Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kooxda Al-Shabaab (AS) waa cadowga ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Ma ahan koox u taagan dan Soomaaliyeed, mana jirto meel ay kasoo gasho diinta Islaamka waxa aay u dagaalamayan . Sidaas darteed, ma habboona in dagaalka lagula jiro kooxdaasi loo arko mid gaar u ah beel ama deegaan keliyah. Source: Hiiraan Online
  2. Mogadishu (HOL) — Somalia's expanding security alliances are driving instability in the Horn of Africa, according to a new study that warns these dynamics are exacerbating proxy conflicts and undermining peace efforts. Source: Hiiraan Online
  3. What To Know State Department travel advisories for Americans are grouped into four categories. Level 1 warnings urge travelers to “exercise normal precautions,” while Level 2 advisories suggest exercising “increased caution.” Level 3 warnings say potential visitors to a particular country should “reconsider travel,” while the highest warning, Level 4, simply states, “do not travel.” The warnings cover a host of countries from the Near East to Sub-Saharan Africa, with countries in the north, central region, and the south of the continent all featuring in various advisories. The full list of advisories can be found on the State Department’s website. Advisories are frequently updated by the State Department to ensure they remain relevant. For example, Ghana’s Level 2 guidance was updated on April 8, while Level 3 guidance was updated for Chad and Niger last month. Level 4 advisories were updated for the Democratic Republic of the Congo in January and South Sudan on March 8. The current advisories are: Level 1 advisories, which have the lowest perceived risk for Americans, include countries such as Senegal, Mayotte, and Zambia. Level 2 advisories are in place for Morocco, Tunisia, Angola, Botswana, Cameroon, Comoros, Cote d’Ivoire, Djibouti, Eritrea, Gabon, the Gambia, Ghana, Kenya, Liberia, Madagascar, Malawi, Namibia, Republic of the Congo, Rwanda, Sierra Leone, South Africa, Tanzania, and Zimbabwe. For example, the advisory for Botswana warns: “Crimes of opportunity, primarily the theft of money and personal property, are common in Botswana. Potentially violent crimes, such as home invasions, break-ins, ‘smash and grabs’ from vehicles stopped at intersections and from locked cars in shopping mall parking lots, cell phone thefts, and muggings are routinely reported to police.” Level 3 warnings include Egypt, Burundi, Chad, Ethiopia, Mozambique, Nigeria, and Uganda. For example, the warning for Egypt issued by the State Department reads: “Reconsider travel to Egypt due to terrorism. Exercise increased caution in Egypt due to the Embassy’s limited ability to assist dual national U.S.-Egyptian citizens who are arrested or detained.” While the Nigeria warning states: “Reconsider travel to Nigeria due to crime, terrorism, civil unrest, kidnapping, and armed gangs.” Level 4 advisories are in place for countries including Burkina Faso and the Central African Republic. The Burkina Faso warning says that a state of emergency exists across some regions, and warns “terrorism, crime, and kidnapping” pose a serious threat. While the warning for the Central African Republic tells travelers to avoid the country “due to armed conflict, crime, civil unrest, and kidnapping, as well as Embassy Bangui’s limited capacity to provide support to U.S. citizens.” Libya, the Democratic Republic of the Congo, Mali, Somalia, Somaliland, South Sudan, and Sudan are also covered by Level 4 warnings. Africa is not the only part of the world that has sparked such warnings by the State Department. Many countries in Europe are also under travel advisories for American visitors. For example, Americans are warned simply to “reconsider” any plans to travel to war-stricken Ukraine, while others planning trips to other European countries such as the United Kingdom, France, Spain, and Germany are urged to “exercise increased caution” over fears of terror attacks. And the warnings go both ways. Earlier this month, Germany, the U.K., Finland and Denmark all revised their official guidance, saying that entry into the U.S. is not guaranteed and that travelers may face increased scrutiny at the border. The move followed an immigration crackdown by Trump that has led to mass deportations and seen even tourists and green card holders subjected to increased scrutiny upon arrival in the U.S. Meanwhile, in a move that pre-dated Trump’s second term, multiple countries issued travel warnings to their citizens about the dangers of visiting America due to the threat of gun violence. What People Are Saying On Saturday, the State Department’s Bureau of African Affairs was forced to issue a warning following an outbreak of violence in North Darfur in Sudan, which left nine U.S.-funded aid workers dead. The agency wrote on X, formerly Twitter: “The U.S. is deeply alarmed by reports of attacks by the RSF on Zamzam and Abu Shouk IDP camps outside El Fasher, North Darfur. We condemn the RSF’s attacks on the most vulnerable of civilians, including the killings of 9 U.S.-funded relief workers providing critical life-saving assistance. We urge the protection of civilians, including humanitarian workers. We also call for opening humanitarian corridors to enable humanitarian access and the safe passage of civilians fleeing violence. The belligerents must uphold their obligations under international humanitarian law and must be held accountable.” What Happens Next? Anyone planning a trip to Africa should check the latest guidance on the State Department’s website about the location they are intending to visit. News week Qaran News
  4. Maamulka SSC-Khaatumo ayaa si rasmi ah dowladda federaalka Soomaaliya ugu wareejiyey 25 maxbuus oo lagu qabtay dagaalkii ka dhacay magaalada Laascaanood. Maxaabiistaan ayaa lagu wareejiyey gacanta dowladda si loo geeyo Hargeysa, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo dib u heshiisiinta gobolka. Sii deynta maxaabiistan ayaa timid kaddib booqashadii dhawaan uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ku tagay magaalada Laascaanood. Booqashadaas ayaa la sheegay in ay horseedday is-faham siyaasadeed oo sabab u noqday in SSC-Khaatumo ay qaaday tallaabadan nabadeed. Sarkaal ka tirsan maamulka SSC-Khaatumo ayaa sheegay in maxaabiista lagu wareejiyey dowladda dhexe si ay u fududeyso geeddi-socodka dib u celintooda, iyadoo la filayo in la geeyo magaalada Muqdisho kahor inta aan loo sii gudbin Hargeysa. Somaliland ayaa dhankeeda heysa maxaabiis badan oo kasoo jeedda Magaalada Laascaanood. Source: goobjoog.com
