayay qaban kartaa. Aan idiin kala baxo dooddii nimankaas dhex martay waagaas. Hadal-qoraalka wadahadalkii Qaasim iyo Kissinger. Ka qayb galayaasha kulanka – dhinaca Soomaaliya: Xuseen C. Qaasim, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha; Cabdilaahi Caddow, Safiirkii Soomaalida ee Washington DC joogay; Cabdiraxmaan Jaamac Barre, Agaasime Guud ee Wasaaradda Arimaha Debedda, Maxamed Maxamuud, Qusulka Safaaradda Soomaalida. Dhinaca Maraykanka: Henry Kissinger, Xoghayaha Arimaha Debedda. Philip Habib, Ku xigaha Xoghayaha Arimaha Debedda ee dhinaca Siyaasadda. Talcott W. Seelye, kaaliyaha Ku Xigaha Xoghayaha, Iyo Frank Wisner, oo ah hadal-qoraha shirka. Taariikhda: October 8, 1976; Wakhtiga: 3:45 p.m; Goobta: Guriga Xoghaye Kissinger ee Waldorf-Astoria, New York. Kissinger: Xilka ah ‘Sii hayaha Wasiirka Khaarajiga’ muxuu ka dhiganyahay? Qaasim: Waxa aan ahay Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, ha yeeshee dawladayda waxa aan ku matalay tiro shirar calami ah. Caddow: Waaqic ahaan waa Wasiirka Arimaha Debedda. KISSINGER: New York ilaa hadma ayaa joogtay? KASSIM: Laba todobaad iyo siyaado. Dhawr maalmood gudahood waddankii baa ku laaban doonaa, dhexda in aan ku sii hakado na waa suurow. KISSINGER: Waxa ay u muuqataa in aad go’aansatayba in aad dhexda ku sii hakatid. KASSIM: Waxa aan isku dayaa in aan danaha waddankayga ka shaqeeyo, waxanan hawsha qabtaa aniga oo aan wax siyaado ah iyo madadaalo ku darin. KISSINGER: Buuq aad uga badan inta uu samayn lahaa waddan sidiina oo kale meel-dhexaad ahi ayaa samaysaan oo wararka xoog baa ugu jirtaan. KASSIM: Mar kasta waxa ay ku xidhantahay dhinaca dabayshu ay u dhacayso. Ma anakaa wararka is keenayna, mise kuwa abuuraaya duruufaha nagu kalifaaya in aannu talaabo qaadno ayaa noogu wacan? KISSINGER: Adba waa I dareemi kartaa marka aan xaalad abuur ahay ee iska doonaayo in wararka la igu soo qaado. Caddow: Goor kasta wararka waa ku jirtaa oo saxaafadda ayaa si dhow kuula socota. KISSINGER: Waa sidee heerka cilaaqaadka labadeena waddan? KASSIM: In aan taas wax ka idhaahdo ayaa jecelahay. Waxa aan qabaa in ay jirto fursad cilaaqaadka lagu sii wanaajin karaa. Kissinger: Waa kugu raacsanahay. Qaasim: Haa, waxa jirta fursad cilaaqaadka lagu sii wanaajin karo. Qodob fiican baa sheegtay xiligii qadada. Afrika waa soo fahmaysaa. KISSINGER: Wax badan baa ka bartay Afrika intii aan siyaasadaheeda daawanaayay. Laakiin idinku Soomaali ahaan waa qalafsantihiin. Taas ma uga jeedo dhaliil, waxa aan se ka wadaa idinku siyaasadda gudaha si daran baa u ciyaartaan. Qaasim: Sida ay nala tahay uun baanu warkayaga u sheegnaa. KISSINGER: Ma qabo wadamada Afrika in ay wadar ahaan col noola yihiin, laakiin kolka aad eegtid dhaqdhaqaaqa Dawladda Soomaalida, waa adkaanaysaa in lagu tilmaamo waddan ka mid ah kuwa siyaasaddoodu dhexdhexaadka tahay. Inta badan waa naga hor jeedsataan kolka arimaha caalamiga ah ay timaaddo, mar kastana anaku ma qaldanaan karno. Sidaas ma u shaqeeyo xeer-xisaabeedka celcelis ku. (Fiiro gaar ah: Kissinger halkan waxa uu Dawladda Soomaalida ku eedaynayaa in iyada oo siyaasad ahaan sheegta in ay ka mid tahay wadamadii qunyar-socodka ahaa ee loo yaqaanay Wadamada Dhexdhexaadka ah, kuwaas oo aan kala raacsanayn labadii isbahaysi ee waagaas ay Ruush iyo Maraykan kala hogaamin jireen, hadana ay u dhaqanto sida waddamada Ruushka sida cad u raacsan, ee mar kasta iyo xaalad kastaba danaha Maraykan ka hor jeeday.) Qaasim: Anaka sida ay nala tahay, Soomaaliya iyo Maraykan waa in ay lahaadaan cilaaqaad ka madhan dareen cadaawadeed. Hadii la eego xaalado ama masalo gaar ah, waxa aan hadba ka qaadanaa go’aanka ku haboon, dabcigayagu na ma aha mid goor kastaba cadaawad ku salaysan. Hadii aydaan idinku naga haysan lahayn faham cadaawadeed, anaku fal-celin ma aanu samayneen. Waddan ka tirsan kuwa Dhexdhexaadka ah in aanu nahay ayaanu qabnaa. KISSINGER: Waddamada Dhexdhexaadka ah anaku ma ka hor jeedno. Waddamada Afrika oo dhami waxa ay ka mid yihiin kuwaas dhexdhexaadka ah, marka laga reebo Angola. 15 kun oo ciidamo ajnabi ah ayaa waddankooda jooga, dabcan xaaladdaasu na waxa ay ku khasbaysaa in siyaasad ahaan ay dhinac la saftaan. Marka aad leedahay ma jirto wax cadaawad ahi dhinaca Soomaaliya, hadana waxa dhacda in aad goor kastaba na khilaaftaan, mararka qaarkoodna, aadba ku hawllantihiin waxyaabo anaka lid nagu ah. Qaasim: Xaaladda aad sawirtay ma aha mid wada qaldan, hadana sawirka aad bixisay ma aha mid dhamays tiran. Anaku waxa aanu u fiirsanaa sida ay siyaasadda Maraykan u saamayso waddankayaga iyo guud ahaan gobolka aannu ku naallo. Anaka ahaan jiritaanka waddankayaga ayaa halis ku jira, idinka dhaqdhaqaaqiinu na ma aha mid muujinaaya dhexdhexaadnimo. KISSINGER: Tusaale ma I siin kartaa? Qaasim: Soomaaliya waxa ay leedahay taariikh isticmaar oo nasiib darro ah. Xataa intii aanay Soomaaliya xornimo ba qaadanin, Itoobiya ayaa idinku heshiisyo is garabsi la lahaydeen. Waxa