Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,214
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo goordhow lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xilli haatan la sugayo inuu kasoo dago ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo maanta wada-hadallo la yeelan doono madaxweynaha Soomaaliya. Hoobiyeyaasha qaar ayaa la sheegay inay ku dhaceen nawaaxiga xerada Xalane oo uu ku dhex-yaallo garoonka, waxaana lasoo wariyay inuu jiro khasaare u badan dhaawac. Wararka ayaa sheegaya in dad shacab ah oo aan waxba galabsan ay guryahooda ugu tageen hoobiyeyaasha, kuwaas oo haatan xaaladdooda lagula tacaalayo isbitaallada. Dhanka kale, waxaa garoonka laga shiday Gambaleelka digniinta ah ee la yeeriyo marka ay halis jirto, taas oo keentay in xaalad laga dareemo halkaasi. Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho. Muqdisho ayaa waxaa haatan ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaare Abiy Axmed, iyada oo si weyn loo adkeeyay ammaanka, waxaana dowladda Soomaaliya ay heegan sare gelisay ciidamada ammaanka oo lagu soo daadiyay inta badan waddooyinka caasimada. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa inta badan xiray waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka, xittaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugeynaya. Si kastab, marar badan Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.
  2. Ciidamada Daraawiishta Puntland oo saaka hawlgal qorshaysan ka sameeyay buuraha Calmiskaad ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharinta oo kamid ah goobaha ay u soo baxsadeen firxadkii dagaallamayaasha ISIS ee ku soo jabay togga Jeceel. Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo oo hadal kooban warbaahinta siiyay ayaa xaqiijiyay in saaka Ciidamada dowladdu la wareegeen Ceelka Dharinta oo kamid ah goobihii ay u soo carareen firxadka mileeshiyaadka ISIS ee ku soo jabay dagaalkii lagaga saaray togga Jeceel. “Ciidamada Daraawiishta Puntland oo si qorshaysan u soo dhaqaaqay ayaa gacanta ku dhigay Ceelka Dharin oo saacadihii u danbeeyay lagu sheegay firxadka Argagixisada oo baxsad ah kuwaasi oo isku dayay in ay gabbaad ka dhigtaaan goobtaasi ceelka leh balse laga hortagay” ayuu yiri Af-hayeenka Hawlgalka Cirib-tirka Argagixisada ee Puntland Jeneraal Maxamuud Faadhigo. PUNTLAND POST The post Ciidamada difaaca Puntland oo firxadkii Daacish ka saaray Ceelka Dharin ee buuraha Calmiskaad appeared first on Puntland Post.
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Federaalka Ethiopia, Mudane Abiy Axmed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ay maanta uga bilaabatey Soomaaliya. Safarka Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ayaa qeyb ka ah isku soo dhowaanshaha iyo bogga cusub ee u furmaya labada dal, dhanka Iskaashiga, is-qaddarinta iyo in gobolka xasilooni lagu soo dabbaalo, kadib hal sanno oo xiriirka labada dal ay caqabado hareeyeen. Bishii December ayaa Ethiopia si rasmi ah uga noqotey heshiiskii mugdiga dhex dhigay xiriirka labada dal, kadib markii magaalada Ankara ay ku kulmeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, halkaasna lagu gaarey Baaqii Ankara. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in booqashada Abiy Axmed ee Muqdisho ay ka tarjumeyso isku soo dhowaanshaha labada dal iyo dhabbada cusub ee la qaadey ee ku dhisan iskaashi iyo xiriir ku dhisan horumarka dhaqaalaha. Source: goobjoog.com
  4. Mogadishu (HOL) – Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed arrived in Mogadishu on Thursday for high-level talks with Somali President Hassan Sheikh Mohamud, marking a pivotal moment in the nations' diplomatic relations following months of strained ties. Source: Hiiraan Online
  5. The President of the Republic of Somaliland, Abdirahman Mohamed Abdillahi (Irro), accompanied by senior government ministers and high-ranking officials, held a high-level meeting today with key international development partners. Representatives from the European Union (EU), the United Kingdom (UK), the United Nations (UN), Canada, and the United States (USA), along with officials from various international organizations actively involved in development efforts, participated in the discussions. According to the Presidential Palace, President Irro expressed his deep gratitude for the continued support provided by the international community. He underscored the significance of these partnerships in advancing Somaliland’s development agenda and emphasized the need for greater collaboration to achieve long-term socio-economic progress. The discussions focused on aligning key development initiatives aimed at boosting Somaliland’s economy, strengthening social development programs, and fostering sustainable growth. The President highlighted Somaliland’s unwavering commitment to international cooperation, security, democracy, and stability, urging development partners to enhance their engagement with Somaliland. This diplomatic engagement signals renewed international acknowledgment of Somaliland’s stability and democratic governance. The discussions reaffirmed the global community’s appreciation of Somaliland’s peaceful political landscape, economic potential, and strong governance structures. A New Era of Somaliland Diplomacy By proactively engaging with world powers and development agencies, President Irro has positioned Somaliland as a reliable and responsible international partner. This marks a departure from the previous administration’s rigid diplomatic stance, which had caused frustration among some international stakeholders. Under Irro’s leadership, Somaliland is now embracing a more open, pragmatic, and cooperative foreign policy approach. President Irro’s diplomatic outreach has quickly gained momentum, winning the trust of major international players. In just a