-
Content Count
213,146 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
๐ฅ๐ฎโ๐ถ๐ถ๐๐๐น ๐ช๐ฎ๐๐ฎ๐ฎ๐ฟ๐ฒ ๐ซ๐ฎ๐บ๐๐ฎ: โ๐ ๐ฎ๐ฎ๐บ๐๐น๐ธ๐ฎ ๐ฆ๐ฆ๐โ๐๐ต๐ฎ๐ฎ๐๐๐บ๐ผ ๐๐๐ ๐๐ ๐ธ๐ ๐๐ถ๐บ๐ถ๐ฑ ๐ฟ๐ฎ๐ฏ๐ถ๐๐ฎ๐ฎ๐ป๐ธ๐ฎ ๐๐ต๐ฎ๐ฐ๐ฎ๐ฏ๐ธ๐ฎโ
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ku guda-jira socdaalka nabadda iyo midnimada ee uu ku joogo magaalada Laascaanood, ayaa caawa ka qeyb-galay munaasabad weyn oo ay ka soo qeybgaleen madaxda heerarkooda kala duwan iyo kumanyaal dadweyne ah, taasi oo loogu magac-daray habeenka Raโiisul Wasaare Xamsa iyo Bulshada SSC-Khaatumo. Mudane Xamsa, oo khudbad ka jeediyey munaasabadda, ayaa sheegay in maamulka Khaatumo ku yimid rabitaanka shacabka deegaannada SSC, caawa kadibna ay heli doonaan xuquuq lamid ah mid ah kuwa maamul-goboleedyada kale ee dalka ka jira, waxaa uunna kula dardaarmay madaxda SSC-Khaatumo in ay maamulka curdinka ah ka saaaran Ku-meelgaarnimadda. โWaxaa farxad iyo dareen kalgacayl ii sameeyay sida wadajirka ah ee aad u ilaaliseen midnimada iyo Calanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa nasiib wanaag ah in caawa Calanka Buluugga ah uu ka taagan yahay qeybo badan oo kamid ah gobollada waqooyi, waxaan joognaa xilligii ay dadka Soomaaliyeed ugu baahida badnaayeen nabad iyo midnimo, booqashada taariikhiga ah ee aan ku imid Laascaanood waa mid ka turjumasa adkaynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeedโ, Ayuu yiri Raโiisul Wasaare Xamsa. Raโiisul Wasaaraha, ayaa intii uu ku sugnaa munaasabadda, waxa uu kalmado ku aaddan midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ka dhageystay madaxda heerarkooda kala duwan, isimada dhaqanka iyo dadweynihii kasoo qeyb-galay munaasabadda, waxaa uunna u mahadceliyey bulshada ku dhaqan deegaannada SSC-Khaatumo. Source: goobjoog.com -
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa qoraal uu bartiisa X soo geliyay ku sheegay in kooxda Daacish ay hadda ku jirto xaalad dhuumaalaysi ah, balse waxba uma suurta-geli doonaan, waana heli doonaa meelaha ay u isku qarinayaan sida uu tilmaamay. Dhanka kale Trump ayaa ballanqaaday in maamulkiisu uu taageeri doono Shacabka Soomaaliyeed, si aan loogu ogolaan Xuutiyiinta inay soo dhex galaan, islamarkaana dadaal loo galo sidii looga hortagi lahaa argagixsada, dalkana barwaaqo looga dhigi lahaa. Farriintan ka timid madaxweyne Trump ayay xeeldheerayaashu ku tilmaameen inay ka dhigantahay in Washington ay ka goโantahay inay Soomaaliya ka taageerto dagaalka ay kula jirto kooxaha Daacish iyo Alshabaab, islamarkaana layska kaashado ammaanka badda cas iyo ka hortagga in xuutiyiinta ay saameyn ku yeeshaan dhulka Soomaalida. Mareykanka ayaa kamid ah saaxiibada ugu muhiimsan ee dowladda Soomaaliya ka gacansiiya dagaalka ay kula jirto kooxaha Daacish iyo Alshabaab, wuxuuna tababaraa cutubyo kamid ah ciidamada qalabka sida oo ka kala howlgala Koonfur dalka iyo deegaanada Puntland. Source: goobjoog.com
-
https://qarannews.com/wp-content/uploads/2025/04/AQMmpG_Wq4AFXvc6doToH5WOOQhhDP1X27L9UPL63zRl3Pv_J_2-knABei90efIJwDf42v-mpjJpU8muqfSL4aFy.mp4 Qaran News
-
Wasiiru dawladaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Cali Balcad ayaa sheegay in ay dawladda Maraykanka ay ka codsadeen in ay dib u cusboonaysiiso heshiiskii 1980-kii ay wada galeen dawladdii Kacaanka iyo dalka Maraykanka kaas ahaa in Maraykanku isticmaalo dekedaha Berbera, Muqdisho iyo Kismaanyo. Cali Balcad ayaa xusay in ay doonayaan sidii uu Maraykanku heshiiskan dib ugu cusboonaysiin lahaa isaga oo dekedahan qaadanaya iyo weliba in uu dawladda Soomaaliya ka taageero la dagaallanka kooxda AS. Dalabkan ayaa noqonaya kii labaad ee Soomaaliya u gudbiso maamuulka madaxweyne Trump iyada oo hore ugu dirtay codsi warqad ku qornaa oo dhigayey in uu Maraykanku qaato dekedaha Berbera, Boosaaso iyo garoonka Balli-Doogle ee Shabeellada hoose. Balse dawladda Maraykanka ayaa ilaa hadda u muuqata in aanay arrimahan si rasmi ah uga soo jawaabin. Source
