cadnaan1

Nomad
  • Content Count

    1,169
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    12

Posts posted by cadnaan1


  1. Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu maxkameynayo dalka Jarmalka

    Published on January 22, 2014 by Mohamed White-ka · No Comments · 315 views

    saalax

     

    Maxkamad ku taalla dalka Jarmalka ayaa la soo taagay muwaadin Soomaaliyeed oo magaciisa lagu soo koobay Saalax, kaasi oo loo haysto in uu ka mid ahaa kooxo burcad badeed Soomaali ah oo horey u afduubtay markab laga leeyahay dalka Jarmalka.

     

    Maxkamadeynta muwaadinkan oo shalay ka bilaabatay dalka Jarmalka ayaa lagu eedeeyay in uu ka tirsanaa koox burcad badeed Soomaali ah oo lacago madax furasho ka qaatay markab lagu magacaabo Marida Marguerite oo laga leeyahay dalka Jarmalka, kaasi oo ay saarnaayeen 22 shaqaale, waxaana uu siday kiimiko.

     

    Markabka ayaa waxaa la afduubtay bishii May ee sanadkii 2010-ka, iyadoo lacag dhan 4.2 milyan la siiyay kooxihii afduub ahaan u haystay bishii December ee isla sanadkaasi,

     

    Saalax ayaa dalka Jarmalka tegay horaanta sanadkii 2013 isagoo qaxooti ahaan isu dhiibay dalka Jarmalka, waxaana saraakiisha ammaanka ee dalkaasi ay sheegeen in lagu ogaaday marka farahiisa laga qaaday, taasi oo ay ku sheegen in xilligii lacagta la siinayay sidaan oo kale faraha looga qaaday.

     

    Saraakiishu waxa ay Saalax ku eedeeyeen in uu badashay magaciisa markii uu dalka Jarmalka magengalyo u galay, waxaana lagu wadaa in markale la soo taago Maxkamadda 29ka bishaan, iyadoo inta ka horeysa waqtigaasi lagu haynayo xabsiga.

     

    Saalax waxa uu dhashay 21.10.1969 wuxuuna ku dhashay Somaaliya, waa xaas leh 4 caruur


  2. xasan sheikh waxaa cadaatay maanta wuxu yahay.

     

    wasiir ka mid ahaa wasiiradi hore aan aqoon u leeyahay wuxuu sheegay inuu madaxweynaha soo wacay saacada ka hor inta aan la magacaabin wasiirada cusub wuxuuna u sheegay in la badalay iyo qofka lagu badaly,laakin wasiirka ayaa ku yiri madaxweynaha halay badalo ma xuma ee lakin maxaad nin moorayaan ah dagaaladi kasoo qeyb qaatay oo na wax aqoon waxbarasho laheen igu badashay atleast qof wax yaqaano igu badali waysay,madaxweynaha wuxuu ugu jawaabay ninkan waa nin mizaan culus ke leh beeshaada adigana waxa mizaan kuma lihid xaga beesha.

     

    tusale kale beesha aan ka dhashay ninka wasiirka u ahaa dawladi saacid wuxuu ahaa qof aqoon diineed iyo mid aduun ba lahaa wuxuuna ahaa qof aamin ah,laakiin hada kan lagu badalay waa nin iskaba daa wax kale asaga ayaaba is qayaanaayo waana afmiishaar aan hal run ah ku hadlin.

     

    tusaale kale maryan qaasim wasiiradi dawlada saacid waxaa booskeeda lagu badalay khadiijo deriye oo ah qof muqayilad weyn oo xitaa dhaqan fiican laheen.

     

    waxaa kale oo aan maqlay raisal wasaaraha shaqadiisa hore wuxuu kasoo qaatay 4 months oo fasax ah waana arki doonaa haduu mardhaw cararo.


  3. waa arin cajaaib ah hadii qof aanan lala tashan xil loo magacaabo markii ugu horeysayna ma ahan dowladi Gaas ayadaba naag shiidle ah oo jowhar joogta ayey wasiir u magacaabeen markaasnaa jowhar waxaa haystay alshabaab miskiinta baxar ayey galiyeen alshabaab way qabteen.

     

     

     

    Tarsan "Reer Sheekh aniga ilama tashan, waana iska casilay jagada ay ii magacaabeen ee Wasiir K/Xigeenka"

     

     

    Golaha Wasiirada cusub ee uu soo magacaabay Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed ayaa markii ugu horeysay inta aanu ansixin Golaha Baarlamaanka waxaa ka hor yimid mucaaradii ugu horeysay, kaddib markii uu iska casilay Wasiir K/Xigeenka Dhallinyarada iyo Isboortiga.