  5. 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐌𝐮𝐝𝐚𝐧𝐞 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐱𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢𝐥𝐚𝐚𝐡𝐢 (𝐂𝐢𝐫𝐫𝐨) 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐪𝐚𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥𝐚𝐲 𝐗𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐃𝐡𝐢𝐫-𝐁𝐞𝐞𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐉𝐒𝐋 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta ka qayb galay laba Xafladood oo isku-sidkan oo kala ahaa : Xuska Maalinta Dhir-Beerista Qaranka JSL ee 15.April iyo Daah-furka Beerista 𝟑 𝐌𝐢𝐥𝐲𝐚𝐧 oo Geed, muddo xileedka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad. Xafladdaa waxa soo agaasimay Wasaaradda Degaanka iyo Isbeddelka Cimilada. Ujeedada guud ee Munaasibadda Maalinta Dhir-Beerista Qaranka JSL waxay ahayd in laga hortago saamaynta taban ee Isbeddelka Cimiladu ay ku leedahay guud ahaan noolaha, gaar ahaana nolosha bulshada Somaliland. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ka hadlay Xafladda Maalinta Dhir-Beerista Qaranka waxa uu sheegay in kor u kaca heer-kulka, xaalufka baad iyo biyo-ba leh, abaaraha soo noqnoqday, bara-kaca bulshada xoolo dhaqata ah iyo beeraleyda ee sida xad-dhaafka ah ugu soo hayaamaya Magaalooyinka, dhammaantood waa arrimo salka ku haya Isbeddelka Cimilada iyo xaalufinta dhirtii uu dalkeenu hodanka ku ahaa. Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in Dhir la’aantu ay tahay Nolol la’aan, waayo waxa ku xidhan nolosheenna iyo ta xoolaheenna. Mashruuca Dhir-Beerista 3 Milyan oo Geed muddo Xileedka Xukuumadda Wadajir iyo Waxqabad ayaa waxa dib loogu soo celinayaa carrada ku-haboon wax beerista, waxana lagaga hortagayaa nabaad-guurka muddooyinkii ugu dambeeyey ku dhacay carrada. Tallaabadan ayaa waxay salka ku haysaa ballan-qaadyadii uu Madaxweynaha JSL la galay bulshada Somaliland xilligii doorashada. 𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇, 𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫) 𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 Qaran News
  6. Mogadishu (HOL) — Somalia ranks 142nd out of 145 countries in the 2025 Global Firepower Index, placing it among the world's least-equipped militaries with a Power Index score of 4.2037, ahead of only Bhutan, Benin, and the Central African Republic. Source: Hiiraan Online
  7. Mogadishu (HOL) — Open-source intelligence analysts have reported the presence of an Israeli-manufactured radar system near the UAE-operated Bosaso Air Base in Somalia's Puntland region. Source: Hiiraan Online
  8. Mogadishu (HOL) — The United States and six Gulf states have imposed coordinated sanctions on 15 senior Al-Shabaab members and financial facilitators, targeting the militant group's funding networks across southern Somalia in a multilateral effort to disrupt its ability to carry out attacks and destabilize the region. Source: Hiiraan Online
  9. Mogadishu (HOL) — Somalia’s National Independent Electoral and Boundaries Commission (NIEBC) launched voter registration on Tuesday in Mogadishu, marking a historic step toward the country’s first one-person, one-vote elections since 1967, scheduled for 2026. Source: Hiiraan Online
  10. Shacabka ku dhaqan degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa si weyn isugu soo baxay is-diiwaan gelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka, taas oo si rasmi ah uga bilaabatay saaka magaalada Muqdisho. Degmada Shangaani ayaa noqotay tii ugu horreysay ee lagu bilaabo howlaha diiwaangelinta shacabka u diyaar garoobaya doorashada golaha deegaanka, taasoo qeyb ka ah dadaallada socda ee lagu hormarinayo nidaamka dimuqraadiyadda iyo dowlad dhiska dalka. Dadka deegaanka oo isugu jira dhalinyaro, haween iyo odayaal dhaqameed ayaa safaf dheer ugu jiray xarumaha diiwaangelinta, iyaga oo muujinaya hamigooda ku aaddan in ay ka qayb qaataan geedi socodka doorashada iyo in codkooda uu yeesho miisaan siyaasadeed. Mas’uuliyiin ka tirsan guddiga doorashooyinka qaranka iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa booqday xarumaha diiwaangelinta si ay u kormeeraan habsami u socodka howlaha, iyagoo sheegay in degmada Shangaani ay tusaale u noqon karto degmooyinka kale ee doorashadu ka dhici doonto. “Shacabka Shangaani waxay muujiyeen wacyi sare iyo biseyl siyaasadeed. Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka dimuqraadiyeynta dowladaha hoose,” ayuu yiri mid ka mid ah mas’uuliyiinta doorashada. Doorashooyinka golayaasha deegaanka ayaa loo arkaa kuwo muhiim u ah dhismaha maamul hoose oo hufan, lagana filayo in ay sare u qaadaan doorka shacabka ee ka qaybgalka siyaasadda. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda degmooyinka kale ee gobolka Banaadir ay si tartiib tartiib ah ugu biiraan diiwaangelinta, iyadoo la rajeynayo in dhammaan muwaadiniinta da’doodu u dhiganto codbixinta ay helaan fursad ay ku diiwaangashaan. Source: goobjoog.com
  11. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo ku sugan magaalada ayaa la wareegay 25 kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii SSC-khaatumo iyo Somaliland, sida ay shaaciyeen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Khaatumo oo War-murtiyeed wadajir ah soo saaray. Ra’iisul Wasaare Xamse oo garwadeen ka ah barnaamij lagu nabadaynayo SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa maxaabiistan oo duruufo gaara leh ku celin doona Qoyaskooda oo ku sugan Somaliland, sida ku xusan War-murtiyeedka Wadajirka ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-khaatumo ka soo saareen booqashadii Ra’iisul Wasaare Xamse ku tegey magaalada Laascaanood. “Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, ayuu Maamulka SSC- Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka reer SSC-Khaatumo, kuwaas oo leh duruufo gaar ah, waxayna DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba” ayaa lagu yiri War-murtiyeedkaasi. Dhinaca kale, dowladda Federaalka Soomaaliya oo tixgelinaysa go’aankii 6, Feb 2023 ka soo baxay odayaasha dhaqanka Khaatumo ayaa Maamul Goboleed Rasmi ah u aqoonsatay SSC-khaatumo, sida lagu sheegay Warmurtiyeedka wadajirka ah “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay Maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay Dowlad Goboleed lagu dhameystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho (Dastuurka). Halkan ka akhriso Warmurtiyeedka PUNTLAND POST The post Maamulka SSC-khaatumo oo dowladda Soomaaliya ku wareejiyay 25 maxbuus oo laga qabtay Somaliland appeared first on Puntland Post.
