
oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Radio Shabelle oo dhawaanahan dib u soo cusboonaysiisay dagaal dhanka qabiilka ah ayaa waxaa ay weerar qaawan oo dhanka qabiilka ku qaaday madaxda dowladda Somaliya taasoo ay meel ka dhac ku tahay Hanaanka saxaafadeed ee Idaacaddaas. Radio Shabelle waxay sheegeysaa inay ka hadlayso cadaalad iyo lunsasho hantiyadeed oo ay lunsadeen madaxda maamulka gobolka Banadir iyo dowladda Somalia ayaa hadana waxaa muuqanaysa in Radio Shabelle ay iyada ay tahay tan ugu horeyso dhanka cadaalad daradida. Idaacaddan ayaa waxaa ay dagan tahay guri dowladda ay leedahay gaar ahaan wasaaradda Gaadiidka cirka iyo dhulka iyadoo waliba ay la yaab tahay in gurigaas laga iibsaday oo si xoog ah uu ku haystay xilliyadii dagaalada sokeeyo Ninka lagu magacaabo Cabdi Nuure Siyaad Cabdi Waal,waxaana ka iibsaday Cabdi Goo-gooye oo la baxay ama jecel in loogu yeero magaca ah Cabdi Maalik oo ah ninka leh Radio Shabelle. Radio Shabelle waa idaacad inta badan dagaal kula jirta dowladda Somalia waxaana la xasuustaa in Dowladdii Prof. Cali Max’ed Geeddi ay ula dagaalami jirtay si ka daran tan Madaxweyen Sheekh Shariif iyadoo halkaas ay ka muuqato naceyb Qabiil. Cabdi Goo-gooye ama Cabdi Suldaan oo ah ninka leh Idaacadda wuxuu dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isagoo haatan dhex seexda Xarunta Idaacadda Shabelle ayaa wuxuu ka sheegay shirka shaqaalaha in si cad loola xisaabtamo dowladda Somalia taasoo shaqaalaha qaar ka yaabisay wuxuuna si gaar ah carabka ugu dhuftay Dekadda,Garoonka iyo mamulka Gobolka Banaadir isagoo sheegay in dhamaan goobahaas ay maamulaan dad isku qabiil ah,waxana la yaab ah in markii uu ka sheegayay hadalkaas shirka shaqaalaha uusan u meel dayin hadalkiisa waxaana goob joog ka ahaa shaqaalo qabiil ahaan kazoo jeeda qabiilka uu afka ku dhuftay. Cabdi Maalik wuxuu kulan kula qaatay Hotel kamid ah hotelada Magaalada Muqdisho odayaal qabiil ahaan kazoo jeeda Beeshiisa waxaana kulankas ka dhex muuqday Furux oo ah xildhibaan ka tirsan dowladda Somalia kaasi oo isku dayay inuu lacag xoog ah ka qaato dekadda. Si kastaba Radio Shabelle ayaa la ogaaday in aysan heysanin shatiga Ogolaanshaha warbaahineed ee wasaaradda Warfaafinta Somalia, waxaana dowladda Somalia looga fadhiyaa in ay amar cad kazoo saarto in laga saaro guriga ay dagan tahay Radio Shabelle oo ah guri dowladeed.
-
Salaad Cali Jeelle "Idaacada Shabelle waxay qandaraas ka soo qaadataydagaal oogayaashii hore" Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah siyaasiyiin ay idaacadaShabelle ku eedeysay in ay lunsadaan daqliga kasoo baxo dakadacaalamiga ah ee magaalada Muqdisho ayaa hadlkaasi ku tilmaamaydacaayad raqiis oo aysan Shabelle u heysan cadeymo. Shir jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho gelinki danbe eeshalay ayuu xildhibaanku wax lala yaabo ku tilmaamay sababta uu SalaadJeelle u fara gelin karo howlaha Dekeda isaga oo ah xildhibaan. "Aniga waxaan ahay xildhibaan aanan shaqo ku laheyn inuu fara geliyoDekeda, warka ay Shaballe sheegtayna waa wax iga yaabiyey oo runtiilaga rabo iyada in ay keento cadeyn, anaga hada baaritaan ayaan kuwadnaa Shabelle kaasoo ah baaritaan shaqsi ah, xukumada waan ugudbinay iyada ayaana laga rabaa in ay jawaab ka bixiso" ayuu yiriSalaad Cali Jeelle. Xildhibaan Salaad Jeelle ayaa isku sifeeyey nin jecel dalka iyo dowladnimada Soomaaliya, taasoo uu ku sababeeyey waxa ay Shabelle kuabaartay isaga. "Shabelle waxay is dhacday Salaad Cali Jeele waa dowlad jecelyahay eesharaftiisa kala wiiqo, runtii Shabelle waa idaacad hada rabto in ayhuriso dagaal beeleedyo cusub taasoo dalka mar .Idaacada Shabelle ayaa wali sii wado dacaayada iyo aflagaadada madaxdadalka Soomaaliya gaar ahaan madaxweynaha dalka Soomaaliya ShariifSheekh Axmed.
