-
Content Count
214,785 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Newly released emails show people in Epstein’s circle discussed Somaliland for recognition, water, finance, proposed film studio called ‘Somaliwood’ Rabia Iclal Turan WASHINGTON (AA) – Newly released documents tied to convicted sex offender Jeffrey Epstein reveal that he and people in his circle discussed Somaliland for international recognition as well as its potential for finance, water and studio projects, according to internal correspondence included in the files. The latest tranche of documents released by the US Department of Justice includes one email exchange from April 2018, the year before Epstein’s death, in which Sultan Ahmed bin Sulayem, the chief executive of Dubai-based trade company DP World, sent Epstein a file titled, “The recognition of Somaliland – a brief history.docx.” Other emails dating back more than a decade show that Epstein’s associates also explored Somaliland’s economic potential, particularly in water exports and financial services. In a 2012 email from an individual who described himself as owning a “water company,” the sender wrote to Epstein: “My water company could start really soon and fast as there are huge water reserves, untapped (and clean) near port city of berbera..direct access to Saudi market. Easy to ship. Minimal transport. Again Somaliland. Water sources already mapped etc.” In another 2012 email, an unidentified individual proposed building a studio named “SOMALIWOOD STUDIOS.” The email stated. “But…we could build a small studio in Somaliland and called it SOMALIWOOD STUDIOS. Imagine the cool filming…beaches, desert, etc.” “We could invite muslim and all sorts of groups to film there. We would make it a part of the mission to not avow anything immoral to be filmed there. Could do like Sesame Street type stuff (children’s programming etc for African kids),” the sender wrote. “I’m copying Jeffrey since he might also think this would be FUN FUN FUN.” In a separate 2013 email, the unidentified sender referenced an Oct. 10, 2013, Financial Times article warning that Somalia and the republic of Somaliland could face disaster if Barclays halted money transfer services, noting that around half of their combined populations rely on remittances from relatives abroad for basic needs. The sender questioned why Middle Eastern banks had not developed diaspora-focused transfer systems, adding, “Seems like a huge financial opportunity.” Somaliland has operated as a de facto self-governing entity since declaring independence from Somalia in 1991, but it has not received international recognition as a sovereign state. On Dec. 26, Israel announced that it officially recognized Somaliland as an independent and sovereign state, becoming the only country to do so. The move drew sharp criticism across the region. Qaran News
-
Jigjiga (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo looga hadlayey safarkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee magaalada Jigjiga ayaa dhaliyey hadal-hayn xooggan iyo fasiraado kala duwan oo dhanka dublamaasiyadda ah, kaddib markii qoraalka rasmiga ah laga dhex waayey magaca dalka “Itoobiya” iyo kan “Ismaamulka Deegaanka Soomaalida.” Tallaabadan, oo ay dadka odorosa siyaasadda Geeska Afrika ku tilmaameen mid “si ula-kac ah loo qorsheeyey” ayaa ku soo aadaysa xilli xasaasi ah. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magaalada Jigjiga kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen wafuud ka socotay Kenya iyo Jabuuti. Ujeeddada ugu weyn ee kulanka ayaa ahayd xarig-jarka xarun dalxiis oo loogu talagalay in lagu soo jiito dakhli, taasoo laga hirgeliyey dhulka Soomaalida ee ay Itoobiya maamusho. Si kastaba ha ahaatee, qaab-dhismeedka qoraalka ka soo baxay Villa Somalia ayaa loo arkaa mid xambaarsan farriin culus. Qoraalka laguma xusin in dhulka la tagay uu ka tirsan yahay Itoobiya, taa beddelkeedana waxaa diiradda la saaray magaca “Jigjiga” iyo “Madaxda Gobolka” oo keliya. Qoraalka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Garaad Wiil-waal ee magaalada Jig-jiga ayaa halkaas kulammo kula qaatay Ra’iisul Wasaare Mudane Abiy Axmed iyo Madaxweyne Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.” Qoraalka ayaa intaas ku daray “Madaxda Gobolka ayaa Jigjiga kaga arrinsanaya xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Geeska Afrika, xal u helidda caqabadaha taagan iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale, iyadoo Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siinayso xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu xaqiijinayo adkaynta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya.” “Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Jigjiga waxa uu ka qeyb galayaa xarig-jarka Mashaariic horumarineed oo laga hirgeliyey Deegaanka Soomaalida, kuwaas oo waxtar leh dhaqaalaha iyo adeegyada Gobolka.” Falanqeeyayaasha ayaa aaminsan in tallaabadan ay jawaab toos ah u tahay xiisadda ka dhalatay damaca Itoobiya ee ku aaddan badda Soomaaliya. Sannadkii 2024-kii, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Itoobiya ay haysato dhul ka mid ah Soomaaliya, isagoo ula jeeday Deegaanka Soomaalida. Maqnaanshaha magaca “Itoobiya” ee bayaankan ugu dambeeyey ayaa loo fasirtay in Muqdisho aysan dareensanayn mas’uuliyad qaanuuni ah oo ka saaran inay qirto madaxbannaanida Itoobiya ee gobolkaas, haddii Addis Ababa ay sii waddo xiriirka gaarka ah ee ay la samaynayso Somaliland si ay u hesho marin-badeed. Inkastoo luuqadda dublamaasiyadeed ay adkayd, haddana Madaxtooyada Soomaaliya waxay sheegtay in Madaxweynaha iyo madaxda kale ay Jigjiga kaga wada hadleen arrimaha amniga iyo xaaladda siyaasadeed ee Geeska Afrika. Safarkan iyo qaabka loo soo bandhigay ayaa muujinaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay beddeshay taatikada xiriirka ay la leedahay Itoobiya, iyadoo adeegsanaysa kaararka siyaasadeed ee gacanteeda ku jira si ay u difaacdo madaxbannaanida dalka. The post Fariin Diblomaasiyadeed: DF oo magaca Itoobiya ka reebtay safarka Xasan ee Jigjiga appeared first on Caasimada Online.
