-
Content Count
213,698 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan kula qaatay magaalada Dooxa Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamiim Bin Xamad Al Thani. Madaxweynaha iyo Amiirka ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, xaaladda gobolka iyo heshiisyada iskaashi ee ay horey uwada galeen Soomaaliya iyo Qatar, kuwaas oo ku saabsan maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha, amniga iyo diblumaasiyadda. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la wadaagay Amiir Tamiim xaaladda guud ee dalka, qorsheyaasha horumrineed ee hirgalay ee dib u habaynta dowladnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo hannaanka doorashooyinka tooska ah oo dalku u jihaystay. Dhankiisa, Amiir Tamiim Bin Xamad ayaa muujiyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Qatar ay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya, isagoo sheegay in ay door muuqda ka qaadanayaan horumarinta iyo xasilloonida Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in uu joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, isagoo sheegay in go’aankaasi ku saleysan yahay danta guud iyo dareenka bulshada. Hadalkan ayaa yimid xilli xiisado iyo mudaharaadyo ay ka jireen qaar ka mid ah gobollada Somaliland, gaar ahaan Boorama. Madaxweynaha, oo muuqaal rasmi ah soo dhigay warbaahinta, ayaa tilmaamay in masuuliyadda ugu weyn ee dowladda ay tahay ilaalinta nabadda, wadajirka shacabka, iyo xasiloonida guud ee dalka. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Maanta waxaan Madaxweynaha ahaan joojiyey munaasabadda xuska Xeer Ciise, aniga oo ka eegaya danta guud iyo dareenka ummaddayda…” Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay socdaan dadaallo nabadeed oo la doonayo in lagu dejiyo xiisadda labada beelood ee walaalaha ah ee ku kala nool gobolka Selel. Waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo culimada ayaa ku baaqayay in xukuumaddu qaaddo tallaabooyin xasillooni lagu soo celinayo, si looga hortago wax kasta oo kicin kara iska horimaad ama kala shaki bulsho. Joojinta xuska Xeer Ciise ayaa loo arkaa mid ka tarjumaysa: In xukuumaddu dhageysatay cabashada bulshada, In la doonayo in laga hortago rabshado kale, In la abuuro jawi ku habboon wada hadal iyo xal nabadeed. Madaxweynaha ayaa ugu dambayn ku baaqay in shacabka Somaliland ay ka wada shaqeeyaan ilaalinta amniga iyo wada-jirka, isagoo ballanqaaday in dowladdu sii wadi doonto dedaallada lagu xalinaayo muranka jira. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay xaaladda magaalada Boorama ayaa walaac ka muujisay qalalaasaha rabshadaha wata ee ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, halkaas oo ay ku dhinteen dad rayid ah, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen. Dowladdu waxay sheegtay inay aad uga xun tahay dhacdooyinkaas, waxayna tacsi tiiraanyo leh u dirtay ehelada dadkii ku geeriyooday, iyadoo sidoo kale u rajeeysay caafimaad degdeg ah muwaadiniinta dhaawacyadu soo gaareen. Dowladda ayaa ku tilmaamtay falka dhacay mid nasiib-darro ah oo laga baaqsan karay, iyadoo ku baaqday in laga fogaado wax kasta oo sii hurin kara xiisadda taagan. War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in maamulka Soomaaliland looga baahan yahay inay u turaan shacabka deegaanka, lana dhagaysto tabashadooda, iyadoo si masuuliyad leh loo wajahayo xal u helista cabashooyinka. Dowladda ayaa ku adkaysatay muhiimadda ay leedahay in la dhowro dareenka bulshada iyo in laga dheeraado ficillada khalkhal gelin kara amniga iyo xasilloonida magaalada Boorama iyo guud ahaan Gobolka Awdal. Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka, Culimada, Ganacsatada, Haweenka, Dhalinyarada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Awdal inay muujiyaan deganaansho, isla markaana ay joojiyaan wax kasta oo halis gelin kara badqabka iyo wadajirka bulshada, iyadoo wada-hadal loo arko jidka keliya ee lagu xallin karo xiisadda taagan. Ugu dambayn, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay caddeysay inay diyaar u tahay ka qayb qaadashada gurmadka caafimaad ee dhaawacyada u baahan daryeel dheeri ah, iyada oo ay ka go’antahay ka shaqeynta nabadda, xasiloonida iyo ilaalinta nolosha shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Source: goobjoog.com
-
Fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa galaaftay jawi kacsan, kadib markii dood kulul oo la xiriirtay rabshadihii Boorama ay isku beddeshay gacan-qaad iyo feer uu dhexmaray laba xildhibaan. Xildhibaan Ilkacase iyo Xildhibaan Buraale, oo sidoo kale ah Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, ayaa si toos ah ugu dhacay muran kulul oo ku saabsan qaabka ay xukuumaddu u maareysay xiisaddii ka dhalatay fasaxa bandhigga buugga Xeer Ciise. Daqiiqado yar gudahood, doodda ayaa isu rogtay hadallo kulul, kadibna gacan-ka-hadal, taas oo keentay in guddoonka goluhu si degdeg ah u joojiyo fadhiga. Goobjoogayaal ka tirsan Golaha ayaa sheegay in labada xildhibaan ay isku eedeeyeen: In mid walba uu kicinayo xiisadaha bulshada, In maamulka Boorama uusan si habboon u maareyn amniga, In xukuumadda Somaliland ku degdegtay go’aankeedii ku saabsanaa bandhigga Saylac. Ammaanka gudaha Golaha ayaa ku dadaalay kala dhex-galka xildhibaanada si looga hortago in rabshaddu sii socoto, iyadoo ugu dambayn labada xildhibaan laga saaray qolka fadhiga si xaaladda loo dejiyo. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa cambaareeyay falkii dhacay, isagoo ku tilmaamay mid aan habbooneyn oo aan ka tarjumayn mas’uuliyadda xildhibaanimo Source: goobjoog.com