-
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
Duke when are bari and lower jubba playing? -
Maxamed Cumar Xabeeb “Maxamed Dheere” oo ciidamo u daacad ah ay ku sugan yihiin waqooyiga magaaladda Muqdisho, gaar ahaan degmada Boondheere ayaa waxaa weeraro qorsheysan kusoo qaaday ciidamadda Xarakada Al Shabaab. Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxay weeraro si-weyn loo-soo qorsheeyay ay kusoo qaadeen aagaga ay ciidamadda Maxamed Dheere ay kaga sugan yihiin degmada Boondheere, hase ahaatee ciidamadda Maxamed Dheere ayaa jilbaha dhulka ku aastay, taasoo keentay in'ay dib u gurtaan ciidamadii Xarakada Al Shabaab ee weerarka soo qaaday. Ciidamadda Maxamed Dheere oo inta badan dagaaladda ka dhaca waqooyiga magaaladda Muqdisho si-weyn u dagaalama ayaa xalay diiday in'ay iskaga soo baxaan aagaga dagaal, kadib markii weeraro qorsheysan oo aad u xooganaa ay kusoo qaadeen ciidamadda taabacsan Al Shabaab, iyadoo ay markii dambe dib u gurteen ciidamdda Xarakada Al Shabaab, kadib markii ay jiiri kari waayeen ciidamadda Maxamed dheere. Maxamed Dheere oo si-weyn ula dagaalama ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa xilliyadii ugu dambeysay laga waayay dhanka warbaahinta, taasoo aan la'ogeyn sababta keentay, balse wuxuu wacad uu ku maray in uu xureyn doono waqooyiga magaaladda Muqdisho, bacdamaa uu deegaan ahaan uu kasoo jeedo. Dagaaladdii cuslaa ee xalay ka dhacay degmooyinka Boondheere ayaysan ka hadlin Xarakada Al Shabaab, balse sarkaal sare oo u hadlay dowladda ayaa sheegay in'ay guulo ka gaareen ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo weeraro kulul kusoo qaaday.
-
Garowe today is the very heart of the Somaliworld
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
Banaadir in the final GO BANADIR!!! -
kkkkkkkkkkkkkk,,, Nina caadi mahan
-
Salaad Cali jeelle vs Idaacada Shabeelle.