-
Madaxweynaha Mareykanka, Donald J. Trump, ayaa mar kale ka hadlay dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada, isaga oo si gaar ah u xusay taageerada uu u hayo shacabka Soomaaliyeed. Trump ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ay diyaar u yihiin in ay ka hortagaan kooxaha argagixisada ah, isaga oo si gaar ah u xusay sidii ay u burburiyeen ISIS saddex toddobaad gudahood, xilligii uu xilka hayay. โWaxaan taageeri doonaa shacabka Soomaaliyeed,โ ayuu yiri Trump, โwaa inaysan oggolaan Xuutiyiinta inay saldhig ka dhigtaan dalkooda (sida ay isku dayayaan!), si loo soo afjaro argagixisada loona keeno barwaaqo iyo xasillooni Soomaaliya.โ Soomaaliya ayaa hadda wajahaysa dagaal adag oo ay kula jirto kooxaha xagjirka ah ee Daacish iyo Al-Shabaab, kuwaas oo muddo sanado ah halis ku hayay nabadda, amniga iyo horumarka dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab ka helaysa saaxiibbada caalamiga ah, gaar ahaan Maraykanka, si loo xoojiyo dagaalka lagula jiro kooxahan. Madaxweyne Trump ayaa sheegay in laga takhalusay xeerar siyaasadeed oo hor istaagayay awoodda ciidamada Mareykanka, isaga oo xusay in General Daniel Caine uu hadda yahay guddoomiyaha cusub ee Golaha Taliyeyaasha Ciidanka Mareykanka, loona diyaariyay hoggaan adag oo lagula dagaallamo argagixisada meel kasta oo ay joogaan. Dowladda Soomaaliya ayaa la filayaa inay sii wado howl-gallada ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab, iyadoo kaashanaysa taageerada Maraykanka iyo beesha caalamka. Source: goobjoog.com
-
NCA senior leadership with Starlink said officials in Mogadishu earlier today. MOGADISHU, SOMALIA โ April 13, 2025 โThe National Communications Authority (NCA) of Somalia has officially granted operational license approval for Starlink to launch its services in Somalia. The announcement was made during a formal ceremony in Mogadishu, attended by representatives from Starlink and government officials. Speaking at the launch event, Mustafa Yasin Sheik, Director General of the NCA, stated: โStarlinkโs entry into Somalia represents a significant milestone in our efforts to bridge the digital divide in our country, this partnership will especially benefit individuals and institutions in rural areas, where internet access has been extremely limited.โ The Minister of Communications and Technology, H.E. Mohamed Moโallim, who attended the event, expressed the governmentโs support: โWe welcome Starlinkโs entry to Somalia. This initiative aligns with our vision to deliver affordable and accessible internet services to all Somalis, regardless of where they live.โ The introduction of Starlink is expected to enhance internet coverage and significantly improve digital inclusion nationwide. Source: nca.gov.so The post National Communications Authority Grants Starlink Official License to Operate in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump โxaalkiisa caafimaad maskaxiyan iyo mid jireed waa heer sareโ, ayuu yidhi dhaqtarkiisa Aqalka Cad. Baadhitaankiisa caafimaad ee sanadalaha ee ugu horreeyay tan iyo markii uu xafiiska kusoo laabtay, looguna sameeyay isbitaal ku yaalla Washington, ayaa waxaa sidoo kale Trump laga helay โin dhegtiisa midig uu dhaawac yar ku yaallo sababo la xiriira dhawaqa rasaastaโ kadib isku daygii dil ee bishii July. โMadaxweyne Trump caafimaadkiisu waa heer sare, wadnaha, neef-mareenka, neerfayaasha iyo guud ahaan shaqada jirka,โ ayuu yiri dhaqtarkiisa, Captain Sean Barbabella. Trump oo 78 jir ah, wuxuu ahaa qofkii ugu daโda weynaa ee xilka qabta bishii January, inkasta oo ninka uu xilka kala wareegay, Joe Biden, uu kasii weynaa uuna ahaa 82 jir markii uu xilka ka degayay. Tan oo qeyb ka ahayd baaritaanka caafimaad ee ku dhowaad shan saacadood qaatay kana dhacay isbitaalka Walter Reed ee ku yaalla Bethesda, Maryland, ayaa waxaa Trump lgu sameeyay dhowr baaritaan dhiig, mid wadnaha ah iyo