-
Dowladda Uganda, gaar ahaan Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (UCC), ayaa ku hanjabtay in ay xannibi karto baraha bulshada haddii la arko in lagu faafiyo warar qalqal gelin kara amniga dalka inta lagu guda jiro doorashada madaxtinnimada ee 2026. Hadalkan ayaa ka soo baxay Dr Abudu Waiswa, Agaasimaha Arrimaha Sharciga ee UCC, oo ka hadlay shir ay yeesheen hay’adaha maamula doorashooyinka, kaas oo ka dhacay Hotel Sheraton ee Kampala 4-tii December 2025. Dr Waiswa wuxuu sheegay in baraha sida Facebook, X (Twitter), TikTok iyo WhatsApp ay khatar ku noqon karaan amniga doorashada haddii lagu dhibaateeyo bulshada, lagu faafiyo warar been abuur ah, ama lagu abaabulo qalalaase. UCC waxay sheegtay: In baraha bulshada loo adeegsan karo khalkhal gelinta amniga. In haddii “si khaldan loo adeegsado,” ay dowladda qaadi karto tallaabo ah in gebi ahaanba la xannibo adeegyadaas. In tallaabadan ay u aragto mid loogu talagalay badbaadinta amniga qaranka. Hadalkan ayaa soo baxay xilli Uganda ay ka socoto diyaar garowga doorashada 2026, halkaas oo muran badan ka taagan yahay musharixiinta qaarkood iyo xaaladda siyaasadeed ee gudaha dalka. Dadka dhaliila dowladda Madaxweyne Museveni waxay sheegayaan in hanjabaadda UCC ay qayb ka tahay dadaal lagu caburinayo aragtida mucaaradka iyo warbaahinta madaniga ah, iyadoo horey doorashooyinkii 2021 lagu arkay in baraha bulshada la xannibay maalmo ka hor codeynta. Shacabka iyo ururrada xuquuqda aadanaha ayaa ku boorinaya dowladda in aysan adeegsanin awoodaha xannibaadda, balse ay xoojiso wacyigelinta, ilaalinta xorriyadda hadalka, iyo dhexdhexaadnimada hay’adaha doorashada. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jartay buundada muhiimka ah ee deegaanka Sabiib, taas oo muddooyinkii dambe burbur iyo halis laga dareemayay, una aheyd marin istaraatiiji ah oo isku xira degmooyin badan oo gobolka ku yaalla. Munaasabadda furitaanka buundadan oo ka dhacday deegaanka Sabiib ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha, wasiirka Arrimaha Gudaha, Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, wakiillo ka socday AUSSOM, iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya. Mas’uuliyiintan ayaa si wadajir ah xarrigga uga jaray buundada Sabiib iyo tan Caanoole, oo labaduba dib-u-dhis lagu sameeyay. Buundadan ayaa lagu tilmaamay mid sare u qaadi doonta isku socodka shacabka, dhaqdhaqaaqa ganacsiga, iyo howlaha difaaca ee ciidamada, maadaama deegaanka Sabiib uu yahay goob muhiim u ah isku xirka Muqdisho iyo qeybo kale oo ka tirsan Shabeellaha Hoose. Source: goobjoog.com
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa ka warbixiyay howlgal culus oo maanta ka dhacay deegaanka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, kaas oo jab culus lagu gaarsiiyay kooxda Al-Shabaab. Qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgal ka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay lagu beegsaday fariisi ay kooxda ku lahayd halkaasi, kadibna ay la wareegeen ciidamada dowlada iyo kuwa deegaanka. “Hawlgalka oo si xirfadeysan loo fuliyay ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay kooxda khawaarijta ku lahaayeen deegaankaas, waxaana ciidamada la wareegeen kontaroolkii muhimka ahaa ee ay halkaasi ku lahaayeen maleeshiyaadka khawaarijta” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Sidoo kale waxaa goobta lagu dilay xubno kamid ahaa argagixisada halka kuwa kalena ay ja firxadeen goobta, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. “Intii uu hawlgalka socday, ciidamada ayaa khasaare culus gaarsiiyay maleeshiyaadkii khawaarijta ee ku sugnaa halkaasi, iyagoo sidoo kale ka kala eryay deegaankaasi guud ahaan” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana haatan ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda ay howlgal ka wadaan aagga deegaanka Cowswayne oo kamid ah deegaannadan hoostaga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. Cowswayne ayaa kamid ah deegaannadii ay dib ula wareegtay kooxda Al-Shabaab, waxaana sanadkii 2023-kii ay ka fulisay weerar ay ku leysay askar iyo saraakiil muhiim ahaa oo ka tirsaan Xoogga dalka, kuwaas oo illaa hadda hadal hayo, maadaama uu noqday mid kamid ah weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya Al-Shabaab oo xilligaas sheegasho yaab leh kasoo saartay weerarkii Cowswayne waxa ay sheegtay inay ku dishay illaa 178 askari, sida ay hadalka u dhigtay. The post Xogta howlgal culus oo ka dhacay Cowswayne appeared first on Caasimada Online.