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Beesha tunka weyn ee uu ka dhashay furux oo kamid ah beelaha ku xoogan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday in Idaacadda Shabeelle ay tahay Idaacad lama taabtaan ah, iyadoo ka degtay hadalkii kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle. Beeshaasi ayaa sheegtay in hadalka kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle uusan waxba u dhimi kareyn Idaacadda Shabeelle, waayo bay tiri saxaafaddu malaha saaxiib joogto ah, isla-markaana Salaad Cali Jeellea ayaa waxay ugu baaqday in uu raali gelin ka bixiyo, hanjabaadii uu u jeediyay Shabakadda Warbaahinta ee Shabeelle. C/Khani Suldaan oo kamid ah odayaasha beeshaasi ee ku sugan magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in'ay diyaar u yihiin daafacidda Idaacadda Shabeelle, isagoo ka dhawaajiyay in Idaacadda Shabeelle ay tahay mid lama taabtaan ah. Sidoo kale wuxuu sheegay ragga u hanjabaaya Idaacadda Shabeelle haddii aysan raali gelin ka bixin hanjabaadaha kasoo yeeray, in'ay ku qabsan doonaan hadalkaasi, isagoo sheegay in Idaacadda Shabeelle ay tahay warbaahin, warbaahintuna aysan laheyn saaxiib joogto ah. Dhanka kale wuxuu sheegay in Beeshaasi ay diyaar u tahay in Idaacadda Shabeelle ay u sameyso ilaalo wanaagsan oo aad u tababaran, si'ay uga difaacaan qatar kasta oo soo wejihi karta. Shalay ahay ahayd, kadib markii Mudane Salaad Cali Jeelle uu ku hanjabay in ka shakhsi ahaan uu talaabo uga qaadi doono Idaacadda Shabeelle oo ah Idaacadda ugu wanaagsan caalamka sanadka 2010-ka. -
Mudane Salaad Cali Jeelle oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee xukuumadda kmg ee Soomaaliya ayaa si kulul ugu hanjabay Idaacadda Shabeelle oo sanadkaan noqotay Idaacadda ugu wanaagsan sanadka 2010-ka. Salaad Cali Jeelle oo shir jaraa'id u qabtay bahda Saxaafadda ayaa wuxuu sheegay in marka hore Idaacadda Shabeelle aysan amar u qabin in'ay kaa hawl-gasho gudaha dalka Soomaaliya, isla-markaana wuxuu sheegay in uu la-tiigsan doono sharciga. Mudane Jeelle ayaa tibaaxay in Idaacadda Shabeelle ay ku shaqeyso bilaa sharci,taasoo ay u dheer tahay buu yiri bilaa nidaam, waxaana waajib ah buu yiri in la-marsiiyo sharciga, isagoo intaasi ku daray in uu maxkamad la-kori doono Idaacadda Shabeelle. Sidoo kale Salaad Cali Jeelle oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ee dowladda Somaliya ayaa wasaaradda warfaafinta ee dowladda Soomaaliya uu ka codsaday in Idaacadda Shabeelle lagu sameeyo baaritaano kala duwan, si loo-ogaado buu yiri waxa ay tahay iyo cidda ee la-shaqeeyo, isagoo si qaylo leh u yiri “Waxay la-shaqeysaa kaniisadaha caalamka ku yaalla. Hadalkaan kasoo yeeray Salaad Cali Jeelle ayaa wuxuu kusoo aadaayaa xilli Shabelle Media Network ay warbixin ka diyaarisay masuq maasuqa ka taagan dekadda magaaladda Muqdisho, taasoo dhalisay in beelo kamid ah beelaha ku xoogan magaaladda Muqdisho ay ka caroodaan.
-
Al-Shabaab Dahir Aweys meet under the shade - Pictures
oba hiloowlow replied to Timur's topic in Politics
Qodax Qorax;683413 wrote: Goodane is their Amiir. Havent you listened to Aweys. these people are puppets even in absence of their leader. Reminds me of another folk who act and dance like puppets. Hade muxuu amiirku isku qarinaaya oo dharka haweenka uu xirtaa lol -
Sh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Masuuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay saxaafadda tan iyo markii Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab ay si rasmi ah u midoobeen, isagoona xusay in hogaamiyeyaashoodii, ciidamadoodii iyo dhamaan xubnihii Xisbiga ay toos ugu daba fayleen Hogaanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayna sidaasi ku sii wadayaan ''Jihaadka''. Sh Xasan Daahir Aweys oo qudbad dheer ka jeediyay munaasabad ballaaran oo maanta ka dhacay Beerta Sheekh Zayid ee degmada Afgooye ayna ka qeybgaleen Masuuliyiin kale oo ka mid ah Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab sida Afhayeenka Sh Cali Dheere, Sheekh Fu’aad Max’ed Khalaf, Sheekh Max’ed Abu Muslim, Sheekh Max’ed Dul-yadeyn iyo waxgarad kala duwan iyo ganacsato caan ka ah magaalada Muqdisho. Munaasabaddaasi ayaa lagu maamuusayay midnimada Mujaahidinta Somaliya waxaana uu hadalkii uu jeediyay Sh Xasan Daahir ka mid ahaa in Islaamku uu midnimada waajibiyay, isagoona xusay in Khaliifkii Cumar Binul Khaddaab oo Hogaaminta ciidanka ka badalay Khaalid Bin Walid xilli dagaal lagu jiro oo uu u dhiibay Abu Cubeyda, Khaalidna sidaasi isagoo Amiir loo yahay kaga mid noqday Ciidamadii Muslimiinta oo dagaalkii sii waday, arrinkaasina uu muujinayo sida Muslimiintu ay mid u yihiin diinta, ayna Amiirnimada u xushmeeyaan.