aanu aragnaa hubkii oo ku daldalmaaya Itoobiya, waxa aanan qabnaa in hubkaasi dilaayo cilaaqaad hagaagsan oo anaka iyo Itoobiya na dhex mara. Waa la sii wanaajin karaa cilaaqaadka anaka iyo Itoobiya noo dhexeeya, laakiin hubka aad ku sii daabulaysaan iyo dacaayadda aad fidinaysaan taas ma saacidayso. Waanu aragnay warkii uu soo saaray Xoghayahiina Difaacu na. KISSINGER: Waxa aannu u qabnaa in aad haysataand hub ka badan midka Itoobiyaa. Sababma ayaa sidaas aannu u qabnaa? Qaasim: Sidaasi waa qalad. Itoobiya waxa ay leedahay cudud milatari oo taayada ka wayn. Waxa aad nagu khasbaysaan in aanu xoog isu hubayno. Anaku ma aragno wax door xal raadin ah oo aad ciyaaraysaan. KISSINGER: Saw ma rabtaan qayb Itoobiya ka mid ah? Qaasim: Maya. Waxa aanu xorriyad u rabnaa dhulka qaybta ay dadkayagu leeyihiin ee Itoobiya raacsan. KISSINGER: Waa qaybta Itoobiya ka mid ah ee Soomaalidu ay degto saw ma aha, goorma ayay se raacday Itoobiya? Qaasim: Itoobiyaanku waxa ay qabsadeen dhulka qaybtan ay Soomaalidu sida sooccan u degentahay sanadkii 1884. Ilaa laga soo gaadhaayay 1960, dhulkan waxa Itoobiyaanka ka joogay uun ciidamo aan badnayn iyo shaqaale dawladeed oo kooban, hadda se aad baa ay u soo xoojiyeen joogitaan koodii oo xaalku waa isbedalay gebi ahaanba. KISSINGER: Markaa sidaas darted, colaadda waa sii wadaysaan ilaa aad dhulkiinna inta maqan wada helaysaan? Qaasim: Sidaas lid keeda weeye xaqiiqadu. Anaku ka tanaasuli mayno xuquuqda dadkayaga iyo kan qaranka. Waxa aanu la liidanaa dhibaato isticmaar dhigay. KISSINGER: Waxa jira Soomaali iyakuna deggan Waqooyiga Kenya. Markaa Kenya na ma dhul baa ka rabtaan? Qaasim: Taasu waa xaqiiqo taariikheed. Dawladdii isticmaarka ee Ingiriis waxa ay abuurtay gobol Kenya inteeda kale gooni looga maamulo oo ah midka ay ugu yeedheen Gobolada Waqooyi ee Kenya, waligeed na sidaas bay gooni u ahayd xaaladda dhulkaasi. Ingiriisku aftidii ay abaabuleen 1963 ee dadkaas lagu waydiiyay dhinaca ay raacayaan, boqolkii 83 baa dooratay in ay Soomaaliya ku biiraan, laakiin Ingiriisku waxa ay qaateen go’aan taas lidkeeda ah oo Kenya ayay dhulkii raaciyeen, waana suurow in qaladkaas mar ay noqoto ba la saxo. Anaku ma eedaynayno Kiiniyaanka maxaa yeelay, iyaku ma ay go’aaminin waxa dhacay ee isticmaar baa xalka dusha kaga keenay. Itoobiyaanka weeye kuwa aannu inta badan eedaynaynaa, maxaa yeelay iyaku curfi isticmaarnimo oo badheedh ah ayay ku kaceen. Waxa aanu haynaa dhokumentiyo Itoobiyaan oo taas caddaynaaya. Boqor Menelik kii 2aad ayaa kolkii Yurubiyaanku ay dhulalka Afrika kala boobayeen, isna dhinaciisa codsi ka qortay, oo dalbaday in loo ogolaado in uu dhulkan Soomaalida qaato. Laba goor – 1963 iyo 1964 – ba Itoobiyaanku waxa ay ku dhawaadeen in ay na jiidhaan oo na ba qabsadaan. Hadii quwado shisheeye aanay xaaladda soo farogelin lahayn, labadayada dhinac ba masiibo ayaa ku habsan lahayd. KISSINGER: Taariikhihii hore wax badan ma ka qaban karno, laakiin sida aad adiguba ogtahay, cilaaqaadka ay Itoobiyaanku nala leeyihiin ma aha mid saaxiibtinimo aad u xooggan ku salaysan. Ma faalayn kartaa xaalka waddankaas? Qaasim: Anaku Itoobiyaanka daris baanu nahay, fahamkiina mid ka wanaagsan na waa ka haysanaa. Waxa jira culaysyo, dabcan mawduuc kasta na kulankan ma kaga bogan karno. Waxa aanu door-bidaynaa in aan ka hadalno waxa hadda taagan. Waxa aanu doonaynaa in aad na dhegaysataan, anaku na aanu idin dhegaysano. Sababta cilaaqaadka aan wacnayn ee Soomaaliya iyo Maraykan waxa ay ka soo burqanaysaa mashaakilkena gaarka ah ee ku salaysan danaha qaran. Waxa aan doonaynaa xal nabadeed oo dhibaatooyinka lagu maareeyo. Xataa ka hor Kacaankii 1969, waxa aanu ku dadaalaynay is faham na dhex mara Itoobiyaanka. Madaxweynahayagu waxa uu la kulmay madaxda Itoobiyaanka, waxa uuna isku dayay in la abuuro jawi wanaagsan oo sababi kara in arimaha noo dhexeeya si cadli ah lagu dhameeyo. Waligayo ma aanu ka helin Itoobiyaanka wax jawaab ah oo hagaagsan. Arimahaasu xoog ayaa ay muhiim noogu yihiin, xuquuqdayada na ma deedifayn karno, gacan-ka-hadal gardarro ah na ma samaynayno. Xaaladda ay Itoobiyaanku ku jiraan xiligan iyo ducfigooda ma isku dayayno in aan ka faaiidaysano. Waxa aan doonaynaa horumar wadankayaga iyo gobolka ba ka hanoqaada. Anaku ma rabno dagaal cidnaba na dhex mara, waliba gaar ahaan umad aanu is xigno sida Itoobiyaanka oo kale. Waxa aanu samaynay soo jeedin niyad sami ku dhisan oo Kiiniyaanka aanu u gudbinay, waana mid ku salaysan is faham Afrikaannimo. Waa suurow in ay timaaddo maalin arimahan la xallin doono. Ta ku saabsan inaka labadeena waddan, idinka doorkiinu waa mid xoog muhiim u ah. Waa in aad raadisaan nabad, amni, degenaansho iyo kor-u-qaadista is fahamka dhinacyada. Waa ognahay in waddamo kale oo Afrikaan ah aad caawisaan; waxaanan qabnaa in taakulayntiinu ay ahato mid ku jihaysan dhinaca horumarka, ma aha milatariga. (Fiiro gaar ah: ducfiga uu Wasiir Qaasim tilmaamay ee xiligaas Itoobiya ka jiray, ee uu