     

    Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho oo loo magacaabay Wasiir K/Xigeenka Dhallinyarada iyo Isboortiga ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday inuu iska casilay xilkaasi uu u magacaabay Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed.

     

    Tarsan ayaa sheegay in isagu xilkaasi uusan dooneynin isla markaana uu yahay nin ay dadku wada yaqaanaan.

     

    "Reer Sheekh aniga ilama tashan, waana iska casilay jagada ay ii magacaabeen ee Wasiir K/Xigeenka" ayuu yiri Md. Tarsan oo sheegay in lagu degdegay magacaabista jagadaasi.

    Waxaa uu sheegay in xataa Wasiir uusan dooneyn, maadaama aan lala tashan sida uu hadalka u dhigay.

     

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa in Tarsan xilka Duqa Muqdisho iyo Gobolka Banaadir laga qaado, taa bedelkeed la siiyo Wasiir kuxigeen.

     

    Magacaabista Golaha Wasiirada oo noqotay mid soo daahday isla markaana dhalisay muran xoogan oo soo kala dhex galay Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaare C/Weli Sheekh Axmed ayaa la sheegayaa in wali.

     

     

     

    Somali news leader

    www.jowhar.com

    jowharcom@hotmail.com

    golfyare@gmail.com<quote>


  4. nuune,,,sxb ninnkan xasan sheikh wixii la mooday iyo sida uu isku badalay afbiijo ayaaba dhaamay laakiin insha alah wax dhaama kan ilaahay wadankaas u sahlo 4 sano qasaartay iga dheh.

     

    lakin taasi macneeheeda ma ahan in aanan dawlada taagersaneen haba iska xumaadaan wan tageersanahay wax kale dhaama ma hayo.


  5. universaltv ayuu hada live ka ahaa raisal wasraaha asaga oo magacyada wasiirada ku dhawaaqaya lakiin wajigiisa farxad kama muuqan waxay u ektahay inuu list loo soo dhibay xitaa magacyada qaarkood si dhib ah ayuu u aqrinaayey.

     

    maxamed axmedd tarsan wasiir ku xigeen ayuu helay.laakin waxaan u malaynayaa qofkan waa mayorka walaalkiis.


  6. xassan sheikh dad badan ayuu niyad jab ku riday waxaa la mooday inuu dhaami doono kuwii asaga ka horeeyey laakiin wuxuu biiray listka kuwa ugu xun ee soo mara taariikhda somalia sida c/lahi yusuf iyo ali geedi.

     

    dagaal ooge aadan saransoor oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadi baydhabo ayuu kusoo daray wasiirada. dib ayuu inoo celiyey baalaayada.


  7. Xaaji Xunjuf;991835 wrote:
    Yeah but what if a Qabiil says he owns the land and the land is disputed how you gonna solve that

    way dhici kartaa tusaale sida dagaalkii jowhar oo kale laba qabiil ee isla daga oo dhul beereed isku qabsaday taasi way dhici kartaa

     

    laakiin nin ka yimid mudug/galgaduud/nugaal inuu dhul ku sheegto sh/hoose iyo jubada hoose waa wax aan la aqbali karin waana qasab in dagaal layskaga dhiciyo.


  8. lol The Zack oo maanta qabiil iska dhaafay si macquul ah u hadlaayo,

     

    dadka waxaa suspicious ka dhigay waxay tahay area yada maamulka targetka ka dhigtay maxaa ayaga kaliya target ka dhigay camal waxaa jira wadooyin badan oo muhiim ah wali aan la dhisan xitaa ay ku jirto wada maka almukarama iyo wadada wadnaha iyo sodonka wali qaa ay wali dhismo u baahanyihiin.


  9. maanta ayaan waxaan ka sheekeysanay qof sxb nahay dadka deegaankaas janaale ah waxaan weydiiyey sababta qabiilada kale ay ugu fiirsanayaan dagaalka beesha aysan u caawinin wuxuu ii sheegay in beesha ay ayagaba ka darnaayeen iljeexda waagii 1990skii markii ay ayaga awooda ku lahaayeen gobolkaasi oo aay qabiilada kale ay si xun dhibi jireen.marka hada qabiilada kale waxay aaminsan yihiin hadii ay beesha ka gulaysato beesha iljeex inay dhibkii hore soo celinayaan oo aysan aheen daris fiican.