malistar2012

Nomad
  • Content Count

    2,754
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by malistar2012

  1. IGAD , IC and the FG Stand 5. Urged the Federal Government to rapidly conclude the remaining Central regions, Middle Shabelle and Hiraan state formation processes.
  2. They should Hang Them dead penalty lol Puntalnd is not serious about Federalism? What's different between North Galkacyo and SSC were PL Walked Away ? Desperate times Gass has achieve Nothing Puntland is in Turmoil and bankrupt Last week Alone War deg deg ah: Askari ka tirsan Ciidamada Puntland oo hadda diley Khasnajigii degmada……. WAAJIDPRESS – 8 JAN 2015: Ciidamada Puntland oo aan wax Mushaar ah qaadanin bilooyinkii la soo dhaafey ayaa maanta Askari kamid ah Ciidanka Maamulka Puntland, ayaa Maanta oo Khamiis ah ku toogtay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, C/llaahi Yaasiin Ciise (Maalin), oo ahaa Khasnajigii Degmada. Sida uu Saxaafada u xaqiijiyay Gudoomiyaha Degmadaasi C/fitaax Guruu, Askarita ayaa dhowr Xabadooda uga dhuftay Madaxa & Xabadka C/llaahi Yaasiin xilli uu Howshiisa Shaqo ku guda jiray. Marxuumka ayaa dhaawac ahaan loo gaarsiiyay Isbitaal ku yaalla Waqooyiga Gaalkacyo, balse markii danbe uu u geeriyooday Dhaawacii cuslaa ee ay gaarsiiyeen Askarta Maamulka uu kamid ahaa ee Puntland. Lama oga sababta, balse dadka qaar ayaa sheegaya in Ciidanka ay doonayeen inay ka dhacaan Lacag uu u hayay Maamulka Degmada Xarfo, oo uu Khasnad haye u ahaa.
  3. Great power sharing among federal states well done To the President and prime Minister Puntland got some important position especially were they complain the most Constitution Minister and minister of Education no more complaining about scholarship and constitution ..... Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha Dowlada Puntland Mudane Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka jiir ayaa loo magacaabay Wasiirka Waxbarashada dowlada Federaalka Soomaaliya halka Wasiirka Dastuurka loo magacaabay Mudane Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo horey usoo noqdey Wasiiru Dowlaha Xiriirka Caalamiga Puntland. Security fantastic is back I welcome this man , more MPs /warlords and business mans are going to get disarmed weapons ban in Mogadishu 100% . Hussein abdi halane Finance minister we'll connect to Jubba admin Ahmed modabe relative abdikarim Guled minister of Interior we'll connected gobolada dhexe centre state
  4. Acting ministers ------------------ Farah abdulqadir Abdirahman beele Hussein abdi halane Mustafe dhuxuloow Khadijo diriye Maxamad sh xassan xaamud Guuleed Sanbaloolshe
  5. loool xoog iyo qasaab weey dhaaftey ? How are they going to force the Goverment to give them Minister position? ^ “Golaha Badbaadinta Qaranka” should focus on 2016 election If they want to Rule Somalia or dictate stop the none sense
  6. Only blind man with hate will deny the facts and down play the historical important of IGAD summit in Mogadishu. http://youtu.be/mSSjy5Vh5A8 Saddexdii maalmood ee la soo dhaafay, ayaa waxay laamaha ammaanka ay amniga Muqdisho u xoojiyeen si ka duwan, sidii caadada ahayd ee looga bartay.Ciidamada Amniga oo Fashiliyay Miino oo meel qashin yaal lagu duugay Congrats to our security force especially Somali National Intelligence and Security Agency (NISA) , Anti terrorist force , Mogadishu police for securing the city and ending the summit peacefully . Mogadishu has moved on from war and Anarchy , the future looks bright one the holds sustainable stability and economic boom - Free education - The best Health service in East Africa . Xaji move on sxb worry about. Sultan waber N khatuum , Mogadishu is not in your level or league God bless our President Xasan Sheekh Maxamuud and the Security force