short period since taking office, he has demonstrated a progressive and inclusive approach to governance, prioritizing diplomacy and economic partnerships. His commitment to building stronger ties with influential global actors represents a positive shift that could unlock new opportunities for Somaliland’s recognition and development. To commemorate the strengthened relationships, President Irro personally presented symbolic gifts to each member of the visiting delegation. These gestures reflected Somaliland’s appreciation for international cooperation and its aspirations for deeper engagement with the global community. President Irro’s efforts to rebuild and enhance Somaliland’s international relations represent a significant step forward in attracting global support for the nation’s development and diplomatic aspirations. His leadership is shaping Somaliland’s image as a stable, democratic, and forward-thinking nation that is open to global partnerships and investment. Qaran News
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa saaka magaalada Muqdisho ka socota qaban qaabadii ugu dambeysay ee soo dhaweynta wafdiga ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo kusoo jeedo Soomaaliya, kadib casuumaad uu ka helay dowladda federaalka. Ammaanka ayaa aad ah loo adkeeyay, iyada oo dowladda Soomaaliya ay heegan sare gelisay ciidamada ammaanka oo lagu soo daadiyay inta badan waddooyinka caasimada. Ciidamada oo wata gaadiidka dagaalka ayaa diyaar u ah inay xaqiijiyaan amniga guud, maadaama uu imaanayo wafdi culus, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo guud. Sidoo kale waxaa la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah, iyada oo la joojiyay isku socodka gaadiidka, xittaa meelaha qaar ayaa loo diidayaa dadka lugeynaya. Sawirrada Abiy Axmed iyo madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale lagu dhajiyay bartamaha magaalada, iyada oo soo dhaweyn heer sare loo sameynayo ra’iisul wasaaraha Itoobiya. Labada mas’uul ayaa ku kulmi doono xarunta Villa Soomaaliya oo saaka laga dareemayo mashquul xooggan iyo u diyaar garowga imaanshaha Abiy Axmd. Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa la kulmo doono madaxweyne Xasan, iyaga oo ka wada-hadli doono arrimo xasaasi ah oo ku aadan xiriirka labada dal iyo heshiiska ay dhowaan gaareen. Sida ay ogaatay Caasimada Online, hoggaamiyeyaasha labada waddan ayaa sii amba qaadi doono wada-hadalladooda ku aadan heshiiskii Ankara ee lagu soo afjaray xiisaddii badda, waxaana haatan qorshaha Itoobiya uu yahay inay hesho marin biyood, iyada oo soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya. Imaashaha ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya ee Muqdisho ayaa kusoo aadeyso, iyada oo dhowaan laba jeer uu madaxweyne Xasan Sheekh uu tegay magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay labada mas’uul ku yeesheen wada-hadallo lagu dhameystiray heshiiskii Ankara. Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan sameynaya iskaashi ballaaran, kaas oo bog cusub u furayo labada dal, waxaana sidoo kale Itoobiya loo ogolaaday howlgalka AUSSOM
  7. Balcad (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar culus oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaaday degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo uu xigay dagaal toos ah. Weerarka ayaa bilowday abaare 5:00 subaxnimo, waxaana maleeshiyada Al-Shabaab ay beegsadeen fariisimaha ciidamada, kadibna waxaa sidaas ku qarxay dagaalka. Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka qaaday ay u suuragashay inay gudaha u galeen qaybo kamid ah degmada, waxaana lasoo wariyay inay tageen saldhigga Balcad, ayna sii daayeen tiro maxaabiis ah oo ku xirnaa halkaasi. Waxyar kadib waxaa sidoo kale degmada gaaray ciidamo gurmad ah, iyadoo isla markiiba magaalada laga saaray Shabaabkii soo weeraray, waxaana hadda degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda Soomaaliya. Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamadu ay cashir u dhigeen xubnaha Al-Shabaab ee saaka weeraray degmada Balcad. “Ciidamada ayaa saakay cashir lama ilaawaan ah u dhigay Maleeshiyaadka Khawaarijta oo saakay salaadii subax soo weeraray fariisimmo ay ciidamadu ay ku leeyihiin duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad oo saaka gashay xaalad adag. Shabeelaha Dhex waxaa haatan xoogga soo saaray Khawaarijta iyada oo labadii todobaad ee ugu dambeysay weeraro culus ka fulisay deegaanno ka tirsan gobolkaas.
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay ku guuldarreystay in uu yeesho fadhi rasmi ah sababo la xiriira kooram la’aan, taasoo dib u dhigtay howlaha sharci-dejinta ee muhiimka ah, isla markaana sii xoojisay tuhunka la xiriira mooshin kalsooni kala noqosho ah oo laga yaabo in laga keeno xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre. Kaliya 137 xildhibaan ayaa soo xaadiray fadhiga, iyadoo labo xubnood ay ka maqnaayeen tiradii sharciga aheyd si kulanka uu u qabsoomo. Guddoomiyaha baarlamanka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa si kulul u dhaliilay maqnaanshaha xildhibaannada, gaar ahaan kuwa dalka ka maqan, wuxuuna uga digay in haddii ay sii wadaan maqnaanshahooda, magacyadooda si rasmi ah loo shaacin doono. “Fadhiga Baarlamaanka waa waajib qaran, waana nasiib darro in uu fashilmo sababo la xiriira maqnaansho xildhibaano,” ayuu yiri Guddoomiye Madoobe. “Xildhibaanadu waa in ay si dhab ah u qaataan mas’uuliyadda ay bulshada u hayaan. Maanta, kuwa maqnaa waxay si toos ah u hakad geliyeen shaqadii Baarlamaanka. Haddii tani sii socoto, waxaan bilaabi doonaa in aan magacyadooda shaaciyo.” Xiisadda siyaasadeed oo cirka isku shareertay Fashilka fadhiga baarlamanka ayaa yimid xilli xiisado siyaasadeed ay sii xoogeysanayaan, iyadoo la sheegay in xildhibaannada mucaaradka ay qorsheynayeen in ay soo