Laba-X

Nomads
  • Content Count

    689
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by Laba-X

  1. Serenity, i didn't know your attention span was that long... I am impressed!
  2. Ibtisam, xilli xun baad shaqayneysaaye...
  3. ^^ HAHAHA! 27.171. After a while you get used to it. There is a pattern to it
  4. Damn this is addictive - Walaahi wadnahaa i gariira everytime i hold on for a few seconds. I've managed 22.314 after 5 tries...
  5. Originally posted by HornAfrique: Xiin- Gobonimadu waa loo kala dashaa adeer. For every Habar caaye that sprung from the Loins of Maakhir, there are thousands of Paragons and Hunguris. Markaan Habar Caaye daraadiis reerkaas ama cid kale u danaynayno maan Paragon iyo Hunguri daraadood u danayno! Horn, Anigu adigana kuma caayin reer Gedo/Galguduudna ma caayine, qof shakhsi ah ayaan ka hadlaye xageed igala qaaday? Waamaxay cuqdada iyo calool xumada intaa le'egee lagugu xujeeyey maandhow? Huuraale/Beerlaawe/Riyoode = all the same isma dhaantiyo dasheed!
  6. Xiin, maa adeer. Soomaalida marna waan u naxaa walle, marna waan kaa naxaa. Waan u naxaa oo qurba-joogeena damiir iyo dareen li'i ayaa badankood dishey (usually stemming from the 'I am safe, that's all that matters'). Kuwa dalkii ku noolna xaaladoodu waxey taagan tahay 'Allow yaa kaa saara mar qura' The ones in the Diaspora are apathetic, and the ones in Somalia are letting go of the last droplets of hope. Walaahi it is my belief that, if America or the West were to bring a ship and dock at Port Bosaaso/Mogadishu/Berbera and say that it was willing to transport any willing person/s to America, Somalia would be uninhabited save for a few of the Reer Guuraaga. Marka igama ahayn Lughzi (what a word! never heard of it) adeer, ee waa murugo awgeed! Baashi, Adaa mudan sxb! A masterpiece indeed. Masha-Allah he is talented and very knowledgeable, wuxuu soo tirinayo iyo siduu isugu hagayo waa cajiib. I am in the process of translating it into English and your help would be greatly appreciated.
  7. Confirmed: GOOBTA:- 78 WHITE CITY CLOSE, Shepherd's Bush, Hammersmith. GAADIIDKA:- 207, KAGA DEG AGA GAARKA MASAAJIDKA SHEPHERDS BUSH, 283 KAGA DEG AGA GAARKA GAROONKA QPR FC. WAQTIGA:- SAACADA 2:30PM(LABADA IYO BARKA GALABNIMO) MAALINTA:- ARBACADA AY BISHU TAHEY 20 February 2008. Hadaba balanteenu waa sidaa iyo is arag wacan oo wanaagsan. LaasqorayNet/London
  8. Isseh, There are conflicting reports I am receiving bro. I have also just been told that there is a lunch gathering to be held at Southall (TKC Choudry's I believe). Fadumo Jibril is in London and she will be leaving tomorrow.
  9. Ducaysane, hadde hadey cidu Barre marriinka dhiigana raacayiyeen, ma iyagaa wax isu dhimay mise cid kale?
  10. I hear ina Jibril will be holding a meeting tomorrow in White City? Any information regarding this boys? Location details?
  11. Originally posted by xiinfaniin: It’s those in the Diaspora who are well aware of the forces at play in Somali conflict to whom my challenge was directed at. ...And it is they who sit, though all seemingly brimming with alluring ideas and pragmatic solution, indifferent to all this going-ons. The tongue they have but are far comfortable in the luxury of life in the west. Some might even go at lengths to add that it is they, those in the Diaspora, who are fuelling the fire with their finances! Originally posted by xiinfaniin: Many want to continue the campaign to avenge for the fallen Bukurs of our time… ...and many of those campaigns have proven inffectual beyond a website's editorial and are not poignant enough to evoke any real sense of sentiment or passion.