-
Boosaaso (Caasimada Online) – Isimada dhaqanka ee Beelaha Cali Saleebaan, oo ka mid ah tiirarka ugu miisaanka culus ee gobolka Bari, ayaa Sabtida maanta ah soo saaray war-saxaafadeed culus oo ay kaga dalbanayaan Xukuumadda Puntland inay si degdeg ah u caddeyso mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnimada iyo qarannimada Soomaaliya, xilli ay jirto hubanti la’aan siyaasadeed. War-saxaafadeed ay maanta ka soo saareen Garowe, beesha ayaa si cad u sheegtay inay taageero buuxda u hayaan midnimada, wadajirka iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay ka go’an tahay ka shaqeynta xasilloonida Puntland iyadoo lagu dhaqmayaayo dastuurka iyo nidaamka sharci ee jira. Beesha Cali Saleebaan waxay si gaar ah diiradda u saartay muhiimadda ay leedahay in beelaha iyo bulshada Puntland ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala-qaybsanaan ama khilaaf gudaha ah, xilli gobolka uu wajahayo khatar amni oo joogto ah. “Xaaladda hadda taagan waxay u baahan tahay midnimo iyo mas’uuliyad qaran, ma aha kala-qaybin,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Dagaalka ka dhanka ah Daacish ee Buuraha Calmiskaad ayaa bilihii la soo dhaafay noqday mid xooggiisu kordhay, iyadoo ciidamada Puntland ay fuliyeen howlgallo isdaba-joog ah oo lagu beegsaday saldhigyo iyo marinno ay kooxdaasi ku lahayd dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. Mas’uuliyiinta amniga Puntland ayaa sheegaya in howlgalladu ay wiiqeen awoodda kooxdu ku lahayd deegaanka, inkastoo ay weli jirto khatar firfircoon. War-saxaafadeedka ayaa beesha ku bogaadisay ciidamada Puntland iyo shacabka deegaanka kaalinta ay ka qaateen dagaalka, iyadoo lagu tilmaamay “dadaal qaran oo u baahan garab istaag joogto ah.” Qodob muhiim ah oo beesha ay xoogga saartay ayaa ah in guusha amni aysan ku imaan karin awood militari oo keliya, balse ay u baahan tahay taageero bulsho, wada-jir siyaasadeed iyo kalsooni lagu qabo hay’adaha dowliga ah. Beesha Cali Saleebaan waxay sheegtay inay ka go’an tahay in ay la shaqeyso Dowladda Puntland iyo hay’adaha sharciyeed si loo adkeeyo wada-noolaanshaha bulshada, loogana hortago isku day kasta oo lagu dhaawacayo nidaamka dowladnimo. Sidoo kale, war-saxaafadeedka ayaa xusay in Puntland ay tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana horumarka iyo amniga gobolka uu ku xiran yahay wada-shaqeyn heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah. Beesha ayaa ku baaqday in la xoojiyo xiriirka u dhexeeya Puntland, Dowladda Federaalka iyo beesha caalamka, gaar ahaan dhinacyada amniga, gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta adeegyada bulshada, maadaama deegaanno badan ay saameeyeen abaar iyo barakac. Qodob kale oo ay beesha si cad uga digtay ayaa ahaa in lagu mashquulo muran siyaasadeed ama is-qabqabsi bulsho xilli dagaal adag lagula jiro argagixiso. Waxay sheegeen in xaaladda noocaas ahi ay si toos ah u wiiqeyso dadaallada amni, isla markaana fursad u abuureyso kooxaha hubeysan. “Waqtigan ma aha mid la isku khilaafayo. Waa waqti midnimo,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka. Gebogabadii, Beesha Cali Saleebaan waxay xaqiijisay inay sii wadi doonto dadaallada wada-tashiga iyo doorka ay ku leedahay nabadda, iyadoo ballan-qaadday in ay garab istaag u noqon doonto tallaabo kasta oo lagu xoojinayo amniga, dowladnimada iyo wadajirka Puntland iyo Soomaaliya guud ahaan. War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu iclaamiyey shir guud oo ay yeelan doonaan Beelaha Cali Saleebaan, kaas oo looga arrinsanayo aayaha beesha iyo xaaladda guud ee dalka. Saxiixayaasha Bayaanka Bayaankan waxaa si wadajir ah u saxiixay: Beeldaaje Maxamed Beeldaaje Ismaacii Boqor Cabdirashiid Boqor Cumar Ismaaciil Suldaan Mursal Muuse Koonte Suldaan Maxamuud Xaaji Cabdullaahi Bilcil Warkan ayaa la filayaa inuu saameyn weyn ku yeesho siyaasadda gudaha ee Puntland maalmaha soo socda, iyadoo indhaha lagu hayo jawaabta ay bixin doonto Madaxtooyada Puntland. The post Isimada Cali Saleebaan oo soo saaray qodobo xasaasi ah, ka dalbaday Puntland in ay… appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiyada wadahallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa maanta kulan gaar a la yeeshay xubno metalayey qeybaha kala duwan bulshada sida, culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee Soomaaliyeed. Inta uu socday kulanka waxay dhinacyadu is-weydaarsadeen xogo iyo warbixinno ku saabsan heerka diyaargarowga gogosha wadahadallada, kuwaas oo ku qabsoomay jawi isfahan iyo is-ixtiraam leh. Sidoo kale, gudiyadda diyaargarowga shirka wadahadaladda ayaa waxa ay u mahadceliyeen culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah oo qaatay doorkooda, iyada oo la tixgelinayo talooyinkooda iyo daneyntooda masuuliyadeed ee ay ka muujinayaan geeddisocodka wadahadallada arimaha masiiriga ah ee dalka. Dhanka kale, Gudoomiyaha Dallada Ururada Bushada rayidka Mudane Cismaan Shaatax oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa sheegay in aragtidooda iyo talooyinkooda ay ku biiriyeen guddiyada, si ay wada-hadallada u noqdaan kuwa guuleysta, maadaama looga hadlayo xaaladda kala guurka ah ee dalka. “Waxaan manta kulan la qaadaney xubnaha labada guddi ee farsamada kuwaas oo ka socdey dowladda federaalka iyo golaha mustaqbalka Soomaliyeed. Shirka oo ay I weheliyeen xubno ka socda duubabka dhaqanka, culumo udiinka iyo bulshadda rayidka ayaa waxa looga hadlaayey sidii gogosha wadahadalada loo balansan yahay 2 Bisha Fabraayo u noqon laheyd mid lagu guuleysto” ayuu yiri Cismaan Shaatax. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in guddiyada ay la wadaageen in lasii wado dadaalka, lana xoojiyo kalsoonida shacabka, si looga gudbo caqabada taagan. “Xubnaha bulshada rayidka, kuwa dhaqanka iyo culumo udiinka ayaa diirada saarey sidii aan wax sharuud ah lagu xirin wada hadalada isla markaasna wixii caqabad ah Meesha looga saari lahaa. Waxa kale oo aan kala hadalney labada guddi kaalinta bulshada rayidka eek or joogteynta wada hadalada si wixii cuslaado ay kaalin dhexdhexaadin uga qayb qaadan lahaayeen. Waxaan la wadaagney xubnaha labada guddi muhiimada ay leedahey in la xoojiyo kalsoonida shacabka ay ku qabi karaan gogosha taas oo ku imaan karto kor joogteynta xubnaha bulshada rayidka ee gogosha wada hadalka” ayuu raaciyay. Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaa lagama maarmaan ah xaqiijinta hirgelinta hishiis laga gaaro wada hadalada taas oo ku imaan karto mas’uuliyad wadareed ay qayb ka yihiin bulshada rayidka”. The post Ka hor shirka, guddiyada DF iyo Golaha Mustaqbalka oo qaaday tallaabo culus appeared first on Caasimada Online.