bandhigaan mooshin kalsooni kala noqosho ah oo ka dhan ah xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ka hor inta aan la baajin kulanka. Inkasta oo mooshinka si rasmi ah loo horgeynin, hadana suurtagalnimadiisa ayaa sii hurisay walaaca laga qabo jahwareerka siyaasadeed ee dalka. Kooram la’aanta ayaa muujisay caqabadaha ballaaran ee ka taagan nidaamka sharci-dejinta Soomaaliya, kaasoo la daalaa dhacaya maqnaansho baahsan iyo is qabqabsi siyaasadeed. Bishii hore, guddoonka labada gole ee baarlamanka ayaa ugu baaqay xildhibaannada in ay kusoo laabtaan Muqdisho ka hor furitaanka kalfadhiga lixaad ee baarlamanka 22-ka Febraayo, iyagoo ka digay in maqnaansho dheeri ah ay hakad gelin karto shaqooyinka sharci-dejinta ee muhiimka ah. Baaqan ayaa yimid xilli mucaaradka ay dareemayeen cadaadis isa soo taraya, waxaana qaar kamid ah xildhibaannada mucaaradka ay ku hanjabeen in ay fadhiyo gaar ah yeelan doonaan haddii baarlamanka la hakiyo. Xildhibaannada mucaaradka ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay in uu faragelin ku hayo howlaha sharci-dejinta, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo amniga. Kalfadhiga lixaad ee baarlamanka oo la furay Kalfadhiga lixaad ee baarlamanka, oo si rasmi ah uu u furay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud 22-ka Febraayo, waxaa diiradda lagu saari lahaa arrimaha amniga, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, iyo sidii dalka loogu gudbin lahaa nidaamka doorasho qof iyo cod ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbaddiisa ku ammaanay guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, dib u dhiska Ciidanka Cirka iyo Badda ee Soomaaliya, iyo qorshaha dhismaha xarunta ugu horreysa ee gantaallaha satellite-ka laga bilaabo dalka, taasoo uu ku tilmaamay horumar taariikhi ah oo u horseedi kara Soomaaliya guulo waaweyn. Si kastaba ha ahaatee, khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jira baarlamanka ayaa caqabad ku noqday ajendayaasha sharci-dejinta, iyadoo xiisadda u dhaxeysa xildhibaanada mucaaradka iyo dowladda ay sii xumaatay. Arrimaha la xiriira hannaanka doorashooyinka, maalgelinta amniga, iyo wax-ka-bedelka dastuurka ayaa wali ah mowduucyo la isku haysto, kuwaasoo sii wiiqaya shaqada Baarlamaanka. Iyadoo caqabadaha kourum la’aanta iyo khilaafaadka gudaha ay sii kordhayaan, waxaa la is weydiinayaa siduu baarlamanku u gudan karo waajibaadkiisa, taasoo sare u qaadday walaaca laga qabo in fowdada siyaasadeed ay horseedi karto xasillooni darro xagga dowladnimada ah bilaha soo socda.
  9. Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ay saaka waaberigii hore iska caabiyeen weerar ay kooxda Al-Shabaab kusoo qaaday degmada Balcad. Saraakiisha dowladda ayaa xaqiijiyey in degmada Balcad ay si buuxda ugu sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, kuwaas oo ka hortagay isku dayga Al-Shabaab ee dib u qabsashada magaalada. Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, Al-Shabaab ayaa kordhisay isku dayada ay ku doonayso inay dib ugu qabsato deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe. Si kastaba ha ahaatee, ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa si adag uga hortagay weeraradaas, iyagoo gaarsiiyay kooxda khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Taliska xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalada ay sii socon doonaan ilaa laga cirib tirayo haraadiga Al-Shabaab ee gobolka. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u shaacisay in dagaalladii ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay in ka badan 130 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo isku dayay inay weeraro ku qaadaan deegaanno muhiim ah. Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale sheegay inay burburiyeen gaadiidkii dagaalka ee kooxda, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ilaa gobolka laga xoreeyo. Xaaladda degmada Balcad ayaa haatan degan, waxaana ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga, si looga hortago weeraro kale oo ay kooxda Al-Shabaab ku soo qaado deegaannadaas. Source: goobjoog.com
  10. Mogadishu (HOL) – Five African nations, including three of Somalia’s neighbours, will deploy a total of 11,900 troops under the African Union’s new Somalia Mission (AUSSOM) to stabilize and counter Al-Shabaab militants. Source: Hiiraan Online
  11. Nairobi (Caasimada Online) – Kenya iyo Soomaaliya ayaa ka wada xaajoonaya heshiis lagu fududeynayo ganacsiga si loo baabi’iyo caqabadaha aan sharciyeysnayn ee ganacsiga ka hor istaaga labada dal ee dariska ah. Soomaaliya waxay bishii December 2023 si rasmi ah ugu biirtay ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), taasoo ka dhigtay xubinta siddeedaad ee ururka gobolka. Si kastaba ha ahaatee, ganacsigeeda Kenya ayaa marar badan wajahaya canshuurro dheeraad ah, isbeddel siyaasadeed, iyo caqabado kale oo aan la xiriirin xeerarka canshuuraha. Sababta ugu weyn ee arrintan keentay ayaa ah in Soomaaliya ay weli hirgelinayso heshiisyada ganacsiga ee muhiimka ah si ay ula jaanqaado xeerarka ganacsiga xorta ah ee dalalka xubnaha ka ah EAC. Shirweynaha Ganacsiga Soomaaliya-Kenya, oo Arbacadii ka furmay magaalada Nairobi, ayaa waxaa ka hadlay Wasiirka Ganacsiga Kenya, Lee Kinyanjui, oo sheegay in heshiiska is-afgaradka (MoU) ee la filayo uu mudnaan siin doono ka saarista caqabadaha ganacsiga ee aan sharciyeysnayn, xoojinta ammaanka xuduudaha, iyo hagaajinta nidaamyada kastamka. “Si loo xoojiyo ganacsiga iyo maalgeshiga, Kenya iyo Soomaaliya waa inay sahmiyaan meelaha muhiimka ah ee iskaashiga. Tallaabada ugu horreysa ee muhiimka ah waa dhameystirka heshiiska is-afgaradka ee kor u qaadaya iskaashiga ganacsiga, kaasoo fududeyn doona xiriirka ganacsi ee labada dal,” ayuu yiri Wasiir Kinyanjui mar uu ka hadlayay BBS Mall ee Eastleigh, Nairobi. Wuxuu intaa