  12. Xiin, adeer, where is your usual sense of humour gone maanta! Muraad ma lihiye adeer, wayga kaftan aan qoto dheerayn. loool Che' mise intey Balanballe ku baabi'iyeen bey Caabudwaaq ku cadaadiyeen...
  13. underdog, from what I hear and know of the organisation, it seems to be doing a great job!
  14. Horta Barre Huuraale xaguu ka dhacay ayaamahan?
  15. Qaadhaan kuyee, waar waa Qaaraan eragu, Qaaraan! War Hunguriyow, adigu waxaad hunguriga gelisid mooye wax kale malagaa helay horta! iimaanka dhagax gasho ina adeer oo lacagta iska bixi. Anigu hawsha dhinacaygaan ka wadaa - islaamaha qabanqaaninaya mashruucan ayaan hogaaminayaa. Walle London weerar culus ayey islaamahani ku hayaan, dadkii oo dhanna wey ka cabsadeenoo qaati billah bey ka joogaan. Hase ahaatee, islaamihii iyagu waxey ku adkaysteen in qoys waliba lacagtan dhiibo oo dhismaha wax ka geysto, hadii la diidana in feer iyo faralaad laysaga qaadayo. Laysuma turayo Ciisow, waxan filayaa adigu islaamahani kuma soo gaarin. Ha sugi waayin sxb, walle waxaan sarajooga duubka lagaaga murxin sidii islaantii diidey 200 iney bixiso oo illinka loo fariistay ilaa intey caydha bangiga ugu soo dhacaysey, dabadeedna lagala wareegay wixii kusoo dhacayba. Alla caruurtaydii markey tirina laga sii dhaqaaqay oy baroorasho la wareegtey. Haa, ha sugi waayin islaamihii dhabadey soo hayaane, siigada iyo boorkey soo kicinayaana yaanu ku qarine iminkadan beesha la faq oo lacagta iska dhiiba, hadii kale; Wey soo socdaan kow dheh, Wedna wey sidaan laba dheh...
  16. Maxaad ka taqaanaan hadde Meecad Miigane!
  17. Allaylehe this is one classic of a song yaa MMA. Bogga labaad muxuu uga boodey laakiin, or is it the recording? Beri hore waxaa jiray Inan aad bil iyo laba baadi arag ku weydoo hadal kaaga bixinoo Waxa bedelay kuwii hore belo casarkii baxaysoo...
  18. Caamir, Ina adeer, whether I personally approve of Martyrdom operations or not has little significane. I am not learnerd enough to approve or disapprove of something which require deeper knowledge. A muslim must be actively prepared to seek martrydom and to gain it is the highest form of reward. You will see from the history of the Companions of the prophet and learn that they have been actively seeking martrydom and would do everyting possible to attain it. As for suicides, if I remember the Hadith correctly, there was a Sahaba who once threw himself into the ranks of the thousands of Roman army. He pierced through them, killing many of them singlehandedly before he was eventually killed. Some of the Sahaba proclaimed that he has killed himself, but Abu Ayoub al-Ansari corrected them. And he was a Shaheed. I will find the source of that hadith insha-Allah and relate it. We also need to understand that martrydom is not only achieved in battles. A man who is killed while guarding his property is a martyr, anyone who dies in fire or drowning or of an epidemic or of a stomach disease is a martyr. A woman who dies durng childbirth is also a martyre. Martrydom has many degrees to it, the highest being for the sake of Allah. The website you posted describes ishtihad as 'the seeking of or the act of martyrdom' and 'the most common form of such an attack is a suicide bombing'. This is obviously not true, but then it is Wikipedia.