raajo, sida uu sheegay dhaqtarkiisa, oo ah dhaqtar ciidamada badda ee Mareykanka ka tirsan kaas oo kasoo shaqeeyay Ciraaq iyo Afghanistan. โMadaxweyne Trump wuxuu caafimaadkiisa garaad iyo jir ahaan muujiyay heer sare mar kalena wuu gudan karaa xilalkiisa Madaxa Guud ee Ciidanka iyo Madaxa Dalka ayuu yiri Dr Barbabella. Madaxweynaha ayaa sidoo kale lagu sameeyay baaritaan dhanka maskaxda, neerfayaasha iyo shaqada dareemaha mana lagu arkin wax calaamado dhanka isku buuqa amaba walaaca ah. Trump ayaa sidoo kale lagu sameeyay baaritaanka garaadka ee Montreal Cognitive Assessment (MoCA), wuxuuna dhibcaha 30 ka keenay 30, sida uu sheegay Dr Barbabella. Baaritaanka ayaa guud ahaan waxaa loo adeegsadaa in lagu ogaado hoos u dhaca garaadka iyo calaamadaha hore ee cudurka asaasaqa waxaana xujooyinka ka mid ah magacaabidda xayawaannada, sawiridda saacad iyo in erayada lagu celiyo shan daqiiqo kadib. Mar uu weriyeyaasha la hadlayay shalay, ayuu Trump sheegay in baaritaanka garaadka uu โjawaab walba sida saxda ah u keenayโ. โGuud ahaan, waxaan dareemay in xaalkeygu fiican yahay,โ ayuu yiri Trump said. โWadne fiican, naf wanaagsan, naf aad u wanaagsan.โ He added that doctors had given him โa little bitโ of advice on lifestyle changes to improve his health, though he did not provide details. Dr Barbabella ayaa sidoo kale sheegay in Trump lagu arkay waxyeello yar oo qorraxda ah oo jirkiisa saameysay. Madaxweynaha ayaa qaata daawooyin dhowr ah oo lagu xakameynayo kolataroolkiisa waxaana ka mid ah โ Rosuvastatin iyo Ezetimibe โ iyo sidoo kale Aspirin oo dhanka wadnaha ah iyo kareenka Mometasone oo dhanka maqaarka ah. Baaritaanka wadnaha ee Trump ma muujin โwax aan caadi ahaynโ, ayuu sidoo kale yiri Dr Barbabella. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in madaxweynuhu qabo xaaladda โhypercholesterolemia oo aad loo xakameeyayโ, taas oo ah xaalad kordhin karta khatarta bukaanka ee ah inuu ku dhaco wadno-istaag. Xaaladaha kale ee taariikhda caafimaad laga helay waxaa ka mid ah caabuq hore oo Covid ah, rosacea, oo ah xaalad maqaarka ah oo wajiga guduud ku keenta. Miisaanka madaxweynaha ahaa ah 224lb (101kg) halka dhererkiisuna yahay 6ft 2.5in, sida ku xusan diwaanka Dr Barbabella. Trump ayaa xoogaa miisaan iska dhimay tan iyo bishii February 2019, markaas oo culeyskiisu ahaa 243lb. Marka celceliska jireed la eego waxaa lagu xisaabinayaa dhanka cayilka, balse maaha buurni saaโid ah. Waxaa sidoo kale baaritaanka lagu ogaaday in kala goysyada iyo murqaha madaxweynaha ay si buuxda u shaqeynayaan, taas oo loo nisbeeyay hab-dhaqankiisa nolosha ee wanaagsan ayna ka mid tahay jimicsi uu joogto u sameeyo sida cayaarta golofka. Waa warbixintii caafimaad ee ugu horreysay ee Trump ee dadweynaha loo soo bandhigo tan iyo markii nin hubeysan uu isku dayay inuu ku dilo isu soo bax olole oo ka dhacay Butler, Pennsylvania, bishii July, taas oo rasaas ay sigtay dhegtiisa Source
-
Xildhibaanada labada Golle ee Barlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya kana soo jeeda Somaliland oo Warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in aad uga xun yihiim hadalkii Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre kaga dhawaaqay magaalada Laascaanood oo ah in hoggaamiye Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ka soo qayb-galo Madasha Qaranka ee Maamul Goboleedyada dalku ku mideysan yihiin. โHadalka Raโiisul Wasaaraha oo sida uu sheegay Madaxweynuhuna la qabo waa goโaan aan lahayn saldhig sharci, horseedina kara furfur hor leh oo ku yimaada hannaankii Dawlad-dhiska Soomaaliya, isla markaana keeni kara xasilooni daro cusub oo xagal daacinaysa dedaaladii nabada ee laga dhex-waday Beelaha walaalaha ee wada dega Gobolka Sool.