  12. Guddiga doorashooyinka Qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka daahfuraya is diiwaangelinta doorashada qofka iyo codka ah ee ay dowladda Soomaaliya horay ugu dhawaaqday in laga qabanayo dalka, ayadoo lagu billaabayo doorashada goleyaasha deegaanka. Is diiwaangelinta ayaa si rasmi ah looga daahfuri doonaa degmada Shangaani, ayadoo dadweynaha degmadaasi ay nasiib u yeesheen inay lagu billaabo muwaadiniinta loo diiwaangeliyo codbixiyaasha doorashada qofka iyo codka ee dowladdu horay u shaacisay. Ammaanka caasimadda, gaar ahaan Degmada Shangaani ayaa aad loo adkeeyay, ayadoo la filayo in masuuliyiin ka tirsan dowladdu ay daahfuraan is diiwaangelintan oo ah tii ugu horreysay ee Muqdisho ka dhacda in ka badan 50 sano ah. Source: goobjoog.com
  13. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo maalmahan ku sugan magaalada Laascaanood ee caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo iyo masuuliyiinta maamulkaas kulamo kala duwan ka yeeshay xaaladda guud ee deegaanadaas iyo arrimaha ammaanka ayaa isku afgartay in la sii daayo 25 maxbuus oo kamid askartii Soomaaliland ee lagu qabtay dagaalkii Goojacadde sanadkii 2023-kii. 25-kan maxbuus oo la sheegay inay duruufo gaar ah qabaan ayay dowladdu dhowaan dib ugu celin doontaa deegaanada Soomaaliland si ay eheladoodii ula midoobaan, sida lagu sheegay war-murtiyeed ay wadajir u soo saareen DFS iyo maamulka SSC-Khaatumo. Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in safarka Ra’ïisul Wasaaraha ay qeyb ka tahay xallinta dhibaatooyinkii ka dhashay dagaalladii dhex maray Soomaaliland iyo SSC-Khaatumo, balse lama oga in maxaabiistan Soomaaliland looga badelan doono kuwa kale ee xabsiyadeeda ku jira iyo in toos loo sii deyn doono. Source: goobjoog.com
  14. Ra’ïisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hogaaminaayo, ayaa 12kii 15kii April 2025 booqasho taariikhi ah ku tagay Magaalada Laascaanood ee Caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo, booqashadan ayaa looga gollahaa xoojinta Nabadda, Midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Ra’ïisul Wasaaraha iyo wafdigiisu intii uu joogay Magaalada Laascaanood wuxuu kulammo kala duwan la yeeshay Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye), Golaha wakiillada, Isimadda Dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhallinyarada, Ganacsatada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, waxayna isla qaadaa dhigeen xaaladda deegaanka SSC-Khaatumo. Mahadcelin & Bogaadin Ra’ïisul Wasaaruhu waxa uu uga mahadceliyay Maamulka iyo Shacabka SSC-Khaatumo soo dhaweyntii qiimaha badnayd ee ay u sameeyeen Ra’ïisul Wasaaraha iyo Wafdigiisa, Waxa uu bogaadiyay sida ay reer SSC-Khaatumo uga go’antahay ka shaqeynta Nabadda iyo Midnimada Qaranka Soomaaliyeed, Islamarkaana waxa uu soo dhaweeyay sida Mugga iyo milgaha leh ee ay Maamulka, Shacabka iyo Ciidammada SSC-Khaatumo uga go’antahay ilaalinta Nabadda iyo u adeegidda bulshada. Qodobadda ka soo baxay Shirarkii Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo: 1. Arrimaha Amniga Maamulka iyo shacabka SSC-Khaatumo waxay si buuxda u taageereen Dagaalka Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed kula jiraan Khawaarijtu Alshabaab iyo Daacish. Xukuumadda JFS waxa ay bogaadisay amniga, xasilloonida iyo kaladanbaynta ka jirta deegaannada Maamulka SSC-Khaatumo. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo waxa ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan arrimaha dib u habaynta iyo horumarinta ciidanka SSC-Khaatumo, iyadoo la waafajinayo hannaanka amniga Qaranka (National Security Architecture). 2. Arrimaha Siyaasadda Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu taageeray barnaamijka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dadaallada Xukuumadda Dan-Qaran ee Dowlad-dhiska, Horumarinta, Nabadda, Midnimada Dalka, Dimoqraadiyaynta iyo Xaqiijinta Xaqa Muwaadinka. Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu taageeray gogosha Nabadeed ee uu Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud uu fidiyay, waxayna SSC-Khaatumo diyaar u tahay in ay ka qeyb-qaadato Gogoshaas. 3. Xoojinta Nabadda iyo Midnimada Ummadda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka SSC-Khaatumo waxa ay isla garteen in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan xoojinta nabadda iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. 4. Aqoonsiga Maamulka SSC-Khaatumo Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo tixraacaysa go’aankii 6dii February 2023 ee Isimada Dhaqanka iyo Waxgaradka SSC-Khaatumo, go’aankii ay DFS ugu aqoonsatay Maamul Kumeel gaar ah 19kii Oktoobar 2023, waxa ay u kuur gashay arrimaha dib u dhiska maamulka SSC-Khaatumo, iyo wadajirka dadkeeda, ka dib markii ay xaqiijiyeen ka go’anaanshaha dadka reer SSC-Khaatumo ee dhismaha hay’adaha Dowladdnimada, Isla markaana si faah-faahsan loo darsay horumarka laga sameeyay dhammaystirka dastuurka iyo u diyaar garawga shirka guud ee SSC-Khaatumo, waxa ayna xukuumaddu go’aansatay; B) In DFS, Maamulka SSC-Khaatumo u aqoonsatay Dowlad Goboleed, laguna dhameystiro shirweynaha iyo heshiiska bulsho (Dastuurka T) In maamulka SSC-Khaatumo xubin buuxda ka noqdo Golaha wadatashiga Qaranka (NCC). J) In deegaanada maamulka SSC-Khaatumo ay yihiin deegaano kamid ah DFS, looguna yeeri karin deegaano lagu muransan yahay (disputed area). Waana in Hay’adaha DFS, Kuwa aan Dowliga ahayn iyo saaxiibadda Soomaaliya uga howlgalaan SSC-Khaatumo si lamid ah sida ay deegaannada kale ee Soomaaliya uga howlgalaan. 5. Hirgalinta Mashaariicda horumarineed Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka SSC-Khaatumo waxa ay si wada jir ah uga wada shaqayn doonaan hirgalinta mashaariic horumarineed oo wax ka badali doona nolosha dadka reer SSC-Khaatumo. 6. Arrimaha Maxaabiista Iyada oo la tixgalinaayo Barnaamijka Nabadeynta ee uu garwadeenka ka yahay Ra’ïisul Wasaaraha Xukuumadda JFS, ayuu Maamulka SSC-Khaatumo oo la tashaday Golayaasha Maamulka ku wareejiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya 25 maxbuus oo kamid ah maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii Somaliland iyo dadka reer SSC-Khaatumo, kuwaas oo leh duruufo gaar ah, waxayna DFS dib-ugu-celin doontaa ehelkoodii iyaga oo badqaba. Gunaanad Maamulka SSC-Khaatumo waxa uu u mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’ïisal Wasaaraha, Xukuumadda JFS taageerada iyo garab istaagga shacabka iyo Maamulka SSC-Khaatumo. Booqashada Ra’ïisul Wasaaraha oo ahayd middii u horraysay ee uu RW Soomaaliyeed ku yimaaddo Magaalada Laascaanood ayaa ku soo gaba-gabawday farxad, nabad, iyo midnimo. Waxa uuna RW hu ku booriyey ummadda Soomaaliyeed in ay gacmaha is qabsadaan, ka shaqeeyaan amniga, horumarinta iyo midnimada. Source: goobjoog.com