  19. Originally posted by xiinfaniin: L X , brother i thought i honered your post in the other thread. Perhaps you didn't get a chance to read my quick responses to your points. Mine was not as elequent as yours but it had more stuffing ... adeer, I must have missed your reply waa ii hadda! Six days later one starts to lose patience you see Qisadan cajiibka ahee abwaanku tiriyey oo ku saabsan Shirweynihii Xoolaha Soomaaliyeed bal ila akhri Xiinow Xoolihii Soomaaliyeed ayaa shir u qabsaday oo oo jeediyay inay dawlad samaystaan iyo maamul si ay danahooda uaga faramaroojistaan Banu-Aadamka madaxbanaanina ay u gaadhaan. Origii Hiiraan oo shirkan qabanqaabinaya isagoo ka hadlaya laba nin oo soomaaliyeed hadal is dhaafsaday ayaa wuxuu yidhi: • Macow iyo Hiraabaha is nacay, ha u maqsuudina e • Mabda' lama cunee waxaa qarsoon, sir ay maleegeene • Maqaarkeena yaa laysku dili, way maldahayaane • Maaniyo bariba noole ways, wada malgaayaaye • Muriqiyo adduunyada sharcigu, micida weeyaane • Malaygaba malaygaa u cunta ah, moolka gudihiisa • Mur khadhaadh ah bay noqon, ciddaan laga maagayne • Mayal laysu geeyiyo ciddaan, muujin cududeeda • Mintid soo haliiliyo dugaag, yaa ku mayracane • Minsilaado cadowgaa haddaan, meeris kuu tolo e • Waa la maakubtaa qolo ku dheer, muuno iyo qaabe • Madax talisa aan dooraniyo, maamul iyo dawlad Xoolihii arintaa waa u wada guuxeen. Hal baa booday oo waxay tidhi: • Inagoo gobbaa maydhax lehee, wada maqaawiir ah • Inagoon mijilo cawska iyo, murursi doonaynin • Inagoo ma gaydo ah dhamaan, musharrax yaw taagan Dameerkii ayaa booday oo yidhi anaa u taaganee oo musharrax ahee ha la ii doorto madaxnimada Dawaladda Xoolaha: • Qashinkay cunaan baad waqiin, nagu canaadaane • Golihii cuddoon iyo rugtaa, nagala caydhshaaye • Waxaad nagu cisaarteen gar aan, caalin la hor gayne • Ciil laba kun oo sano jiraa, coobadda u tubane • Igu ciririq weeyaane warkuba, caws sidaan liqaye • Cimilada i hurudaa bishimuhu, ila cabeebeene • Dameer curad ah baan ahay, waxbaa la citibaarshaaye • Cadowgana anaa u gu badshiyo, camal falaadkiise • I caleema saaroo aniga, calanka ii dhiibta Faras ku jiray xerada ayaa is hortaagay. Wuxuu yidhi dameerku waa ciil ku nool, ciil mu noolna madax lagama dhigto oo cadli lagama helo. Waqtigiisa wuxuu ku dhamaynayaa aargudasho iyo eedo dib u raac. Wuxu yidhi: • Yaan cuurna rayraynin buu, ceel u qodayaaye • Caawimo ma gaystoo waqii, wuu colaatamiye • Cirku inuusan di'in buu rajayn, cawsna soo bixine • Cilladay dameeruhu qabaan, caafimaad ma lehe • Caymo lagama helayoo naftaa, caabuq kaga yaale • Cidhiidhay adduunyada ku galin, nimay ku ciiraane • Cayayaaan ayaa inagu degi, caaryaloo badane • Camadh iyo kudkude looliman, yeyna caga goyne • Cadho golas ah iyo yeynu noqon, dulub la' caal waaye • Caleeg qaadi maynoo balaa, caynta noo galiye • Kuwa aan ka cararayno baan, ciirsi soo bidiye • Dameerkaa canbaarta leh, waryaan calanka loo dhiibin Dameeraha fardaha iyo baqluhu xagga abuurta iyo aragga waa kuwa qaraabada ah