
Somalia
Nomads-
Content Count
7,946 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Somalia
-
It can be forced and will be forced. And next it will be forced on you, Somaliland. The world has now acknowledged, especially UN Envoy to Somalia Mahiga that without Puntland there would be no gains, and so there will be an enforcement of the 1960s political scene to stabilise Somalia for development purposes in Kenya and Ethiopia as well as tapping its resources. The same people that don't want to see federal states and a central state are the same people who ruined Somalia in 1991, they are known as Moryaan. We won't live in anarchy or moryaanimo. I understand that you as a Somalilander are worried and have had the wrong political strategy since 1991. If I was from that region, I would have advised Egal to have taken other steps that would have certainly guaranteed your secession and progress.
-
That's not possible, Xaaji. First of all, no logical reason to be against the constitution has been uttered by opponents, in fact I heard a man saying 'I am against it just because Puntland supports it and that's my view, so what?'. So not only is there not a valid reason to be against it, it's the plain acknowledgement of this that makes any opponents view invalid. Now, the point about people saying you can't govern it in my region is not possible. There will be a disarmament campaign by AMISOM and TFG forces, gradually more and more land will be governed by those forces and there's not a thing the opponents can do.
-
The demonstration tomorrow will be dissolved by Sheikh Shariif's "presidential guard". :cool: But who cares anyway, what can they do to stop this great piece of history, if only I had the cash to go to Mogadishu to witness it. The TFG has achieved monumentally for the Somali people, it's the only government to survive since 1991, they'll realise it when they take off their clan lenses and look widely beyond the horizon. Come August, this is the move. All of these people you've mentioned, they are like tuna among sharks.
-
Sooyaal Nololeedkii Wasiiru Dawlihii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Puntland DR. Cabdi Xasan Jimcaale Wq. Anwar Maxamed Diiriye May 09, 2012 ____________________ ____________________ Dr. Cabdi Xasan Jimcaale (circa 1948 – May 5, 2012), waxa uu ku dhashay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir. Waxa uu malcaamaddii Qur’aanka, dugsigii hoose, dhexe iyo sareba uu ku dhammeeyey magaalada Muqdisho. Intii aan la qorin farta Soomaaliga ayuu ka aflaxay waxbarashadiisii dugsiga sare, dabadeed isla waayahaasba waxa uu noqday shaqaale hoose oo wasaarado dhawr ah ka soo shaqeeyey. Dr. Cabdi Xasan Jimcaale oo shir Soomaaliyeed dhex fadhiya 1972kii waxa isaga iyo dhallinyaro kale oo uu ku jirey loo qaaday dalkii Soofiyeetka Midoobey. Halkaa oo loo geeyey in ay ku soo qaataan tababar ku saabsan hoggaaminta dhallinyarada, waxana uu ku maqnaa 11 bilood. Goortii uu soo laabtay waxa lagu biiriyey xoghayntii xafiiskii siyaasadda