cadnaan1

Nomad
  • Content Count

    1,169
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    12

Posts posted by cadnaan1


  1. waxay u badantahay inuu saacid sii joogi doono hasan shekh siduu rabo uma noqonayso.

     

    Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa markii ugu horeysay ka hadlay khilaafka soo shaac baxay ee Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha u dhaxeeya, kaasoo salka ku haaya iscasilaada uu Madaxweynaha ka dalbaday R/wasaaraha.

     

     

    Prof. Jawaari ayaa sheegay in khilaafkaani uu yahay mid jiro isla markaana xalintiisa lagu dhameyn doono gudaha dalka, iyadoo aan dibada laga doonin xal, sidii Madaxdii KMG ee horay isu soo khilaafeen, kuwaasoo xal ka raadin jiray dibada.

     

    Afhayeenka Baarlamaanka ayaa sheegay in xaalku sidii hore uu iska badalay, mana jiri doonto buu yiri in ajaaniib xal laga raadiyo.

     

    "Dalku Dastuurr ayuu leeyahay, xaalkuna sidii hore maahan, oo dibada looga imaan jiray ama loo aadi jiray in la xaliyo khilaafka madaxdeena" ayuu yiri Prof. Jawaari oo rajo ka muujiyay in xal loo heli doono arintan.

     

    Dhinaca kale waxaa xarunta Madaxtooyada ka socda shirar kala duwan iyo dadaalo loogu kala dab qaadayo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra'iisul Wasaare Saacid, walow uu Madaxweynaha ku dhegan yahay in uu iscasilo Saacid, halka isagana uu doonayo in uu soo dhiso xuukmad cusub oo uusan xafiiska ka tegi doonin.

     

    Ilaa Ilaa 20 Wasiiro iyo Wasiir kuxigeeno isugu jira ayaa maanta kula taliyay Ra´iisul Wasaaraha inuu iscasilo, hase ahaatee wuxuu ka dalbaday in waqti uu kaga tashto siiyaan, isagoo ku wargeliyay in arrimaha la isku haayana ay xalkeeda ku jirto Baarlamaanka oo la hortago.

     

     

    Calanka.com: Isha wararka xaqiiqda


  2. jabkii somalida dagaalkii 77 waxaa ka masuul ahaa rag damacsanaa inay inqilaab military sameeyaan uu hogaaminaayey nin la dhihi jiray Cirro iyo abdilaahi yusuf iyo rag kale waxayaaba ay sameen jireen waxaa ka mid ahaa inay ciidanka sahayda laga daahin jiray sida rasaasta iyo raashiinka waxaa kaloo jiray ciidan aag qalad ah loo diro ama mararka qaarkoodna dhabarjabin lagu sameeyo.tii ugu dambeysayna waxay aheed 80 saraakiil ah oo la dilay ayaga dambiyo qiyaano qaran ah lagusoo oogay.

     

    inqilaabkiina wuu ka dhicisoobay 78kii umadina way lugooyeen.


  3. Waxaa is weydiin mudan siyaad bare markii u wadanka qabsaday wadanka noocee ayuu qabsaday ma wadan burbursan mise wadan dhisan oo ciidan dhisan lahaa oo wasaarada iyo wakaalado dhisan leh. Markuu tagayeyna muxuu ka tagay ma ciidan dhisan iyo wadan dhisan ayuu ka tagay.


  4. Masjidka 6 streetka iyo kan alhidyaaya ee u dhaw dhismaha usharika waxaa maamula ururka al-ictisaam kuwaasna way kasoo horjeedaan alshabaab oo aduunka ayey iskugu necebyihiin. Laakin sheikh hasan huseen kaasi waaba sheekha shabaabka fatwada ka qaataan.