oo ilma-adeerta ah, Dameerkii baa isagoo ka xun is hortaaga farasku ku sameeyay, wuxuu yidhi: • Nin qaraabadii casiyoo gole, ku ceebeeyay • Cuqubaa u dihin oo nabsaa, ceejo soo ridiye • Isagoo intu cilil ku dumay, caato ah buu imane • Cashadaa ayuu qiran wuxuu, caamo ka ahaaye • Caqli-yare hadhkiisuu u bogaa, ways cajabiyaaye • Danbaad ugu calool fuuriyee, calalsho jiidhkayga Faraskii ayaa intuu qoorta iyo qanaanta taagay oo dameerkii il-qoodhka ka eegay, wuxuu yidhi: • Cuqdad iyi wixii tuhumad qaba, looma caal helo e • In colaatan loo wada hayoo, ku cindiyoodaaye • Ciyoon buu dudaayoo dhaqasaba, waa wax cadho dhawe • Iyadoon ciddiba daarinbuu, ciq iska siiyaaye • Cudurkaaga raagaa qalbiga, caalidh kugu reebye • Muxuu cay dameer igaga dhimi, wayska ciyaaye Faraskii laftiisii ayaa isu soo sharraxay madaxnimadii Dawladda Xoolaha. Wuxuu yidhi: • Dawliil fandheer iyo hanaan, fiican baan ahaye • Sida faraqa Yucubkee lushiyo, fay baxaan ahaye • Foolaad adduunyiyo, jinkaa foodda laan ahaye • Firfircoonidaydana dabayl, foos ah la i moodye • Fidhadiyo daryaankayga yey, fiintu ka cidaaye • Gurdankayga fule baydada ah, ii fadhiyi waaye • Waxba yaanan fogaaninoo ku tagin, faaladaa badane • Markaan dib isu fiirshaba qalbigu, way fatahayaaye • Taladiina waan ku fillahee, faraha ii saara Orgigii Mudug ayaa is hortaagay is sharraxaadii faraska. Wuxuu yidhi orgigii Mudug: • Farasow waxaad ku hadlaysaa, maan faqiirnimo e • Waligeed fahmada way dhintaa, feedha weyniduye • Fakarkaa ku yare khaadimnimo, kuma aad faanteene • Dadku adiga yey kugu fusheen, waxay falaayeene • Adigaa fadiilo u ahaa aan, wax faaqidine • Adigaa laguu fuuli jiray, faylagooyada e • Adoonimo fac weyn qirayey iyo, duul aan fayoobayne • Fadli moodyey nabigay golaha, kaga fijaasaane • Xakamaha fidigiyuu niyada, mahad la foocaaye • Faraxyada inuu qoofal jaray, yuu ku faarixiye • Haddii koore faaruqo cadhada, waa firganayaaye • Taladeena yaan faras garba' la, faraha loo saarin Awrkii xerada ugu weynaa ayaa isu soo sharraxay madaxnimadii dawlada xoolaha wuxuu yidhi geela ha la doorto. Wuxuu yidhi: • Anigaa leh hoomaal san iyo, haybad iyo jooge • Hillaac naga fog anigaa indhaha, ku haya leylkiiye • Hirkii laaci anigaa arkiyo, haradii doog weyne • Anigaa hanfiga jiidha iyo, Sool haraad kulule • Anigaa hadaafoo dhexmara, hawd cidhiidhiyahe • Anigaa af-dhiigta u hoydiyo, halista baasheede • Anigaa leh hoog gobonimaad, ka hirqan doontaane • Anigaa dhir hadhac weyn lahoo, heelan idin gayne • Hoggaankiina ii dhiibta oo, igu hareer jooga Orgigii Mudug ayaa is hortaagay madaxnimadii geela, wuxuu yidhi: • Waxa geelu uu ku hadlayaa, waa hadoof madhane • Hooshaarku waa beentiyoo, weyna hodayaaye • Hungo weeye laafyaha kanuu, hanaqa jiidaayo • Hunguruu la dabandeebayaa, horor siddiisiiye • Hamuuntiyo cirweynida dhammaan, halacyo weeyaane • Sida haanta qabo soortu wey, ku halwaneysaaye • Waa kaa hareeraha gabranoo, hayjadaa tubane • Hanqaloocsi waa kaa ku dhugan, weelashaa hilane • Hoggaankeena yaan geelu