โ โRaadinta midnimada Soomaaliya waxay leedahay saldhig sharci oo ku salaysan midowgii labadii qaybood ee 1960-kii ku midoobey Jamhuuriyada Soomaaliya, talaabo kasta oo taas ka hor imaanaysaana wax ka tarimayso soo celinta midnimada, waxayna muujinaysaa garowsho darro siyaasadeed, mid sharci iyo mid taariikheed. Sidaas Awgeed, hadii aanu nahay Xildhibaannada JFS ee hoos ku saxeexan waxaanu aaminsanahay:- In dariiqa keli ah ee Soomaali midaysan, xasilloon, oo is ogol lagu heli karaa ay tahay dib u ambaqaadida wadahadaladii soo socday ee Soomaaliya iyo Somaalilandโ ayaa lagu yiri Warsaxaafadeedka. โHindise kasta oo degmo ama qaybo ka mid ah gobol loogu aqoonsanayo maamul Goboleed iyada oo dano dhaw oo siyaasaddeed laga leeyahay waxa ay ka horimanaysaa qodoka 48aad faqradiisa 2aad iyo qodobka 49, faqradiisa 6aad ee dastuurka JFS, waxayna albaabka u furaysaa in ay kala daataan maamullada hore u dhisnaa, waxa kale oo ay kala irdhaynaysaa dadka wada dega dhulkaas. Waxaanu soo dhoweynaynaa dedaal kasta oo nabad, xasilooni iyo wada noolaasnho loogu raadinayo colaadda ka taagan beriga Gobolada Soolโ ayuu sii raaciyay Warsaxaafadeedka. Halkaan ka akhriso Warsaxaafadeedka PUNTLAND POST The post Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo cambaareeyay Hadal Raโiisul Wasaare Xamse ka sheegay Laascaanood appeared first on Puntland Post.
-
๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐ฅ๐ ๐ช๐๐ซ๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ฆ๐๐ฒ ๐ญ๐๐ฅ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐ค๐ ๐ญ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ซ๐๐๐ซ ๐๐๐๐ฅ ๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
โ ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐๐ ๐ฅ๐ ๐ช๐๐ซ๐๐ฆ๐๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ข๐ข๐๐๐ง ๐ค ๐ฎ ๐ฌ๐๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ฆ๐๐ฒ ๐ญ๐๐ฅ๐จ ๐ฑ๐ฎ๐ฆ๐จ ๐ค๐ ๐ญ๐ข๐ฆ๐ข๐ ๐ซ๐๐๐ซ ๐๐๐๐ฅ ๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง, ๐ฐ๐๐ฑ๐๐๐ง๐ ๐ฎ๐ฎ ๐๐ก๐๐ ๐ก๐ฎ๐ ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฌ๐๐ฆ๐๐ฒ๐ฌ๐ญ๐๐ฒ ๐ข๐ง ๐ฅ๐๐ ๐ฎ ๐๐ข๐ฅ๐จ ๐๐๐๐๐ข, ๐๐จ๐๐๐จ๐ , ๐๐๐ญ๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ง๐๐๐๐ญ๐ขโฆโ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐ ๐ค๐ฎ-๐ฑ๐ข๐ ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐ Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo ay weheliyaan Wasiirro iyo xubno ka tirsan Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad iyo Xildhibaano ayaa maanta Degmada Ceel Afweyn kaga qayb-galay Munasabad lagu qaramaynayey Ciidanka Maddaaniga iyo Gadiidkoodii dagaalka. Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi oo halkaasi ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabanaysa ayaa bulshada reer Ceel Afweyn ku ammaanay doorka sharriifka ah ee ay ka qateen Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah iyo sida kal furnaanta ah ee ay ula shaqaynayaan Xukuumadda cusub ee uu gadh-wadeenka ka yahay Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi. Geesta kale, Madaxweyne ku-xigeenka JSL ayaa sheegay in Qaramaynta Ciidanka Maddaniga ah ee Ceel-afweyn ay ka duwan-tahay qaramayntii Ciidamada kale ee Maddaniga ah waxana uu yidhi: โQaramayntani way ka duwan tahay kuwii hore. Maanta waxa halkan lagu wareejiyey ciidan iyo gaadiidkoodi oo ku samaysmay talo xumo ka timiday reer Ceel Afweyn, waxana uu ahaa hub loo samaystay in lagu dilo Seedi, Soddog, Abti iyo Inaabti .โ Ugu dambeyntii Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa sheegay in ay ka goโantahay Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad nabadaynta Ceel-afweyn. โNabadda Ceel Afweyn inta ay doonto ha nagu qaadato, kama tagayno ilaa nabad waarta la helo..โ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐, ๐๐ฎ๐ฌ๐๐๐ง ๐๐๐๐๐ง ๐๐ข๐ ๐ (๐๐๐ฒ๐ซ) ๐๐๐ก๐๐ฒ๐๐๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐๐ฑ๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐๐๐ฆ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐ Qaran News -
Dowladda Soomaaliya ayaa ruqsad ay dalka lagu keenayo siiyay adeegga Internet-ka satellite-ka ku shaqeeya ee Starlink oo uu leeyahay maalqabeenka Elon Musk. Qoraal kooban oo uu bartiisa X soo dhigey ayuu Elon Musk ku sheegay in Starlink Soomaaliya laga hirgelinayo, ka dib markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay oggolaansho siisay. Starlink waa shabakad internet oo dayax-gacmeedka ah oo ay maamusho shirkadda Starlink Services, waana isgaarsiin caalami ah, taas oo gabi ahaanba gacanta ku haysa shirkadda hawada sare ee Maraykanka ee SpaceX. Starlink waxay la shaqeysaa in ka badan 100 dal, waxayna bixisaa adeeg internet oo xawaare sare leh, ayadoo adeegsanaysa hannaanka satellite-ka ee loo yaqaanno Orbit-ka. Source: goobjoog.com
-
DOORASHOOYINKA WADDANKEENNA ADDUUNYADU KU MAJIIRATAY WAXAY U BAAHANYIHIIN ILAALIN DHEERAAD AH IYO TAXADIR DADKA KA SHAQAYNAYA AH. Doorashooyinka iyo isbdelada dimuqraadiga ah ee sida nabadda ah uga dhacay s. Land waxay u baahanyihiin in la sii xoojiyo oo dib u eegis lagu sameeyo dhammaan dadka ka shaqeeya si aanay u iman wax lays daba mariyaa. Shaqaalaha ITGa oo ah kuwa ugu muhiimsan oo badankoodu waqti dheer shaqada hayay ahna halka ugu miisaanka culus dawladdu waa inay dib u eegis ku samaysaa habdhaqankoodu inuu xalaal yahay, waa in loo sameeyo nidaam cusub oo ka ilaaliya inuu siyaasigu laaluusho. Si aanay baabuur casriya iyo guryo waaweyn aanay ummadda ugu dul iibsan waa in shaqada ay gacanta ku hayaan laga xakameeyaa inay ku takri falaan Waayo waxaynu yeelanay cadow badan oo si danaysi ah uga adeegta gudaheenna. MAHADSANID. CABDI BACAW. GUUL ALLE. LONDON. Qaran News
-
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyey xarunta Barlamaanka SSC-Khaatumo, ayaa sheegay loo baahan yahay midnimo iyo wadajir ummadeed oo taabba-gal ah. Raโiisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in la xaqiijiyey horumar dhinacyo badan leh oo dhanka dowlad-dhiska iyo maamul-daadejinta ah, taas oo sababtay in maanta mashaaric badan laga hirgaliyo magaalada Laascaanood. โWaxaan cadeynayaa in dadka deegaannada SSC-khaatumo ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka bulshada Soomaaliyeed, sidaas darteed waxaan u baahannahay in la adkeeyo minimida iyo nabadda oo rukun adag u ah dowladnimda, waxaan idinku adkeynayaa in aad nabadda u ilaalisaan sida aad Calankeenna u ilaaliseen.โ โWaxaan u baahannahay nabad, horumar iyo in la hirgaliyo doorashooyin madax-bannaan oo ka qabsoonta guud ahaan dalka, waxaan ballan-qaadayaa in Maamulka SSC-Khaatumo uu heli doono adeeg dowladeed oo dhamaystiranโ, ayuu yiri Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey xarunta Barlamaanka SSC-Khaatumo. Raโiisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in ay Maamulka SSC-Khaatumo iyo shacabka degaanku ay heli doonnaan adeegyada heyโaddaha dowlada ee muhiimka ah si loo daadajiyo maamulka dowladda. PUNTLAND POST The post Raโiisul Wasaare Xamse oo sheegay in degaannada SSC astaan u yihiin Midnimada iyo Wadajirka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
AQM2H47lXDH4AjtHoC2IlOt3GyeWl-c9qZXELbdN-HjUKIhmPKULbyEd-LBt6wwB9bTGM1qOIbHAt6bH2Fn3ay4z Qaran News
-
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in hoggaamiyaha maamulka SSC-khaatumo uu si rasmi ah uga qeyb-gali doona shirka Madasha wada-tashiga qaranka, islamarkaana uu gaarsiiyay casuumaad uu madaxweynuhu u diray. Qodobkan ataa kamid ah waxyaabihii ay dadka deegaanadaasi mudada ku taamayeen, ayadoo SSC-Khaatumo ay noqanayso maamulka 7-aad ee shirkaas ka qeyb-galaya markii lagu daro gobolka Banaadir iyo 5-ta dowlad goboleed. Sidoo kale Raโiisul Wasaaraha ayaa weli Laascaanood ku sugan, asagoo halkaas ka wada kulamo uu la yeelanayo maamulka iyo qeybaha bulshada, waxayna dadka deegaanku rajo weyn ka qabaan inay heli doonaan xuquuq lamid ah midda maamullada kale. Source: goobjoog.com
-
