Cambuulo iyo bun

Nomads
  • Content Count

    2,223
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Cambuulo iyo bun

  1. Boqolaal Dadweyne ah ayaa maanta isugu soo baxay waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ku qeylinayay ereyo ka dhan ah midowga Shabaab iyo Al-Qaacida isla markaana uga horjeedaan in wadanka Al-Qaacida ay sii joogto. Dadweynaha bannaanbaxayay oo socod dheer ku maray waddooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho ayaa isugu soo ururay xarunta Tiyaatarka Qaranka, waxaana halkaasi soo xaadiray Madaxweyne Shariif iyo madax ka tirsan Dowladda KMG ah, iyagoo halkaasi ka jeediyay khudbado kala duwan oo looga hadlay midowga Al-Shabaab iyo Al-Qaacida. Madaxweynaha Dowladda KMG ah Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa khudbad dheer u jeediyay dadweynaha bannaanbaxayay, isagoo sheegay in xukuumadiisu ahmiyadda koowaad siineyso dhinacyada ammaanka iyo cadaaladda, waayo ayuu yiri Madaxweyne Shariif muddo 21-sano ah dalkaan wax cadaalad ah ma helin. "Waxaan farayaa Wasiirka Cadaaladda iyo Maxkamadda sare inay maanta wixii ka dambeeya waxqabadkeena aan kor uga dhigno dhinaca cadaaladda, waayo hadaan cadaalad la helin nabad la helimaayo, nabaddana waxay ku imaan kartaa anagoo u howlgalna isku duubnaan iyo wadajir" ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Madaxweyne Shariif mar uu ka hadlayay howlaha kala duwan ee Dowladda oo ay ugu horeyso banneynta xarumaha Dowladda ayuu ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka baxaan guryaha danta guud si uu dalka u helo dib u dhis iyo waxyaabihii asaasiga u ahaa horumarka dalka oo ay ka mid tahay waxbarashada, caafimaadka, dhaqaalaha iyo kaabayaasha bulshada. Dhinaca kale Madaxweyne Shariif ayaa ka codsaday beesha caalamka in sida ugu dhaqsiyaha badan Dowladda Soomaaliya looga qaado cunaqabateynta saaran 21-ka sano mar hadii dalka ay joogaan Al-Qaacida, ciidamada Dowladda Soomaaliyana waajib ku tahay inay la dagaalamaan waxaan ugu baaqayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan looga qaado cuna qabateynta Hubka si ay Dowladda u gudato waajibaadka ka saaran inay dalka saaraan Al-Qaacidada gabbaadka ka dhigatay dalka Soomaaliya. Madaxweynaha waxaa kale oo uu ka hadlay si mar kale looga baxo burburkii dalka soo gaaray 21-kii sano ee la soo dhaafay isla markaana la banneeyay goobihii danta guud ahaa ayuu baaq u jeediyay Madaxweyne Shariif in maamulka gobolka Banaadir iyo 16-ka degmo iyo shacbiga Soomaaliyeed inaan dalkeena dib u dhisano anagoo ku dhiseyna iskaa wax u qabso, waxaana farayaa in lagu bilaabo Dugsiga 21-ka Oktoobar. Waa maalintii labaad oo magaalada Muqdisho uu ka dhaco dibadbax looga horjeedo midowga ururka Al-Shabaab iyo Al-Qaacida, iyadoo dibadbixii maantana ay iska kaashadeen Dowladda KMG ah iyo ururrada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Muqdisho.
  2. as the president of rageedi state i declare war against republic of dumbuluq for more information visit rageedi state's website http://www.nationstates.net/nation=rageedi_state
  3. Xarakada Al Shabaab ayaa waxay ka hadashay duullaano ay sheegtay inay maanta ku soo qaadeen Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, gaar ahaan Ciidamadda Dowladda Burundi ka socda ee qeybta ka ah Amisom. Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab oo goor dhaw wareysi gaar ah siiyay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Xarakada Al Shabaab, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay maanta ku soo duulleen Ciidamada Amisom. Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay inay weeraro xoogan ugala hortaggeen Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isagoo intaasi ku daray in dagaalada dhex maray ay khasaaro ugu geysteen Ciidamadda Amisom, sida uu yiri. Sheekh C/Casiis Abuu Muscab ayaa wuxuu xusay in Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay isaga soo baxeyn Dhismaha Xertii Jameeco iyo Dabaqa Maslax oo ku dhaw deegaanada loo-barakacay, isla-markaana wuxuu sheegay inay la-wareegeen waxa uu ugu yeeray cadowga. Sheekh Abuu Muscab ayaa wuxuu tilmaamay inay wadaan olole xoogan oo ay dib ugu qabsanayaan goobahaasi, isagoo intaasi ku daray inay diyaarinayaan dagaalo rogaal celin ah oo ay ku qaadayaan Ciidamadda Amisom. Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaalada ay Ciidamadda Amisom uga dilleen tiro ka badan tobaneeyo, isagoo intaasi ku daray inay jiraan dhaawacyo badan oo ay gaarsiiyeen, isla-markaana wuxuu ka dhawaajiyay inaysan weli dagaaladu dhamaan. Dhanka kale Afhayeenka Guud ee Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Paddy Ankunda oo la-hadlay Idaacada BBC-da laanteeda afka Soomaaliga, ayaa wuxuu sheegay in Ciidamadda Amisom ay seddex kiiloo mitir “3km” oo qura ay u jiraan Deegaanka Ceelasha Biyaha. Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa laga cabsi qabaa in goor dhaw ay dagaalo xoogan ku soo qaado Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo ay ka dhinac dagaalamayaan Ciidamadda Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya.