  7. Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD oo la soo gaba gabeeyay iyo War murtiyeed laga soo saaray by A M | Saturday, Jan 10, 2015 | 7143 views Shirkii Wasiirada Arrimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah loo soo gaba gabeeyay duhurnimadii maanta, kadib muddo saacado ah oo uu shirkan ka socday Hotelka SYL ee ku dhow Xarunta Madaxtooyada. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa shirka Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD soo xiray, iyadoo khudbad uu uga hadlay muhiimada shirkan ka jeediyay shirka, isla markaana soo dhoweeyay shirkan taariikhiga ah. Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa si gaar ah uga mahad celiyay Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, sidii ay u sugeen ammaanka intii uu socday shirkan iyo qabsoomidiisa, wuxuuna cadeeyay in dowladdu ay xoojin doonto ammaanka iyo hirgelinta federaalka. Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galayay Wasiirada Arrimaha Dibada Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo South Sudan, waxaana wehliyay wasiiru dowlayaasha Uganda iyo Sudan, waxaana xubnaha ka qeyb galay ka mid ahaa Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya. Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo shirka ka hadlay ayaa ku tilmaamay in shirkan uu yahay mid taariikh ah oo muujinaya horumarka laga gaaray ammaanka iyo siyaasada Soomaaliya. War murtiyeedkan oo ka koobnaa dhowr iyo labaatan qodob ayaa looga hadlay horumarada laga sameeyay Soomaaliya, sida dhismaha Maamul KMG, ammaanka, magaabistii Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo bogaadin loo jeediyay waxyaabihii u qabsoomay dowladda Federaalka. Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom oo ah Gudoomiyaha Golaha Wasiirada IGAD ayaa ugu dambeyn u akhriyay saxaafada war murtiyeedka laga soo saaray shirka, wuxuuna cadeeyay in Soomaaliya ay ku tallaabsatay horumar, isla markaana IGAD ay garab taagan tahay. Dr. Tedros Adhanom ayaa sheegay in shirkan lagu qabtay Soomaaliya markii u horeysay tan iyo bur burkii dowladdii dhexe, isagoo xusay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay IGAD iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Dibada Itoobiya ayaa sheegay in IGAD ay xushmeyneyso u hayaan madax banaanida, qaranimada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Dhinaca kale Wasiirada Arrimaha Dibada IGAD ayaa goor dhow ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, kadib shir hal maalin ah, isla markaana ay xalay ku hoydeen magaalada Muqdisho. La soco goor dhow war murtiyeedka laga soo saaray shirkan.
  8. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta soo xiray shirka aan caadiga ahayn ee Wasiirrada Arrimaha Dibedda dalalka IGAD oo sanadkan lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in shirkani fursad muhiim ah u yahay Soomaaliya oo markale dib usoo ceshatay sumacadii ay ku dhex lahayd bulshada caalamka gaar ahaan dalalka IGAD. Mudane Cumar C/rashiid, ayaa ku tilmaamay Dowlada Soomaaliya in ay diiradda saarayso ka miro dhalinta hiigsiga 2016, waxa kastana loo kala horumarin doona sida ay u kala mudan yihiin oo ay ugu horreeyaan xoreynta iyo nabad kusoo dabaallidda dalka, Siyaasad xasilan oo ay ka qayb galaan qabaha kala duwan ee bulshada, hilidda daryeel caafimaad, waxabarasho iyo dhiirigalinta ganacsiga si uu sal dhig ugu noqdo hormarinta dhaqaalaha. “Waxaana asaaska u dhigaynaa sidii Soomaaliya doorasho uga dhici lahayd 2016, anagoo kaashanayna beesha caalamka. War murtiyeedkii ka soo baxay shirkaan wuxuu xoojinayaa balanqaadkeena ku aadan arigtada 2016, xoojinta nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, iyo qaabaynta xasilinta dalka si loo helo Soomaaliya oo nabada ah” ayuu yiri R/Wasaare Cumar oo intaas ku daray in Xukuumadda uu soo dhisi doono muhiimadda siin doonto, dib u eegid lagu sameeyo Dastuurka, dhamaystirka nidaamka federaalka, iyo in dalka la gaarsiiyo in qof kasta helo fursad uu wax ku doorto. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale tilmaamay in Xukuumadda uu dhisi doono ay horyaalaan arrimo muhiim ah oo dalka looga saarayo marxalada uu ku jiro, isagoona sheegay in si dhaqso ah u soo magacaabayo Golaha Wasiirrada kuwaas oo noqon doono kuwa leh khibrad maamul oo fulin kara howlaha dowladda horyaala. “Xukuumadda aan soo dhisi doono waxay dadaal u gali doontaa sidii loo heli lahaa wadatashi iyo isfaham dhex mara madaxda qaranka, tani waxay awood noo siinaysaa inay xukuumadu ku shaqayso siyaasad xasiloon, taas oo abuuri karta wada shaqayn dhex marta dhamaan qaybaha kala duwan ee dowladda, waxayna horseedi kartaa in la hanto kalsoonida shacabka”, ayuu yiri Ra’uusul Wasaaruhu. RW Cumar, ayaa ugu danbeyntii xusay si arimahaan guul looga gaaro loo bahan yahay taageero iyo garab istaaga bulshada caalamka oo ay ugu horeeyaan wadamada IGAD. Wuxuu sidoo kale sheegay in magaalada Muqdisho uu shirkani marti galisay ay qeyb ka tahay sida looga miro dhaliyey balanqaadkii dowladda iyo taageeradii ay siiyeen dowladaha IGAD dalka Soomaaliya xili dagaallo lagula jiro kooxaha nabad diidka ah. —DHAMAAD—
  9. IGAD ministers summit 2015 has concluded , Mogadishu will host heads of states in 2015
  10. Xeebta Jasiira Masjidka ku dhexyaala Island ka
  11. New indoor court with restaurant in Buulo-Xuubey Simad University
  12. Cabdi Qaasim”Somalia waa cusub ayaa u baryay aanu adkeyno Fursadaas”DHAGEYSO} Madaxweynihii Hore Ee Somalia Mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo Wareysi Gaar ah siiyay Radiomuqdisho Isagoo ku sugan Wadanka Masar ayaa waxaa uu ka hadlay Dareenkiisa in Mudo 29 Sano ah ka dib Somalia ay marti galisay Shirka Wasiirada Arimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD kaas oo Maanta si rasmi ah uga furmaya Caasimada Dalka Ee Muqdisho. Cabdi qaasim ayaa wareysigaan waxaa uu ku sheegay in Somalia uu Shirkani u yahay Waa Cusub oo Ummadda Soomaaliyeed u baryay isla markaana Wacyiga Caalamku ka haystay Somalia uu is badal Xoogleh uu ku yimid waxaana uu ugu Baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay adkeystaan Fursada Muhiimka ah Ee soo martay Martidana ay soo wada dhaweeyaan isagoo intaaa raaciyay in Dowladii uu hogaaminayay AUN Maxamed Siyaad Barre waqtigii ay Dalka ka talineysay ay Somalia ugu dambeysay Shir Nuucaan oo kale ah, Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed u soo jeediyay in ay u midoobaan Hormarka Dalka isla markaana ay ka gudbaan waxyaaabaha aan Danta Dalka iyo dadku ku jirin Ee ay Dadka qaar ku jiraan isla markaana Dowladnimada Somalia oo Maanta hana qaaday la adkeeyo isagoo ku baaqay in Soomaalinimada la ilaaliyo Maleyshiyaadka Nabaddiidka ah ayuu iyagana u soo jeediyay in ay Dowladda isu dhiibaan oo ay dhibaatada dhafaan. Mr Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay Maamul Goboleedyada Dalka laga dhisayo isagoo Fursad Muhiim ah ku tilmaamay loona baahan yahay in dadka iyagu is maamulaan Iyagoo hoostagaya Dowladda Federaalka ah Ee Somalia waxaa kale oo uu Maamulka Somaliland u soo jeediyay Codsi ah in Somalia aysna kala Go.ikarin Xiligaan isla markaana uu ka codsanayo in ay tanaasulaan oo ay Midnimada Somalia Hormuud u noqdaan isagoo dhanka kalena soo jeediyay in Dhibaatada Dadka wuqooyi galbeed ay tabanayaan la Xaliyo si dhaqso ah.
