oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Idaacada Shabeelle oo Idaacad afdheer ah oo ku taalla magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa la-xaqiijiyay in lacago xoog leh ay ka heshay kaniisado ku yaalla wadamada horumaray. Shabeelle oo sanadkii hore noqotay Idaacadda ugu wanaagsan caalamka ayaa waxaa la-sheegay in lacago ay ka helleen hay’ado hoos tagga kaniisado ku yaalla wadamada horumaray, isla-markaana ilo lagu kalsoonaan karo ayaa waxay sheegeen in Idaacadda Shabeelle ay lacago kusoo qaadatay xaglinta dalka Soomaaliya. Mudanayaal ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in Idaacadda Shabeelle ay lacago kusoo qaadatay, sidii ay iskaga horkeeni laheyd beelo walaalo ah, oo wada degga magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxay sheegeen in Shabeelle ay ka qaadi doonaan talaabo adag. Shabelle Media Network ayaa waxaa lagu eedeeyay in’ay ku lug leedahay sii-hurinta dagaalada ka soconaaya gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo rag ka tirsan dowladda ay sheegeen in Shabeelle ay soo taaggi doonaan maxkamad. Tuhunka Idaacada Shabeelle ee ku aadan in’ay lacago kasoo qaadatay kaniisado ku yaalla wadamada caalamka ayaa waxay ka taagan tahay magaaladda Muqdisho, isla-markaana inta badan shacabka ayaa waxay ku sheekeysanaayaan heshiis la-sheegay in Shabelle ay la-gashay hay’ado hoos tagga kaniisado. Si kastaba ha-ahaatee lama oga waxa uu ku dambeen doono mustaqbalka dhaw ama kan fogba ee Idaacadda Shabeelle, inkastoo Shabeelle ay ku taallo goobo ay ku xoogan yihiin ciidamadda Amisom. http://dhacdo.com/news.php?readmore=3462
  2. Deegaanka wacaniyo Duxiya iyo dareemada Dooga iyo cagaarkiyo Damaladu ku badan yihiin Degmadeena ceeldheer. Aan ku daawasiiyee Deex weeye dhinacoo Waa meel dalxiiskiyo Daawashada ku wacanoo Deeradiyo cawshiyo Darimaha ku yaaliyo Dalsaan weeye caanoo Indhihii dareemaaaa Kama daalayaanooo Dib baa loo xasuustaa. Dhanka kale waa duur Dhirtu daadsan tahayoo Ubax dacal ila dacal Dusha sare ka fuuloo Dareen lagu riyaaqiyo Dawo u ah qalbiga oo Dalsan weeye caanoo Indhihii dareemaa Kama daalayaanooo Dib baa loo xasuustaa. Waa xarunta diimeed Ilaa waagii daa,uud Dadka lagu daweeyaa Dugsiyada quraankoo iyadoo la doogsaday da,yartiyo duqaydii inta laysku soo daray subac loo dangiigsaday daadihinta quruxda diiintiyo nimcada taal indhihii dareemaa kama daalayaanoo dib baa loo xasuustaa. Doobtiyo barbaartoo Walasaqo u duubtoo Dedejinaya sacabkoo Boodayo gurayooo Ducaysanena jiibtiyo Luuqdii isugu daray Dadaw daawashada guud Dareenkeedu wacanaa indhihii dareemaaa kama daalayaaanoo dib baa loo xasuustaa. Erayaddi: C/raxiin hilowle Galayr
  3. Xukuumadda Soomaaliya oo boqolaal jeer sheegtay in’ay qaadi doonto dagaalo ka dhan ah Xarakada Al Shabaab ayaa waxay magaaladda Muqdisho ka wadaa dagaalo ka dhan Xarakada Al Shabaab. Saraakiisha dowladda ayaa iminka u soo tafa-xeetay dagaalo ka dhan ah ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo fara kulul ku haaya deegaanada ay ka taliso dowlada midnimada qaran ee Soomaaliya. Saraakiisha xoogga dalka Soomaaliya ayaa waxaa saacadihii ugu dambeeyay lagu arkaayay saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamadda dowladda ku lee-yihiin magaaladda Muqdisho, waxayna doonayaan dagaalo saf balaaran leh oo ay haljeer oo qura ku qaadaan Xarakada Al Shabaab. Olalaha ay dowladda Soomaaliya wado ayaa waxaa la-dhihi karaa waa mid si-weyn loo-soo qorsheeyay, waxaana la-filaayaa kolka ay ciidamadda dowladda weerarka qaadaan in’ay kabi doonaan ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, iyadoo si rasmi ah loo-soo habeeyay ciidamadda Amisom, waxaana loo-qeybiyay ilaa seddex qeybood. Qeybta koowaad ee ciidamadda Amisom ayaa waxay ka qeyb qaadan doonaan dagaalo dhulka ah “Efantari”, kuwaa oo ciidamadda dowladda ku kabi doono gawaarida gaashaaman ee taangiyada. Qeybta labaad ee ciidamadda Amisom ayaa waxay dagaalka kaga qeyb qaadan doonaan madaafiic cul culus oo ay kasoo ridi doonaan saldhigyada ugu waaweyn ee ciidamadda Amisom ku lee-yihiin magaaladda Muqdisho, sida Ex Kulliyadii Jaalle Siyaad, Xalane, Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, Bangigii dhexe ee ganacsiga iyo Hotel Jubba. Qeybta seddexaad ee ciidamada Amisom ayaa waxaa la-sheegay in’ay ilaalin doonaan dhaq dhaqaaqyada gawaarida, gaar ahaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamadda Amisom, iyadoo laga baqdin qabo in xoogaga Al Shabaab ay soo qaadaan weeraro ismiidaamin ah. Weerarka qorsheysan ay qaadi rabto dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu yahay mid saf baaaran leh, isla-markaana dadka odoroso siyaasadda dalka Somaliya ayaa waxay sheegeen haddii ciidamadda dowladda ay si daacadnimo leh ugu dagaalamaan dowladda Somaliya, waxaa hubaal ah bay yiraahdeen, in dowladda ay la-wareegi doonto goobo hor leh, balse su’aasha meesha taalla ayaa waxay tahay, ciidamadda dowladda ma’u dagaalami doonaan sida ay dooneyso dowladdu? http://dhacdo.com/news.php?readmore=3461
  4. Saalax;684612 wrote: Mac Sonker. At the end of the day it's Pirateland's fault their equipment's got consficated. lool oo kan waaba xalaaleysana miyaa
  5. Viva banaadir waa guul uu so hoyatay umadda soomaliyeed thanks puntland and keep up the good work, viva somaliweyn!!
  6. Somalia’s first ever national football team captain Mohamed Qalaf Aden (Shangole) Lol dadkii aan ogeyn Mohamed qalaf aden waxuu dhalay F'uad shongole..
  7. hade waqooyiga reerka ayaa majority ku ah, ileen xamar hal qabiil ma degena qabiilo farabadan oo walaala somaliyed ayaa joogo meesha.. odaygan maxamed dhere haduu weeraro hodan & h/wadaag ama dayniile waxa lo arka qabiil, inuu ku duulayo qabiil kale, somali waa taqaan...
  8. m/dheere wuxu ku fiican yahay inuu difaacayo deeganadiisa ee waqooyiga xamar, cabdulahi yusuf waxba isma dhaamaan laakin de labadu deeganada ay kaso jeedan daacad bey uu yihiin..
  9. Masaakiinta dharkeynley lee ku dhamaanayo maahine amisom wax gaari maa
  10. war ninyahow maxa waaye waxaadan fahmeynin anigu dowladdu kuma taageerin isku qabiil ba tihiin shariif as i said b4 maxaan uu taageeri waaye geeddi? ninkii fiican wan raacsanahay, tan kale aniga laftan ka dhashay waa al shabaab miiraan kulli reerkeygu waa al shabaab hadan runta ka hadlo 20 ruux oo ilma adeeradey iyo ilma adeero labaadkeyga al shabaab ayey ka mid yihiin marka qabiil maxaan ugu taageeri waayay?