-
London (Caasimada Online) – Feeryahanka caanka ah ee Soomaaliyeed Ramla Cali ayaa muuqaal ay ku baahisay barteeda TikTok ku sheegtay in Dowladda Maraykanka loo diiday dal-ku-gal ay kaga qayb gashay barnaamij si toos ah looga daawan doono Netflix oo ay kasoo qaybgalayaan feeryahanno caan ah. Ciyaarta ugu culus ayay dhex mari doontaa feeryahankii caanka ahaa ee hore, laba jeer ku guuleystay biladda feerka culus, Anthony Joshua oo 36 sano jir ah oo reer Britain ah, iyo YouTuber-ka feeryahan noqday ee Jake Paul. Ciyaartan ayaa ka dhici doonta garoonka ciyaaraha ee Kaseya Center ee ku yaalla magaalada Miami. Kulankan feerka, oo si toos ah looga daawan doono Netflix, ayaa la qaban doonaa 19-ka December, waxaana uu ka koobnaan doonaa siddeed wareeg, midkiiba saddex daqiiqo. Ramla, oo ku hadlaysay muuqaal ay duubtay, ayaa sheegtay in booqashadeedii dhowaan ee Soomaaliya ay sabab u noqotay in laga hor istaago ka-qaybgalka tartan la qorsheeyay in uu qabsoomo 19-ka December. Waxay codsatay Madaxweynaha Soomaaliya, Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, iyo masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan, in ay fuliyaan ballanqaadkoodii ahaa in loo soo saaro baasaboorka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya. Ramla ayaa sheegtay in loo ballanqaaday in ay heli doonto baasaboorka Soomaaliga ee diblomaasiyadeed si ay u booqato dalka Maraykanka ugana qayb gasho ciyaartaas. “Wasiirrada markii aan u socday Soomaaliya ayaan u sheegay, ballan ay iga qaadeen baasaboorka diblomaasiga in ay i siiyaan si ay iigu fududaato Ameerika inaan galo,” ayay Ramla ku tiri muuqaalkii ay soo gelisay barteeda. “Madaxweynuhu, wasiirrada iyo kuwii oo dhan way iga ballanqaadeen. Weli waan sugayaa. Weli wax iima soo dhicin, hadda ma dheeli karo 19-ka December,” ayay tiri iyada oo hadalkeeda sii wadata. Ramla Cali oo ah gabadh taariikh ka samaynaysa dhanka feerka, Soomaaliya-na ku metelaysay ciyaaro badan oo feer ah, ayaa noqotay haweeneydii ugu horreysay ee ka soo jeedda Soomaaliya ee u tartanta ciyaaraha feerka ee Olombikada. Sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii Ramla ay ku guuleysatay tartan feer ah, waxayna noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim ah ee ku guuleysata feer dalka Britain. Wixii ka dambeeyey guushaas waxay go’aansatay in Soomaaliya ay ku matasho tartanka Olombikada, gaar ahaan feerka. Sanadkii 2023-kii, waxay ka mid noqotay Xulka Haweenka Adduunka ee shabakadda Time. Sidoo kale, waxay heshiis la gashay shirkadda MVP (Most Valuable Promotions) oo ah hay’ad taageerta ciyaartoyda feerka, waana shirkad uu dhismaheeda qayb ka yahay feeryahanka caanka ah ee Jake Paul oo isna ciyaar aad loo sugayo ku leh Miami. “Ramla waa quwad isbeddel oo caalami ah, una isticmaalaysa masraxeeda in ay ku baabi’iso caqabadaha, dhiirrigelinaysana hablaha dunida,” ayay ku yiraahdeen qoraal ay soo saareen markii ay heshiiska la galeen. Ramla waxay sheegtay in ay u aaday Soomaaliya si ay u aragto dalkeeda iyo dadkeeda, balse ay haatan dareemayso niyad-jab ka dhashay, sida ay sheegtay, ballankii loo qaaday oo looga baxay darteed. “Aniga waxaan rabay beladkayga inaan arko, dadkayga arko. Ballankii la iga qaaday markii aan Soomaaliya ka baxay waa la i ilaaway,” ayay ku sheegtay muuqaalka ay soo duubtay. “Hadda waxaan dareemayaa in Soomaali ahaan niyadda la iga jabiyay,” ayay tiri iyada oo wajigeeda murugo ka muuqato. Muuqaalka ay soo dhigtay barteeda waxaa ku jiray qayb uu ku hadlayo isuduwaha barnaamijkan, kaas oo sheegay in uusan hubin in fiiso loogu heli karo. “Waxaan rabaa inaan farriintan si toos ah kuugu soo diro. Waa inaan kaa saaro munaasabadda dhacaysa 19-ka December ee Netflix, ma jirto hubanti aan fiiso kuugu heli karo,” ayuu muuqaalka ku yiri maamulaha Ramla. “Wax walba oo aad samayn karto si aad u xaliso mustaqbalka waa wax weyn,” ayuuna kusoo gunaanaday farriintiisa. Waxaan xiriir la samaynay dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasaaraddeeda Ciyaaraha, wuxuuna wasiirku sheegay in arrinta ay Ramla sheegtay aysan waxba ka jirin. “Arrintaasi arrin wax ka jiraan ma aha. Cid baasaboorka diblomaasiga u ballanqaadday in ay Ramla u samaysana ma jirto. Laakiin Ramla waa ciyaaryahanad Soomaaliyeed, magaca Soomaaliyana mar ayey soo matashay,” ayuu yiri Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Gurey, oo sidaas u sheegay BBC. Wasiirku wuxuu qiray in booqashadeedii ay Ramla ku timid Muqdisho ay ku codsatay baasaboor, balse nooca ay u awoodeen ay ahaa kan shaqaalaha. “Way jirtay in ay mar booqasho ku timid magaalada Muqdisho. Intii karaankayaga ahayd ee aan samayn karnayna waan samaynay. Markay booqashada dhammaysatayna waxay codsatay baasaboor, waanna u sheegnay in ciyaartooyda iyo dadka ka shaqeynaya arrimaha adeegga qaranka ay leeyihiin baasaboorka nooca shaqaalaha, maalinta ay codsatayna waan u dalabnay,” ayuu hadalka sii raaciyay. Wuxuu xusay wasiirku in sida ay iyagu og yihiin aanay jirin meel ay Ramla hadda Soomaaliya ku matasho. “Meel ay dowladda Soomaaliya hadda ku matalayso ma ogin, laakiin in ay ciyaartooy Soomaaliyeed tahay waan ognahay. Laakiin ciyaar ay dowladda Soomaaliya ka qaybgalayso ama wax looga baahan yahay oo annaga nala og yahay ma jirto,” ayuu ku celiyay wasiir Gurey. Wuxuu sheegay in baasaboorka diblomaasiga ay leeyihiin diblomaasiyiinta iyo cid kasta oo uu madaxweynuhu u arko oo keliya. The post Ramla Cali: “DF way igaga baxday ballantii ay iga qaaday” appeared first on Caasimada Online.