ku daray in talooyin muhiim ah la tixgelinayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin in la dhiso guddi wadajir ah oo wax ka qabta caqabadaha ganacsiga (NTBs). Shirka waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Nation Media Group PLC iyo Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, waxaana ka qeyb galay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Soomaaliya, Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax, iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Cabdulle. Guddoomiyaha Guddiga Nation Media Group, Wilfred Kiboro, ayaa ku baaqay in la xoojiyo ganacsiga u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. Soomaaliya oo leh fursado waaweyn oo maalgashi Soomaaliya waxay leedahay dhaqaale kobcaya iyo fursado ballaaran oo maalgashi, gaar ahaan dhinacyada beeraha, kalluumeysiga, wax-soo-saarka, iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Warshadaha kalluumeysiga ayaa la rumeysan yahay inuu ku kacayo ilaa 258 bilyan oo shilin ($2 bilyan), iyada oo lagu saleynayo xeebteeda dheer ee 3,000km, taasoo ah tan ugu dheer qaaradda Afrika. Xeebaha Soomaaliya waxay si weyn u furan yihiin kalluumeysi ballaaran iyo ganacsi badeed oo muhiim ah. “Labada dal waa inay mudnaan siiyaan xoojinta ammaanka xuduudaha iyo fududeynta ganacsiga si loo xakameeyo ganacsiga sharci-darrada ah, isla markaa lagu horumariyo ganacsiga sharciyeysan. Tan waxaa lagu gaari karaa iyadoo la casriyeynayo xafiisyada kastamka ee Garissa, Wajeer, iyo Mandheera, lana hagaajinayo hannaanka kastamka,” ayuu yiri Wasiir Kinyanjui. Wuxuu intaa ku daray: “Xoojinta sharciyada ganacsiga iyo hubinta hufnaanta waxay door muhiim ah ka ciyaari doontaa dhiirrigelinta kalsoonida maalgashadayaasha.” Sannadkii 2023, Soomaaliya waxay ahayd suuq muhiim u ah badeecadaha Kenya u dhoofiso dibedda, waxaana la diiwaangeliyay dhoofin gaaraysa 20.2 bilyan oo shilin ($155.2 milyan). Badeecadaha ugu muhiimsan ee Kenya u dhoofiso Soomaaliya waxaa ka mid ah jaadka, caanaha, badarka, daawooyinka, sibirka, biraha, saliidda cuntada, tubaakada, iyo saabuunta. Hase yeeshee, ganacsiga jaadka ayaa mararka qaar la kulmayay canshuurro aan joogto ahayn iyo duulimaadyada oo aan si rasmi ah loogu wargelin hakinta safarrada. Sida laga soo xigtay xogta 2023, Kenya waxay Soomaaliya ka soo dhoofsatay badeecado qiimahoodu gaarayo 45.2 milyan oo shilin ($348,000), oo ay ka mid yihiin kalluunka, xoolaha, sisinta, miraha, xabagta dabiiciga ah, saliidaha lagama maarmaanka ah, iyo biraha dib loo warshadeeyo. Dadaallada xasilinta dhaqaalaha Soomaaliya Inkasta oo ay jiraan caqabado siyaasadeed, haddana dowladda Soomaaliya waxay dadaal ugu jirtaa xasilinta dhaqaalaha iyo soo jiidashada maalgeshiga shisheeye, sida uu sheegay Wasiir Faarax, oo ku baaqay in la sugo sharciyada ganacsiga. “Shirkan ganacsi wuxuu ku soo beegmay xilli muhiim ah, iyadoo Soomaaliya ay gashay waqti cusub oo rajo iyo horumar leh. Wuxuu sare u qaadi doonaa iskaashiga ganacsi iyo maalgeshi ee labada dal, wuxuuna xoojin doonaa xiriirka dhaqaale ee dhinacyo badan oo dan wadaag ah,” ayuu yiri Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya. Dr. Kiboro ayaa sheegay in la joojiyo dhoofinta dharka iyo kabaha la isticmaalay, isagoo ku baaqay in badeecadahaas lagu soo saaro gudaha Afrika. “Waa maxay sababta aan weli u soo dhoofsaneyno dhar la isticmaalay halka aan ka soo saari lahayn gudaha Afrika? Waa inaanu joojinaa soo dejinta dhar duug ah oo ka yimaada Shiinaha ama Yurub,” ayuu yiri Dr. Kiboro. Wuxuu xusay: “Afrika waxay leedahay dad gaaraya 1.4 bilyan, kuwaas oo intooda badan ay yihiin dhallinyaro. Horumarka Afrika wuxuu ku xiran yahay in dalalka qaaraddu ay si toos ah isugu ganacsadaan.” Wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in la eego siyaasadaha dowladda ee xaddidaya ganacsiga xorta ah, wuxuuna yiri: “Ma jiro sabab aanan suuf u beeri karin.” “Qiimaha korontada ee Kenya waa mid ka mid ah kuwa ugu sarreeya caalamka. Ma garanayo xaaladda Soomaaliya, balse ma horumari karno warshadaha illaa aan hoos u dhigno qiimaha tamarta,” ayuu yiri Dr. Kiboro. Soomaaliya iyo Kenya oo xoojinaya iskaashiga ganacsiga Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ayaa xusay in labada dal ay wadaagaan dano badan oo muhiim u ah kobcinta ganacsiga. “Bandhiggan ganacsi wuxuu muujinayaa xiriirka sii xoogeysanaya ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, kuwaasoo ay isku xiraan taariikh, dhaqan, iyo ruux ganacsi oo dhiirrigelinaya kobaca gobolka,” ayuu yiri Safiir Jabriil. Si kastaba ha ahaatee, wuxuu ugu baaqay shirkadaha Kenyan-ka ee ka howlgala Muqdisho inay kala duwaan ganacsigooda. “Maadaama ay Soomaaliya tahay dal aan dayn lahayn, waxay hadda haysataa kalsooni caalami ah oo sii xoogeysanaysa, taasoo ay xoojisay siyaasad istiraatiiji ah oo kor u qaadeysa koboca dhaqaalaha. Dalkayagu wuxuu hodan ku yahay kheyraad dabiici ah, oo ay ka mid yihiin saliid, gaas, kalluumeysi, iyo tamarta la cusboonaysiin karo, waxaana barbar socda bulsho da’yar oo firfircoon oo diyaar u ah horumar.” Guddoomiyaha Gobolka Garissa, Nathif Jamah, ayaa cambaareeyay warbixinaha taban ee laga faafiyo Soomaaliya, isagoo warbaahinta ugu baaqay inay gacan ka geysato dhiirrigelinta sawir togan oo ku saabsan dalka. Toddobaadka Ganacsiga Kenya-Soomaaliya 2025 waa sii amba-qaadkii Shirka Maalgashiga Soomaaliya iyo Bandhigga 2024, oo sidoo kale ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Nation Media Group iyo Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, iyo Xafiiska Horumarinta Maalgashiga Soomaaliya. Shirkaasi wuxuu ka dhacay Muqdisho. Bandhigga ganacsiga ee sanadkan wuxuu soconayaa inta u dhaxaysa 26 ilaa 28 Febraayo, waxaana ka qeyb galaya ugu yaraan 76 shirkadood iyo ganacsato ka kala socda qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha Kenya iyo Soomaaliya.