  15. Dowlad goboleedka Puntland ayaa si adag u beenisay war saacadihii la soo dhaafay baraha bulshada lagu hadal-hayay oo ku saabsanaa inay mushaarkii ka joojisay ciidamada ku sugan deegaanada maamulka SSC-Khaatumo, ka dibmarkii dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay aqoonsanayso. War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga Puntland ayaa lagu sheegay inay been-abuur tahay xogta ku saabsan mushaar joojintaasi, waxayna Wasaaraddu intaas ku dartay in laamaha ammaanku ay tillaabo ka qaadi doonaan kuwa caadaystay faafinta been-abuurk. Dhowaan ayay ahayd markii Puntland ay sidaanoo kale u beenisay in garoomadeeda ay ka joojisay diyaaraddii qaaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee geysay Laascaanood, ka dib markii xogo arrintaas tilmaamaya baraha bulshada lagu baahiyay. Source: goobjoog.com
  16. Open Letter to the President of the Republic of Somaliland- H.E. Abdirahman Mohamed Abdillahi-Amb. Adam Muse Jibril Subject: State Building in Somaliland – Feats, Fallbacks, and the Need for Urgent Reforms Dear H.E. President, Through the course of State Building in Somaliland, remarkable feats have been gained, and within this period of state formation and democratization, serious gaps had been experienced, that occurred as a result of lack of enough foresight and commitment by the majority of the political elite. As a concerned citizen, I write to respectfully highlight key areas that require urgent attention to ensure the sustainability of our progress and to strengthen the foundations of our nation-building efforts. The prospect for positive developments and chances of sustainability would depend on the extent of vision, seriousness, and determination of the leadership. Mr. President, I therefore bring to your attention the following critical areas that require immediate and deep reform: The Council of Elders (Guurti): The Somaliland Guurti had come into being as the need of struggle against the Siyad Barre regime required by taking care of three equally important duties: Recruitment, Mobilization, and Fund-raising issues for the SNM armed wing (fighters). After the liberation of the country by SNM, both the nature and functions of the Guurti have changed. Immediately after the liberation, the Guurti started operating in the area of peace and reconciliation campaigns and continued leading the efforts for stabilization, and as the pillars of reconciliation, they remained as an indispensable factor. From these positions, they turned out to be the Council of Elders and then as the upper chamber of the Parliament. Unfortunately, this very important institution had not been reelected or reappointed and remained an unrepresented body till today. That is the reason why this lawmaker Council should not remain unrepresented but should be legitimized by either public election or renomination by their communities. The Civil Servant question: One critical issue for the state-building process lies in the lack of clear Civil Servant policy. For example, on a global level, Civil Servant is the main pillar of the State in any country of the world, and based on the civil servant law, any person of the Civil Servant body remains in his post until his retirement. What is happening here in Somaliland is something contrary to the norms in use in the world, in relation to the place and role of the Civil Servants. Unfortunately, after every election, the new president starts to discharge almost all civil servants and substitutes them with supporters of the new president. This started to happen from the Silanyo government and continued with President Muse Bihi, continued with President Abdulahi Irro. However, since the State Bureaucracy (Deep State) is not only the state management but also is the memory of the state and government, here the non-politicized body of the state apparatus became a matter of necessity to exist. Through a non-politicized concept of the state bureaucracy, the state becomes a national ownership; it does not belong to one party, or one clan, or region, or a certain group of people. That is the reason why the civil servants should remain neutral and out of politics. It is well known and acceptable globally that without a well-experienced and depoliticized state bureaucracy, there is no state at all. Somaliland Political Parties and the virus of Clannism. In the Somali society, clannism in politics is a historical dilemma. It is a social phenomenon that holds back the process of state building. Therefore, the tribal nature of the Somaliland Political Parties is a matter of political pandemic and a historical disadvantage, and thus a stumbling-block to the deeds and endeavors of detribalization of the political parties and organizations. On the other hand, it is a matter of unavoidable historical reality, which emanates from the socio-economic reality of the society. Tribalism or Clannism, even as a backward historical category, is not the problem, but the problem begins when the majority of the political elites lack a patriotic mind and adhere to tribalism, and lead political parties from positions of opportunism. De-Tribalization of the Somaliland parties should come