leeyahay ma rabno in aan ka faaiidaysano, waxa uu ahaa qalalaase siyaasadeed oo sanadkaas 1976 si daran uga socday guud ahaan Itoobiya, gaar ahaan caasimadda Addis Abeba. Boqorkii Xayle ahaa ayaa la riday oo ciidamadu ku kaceen, iyaku na dhexdooda ayaa ay is khilaafeen oo xukunkii ku heshiin waayeen. Dagaalo furan oo qaybaha ciidamada la isu adeegsaday ayaa Addis ka dhacaayay, aakhirkii na waxa xoog roonaatay kooxdii uu hogaminaayay Kornayl Mingisto Xayle Maryam, kuwaas oo hogaankii waddanka si buuxda ula wareegay. Xiligan qalalaasuhu socday weeye xiliga uu Dr Qaasim leeyahay ma doonayno in aan xaaladaas ka faaiidaysano. Si kastaba, cadaymaha taariikheed oo dhami waxa ay muujinayaan in xaaladaahaas qasan ee ka jiray gudaha Itoobiya ay qayb wayn ka ahaayeen sababihii ku dhiiriyay in ay dagaalada galaan jabhadihii xornimada Soomaali-galbeed ee dagaalka waday intii hore, iyo dawladda Soomaalida oo rasmi ahaan u soo gashay kolkii dambe.) KISSINGER: Waxa aanu si adag u qabnaa Faham ah in aad u hubaysantihiin si ka wanaagsan sida Itoobiyaanka; waa suurow in xogaha sirdoonkayagu qaldanyihiin, laakiin waa caddahay in ad heshaan shixnado tiro badan oo hub Soofiyeed ah. Qaasim: Anaka waxa nalagu soo duulay 1963 iyo 1964. Waligoodba Itoobiyaanku iyaka ayaa xoog noogaga horeeyay dhinaca hubka iyo baaxadda ciidan labadaba. Xaalkayaga qalad baa ka fahamsantahay. KISSINGER: Dib ayaa u eegi doonaa xogaha sirdoonkayaga. Qaasim: Waxa aan qabnaa in aad shakhsi ahaan door fiican ciyaari kartid, waana fahamsanahay taariikhdaada iyo mabaadii’daada. Ma fahmi karno sababta aad dabcigan cadaawadda ku dhisan ugu qabtaan waddan yar. Bal eeg waxa aad samayseen dhawaan xiligii abaartu na heshay. KISSINGER: Talcott Seelye, maxaynu samaynay? Talcott, ‘waynu caawinnay’. Qaasim: Haa. Laakiin waxa aad ku dooddeen in aanu dhisnay saldhig Soofiyeed (Soviet) oo milatari, waxa aanan idinku marti qaadnay in aad indhihiina ku soo xaqiijisaan in aanu saldhig jirin. KISSINGER: waa dhab, dhamaantood na waxa ay la soo noqdeen natiijadii aanu tuhunsanayn uun – xataa masuuliyiintii markii hore ba ka hor jeeday doodda ah in uu saldhig jiro, ayaa ku soo qancay in aad Soomaaliya ka abuurteen saldhig Soofiyeed. Qaasim: Oo markaa waxaas miyaa rumaysatay? KISSINGER: Waxa aan rumaysnahay in aanu waxba na yeeli karaynin saldhig Soofiyeed oo Soomaaliya ku yaalla, laakiin ta muhiimka ahi waxa weeye sida aad u qeexayso saldhig milatari. Meel ciidan joogo, oo hubka iyo aaladaha ciidamada na lagu daryeelo, waa saldhig ciidan. Anaku tusaale ahaan, ka dib heshiiskii aan la galnay Filibiin (Philippines), waxa aan kula heshiinay in aan waddankaas ku lahaano saldigyo milatari, laakiin uu ka dul babanaayo calankoodu, jiritaankooda na ma dafirno. Qaasim: Aqoon dheeraad ah in aad u yeelatid dabciga dadkayaga ayaa u baahantahay. Abidkayo ma ogolaanayno saldhig ajnabi oo ciidan. Anaku saldhigyo ma hayno. Waa eegnay taswiiro ay qaadeen dayax-gacmeedyadiinu (satalights), waanan ogayn in aad ku dooddeen in aan gantaallo ku rakibnay dhulkayaga. Waa hubinay eedaymihiinii, waxaana noo soo baxday in waxyaabaha aad gantaalada ku sheegaysaan ay ahaayeen uun minaarad ka taagan masjid. KISSINGER: Waa surow in aad khiyaamo badantihiin oo gantaaladdii aad minaaradaha ku qariseen. Qaasim: Goobjoogayaashiinii waa u furnay masjiddada, mana haysano anaku lacag aanu gantaalo ku iibsano ba. KISSINGER: Ma qabno anaku ba in aad idinku gantaaladaas leedihiin. Laakiin aan amuurtan ka gudubno. Anaku Soomaaliya wax cadaawad ah ma u hayno. Sidaas oo ay tahay, hadana waxa aanu aragnaa in aad fagaare kasta oo calami ah anaka naga hor jeedaan. Waxa aad mucaarideen qorshihii aan ka wadnay wadamaddii geesta Koonfureed ee qaaradda Afrika. Waxa ad safka hore kaga jirtaan wadamada anaga qashqashaadda nagu wada; anaku na waxa aanu ka shaqaynaynaa ba waa nabadda, anaka oo kaashanayna Madaxwaynayaasha wadamada safka hore. Anaku waxa aanu diyaar u nahay in aanu hagaajino cilaaqaadka inoo dhexeeya; iyo in aanaan ka hor imanin sheegashadiina dhulalka idinka maqan, waa se hadii aydaan xal milatari wax ku doonin. Qaasim: Sabab na faraysa in aan cilaaqaadkeena wanaajino ayaa jirta, waxaanan filaynaa in ay fursad taas caawinaysaa hadda muuqato. Laakiin aynu mawaaqifteena isu cadayno. Wax wada tashi ah oo inoo dhexeeyaa ma jiro. Maraykan in uu dhexdhexaad ka ahado mashaakilka jira ma nagu filna. Waxa loo baahanyahay in aad door firinfircoon ka ciyaartaan sidii aad mashkiladahayaga noola xallin lahaydeen. KISSINGER: Dib ayaa u eegi doonaa su’aasha ku saabsan isu dheeli tirka quwadda ciidamada. Ma jirto sabab aanu idinka iyo Itoobiyaanka midkiin ula safanno. Qaasim: Hadii aad diyaar u tihiin in aad mawqif dhexdhexaad ah qaadataan, maxaa uga qayb qaadan waydeen sidii nabad loo abuuri lahaa? KISSINGER: Hadii aan ku lug yeesho mushkilad kale oo Afrikaan waa ku waalanayaa. Waa ka fikiri doonaa amuurtaas. Qaasim: Waxa aan filaynaa in uu is bedel ku yimaaddo hab-dhaqankiina. KISSINGER: Maxaan qaban karnaa? Qaasim: Hadii aan si badheedh ah kuugu sheego, dhab ahaan waxa aad sabab u noqon kartaan in qoriga xabadda laga saaro. Waxa aan qabnaa in ay tahay in aad dib u eegtaan siyaasaddiina ku wajahan Gobolka Bariga Afrika. KISSINGER: Oo markaa hadii aanu joojino hubka aanu Itoobiya siinayno, idinku na ma joojinaysaan shixnadaha aad ka soo daabulaysaan Midowga Soofiyeeti? Qaasim: Sida aad u malaynaysaan ma aha hubka aanu ka keensanno Soofiyeedku. Waxa aanu dhisanaynaa ciidan difaaci kara xuduudahayaga oo aad u dheer. 