-
Inkastoo lagu waxyoodee ama wasaq iyo war xuma tashiil weerka kaa waabihaa Wadhiiqada toosin weeyse wadooyinka kala wareeraan waawareey yaan laga warin waabkii ku dhalatee Wadankiis ninkii ka tagee wahelkiis ka dheeradee walwal ma huro walbahaaree Wadamuu na kala waaxee wixi ku jirana wax dhamee ala wanaagi karaayee wacad lagama weecan laheene weydaar wax kuma dhumeene Waaxidoo ina soo walwaal waqtiga soo celiyee Wadankiis ninkii ka tagee wahelkiis ka dheeradee walwal ma huro walbahaaree
-
Kaa daymoohaayee derbi ka boodooy doon dheer garnuugaan kaa daymoohaayee Doogii cagaarnaa debaad ku shidee aan dameeyninee dayaxa gacmeedkaan kugu duulin lahaayee damaciin kaa lahaay adaa *****shee dambiyaad gashayee Kaa daymoohaayee derbi ka boodooy doon dheer garnuugaan kaa daymoohaayee Duufaanta duushee dabeeshi wadaa ku soo daftayee duulkii damuumiyayaashee daabtood aay ku soo dajisee dulmigaas maad iga doorbidayee Kaa daymoohaayee derbi ka boodooy doon dheer garnuugaan kaa daymoohaayee
-
Zulfa Duufaan iyo dabayl lulaysaa daminkaan iila soo darseene dar allaay iigu deeyee ducadii oow diinle nuuree Dambi daad kama qaade dulmi daa'inkey daah ma saare dad iyo duur ma leysku deeye dareenkaa lahaawee Dabi daayac ii ladoontooy ii dulqaad dul ii laheenee dan daradaan ma leygu deehaa an waa daalayee Dambi daad kama qaade dulmi daa'inkey daah ma saare dad iyo duur ma leysku deeye dareenkaa lahaawe
-
Zulfa Gamuuntiid soo gentidaa gibilkii ay gaartaba gadoomaayee geesiyoow nin kuu gafay maa guuleeysahaayee guuleysahaayo Gabayga yeeraayo guuxaan baxaayo iyo gurbaankaan Awgeedi Shaamboowaa lagu guurihaaye lagu guurihaay ... Geedba geedka ka weyn sida loo gandoobaba adaa garataayee Goshaan manaad gashato lafaha waa gariiraan Alla waa gariiraan Gabayga yeeraayo Guuxaan baxaayo iyo gurbaanka Awgeedi shaamboowaa lagu guurihaayee Lagu guurihaay
-
Ani ki je'el lamii je'elidaa hadii in je'elaane jahwaareerku mahaa in ridee Jogdheerantaaa jilbatoosanaanta cashaqa waa i jiir guree i jiirbidoote jinaalidaa Jana aduun isla jaalisaane aan kali jiree jilibaan jiree ani majeesidaa Jidkii jidkii jiidaanaay iinki jiidee ani ki je'el lamii je'elidaa hadii in je'elaane jahwaareerku mahaa in ridee Jini min sheeg jidka lee mahane jawaal lasheeg jaa jaas walaale jeer min sheeg wabi lee mahaay Anjeero maado malii jawaaboow kili jirooy koo jeesidooy lanjiroobiha Jidkii jidkii jiidaanaay iinki jiidee ani ki je'el lamii je'elidaa hadii in je'elaane jahwaareerku mahaa in ridee by Zulfa
-
Huburoow Hundurmeedi ooraad wal yaab lee haaytee .. hufeyto kooyte haanshoo iin sheentee Huburowdii Geeraad haartii la siiyee Hadagii lee dhiman maa habartiisaa nagotee Hadagoo Lu kooy taftey Kii hiroo Hakabo ki jeeye warshee ma haaynee Haa haabsadee lan jan lee ya horo lee ku rooree Hiri lee huriyaaw hogoliis biraasoo hereedi jiifto Hilaa badishoo maba liin hisaabanee … Hiri lee huriyaaw hogolis biraaso hereedi jiifto Hilaa badiishoo maba liin hisaabanee Bar baarki heesa gaali horaayo hoorkii lamaalaa Bar baarki heesa gaali horaayo Hoorkii lamaalaa Hogow leeytey