-
Warsheekh (Caasimada Online) Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal culus oo ay maanta ciidamada Nabad-sugidda ku qaadeen deegaanka Maxaa Siciid ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Weerarka oo ahaa bartilmaameed ayaa lagu qaaday goob uu shir uga socday horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda, kuwaas oo doonayay inay dhibaateeyaan dadka deegaanka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay NISA. Hay’adda ayaa xustay in weerarka uu u dhacay sidii loo qorsheeyay, ayna weli waddo xog uruurin ku aadan khasaaraha gaaray Khawaarijta. “Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal gaar ah oo lagu beegsaday Horjoogeyaal sare oo ka tirsan Khawaarijta ka fuliyay tuulada Maxaa-Saciid ee Gobolka Shabeellaha Dhexe. Weerarka ayaa dhacay xilli dhagarqabeyaashu ay u fadhiyeen shir ay ku maleegayeen sidii ay u dhibaateyn lahaayeen shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna u dhacay sidii loo qorsheeyey” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Hay’adda NISA. Saraakiil amniga ayaa sidoo kale xaqiijiyay in dhulka lala simay goobta ay ku sugnaayeen xubnaha Khawaarijta, waxaana loo gaystay jab culus. Deegaanka Maxaa siciid ee uu weerarka cirka ah ka dhacay ayaa u dhow Nuur Dugle, waana magaalo caan ah, halkaas oo cashir loogu dhigay argagixisada. Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka taagan dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab oo dhawaan jab culus lagu gaarsiiyay deegaana Jabad-Godane, halkaas oo looga dilay illaa 550 xubnood oo 80 kamid ah ay ahaayeen ajaaniib, sida ay dhawaan shaaca ka qaaday dowladda federaalka Soomaaliya. Dagaalkan oo noqday mid kamid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ay la kulmaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyada oo firxadkooda looga sii daba tegay deegaanka Alanley oo mar kale lagu gaarsiiyay khasaare lixaad leh. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa laga hortegay weerarro ay soo abaabuleen Al-Shabaab, iyada oo inta badan lagu jabiyay dagaalladii ugu dambeeyay, sida kii ka dhacaydeegaanka Kudhaa ee gobolka Jubbada Hoose, kaas oo isna jab culus Khawaarijta lagu gaarsiiyay, maadaama looga adkaaday dagaal ay la galeen ciidamada Jubbaland iyo kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab. The post NISA oo weerartay goob ay ku shirayeen madaxda Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan gaar ah la yeesay Safiirka Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Wang Yu, kaas oo ku booqday xafiiskiisa. Labada mas’uul ayaa ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin dardargelinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, ganacsiga iyo xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya waddamada Soomaaliya iyo Shiinaha. Xamza oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay sii xoojinayso doorkeeda diblomaasiyadeed, si looga miro-dhaliyo danaha guud ee ay wadaagaan labada dowladood, gaar ahaan xilliyada ay Soomaaliya ku jirto marxaladda muhiimka u ah dib-u-soo-kabashada amniga iyo dhaqaalaha. Dhankiisa, Danjire Wang Yu ayaa xaqiijiyey in Jamhuuriyadda dalka Shiinaha ay ka go’an tahay joogteynta iyo ballaarinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, isaga oo ballan qaaday in ay sii xoojinayso taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan amniga, maalgashiga iyo horumarka dhaqaalaha. Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda Shiinaha taageerada hagar-la’aanta ah iyo garab-istaagga midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isaga oo bogaadiyey doorka muuqda ee Shiinaha ee ku aaddan dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha iyo kaalmada bini’aadanimo. Shiinaha ayaa horay garab istaag buuxa ugu muujiyay Soomaaliya, isaga oo si kulul u cambaareeyay go’aanka ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, tallaabadaas oo kicisay mowjado diidmo iyo dhaleeceyn ah oo ka yimid dalalka gobolka iyo beesha caalamka. Dhinaca kale, Shiinaha, oo dano ballaaran ka leh Geeska Afrika, ayaa muddo dheer diidanaa in Somaliland la aqoonsado. Mowqifkaas ayaa sii adkaaday kaddib markii Hargeysa ay xoojisay xiriirka diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee ay la leedahay Taiwan, gaar ahaan tan iyo markii labada dhinac ay xafiisyo wakiillo ka fureen Hargeysa iyo Taipei sannadkii 2020. Beijing waxay Taiwan u aragtaa gobol ka mid ah dhulkeeda, umana aqoonsana dowlad madax-bannaan, iyadoo aan meesha ka saarin in xoog lagu soo celiyo haddii ay u aragto in loo baahdo. The post Shiinaha oo ballan qaa culus u sameeyay Somalia + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa maanta lugaha la gashay gashay fadeexad wayn, kadib warbixin ay ka qortay safar uu saaka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tegay gudaha magaalada Jigjiga ee caasimada dowlad-dowlad deegaanka Soomaalida. Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed oo qoraalkan daabacay ayaa adeegsaday magada dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaana aad u dhibsaday qaar kamid ah dadka Soomaaliyeed oo si weyn uga fal-celiyay qoraalkaasi. “Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu soo dhaweeyey magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale soo gaaray Jigjiga. Wafdiga Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Jaamac iyo masuuliyiin kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Mudane Mustafe Cumar ayaa hoggaaminaya soo dhaweynta bulshada deegaanka” ayaa lagu yiri qoraalka. Xasan Sheekh iyo madaxweyne, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa Jigjiga u tegay xarrig jarka xarumaha Dalxiiska ee laga hirgeliyay deegaanka Shabeelow ee dowlad-deegaanka, halkaas oo maanta lagu qabanayo munaasabad wayn oo ay ka qayb-galayaan madax kala duwan. Haddaba waxaa arrintaan dood culus ka keenay qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyay in Jigjiga la hoos geeyo Itoobiya, maadaama ay tahay dhul Soomaaliyeed oo horay loogu waayay halyeeyo Qaran. Cabdullahi Xasan: “Dolwad Deegaanka Soomaalida maa iskaaga gaabsataan?, Itoobiya maa isleedihiin ku raaligeliya ayagaaba ogolee”. Faarax Xiirey: “Waxaaas inaa sheegtaan maahan Tv Qaran ayaa tihiin, Hassan iyo Qaranka waa ku ceeeb”. Cabdirashiid Shaakir Xuseen: “Xarunta Dawlad Deeganka Soomaalida, Not Ethiopia”. Umulkheyr Cali: “Waa nasiib xumo in uu madaxweynaheenna tago dhul Soomaaliyeed oo xoog lagu heysto”. Maxamed Axmed: “Aaway midnimadii Soomaaliyeed oo loo barooranayay?, Jigjiga immisa wiil Soomaaliyeed ayaa ku naf-waayay sidii loo xoreyn lahaa”. The post Warbaahinta DF oo fadeexad lugaha la gashay kadib markii… appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qabatay kulan