  4. Dagaalo qaraar ayaa waxay ka bilowdeen agagaaraha deegaanada loo-barakacay oo ay ka talliso kooxda Al Shabaab, oo maalmo kahor cadeysatay inay ku biirtay Ururweynaha Al Qaacida, oo uu caalamka u aqoonsan yahay koox argagaxiso ah. Dagaalada ayaa waxay ka soconayaan inta u dhaxeyso Tabeellaha Sheekh Ibraahim iyo Xerada Sarkuuste ee duleedka Magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxaa Xerada Sarkuuste saakay soo gaaray Ciidamadda Dowladda Burundi ee qeybta ka ah Ciidamadda Amisom. Dagaalada ayaa waxaa soo qaaday Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka, waxayna doonayaan inay kahor taggaan Ciidamadda Amisom oo doonaaya inay isku balaariyaan deegaanada loo-barakacay. Wararaka ayaa waxay sheegayaan in dagaalada ay labada dhinac isku adeegsanayaan qeybaha kala duwan ee huba, iyadoo ay xusid mudan tahay in hubka cul culus ay gaarayaan deegaanada loo-barakacay. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in madaafiicda ay saameyn xoogan ku yeesheen Deegaanada Garasbaaley iyo Tarey Disho, oo ka mid ah Deegaanada loo-barakacay ee ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab. Dagaalada maanta ka soconaaya duleedka Magaaladda Muqdisho, ayaa waxay geysanayaan khasaarooyin kala duwan oo soo kala gaareysa dhinacyada dagaalameysa, lamana oga in dagaalada ay khasaaro ka soo gaarayaan shacabka iyo in kale.
  5. Gaacuur sxb dhismaha maslax xeradii maslax mii mise waa meel kala?
  6. War Deg Deg ah: Ciidamada AMISOM oo markii ugu horeysay u ruuqaansaday duleedka magaalada Muqdisho iyo deegaanada loo barakacay. Guutooyin ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay u ruuqaansaday markii ugu horaysay deegaanada loo barakacay, kadib markii muddo 4-sanno ka badan ay magaalada Muqdisho dhaafi waayeen. Ciidamada Burundi ee ka tirsan Howlgalka AMSOM oo ay wehlinaayaan gaadiidka dagaalka ayaa saakay waaberigii fariisimo ka sameystay halka loo yaqaan Sarkuusta oo ah inta u dhaxaysa Xeradii hore ee Asluubta iyo Jaamadacadda Shabelle oo ku dhow deegaanka KM13 ama Tereedishe oo Al-Shabaab fariisin horay ugu ahayd. Waxaa halkaasi laga maqlaayay rasaas aan badnayn, inkastoo uusan dagaal halkaasi ka dhicin, waxaana la sheegayaa in halkaasi fariisin xooggan ka samaysteen Ciidamada Burundi. Sidoo waxaa saakay xiran wadada isku xirta Degmada Afgooye iyo Magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka dadweynaha iyo dadkii lugeynayey gebi ahaanba aysan isticmaaleyn wadadaasi saakay, iyadoo wadadaasi ay muhim u tahay isku xirka Magaalada iyo gobollada kale ee Dalka. Dhinaca kale Ciidamada AMISOM ayaa shalay ku hanjabay inay dhawaan weerari doonaan Gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan Degmada Afgooye oo fariisin u ah Al-Qaacidada cusub ee Soomaaliya. Maxamuud Axmed Xasan Web Updating, Somaliweyn Website Mob: +2526-15573321-+252-699-995088 xuurshe20@hotmail.com - Xuurshe114@gmail.com www.somaliweyn.com