-
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo wareegyo muhiim ah oo ku dhaw dhaw xafiiska ra'isulwasaaraha, waxaa ka socoto Maxkamadaha kala duwan ee dowlada KMGS dacwad ka dhan ah xildhibaan Furux. Xildhibaankan ayaa ku eedeysan in uu is hortaagay howlaha dekeda caalamiga ah ee Magaalada Muqdisho isaga oo isticmaalaya ciidamo daacad u ah kuwaasi oo hubkooda la galay dekeda. Wararka waxa ay sheegayaan in maxkamadeynta Mr Furux ay dalbadeen Golaha Wasiirada Soomaaliya kuwaasi oo ka yeeshay fadhi gaar ah oo aanan saxaafada la ogeysiin. Ra'isulwasaaraha Somalia Maxamed C/lahi Farmaajo ayaa ka codsaday Maxkamada Sare in ay di deg deh ah ku bilowdo dacwada xildhibaankan sii loo marsiiyo cadaalada. Golaha wasiirada waxa ay isku raaceen in hadii aanan maxkamad lasoo taagin xildhibaan Furux ay ku daysan doonaan xildhibaano ama saraakiil kale oo ka tirsan dowlada kuwaasi oo iyana dhici karto in ay arbushaan howlaha dekada ama garoonka. Furux ayaa todobaadki hore is hortaagay howlaga dekeda caalamiga ah ee Muqdisho isaga oo doonayey in lacago baad ah laga siiyo dekeda Muqdisho oo uu xoog ku heysan jiray xiligii hogaamiye kooxeedyada.
-
Fanaanka weyn ahna Laxamiistaha Daa'uud Cali Masxaf iyo Wiilka uu dhalay ee Saciid Daa'uud Cali Masxaf ayaa markii ugu horeysay si wada jir ah u soo bandhigay heestii SAXAFI ee uu curiyey Abwaankii weynaa allaha u naxariistee Xaaji xuseen Owfaarax Dubad waqti yar ka hor geeridiisa, waxaana erayada heestaasi laga helay barkintiisa laabteeda ka dib markii la aasay bartamihii sagaashameeyadii. Erayada Heestaan ayaa waxa uu abwaanka kaga jawaabayey codsiyo la xiriira in uu dalka isaga soo baxo isla markaana uu ka mid noqdo fanaaniintii xeryaha qaxootiga ku jiray, waxa uuna heestan ku muujiyey in uusan xamar marna ka baxeyninbaxeynin oo uu ku dhimanayo waxaana erayada heesta ka mid ah : INTA XIDIDKA DHIIGIYO XINJIRAHA WADNAHA IYO XUDUNTA IYO BEERKIYO XUBNAHA WADA SHAQEEYIYO XABADKU II FAYOWYAHAY. XARUNTII MIDNIMADAAY WAA XAAL ADUUNYEE XAMAR OON XABAAL IYO XAYI NOOL MID UUN NOQON XAGNA UMA BAXAAN AHAY. XABAD KAMA TAGAAN AHAY XAADIR SUXUFIYAAN AHAY XADNA KAMA BAQAAN AHAY XIKMAD URURIYAAN AHAY XOGHEYNTII WARKAAN AHAY. Heestan waxaa laxameeyey markii ugu horeysana qaaday Fanaanka Daa'uud Cali Masxaf, waxaana dhowr sano ka hor mar kale qaaday wiilkiisa Saciid, iyada oo iminkana xili ay Jabuuti ku kulmeena ay si wada jir ay u soo qaadeen isla heestii.
-
Elman Ali Ahmed was a big hero as well Ilaahay ha uu naxariiste.....