wadatashi iyo xog-wareysi ah oo ay yeesheen Guddiyaasha Wadahallada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo guddiyo matalayey qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa wadahallada qaran ee ku saabsan arrimaha culimada, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata xasilinta, midnimada iyo hannaanka dowlad-dhiska dalka. Guddiyada ka socday qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa soo bandhigay aragtiyo iyo talooyin wax ku ool ah oo ku aaddan sidii loo xoojin lahaa isfahamka guud, loona abuuri lahaa jawi wada-hadal oo ku saleysan kalsooni, wada-tashi iyo is-ixtiraam. Intii uu socday kulanka, waxaa la isla meel dhigay in wadahadalladu noqdaan kuwo loo dhan yahay, laguna saleeyo danaha guud ee qaranka, iyadoo si gaar ah loo adkeeyay muhiimadda ay leedahay ka-qaybgalka bulshada rayidka iyo hoggaamiyeyaasha dhaqanka ee go’aannada masiiriga ah ee dalka. Ugu dambeyn, Guddiyada diyaargarowga shirarka wadahadallada ayaa ballan qaaday inay sii wadi doonaan kulammo is-daba joog ah oo lagu dhisayo is-afgarad qaran, lana xaqiijinayo hannaanka wadahadal furan oo horseeda xasillooni siyaasadeed iyo mustaqbal waara oo ay ummadda Soomaaliyeed wada gaarto. Source: goobjoog.com
-
Qaahira (Caasimada Online) – Dowladda Masar ayaa beenisay in la joojiyay Baasaboorka Soomaaliga ee lagu dalbado Fiisaheeda, kadib markii baraha bulshada lagu faafiyay warar la xiriira in la hakiyay Baasaboorka Soomaaliya. Warsaxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Egypt Air ayaa waxaa lagu sheegay in aanu jirin go’aan kasoo baxay dowladda oo lagu joojiyay Baasaboorka Soomaalig ah oo dadka Soomaaliyeed ku tegaan dalkaasi. Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in xittaa aan lagu soo wargelin wax isbadal ah oo ku yimid socdaalka Soomaaliya iyo Masar oo haatan ah labada dal oo saaxibo ah, isla markaana wadaaga iskaashi dhinacyo kala duwan leh. “EgyptAir waxay si rasmi ah u caddeyneysaa in aysan jirin wax Baasaaboorka Soomaaliga ah oo la joojiyay ama la hakiyay” ayaa lagu yiri bayaanka. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dhammaan rakaabka u safraya Cairo (CAI) ee wata OKTB, isla markaana haysta Baasaaboorka Soomaaliga, waa la aqbalayaa si caadi ah, mana jiro wax isbeddel ah waqtigan”. Shirkadda ayaa ugu dambeyn xustay haddii uu jiro isbeddal cusub in ay si rasmi ah ula wadaagi doonto dadka Soomaaliyeed, si ay ula socdaan xaaladda. “Haddii ay jiraan wax isbeddel ah ama macluumaad cusub, EgyptAir waxay si rasmi ah ugu soo gudbin doontaa kanaalladeeda warbaahineed ee rasmiga ah. Mahadsanidiin kalsoonida aad siisaan EgyptAir” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka. Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda beenisay warkan, iyada oo Hay’adda Socdaalka ay dadka Soomaaliyeed la wadaagtay faafinta de-degga ah ee Masar. The post Maxaa ka jira in Masar ay joojisay baasaboorka Somalia? appeared first on Caasimada Online.
-
On 26 December 2025 Israel formally recognized the Republic of Somaliland as an independent state, ending over three decades of diplomatic isolation. Somaliland, located in the strategically vital Red Sea waterways and the Gulf of Aden, is a democratic and stable country that was originally granted independence in 1960, before entering a union with Somalia. After 31 years as part of a malfunctioning and disastrous union, in 1991 Somaliland re-claimed its sovereignty and worked to develop its democratic institutions, enhance security and rebuild its economy, largely without assistance from the international community. Unlike Somalia’s non-democratic and fragmented “administrations”, Somaliland’s sovereignty is largely accepted by its population and the state fully exercises its authority over all its territory, in conformity with the principles of constitutional democracy. As was to be suspected, Israel’s move prompted a lot of eschatological reactions and predicable condemnations from nations that have long-objected to Somaliland’s independence, including Somalia, Djibouti, Egypt and Turkey, as well as contradiction-ridden organizations such as the African Union (AU) and the Organization of Islamic Cooperation (OIC). Critiques of this new diplomatic link between Hargeisa and Tel Aviv have come in several forms, but can generally be grouped into three main types: 1) Israel’s move is presented as a spontaneous and opportunistic act; 2) arguments that ignore that sovereign states have a right to conduct international relations, including acting unilaterally in their own interests; and 3) the idea that Somaliland’s recognition will destabilize the region. None of these critiques stand up to historical facts. Let’s start with the idea that Israel’s recognition is simply a spontaneous and opportunistic act. Rather than springing from nowhere, Somalilanders and Israelis’ ties in fact date back decades. Israel was one of the first states to recognize Somaliland’s independence in 1960, and Israel and American Jewish activists have recognized the mistreatment of Somalilanders at the hands of Mogadishu since the 1980s. In May 1990, Israel’s UN Acting Permanent Representative, Johannen Bein, raised concerns at the Security Council about grave human rights abuses in Somalia. This intervention followed on from years of tireless work by US Congressman Sam Gejdenson, Human Rights activist Aryeh Neier and Somaliland intellectuals and activists, as well as the full support of the American Jewish Committee. Appalled by the military regime’s repression against Somalilanders, Gejdenson, Neier and Somalilanders organized in July and November 1988 two significant congressional meetings, which had a lasting and monumental impact on the civil war in Somalia and on the protection of refugees’ human rights. These congressional consultations led to the fact-finding mission Why Somalis Flee (1989) commissioned by the US State Department’s Bureau of Refugee Programs. Subsequently, Gejdenson, Neier and their remarkable collaborators successfully succeeded in halting military aid to Siad Barre’s authoritarian regime, redirecting economic aid designed for Somalia, and incorporating human rights concerns into the US foreign policy processes. A second set of critiques all implicitly challenge or ignore Israel’s rights as a sovereign state to act. One line of argument here challenges Israel’s recognition of Somaliland on the basis that it was a unilateral rather than multilateral decision. This critique is a non-starter as there is strong historical precedent for this type of action. Back in 1991, for example, Iceland and then Germany unilaterally recognized Croatia, which in turn recognized Slovenia. Icelandic, German and Croatian