  13. Cabdi Qaasim”Somalia waa cusub ayaa u baryay aanu adkeyno Fursadaas”DHAGEYSO} Madaxweynihii Hore Ee Somalia Mudane Cabdi Qaasim Salaad Xasan oo Wareysi Gaar ah siiyay Radiomuqdisho Isagoo ku sugan Wadanka Masar ayaa waxaa uu ka hadlay Dareenkiisa in Mudo 29 Sano ah ka dib Somalia ay marti galisay Shirka Wasiirada Arimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD kaas oo Maanta si rasmi ah uga furmaya Caasimada Dalka Ee Muqdisho. Cabdi qaasim ayaa wareysigaan waxaa uu ku sheegay in Somalia uu Shirkani u yahay Waa Cusub oo Ummadda Soomaaliyeed u baryay isla markaana Wacyiga Caalamku ka haystay Somalia uu is badal Xoogleh uu ku yimid waxaana uu ugu Baaqay Bulshada Soomaaliyeed in ay adkeystaan Fursada Muhiimka ah Ee soo martay Martidana ay soo wada dhaweeyaan isagoo intaaa raaciyay in Dowladii uu hogaaminayay AUN Maxamed Siyaad Barre waqtigii ay Dalka ka talineysay ay Somalia ugu dambeysay Shir Nuucaan oo kale ah, Cabdi Qaasim Salaad Xasan ayaa waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed u soo jeediyay in ay u midoobaan Hormarka Dalka isla markaana ay ka gudbaan waxyaaabaha aan Danta Dalka iyo dadku ku jirin Ee ay Dadka qaar ku jiraan isla markaana Dowladnimada Somalia oo Maanta hana qaaday la adkeeyo isagoo ku baaqay in Soomaalinimada la ilaaliyo Maleyshiyaadka Nabaddiidka ah ayuu iyagana u soo jeediyay in ay Dowladda isu dhiibaan oo ay dhibaatada dhafaan. Mr Salaad ayaa waxaa uu ka hadlay Maamul Goboleedyada Dalka laga dhisayo isagoo Fursad Muhiim ah ku tilmaamay loona baahan yahay in dadka iyagu is maamulaan Iyagoo hoostagaya Dowladda Federaalka ah Ee Somalia waxaa kale oo uu Maamulka Somaliland u soo jeediyay Codsi ah in Somalia aysna kala Go.ikarin Xiligaan isla markaana uu ka codsanayo in ay tanaasulaan oo ay Midnimada Somalia Hormuud u noqdaan isagoo dhanka kalena soo jeediyay in Dhibaatada Dadka wuqooyi galbeed ay tabanayaan la Xaliyo si dhaqso ah.