-
Washington (Caasimada Online) – Xoghayaha Amniga Gudaha ee Mareykanka, Kristi Noem, ayaa shaaca ka qaadday in xukuumadda Washington ay qorsheynayso inay ballaariso tirada dalalka muwaadiniintooda laga mamnuucayo inay soo galaan Mareykanka, iyadoo liiskaas la gaarsiinayo in ka badan 30 dal. Mar wax laga weydiiyay wareysi ay siisay barnaamijka “The Ingraham Angle” ee telefishinka Fox News, inay xaqiijiso haddii maamulka Madaxweyne Trump uu liiska ka dhigayo 32 dal, Noem waxay tiri: “Ma rabo inaan tiro cayiman sheego, balse waa in ka badan 30, madaxweynuhuna wuxuu weli qiimayn ku hayaa dalal hor leh.” Bishii June, Trump wuxuu saxiixay wareegto uu muwaadiniinta 12 dal kaga mamnuucay inay soo galaan Mareykanka, halka 7 kalena uu kusoo rogay xannibaado adag. Wuxuu tallaabadaas ku sababeeyay inay tahay mid looga gaashaamanayo “argagixisada shisheeye” iyo khataraha dhanka amniga. Xayiraaddan ayaa saameynaysa dadka soo-galootiga ah iyo kuwa booqashada u socda sida dalxiisayaasha, ardayda, iyo ganacsatada. Inkastoo Noem aysan carrabaabin magacyada dalalka cusub ee liiska lagu darayo, haddana waxay bixisay sababta keentay go’aankan adag. “Haddii dal uusan lahayn dowlad xasilloon, ama uusan ahayn dal is-bixin kara oo noo sheegi kara dadkaas kuwa ay yihiin, nagulana garab istaagi kara hubintooda, maxaan u oggolaanaynaa inay dadkaasi yimaadaan Mareykanka?” ayay tiri Noem. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa hore u baahisay in maamulka Trump uu ka fiirsanayo inuu liiska ku daro 36 dal oo dheeri ah, sida lagu xusay xog diblomaasiyadeed oo sir ahayd. Tallaabadan lagu sii adkeynayo socdaalka ayaa timid kadib markii todobaadkii hore magaalada Washington D.C. lagu toogtay laba xubnood oo ka tirsan Ilaalada Qaranka (National Guard). Baarayaasha ayaa sheegay in weerarkaas uu geystay nin u dhashay Afghanistan oo Mareykanka soo galay sannadkii 2021-kii, xilligaas oo mas’uuliyiinta Trump ay ku doodayaan inaanan si dhab ah loo hubin dadka ku soo galayay barnaamijka dib-u-dejinta. Maalmo yar kadib toogashadaas, Trump wuxuu wacad ku maray inuu si “ku-meel-gaar ah u joojin doono” isu-socodka dadka ka imanaya dhammaan waddamada uu ugu yeeray “Dunida Saddexaad,” in kastoo uusan qeexin dalalka uu ula jeedo ama shuruudaha uu ku xushay. Intaas ka hor, saraakiisha Waaxda Amniga Gudaha ayaa sheegay in Trump uu amar ku bixiyay in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo kiisaska magangalyada ee la ansixiyay xilligii maamulkii Madaxweyne Joe Biden, iyo kaararka deggenanshaha (Green Cards) ee la siiyay muwaadiniinta 19 dal. Tan iyo markii uu xafiiska dib ugu soo laabtay bishii Janaayo, Trump wuxuu mudnaanta koowaad siiyay fulinta sharciga socdaalka, isagoo ciidamo federaal ah geeyay magaalooyinka waaweyn, soogalootiga magangalyo-doonka ahna kasoo celiyay xadka Mexico. Maamulkiisu wuxuu inta badan diiradda saarayay masaafurinta, balse haatan waxay u muuqataa inuu xoogga saarayo qaabeynta iyo xaddididda socdaalka sharciga ah. The post Liiska dalalka dadkooda laga mamnuucay Mareykanka oo la kordhiyey, lana gaarsiiyey 30 appeared first on Caasimada Online.