through a process of qualitative renovation from clan entities to national institutions. This needs to be understood, not as a matter of short-term process, but a long and painstaking transformation of the society from clan-based to community-class based society. Because it is to deal with a crucial need for the evolutionary nature of society. The required goal is two things: 1) a highly educated, cultured and honest political elite as leaders of the Political parties’ and 2) a party building program that can produce new generations of leadership. The current of corrupt political-illiterates prevalent on the Somali political arena will remain the source of reproduction of Clannism and Statelessness. In Conclusion: Mr. President, the challenges outlined above are not new — but they are urgent. The success of Somaliland’s statehood project depends not only on what we have achieved, but on the reforms we are willing to implement. We need a credible Guurti, a professional civil service, and political parties built on political national ideology rather than clan identity — parties that transcend narrow clan interests and reflect the national vision. I respectfully urge your leadership to initiate serious reforms in these three areas. Your legacy, and the future of our republic, will be defined by the courage to act in the national interest. The people of Somaliland are ready — now, more than ever — for a new chapter of inclusive, professional, and visionary governance. Respectfully, Adam Muse Jibril Concerned Citizen Qaran News
  17. Dawladda Al-jeeeriya ayaa dalkeeda ka eriday 12 Dublumaasi oo u dhashay waddanka Faransiiska ka dib markii Paris lagu xidhay dad ka soo jeeda Aljeeriya. Xukuumadda Al-Jaris waxa ay 48 saacadood u qabtay in ay Dublumaasiyiintani dalkaas kaga baxaan oo ay ku tagaan dalkii ay u dhasheen Faransiiska. Paris oo arrinkan ka fal celisay ayaa cambaaraysay tallaabada Aljeeriya iyada oo sheegtay in aanu xaalku ahayn mid halkaa gaadhay haddana loo baahan yahay sidii loo heshiin lahaa. Source
  18. Waxaa jira nin u dhashay dalka Falastiin oo magaciisu la yidhaahdo Cabdibaari Cudwaan. Waa tifaftire sare oo ka tirsanaa wargeyska Af-Carabiga ku baxa ee lagu magacaabo Al-Qudus Al-Carabi, kaas oo ka soo baxa magaalada London ee dalka Ingiriiska. Cabdibaari wuxuu caan ku yahay inuu si kulul oo dareen badan uga hadlo dhacdooyinka kala duwan ee ka socda Bariga Dhexe, gaar ahaan marka uu ka hadlayo telefiishanada Carabta. Markii dambe waxa yaraaday kullanadii lagu martiqaadi jirey waxaanu furay akoon YouTube ah oo uu ku soo bandhigo falanqayntiisa. Falanqayntiisu waxay ahayd mid heer sare ah xilligii hore, sababta oo ah dadku may haysan wax ka baxsan wargeysyada iyo saxaafadu waxa ay u soo bandhigto, taas oo imika si weyn isku bedeshay. intaa wixii ka dambeeyey, wuxuu u leexday inuu si degdeg ah uga falceliyo dhacdooyinka dhacaya, waana midda sida fudud u abuurtay ama hoos u dhigtay qiimaha iyo tayada dhegeysigiisa. Waxa arrintan i xasuusiyey Sheekh Cabdiraxmaan Bashir. Marka uu ka hadlayo siyaasadda Geeska Afrika, gaar ahaan tan Soomaalida, wuxuu u hadlaa si aan dheellitirnayn aniga aragtideyda, marar badan doodiisa waxa sal u ah inay ku tiirsanaato warar dhex wareegaya baraha bulshada. Halkii laga filayay in uu noqdo falanqeeye ku dhisan xog sugan oo aan dhinacna u janjeedhin maadaama uu in badan isku dayo inuu soo min guuriyo buugaag si cufan loo qoray. Habeen dhaweyd, waxa aan dhegeystay wareysi uu Sheekhu kaga hadlayey saameynta Imaaraadka Carabta uu ku leeyahay Geeska Afrika, gaar ahaan dhulka Soomaalida. Sida aan anigu u fahmay, wuxuu arrintaasi ku eegayey wax ka badan 90% aragtida dowladda Qatar iyo xogaha ay bixiyaan cidda xidhiidhka la leh ee ay ka mid yihiin warbaahinta ay maalgashato sida Aljazeera. Marna hadalkiisa kuma jirin isku day uu ku muujinayo dheelitirnaan, xitaa marka laga hadlayo dhinacyo siyaasadeed oo isdiidan. Waxa intaa dheer oo aan in badan u fiirsaday marka uu sheekhu ka faalloonayo qadiyadaha siyaasadeed, beeleed ama goboleed ee ka jira dhulka Soomaalida, waxa muuqata in aanu lahayn aragti naqdi oo meel loogu soo hagaago leh (Consistency) oo joogto ah. Taas bedelkeeda, wuxuu si degdeg ah uga jawaabaa dhacdooyinka warbaahinta Somalida dhex socda oo kalsoonidoodu hooseyso, iyadoo natiijadoodu muddo kooban gudeheed laga yaabo inay is bedesho, waana mid ka mid ah waxyaabaha hoos u dhigay ninka aan kor ku soo xusay. Source
  19. President Donald Trump bitterly attacked “60 Minutes” shortly after the CBS newsmagazine broadcast stories on Ukraine and Greenland on Sunday, saying the network was out of control and should “pay a big price” for going after him. Source: Hiiraan Online
  20. Wasiirka Amniga Puntland Dowladda Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa beenisay warqad lagu faafiyay baraha oo ku saabsan in ay Puntland mushaarka ka jartay ciidamada ku sugan furimaha difaaca SSC-khaatumo. Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Amniga dowladda Puntland ayay ku caddaysay in ay been abuur tahay warqadda sheegaysa in mushaarkii laga jaray ciidamada ku sugan furimaha hore ee SSC-khaatumo, islamarkaana aysan warqaddaasi ka soo bixin wasaaradda Amniga Puntland. “Wasaaradda Amniga Puntland waxay halkaan ka cadaynaysaa in warqadda tixraaceeda lagadhigay XW/MOS/DDR/PL/059 taas oo ujeedo looga dhigay Joojita Mushaharka Ciidamada ku sugan Furimaha Tukaraq & SSC-Khaatumo laguna taariikheeyay Abriil 14 2025, ay tahay warqad been abuur ah oo aan waxba ka jirin islamarkaana aysan kasoo bixin xafiiska Wasiirka Amniga Puntland.” “Hadaba, dhamaan hay’adaha amniga dowladda puntland waxaa la farayaa in ay talaabo adag ka qaadaan cid kasta oo caadaysata in ay ka been abuurtaan hay’adaha Dowladda Puntland” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Amniga dowladda Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo beenisay in ay mushaarka ka jartay ciidamo ku sugan furimaha difaaca SSC-khaatumo appeared first on Puntland Post.