  7. Guutooyin ka tirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa saakay u ruuqaansaday markii ugu horaysay deegaanada loo barakacay, kadib markii muddo 4-sanno ka badan ay magaalada Muqdisho dhaafi waayeen. Ciidamada Burundi ee ka tirsan Howlgalka AMSOM oo ay wehlinaayaan gaadiidka dagaalka ayaa saakay waaberigii fariisimo ka sameystay halka loo yaqaan Sarkuusta oo ah inta u dhaxaysa Xeradii hore ee Asluubta iyo Jaamadacadda Shabelle oo ku dhow deegaanka KM13 ama Tereedishe oo Al-Shabaab fariisin horay ugu ahayd. Waxaa halkaasi laga maqlaayay rasaas aan badnayn, inkastoo uusan dagaal halkaasi ka dhicin, waxaana la sheegayaa in halkaasi fariisin xooggan ka samaysteen Ciidamada Burundi. Sidoo waxaa saakay xiran wadada isku xirta Degmada Afgooye iyo Magaalada Muqdisho, iyadoo gaadiidka dadweynaha iyo dadkii lugeynayey gebi ahaanba aysan isticmaaleyn wadadaasi saakay, iyadoo wadadaasi ay muhim u tahay isku xirka Magaalada iyo gobollada kale ee Dalka. Dhinaca kale Ciidamada AMISOM ayaa shalay ku hanjabay inay dhawaan weerari doonaan Gobolka Sh/Hoose, gaar ahaan Degmada Afgooye oo fariisin u ah Al-Qaacidada cusub ee Soomaaliya.
  8. Ciidamadda Dowladda Burundi oo qeyb ka ah Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom oo ay kaabayaan Taangiyada dagaalada, ayaa waxay maanta ku baxeyn dhinaca Deegaanka Ceelasha Biyaha ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose. Ciidamadda Burundi oo loo-qaatay inay weeraro ku qaadeen Deegaanka Ceelasha Biyaha, ayaan gaarin Deegaankaaasi, waxayna ku hakadeen Xerada Sarkuuste ee duleedka Magaaladda Muqdisho, lamana oga inay weeraro ku yihiin Ceelasha Biyaha iyo in kale. Taangiyada Ciidamadda Burundi ayaa waxay qaarkood yaallaan aafafka hore ee Xerada Sarkuuste, isla-markaana waxaa laga cabsi qabaa inay duullaano ku qaadaan Deegaanka Ceelasha Biyaha, oo ay si weyn ugu xoogan tahay Xarakada Al Shabaab. Warar isa soo taraaya ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadda Dowladda Burundi ay ku hakan doonaan Xerada Sarkuuste, marka loo-baahdana ay weerari doonaan Deegaanada loo-barakacay, taasoo ka mid ah qorshaha Amisom iyo Dowladda ay ku weerarayaan Deegaanada loo-barakacay. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Ciidamadda Amisom ay qaarkood ku sugan yihiin Xerada Asluubta, waxayna iska saacidi karayaan inay si toos ah ugu duullaan Deegaanada loo-barakacay, inkastoo aan la’ogeyn xilliga ay ku dhaqaaqi doonaan. Sidoo kale Ciidamadda Amisom ayaan wax iska caabin ah kala kulmin Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo ku sugan goobo aanu ka fogeyn, goobaha ay xilligaan sii gur guuranayaan Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom. Taliye ku Xigeenka Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Audace Nduwumunsi, ayaa wuxuu sheegay inay weeraro ku yihiin Degmada Afgooye, isagoo dhinaca kalana shacabka ugu baaqay inay isaga baxaan Deegaanada loo-barakacay.
  9. disgusting hindeeydaan yaa garuun ku garaaco
  10. great song, lol @ duf ku bax dareen laawe hehe true words though
  11. ^^and whose fault is that yaa diidi wadahadal? Yaa diidi qaranimo? Yaa diidi nabad? Yaa diidi calanka astaanta uu leenahi?? we dealing with international terrorism here
  12. lol people just because he aint talking North eastern somali dialect doesn't mean he cant hail from those regions mentioned,, if u remember pre-war Mogadishu there where somalis all over the country living there thus can explain why he is talking a banaadir dialect.
  13. lool shactiro xal qaado to me it sounded more like marqaan talk
  14. lol honestly wth is this woman talking about lol
  15. lool blue ninka waku khafiiftay ma is tiri
  16. looool the pictures wiith shariif is too much, u only see that in Africa