1964 kii waa nala soo weeraray, wax difaac ah na ma aanu haysanin. Hadii laba dinac oo is haya midkood uu saanad ciidan helo, kan kale na faromadhanyahay, natiijo halis ah baa ka dhalan karta meeshaasi. KISSINGER: Hadii aanu Itoobiyaanka ka joojinno hubka, oo idinku na aad sii waddaan in aad saanad ciidan ka heshaan Soofiyeedka, waxa dhici kara dagaal. Qaasim: Itoobiya waxa ay leedahay milatari gaadhaaya toban gaas, anaku na laba. Marka aad leedihiin joojiya saanadaha ciidanka lagu disaayo, ma waxa aad sheegaysa kuwa mustaqbalka mise kuwa hadda socda? Qaasim: Laakiin taakulayn ciidayn oo qiimaheedu dhanyahay 200 milyan oo Doolar ayaa siiseen Itoobiya. KISSINGER: Taasi suurtagalba ma aha. Isku darka taakulaynta milatari ee aanu siinay Afrika oo dhan ayaa isku ah 60 milyan oo Doolar. KISSINGER: Talcott, taageerada milatari ee aynu Itoobiya siinaynaa intee dhantahay? Talcott – waa 10 ilaa 20 milyan oo Doolar sanadkan. Qaasim: Tayda ayaa ku adkaysanayaa. Waa ognahay in aad siinaysaan 200 milyan oo Doolar. KISSINGER: Taasi waa waalli. Philip Habib: Hadii la isku dardaro taakulayntii sanadihii ina dhaafay, warka uu Wasiirku (Qaasim) sheegayaa macquul wuu noqon karaa. KISSINGER: Ma jirto sabab aannu been kuugu sheegno. Xaqiiqadii ayaannu kula wadaagnay. Qaasim: Waa soo dhawaynaynaa wixii xog ah. KISSINGER: Gebi ahaanba xogtaasi waa mid banyaal ah, sida loo helaana waa fududahay. Qaasim: Taakulaynta sidaas u waawayni waxa ay sii shidaysaa uun dareen taban. KISSINGER: Waxa aan qabaa in aad qaldantahay. Qaasim: In aan qaldanahay aan rajayno. KISSINGER: Fikrad ma iga siin kartaa wax aan qaban karno oo cad? Qaasim: Haa. Waxa aan filaynaa niyad samaan dhinaciina ah oo Soomaaliya ku saabsan, anaku na taas waa ka fal-celinaynaa. Kolka aan wixii dareemo kala shaki ah saarno, waxa aynu horumarin karnaa iskaashi dhinacyo kale ah. KISSINGER: Sidee kala shakiga u saari karnaa? Qaasim: In aad joojisaan saanadaha ciidan ee aad Itoobiya siisaan. KISSINGER: Adigu ma waxa aad haysaa shaqada Wasiirka Amuuraha Debedda ee Soomaaliya? Qaasim: Madaxweynaha iyo Wasaaradda Arimaha Debedda ayaa aan caawiyaa. KISSINGER: Waxa aan Safiirkayaga fari doonaa in uu bilaabo wadaxaajoodyo caam ah oo ku saabsan qaabkii loo horumarin lahaa cilaaqaadka inoo dhexeeya. Aan eegno wixii taas ka soo baxa. Yaan se wixii xidhiidho ah la wadnaa? Caddow: Waa in aad la hadashaan Dr Cabdiraxmaan. Isaga ayaa ka tirsan Wasaaradda Arimaha Debedda. Talcott SEELYE: Safiirkayagu dhibaatooyin buu ka sheegtaa marka uu doonaayo in uu helo balan. Caddow: Sax ma aha taasu. Si buuxda ayaa albaabadu ugu furanyihiin Safiirkiina. Masuuliyiintayadu, sida kuwiinna oo kale, aad ayaa ay mashquul u yihiin. Mararka qaarkood waa dhacdaa in uu balanta sugo saddex ama afar maalmood, laakiin safiirada kale ba sidaas oo kale ayaa la kulanta. KISSINGER: Waxa aan Safiirkayaga ka dalban doonaa in uu wadahadallo idinla furo, oo fikrado la is dhaafsado. In aan idiin mahad celiyo ayaa doonayaa, anaku na wax dareen cadawadeed ah ma idiin hayno. Wax aad naga haysataan ma jirto, waxa aan se dareensanahay in aad si qorshaysan nooga hor jeeddaan. Su’aal: Maxaa kaaga baxay? Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa soo saaray baafin rasmi ah, oo la xiriirta dahab laga helay magaalada Muqdisho. Booliska ayaa sheegay in 21-kii November ee sanadkaan ay qoys ka tirsan ciidanka Booliska ay xaafadda Oodweyne ee degmada Deyniile ka heleen cadad dahab ah. Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qoyskaas oo isticmaalaya ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay raadinayaan cidii iska lahayd dahabkaasi. Booliska ma shaacin cadadka iyo nuuca dahabka ay heleen, hase yeeshe waxa uu sheegay in intaasba looga baahan yahay cidii laheyd dahabkaasi, sida uu sheegay afhayeenka. “Waxaa laga doonayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dahabkaasi ka maqan yahay in ay sheegaan goobta uu dahabkaasi uga lumay, cadadkiisa iyo nooca uu yahay dahabkaasi,” ayuu yiri Afhayeenka Booliska Sadiiq Doodishe. Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray “Cadadka dahabkaasi qofkii soo sheegta waa inay telefoonkaas lasoo xiriiraan, oo ay sheegtan nooca uu yahay, kadib ayaa process-kii dahabkaas qofkii lagu siin lahaa la marsiin doona.” The post BOOLISKA Muqdisho oo baafinaya dahab baadi ah appeared first on Caasimada Online.