  21. Laascaanood (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa hadhimo-sharafeed lagu maamuusayey kaga qeyb-galay duleedka magaalada Ari-Caddeeya oo 30 KM dhanka waqooyi ah kaga beegan magaalada Laascaanood. Ra’iisul Wasaare Xamza oo la hadlay shacabka magaalada ayaa sheegay in ay farxad gelinayso booqashada taariikhi ah ee uu ku soo gaaray dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaankan. Waxa uuna ballan-qaaday in ay dhawaan heli doonaan xuquuqdooda dastuuriga ah oo ay kamid tahay doorashooyinka dadweyne ee la qorsheeyay in ay ka qabsoomaan dalkeenna. Ra’iisul Wasaaraha oo ay weheliyaan hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo, Cabdulqaadir Firdhiye iyo madaxda ka tirsan Hey’addaha heer federaal, ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta iyo martisoorka loogu sameeyay Beerta Suldaan Mustafe Maxamuud Aw Seed, ee duleedka Adhi-Caddeeye. Ra’iisul Wasaaraha oo labadii maalmood ee u dambeeyey ku sugnaa magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka KMG ee SSC-Khaatumo ayaa dhagax dhigay ilaa siddeed mashruuc oo hirgalintoodu ay ahmiyad weyn u leedahay bulshada deegaanka, halka uu daah-furay xarunta qaadashada kaarka muwaadinka. Socdaalka Xamza oo loogu magac daray “socdaalkii nabadda iyo midnimada” ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare ka tirsan dowladda federaalka uu ku tago magaaladaasi. Safarka Xamza ayaa waxaa si adag uga horyimid maamulka Somaliland oo horey uga talin jiray magaalada Laascaanood, balse looga saaray dagaal, kadibna waxaa si buuxda uga talinaysay SSC-Khaatumo, oo dowladda federaalka u aqoonsatay mid kamid ah maamul goboleedyada dalka. Hoos ka daawo muuqaalka
  22. Waxay ahayd dhaqan aan Soomaaliya looga baran intii muddo ahayd, waliba aan laga fileyn nidaamka uu hoggaamiyo Xasan Shiikh Maxamuud in dad shacab ah ay xoog kula baxaan meydka maxbuus xukuman oo dowladdu ay dooneyso inay iyada xabaasho!… Waxaa shaki la’aan ah in aaska dowladdu uusan noqdeen mid innaba ha yaraatee wax tix gelin ah lagu siinayo in la maamuuso habka loo aasayo General Sheegow Axmed Cali, waxaase loo qaadan karaa in danta ugu weyn dowladdu ahayd sida xeerka u dhigan qofka maxbuuska ah haddii uu xabsiga ku dhinto isagoo aysan muddadii xarigiisa u dhammaan inay gacmaha iyo lugahaba laga katiinnadeeyo oo sidaas xabaasha lagu dhigo ka dibna halkaas looga soo furo! Waa suuro gal in xil-dhibaannada deegaankiisa ay wadeen dadaalo ay ku doonayaan in loo sameeyo aasitaan lagu maamuusayo darajadiisa ciidan oo ay la ahayd in dowladda aan runta looga baran ay dooneyso in Generalka loo maamuusay sida saraakiisha ay isku darajada yihiin!… Waa soddon iyo shan sano ka dib, weli waxay dad badan is weyddiinayaan; sida ay ku suuro gashay, in Alle ha u naxariistee General Sheegow Axmed Cali meydkiisa ay taageerayaashiisa si qasab ah ugala baxaan isbitaalkii uu ku dhintay ee Digfeer?!… oo sidee bay u dhacday?! In kasta oo ay soo bareereen taageerayaasha Gen. Sheegow oo ay khatar la hubo u soo bannaan baxeen iyagoo qoryo fud-fudud oo aan badneyn ku hubaysan haddana sida ay wax u dhaceen waxaa lagu ammaani karaa dad-weynaha iyo hay’adaha ammaanka qaabilsan. Taageerayaasha ayaa markii ay meydka soo qaateenba toos ula soo aaday gigada diyaaradaha Aadan Cadde si ay ugu qaadaan isla markaasna ugu aasaan gobolka uu ka soo jeeday Generalka ee Shabeelaha DHexe. Waxaana arrin xusid mudan ah in taageerayaasha iyo guud ahaan shacabka faraha badan ee ku nool magaallada Muqdisho aysan soo gaarin khasaarihii laga cabsanayay. Wuxuu iska hor imaad aan weyneyn ka dhacay KM4, halkaasoo ciidamo uu soo amray taliyaha NISA Cabdullaahi Sanbalooshe ay isku dayeen inay ku hor joogsadaan dadkii yaacayay ee garbaha ku watay meydka… Waxaa iyadana arrin wanaagsan ahayd in shacabka intiisa badan ay muujiyeen isku duubni dareen mideysan oo shacabnimo, kaasoo ay iyagoo mid ah uga hor tageen dhacdo sida la sheegay gabood fal lagula kacay sarkaal ka tirasanaa ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed. Marka ay timaado muranka la xiriira darajada ciidan ee uu Sheegow Axmed Cali xirnaa, waxay wararka tilmaamayaan in darajadaas ay ahayd mid sax ah oo rasmi ahaan uu Xasan Shiikh Maxamuud u dalacsiiyay Sareeye Guud ama General, waxaana jira dad goob joogayaal ahaa oo ka qayb galay xaflad loogu sameeyay General Sheegow magaallada Jowhar markii darajadaas la siiyay, mana jirto ilaa iyo hadda war rasmi ahaan ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga oo si sugan loogu beeniyay darajada iyo arrimaha la xiriira askarinimmada General Sheegow Axmed Cali oo aan ka ahayn dooddii Xeer Ilaalinta maxkamaddii xiratay Sheegow Axmed Cali, oo iyadu marna ku sheegtay inuusan weligiis askari noqon oo uu beeraleey ahaa, oo generaalnimmada ay ahayd naaneys uu isagu sameystay, haddana ku sheegtay inuu ahaa sarkaal laba xiddigle ah, ugu dambeyntiina, geeridiisii ka dib waraaq ay soo saartay maxkamadda ciidmmada qalabka sida ayeey ku sheegtay inuu Dhamme (Captain). Waxaa iyadana warar kala duwan ka soo baxeen qaabka dhimashada General Sheegow Axmed Cali, dhammaan wararkaas waxay wada tilmaamayaan inaysan dowladda xil