Laascaanood (Caasimada Online) โ Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSCโKhaatumo, Cabdulqaadir Axmed Aw Cali (Firdhiye) ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah. Mashaariicdan ayey Dowladda Federaalka Soomaaliya ka hirgelinaysa magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka KMG ah SSC-Khaatumo. Raโiisul Wasaaraha oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna. Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah: ๐. ๐๐๐๐๐ฑ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ. ๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐๐, ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฌ๐๐๐ง๐จ๐จ๐. ๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ฅ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ. ๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐ ๐๐ซ๐ฌ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐ ๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐. ๐. ๐๐๐๐๐จ ๐ฅ๐๐๐ฆ๐ข ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฆ๐๐ค๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฎ๐ก๐จ๐จ๐๐ฅ๐ ๐. ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฐ๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐๐๐ง ๐ฆ๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ. ๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ฆ๐๐๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐ก (๐๐๐๐๐). 8. ๐๐ฌ๐๐ข๐ญ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ( ๐๐ญ๐๐ญ๐ ๐๐จ๐ฎ๐ฌ๐ ๐๐จ๐ฌ๐ฉ๐ข๐ญ๐๐ฅ). Raโiisul Wasaare Xamza ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doonna adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka. Raโiisul Wasaaraha oo maanta soo gaba-gabeynaya booqashadiisa Laascaanood ayaa halkaasi kulamo muhiim ah kula qaatay hoggaanka SSC, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, iyadoo dowladda federaalka xaqiijisay taageeradeeda SSC, oo haatan si weyn isku hayaan Somaliland. Si kastaba, booqashada Xamza ayaa xusid mudan inay tahay tii ugu horreysay ee Raโiisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaalada Laascaanood.
-
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u dhagax dhigay siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo. Raโiisul Wasaaraha oo mudnaan gaar ah siinaya muhiimadda ay leedahay in la gaarsiiyo shacabka Soomaaliyeed adeegyada sida gaarka ah loogu baahan yahay, ayaa sheegay in mashaariicdan ay xoojin doonaan isku-xirka bulshada iyo dowladnimada, una gogol-xaarayaan kobac dhaqaale iyo horumar waara oo laga hirgaliyo dalkeenna. Mashaariicda la dhagax-dhigay ayaa kala ah: ๐. ๐๐๐๐๐ฑ๐ญ๐จ๐จ๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ. ๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐๐๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ข๐ง๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐๐, ๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฌ๐๐๐ง๐จ๐จ๐. ๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐จ๐ฅ๐ข๐ข๐ฌ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ. ๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐ข๐ฅ๐ฆ๐ข๐ ๐ ๐ ๐๐ซ๐ฌ๐ฆ๐๐๐ ๐๐๐๐๐ง๐ญ๐ ๐๐ ๐๐๐ฒ๐ข๐ ๐๐๐ฑ๐๐ฆ๐๐. ๐. ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฅ๐๐๐ฆ๐ขga ๐๐ก ๐จ๐จ ๐ข๐ฌ๐ค๐ฎ ๐ฑ๐ข๐ซ๐ข ๐๐จ๐จ๐จ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฆ๐๐ค๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฎ๐ฎ๐ก๐จ๐จ๐๐ฅ๐. ๐. ๐๐๐๐ข๐ข๐ฌ๐ฒ๐จ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐๐ฎ๐ฐ๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐๐ฒ๐ง ๐๐จ๐จ๐ง๐๐๐ง ๐ฆ๐๐๐ฆ๐ฎ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆ๐จ. ๐. ๐๐๐ซ๐ฎ๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐๐ ๐๐ฎ๐ซ๐ฆ๐๐๐ค๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐ ๐ ๐๐ก (๐๐๐๐๐). 8. ๐๐ฌ๐๐ข๐ญ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐-๐๐ก๐๐๐ญ๐ฎ๐ฆo. Raโiisul Wasaare Xamsa, ayaa sheegay in ay farxad galinayso dhismaha xarumahan muhiimka ah kuwaas oo bixin doona adeegyada muhiimka ah ee dowladda, isagoo ballan-qaaday in mashaariic kale oo badanna dowladdu keeni doonto mustaqbalka. Source: goobjoog.com
-
Raโiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in maamulka SSC-khaatumo lagu casumay Shirka soo socda ee Madasha Wada-Tashiga Qaran. Raโiisul Wasaare Xamse oo khudbad ka jeediyay xarunta Baarlamaanka SSC-khaatumo ee Laascaanood ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu si rasmi ah Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ugu marti-qaaday Hoggaamiyaha Khaatumo Cabdiqaadir Firdhiye. Dhinaca kale, Raโiisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, oo uu wehliyo Hoggaamiyaha Maamulka SSCโKhaatumo, Cabdiqaadir (Firdhiye) ayaa Laascaanood ka dhagax dhigay Siddeed mashruuc oo muhiim ah, kuwaas oo dowladda Federaalka Soomaaliya, ay ka hirgelinayso magaalada Laascaanood iyo guud ahaan degaannada maamulka SSC-Khaatumo. PUNTLAND POST The post Raโiisul Wasaare Xamse oo shaaciyay in SSC-khaatumo lagu casumay Shirka Madasha Wada-Tashiga Qaran appeared first on Puntland Post.
-
Hargeysa (Caasimada Online) โ Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi (Cirro) ayaa markii ugu horreysay si faah-faahsan uga hadlay ololaha Somaliland ee ku aadan aqoonsiga, gaar ahaan rajada ay ka qabaan dalka Mareykanka. Cirro oo wareysi gaar ah siiyay Wargeyska The New York Times ayaa rajo aad u weyn ka muujiyay in Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump uu aqoonsan doono Somaliland, isaga oo ku sifeeyay โshakhsi lala xaajoon karoโ, sida uu ku caddeeyay wareysiga. Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in dib u doorashadii Trump ay u noqotay fursaddii ugu wayneyd ee soo marta Somaliland, ayna ku gaari doonaan guusha ictiraafka. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in kalsooni wayn ay ku qabaan maskaxda ganacsi ee Trump, isla markaana labada dhinac ay kala heli doonaan fursado muhiim ah. โAniga iyo dadkayguba waxaan ku rajo weynahay in maskaxda ganacsi ee Madaxweyne Trump ay horseedi doonto aqoonsigeenna. Waa fursaddii ugu weynayd ee abid na soo marta,โ ayuu wareysiga ku yiri Madaxweynaha Somaliland. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo dhowaan la filayo in Madaxweyne Cirro uu booqasho ku tego Washington, sida uu xaqiijiyey wasiirkiisa arrimaha dibadda Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan oo isna dhowaan booqasho ku tegay dalka Mareykanka. Arrinta aqoonsiga ayaa waxaa indhawaanahan si weyn u kar-karinayay saaxibo ay Somaliland ku leedahay xisbiga Jamhuuriga ee Trump, iyada oo dhowr jeer Koongareeska Maraykanka la horgeeyay sharciyo ku saabsan ictiraafka Somaliland. Tan iyo markii uu xilka la wareegay Trump, waxaa isa soo taraya wararka la xiriira in Mareykanka uu aqoonsi siin doono Somaliland, taas oo dhalisay hadal-heyn xooggan. Waxaa sidoo kale jirta in Mareykanka uu qorsheynayo in shacabka Falastiin ee uu doonayo in laga soo barakacayo Gaza uu geeyo Somaliland, inkastoo maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa uu meesha ka saaray in Mareykan ay kala hadleen arrintaasi. Dhankeeda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa iyaduna si weyn u diiday arrinta aqoonsiga, waxaa dhowaan ka hadlay safiirka u jooga magaalada Washington Daahir Carab oo sheegay in aanay hadda u muuqan qorshe Mareykanka ku aqoonsanayo Somaliland, wuxuuna dhanka kale tilmaamay in Soomaaliya ay kireysatay shirkad Mareykan ah oo uu xusay inay ka caawin doonto xoojinta xiriirka Mareykanka iyo Soomaaliya. โMa aragno qorshe Mareykanka ku aqoonsan karo gobol kamid ah Soomaaliya, sida Somaliland, waxaan shaqeyliisiiney shirkad naga caawisa sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee Mareykanka iyo Soomaaliyaโ ayuu horay u yiri Danjire Daahir Carab. Si kastaba, Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in Mareykanku uu u baahan yahay inuu si taxaddar leh u maareeyo danahiisa Geeska Afrika. Soomaaliya waxay weli tahay saaxiib istaraatiiji ah, muhiimaddeeda juqraafi-siyaasadeedna waxaa sii xoojiyay iyadoo Shiinaha iyo Ruushka ay muujinayaan xiisaha sii kordhaya ee gobolka.
