Sign in to follow this  
Deeq A.

Fraudsters collect voter ID cards in Somaliland to suppress voting

Recommended Posts

Deeq A.   

 

 

Xilli uu gabo-gabo marayo Oloalaha Doorashada Somaliland oo 6 maalmood ka harsan, ayaa waxaa billowday in suuq-madow loogu iibiyo kaararka codbixinta ee la siiyay shacabka. Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle Taliye ku xigeenka Booliiska Somaliland oo shir jaraa’ida ku qabtey Hargeysa, ayaa sheegay in arrintaani ay dhibaato xooggan ku keenayso amniga iyo deegaanshaha. Booliska ayaa soo bandhigay Saddex eedeysane oo la sheegay in lagu soo qabtay kaarar ay dadka uga aruursanayeen qaab aan sharci aheyn, iyadoo dadka ugu bedelanayay Kaararka codbixinta raashiin. Dadkaan la qabtay oo ka kooban 3 Haween ah oo uu wehliyo hal Nin ayaa dadka kaararka waxa ay uga bedelanayeen Raashin, sida ay Warsidahan u sheegeen Illo-wareedyo ku sugan Hargeysa.

 

“Doorashada way dhawdahay waqt yar ayaana inoo harey, marka waxaa rabay inaan sheego bulshada in nabad-gelyada ay wax uu dhimaysoo kaararka muwaadiinta ku codeynayaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan. Kaararkaan iyo Dadkii watay oo gaaraya 60 Kaar ayaa la qabtay iyadoo ay kamid yihiin Gudoomiyeyaal iyo Gudoomiye laameedyo in kastoo Saraakiisha Booliiska Somaaliland ay ka gaabsadeen. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa isasa soo tarayay eedaymo ay isk dhaafsanayeen Madaxda Xisbiyada Somaliland, oo isku eedeeyay qabiilka iyo arrimo kale. Musharaxiinta kala ah Feysal Cali Waraabe, Cabdiraxmaan Cirro, iyo Muuse Biixi ayaa u tartami doono xilka madaxweynaha Somaliland iyadoo doorashada ay ka duwan kuwii hore, maadaama la eedaynayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

niyoow meesha somaliland ciyaar maha. everyone in somaliland is buying poor people's id cards and selling them to highest bidder taking a profit. there are guys making good business out of this game directing all operation right here in nairobi. 

 

caadi maha niyoow. 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

This card buying thing could destroy the fairness of process. Man and women with bags of money are roaming villages and towns to buy the cards from poor people. This trick is mostly used by Kulmiye in Awdal, Toghdheer and Sanaag.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Holac   

 

Are they buying the cards to stop people from voting or can they use them on election day? I thought Somaliland election was "secure"? I agree with the police chief. These criminals are ruining people's future. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this