-
Xaaladda magaalada Boorama ayaa saaka kusoo noqotay deganaan kadib mudaharaadkii rabshadaha watay ee habeen iyo shalay sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Ciidanka Milatariga ayaa guud ahaan laga saaray magaalada. Dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka, salaadiinta iyo maamulka heer gobol ayaa si xoog leh u soconaya, kuwaas oo diiradda saaraya dejinta xiisadda ka dhalatay muranka bandhigga buugga Xeer Ciise ee lagu qabanayo Saylac. Odayaasha dhaqanka ayaa ku baaqay in bulshada laga wada ilaaliyo hadallo kicinaya colaadda, isla markaana loo midoobo wada-hadal degdeg ah oo nabad ku dhammaada. Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa shalay ka hadlay dhacdooyinkii ka dhacay Boorama, isagoo sheegay in xukuumaddiisu qaadan doonto masuuliyadda wixii dhacay, isla markaana ay muhiim tahay in la baaro sababaha keenay isku dhacyadii dhacay. Madaxweynaha ayaa xusay in dowladdu diyaar u tahay in ay dhinac walba la fadhiisato si xal waara loo gaaro, loogana hortago in xiisaddu dib u soo noqoto. Madaxweynaha wuxuu sidoo kale shacabka Boorama ku bogaadiyay sida ay saaka u muujiyeen deganaan, uguna soo laabteen ganacsigii iyo dhaq-dhaqaaqii caadiga ahaa, isagoo ku adkaystay in nabaddu ay tahay tiirka ugu weyn ee bulshada lagu wada noolaan karo. Laamaha ammaanku waxay sheegeen in ay sii wadi doonaan sugidda amniga ilaa hubanti buuxda laga helo, balse ay mudnaanta siinayaan hab nabadeed oo cilmi ku dhisan, halkii ay xoog u isticmaali lahaayeen. Source: goobjoog.com
-
Bangiga Horumarinta Afrika (AfDB) ayaa ku dhawaaqay in uu ansixiyey deyn-dhimis dheeri ah oo loo sameynayo Soomaaliya, taas oo gogol-xaar u ah in gebi ahaanba laga cafiyo dhammaan deynta Afrika Development Fund ee dalka ku lahaayeen intii u dhaxeysay 2024–2039. Go’aankan ayaa yimid kadib markii Soomaaliya ay sameysay hormar muuqda oo ku saabsan: Dib-u-habaynta dhaqaalaha Maareynta maaliyadda guud Kobcinta dakhliga gudaha Hagaajinta kalsoonida iyo hufnaanta maamulka la taliyaha Sare AfDB Bubacarr Sankareh ayaa sheegay in deyn-dhimistu ay albaab u furayso mustaqbal ifaya: “Waxay dhiseysaa hay’ado xoog leh, adeegyo wanaagsan, iyo rajo cusub oo ka muuqan doonta fasallada, isbitaallada, beeraha, iyo suuqyada dalka.” Bangigu wuxuu cadeeyay in Soomaaliya ay sidoo kale ka soo baxday ballamihii la xiriiray yaraynta saboolnimada, gaar ahaan adeeg bixinta aasaasiga ah iyo ballaarinta barnaamijyada difaaca dadka nugul. Deyn-dhimistan cusub oo qayb ka ah guusha Soomaaliya ka gaartay HIPPIC Initiative — waxay hoos u dhigi doontaa deynta dalka ku lahayd AfDB $17.68 milyan. Saameynta Laga Filayo Dowladda Soomaaliya waxaa laga filayaa in ay dhaqaalaha kaga faa’iideysto: Dib u u hagaajinta adeegyada bulshada Lashaqeyso dayactirka kaabayaasha dhaqaalaha Maalgashato barnaamijyada bulshada ee muhiimka ah AfDB waxay sheegtay in lacagaha la sii daayo lagu taageeri doono: Shaqaaleysiinta macallimiin badan Helidda biyaha nadiifta ah Soo kabashada adeegyada caafimaadka, gaar ahaan gobollada ay saamaysay abaartu iyo colaadaha Deyntan la cafiyey waxay sidoo kale kor u qaadi doontaa kalsoonida maalgashiga, waxayna u gogol xaari doontaa Soomaaliya in ay hesho maalgelin cusub oo jaban oo loogu talagalay dib u dhiska iyo horumarinta muddada fog. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa magaalada Washington ku martigeliyay labada hoggaamiye ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo (DRC) Félix Tshisekedi iyo Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, halkaas oo lagu kala saxiixday heshiis nabadeed oo lagu joojinayo colaadda muddo tobanaan sano ka jirtay bariga Congo, isla markaana lagu furayo khayraadka macdanta muhiimka u ah shirkadaha Mareykanka. Heshiiskan oo lagu saxiixay xarunta U.S. Institute of Peace oo maalmo ka hor loo bixiyay magaca cusub ee “Donald J. Trump Institute of Peace”ayaa noqonaya mid taariikhi ah maadaama uu ka dhashay dadaallo diblomaasiyadeed oo socday bilo badan, gaar ahaan kadib markii sanadkan hore ay Washington ku kala saxiixdeen heshiis hordhac ah wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal. Colaadda bariga DRC oo muddo dheer socotay ayaa waxaa sii huriyay kooxda fallaagada ah ee M23, kuwaas oo dib u soo kacay dabayaaqadii 2021. Dowladda Congo waxay Rwanda ku eedeysaa taageeridda M23, balse Kigali ayaa si adag u beenisa arrintaas. Inkasta oo xabbad-joojin hore loo gaaray, labada dhinac ayaa weli isku eedeynaya jebinta heshiiska, iyada oo weerarro cusub la sheegay in ay dhaceen maalmo ka hor. Markii la saxiixay heshiiska, Madaxweynaha Trump wuxuu ku dhawaaqay in Mareykanku la yeelanayo labada dal heshiisyo laba-geesood ah oo shirkadaha Maraykanka siinaya marin toos ah oo ay u helaan macdanta muhiimka u ah warshadaha tiknoolajiyadda sida cobalt, coltan iyo lithium kuwaas oo muhiim u ah soo saarista batariyada, qalabka elektaroonigga iyo gaadiidka korontada ku shaqeeya. Ka hor saxiixa, Trump ayaa si gooni-gooni ah ula kulmay labada madaxweyne subaxnimadii Khamiista ee Aqalka Cad, halkaas oo looga wada hadlay arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo xiriirka saddex-geesoodka ah. Source: goobjoog.com
-