ee madaxtooyada. Waxa uu dabadeed noqday guddoomiyihii ugu horreeyey ee degmada Cadaado; waxa kale oo uu ka soo noqday gobolkii Galgaduud xoghaye xisbi & guddoomiye ku xigeen. Waxa uu ahaan jirey xubin ka tirsan Xisbigii Hantiwadaaga Kacaanka Soomaaliyeed. Waxa uu niskii dhexe ee sano tobnaadkii toddobaataneeyada galay kuliyaddii Culuunta Siyaasadda ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed “Gahayr,”. Taas oo uu ka qaatay shahaadada Bachelors-ka. Isla kolkii uu ka qalinjebiyeyba waxa uu macallin ka noqday isla kulliyaddii waxana uu ka dhigi jirey maadooyinka Ancient Greek philosophy & German Classic Philosophy. Muddo ka bacdi waxa loo magacaabay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen guddoomiye ku xigeen gobol, sii haye guddoomiye gobol, agaasime waaxeed & xilal siyaasadeed oo ay la talini ka mid ahayd. Bilowgii siddeetameeyadii ayuu Cabdi iska dhaadhiciyey in aqoonta uu haystaayi in ayan ku filnayn ayna tahay in uu aqoon siyaadsi u tacabiro, waxa uu tegey Romania, waxana uu ka bilaabay barashada sharciga, waxana uu Master ku qaatay arrimaha sharciga 1988kii, waxana uu ugu dambeyn shahaadada PhD ku qaatay Sharciyada Dastuurka (Constitutional Law) oo uu ka qaatay isla Romania. Ra’iisal Wasaare Prof. Cabdiwelli Maxamed Cali Gaas & Dr. Cabdi Xasan Jimcaale. Garoowe, Puntland. 2012 Waxa uu u soo wareegey Denmark markii dagaalka sokeeye halakadiisu Soomaaliya ka qaraxday, halkaa ayuuna ku noolaa, waxana uu ka noqday macallin dhiga Italian Literature & la taliye sharci oo uu hay’addo Danish ah oo kala duwan uu muddo kula soo shaqeeyey. Goor dambe waxa uu tegey Soomaaliya, waxana uu shaqo ka bilaabay magaalada Garoowe oo uu hay’adda Diakonia u noqday Xiriiriyaha Sharciga & Xuquuqda Aadanaha. Waxa uu muddadaas aqoon kororsi xagga sharciga ah u furey Ciidanka Asluubta, Ciidanka Bileyska, garsoorayaasha maxkamadaha, qareemmada madaxa bannaan & xubnaha baarlamaanka Punland. Si wanaagsan oo lagu ammaanay ayuu hawshaa uga soo dhalaalay. Bilowgii Janaayo, 2009 ayuu Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole u magacaabay Dr. Cabdi Xasan Jimcaale in uu noqdo Wasiirka Madaxtooyada ee Dastuurka & Arrimaha Federaalka, waxana uu ka codsaday in uu awoodda saaro sidii hannaanka dimoqraadiyadda loo bari lahaa ummadda Puntland & in uu diyaariyo dastuur rasmi ah oo ay Puntland yeelato. Dr.Cabdi Xasan Jimcaale hawshii uu maalintaa bilaabay, si wanaagsan oo bulshada badideedu ku qanacday ayuu uga soo dhalaalay, waxana uu isaga oo sees ka dhiganaya dastuurkii Puntland ee hore u jirey uu dejiyey dastuur rasmi ah oo intii uu noolaa uu ka ansixiyey golaha wasiirrada & golaha baarlamaanka, kaas oo ugu dambeyn isaga oo arrimo caafimaad dartood dhakhtar u jiifa ay si mug leh u ansixiyeen wufuud bulshada laga soo xulayi. Waxa uu ka soo dooray naqshado badan oo loo soo gudbiyey calan & calaamad u gaarka Puntland, oo uu ku qeexay in ayan midnimada Soomaaliyeed aanay wax u dhimaynin ayse tahay astaan u gaar ah gobolka. Waxa uu si xirfad & aqoon leh si joogto ah uga