qaban, haatan baan digaye Orgigii Mudug ayaa isu soo sharraxay madaxnimadii dawlada xoolaha oo yidhi riyaha ha la doorto. Wuxuu yidhi: • Indha qaaliyaan leenahoo, meel fog soo qabane • Quluub saafiyaan leenahoon, qalad ku duulayne • Maskax qani ah baan leenahoo, qaadda buuraha e • Qorqoraansho yaan leenihiyo, qurux hanaankeede • Cir qiyaasan baan leenahoo, aan wax qadinayne • Qadan fiican baan leenahoo, uunku noo qiraye • Rabbi baa annaga noo qaddaray, qaaya weynida e • Qoonkii is xaasida nicmadu, wey ka qubataaye • Qaafaanu nahay guurtiyey, talada nooquudha Awrkii ayaa is hortaagay is sharraxaadii riyaha , wuxuu yidhi: • Riyo talada kuma ay qumana, qeexay hadalkaase • Qanje laayayoow qaran tukubin, uma qalmaayaane • Qaxar weeye oomaarayaan, diga qaboobayne?? • • Qardabiyo waxay inagu layn, qeylo kululaane • Qalaadkooda badan baa dhaguhu, noo qarxanayaane • Qardoofooyinkiyo geeska yey, nagu qataysiine • Markay qolofta ka xagtaan dhirtuba, wey qalalaysaaye • Xiddidada qoyaanka leh ciddida, yey ku qodayaane • Habaas qiiq la moodiyo dhulkuu, qarinayaa boodhe • Inta ayna qab weyn iyo riyuhu, qiima sare sheegan • Dabadooda yaa qaawan ee, ha qarsadeen ceebta • Taladana qamaamuurta kale, qolo inoo saara Waxaa madaxnimadii xoolaha isu soo sharraxay Sac oo yidhi lo'da ha la doorto, wuxuu yidhi: • Afar qooblahaa tuban shirkee, togaya giirkiisa • Ishkinkaa garbaha taagayee, amar la tookhaaya • Anagaa tolkood wada ahee, talada noo dhiibta • Angaa leh qurux taabud ahiyo, waaxyo tamashlayne • Suudh lala taxaashiyo anagaa, tayga ku haboone • Anagaa xarago tiicaynee, talada noo dhiibta Dameerkii ayaa is hortaagay oo yidhi lo'du dhulkaba qurdub ku reebi mayso caws iyo geedo toona, wuxuu yidhi: • Carrabkeeda tobanyaalka baac, tiigsan qori yaala • Caloosheeda toxobka ahee waqeed, baahi talalaysa • Ma lo' baa qurdubo nooga tagi, tog iyo laag toona • Saw tin xaabi meeshuu jiraba, uma talaabayso • Madax quud u taabac ah miyaa, horumar taabaysa • Ma tanaadaynaa gaajo, sow nama taftaafayso • Ma waxbay taraysa bulshada, tuurta lulideedu • Miyey taladu ku hagaagaysaa, tudhud la weedhaansho • Caqlibaa tisqaada ee xarago, udub miyey toosin Faraskii ayaa wuxuu soo jeediyey in la doorto idaha Deexda, wuxuu yidhi: • Isku daalay oo dacasnayoo, doodii lagu xiiqye • Tuhunkii danbaw ina taryoo, doogo soo kiciye • Warkii Dakhare ina taabay iyo, nabaro duugnaaye • Danqashadiyo dhiidhiga wataa, laysu dudayaaye • Haddan kala dareeroo khilaaf, dumiyo goobteena • Duuggeena yaa hoogayoo, waa darxuma weyne • Dawladnimada aan hanana oo, gaadhno danaheene • Waxaa aan inoo doorayaa, idaha Deexeede • Duco aan ku saaro ee, qabuul haygu diidina e • Iyagaa daggan oo aan fudeyd, sii durdurinayne • Waxaa aan inoo doorayaa, idaha Deexeede • Duco aan ku saaro ee, qabuul haygu diidina e Orgigii Hiiraan ayaa is hortaagay in Idaha la doorto. Wuxuu yidhi markii aan hawshan ka shaqaynaynay oo halgankan iyo shirarkan qabanqaabinaynay qeyb badan inagalama ay qaadan oo waatay xerada dhinacaa iska