Dooxa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed. Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda Qatar. Booqashada Madaxweynaha ee Qatar ayaa waxay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal, sida ay sheegtay Madaxtooyada Soomaaliya. Inta uu ku sugan yahay Dooxa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulammo la qaadan doona Amiirka dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxda dalkaas oo ay ka wada-hadlayaan xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar. Ka qeyb-galka Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Madasha Dooxa ayaa fursad wanaagsan u ah muujinta muuqaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo mustaqbalka gobolka. Dooxa Forum ayaa ah madal sanadle ah oo lagu falanqeeyo diblumaasiyadda, wada-hadalka iyo arrimaha nabadda caalamka. Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida u dhow u taageera Soomaaliya, waxayna sidoo kale dalka ka fulisaa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo gaaray Qatar – Sidee loogu soo dhaweeyay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlay banaanbaxayda xooggaan ee ka bilowday Boorama ayaa u digay maamulka Somaliland. Wasiir Fiqi ayaa uga digay hoggaanka Somaliland caburinta shacabka iyo in dhiigooda la daadiyo, isagoo ugu baaqay in aysan hor istaagin rabitaanka shacabka reer Awdal. “Shacabka waa in aan la caburin, dhiigooda la daadin, lana dhagaystaa codkooda iyo rabitaankooda. Haddii lagu fasiray gooni-goosadnimada rabitaan shacab, yaan la hor istaagin rabitaanka dadka reer Boorame ka soo baxaya,” ayuu yiri Wasiir Axmed Macallin Fiqi. Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u direy shacabka reer Awdal, oo uu ku booriyay adkeysiga. “Umaddii ku adkaysata hadafkeeda xaqqa ah waa guulaysanaysaa,” ayuu yiri. Banaanbaxyo rabshado wata ayaa saacadihii u dambeeyay ka socday magaalada Boorama ee xarunta gobollada Awdal. Rabshadaha Boorama oo soo bilowday xalay kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale. Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo iyagu isku hayaan deegaankaasi. The post Maxay DF Soomaaliya ka tiri xaaladda ka taagan Boorama? appeared first on Caasimada Online.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa goordhoweyd ka hadlay xaaladda kasoo cusboonaatay magaalada Boorama, oo saacadihii u dambeeyay ka socdeen rabshado xooggan. Cabdiraxmaan Cirro ayaa marka hore ka tacsiyadeeyay shacabkii ku geeriyooday rabshadaha magaalada Boorama ka socday tan iyo xalay. “Waxay aheyd dhib laga baaqsan karayay haddii caqliga la isku geeyo, waxa ay tahay dhiilo iyo dhag xumo aan dhagaha Somaliland u wanaagsaneyn,” ayuu yiri. Madaxweyne Cirro ayaa ku dhawaaqay in ciidamada milatariga ee lagu daabulay magaalada Boorama ay kasoo baxayaan magaalada, isagoo faray ciidanka inay dib ugu soo laabtaan xeryahooda. “Waxaan farayaaa dhamaan ciidamada qaranka ee milateriga ee ku jirta magaalada inay dib ugu noqdaan xeryahooda. Sidoo kale waxaa ugu baaqayaa salaadiinta, oday dhaqameedka, aqoonyahanka iyo ganacsatada reer Somaliland inay deg-deg uga howl-galaan sidii ay uga qeyb noqon lahaayeen xasiloonida gobolka Awdal,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro. Cirro oo dejinaya beelaha Gadabuursi oo ka gadooday bandhiga xeerka Ciise oo ay sheegeen in Ciise ku muujinayso sheegashadiiaa degmada Saylac, ayaa sheegay in aan marnaba laga qaadan karin dhulkooda. “Taariikhdu waxay na bartay xaqiiqda ah in aanay cidna dhayal ku qaadan karin dhul iyo deegaan ay cid kale dagto, maantana suurta-gal ma noqoneyso in gobolka Awdal ay taariikh cusub ka qorato,iyadoo oo ay tirto taariikhdaas qarniyada soo jirtay,” ayuu yiri Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro. Sidoo kale wuxuu sheegay in xukuumaddiisa ay baaris dhab ah ku sameynayso wixii dhacay, isla markaana ay kala xisaabtami doonto ciddii yeelata mas’uuliyada wixii saacadihii dambe ka dhacay magaalada Boorama. Hoos ka daawo muuqaalka The post Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro oo ka hadlay rabshadaha Boorama, kuna dhawaaqay… appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa caawa shir uga socdaa magaalada Muqdisho. Kulankan oo ah kii u horreeyay ee u dhexeeya Farmaajo iyo Shariif tan iyo markii uu magaalada Muqdisho kusoo laabtay Farmaajo ayaa waxaa diiradda lagu saaraya shirweynaha mucaaradka uga furmaya magaalada Kismaayo. Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynayaashii hore ayaa lafa-guraya sidii shirkaas looga dhigi lahaa mid ballaaran oo u furan siyaasiyiinta kala duwan iyo bulshada. Shirweynaha Kismaayo oo noqonaya midkii ugu weyn ee mucaaridku qabsadaan ayaa waxaa qaban-qaabadiisa wada Jubbaland, Puntland iyo Madasha Mucaaridka oo ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in siyaasiyiin kale oo aan qayb ka ahayn golaha ay ka qayb noqdaan. Shirweynahan ayaa la doonayaa in looga hortago doorashooyinka qof iyo cod ee hirgelinteeda ay waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya, xilli ay bilooyin kooban ka harsan yihiin muddo-xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah madal ay ku mideysan yihiin maamullada Jubaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka ee Madasha Samatabixinta ayaa dhawaan si cad u sheegay inay ka soo horjeedaan in muddo kororsi loo sameeyo Madaxwyene Xasan Sheekh, iyaga oo digniin culus kasoo saaray arrintaas. Sidoo kale, golaha ayaa si adag u diiday wax ka beddalka lagu sameeyay dastuurka iyo qabashada doorasho aan heshiis lagu ahayn oo ka dhacda dalka “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu caddeynayaa in uu si cad uga soo horjeedo tallaabo kasta oo horseedaysa muddo-kororsi ay sameystaan