jeedin jirey saxaafadda Puntland casharro & warbixinno ku saabsan dimoqraadiyadeynta, dastuurka & arrimaha federaalka ee ay Puntland oddorosatay. Waxa kale oo uu ebyey sharuucdii uu adeegsan lahaa guddiga doorashooyinku iyo waddadii loo mari lahaa furitaanka axsaabta badan ee siyaasadda. Waxa uu si mug leh oo muuqata uga shaqeeyey isku soo dhowaanshaha iyo wada shaqeynta Puntland & Dawladda ku meelgaarka ah. Waxa uu garwadeen ka noqdey shirarkii Garoowe ee lagu gorfeynayey arrimaha ka gudubka kumeelgaarnimada iyo u gudubka dawlad rasmi ah oo ay Soomaaliya yeelato 21 sano ka dib. Waxa uu ahaa nin shaqo badan oo goor iyo ayaanba wax qorid, akhrin & hawlo shaqadiisa ku saabsan u soo jeedi jirey oo aan marna ka caajisi jirin xilkiisa, kaas oo uu u arki jirey in uu yahay xil ammaano bulsho ku ah oo in had & goor loo soo jeedo mudan Shaqsiyan anigu, waxa aan bartay Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, wax yar ka dib markii uu soo saaray buuggiisii (Ma Degganayaasha Geeska Afrika), qiyaasta 1995kii. Waxa uu ahaa shaqsi edeb & ixtiraam badan, urursan, dhegeysi badan oo aan ka daali jirin ama kahan jirin in aad saacado badan la sheekeysato, saaxiib wanaagsan oo deeqsi ku ah aqoontiisa & waayo aragnimadiisa. Waxa uu ahaa nin leh garasho sare oo wax ka hillaadin og meel aadan arki karin. Goor walba oo aad ka dooddaan arrin aqoon u baahan si fudud ayuu u heli jirey dooddiisa, tixraacyo badanna wuu ku siin jirey. Dhanka filosofiga waxa uu aad u soo xigan jirey fikradihii Jean-Jacques Rousseau iyo Georg Wilhelm Friedrich Hegel. Jimcaale ma aanu ahayn nin ay iskaga qasan yihiin ama marnaba ay iskaga labmaan arrimaha diinta & kuwa cilmiga maaddiga ahi. Waxa uu lahaa garasho cuddoon oo meel dhow wax kaa tusi og, waxa uu ahaa deeqsi inta aad la joogto aqoontiisa & himilkiisa si fudud oo aan hamrasho lahayn kaaga dherjiya. Marka aad dood cilmiyeed bilowdaan si xarrago leh ayey maskaxdiisu u deexan jirtey, waxana uu jecleysan jirey in aad doodda sii waddaan. Qof aad u deggan oo ixtiraam badan muujiya ayuu ahaa, dadkuna waa ay u sinnaayeen oo abuurta bini’aadamnimo ayaa kala sarreysey heerarka nololeed ee kala qoqobta bulshada. Hawlaha reernimada & kuwa shaqadiisu way u kala soocnaayeen, dadka aan garashada uu higsanayo si sahlan u fahmi karini way ku colaadin jireen arrinkaa. Waxa uu ku oran jirey haddii aad labadaa arrimood isku baraxdo, “walaal inoo kala saar oo aan mid walba xaqeeda siinno.” Waana halkaa halka uu sida weyn ugaga duwanaa hoggaamiyayaal iyo aqoonley badan oo Soomaali ah. Waxa uu ahaa nin cilmiga uu bartay ku degey, oo mar walba caqligiisa iyo inta uu bartay ku kala xeeriya arrimaha murugsan ee ku meegaaran nolosha iyo waayaheeda macaankiyo kharaarkaba leh. Dhanka qarannimada & hanka Soomaaliga aad ayuu ugu weynaa, mar walba oo aad wakhti isku heshaanna waxa uu tartansiin jirey darxumada Soomaalida dadkeeda iyo dalkeedaba haysta iyo halka adduunka kale iyo dadkiisu ay higsanayaan. Munaafaqadda, cuqdadda iyo ceeb ku faanka wuu ka caafimaad qabey, oo waxaa halhays cuddoon u ahaan jirtey kelmadda “xaashaalillaahi,” oo macnaheedu yahay “xume ka fog; xume ka dheer iwm” marka uu kuu xaqiijinayo arrin uu ka hadlayo hubsashadeeda. Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa aan markii iigu dambeysey ee aan arko aannu diyaarad ka wada raacnay Djibouti, dabaadigii December 2010, oo waxa aan isla gaarney ilaa Gaalkacyo, dabadeedna gurigiisa ayaan asbuucii labaad ee ku beegnaa January 2011, ku wada qaddeyney magaalada Garoowe. Dr. Jimcaale waxa uu diyaaraddu intii ay samada dhex muquuraysey uu igu guddoonsiiyey nuqul ka mid ah dastuurka imika Puntland loo ansixiyey oo uu garwadeen ka ahaa, oo weliba si ixtiraam leh uu iiga codsaday in aan si deggan u akhriyo oo aan sida ugu dhakhsaha badan ula wadaago sida aan u arko, tiiyoo aan yeelay, Maashaa Allaahuye. DR. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa kale oo uu ahaa qalinle halki-haleel ah, waxana uu qoray dhawr buug oo soo baxay iyo dhawr kale oo iyaga oo tifaftiran uu ka geeriyoodey oo uu Alle ka oofsaday. Waxa uu wax ka qori jirey, taariikhda, Islaamka iyo arimaha siyaasadda Soomaalida. Anwar Maxamed Diiriye (Somali Pen & Gobaad Press) oo shahaado sharaf hawl-karnimo guddoosiinaya Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, Minneapolis, Minnesota 2009 Illaahay naxariistii janno ha siiyee, Dr. Cabdi Xasan Jimcaale, waxa uu ku geeriyoodey cusbital ku yaal magaalada London oo uu muddo ku jirey maalinkii Sabtida, May 5, 2012. Geeridu waa xaq, laakiin dhimashadiisu waxa ay ku soo hagaagtey xilli aqoontiisa & dadaalkiisaba aad loogu baahnaa oo ay hawlo badani dhanka Soomaalida ka sugayeen. Waxa uu ifka kaga tegey laba carruur ah oo mataano ah & hooyadood. Ilaahay iyaga & innagaba samir & iimaan waafi ah ha naga wada siiyo, booskiisiina khayr ha noogu beddelo e’. Geeridu xaq weeyoo Waa la wada gundhabadsane Hadda gaani dhaladoo Aqoon guud ka buuxdaa Gegidii banneeyee Goob wacan Alloow gee Gef wuxuu lahaa iyo Gabballihii ka dhacay iyo Wixii laga gensaday iyo Gol dalooladiisii Guulloow ka baabi’i! Guryihii jannada iyo Firduuz gogosha ugu beeg! Anwar Maxamed Diiriye Anwar@usfamily.net May 9, 2012
-
Dr_Osman;828679 wrote: 82 days left till the big bash when Puntland and it's people goes all out for the big ONE FOUR. I hope Puntland doesn't put you in it's advertisement and media team king you just don't know how to sell!!! wtf
-
http://www.youtube.com/watch?v=WdAeQYSyMM4&feature=related
-
Cabdi Cawar tries to undermine Khatumo's traditional leadership
Somalia replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
He doesn't care about Khaatumo movement's leadership, he wouldn't waste his time on that if his life depend on it, he has a country to run, not give in to them.. This is all lies. Viva Cayn State. -
Excellent news, it's shaping up good, the inevitable is happening, we are moving into a civilised state with laws and accountability. :eek:
-
-
Am I in the crowd somewhere? :eek: More pictures: http://puntlandi.com/?p=32918
-
^^ And Major General Indhacade.