-
Magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta ayaa waxaa maanta ka furmay shirka Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28), kaas oo ay ka qeybgalayaan in kabadan madax kala socota 200 oo wadan, xilli madaxweyne Xasan Sheekh uu ku sugan yahay halkaasi, si uu uga qeybgalo madasha COP28. Shirka COP28 ayaa la filayaa inta uu socdo in siweyn looga dodo waxkaqabashada xaaladda sii adkanaysa ee ay sababta u tahay isdelka ku yimid Cimilada Adduunka, xilli dalal badan oo kamid kuwa sookoraya ay wajahayaan saameynta ka dhalatay tan iyo October oo roobab da’ay daadad xooggay ay kusoo rogeen. Madaxweynaha Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan Dubai ayaa lagu wadaa in shirka uu ka jeediyo khudbad uu kaga hadlayo xaaladda adage e isbedelka Cimilada ay sida gaarka ah ugu yeesheen dalka, oo siweyn looga dareemayo isbedelka cimilada iyo saameynta El-Nino. Xilligaan dunida ayaa si isku mid ah u wajahaysa saameynta isbedelka cilimada Adduunka, waxaana aad isusoo taraya digniinaha duufaanta El-nino oo dalal badan siweyn looga dareemay, xilli dhacdadii ugu adkeyd sanadkaan ay ka dhacday magaalada Derna ee dalka Libiya oo ay ku dhinteen 13,000 oo qof. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay hanaanka ay ku imaanayaan labada xisbi qaran ee lagu gaaray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran. Heshiiskii 27-kii May ee Golaha Wadatashiga ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka. Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in labada xisbi qaran ee ku xusan heshiiskaasi ay ku imaanayaan tartan furan oo ay kasoo dhex bixi doonaan labadaasi xisbi. “Hanaanka loo maro asxaabta marka la sameynayo shuruudo ayaa la dejiya oo boqolaal xisbi ayaa gasha oo la sameysta, dabadeedna waa la kala reeba, sida imtixaanka loo qaado unba imtixaan la qaada oo labada xisbi ee u sareysa ayaa noqonayo xisbiyo qaran,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza. Sidoo kale waxa uu ra’iisul wasaaruhu xusay in tirada xisbiyada qaran, haddii la kordhinayo iyo haddii tiradii uu kusoo baxay heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran lagu deynayo, uun heshiis laga gaarayo. “Labada xisbi ee ugu sareysa imtixaanka ama saddexdii ugu sareysa ayaa noqonaya xisbiyo qaran hadba sidii lagu heshiiyo, dalkaasi nidaamka uu qaato unbey ku xiran tahay. Marka xisbiyada qaran waxay ku yimaadan sida arday un imtixaan gashay oo kuwii ugu horreeyay laga qaatay sidaas oo kale unbey ku imaanaya hadey 2, 3 iyo ka badan noqonayaan sidaas unbey ku imaan doonaan haddii Ilaahay yiraahdo. Si kastaba, Heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana taas si weyn uga horyimid madaxdii hore iyo siyaasiyiinta mucaaradka. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Xamza oo shaaciyay hanaanka ay ku imaanayaan labada xisbi ee buuqu hareeyay appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan Shirka caalamiga ah ee Isbeddelka Cimmilada Adduunka (COP28) oo ka furmaya dalkaas. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Shirka kusoo bandhigi doona saameynta xooggan ee isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay nolasha dadka Soomaaliyeed, muhiimada in la helo taageero caalami ah iyo qorsheyaasha Dowladdu ay kula taacaleyso daadadka iyo fatahaadaha ay sababatay duufaanta El Niño. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa inta uu ku sugan yahay Imaaraadka waxa uu kulammo dooceedyo la qaadan doonaa Madaxweyneyaasha caalamka ee shirka kasoo qayb galaya, si taageero caalami ah loogu helo gurmadka degdegga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku dhibaateysan meelaha fatahaaddu ka dhacday. Shirkaan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Soomaaliya roobabka tirade badan ay sababeen dadad xoog leh oo ku dhuftay gobollada qaar ee dalka, kuwaas saameyn ku yeeshay 2 Million oo dad ah, xilli 750,000 oo guri laga guuray, dhimashada ayaa gaartay 100 ruux, halka dhulbeereed badan ay saameeyeen biyihu. Source: goobjoog.com
-
A world leader in testing, inspection, and certification services and with a large global and African footprint of some 35 countries, proudly shared expertise in support of agricultural productivity and export trade at the Intra-Africa Trade Fair (IATF) in Egypt which ran from on 9th to 15th November. Touted to generate $43 billion worth of trade and investment deals according to the African Development Bank Group (AfDB), The African Export-Import Bank (Afreximbank)-organized event drew some 1600 exhibitors from 75 countries, and pointed a sharp needle on exchange of expertise, news on developments in trade and industry on the content and the driving of foreign direct investment. Providing a platform for businesses to access an integrated African market of over 1.3 billion people with a GDP of over US$3.5 trillion created under the recently formulated African Continental Free Trade Area agreement, Bureau Veritas participated in discussions on agriculture, harmonization of standards and compliance and regulation at the event. Discussing food security through agricultural productivity and intra-African trade, Mr. Bertrand Martin, Senior Vice-President for Bureau Veritas Africa and Chairman of the Testing, Inspections and Certifications (TIC) Council for Africa commented: “At Bureau Veritas we support clients to ensure agricultural productivity, food security and access to markets through a suite of services from farm to fork. Firstly, on the Upstream, Fertility mapping is fundamental for unexploited areas to determine suitable crops, which is important to determine which types of crops will grow best in the applicable area. This is supported through services such as soil testing. Secondly, it is important to ensure Quality and quantity of production. Bureau Veritas is able to support clients through satellite crop mapping for tracing the productivity in each area. We are able to advise whether more or less water is needed, which is invaluable in the supply chain. We need to link Africa’s agricultural development to sustainable practices to ensure longevity of food security for the people. Soil, water, pesticide and fertilizer requirements and hydrology testing all point to the type of crop that can be cultivated in an area. Climate change has also impacted the fertilizer and irrigation processes. We have all the expertise available to provide support in these areas to ensure a good quality crop is produced. And finally, Soil analysis