hay’adaha dowladda federaalka,” ayaa lagu yiri bayaan dhawaan kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed. “Natiijo kasta oo ka dhalata doorasho aan heshiis lagu aheyn, iyo wax-ka-baddel kasta oo aan sharci ahayn oo lagu sameeyay ama lagu sameyn doono Dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee 2012,” ayaa sidoo kale lagu yiri bayaanka. Golaha ayaa markaas farriin culus u diray dadka Soomaaliyeed, oo ugu baaqay inay u istaagaan badbaadinta dalka iyo inay adkeeyaan midnimadooda iyo wadajirkooda. “Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed wuxuu dadka Soomaaliyeed ugu baaqayaa in ay u diyaar garoobaan ka qayb-galka badbaadinta mustaqbalka dalka oo ay ugu horreyso sidii ay dalka uga dhici lahayd doorashada hay’adaha federaalka Soomaaliya.” The post Xog: Farmaajo iyo Shariif oo shir uga socdo Muqdisho iyo arrimaha looga hadlayo appeared first on Caasimada Online.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Dooxa ee dalka Qatar, halkaas oo uu kaga qeyb-galayo Madasha Dooxa ee lagaga arrinsanayo amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarineed. Madaxweynaha ayaa garoonka diyaaradaha ee Hamad International Airport waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Dowladda Qatar, iyadoo booqashadiisa ay qeyb ka tahay xoojinta xiriirka laba-geesoodka ah ee labada dal. Inta uu ku sugan yahay Dooxa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kulammo la qaadan doona Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad iyo madaxda dalkaas oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo mustaqbalka xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar. Ka qeyb-galka Wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Madasha Dooxa ayaa fursad wanaagsan u ah muujinta muuqaalka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo xoojinta wada-hadallada caalamiga ah ee ku saabsan amniga iyo mustaqbalka gobolka. Source: goobjoog.com
-
Boorama (Caasimada Online) – Banaanbaxyadii rabshadaha watay ee saacadihii u dambeeyay ka socday magaalada Boorama ayaa hadda yara kala joogsaday, iyadoo la filayo in ciidamadii ay xukuumadda geysay magaalada dib looga qaado. Sida ay ogaatay Caasimada Online, xukuumadda Somaliland ayaa mas’uuliyiinta kasoo jeeda gobolka Awdal oo uu kamid yahay Xildhibaan Maxamed Abiib Yuusuf oo maanta si adag ugu digay xukuumadda la qaadatay in xaaladda la dejiyo. Xildhibaan Abiib ayaa galabta gaaray magaalada Boorama si uu u dejiyo shacabka reer Awdal ee ka biyo diidan go’aankii xalay kasoo baxay xukuumadda Somaliland. Xildhibaanka ayaa wada-hadal la yeeshay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ka hor inta uusan ka bixin Hargeysa, iyadoo la isla qaatay in xaalka la dejiyo, isla markaan ciidamadii lagu daabulay Boorama dib looga soo qaado. Xukuumadda Cirro iyo odayaasha dhaqanka oo ay wehliyaan mas’uuliyiinta kala duwan ee reer Awdal ayaa wada-hadallo la bilaabaya xukuumadda Somaliland, si xal looga gaaro rabshadaha khasaaraha badan dhaliyay ee ka dhacay magaalada Boorama. Rabshadaha Boorama oo soo bilowday xalay kadib markii xukuumadda Somaliland ay ku dhawaaqday inay fasaxday bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanayo Saylac ayaa waxaa ku dhintay 16 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 60 kale. Xiisadda ayaa ka dhalatay fasaxa bandhiga xeer Ciise oo lagu qabanyo Saylac, kaasi oo beelaha Gadabuursi u arkaan mid looga sheeganayo dhulkooda, halka Ciise uu qabashada bandhigan u arko mid uga adkaaday beelahan, oo isku hayaan deegaankaasi. The post Wararkii ugu dambeeyay xiisadda Boorama iyo ciidamadii lagu daabulay oo… appeared first on Caasimada Online.
-
Ankara (Caasimada Online) – Akadeemiyada Sirdoonka Turkiga ayaa soo saartay warbixin cusub oo ka digaysa xaalad adag oo soo food saari karta Soomaaliya. Soomaaliya ayey sheegtay in ay ku gadaaman yihiin halisyo badan oo ay ka mid yihiin Al-Shabaab, xiisadda siyaasadeed, tabar yarida hay’adaha dowladda, cadaadis dibadeed iyo culayska dhaqaale. Warbixinta oo aheyd mid dheer ayaa waxay tilmaantay in xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid dhowr lakab leh, balse jawiga uu ku shaqeynayo uu ka buuxo halisyo adag oo saameyn doona xasiloonida Soomaaliya iyo iskaashiga labada dal. Sida lagu sheegay warbixinta, Al-Shabaab ayaa weli sii wada weerarro qorsheysan, sidoo kalena waxay maamulaan deegaano ka tirsan dalka. Sidoo kale sirdoonka Turkiga ayaa muujiyay sida uu khatar ugu arkaa in ciidanka dowladda aysan weli awoodin in ay dalka ka difaacaan kooxha argigixisada iyaga oo aan taageero dibadeed. Hay’adaha dowladda Soomaaliya ayey warbixintu muujisay in ay weli ku tiirsan yihiin deeq-bixiyeyaasha, isla markaana aysan awoodin inay si madax-bannaan u maareeyaan adeegyada muhiimka ah, halka dib-u-dhacyada mashaariicda ay noqdeen caqabad weyn oo muuqata. Warbixintu waxay tilmaamtay in ay jiraan mashaariic horumarineed, iskaashi amni iyo fursado dhaqaale oo la xiriira xubinnimada Soomaaliya ee Jaamacadda Bariga Afrika, balse khataraha la soo sheegay ay weli yihiin caqabado culus. Gaba-gabada warbixinta ayaa lagu adkeeyay in mustaqbalka dalka uu ku xirnaan doono dhismaha hay’ado awood leh, yareynta khatarta argagixisada, maaraynta khilaafaadka siyaasadeed, u adkeysiga cadaadiska dibadda iyo xasillinta dhaqaalaha. The post Turkiga oo shaaciyay in Soomaaliya wajaheyso halis saddex dhinac ah appeared first on Caasimada Online.