leaders broke with the unrealistic workings of multilateralism. Other European countries eventually followed suit, acting unilaterally rather than via a multilateral agreement with the EU or UN. A closely related critique is the ‘Pandora’s Box’ argument, i.e. the notion that recognition will lead to a cascade of secessionist claims. Since 1991, the West recognized twenty new European states whose borders were largely drawn along religious and ethnic lines. From the dissolution of Yugoslavia alone, UN member states recognized six new states: Bosnia and Herzegovina, Croatia, Kosovo, Montenegro, north Macedonia and Slovenia. But in Africa the situation has not been the same: only two new states have been recognized in the post-Cold War era, Eritrea in 1994 and South Sudan in 2011. Even the AU, an organisation wary of widespread secessionist movements in Africa, concluded in 2005 that Somaliland’s case is ‘historically unique and self-justified’ and ‘should not be linked to the notion of “opening the Pandora’s Box”’ because ‘the union was never ratified between Somalia and Somaliland and also malfunctioned’. Another line of objection seems to criticize Israel for wanting to gain a foothold in a strategically important location while ignoring that this is precisely what an array of other states are doing as they pursue their own national interests. Many of these objectives have come from Muslim-led states who have implied that Israel should be excluded from the Horn of Africa’s strategic waterways because of its religious background. Understandably, regional states, but also superpowers, want to shape the Horn of Africa’s important geopolitical landscape, which include the Nile River, the Red Sea, the Gulf of Aden and the Indian Ocean. But countries must not wrap their strategic interest in the Horn in a religious façade to object to Israel’s right to have a strategical position in Africa, especially in the important Bab Al-Mandab strait.Acting as sovereign states with a right to be driven by their strategic interests, non-Muslim countries such as China, France, Italy, Japan and USA (Germany and Spain have small contingencies as well) have established military bases in Djibouti. And Turkey operates the only foreign military base in Mogadishu, the country’s putative capital that does not fully exert control over its own city’s territory. As an independent sovereign state, Israel can also negotiate access to establish a military base in Somaliland for its own strategical interest as any other sovereign state. Given the presence of foreign military bases in the Horn, Somaliland will likely consider inviting Israel to set up a base in Berbera or any other site.Let’s look, finally, at the notion that Israel’s recognition will destabilize the region. This critique somehow overlooks the fact that Somaliland has been a rare stabilizing polity in the Horn. Building upon existing and proven methods applied by successive Somaliland government and its people, Somaliland’s long overdue recognition has the potential to enhance regional stability and security rather than undermine it. Somaliland’s democratisation and state-building experience have contributed to keeping political Islam and religious extremism at bay. But ultimately it is the state’s popular local legitimacy that has contributed to Somaliland’s success in this regard, and its international recognition will thus deepen Somaliland’s stabilizing force in the region. Consider how Somaliland has mobilized to counter terrorism and piracy. Following Al-Shabaab’s rise in the early 2000s, there was a terrorist attack in Hargeisa in 2008. Dahir Rayaale’s democratically-elected government (2003-2010) responded by establishing neighbourhood committees in urban and rural areas to assist with intel-gathering. Their goal was to report any suspicious activities by Al-Shabab and other militant groups, particularly potential operatives of the highly sophisticated Amniyat (security), Al-Shabab’s intelligence agency. Additionally, through various awareness campaigns, the government, using its popular legitimacy, encouraged citizens to report new tenants to the authorities, regardless of their nationalities (including Somalilanders). As a result, the cooperation between the government and its citizens helped prevent the re-occurrence of terrorist acts in Somaliland. At the height of piracy (2007-2011), Somaliland implemented a similar human intelligence-gathering method to protect the country’s 789km coastline. In conjunction with the police and the national intelligence agency, Somaliland small coast guard set up observation posts along the coastline. But their monitoring reach was limited. Using again its popular legitimacy, the government asked coastal communities to help. Together, they put in place monitoring methods that have effectively prevented piracy in the shorelines. This approach proved that anti-piracy activities were more effective on land than sea and also showed a government with broad democratic legitimacy could protect its waters against piracy. It is fair to infer that international organizations such the AU and OIC – and their members countries’ driven by their own state-centric interest – are deflecting, with their post-sovereignty hallucinations, our attention away from how security and anti-piracy measures play out in practice in Somaliland. Rather than continuing to support some fantasy federal government unable to even provide basic security in Mogadishu, Israel has a pragmatic view on state formation and recognised Somaliland’s democratic polity and its functioning state. Hassan holds a PhD from the Université du Québec à Montréal (UQAM) and currently serves as a Senior Advisor to Somaliland’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation Kenedid Hassan safmkenedidhassan@gmail.com Qaran News
-