is decisive in establishing the precise content of elements and nutrients in the soil. By comparing it with the plant’s needs, it is possible to establish an optimum input strategy. It defines the right dose to be applied in the right place at the right time. Testing to meet global standards Bureau Veritas has collaborated with Afreximbank to develop the highly esteemed African Quality Assurance Centre (AQAC) in Nigeria, a state-of-the-art testing laboratory, operated by Bureau Veritas, to ensure quality of agricultural products is upheld and standards for made-in-Africa products are aligned to international best practice. As the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) agreement becomes a reality, governments and businesses need to be aware of product standards and regulations to protect traders and society, creating a safe environment for the export of goods within countries in Africa and abroad. To be sustainable for the future, it is essential that agricultural products are home grown in Africa, for Africa, and exported abroad to the highest global standards. “We are particularly proud of our collaboration with Afreximbank and together we will work to ensure compliance of food and agricultural products made in Nigeria meet the required global standard,” Martin commented. Made in Africa and the labeling of products Panelists were unified in their support of the “Made in Africa” product being as readily respected and recognized internationally as any other brand. Furthermore, there was alignment between speakers on the need for consistency of standards across the board to ensure that consumer trust would be instilled. To this end, Bureau Veritas discussed a need to ensure products are tested to international standards to ensure acceptance in global markets. Infrastructural development and economic corridors The vital requirement for infrastructural development and a solid railway transportation system to provide transborder and regional integration as essentials to grow the agricultural sector was postulated, backed by the urgent need for economic corridors and Special Economic Zones to further encourage the entire value chain and supplement the farm to fork process. The necessary foreign direct investment and equity injectors were elaborated on by various speakers during the panel discussions, with a strong focus placed on the commitment to financial support for manufacturing and food sufficiency from banks. Promoting local development and inspiring the next generation Bureau Veritas is also a proud sponsor of education and development of talent, creating partnerships with universities and initiating learning programs in many African countries to support engineers, hydrologists, chemists, and the like, thus ensuring home grown talent and resources to support the TIC sector. An integrated approach to agriculture forms part of our agricultural transformation process and associated value chain. It forms part of our social commitment to provide local people with opportunities that will invest their futures on the continent, providing pride of place. Go local, Think global. We aspire to an international vision for compliance, quality, and harmonization of standards of products. This is how we will cultivate an environment of trust, where citizens can buy local quality food brands that are made in Africa for its people and exported within Africa and globally for international consumption,” Martin concluded. Distributed by APO Group on behalf of Bureau Veritas About Bureau Veritas: Bureau Veritas is a world leader in laboratory testing, inspection, and certification services. Created in 1828, the Group has circa 84,000 employees located in nearly 1,600 offices and laboratories around the globe. Bureau Veritas helps its 400,000 clients improve their performance by offering services and innovative solutions in order to ensure that their assets, products, infrastructure and processes meet standards and regulations in terms of quality, health and safety, environmental protection and social responsibility. Bureau Veritas is listed on Euronext Paris and belongs to the CAC 40 ESG, CAC Next 20 and SBF 120 indices. Compartment A, ISIN code FR 0006174348, stock symbol: BVI. For more information, visit www.BureauVeritas.com, and follow us on Twitter (https://apo-opa.co/47vbZMJ) (@bureauveritas) and LinkedIn (https://apo-opa.co/46yBcEv). The head office for Bureau Veritas Marketing Africa is based in Johannesburg. For more information, visit www.BureauVeritas.Africa SOURCE Bureau Veritas Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kulan xasaasi ah oo xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen qaar ka mid ah xubnihii ugu miisaanka cuslaa ee Golihii Midowgii Musharaxiinta. Kulanka oo ka dhacay hoyga madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed, ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble. Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaan ayaa waxaa looga arrinsaday wax ka beddelka dastuurka dalka, si gaar ah qoddobada taabanaya haykalka dowladda ee nidaamka baarlamaaniga ah, kaasi oo qorshihiisa ay wado dowladda madaxweyne Xasan. Sida ay illo wareedyo ku dhow-dhow kulankaan ay u sheegeen Caasimada Online, ayaa waxay isla qaateen in aysan wax tallaabo ah qaadi doonin inta ay la kulmayaan madaxweyne Xasan Sheekh. Siyaasiyiintan oo sida aan xog ku helnay kulan ka dalbaday Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay shantii sano ee la soo dhaafay isbahaysi ku wada jireen, codkoodana siiyeen ayaa raba in marka hore Xasan ay fursad siiyaan, kahor mowqifkood kama dambeysta ah. Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin mucaaradka waa nidaamka ku dhisan madaxtooyada ee madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaasi oo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan, loona arko isku day awood uu isugu koobayo Xasan Sheekh. Maalmihii lasoo dhaafay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii billaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka, kuwaasi oo lagu qal-qaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka. Si kastaba, Lama oga sida ay labada dhinac ku heshiin karaan, laakiin Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajihi doona mucaaraadkii ugu horreeyey ee saaxiibadiisii shalay kaga imaanaya. The post Xog: Shariif, Kheyre, Cosoble iyo CC Shakuur oo hal arrin iskula qaatay kulankii xalay appeared first on Caasimada Online.