  11. ninyahow alle laguma caasiye, maxamed dheere,salaad cali jeelle,ali mahdi,xaaji muuse suudi yalaxow, waa ay geysteen xumaan badan mana ku difaacayo qabqablenimada laakin maanta ma wax dhiba ayaad ka maqashaa,dowladda ayeey tageersan yihiin, ogowna in muggii ay dowladda awood yeelato oo sharci iyo kala dambeyni dhacdo in ninwalba oo xumaan geystay la xukumi doono qabiilku doono ha ahaade.
  12. sxb Maxamed dheere geesi waaye ninkii mucaarid iyo ninkii tageersanba wa ogyahay.. in laga raayo waa adagtahay
  13. looooooool, marku ina yey ka talinaye dalka maxaan uu tageeri waaye ina adeerkey Geeddi oo isna PM ahaay??? deeganada aan kaso jeedo nabad ay aheyd xiligaas maxaan uu taageeri waaye? sow xaqdaraddi kuma diidin
  14. 20 sano ali mahdi kuma xaarin ee kooyto aya ku xartay kow dheh war kale amaa ii heeysa
  15. sxb waxa reerka ka qeylisiyay waxa waaye iyaga kaliya ayaa laga beenabuurana oo lagu taagan yahay, tilaabo in laga qaado waa waa shaqsiyaad cadifaadi ka buuxdo oo qarandiid ah oo walaalaha iskugu diraaya waxaan meeshaba oolin, waxan after 20 yrs in laisku qabsada ma haboona waa inaan dalkeena dib uu dhisano oo aduunka wax la qeybsano!!
  16. anigu qabiil kuma diidin ee xumaanta aan ku diiday fahan waliba waa reer abtigey, idaacadan oo dhaheyso lacag ayey lunsadeen shariifka qabiilkiisa waxey xaruntooda tahay dhismo dowladdu leedahay waliba waa wasaarada cirka iyo dhulka waxey ka gateen Cabdi nuure siyaad, eedeynta ay wadaan waa mid bilaa caddeyn waana gaf weyn in dowladda iyo maamulka dad ka tirsan lagu eedeyo wax aysan uu heyn caddeyn waana sharci darro, hadii wadamadan galbeedka arimahan ka dhici laheyd maxkamad ayaa laysla tagi lahaa. marka shabeelle waxey warkooda sii badinayaan colaado faa'ido maleh, waxan leeyahay ha iska dhafeen dhibaatada oo nabadda ka shaqeeya, dalkeena waxa hortaal caqabado farabadan marka dan inooma aha arimaha ay wado shabeelle. ee marna qabiil kuma diidin shabeelle, anigu kaliya qaranimo iyo nabad in laga hirgeliyo dalkeena ayaan doonaya oo masaakiinta daadsan daafaha magaalada muqdisho guryahooda kuso noqdaan.
  17. waa layska qabanaa nabadiidkan 20 sano laga joogi waayay..............
  18. ninkan Furux iyo shabeelle in tilaabo laga qaado waaye, they can not even substantiate the allegations, cajiiiiiib intii horumar la gaari lahaa khilaaf iyo, gadaal lee lo socda,,,, war nabadiidkan ya inaga qabto waa dad iyaga la mid ah waxey dalkan ka degi weyse ee allow sahal amuuraha
  19. General Duke;683544 wrote: Not sure, tommorrow I belive and the final will be on Friday... wan gartay tolow live meel laga fiirsan karo ma jirtaa?