  12. Mogadishu (HOL) – Somali National Army (SNA) forces repelled an Al-Shabab attack on military bases on the outskirts of Bal'ad district in the Middle Shabelle region early Thursday morning, military officials reported. Source: Hiiraan Online
  13. Liverpool tightened their grip on this season's Premier League title with a 2-0 win at home to Newcastle United on Wednesday night. Source: Hiiraan Online
  14. President Donald Trump on Tuesday announced plans to sell U.S. residence permits for $5 million — the latest example of what experts call “residence by investment” programs, a popular tool of global mobility for the world’s wealthy elite. Source: Hiiraan Online
  15. Libya and Somalia vowed to strengthen economic and security ties on Tuesday during a visit by Somali President Hassan Sheikh Mohamud to Libya’s capital, Tripoli. Mohamed al-Menfi, chairman of the Libyan Presidential Council, said his country reaffirmed its “support for Somalia until it regains stability,” while welcoming Somali support for stability in Libya. Source: Hiiraan Online
  16. Tehran (Caasimada Online) – Iran ayaa si weyn u kordhisay kaydkeeda uranium-ka ee sida sare loo bacrimiyey bilihii la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin sir ah oo ay wakaaladda wararka ee AFP heshay Arbacadii, taasoo ka timid Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Nukliyeerka (IAEA). Xiisadaha u dhexeeya Iran iyo hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay ayaa si isdaba joog ah u qarxay tan iyo markii uu burburay heshiiskii 2015, kaasoo xaddidayay barnaamijka nukliyeerka ee Tehran iyada oo looga beddelayo in laga khafiifiyo cunaqabataynta saarneyd. IAEA ayaa ku sheegtay warbixinteeda saddex-biloodle in ay “walaac weyn” ka qabto xaqiiqda ah in Iran ay leedahay 274.8 kg (605 rodol) oo uranium ah oo lagu hodmiyay ilaa heerka 60 boqolkiiba, sida lagu sheegay warbixinta 8-dii Febraayo. Kani waa koror dhan 92.5 kiiloogaraam tan iyo warbixintii hore ee bishii Nofeembar. Heerkaas hodmintan ayaa si aad ah ugu dhow 90 boqolkiiba, taasoo ah heerka looga baahan yahay in lagu farsameeyo hub nukliyeer ah. Bishii December, Tehran ayaa ku dhawaaqday in ay kordhin doonto wax-soo-saarka uranium-ka sida sare loo hodmiyey ee 60 boqolkiiba, taasoo ay uga jawaabayso go’aankii guddiga IAEA uu Iran ugu canaantay iskaashi la’aanteeda. Iran ayaa sidoo kale shaacisay inay hawlgelin doonto centrifuges cusub oo horumarsan. Tehran waxay ku adkeysatay xaqa ay u leedahay adeegsiga tamarta nukliyeerka hab nabadeed, iyadoo beenisay in ay qorsheyneyso horumarinta hub nukliyeer ah. Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay IAEA, Iran waa waddanka kaliya ee aan haysan hub nukliyeer ah balse uranium u hodmiyay heer sare oo gaaraya 60 boqolkiiba, taasoo aad uga badan inta looga baahan yahay in lagu soo saaro tamarta nukliyeerka. “Wadarta guud ee wax-soo-saarka iyo kaydka uranium-ka sida sare loo hodmiyey ee Iran, oo ah waddanka kaliya ee aan hub nukliyeer haysan ee soo saara agabkan, waa arrin walaac weyn leh,” ayaa lagu yiri warbixinta sirta ah ee IAEA. Sida ay AFP u xaqiijiyeen ilo diblomaasi ah, xawaaraha wax-soo-saarka uranium-ka sida sare loo hodmiyey ee Iran ayaa si aad ah kor ugu kacay, wuxuuna hadda gaaray inta u dhaxaysa 35 ilaa 40 kiiloogaraam bishii, marka la barbar dhigo qiyaastii 6 kg oo hore loogu soo saari jiray. Qiimeyn Dhamaystiran Sanadihii la soo dhaafay, Tehran waxay si tartiib tartiib ah u dhimaysay wada-shaqeynta ay la lahayd IAEA, iyadoo hakisay qalabka kormeerka lagama maarmaanka u ah dabagalka barnaamijkeeda nukliyeerka, sidoo kalena ay mamnuucday gelitaanka kormeerayaasha Qaramada Midoobay. Madaxa IAEA, Rafael Grossi, ayaa warbixin kale ku sheegay in uu soo saari doono “qiimeyn dhamaystiran oo la cusbooneysiiyay” oo la xiriirta barnaamijka nukliyeerka Iran, taasoo dabooli doonta “joogitaanka iyo adeegsiga walxo nukliyeer ah oo aan la shaacin,” xilli ay jiraan arrimo taagan oo weli aan xal laga gaarin. Bishii Febraayo horraanteedii, kaydka guud ee uranium-ka Iran ee heerarka kala duwan ee hodmintan ayaa lagu qiyaasay 8,294.4 kg, taasoo ah koror dhan 1,690 kg ah marka loo eego warbixintii saddex-biloodle ee hore. Tiradaasi waxay in ka badan 40 jeer ka badan tahay xadka lagu dejiyay heshiiskii 2015 ee Iran lagula galay quwadaha caalamka. Labadan warbixin ayaa la soo saaray xilli la filayo inuu furmo shir ay yeelanayaan guddiga maamulka IAEA. Dadaallada lagu doonayo in lagu soo nooleeyo heshiiskii taariikhiga ahaa ee 2015 – kaasoo Maraykanka dib ugu soo celinaya wadahadalka, Iran-na dib ugu soo celinaya u hoggaansamida shuruucda – ilaa hadda wax miro dhal ah ma keenin. Toddobaadkan horaantiisii, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Iran, Abbas Araghchi, ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada wadahadalo toos ah oo lala yeesho Maraykanka oo ku saabsan barnaamijkooda nukliyeerka, kaddib markii Washington ay ku dhawaaqday cunaqabatayno cusub oo ka dhan ah Tehran. Falanqeeyaha Crisis Group, Ali Vaez, ayaa yiri: “Iran kama wadahadli doonto arrimaha nukliyeerka iyadoo qori madaxa looga hayo.” Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa si iskiis ah uga baxay heshiiskii 2015 ee Tehran intii uu xukunka hayay. Heshiiskaasi wuxuu Iran u oggolaanayay in laga qaado cunaqabataynta, iyada oo laga xakameynayo barnaamijkeeda nukliyeerka.