Berbera oo ka Baxsan Awoodda Muqdisho iyo Masar oo Xisaab Laga Cunay Dalbanaysa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowga bisha Febraayo booqasho rasmi ah oo qaadanaysa laba maalmood ku tagaya magaalada Qaahira, kaddib casuumaad uu ka helay dowladda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar. Inta uu booqashada ku jiro, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Masar, Booqashadan ayaa imanaysa xilli Masar ay si buuxda u fahamtay in ballan-qaadyo hore oo la xidhiidhay dekedda Berbera aysan lahayn sal sharci iyo mid siyaasadeed toona, maadaama Berbera aysan hoos imaanin gacanta iyo maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa si weyn u wiiqday kalsoonidii siyaasadeed ee ku dhisnayd wadahadalladii hore, isla markaana dhalisay su’aalo adag oo ku saabsan saxnaanta iyo daahfurnaanta heshiisyadii la sheegay in la galay. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in Masar ay bixisay dhaqaale la xidhiidhay qorshe lagu doonayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso dekedda Berbera, balse xaqiiqadu ay noqotay mid ka duwan filashadii Masar, maadaama Berbera ay tahay deegaan ka baxsan awoodda tooska ah ee dowladda federaalka. Tani waxay muujinaysaa farqi weyn oo u dhexeeya hadalladii siyaasadeed iyo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dhulka. Xaaladdan cusub ayaa gelinaysa booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh miisaan siyaasadeed oo aad u culus, maadaama ay Masar sugayso caddayn, isla xisaabtan, iyo jihayn cad oo ku saabsan xidhiidhka mustaqbalka, gaar ahaan marka la eego kalsoonida, iskaashiga, iyo danaha wadaagga ah ee gobolka. Qore: Wariye Baaldahab Xaqiiqda Berbera: Berbera oo ka Baxsan Awoodda Muqdisho iyo Masar oo Xisaab Laga Cunay Dalbanaysa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilowga bisha Febraayo booqasho rasmi ah oo qaadanaysa laba maalmood ku tagaya magaalada Qaahira, kaddib casuumaad uu ka helay dowladda Jamhuuriyadda Carabta ee Masar. Inta uu booqashada ku jiro, Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu la kulmi doonaa dhiggiisa Masar, Booqashadan ayaa imanaysa xilli Masar ay si buuxda u fahamtay in ballan-qaadyo hore oo la xidhiidhay dekedda Berbera aysan lahayn sal sharci iyo mid siyaasadeed toona, maadaama Berbera aysan hoos imaanin gacanta iyo maamulka Dowladda Federaalka Soomaaliya. Arrintan ayaa si weyn u wiiqday kalsoonidii siyaasadeed ee ku dhisnayd wadahadalladii hore, isla markaana dhalisay su’aalo adag oo ku saabsan saxnaanta iyo daahfurnaanta heshiisyadii la sheegay in la galay. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyey in Masar ay bixisay dhaqaale la xidhiidhay qorshe lagu doonayay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejiso dekedda Berbera, balse xaqiiqadu ay noqotay mid ka duwan filashadii Masar, maadaama Berbera ay tahay deegaan ka baxsan awoodda tooska ah ee dowladda federaalka. Tani waxay muujinaysaa farqi weyn oo u dhexeeya hadalladii siyaasadeed iyo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta dhulka. Xaaladdan cusub ayaa gelinaysa booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh miisaan siyaasadeed oo aad u culus, maadaama ay Masar sugayso caddayn, isla xisaabtan, iyo jihayn cad oo ku saabsan xidhiidhka mustaqbalka, gaar ahaan marka la eego kalsoonida, iskaashiga, iyo danaha wadaagga ah ee gobolka. Qore: Wariye Baaldahab Qaran News
-
Nairobi (Caasimada Online) — Tallaabada ay dowladda Israa’iil 26-kii December ugu aqoonsatay Somaliland inay tahay dal madax-bannaan ayaa noqotay dhul-gariir siyaasadeed oo gilgilay gobolka Geeska Afrika, kaas oo ku qasbay dalalka tunka weyn ee Kenya iyo Itoobiya inay dib u eegis degdeg ah ku sameeyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid “sharci-darro ah” oo xadgudub ku ah qarannimadeeda, iyadoo wacad ku martay inay qaadi doonto tallaabooyin diblomaasiyadeed oo lagu burinayo go’aankaas. Dhanka kale, Ururka Midowga Afrika ayaa si degdeg ah u diiday aqoonsigan, isagoo ka digay inuu hurin karo xiisado horleh isla markaana wiiqi karo mabda’a guud ee Afrika ee ilaalinta xuduudaha. Saraakiisha Midowga Afrika ayaa aaminsan in tallaabadani ay dhiirrigelin karto dhaq-dhaqaaqyada gooni-u-goosadka ah ee ka jira meelo kale oo qaaradda ah, taasina ay adkeyn doonto xal u helidda khilaafaadka xuduudaha ee gobolka. Arrintan ayaa kusoo aadaysa xilli xasaasi ah oo gobolka ay ka jiraan loollan dhanka amniga ah. Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaa ah marinno ganacsi iyo milatari oo muhiim ah, xilli ay jirto xasilooni darro ka taagan Suudaan iyo Soomaaliya. Diblomaasiyiinta ayaa ka walaacsan in loollankan aqoonsiga uu isku beddelo mid salka ku haya tartanka dekedaha iyo awoodda badda. Siyaasadda aamusntaanta ee Itoobiya Dalka Itoobiya ayaa ku jira xaalad cakiran. Addis Ababa, oo bishii Janaayo ee 2024 heshiis is-afgarad (MoU) la gashay Somaliland—kaas oo dhigayay in Itoobiya ay hesho marin badeed badalkeeduna ay aqoonsato Somaliland—ayaa wajahaysa xaalad cusub. Aqoonsiga Israa’iil ayaa culays horleh ku kordhinaya xukuumadda Abiy Ahmed. Itoobiya waxay ka gaabsatay inay shaaciso mowqif cad oo degdeg ah, iyadoo isku dayaysa inay dheellitirto baahideeda istiraatiijiyadeed ee badda iyo cabsida ay ka qabto inay si toos ah uga hor timaaddo mabaadi’da Midowga Afrika, taas oo sii xumeyn karta xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in hay’adaha amniga ee Itoobiya ay weli u arkaan marinnada ganacsiga inay yihiin arrin masiiri ah. Kenya: Dheellitirka danaha is-diiddan Dhinaca kale, Kenya ayaa iyaduna wajaheysa xaalad diblomaasiyadeed oo qallafsan. Nairobi oo inta badan la safan mowqifka Midowga Afrika ee madax-bannaanida dalalka, ayaa haddana xiriir ficil ah la leh maamulka Somaliland, oo ay ku jirto in xafiis wakiil uu uga furan yahay Hargeysa. Go’aanka Israa’iil ayaa soo koobaya fursaddii Kenya ee siyaasadda “horreysiinta xasilloonida”. Kenya waxay sheegtay in ay taageereyso madax-banaanida Soomaaliya ayada oo aan cambaareyn Israa’iil, sababo la xiriira xiriirka wanaagsan ee Tel Aviv. Tallaabo kasta oo ay hadda qaaddo oo u muuqata inay sharciyad siinayso Somaliland waxay dhaawici kartaa iskaashiga amniga ee kala dhexeeya Muqdisho, halka mowqif adag oo ay qaadataana uu carqalad ku noqon karo ganacsiga iyo xiriirka siyaasadeed ee waqooyiga. Toddobaadyada soo socda ayaa noqon doona imtixaan culus oo tijaabin doona awoodda diblomaasiyadeed ee gobolka iyo haddii Midowga Afrika uu awood u yeelan doono inuu ilaaliyo mabaadi’diisa asaasiga ah xilli ay jirto kala-qeybsanaan weyn oo ka dhex aloosan Geeska Afrika. The post Xeeladaha Kenya iyo Itoobiya iyo mowqifka aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland appeared first on Caasimada Online.
-