-
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Jimce ah u codeynaya qaadista xayiraadda Hubka ee saaran dowladda Soomaaliya. Golaha ayaa cunaqabateynta saaray Soomaaliya 1992-kii, si loo joojiyo qulqulka hubkii ay helayeen dagaal-oogayaashii xuklunka isku hayay, ee xukunka ka tuuray Jaalle Maxamed Siyaad Barre, kadibna dagaalka sokeeyey geliyey dalka. Xubnaha 15-ka ah ee golaha ayaa lagu wadaa in maanta oo Jimce ah ay ansixiyaan laba qaraar oo ay soo diyaarisay dowladda Britain, sida ay sheegeen diblomaasiyiinta. Mid ka mid ah qaraarada ayaa ah in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo dhan, halka kan kale uu yahay in dib loo soo celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran maleeshiyaadka Argagixisada ah ee AS. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo la filayo in Maanta laga qaado Cunaqabataynta Hubka appeared first on Puntland Post.
-
New York (Caasimada Online) – Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Jimcaha maanta ah waxaa lagu wadaa in uu go’aan ka gaaro qaadista cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran sanadaha badan, waxaana la filayaa in laga qaado. Dowladaha Golaha Ammaanka ee QM oo 15 dowladood ka kooban ayaa maanta ansixinaya laba qaraar oo ay u soo gudbisay dowladda Ingiriiska, oo ku baaqaya in Soomaaliya si buuxda looga qaado cuna-qabateynta hubka ee saaran, si dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay u hesho fursad ay ku soo iibsan karto hub casri ah ama dalka loo geyn karo. Golaha Amaanka ayaa cuna-qabateynta saaray Soomaaliya sanadkii 1992-kii, si loo joojiyo qul-qulka hubka gali jiray gacanta hoggaamiye kooxeedyadii xukunka ka tuuray madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, taasi oo keentay in dalka lugaha la galo dagaal sokeeye oo daba dheeraaday. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan codsatay in laga qaado cuna-qabateynta hubka, si loo qalabeeyo ciidamadeeda loo diyaarinayo inay masuuliyadda amniga dalka kala wareegaan kuwa Midowga Afrika ee ATMIS, oo waddanka ka baxaya bisha December sanadka soo aadan ee 2024-ka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo toddobaadkan bilowgiisi ka hadlayay furitaanka Baarlamaanka ayaa shaaciyay in horraanta bisha December Soomaaliya laga qaadayo cuna-qabataynta hubka ee sanadaha badan saarna dalkeenna. “Bisha December asbuuca ugu horreeya cuna-qabateynta hubka ayaa dhamaanaya Insha Allah. Bisha December 13-keeda deyn cafinta ayaa iyadna dhamaan doonta haddii Alle yiraahdo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Madaxweynaha ma uusan cadeyn in dowladda ay ballan-qaad ka heysato dalalka 15-ka ah ee Golaha ammaanka Qaramada Midoobay, kuwaasi oo maanta lagu wado in ay qaraar ka gaaran cuna-qabateynta hubka ee Soomaaliya saaran. Soomaaliya ayaa hadda ku jirta marxalad dib usoo kabasho ah, kadib muddo sanado ah oo dagaal, fowdo iyo kala dambeyn la’aan kusoo jirtay, ayada oo dowladda hadda dalka ka jirta ay ku guuleysatay in Bulshada Bariga Afrika lagu biirayo Soomaaliya. The post Xogta go’aanka uu maanta Golaha Ammaanka QM ka qaadanayo xayiraadda hubka appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (HOL) - In the lush, green backdrop of Kakamega, where football dreams are as vibrant as the landscapes, a pivotal moment looms in the CECAFA U-18 Boys Championships. Armed with confidence and youthful zeal, Somalia's Ocean Stars are gearing up for a clash against an offensive-minded Kenyan squad on Friday afternoon at Bukhungu Stadium, a match shaping up to be a defining moment in East African football. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyay xaaladihii ugu danbeeyey ee dalka ka dhacay, gaar ahaan falalka amni darro ee toddobaadkii u dambeeyay. Saadiq Aadan Cali, Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa shaaciyay in guud ahaan dalka ay ka dhaceen siddeed kiis oo dil ah, kuwaasi oo qaar ka mid ah ay Al-Shabaab geysatay, halka kuwa kale ay u dhaceen aano qabiil iyo dilal caadi ah. “Asbuucii lasoo dhaafay sidoo kale waxaa amni darro ah oo dalka ka dhacay khasaare geystay illaa 8 dhaawac ah, shilalka dalka ka dhacay waxay ahaayeen saddex shil, waxaa dab ka dhacay saddex dab ah laba ka dhacay gobolka Banaadir, midna dowlad-goboleedka Soomaalida HirShabeelle,” ayuu yiri afhayeenka. Sidoo kale waxa uu sheegay in guud ahaan dalka muddo todobaad ah uu ka dhacay afar qarax, kuwaasi oo ay geysteen kooxda Al-Shabaab, “hal bam gacmeed oo degmada Hodan lagu soo tuuray oo ciidamada ammaanka arkeen oo dad ka bad-baadiyeen ayaa jirta.” Afhayeenka ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in laamaha ammaanka oo kaashanaya ganacsatada ay ku guuleysteen in goobaha ganacsiga lagu xiray inta badan Kaamirooyin loogu tala-galay in lagu xaqiijiyo amniga goobaha ganacsiga. Waxa uu faray in ganacsatada aan weli fulin amarkaas ay sida ugu dhaqsaha badan ku xirtaan, “Inta dhiman waxaa ka rajeynayaa inay ku xirtaan si nafta iyo maalka muwaadiniinta loo ilaaliyo.” Taliska ayaa ugu dambeyntiina markale ku celiyay in ay baneeyaan dadka degan dhulkii dabdamiska booliska iyo hoggaanka dhismaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku yaalla degmada Wadajir, gaar ahaan kasoo horjeedka Sebiyaano, una dhaxeeya siliga Amerikaanka iyo Isbitaal Madiina. Hoos ka daawo muuqaalka The post Daawo: Booliska Soomaaliya oo shaaciyay xogta dilalka iyo qaraxyadii dhacay appeared first on Caasimada Online.
