cadnaan1

Nomad
  • Content Count

    1,169
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    12

Posts posted by cadnaan1


  1. MMA kuwan marshabiyeeriga dhistay dan ayaa ku qasabtay oo ah xaga amaanka inkaar qabayaasha qaraxyada meelaha dhiga iyo baabuurta qaraxyada ayey iskaga difaacayaan, waana hubaa hadii baahidaas dhamaato inay ayaga dhulkaas soo celin doonaan.


  2. Sida la sheegay Kuwa qaraxyada tuuraayey waxay wateen baabuur marka sidee ku dhacday in baabuur qarax kasoo bilaabo ex control afgooye ilaa iyo xamar jajab , xamarweyne ilaa kaaraan, yaaqshiid oo aan la qabanin. Sxbyaal howshaan way ka weyntahay alshabaab waa dad ka mid ah dowlada qaasatan dadka kasoo jeeda beesha daahir aweys.


  3. Ilo wareedyo muhiim ayaa u xaqiijiyay Jowhar.com in la dhameystiray qorshayaashii xilka ka qaadista ee Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarsan oo muddo saddex sano xilkan hayay.

     

    Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga C/kariin Xuseen Guuleed ayaa qeyb ka ahaa Qorshahan xil ka qaadista Mr Tarsan oo dhowaan la sheegay inay isku dhaceen, kadib markii uu dib u soo magacaabay nin uu horay Tarsan xilka ka qaaday.

     

    Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo gaba gabeeyay la tashiyo ku saabsanaa magacaabista Duqa Muqdisho iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, iyadoo uu ugu cad cad yahay xubnaha xilkaas loo magacaabayo Jen. Xasan Maxamed Xuseen oo loo yaqaano Mungaab.

     

    Warkan aan ka helnay ilaha lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in maalmaha soo socda laga yaabo in lagu dhawaaqo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho Jen. Mungaab oo hada haya xilka Gudoomiyaha Maxkamada sare ee Ciidamada qalabka sida.

     

    Jen. Mungaab oo ka soo jeeda mid ka mid ah beelaha Mudullood ayaa in muddo ah u xusul duubayay xilka Maamulka Gobolka, iyadoo beelaha Mudullood ay wadeen dadaalada la xiriiray sidii xilkaas loogu magacaabi lahaa.

     

    Kulamo hoose oo ka dhacay Madaxtooyada ayaa dhex maray Madaxweynaha Soomaaliya iyo beesha uu ka soo jeedo Mr Mungaab, kaasoo la sheegay in Madaxweynuhu ugu xaqiijiyay in xilkaas uu u magacaabayo.

     

    Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Mr Mungaab loo gacan geliyay waraaqdiisa magacaabista, hase ahaatee aan wali la shaacin, waxaana arrintan xalay aad looga hadal hayay mid ka mid ah Hotelada Muqdisho oo dad siyaasiyiin, saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka ay ku sheekeysanayeen wararka ku saabsan magacaabista aan wali la shaacin.

     

    Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa xilka Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho loo magacaabay bartamihii sanadkii 2010, xilligaasoo magaalada Muqdisho inteeda badan maamulayeen Al-Shabaab, iyadoo mudadii uu xilka hayay uu wax badan ka qabtay xaalada Muqdisho, gaar bilicda Muqdisho.

     

    Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa ka mid ahaa ardayadii ku soo waxbaratay dalka Sudan, waxaana Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo ay isku dhowaayeen u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada qalabka sida.

     

     

    Somali news leader

    www.jowhar.com

    golfyare@gmail.com

    jowharcom@hotmail.com


  4. koofi wuxuu ahaa maxaakiimta garabka sheikh shariif ee marna ma noqonin alshabaab markii sheikh shariif yimidna wuxuu la saftay sheikh shariif,,,sawirkana wuxuu ahaa sanadki 2007/2008 waagi ethiopianka xamar lagula dagaalami jiray.

     

    Cambuulo iyo bun;971130 wrote:
    I dont understand how a shabaab Sarkaal can become taliyaha nabad-sugidda :mad:. walahi we're doomed nobody had a better chance than culusoow yet he has ruined that chance in less than a year what a complete wasteman!

     

    for all you who doesn't know who Maxamed Aden koofi (the new taliye) is here is a picture of him sitting next to Mukhtar roobow Abu Mansuur

     

    2hmf2a9.jpg