-
Somalia vs Ethiopia: The Cold War’s Forgotten African Front
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The post Somalia vs Ethiopia: The Cold War’s Forgotten African Front appeared first on Puntland Post. -
Inta la xaqiijiyay siddeed qof oo dhalinyaro u badan ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badana waa ku dhaawacmeen mudaharaadyada ilaa xalay ka socday magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal. Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in khaasaaraha dhimashada iyo dhawaaca ay sababtay rasaas ay ciidamo boolis iyo militari ah u adeegsadeen dadka mudaharaadyada dhigaya oo dhankooda burburiyay xarumo dowladeed oo ku yaalla magaalada, kuwaas oo uu ka mid yahay bangiga dowladda. Mudaharaadyada Boorama ayaa bilowday kaddib markii shalay galinkii dambe ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday in bandhigga buuga xeer Ciise lagu qabto magaalo xeebeedka qadiimiga ah ee Seylac. Xiisadda uu abuuray bandigga buugga xeer Ciise oo ah xeer dhaqameed muddo dheer jiray ayaa muddooyinkii u dambeeyay ka taagnayd magaalooyinka Boorama iyo Seylac, iyadoo xukuumadda Somaliland ay markii hore diiday bandhigaas. PUNTLAND POST The post Ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay mudaharaadyada Boorama appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta u ambabaxay dalka Qatar, halkaasi oo uga qeyb-galayo shir heer caalami ah. Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Qatar ayaa la xiriira madasha Dooxa Forum oo lagu qabanayo magaalada Dooxa, taas oo qabsoomi doonta 6–7 December, sida uu qorshuhu yahay. Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu shirka ka jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda dalka, gaar ahaan horumarka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Inta uu joogo Qatar, Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sidoo kale yeelan doonaa kulamo gaar ah oo uu la qaadanayo hoggaanka ugu sarreeya dalkaasi, sida Amiirka, iyo masuuliyiin kale oo ka socda dalal kala duwan. Kulamadan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha ku saabsan Soomaaliya, gaar ahaan xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi. Dooxa Forum ayaa ah shir sanadle ah oo lagu falanqeeyo diblumaasiyadda, wada-hadalka iyo arrimaha nabadda caalamka. Qatar ayaa kamid ah dalalka carbeed ee sida dhow u taageera dowladda Soomaaliya, iyadoo sidoo kale dalka ka fulisa mashaariicyo kala duwan oo horumarineed. The post Madaxweyne Xasan oo u baxay safar dibadeed + Dalka appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Dallada Bangiyada Puntland Khaliif Maxamed Jaamac. Bangiyada gaarka loo leeyahay ee Puntland ayaa markii ugu horreysay sameystay dallad ay ku mideysan yihiin oo ka shaqaysa wada shaqaynta bangiyada, danaha guud ee ka dhexeeya iyo mideynta dadaalkooda horumarinta bulshada. Munaasabad ka dhacday Garowe ayaa lagu doortay guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Dallada Bangiyada Puntland, waxaana ka qaybgalay bangiyada kala ah; Dahabshiil Bank, Salaam Bank, Amal Banka, Priamer Bank, IBS Bank SomBank iyo Daryeel Bank. Guddoomiyaha waxaa u tartamay Cali Siciid Maxamuud oo ka socday Dahabshiil Bank iyo Khaliif Maxamed Jaamac oo ka socday Salaam Bank, waxaana cod qarsoodi ah lagu doortay Khaliif Maxamed Jaamac oo noqday guddoomiyaha cusub ee Dallada Bangiyada Puntland. Guddoomiye ku-xigeenka dallada ayaa loo doortay Cali Cabdiqaadir Ciise oo kaligiis u tartamayay booskaas kana socday Amal Bank. PUNTLAND POST The post Bangiyada Puntland oo dallad sameystay appeared first on Puntland Post.
-
In a significant step toward deepening economic and strategic relations, Somaliland’s Minister of Investment and Industry Development, Hon. Said Mohamed Burale, held high-level talks with Dr. Ibrahim Dhahi Adaahi, President of the International Center for Investment and Strategic Agreements of the Kingdom of Saudi Arabia, during the latter’s official visit to the country. The meeting, described by officials as highly productive, focused on expanding investment opportunities in Somaliland, enhancing bilateral investment cooperation between Somaliland and Saudi Arabia, and identifying strategic projects where the two nations can collaborate effectively. Minister Burale was joined by Deputy Minister Eng. Mohamed Elmi Huuno, the Director General of the Ministry, senior departmental directors, and the Legal Advisor to the President of Somaliland. Speaking after the discussions, Dr. Ibrahim Dhahi Adaahi revealed that his center has been actively studying Somaliland’s investment landscape with the aim of facilitating modern, large-scale Saudi investments in key sectors.“ We have been closely examining the abundant opportunities that exist in Somaliland. Our goal is to channel contemporary and sustainable investments that will benefit both our nations,” Dr. Adaahi stated. The visit concluded on a warm note with an honorary dinner hosted by the Chairman of the opposition Waddani Party, Hon. Hirsi Ali Haji Hassan. The event underscored the cross-party support in Somaliland for stronger ties with the Kingdom of Saudi Arabia and highlighted national unity in pursuing foreign investment and development partnerships. Dr. Adaahi was accompanied throughout his visit by Prof. Faisal Mohamed Ali, Senior Advisor for Strategic Relations in the Middle East and Horn of Africa at the Saudi-based International Center for Investment and Strategic Agreements. Officials from both sides expressed optimism that the talks will soon translate into concrete investment agreements and joint strategic initiatives, further solidifying the growing partnership between Somaliland and the Kingdom of Saudi Arabia. horntribune Qaran News
-
Home…Secretary Rubio’s Call with Ethiopian Prime Minister Abiy Secretary Rubio’s Call with Ethiopian Prime Minister Abiy Readout Office of the Spokesperson December 3, 2025 The below is attributable to Principal Deputy Spokesperson Tommy Pigott: Secretary of State Marco Rubio spoke with Prime Minister Abiy Ahmed today about the United States and Ethiopia’s shared commitment to regional stability and to building a foundation for peace in the Horn of Africa. Tags Bureau of African AffairsEthiopiaOffice of the SpokespersonThe Secretary of State White House USA.gov Office of the Inspector General Archives Contact Us America 250 FacebookXInstagramYouTubeFlickrGovDelivery Privacy Policy Accessibility Statement Copyright Information FOIA No FEAR Act Qaran News