-
UN Secretary-General António Guterres says he "deeply regrets" the resumption in fighting in Gaza. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho, xilli uu dhismayo mucaarad xooggan oo kasoo horjeeda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Kheyre ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kusoo dhoweeyey qaar ka mid ah xildhibaannada golaha shacabka, senatarro, odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ku beel ah. Sida ay Caasimada Online xog ku heshay, imaatinka Kheyre ayaa la xiriira kulan la filayo inay Muqdisho ku yeeshaan siyaasiyiin miisaan culus leh oo diidan in wax laga beddelo dastuurka dalka, sida uu doonayo madaxweyne Xasan Sheekh. Xubnahaas ayaa waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble iyo xubno kale, oo dhammaantood Xasan Sheekh kula mideysnaa isbaheysiga mucaaradka markii uu madaxweyne ahaa Farmaajo. Inkasta oo weli aan la cayimin taariikhda shirka, haddana sida ilo wareedyo kala duwan ay Caasimada Online u xaqiijiyeen, mas’uuliyiintan ayaa khatar siyaasadeed u arka wax ka bedelka dastuurka dalka. Qodobka ay sida weyn u diidan yihiin waa nidaamka ku dhisan madaxtooyada ee Madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen, kaas oo kooxda madaxweyne Xasan Sheekh ay doonayaan inay hir-geliyaan, loona arko isku day awood uu isugu koobayo Xasan Sheekh. Maalmihii lasoo dhaafay, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii billaabay olole ku wajahan xildhibaannada labada aqal ee baarlamanka, kuwaas oo lagu qalqaalinayo inay ansixiyaan qorshaha wax ka bedelka dastuurka. Si kastaba, waxaa xusid mudan in xubnaha mucaaradka uusan ka mid aheyn madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo fadhiggiisu yahay magaalada Doha ee dalka Qatar. The post KHEYRE oo Muqdisho soo gaaray xilli uu billowday qorshaha mucaaradka appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa bilaabay olole uu taageero ugu raadinayo meel-marinta heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku dhagan meel-marinta heshiiskaasi, wuxuuna qorsheynayaa in dhawaan la horgeeyo Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Heshiiskan ayaa dhigaya in nidaamka Madaxtinimada dalka u guuro madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen iyo in doorasho wadajir ah ka dhacdo dowlad-goboleedyada dalka oo dhan. Madaxweyne Qoor-Qoor oo wax ka saxiixay heshiiskaasi, ayaa waxa uu magaalada Muqdisho kula kulmay Xildhibaan dowladda federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto maamulka Galmudug. Qoor-Qoor ayaa Xildhibaannada laga soo doorto Galmudug ee uu kula shiray Muqdisho ka dalbaday meel-marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran oo xubno kamid ah Xildhibaannada ay ka soo horjeedaan. Kulankaan ayaa kusoo dhammaaday isfahan guud, iyada oo xildhibaannada inta badan ay soo dhaweeyeen codsiga madaxweyne Qoor-Qoor. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madaxda maamullada iyo xukuumadda ku booriyay dardar-gelinta qorshahaan, iyada oo dhawaan madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uu Baydhaba iskugu geeyay inta badan Xildhibaanada labada Golle ee BFS ee kasoo jeedo maamulkaasi. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa sidoo kale Xildhibaannada ka dalbaday meel-marinta heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran, ayada oo xusid mudan tahay in siyaasiyiinta mucaaradka ay si weyn u diidan yihiin meel-marinta qorshahan doorasho ee ay dowladdu doonayso inuu baarlamaanku ansixiyo. Si kastaba, Heshiiska Golaha Wadatashiga Qaran ayaa dhigaya in dalka uu yeesho laba xisbi qaran, sidoo kalena meesha laga saaro ra’iisul wasaaraha oo lagu beddelo madaxweyne ku-xigeenka, waxaana sii xoogeysanaya ololaha lagu doonayo meel-marintiisa. The post Sawirro: Axmed Qoor Qoor oo billaabay ololaha qorshaha xasaasiga ee Xasan Sheekh appeared first on Caasimada Online.
-
UNITED NATIONS/NAIROBI, Nov 30 - The United Nations Security Council is due to vote on Friday to remove the final restrictions on weapons deliveries to Somalia's government and its security forces, diplomats said, more than 30 years after an arms embargo was first imposed on the country. Source: Hiiraan Online
-
Israa’iil oo dib u bilowday duqaymaha dhinaca Cirka ee Qaza
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay dib u billaabeen weerarada xagga cirka ee Qaza kaddib markii la tilmaamay in ay dhamaatay xabbad joojin socotay dhowr maalmood oo ay soo qaban qaabisay Qadar. Ciidamada Israa’iil ayaa dhowr duqeymo oo xagga cirka ah ka fuliyay koonfurta Marinka Qaza, iyadoo sidoo kale la sheegay rasaas la isku weydaarsaday waqooyi-galbeed ee magaalada Gaza. Ciidamada Israa’iil waxa ay ku dhawaaqeen in ay soo afjareen xabad joojintii ay la galeen ururka Xamaas, iyaga oo ku eedeeyay in ay jabiyeen qodobadii lagu heshiiyay kadib markii la sheegay in gantaal laga soo riday Qaza oo ay Israa’iil ka hortagtay. Dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah, oo ay ku jiraan Qatar, Masar iyo Mareykanka, ayaa riixay in mar kale la kordhiyo xabbad-joojinta, taasoo dhacday 7 subaxnimo ee maanta. Diblomaasi sare oo Mareykan ah Blinken ayaa ku baaqay in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku sugan Gaza. In ka badan 15,000 oo falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza tan iyo 7-dii Oktoobar. Israa’iil, tirada rasmiga ah ee dhimashadu waxay maraysaa ilaa 1,200. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo dib u bilowday duqaymaha dhinaca Cirka ee Qaza appeared first on Puntland Post. -
A 70-year-old Ugandan woman has just had twins after becoming pregnant through IVF treatment, becoming the oldest woman in Africa to give birth, according to the hospital where she had the babies. Source: Hiiraan Online