  14. Nuur cadde”Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waan ku amaanaya Suura galinta Shirka IGAD Ra,iisul wasaarihii Hore Ee Dalka Somalia Mudane Nuur Xasan Xuseen {Nuur cadde} oo Wareysi siinayay Radiomuqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay Shirka Urur Goboleedka IGAD oo Isagu maanta si rasmi ah uga furmaya Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho oo ay ugu Dambeysay 1386 Dii Xiligaas oo uu Dalka Maamulayay AUN Jaale Maxamed Siyaad Barre. Nuur Cadde ayaa waxaa uu sheegay in Farxad Darted uusan ka sheekeyn karin Dareenkiisa Isla markaana waxaa uu uu ugu hambalyeeyay Dowladda Federaalka ah Ee Somalia iyo qaybaha Bulshada Dadaalka ay u galeen suura galinta in shir Muhiim ah lagu qabto Caasimada Dalka Somalia oo Mudo dheer aan Fursad tan oo kale ah aysan soo marin. “Xaqiiqdii Waxaan rabaa in aan halkaan Hambalyo iyo Bogaadin uga diro Dowladda Soomaaliya iyo shacabka intaba waxaa ay Juhdi dheeraad ah galiyeen sidii Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho loogu qaban lahaa Shirar Caalami ah waan ku amaanayaa Runtii iskama imaan Fursadani Waxaana kaloo halkaa amana aan la soo kabai karin uga dirayaa Ciidanka Amaanka Somalia oo la.aantood aan waxba suura galeen halkiina ka sii wada Dadaalkaas”ayuu yiri Nuur Xasan Xuseen {Nuur Cadde} Maanta ayaa lagu wadaa in Shirka Wasiirada Arimaha Dibada Urur Goboleedka IGAD uu ka furmo Magaalada Muqdisho Iaydoo Xarunta lagu qabanayo oo ah mid aad amaankeeed loo sugay isla markaana la qurxiyay hadda wararka naga soo gaaraya ay sheegayaan in diyaar garowga shirka uu ka socdo,
  15. Madaxweynaha oo xaflad casho sharaf iyo soo dhaweyn ah u sameeyay wafdiga IGAD ee caawa ku hoyana Muqdisho “SAWIRRO” Posted on January 9, 2015 by Webmaster in WARAR, WARARKA // 0 Comments Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa xaflad balaaran oo casho sharaf ah u sameynaya wafdiga IGAD ee maanta soo gaaray Muqdisho. Xaflada oo caawa ka socota hotelka SYL oo la dejiyay wafdiga wasiirada ah ee ka socda wadamada IGAD ayaa madaxweynuhu ugu talagalay in lagu soo dhaweeyo wafdiga ka qeybgalaya shirka IGAD ee beri ka furmaya Muqdisho. Fanaaniinta hobollada qaranka ee Waaberi ayaa caawa halkaasi ku soo bandhigaya heeso iyo suugaan kala duwan oo lagu soo dhaweynayo wafdiga. Gudoomiyaha gobolka Banaadir Muungaab oo xaflada ka hadlay ayaa madaxda IGAD ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, isagoo sheegay in Muqdisho ay nabad tahay islamarkaana ay ciidamada qalabka sida iyo kuwa AMISOM ay iska kaashadeen sugidda nabadgelyada Muqdisho. Sii hayaha Wasiirka arrimaha dibadda C/raxmaan Ducaale Bayle oo halkaasi ka jeediyay hadalo soo dhaweyn ah, kadib ayaa sheegay in shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee wadamada IGAD uu berri ka furmi doono hotelka SYL ee magaalada Muqdisho Xafladan casho sharafka ah ee madaxweynuhu u qabtay wafdiga ka qeybgalaya shirka IGAD ee beri ka furmaya Muqdisho ayaa qeyb ka ah hab maamuuska lagu soo dhaweynayo madaxda IGAD ee caawa ku hoyanaysa Muqdisho.
  16. Madaxweynaha oo sheegay in Soomaaliya ay tahay meel amaan ah laguna qaban karo shirar caalami Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ku tilmaamay shirka IGAD ee lagu qabanaayo Muqdisho in ay tahay calaamad muujinaysa in Soomaaliya ay ku soo laabatay Wadada xasiloonida iyo horumarka maadaama shirar nuhiim ah lagu qabanaayo Soomaaliya.