-
Muqdisho (Caasimada Online) โ Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa keensatay qalab ay sheegtay in lagu galayo doorashada soo socota, kaas oo lagu soo bandhigay munaasabad uu maanta Muqdisho ku qabtay guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka. Guddoomiyaha guddiga Cabdikariin Axmed Xasan oo faah-faahin ka bixiyay qalabka ay keeneen ayaa sheegay in maanta loo soo bandhigay dadka Soomaaliyeed, ururada syaasadda iyo saaxibada caalamka ah, si tijaabo loogu sameeyo, kahor doorashada. โMaanta waxaan daah-fureynaa qalabka aan rabno inaan doorashada ku qabano, annaga oo u bandhigeyno dadweynaha Soomaaliyeed iyo beesha caalaka, waxaan rabnaa in qalabka la fiiriyo warbixin guudna laga bixiyoโ ayuu yiri guddoomiye Cabdikariin Axmed. Sidoo kale, wuxuu hoosta ka xariiqay in waajibaadkooda ay gudanayaan, isla markaana doorashada golaha deegaanka la bilaabi doono bisha June ee sanadkan, iyada oo lagu bilaabi doono gobolka Banaadir, si dadweynaha ay usoo doortaan golayaashooda. โBeri maahinee saa dambe dalka Soomaaliya waxaa ka bilaabaneyso diiwaan-gelinta dadweynaha Soomaaliyeed oo loo diyaarin doono in bisha June sodonkeeda la qabto doorashada golaha deegaankaโ ayuu mar kale yiri guddoomiyaha guddiga doorashada. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay โDiiwaan-gelinta waxa ay ka bilaabaneysaa gobolka Banaadir, kow waxay ka bilaaban doonto degmada Shangaani, kadibna waxaa ku xigi doono Shibis, Xamarweyne iyo degmooyinka kale, kadibna waxaa sii aadi doonaa gobollada oo dhan ee dalkaโ. Dhawaan guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa shaaca ka qaaday in illaa 5 urur ay is diiwaan-geliyeen, kuwaas oo uu tilmaamay inay noqon doonaan saamileyda siyaasadda ee saxda ah, isla markaana uu loolanka u dhexeyn doono iyaga iyo xukuumadda, shacabkuna ay u dhexeyn doonaan, taas oo caqabad ku ah siyaasiyiinta mucaaradka ah. โSaamileyda siyaasada saxda ah waa shanta urur ee noo diiwaan gashan wixii kasoo hara waxba ma ahan isbuuca soo socdana waxaa bilaabaneysa diiwaan galinta dad weynaha waxaa xigi doona doorashada golaha deegaankaโ ayuu yiri guddoomiyuhu. Waxaa kale oo uu raciyay โMaanta siyaasadda Soomaaliya waxa ay ka dhexeysaa shantaan urur iyo xukuumadda dalka joogta iyo Ummadda Soomaaliyeed ayuu banuuniga u dhexeeyaโ. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli ay doorashada isku hayaan madaxda dowladda, kuwa mucaaradka iyo qaar kamid ah dowlad goboleedyada oo iyagu weli diidan dhismaha guddiga doorashada iyo hanaanka ay wax ku wado dowladda dhexe.
-
The launch of Somaliaโs National Transformation Plan (NTP) 2025-2029 marks a pivotal moment in the nationโs post-conflict recovery and long-term development. Officially unveiled by Prime Minister Hamza Abdi Barre, this ambitious strategy serves as a blueprint for rebuilding a resilient and self-reliant Somalia. It replaces the previous National Development Plan, shifting focus toward a more integrated and forward-looking approach that prioritizes infrastructure, governance, security, justice, and economic revitalization. Source: Hiiraan Online
-
Africa is full of stunning locations that people from across the world flock to see. But some places on the continent are also politically unstable and violent, and tourists are well advised to avoid them. One of these is Somalia, where conflict has been raging since the collapse of its government in 1991. After the overthrow of President Siad Barre, a power vacuum led to a civil war erupting between an array of factions, including the Somali National Movement (SNM) and forces in support of the government. Source: Hiiraan Online
-
Xisadihii taariikhda ee dugsigii hoose, dhexe waxa ay isoo xusuusiyeen Jabuuti, Xeebta Soomaalida. Source: Hiiraan Online