Lamu (Caasimada Online) – Dawladda Maraykanka iyo xukuumadda Kenya ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay mashruuc ballaaran oo ku kacaya $71 milyan, kaas oo lagu casriyeynayo dhabaha dayuuraduhu ka haadaan ee saldhigga ciidamada ee Manda Bay. Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hawlgallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika. Mas’uuliyiin ka tirsan milatariga labada dal ayaa Khamiistii daah-furay dhismaha mashruucan, kaas oo dhabaha dayuuradaha (runway) gaarsiin doona dherer dhan 10,000 oo fiit (feet). Kharashka ku baxaya dhismaha mashruucan waxaa bixinaysa Waaxda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka, waxaana looga golleeyahay in lagu kordhiyo awoodda saadka iyo isku-socodka ciidamada ee gobolka. Janaraal Dagvin R.M. Anderson oo ka tirsan Taliska Ciidamada Maraykanka ee Afrika (AFRICOM), oo goobjoog ka ahaa munaasabadda, ayaa sheegay in ballaarinta saldhiggan ay tahay tallaabo muhiim ah oo xoojinaysa iskaashiga dhanka amniga ee ka dhexeeya labada dal. “Waa caddahay sida mashruucani u xoojinayo amniga Kenya, balse sidoo kale wuxuu xoojinayaa amniga dhammaanteen,” ayuu yiri Janaraal Anderson. Wasaaradda Gaashaandhigga ee Kenya ayaa dhankeeda ku tilmaantay mashruucan “tallaabo istiraatiiji ah oo wax-ku-ool ah,” iyadoo sheegtay in ballaarinta garoonka ay sahli doonto in dayuuradaha xamuulka culus ay si fudud u isticmaalaan saldhigga. Tani ayaa la filayaa inay sare u qaaddo awoodda taageerada ciidamada iyo hawlgallada wadajirka ah ee laga fuliyo xuduudda ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya. Maraykanka ayaa sanadihii u dambeeyay maalgelin xooggan ku samaynayay xarumaha ay ciidamadoodu kaga sugan yihiin Kenya, gaar ahaan kuwa ku dhow xuduudda Soomaaliya, halkaas oo ay ka fuliyaan hawlgallo joogto ah oo lagula dagaallamayo Al-Shabaab. Muhiimadda istiraatiijiyadeed ee saldhigga Manda Bay ayaa soo shaac-baxday bishii Janaayo ee sannadkii 2020-kii, kadib markii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xerada Camp Simba oo ku taal isla deegaankaas. Weerarkaas waxaa lagu dilay askari Maraykan ah oo lagu magacaabi jiray Henry Mayfield Jr., iyo laba qandaraasle oo u shaqeynayay Waaxda Difaaca, kuwaas oo kala ahaa Dustin Harrison iyo Bruce Triplett. Wixii ka dambeeyay weerarkaas, Taliska AFRICOM iyo ciidamada Kenya ayaa si weyn u adkeeyay amniga saldhigyada Manda Bay iyo Camp Simba, si loo xaqiijiyo badqabka ciidamada loogana hortago khataraha joogtada ah ee kaga imanaya kooxaha argagixisada. The post Mareykanka oo $71 milyan ku maal-gelinaya saldhig lagala dagaalamo Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxtooyada Puntland ayaa shaaca ka qaaday in Villa Soomaaliya, muddada xil-haynta ee u dhimman, juhdi dheeraad ah gelin doonto burburinta iyo dhibaataynta guud ahaan deegaannada Puntland. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, oo ka hadlayey kulan ka dhacay Garoowe, ayaa ugu baaqay madaxda iyo shacabka Puntland inay dhiiranaan dheeraad ah yeeshaan. “Xasan 110-ka habeen ee u hartay wuxuu ka shaqaynayaa inuu burburiyo. Marka waxaan u baahanahay inaan is difaacno. Weliba ogaada, sannadkii dhawaa dagaalkii Daacish ayaan ku mashquulnay, sannadkanna xoog baan u soo jeednaa,” ayuu yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor. Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa digniin u diray masuuliyiinta dowladda ee aan xilkooda u gudan sida ugu habboon, wuxuuse sheegay inaan qofna reer ama xilkiisa lagu beegsan doonin haddii uu ka baxo xilkiisa. “Intaa waxaa la yiraahdaa madaxtooyada isku shaandhayn baa ka socota. Ciddii fiican taaban mayno. Qofkii shaqaynaya wax loo taabtaa ma jirto, cidna reer looma saari doono. Laakiin qofkii aan shaqaynayn maxaa diidaya in mid ka karti badan la keeno,” ayuu yiri Madaxweyne Lugatoor. Hadalka madaxweyne ku-xigeenka Puntland wuxuu soo aaday xilli magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso ay dhawaan soo gaareen siyaasiyiin ay Puntland sheegtay in ay gacan saar la leh dowladda federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Puntland waxay sidoo kale sheegtay in lacag ka timid dowladda federaalka ay soo gaartay Puntland, taas oo ay qaateen ciidamo ku sugan dhowr magaalo oo ka tirsan Puntland, kuwaas oo markii hore ka tirsanaa ciidamada Puntland, balse hadda ku biiray federaalka. Puntland waxay dhawaan shaacisay tirada ciidamada ay mushaarka siiso dowladda federaalka ee ku sugan deegaannadeeda, iyadoo ku sheegtay 1,376 askari oo loogu talagalay in lagu carqaladeeyo amniga iyo jiritaanka Puntland, sida uu yiri la-taliyaha arrimaha amniga ee madaxweynaha, Cabdi Xirsi Cali Qarjab. Dhinaca kale, Dalladda Ururrada Bulshada Rayidka ah ee Puntland (PUNSAA) ayaa beenisay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka, kaas oo lagu sheegay in bulshada rayidka ah ee Puntland lagala tashaday wax ka beddelka dastuurka. PUNSAA waxay sheegtay inaanay marnaba qayb ka noqon wax ka beddelka cutubyadii hore ee harsanaa ee dastuurka kumeelgaarka ah ee Soomaaliya. PUNSAA waxay xustay in mowqifkeedu yahay kii ay soo saartay 30-kii Maarso, 2024, kaas oo lagu sheegay in wax ka beddelka dastuurka uusan ku iman wada-tashi iyo isla-ogol. The post Puntland oo ka walaacsan qorshe ay sheegtay in Xasan ka damacsan yahay degaankeeda appeared first on Caasimada Online.
-
Mareykanka ayaa ansixiyay in Sacuudiga laga iibiyo hub casri ah oo lagu qiimeeyay $9 bilyan oo dollar, kaas oo ay ku jiraan 730 gantaal oo ka mid ah nidaamka difaaca hawada Patriot iyo qalab dhameystiran oo la xiriira difaaca hawada. Iibkan ayaa qeyb ka ah qorshaha Mareykanka ee lagu xoojinayo awoodda difaaca hawada ee Sacuudiga, iyadoo la siinayo hub casri ah oo lagula dagaalami karo khataraha cirka ka iman kara, sida gantaalada iyo diyaaradaha weerarka ah. Heshiiskan waxaa ku jira gantaalo Patriot Advanced Capability-3 (PAC-3 MSE) oo ah kuwo aad u horumarsan iyo qalab kale oo dhameystiran oo taageeraya nidaamka difaaca hawada, sida qalabka tababarka, qaybo beddelka ah, iyo software-ka nidaamka. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iibkan uu qayb ka yahay dadaalka lagu xoojinayo amniga gobolka Bariga Dhexe, isla markaana aan saameyn weyn ku yeelanayn isu dheellitirka milatari ee gobolka. Go’aanka iibkan waxaa soo saaray Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, waxaana loo gudbin doonaa Baarlamaanka si loo dhammeystiro tallaabooyinka sharciyeed ee lagama maarmaanka ah ka hor keenista hubka. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida halkaas oo uu si rasmi ah loogu soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Axmed, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qaybgalaya kulamo heer sare ah oo looga hadlayo iskaashiga siyaasadeed, amni, iyo horumarineed ee u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Djibouti. Mas’uuliyiintan iyo xubno kale ayaa lagu casuumay ka qaybgalka xafladda xarig jarka mashruuca dalxiiska Shabeelleey, ee Dowlad Deegaanka Soomaalida. Kulamadan ayaa sidoo kale lagu wadaa in laga yeesho mashaariic horumarineed, ganacsi, iyo isu socodka dadka iyo badeecadaha ee gobolka. Source: goobjoog.com
-