  20. Maamulka Gobolka Banaadir oo u hanjabay Shabelle. Muqdisho:(Sh. M. Network) Maamulka Gobolka Banaadir ayaa hanjabaad u jeediyay Shaqaalaha iyo Shabakadda Warbaahinta Shabelle, iyagoo dhinaca kale ku eedeeyay Shabelle inay la shaqeyso Xarakada Al Shabaab maalmaha soo socdna ay xiri doonaan. Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cusmaan oo maanta Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn shirkiisa jaraa’id waxaa uu uga hadlay warbixin dhawaan ay deysay Shabakadda Warbaahinta Shabelle oo aheeyd in lagu takri falo dhaqaalaha ka soo xarooda dekada Magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah farta ugu fiiqay dhaqaalaha Maamulka gobolka Banaadir ka soo gaara dekada Magaalada Muqdisho. Waxaa uu beeniyay C/kaafi in Maamulka gobolka Banaadir uu ku takri falay Dhaqaalaha kaga yimaada dekadda Magaalada Muqdisho, isagoo carabka ku dhiftay in maamulka gobolka Banaadir Shabelle ay la tiigsan doonaan sharciga waxaana uu ku hanjabay in hadii ay cadeyn keeni weyso Shabelle uu talaabo ka qaadi doono Maamulka Gobolka Banaadir. Isagoo hadalkiisa sii watta ayaa Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu Shabelle ku eedeeyay inay xariir la leedahay Xarakada Al Shabaab, waxaana uu tilmaamay in Maalmaha soo socda ay xiri doonaan Idaacada Shabelle sida uu ku hanjabay. C/kaafi oo shirkiisa uu ka muuqaday sida uu uga xunyahay iftiinka Shabelle ay ku ifisay in aan waxba lagu qaban dhaqaalaha kaga yimaada Mamulka gobolka Banaadir dekadda Magaalada Muqdisho, ayaa ugu horeyn qiray in boqolkiiba 15 ay ka helaan dekada taasi oo uu sheegay inay ku dhacdo bangiga dhexe walow uusan carab baabin howsha ay dadweynaha ugu qabtaan iyo waxyaabihii ay ku qabteen lacagtaasi mudadii ay dhuranayeen. Isagoo wali mar marsiiyo u raadiynaya xoghayaha Maamulka Gobolka Banaadir lacagta uu lunsado Maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa uu eedeeyay oo hadalkiisa waxba kama jiraan ku tilmaamay gudoomiyaha degmada Shibis ee dowladda KMG Soomaaliya C/laahi Yabarow Haruur oo Shacabka reer Muqdisho xili uu la hadlayay Shabelle u cadeeyay musuq maasuqa lagu hayo dhaqaalaha soo gala Maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu ku andacooday C/kaafi in gudoomiyahaasi xilka mar hore laga qaaday walow aysan jirin goob looga qaaday xilkaasi oo la shaaciyay. Shabelle oo kaliya uguma uusan hanjabin in uu xirayo Xoghayaha Maamulka gobolka Banaadir hase ahaatee waxaa uu caradiisa sidoo kale kala dul dhacay hoteelada kuyaala Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu sheegay inay xiri doonaan hadii lagu qabtaa shir uusan ka warqabin Maamulka gobolka Banaadir. Xoghayaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir C/kaafi Hilowle Cusmaan waxaa uu horay go’aan aan laga fiirsan uga qaatay hay’ado samafal oo ka howlgali jiray Magaalada Muqdisho kuwaasi oo uu ku eedeeyay inay xariir la leeyihiin Xarakada Al Shabaab, isagoo sidoo kale Idaacado kuyaala Magaalada Muqdisho isku dayay in uu xiro walow arimahaasi oo dhan markii dambe uu raali galin ka bixiyay gudoomiyaha Maamulka gobolka Banaadir oo tilmaamay in hadalada xoghayaha guud ay yihiin kuwa isaga u gaar ah. Waxa arin lala yaabo ah in shalay xildhibaan ka tirsan Barlamanka KMG Soomaaliya uu Shabelle ku eedeeyay inay xariir la leedahay Kaniisado kuyaala Caalamka halka maantana Masuul ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda KMG Soomaaliya