iska saarin xanuunka Sheegow oo sida la sheegay muddo laba bil ah ku dhex xanuunsanaa xabsiga uu ku jiray, iyadoo dhinaca jalana dadka ehelladiis ah iyo taageerayaashiisa si aan kala har lahayn ay u rumeysanyihiin in Sheegow si ula kac ah loo dilay ee uusan bas u dhimman, waxayna ku eedeynayaan inuu dilku ahaa mid qorsheysan oo uu ka dambeeyay Xasan Shiikh Maxamuud, inkastoo aysan jirin wax caddeyn ah oo ay ku xaqiijinayaan arrintaas, haddana waxay sababta u weyn ku sheegeen in muddo labo bilood iyo dheeri oo laga soo deyrinayay caafimaadkiisa aan dhaqtarka la geyn oo ay muddo dheer qaadatay in dhaqtarka la keeno, iyo inay iyaga ay muddadaas dowladda weyddiisanayeen inay dhaqtar geystaan oo loo diiday, waliba xil-dhibaannada ka soo jeeda gobolkiisa iyo ehelladiisaba ay la xiriireen Xasan Shiikh Maxamuud iyagoo si shakhsi ka codsanaya in loo oggolaado inay soo daweystaan, hasa yeeshee uu mar kasta Xasan Shiikh Maxamuud ku adkeysanayay inay dowladdu daaweyneyso. Dhinaca kale, tallaabadii ay qaadeen taageerayaasha General Sheegow Axmed Cali, Khamiistii, April 10, 2025, runtii waxay ahayd mid baal maarsan xeerarka dalka, iyo guud ahaan dhaqanka dowladnimmada, hasa ahaatee waxaa eedda dhacdadaas khatarta ku ahayd nolosha dad-weynaha iyo guud ahaan ammaanka magaallada Muqdisho qaadanaya oo mas’uuliyaddeeda dushiisa noqoneysaa nidaamka Xasan Shiikh Maxamuud, kaasoo aan looga baran inuu ku dhaqmo xeerarka iyo shuruucda dalka u taal, inuu run u sheego dad-weynaha, iyo innaba ha yaraatee inuu fuliyo ballan uu qaaday, waxaana mararka qaarkood loo qaadan karaa in Xasan Siikh Maxamuud ereyga siyaasad ugu macneysanyahay; inuu wax khayaano, inuu been sheego, iyo inuu ballan uu qaaday uu ka baxo! Waliba sifahaas ma aha mid ay adagtahay in laga dhex helo dhaqankiisa siyaasadeed ee maalinlaha ah!… marka dhacdadaas iyo kuwo la mid ah inay dhici karaan ma ahayn lama filaan, waana fikirka ay ku salaysantahay aragtida gaaban ee nidaamka siyaasadeed ee Loo Joojin Maayo! Waxaa iyadana jirta in tuhun badan iyo shaki uu ku gadaamanyahay sida uu Xasan Shiikh Maxamuud ku galay dagaalka is bowdyo qaawinta beenta ah ee isagoo ul ka dheer wata naadinayay inuu la dagaalayo Al-SHabaab, dagaalkaas oo ay ku dhinteen ciidamo lagu sheegay guutooyin iyo horimo dhallin-yaradii xoogga dalka Soomaaliyeed ka mid ahaa. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidammada Soomaaliyeed oo aan kala sheekeysaday sida wax u dhaceen ayaa ku tilmaamay dagaalka Al-SHabaab ee uu Xasan Shiikh Maxamuud ku dhawaaqay inuu ahaa mid uu dalka ku khayaanay, oo danta uu ka lahaa ay ahayd labo arrimood: A) Inuu baabi’iyo ciidanka iyo ciidammada, heer federaal ee uusan isaga maamulkiisa qorin, wuxuuna arrintaas ku guuleystay qiyaas ahaan 85% oo ciidammadii qalabka siday ee xilligii Farmaajo la qoray waxa ka jooga hal xero ma buuxin karaan, badankoodna waxay ku dhinteen dagaalo aan la qorsheyn oo uu geliyay Xasan Shiikh Maxamuud, intoodii soo hartayna waxay u baxsadeen meelihii ay is lahaayeen waad ku badbaadi kartaa… Ololaha noocaas ah weli ma dhammaan. B) Si uu ciidammada Maamul-Goboleeddada u naafeeyo ama uu u baabi’iyo, una hor joogsado xuquuqda ciidan ee ay leeyihiin, sida in la hubeeyo iyo in la taba baro, wuxuuna taas ku bedelay inuu hubeeyo ciidammo Macawisleey ah, isagoo ujeeddadiisa tahay in maamullada ka tirsan federal-ka aysan yeelan ciidamo, isla markaasna maamuladii weydiistay inuu ciidammada u qalabeeyo wuu ka diiday, wuxuuna isku dayay inuu isagu u keeno ciidamo federal ah, taasina waxay abuurtay kala shakin iyo in ciidammada federal-ka ay noqdaan kuwo ay shaqadooda ku egtahay Xamar! Waxaa kaloo ay taas fursad hor leh siisay in dalalka shisheeyaha ah ay xiriiro ciidan oo u gaar ah iyaga la sameystaan, sida ; Itoobiya iyo Midowga Immaaradaha Carabta. Tallaabadii ay Khamiistii April 10, 2025, qaadeen taageerayaasha Gen. SHeegow ma ahayn mid qaynuun ahaan iyo sumcad ahaan wax ku soo kordhineya nidaamka dowladnimo, habka ay wax u dhaceenna waxaa la oran karaa wuxuu ahaa hab uu weli socdo dagaalkii lagu qaaday gurigii laga soo qabtay General Sheegow, iyo askartiisii, waxaana muuqatay inay u soo bareereen dagaal inay galaan, waxay si aysan shaki ka qabin u fahamsanaayeen in nidaamka Xasan Shiikh Maxamuud uusan wax ixtiraam ah u hayn dadka iyo haybadda dowladnimo ee dalka, sida ay wax u dhaceenna ma ahayn si ay filayeen! Generaal Sheegow Axmed Cali, keligiis ma aha ama ciidammada Soomaaliyeed ee lagu eedeeyay Xasan Shiikh Maxmuud inuu dilay ama shirqool uu u sameeyay sababtiisa ay u dhinteen, waxaana marar badan Xasan Shiikh Maxamuud lagu eedeeyay inuu mas’uul ka ahaa ama shirqoolay guutooyin ciidamo ah iyo saraakiil lagu jebiyay furimaha hore ee dagaallada lagula jiro Al-SHabaab, waxaana marar badan la sheegay in guutooyin dhan oo ciidamo Soomaaliyeed ah oo taba baro ku soo qaatay dalal kala duwan ay xeryihii ay ku jireen cidleeyeen markii lagu gaajeysiiyay ama siyaabo kale loo dibindaabyeeyay… Marka la fiiriyo natiijada ka dhalatay in meydka General Sheegow ay taageerayaashiisa la baxeen waxay muujineysaa in ciidmmada iyo hay’adaha ammaanka ay hadda u egtahay inay fahmayaan