Intii uu socday Shirka Wasiiradda Carabta iyo Hindiya, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa kulan diblomaasiyadeed la yeeshay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Qurbojoogta ee Jamhuuriyadda Yemen, Ambassador Mustafa Axmed Naaman. Mudane Cabdisalaam ayaa sheegay in kulankani uu fursad u ahaa labada dhinac si ay uga wada hadlaan xaaladda gobolka iyo arrimaha caalamiga ah ee danaha wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Yemen. Dhanka kale, Ambassador Mustafa Axmed Naaman ayaa tilmaamay in Yemen ay diyaar u tahay in ay sii xoojiso xiriirka iyo iskaashiga istiraatiijiyadeed ee ka dhexeeya labada dal, isaga oo ku nuuxnuuxsaday muhiimadda wadashaqeynta gobolka iyo taageerada dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha. Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay arrimaha amniga, ganacsiga, iyo horumarinta iskaashiga dalalka soo koraya, iyada oo labada dhinac ay ku heshiiyeen in la sii xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal mustaqbalka dhow. Source: goobjoog.com
-
Afhayeen u hadlay aasaasaha Microsoft, Bill Gates, ayaa ka jawaabay eedeymo ceeb leh oo ku jira faylasha ugu dambeeyay ee Epstein oo ay ka mid tahay in lagu eedeeyay inuu qaaday cudur galmada lagu kala qaado isaga oo ku tilmaamay eedeymahaas “kuwa gebi ahaanba aan macquul ahayn isla markaana si buuxda been u ah.” Laba farriin (email) oo ku taariikhaysan 18-ka Luulyo 2013 ayaa u muuqda kuwo uu diyaariyay Epstein, balse ma cadda in waligood loo diray Gates. Labadaba waxaa laga soo diray akoonka email-ka ee Epstein isla markaana dib ugu noqday isla koontadaas. Ma jiro wax fariin ah oo si toos ah ula xiriira Gates oo muuqda, labada email-na midkoodna lama saxiixin. Mid ka mid ah email-da ayaa u qoran sidii warqad iscasilaad ah oo ka timid Hay’adda Bill iyo Melinda Gates Foundation, wuxuuna ka cabanayaa in lagu khasbanaaday in daawo loo raadiyo Gates “si wax looga qabto cawaaqibka ka dhashay galmo uu la yeeshay gabdho Ruush ah.” Fariin (email) kale, oo ku bilaabanaya “Gacaliye Bill”, ayaa ka cabanaya in Gates uu soo afjaray saaxiibtinimo, isla markaana wuxuu soo jeedinayaa eedeymo kale oo ku saabsan in Gates uu isku dayay inuu qariyo cudur galmo lagu kala qaado, xitaa xaaskiisii xilligaas, Melinda. Afhayeen u hadlay Gates ayaa u sheegay BBC-da: “Eedeymahan — oo ka imanaya beenaale la xaqiijiyay oo xanaaqsan — waa kuwo gebi ahaanba aan macquul ahayn isla markaana si buuxda u been ah.” Waxay intaas ku dareen: “Waxa kaliya ee dukumeentiyadani muujinayaan waa niyad-jabka Epstein ee ah inuusan xiriir joogto ah la lahayn Gates, iyo heerka fog ee uu u mari lahaa inuu dabin u dhigo kuna sumcad dilo.” Qaran News
-
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in hay’adda ay halis ugu jirto burbur dhaqaale oo degdeg ah sababo la xiriira khidmadaha aan la bixin iyo xeerarka miisaaniyadda oo qasba inay soo celiso lacag aan la isticmaalin oo laga yaabo in aysan marnaba helin. Warqad uu u diray safiirada QM, Antonio Guterres ayaa sheegay in fulinta barnaamijyada Qaramada Midoobay ay khatar ku jirto. Afhayeen ku-xigeenka QM, Farhan Haq, ayaa sheegay in in ka badan boqol iyo konton dowladood oo xubno ah ay bixiyeen khidmadahooda. Laakiin wuxuu intaas ku daray in weli hal bilyan iyo lix boqol oo milyan oo doollar ay ka dhiman tahay. Dowladda ugu deeqda badan QM oo ah Maraykanka ayaa diiday inay bixiso lacagaha waajibka ah isla markaana hoos u dhigtay taageerada iskaa-wax-u-qabso ee hay’adaha Bbcsomali Qaran News
-
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay dalka Ingiriiska in uu ganacsi la sameynta Shiinaha taasoo noqon karta arrin “aad khatar u leh” si gaar ah Uk. Hadalkan Madaxweynaha Mareykanka ayaa yimid ka dib markii la shaaciyay heshiisyo lagu kordhinayo ganacsiga iyo maalgashiga oo u dhexeeya UK iyo Shiinaha, kadib kulammo dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer iyo Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping. Waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer uu haatan ku sugan yahay Shanghai, maalintii saddexaad ee booqashadiisa Shiinaha. Isagoo ka hadlayay munaasabad, Madaxweyne Trump wuxuu Madaxweynaha Xi ugu yeeray “saaxiib” wuxuuna sheegay inuu si “aad ah u yaqaan” Madaxweynaha Shiinaha. Heshiiska Hindiya-Yurub, booqashada Ra’iisul Wasaaraha Britain ee Shiinaha iyo “iska caabbinta caalamiga ah ayaa sii kordhinaysa welwelka Trump” Wasiirka Ganacsiga Britain Sir Chris Bryant ayaa hadalka Trump ku tilmaamay “qalad” wuxuuna sheegay in ay noqon lahayd “waali buuxda” haddii Britain ay iska indhatirto joogitaanka Shiinaha ee masraxa caalamka. “Dabcan, waxaan la galnaa xiriir Shiinaha anagoo si buuxda uga warqabna,” ayuu intaa ku daray. Wasiirka Britain ayaa sidoo kale xusay in Donald Trump laftiisu qorsheynayo inuu booqdo Shiinaha bishii Abriil. Qaran News
-
Somaliland UK Diplomats Hold Candid Meeting with Israeli Counterparts in London In a diplomatic engagement following Israel’s historic recognition of Somaliland, officials from the Republic of Somaliland’s Embassy in the United Kingdom visited the Embassy of the State of Israel in London today. The Somaliland delegation, led by Ambassador Hon. Said Hassan Bihi, was warmly received by Israel’s Chargé d’Affaires Mrs. Daniela Grudsky Ekstein in the UK. During the courtesy visit, the Somaliland delegation expressed sincere gratitude to Israel for its recognition of Somaliland as a sovereign state, which was formally announced on December 26, 2025 – making Israel the first UN member state to do so. The meeting featured cordial exchanges, with the Somaliland side providing a detailed briefing on the country’s rich historical heritage, longstanding stability, democratic governance, and abundant natural resources. Israeli officials expressed appreciation for the visit and the productive discussions. Both delegations concluded the meeting by reaffirming a shared commitment to strengthening bilateral ties and exploring avenues for enhanced cooperation in the future. This encounter underscores the growing diplomatic momentum between Somaliland and Israel in the wake of the December recognition, amid broader strategic developments in the Horn of Africa and Red Sea region. Somaliland standar Qaran News
-
Dawladda Koonfur Afrika, iyadoo maraysa Waaxda Xiriirka Caalamiga ah iyo Iskaashiga, waxay si rasmi ah dalkeeda uga eriday Ariel Seidman oo ahaa madaxii kumeelgaarka ahaa ee Safaaradda Israa’iil, ka dib markii lagu dhawaaqay inuu yahay qof aan laga rabin dalkaas. Go’aankan oo soo baxay 30ka Janaayo 2026, wuxuu ka dhashay eedaymo la xiriira in safaaraddu ay baraha bulshada u isticmaashay inay ku weerarto, kuna aflagaadayso, Madaxweyne Cyril Ramaphosa, iyo, sidoo kale, in la ixtiraami waayay madaxbannaanida dalka ka dib markii la qariyay booqashooyin ay saraakiil sare oo Israa’iili ah ku yimaadeen Koonfur Afrika. Dawladdu waxay ku tilmaamtay ficilladaas inay yihiin xadgudub weyn oo ka dhan ah heshiiskii Vienna ee nidaamka diblomaasiyadda, waxayna amartay in ninkaas uu dalka uga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah. Source: goobjoog.com