  17. <cite> @Xaaji Xunjuf said:</cite> 4 out of the six flags have troops in Somalia , smh this is nothing to be proud about. The Former Somali republic went from hosting the African nation states in Mogadishu 1974 40 years ago. 40 Years later IGAD nations are having troops placed in all corners of Somalia. Somali President Meets with AU Commissioner for Peace & Security We'll done and congrats To our Goverment , Somali now has strong voice in the Internalional community ,
  18. Great progress as security improves IC - UN - AU - IGAD are all coming to Mogadishu holding Internalional meeting . Somali Gov has 100 % succeeded in foreign and International diplomacy
  19. IGAD foreign minister meet in Mogadishu after 30 years Maree.com: Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD ayaa caawa ku wada sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka Kenya, Koonfur Sudan, Uganda Sudaa iyo Itoobiya ayaa galinkii dame ee maanta gaaray magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Wasiirrada ayaa ka qaybgalaya shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalka IGAD oo lagu wado inuu Muqdisho ka furmo Sabtida barri ah. Wafdiga ayaa waxaa Muqdisho kusoo dhaweeyay sii-hayaha wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Wasiirrada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo wadajir ula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirka oo lagu qabto Muqdisho ay fursad u tahay Soomaaliya iyo guud ahaanba IGAD. Wasiirrada ayaa tilmaamay inay ku faraxsan yihiin in sannadkan 201-ka Muqdisho loo doortay halka lagu qabanayo shirka wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalka IGAD. Muqdisho ayaa waxaa horay igu sugnaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf oo isagna ka qaybgalaya shirka. Waa markii ugu horraysay ee wasiirrada arrimaha dibadda ee dalaka IGAD ay ku shiraan Muqdisho, intii ka dambeysay sannadkii 1985-kii.
  20. <cite> @Tillamook said:</cite> Malistar, this post of yours wreaks of desperation. But I will concede you this: Central state is indeed a reality...only in the very delirious confines of your warped imagination The centre state is reality on the ground it's the pirate who are in desperation , tuulo Garowe must accept reality the centre state is done deal the will of the people must be respected majority rules minority Get that through your thick Head . Barre and the kacaan family fully support centre State What option are available for the pirate instigating d block revolution back to 91 era is not option . The kaacan clan support centre state 100%. All the clans are on board plus the Government and the IC . Abdi wali Gas monthly visit to Ethiopia will not stop centre state ......
  21. Ka wada shaqeynta dib u heshiisiinta bulshada Gobollada dhexe oo laga shiray “SAWIRRO” Posted on January 6, 2015 Kulan looga hadlayey sidii loo xoojin lahaa dib u heshiisiin bulshada ku dhaqan Gobalada Mudug iyo Galgaduud oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, waxgarad, qaar ka mid ah musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho si loogu guulaysto dhismaha maamulkaasi. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradkii kulanka ka qeyb galay oo hadalo kala duwan goobta ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay shirka looga hadlay sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa shacabka ku nool gobollada dhexe ee dalka, iyagoo ku baaqay in laga wada shaqeeyo dhismaha maamul u sameynta Gobollada Mudug iyo Galgaduud. Xasan Maxamed Nuur oo ka mid ah musharixiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynenimo ee gobollada Mudug iyo Galgaduud ayaa ku baaqay in dib u heshiisiin la sameeyo, isla markaana ay u midoobaan sameynta maamul loo dhanyahay. Danjirihii hore ee Soomaaliya ee Koonfurta Sudan ahna Musharax u taagan xilka Madaxtinimo ee gobollada Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Diinaari ayaa sheegay in xilligan loo baahanyahay sidii shacabka u istaagi lahaayeen ka shaqeynta horumarinta adeegyada aas aasiga u ah bulshada, waxaana uu intaa ku daray in shacabka la gaarsiiyo go’aanada shirka ka soo baxay. “Waxaan isku afgaranay in aan dhamaanteen u istaagno ka shaqeynta dib u heshiisiinta, dhismaha maamul loo dhanyahay iyo horumarinta adeegyada bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada” ayuu Cabdiraxmaan Diinaari hadalkiisa ku daray. Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmahan ka socday shirar looga hadlayay dhismaha Maamulka Gobolada dhexe ee dalka.
  22. Elders from North Mudug visit Cadaado centre state is reality , majority of Mudug support Centre state Interesting development