dowladnimmada la sheegayo inay tahay dhowritaanka dadka shacabka ah! Waxaa kale oo ay caddeyn u tahay in shacabka Soomaaliyeed ay garowsadeen waajibkooda ah inay garab istaagaan muwaadhinka sheeganaya xuquuq laga duudsiyay, ama gabood fal loo geysto, isla markaasna dulmiga loo geysto shakhsi ka mid ah dad-weynaha uu yahay mid loo geystay dhammaan shacabka. Waxaana cajiib ah in dhacdadaas ay dowladdu aad hoos ugu dhigtay haddii ay ahayd khataraha ka dhallan karay xagga amaanka isla markaasna ay qaadatay ama dooratay qaab wanaagsan oo yareeyay khasaaraha… Generaal Sheegow Axmed Cali, ayaa ugu dambeyntii Jamcihii lagu aasay tuulada Baqdaad, ee hoos tagta magaallada Jowhar oo ahvmeeshii uu ku dhashay. Ciidanka Soomaaliyeed oo ah kuwa oggolaaday inay naftooda u huraan jiritaanka ummadnimo, iyo dowladnimo ee shacabka Soomaaliyeed, waxay haystaan taageerrada dad-weynaha, waxaana hubaal ah in cadow faro badan oo gudaha iyo dibaddaba ah ay ka quusteen inay u soo bareeraan ama ku xad gudbaan Soomaaliya, waxayna mudanyihiin saraakiishooda, saraakiil xigeenadooda, iyo dableydaba inay helaan xuquuqda iyo sharafta ay dadka iyo dalka ugu qiimeysanyihiin, oo ah jiritaanka ummadda iyo dowladda, waxaana waajib ku ah shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan, isla markaasna ay ka dhiidhiyaan oo aysan fududeysan waxyaabaha agagaarkooda ka dhacaya ee wax u dhimaya mudnaanta ciidammada xoogga dalka… Sharafta iyo mudnaanta la siiyo ciidammada xoogga dalka Soomaaliyeed waxay u taagantahay Qaranimo iyo Soomaalinimmada cadowgu duullaanka ku yahay. Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan The post Ciidammada iyo hay’adaha amniga ayaa ku ammaanan xil-kasnimmada ay ku dhamaatay arrintii Gen. Sheegow appeared first on Puntland Post.
  23. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa si rasmi ah looga daahfuray ololaha qaran ee diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha. Waxaa la qorsheynayaa in bartamaha toddobaadkan ay magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaabato diiwaangelinta muwaadiniinta ku dhaqan caasimadda. Dadkaasi ayaa la filayaa in ay ka qeyb qaataan doorashada golaha deegaanka oo loo asteeyey in ay qabsoonto bisha Juun. Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa sheegay in ololahaani uu yahay fursad dahabi ah oo dib loogu soo celinayo awoodda go’aan ka gaarista shacabka. Wuxuu si gaar ah u xusay in diiwaangelinta si rasmi ah looga bilaabi doono Degmada Shangaani maalmaha soo socda, isagoo ugu baaqay shacabka gobolka in ay si firfircoon uga qeyb qaataan. Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa sheegay in 15-ka bishaan April si rasmi ah loo furi doono goobaha diiwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isagoo xusay in dhammaan diyaar garowgii loo baahnaa uu dhammaaday. Dhankiisa, Maxamed Axmed Yabooh oo ah Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda gobolka Banaadir, ayaa sheegay in toddobaadkan gudaheed laga bilaabi doono diiwaangelinta sagaal degmo oo ka tirsan gobolka. Wuxuu sidoo kale xusay in maamulka gobolka uu bulshada ku wacyigelinayo muhiimadda ay leedahay ka qeyb-galka doorashada qof iyo cod. Maamulka gobolka Banaadir ayaa qeyb ka ah dadaallada ay dowladda federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso inay ku qabato doorasho qof iyo cod ah, xilli ay siyaasiyiinta mucaaradka u arkaan in nidaam aan sax aheyn loo maray hanaankan doorasho.
  24. AQPDeYrqFufGR7NAypmDeMp31iHG8Fvybwt7T2lt3pmwAUkKKP9HDfL03bLgsddaEIHPf3MRm0ctUJr7prcYgcUW Qaran News
  25. Dowladda Boqortooyada Midowday ee UK ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay $3.9 milyan ku kordhisay kaalmada ay siiso Sanduuqa Taageerada Ciidamada Ammaanka Soomaaliya (SSF), kaas oo ay maamusho Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS). Sanduuqan ayaa hadda taageera 18,900 oo askari oo ka kala tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Booliska Soomaaliya. Taageeradan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo la dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Sanadkii 2024, taageerada UK ayaa sababtay in 6,000 tan oo raashin ah iyo 2,000 tan oo shidaal ah la gaarsiiyo ciidamada, iyadoo sidoo kale lagu guuleystay in boqolaal askari oo ku dhaawacmay dagaallada laga daadgureeyo goobaha ay wax ka dhaceen (casevac). Lacagtan cusub waxay si gaar ah u taageeri doontaa hawlaha muhiimka ah ee UNSOS sida: Sii wadista bixinta raashinka ciidamada, Shidaalka, Daadguraynta dhaawacyada (medevac iyo casevac). UNSOS waxay u baahan tahay ugu yaraan $2 milyan bishii si loo kordhiyo tirada ciidamada la taageerayo ilaa 20,900 oo askari, taas oo waafaqsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay lambarkiisu yahay 2767 (2024). Safiirka UK ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, ayaa yiri: “UK waa saaxiib dhab ah oo Soomaaliya la leh. Waqti muhiim ah oo dagaal loola jiro xagjiriinta, waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo taageeradan cusub. Waxaan ugu baaqayaa beesha caalamka inay iyaguna gacan ka geystaan taageerada Sanduuqa SSF si loo dhiso Soomaaliya nabdoon oo xasilloon.” Source: goobjoog.com