uu Shabelle ku eedeynayo inay la shaqeyso Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee hadalada masuuliyiintaani ayaa imaanaya xili Shabelle ay maalinba maalinta ka dambeysa shaacineyso warbixino ka hadlaya halka ay ku baxaan lacagta kasoo xaroota ilaha dhaqaale ee dowladda KMG ay mamusho. Waa hanjabaadii sedaxaad oo mudo kayar hal isbuuc loo jeedinayo Shaqaalaha iyo maamulka Shabakadda Warbahinta Shabelle wixii ka dambeeyay markii ay biihisay Shabelle warar sheegaya in jeebabka lagu shubto dhaqaalaha ka soo xarooda dekadda Muqdisho. http://www.shabelle.net/article.php?id=1445
  21. Iyadoo hada laga joogo mudo ka yar laba todobaad marki ururka saxafiyiinta aan xuduuda laheyn ay Radio Shabelle u aqoonsatay idaacada ugu wanaagsan caalamka, ayey Shabelle waxa ay bilowday warar ka baxsan anshaxa saxaafada. Radio Shabelle oo ay hada ka howlgalaan wariyaal ay tayadooda aad u hooseyso marka laga eego aqoontooda maadiga, diinta, saxaafada iyo waaya aragnimada saxaafadeed ayaa waxa ay caawa ka diyaariyeen madaxdweynaha iyo mas,uuliyiin kale maqaal ay ugu gafeen. Warbixinta ay Shabelle ku aflagaadeysay madaxweynaha waxa cinwaankeedu ahaa “Dekeda Muqdisho oo isu badashay dekedii Ceelmacaan” waxaana biya dhaceedu uu ahaa in madaxwey-naha iyo rag kale oo ay ku jiraan xildhibaano ay cunaan lacagta kasoo xarooto Dekeda. Waxa Shabelle ay ku eedeysay in lacagta kasoo xarooto %70 ay ku dhacdo jeebka madaxweyn-aha Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo sidoo kale rag ay ka mid yihiin xildhibaan Salaad Cali Jeelle, Cabdi Jiinoow Calasow oo ah meereeyihii hore ee dekeda iyo maareeyaha cusub Sayid Cali. Shabelle oo aanan daliil iyo xigasho midna u keenin warbixintan waxa ay tusaale usoo qaadatay xildhibaan Furux oo dhawaan Dekeda arbushay kaasoo doonayey in wax laga siiyo lacagta kasoo xarooto dekeda. Idaacada Shabelle oo sanadihii 2004 ilaa iyo 2008 si aad ah uga shaqeyn jirtay danaha qabiilka uu kasoo jeedo milkiilaha idaacada ayaa hada warbixinta ay caawa sii deysay ku soo hadal qaaday in Dekeda loo maamulo hab beeleed gaar ahaana ay ku amar taagleeyaan madaxweynaha iyo jufada uu kasoo jeedo sida ay hadalka u dhigeen. Maalinti Talaadada aheyd ee aanu kasoo gudubnay waxaa magaalada Muqdisho kasoo degay mil-kiilaha idaacada Shabelle C/malik Yusuf Maxamuud, waxaana mid ka mid ah wariyaasha Shabelle oo diiday in magaciisa la xuso uu ii sheegay in warbixintan uu amray in sidaasi loo diyaariyo agaasimaha. Waxaa la xaqiijiyey in rag ka soo jeeda Beesha Habar gedir ee ay ka mid yihiin Milkiilaha Shabelle C/Maalik Yuusuf Maxamd, Xildhibaan Furux, C/qani Gabreeto, iyo rag kale oo soo jeeda Beeha Habar Gedir Todobaadkaan kulan ay ku qateen Hotel Saxafi ee magaalada Muqdisho , waxaana kulan beeledka foosha xun lagu dejiyey qorshayaal lagu sumcad dilayo Madaxweynaha Soomaaliya islamaraakana dib loogu soo celinayo coladahii beelo soomaaliyeed, waxaana ugu weynaa dariiqa loo marayo Idacada Shabelle ee magaalda Muqdisho. Lama oga talaabada ay ka qaadan doonto dowlada hadalkaasi meel ka dhaca ku ah madaxwey-naha Sheekh Shariif, waxaana sida ay qabto qawaaniinta caalamiga ah mamnuuc ka ah saxaafada in ay wax ka sheegto shaqsi-yada madaxweyne ama mas,uul sare hadii aysan u heynin cadeyn.
  22. http://jowhar.com/news.php?readmore=2526 Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir c/kaafi hilowle : Idaacada shabeelle waa idaacad qabiil