daaqayeen. Wuxuu yidhi: • Shirka goortii aan dumaynayoo, wada dadaalaynay • Waatay iduhu daaqayeen, xerada daaftaase • Waataynay hawl nagu darsanoo, naga durkaayeene • Deymo ku xadka waatay indhaha, naga dadbaayeene • Waatay sakaar digixsan iyo, dari lahaayeene • Waatay is doqonaynayeen, dala sidiisiiye • Dacwadiyo midkii qaylo badan, waa dig dhabayaane • Dadka aan ka cabanayno yaa, loo darsanayaaye • Deylo culus hanaan dawladeed, sow dallagi mayso Calaa kulli xaal, waxey is tuhmaan oo is qabsadaanba, ugu dambaynteii adigu Xoolihii waxay ku guulaysteen inay samaysteen Jamhuuriyada Federaaliga ee Xoolaha Soomaaliyeed shirkiina waxey kusoo khatimeen: • Urur kaliyi kheyr ma leh • Axsaab badani kheeyr ma leh • Albaab kaliyi kheyr m aleh • Irdo badani kheyr m aleh • Anaa idhidu kheyr maleh • Dood abidi kheyr ma leh • Kheyrul umuuri awsadhuhaa • Kheyrul umuuri awsadhuhaa Please read the entire story here
  20. I agree, GJ, the author hasn't got much of his own input into his writing, though his stance is somt clear with regards to Jihad and its implications. Mr Yahye's review or analysis of the aforementioned book comes across as his own firm acceptance of the things it preaches, disregarding or selectively reading the ahadith and the ijtimac of the majority of the scholars on the concept of Jihad. His, or his chosen author's, poor attempt at explaining Jihad is flawed to say the least. Both the Qur'an and Sunnah have shed ample light on the concept of Jihad and it is indeed one which has been clearly defined with agreed legitimacy. My Yahye's, who seems pro-TFG, view on Jihad is apparent from his writings and one sided. So all in all, his chosen book and its ineffectual review could both never accurately convey or justify all the rulings and concepts of Jihad. Many prominent scholars have spoken about Jihad and the daliils are all in the Qur'an and Sunnah.
  21. Thanks for the link Isseh! Brilliant songs... Nina asaagii inuu adoonsado uma abuurine, Erya, Erya, Erya!
  22. Originally posted by xiinfaniin: ^^Who said the idea of reconciliation between Somalis is going nowhere? Adeer there is a reason why the Asmara team is in Cairo. As Mr. Pain said many moons ago, time has more converts than reason and we shall see how you react when the relevant folks rise to this historic juncture of Somali history, and accept some of the very ideas we’ve been discussing on these boards. Do you 'honestly' believe that the Asmara team are to bring about Somalia's reconciliation? I am all for reconciliation, ina adeer, as I have stated in my reply to your other topic which you tactically chose to ignore and answer the questions I raised; what I am against, however, is your disregard for the involvement of Shariah in this reconciliation process - the very hinderance to reconciliation process is the disrerd of Shariah, even for the short time that you propose. Xiinow Adeer, dambarkeedii Maandeeq nimaan, doonin baa dhamay ee sheekada dheer maad inaga deysid...