  17. Soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abii Axmed oo la filayo inuu saacadaha soo aaddan dalka booqasho rasmi ah ku yimaado ayaa si weyn looga dareemayaa magaalada caasimadda ah ee muqdisho. Jidadka waaweyn ee caasimadda gaar ahaan kuwo ku yaalla agagaarka gegiga diyaaradaha Aadan cadde iyo madaxtooyada Qaranka ayaa lagu dhajiyay boorar ay ku xardhanyihiin calamada Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena ay ku sawiranyihiin hoggaamiyaasha labada dal. Waxaa sidoo kale la filayaa in waddooyinka qaarkood ay maamta xirnaan doonaan inta uu soo degayo wefdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayadoo dhanka kale la xadiday duulimaadyadii ka baxayay iyo kuwii imaan lahaa garoonka Aadan Cadde. Booqashada Ra’iisul Wasaare Abii Axmed ayaa ah tii ugu horreysay ee uu Soomaaliya ku imaanayo taniyo markii ay labada dal dhex martay xiisad dublumaasiyadeed oo meeshii ugu sarraysay gaartay, balse ugu dambeyn lagu xalliyay heshiis ka dhacay magaalada Ankara. Source: goobjoog.com
  18. A new “personalised” online tool that predicts the most effective medication for individual patients with type 2 diabetes could benefit millions of people with the condition, researchers have suggested. It comes as a study found that fewer than one in five people with the condition in England are on the best medication for them to manage blood sugars. Designed by researchers at the University of Exeter, the tool allows doctors to go online and input clinical data that is routinely collected on patients with diabetes. This includes body mass index (BMI), cholesterol, and HbA1c, a blood test that measures average blood sugar levels over the previous two to three months The platform then recommends the most effective medication to lower blood sugar for that individual patient. Researchers said their model is the first to their knowledge that gives a choice between five major drug classes, including DPP-4 inhibitors, GLP-1R agonists, sulfonylureas, SGLT2 inhibitors, and thiazolidinediones. READ MORE: People with diabetes told to eat one popular fruit at certain time to lower blood sugar Qaran News
  19. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si buuxda ula wareegtay hoggaaminta howlgalka cusub ee AUSSOM, kaas oo kaalintiisa lagu sheegay mid ku kooban taageero farsamo oo ay siin doonaan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedyada. War saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa loogu mahadceliyay Midowga Afrika oo horay u lahaa awoodda hoggaaminta iyo siyaasadda lagu maamulo ciidanka nabad ilaalinta. War saxaafadeedka ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay u mahadcelineysaa Guddiga Midowga Afrika – Waaxda Arrimaha Siyaasadda, Nabadda & Amniga ee isugu yeertay Guddiga Xiriirinta Howlgallada Soomaaliya. Shirkaan muhiimka ah oo ay isugu yimaadeen Taliyeyaasha Ciidamada, Taliyeyaasha Booliska, iyo Wasiirada Gaashaandhigga ayaa looga hadlay baabiinta ATIMS iyo dhameystirka dhismaha howlgalka AUSSOM. Kulanka ayaa hoosta ka xarriiqay in DFS ay awood u leedahay go’aaminta dhismaha iyo dhismaha AUSSOM. Sida kor ku xusan, qaab-dhismeedka ciidamada DFS ayaa la ansixiyay, waxaana uu noqon doonaa qaab-dhismeedka aasaasiga ah ee hawlgelinta AUSSOM. Kulanka ayaa la isla gartay sida ay uga go’an tahay dhammaan bah-wadaagta taageeridda geeddi-socodka nabadda Soomaaliya. Kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Afrika uu la shaqeyn doono dhammaan dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya iyo dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya si loo soo celiyo shaqaalaha iyo qalabka aan ka mid noqon doonin AUSSOM. Kulanka ayaa la isku afgartay in daba-gal uu jiro kulanka khubarada farsamada si loo dhameystiro qorshaha dirista iyadoo laga duulayo qaab dhismeedka howlgallada ee lasoo bandhigay. Kulanka ayaa waxaa uu ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay in si wada jir ah loo abaabulo agabka AUSSOM, waxaana la mahadiyay naf huridkii balaarnaa ee T/PCC 17-kii sano ee la soo dhaafay, waxaana la mahadiyay dadkii u soo dhabar adaygay gudashada waajibaadkooda shaqo”. Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo ka tirsan Golaha Shacabka, kana soo jeeda Jubbaland, ayaa si adag uga hadlay xildhibaannadii laga soo celiyey garoonka Aadan Cadde, isagoo shaaciyey cawaaqibka ay ka dhaxli doonto xukuumadda uu hoggaamiyo Xamsa. Xiddig ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in safarkii laga hor istaagay xildhibaannadii u socday Kismaayo loo ciqaabo, xilkana looga qaado raggii ka dambeeyey, isagoo u hanjabay xukuumadda. “Dad badan oo masuuliyado kala duwan haya ayaa xilkooda ku waayi doona wixii shalay ka dhacay garoonka. In xildhibaan la hor istaago waxay u dhigantaa in Baarlamaanka dhan la hor istaagay,” ayuu yiri. Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa sheegay in go’aankii shalay safarka looga baajiyey xildhibaannada uu noqon doono kii ugu dambeeyey ee xildhibaan looga hor istaago safarkiisa. “Xayiraadda saaran Jubbaland waxaan ku soo afjari doonaa mooshinkan, waana uga mahadcelineynaa guddoomiyaha in ajendaha uu noogu daray mooshinkan. Is-hortaagii shalay wuxuu noqon doonaa kii ugu dambeeyey ee qof reer Jubbaland ah lagu dhaco,” ayuu yiri Xiddig. Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig ayaa sidoo kale ku goodiyey in kulamada Baarlamaanka aan looga hadli doonin wax kale ilaa kiiskan laga xaliyo oo cid mas’uuliyadda dusha laga saaro. “Waxaan la tacaalaynaa nidaam qowleysato ah oo fashilmay, kuwaas oo doonaya inay dadka ku ciqaabaan aragtidooda yar ee doorasho qof iyo cod ah, iyagoo dadkii ay codka ka doonayeen haddana ciqaabaya,” ayuu yiri. Cabdirashiid Xiddig ayaa si toos ah u sheegay in qorshaha raggani – oo uu ula jeedo xukuumadda – aysan u shaqeyn doonin doonistooda qabashada doorasho qof iyo cod ah. “Waan fashilin doonaa kooxdaan,” ayuu yiri. Hadalkaan Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig wuxuu ka sheegay shir jaraa’id oo afaafka hore ee xarunta Golaha Shacabka uu ku qabtay, kadib markii uu maanta kooram la’aan u baaqday kulankii Golaha oo mooshin la geeyey. Mooshinka ayay xildhibaannadan ku dalbadeen faahfaahin ku saabsan sababta labo xildhibaan looga soo celiyey garoonka, iyadoo loo diiday safar ay doonayeen inay ku tagaan Kismaayo, oo cunaqabatayn ay saartay dowladda federaalka. Hoos ka daawo
  21. Aadan Yabaal (Caasimada Online) – Hoggaamiyihii Macawiisleyda deegaanka Ceel Cali Axmed ee gobolka Shabeellaha Dhexe ee muuqaalkiisu baraha bulshada qabsaday isagoo sharaxa sidii Khawaarijta ay isaga difaaceen, uguna laayeen deegaanka, iyagoo saaran Masjidka ayaa isku dhiibay kooxda.! Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Cabdi Maxamuud Suubiye (Cabdi Wabiir) wuxuu ahaa oday geesi ah oo laga yaqaan deegaankaas, waxaa laga dhigay hoggaamiyaha macawiisleyda deegaanka Cali Axmed, waxaana halkaas uga warqabtay dowladda oo lacag iyo rasaas-ba sii jirtay. Khawaarijta ayaa maanta baahisay muuqaal laga duubay Cabdi Wabiir oo gacanta ku haysta marada madow ee calanka u ah argagixisada, isagoo sheegaya in Al-Shabaab uu isku dhiibay, uguna baaqaya saaxiibadiis inay argagixisada isku dhiibaan, wuxuu noqday muuqaal aad loola yaabay. Rag kale oo ka mid ah macawiisleydii uu Cabdi Wabiir hoggaaminayey ayaa laga dhex arkay muuqaalka, balse Cabdi Maxamuud Suubiye (Cabdi Wabiir) hadda wuxuu ku jiraa gacanta dowladda, wuxuuna ku xiran yahay Godka Jilicow ee Muqdisho. Hadaba sidee Cabdi Wabiir iyo kooxdiisa ay ugu gacan galeen Khawaarijta, kadibna ugu soo noqdeen gacanta dowladda oo ugu dambeyn Muqdisho ku soo xirtay? Sida ay ogaatay Caasimada Online, Ninkaan wiilkiisa ayaa ku jira horjoogayaasha Khawaarijta, maalin ka hor howlgalkii Al-Kowsar iyo Cali Axmed ee lagu laayey Al-Shabaab, inta uusan bilaabay waaberigii hore ayuu aadan sahan ay duurka uga raadsanayaan kooxda, isagoo wata rag kale oo tiradooda lagu sheegay 5 ilaa 6. Balse waxay toos ugu tageen Al-Shabaab oo jooga dhulka howdka ah ee gobollada Galgaduud iyo Sh/Dhexe ay ku kala rogmadaan, halkaas ayaa looga duubay muuqaalka, isla maalinkaas waxaa dhacay weerarkii kooxda lagu laayey ee Al-Kowsar ay ku soo qaadeen, isagana waxaa loo maleynayey in la qabtay ama la dilay, laakiin hadda waxaa cadaatay in toos uu isugu dhiibay kooxda. Markii laga duubay muuqaalka, waxaa laga qaaday qoriyihii isaga iyo saaxiibadiis, kadibna waxaa loo diray raggii kale ee macawiisleyda kala tirsanaa, wicitaano badan kadib waxay ku guul dareysteen in macawiisleydii kale ay ku qanciyaan qorshaha ku biirista Khawaarijta, waxaana sidaas ku fashilmay oo dadka deegaanadaas ogaadeen in Cabdi Wabiir iyo ragga la maqan ay Shabaab jiraan. Intaas kadib, wiil uu dhalay Cabdi Wabiir oo horjoogayaasha Shabaab ku jira ayaa odaga la soo hadlay, wuxuuna u sheegay in la siray oo waxaba aysan ka fuli doonin balan-qaadyada loo sameeyey, raggii uu Ceel Cali Axmed ku laayana aan loo cafi doonin, markii lagu daneystana la gowrici doono, isagoo kula taliyey in meesha uu isaga tago oo dowladda isku dhiibo. Cabdi Wabiir oo talo ku xuntahay qorigiisiina uu Shabaab u gacan galay, balantii lagu soo xera-geliyana looga baxay, ayaa mar kale maanta ka soo dhuuntay Khawaarijta, wuxuuna soo galay degmada Aadan-Yabaal isagoo cararaya oo faro-maran, markii la wareystana waxba waa sheegi diiday. Intii la joogay Aadan Yabaal