-
AUN
-
Ethiopias foreign policy on Somaliland and Somalia
Somalia replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Stuff and horse crap ,,,,,,, -
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ka jawaabayey Su’aallaha la xiriiray Dastuurka ayaa waxa uu yiri” Dastuur La’aan Waa Dowlad La’aan maadaama ay lagama maarmaan tahay in Dal uu Dastuur yeesho waxaa lasoo diyaariyey Dastuur in mudo ah lagasoo shaqeynayey,dad quburro ahna ay soo diyaariyeen hadana Ergadii ansixin laheyd lasoo diyaarinayo laakiin kahor taasi markii gudiga iyo madaxda Dowladdu arkaan taladoodana ku biirayaan loosoo bandhigayo shacabka si’ay u ogaadaan waxa uu yahay ee ma ahan mid koox ama cid gaar ah ansixinteeda loo saarayo maadaama uu yahay Masiirka Umadda” AUDIO BELOW http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2012/05/Riix-Halkaan-Si-Aad-U-Dhageysato-Qeybta-Koobaad-Ee-Khudbadda-Madaxweynaha-Iyo-Suaallaha-Kuwait.mp3
-
PM Abdiweli, holds talks with the EU, UN, US in MOGADISHU: PICS
Somalia replied to General Duke's topic in Politics
7 days for the ratification. Road map is on track indeed. -
Ogaysiis:- Aaska Wasiirkii Dustuurka Puntland Marxuum Dr.Cabdi Xasan iyo sida uu u dhacayo Posted by Pi on May 8th, 2012 Waxaan Jaaliyada Soomaaliyeed iyo Midda Puntland ogayeysiineynaa in Aaska Marxuum Abdi Hassan Jimcaale uu ka dhici doono maalinta Bari ah (Arbaco 9/05/2012) wuxuuna ka dhacayaa Galbeedka Magaalada London, wuxuuna u dhacayaa sidan…. Jadwalka Aaska. Date 09/05/2012. Salaada Jinaaso ee Duhur waxa ey ka dhaceysaa, Masjidka Central Jamia Masjid, Montague Way, Southall Middlesex, Post Code IN2 5PA. Salaada Duhur. Qabuuraha Address. Cherry Lane Commentary, Shepiston Lane, UB3 1RN. xaafada Hayes oo aan waxba ka fogeyn Masjidka salaada loogu tukanayo Contact/ faahfaahin lasoo xiriira Maxamed Cali Diirshe 07951897047 Sakariye Isticmaar 07960721669. Fadlan dhowara wakhtiga Jinaasada iyo Duugta. Mahadsanidin.
-
uchi;827563 wrote: AUN, where can I get this book guys? any international online stores? The ISBN is 8798699202 People don't understand the magnitude of this loss. Truly a sad period.
-
The owner of this website has already denied me a bikini picture avatar and does not allow a custom avatar, not even a signature! Who is he really and what is his goal? That's the real question.
-
Xaaji Xunjuf;828128 wrote: ^^ What a hypocrisy as if the garowe clan enclave supported Xaglatoosiye they used to call him terrorist But i see garowe wants to create unnecessary division. I will give you an advise oday ba beri yidhi waxay tolka is la jecelyihin la jeclow. I will take that advice and throw it in the trash. However, Xaaji, be honest what has Khaatumo done other than partying? Are they going to dance their way into Laascaanood? Xaglatoosiye is welcome in Puntland sxb, and people like this Liibaan guy that's spamming every thread are not needed in those areas. Somaliland has not been able to enter Buhoodle once. If I asked Liibaan something Khaatumo achieved other than receiving an antenna from Mogadishu he wouldn't be able to name it.
-
Xaaji, out of my kin, Garaads and Kilil5 are the most divided, I never divided them here. They are always divided and always have been divided. If you look at the Garaads they don't know which part to take because movements spring up across the place. Xaglatoosiye founded SSC State, it was destroyed by Khaatumo and he was thrown out. He is now looking for other positions and so are his people. The chucking out of the latest Garaad was another blow. Khaatumo movement has been downsized to a smaller faction. Garaad Saleebaan attended their meetings and spoke fondly of the movement, but the man knows it won't succeed, waa sheeko cad. Buhoodle has always been a bit different than the rest of Khaatumo, never fully endorsed the movement. So my belief is Cayn State will unite the people and sideline this whole circus called Khaatumo, the division has been given a name (Cayn State), nothing more has happened.
-
As you can see there are changing forces within the region. One that fights for the people, and another led by Khaliif Galayr which fights for a kursi. Now, which one will the people take, the one that fights the Somalidiids, proven in battle or the one that was founded by a certified thief, who named the state after his grandma, which is led by qurbojoog only, which the Issims have not fully endorsed, which rejects many of the founders and spends its time mostly in Nairobi? Which one will the people unite behind and which one will be led into Laascaanood when Puntland feels the need to involve itself?
-
Xaaji, look at the capital of Cayn State. Buhoodle, Capital of Cayn State