oo xogta laga raadinaayey ninkaan waxaa soo dhacay muuqaalkii ay Shabaab ka duubeen, waxayna dowladdu qaadatay go’aan deg deg ah, waxaana lagu soo xiray Godka Jilicow ee Muqdisho, si baaritaan ugu bilowdo. Kiiskaan oo kale wuxuu dhowr bilood ka hor ka dhacay Xarardheere, halkaas oo nin oday ah oo qori Seban ah wata lagu soo bandhigay, kaas oo ka tirsanaa macawiisleyda, una muuqday nin uu daacad ka yahay dagaalka Khawaarijta, ilaa uu gaaray heer la isku qabsaday reerka uu yahay oo baraha bulshada aad loogu faafiyey. Maalmo kadib waxaa soo yeertay in odagaas uu u goostay Khawaarijta, weerarro badan oo uu soo hoggaamiyey kadib, isagoo rafaadsan oo juwaano kuwata qaraxyo ayaa lagu qabtay duleedka Xarardheere, waana la xiray. Labadaan kiis oo isku eg, waxaa laga baran karaa in kooxaha Khawaarijta ah ay xiriirkooda raadiyaan, juhdina ku bixiyaan, soo helidooda ragga halyeeyada ah ee kasoo dhalaala dagaalka, ee dadku buun-buuniyaan, si loo han-jebiyo bulshadii ku faraxday kartidiisa, waana fikrado ay adeegsato argagixisadu oo u dhamaanaya cabsi gelin, natiijo badana aan laheyn. Hoos ka eeg sawirrada markii uu Cabdi Wabiir la dagaalamay Al-Shabaab, markii uu isku dhiibay iyo maanta oo lasoo qabtay.
  22. Mogadishu (HOL) — Faadumo was only seven when a medical error left her partially paralyzed, altering the course of her life. Decades later, her battle is not just with physical limitations but with a society that views disability as a mark of shame. Source: Hiiraan Online
  23. Mogadishu (HOL) — Burundi has officially begun withdrawing its troops from Somalia, ending an 18-year deployment under the African Union's peacekeeping missions. Source: Hiiraan Online
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa maanta sheegay in mooshin ka dhan ah safarkii shalay laga baajiyey ee Kismaayo ay ku tegi lahaayeen ay ka gudbeen xukuumadda. Banaanka hore ee xarunta golaha shacabka ayuu shirkaan jaraa’id ku qabtay Cabdirashiid Jire oo ay garbihiisa taagnaayeen inta badan xildibaanada mucaaradka ah oo Xildhibaan Cabdirashiid Xiddig oo isna hadlay uu kamid yahay. “Xukuumadda hadda jirta hal-abuur malaha, yaysan marin wadadii Farmaajo uu ku fashilmay ee hal abuur kale oo dalka ay ku maamusho hala timaado, waxaan ka xunahay maanta in Kooramkii ay baajiyeen golaha wasiirrada oo 40 xildhibaan ku kalaa golaha,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jire Qalinle. Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xildhibaanadii wasiirrada ahaa lagu amray in kulankii maanta aysan imaan, si kooramku u yaraado oo kulanku u baaqdo. “Kulanka maanta hadii uu furmi lahaa waxaa la is weydiin lahaa wixii shalay dhacay, sidii ay wax u dhaceen ayaa laga doodi lahaa, laakiin cabsi jirta darteed ayaa loo baajiyey kulankii, war la imaada hal abuur cusub oo dadka aad ku caburisaan,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdirashiid Jire. Xildhibaanka ayaa Sabtiga ay mar kale golaha horgey doonaan mooshinka ay wadaan, “Waxaan canbaareyneynaa cunaqabateynta Jubbaland muddo 6-bilood ah, sabtiga waxaan rajeynayaa in baarlamaanku ka soo saaro qaraar cunaqabateynta looga qaadayo Jubbaland,” ayuu yiri Cabdirashiid Jire. Xildhibaanka ayaa xildhibaanada kale ugu baaqay in safarkii shalay laga hor istaagay uu lamid yahay, iyadoo garoonka laga soo celiyey 275-ta xildhibaan oo goluhu ka kooban yahay, sida uu hadalkiisa u dhigay. Hoos ka daawo
  25. Ra’iisul Wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa maalinta berri ah booqasho rasmi ah ku imaanaya magaalada Muqdisho, taasi oo jawaab u ah safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh uu horraantii sannadkan 2025 ku tegaley Addis Ababa, kaddib Baaqii Ankara oo dowladda Turkiga garwadeenka aheyd, laguna xaliyay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dal. Wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa berri ka soo dagaya garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho, waxaana si weyn loo adkeeyay Ammaanka Muqdisho, qeybo ka mid ah duulimaadyada gudaha iyo kuwa dibadda la hakiyay, inta aan ka aheyn duulimaadyada Turkish Airlines iyo Ethiopian Airlines. Sawirada Abiy Ahmed ayaa lagu dhejiyay wadada dheer ee garoonka Diyaaradaha illaa Madaxtooyada, waa booqashadii labaad rasmi ah oo Ra’iisul Wasaare Abiy ku imaan doono Muqdisho, kaddib safarkiisii u horreeyay sanadkii 2019. Kaddib safarka Abiy ayaa la filayaa inuu todobaadyo kaddib uu Soomaaliya iyo Ethiopia booqasho Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo isku mari doona Muqdisho iyo Addis Ababa. PUNTLAND POST The post Ra’iisul wasaaraha Ethiopia oo lagu wado in uu maalinta berri ah booqasho ku yimaado Soomaaliya appeared first on Puntland Post.