Sign in to follow this  
Suldaanka

Edna Adan (special envoy to Somaliland & Somalia dissolution talks)

Recommended Posts

gooni   

Anigoo ixtiraam wayn u haya islaamaha somaaliyeed oo dhan,hadana wax meesha qabta ma'ahan in gabar layska soo hormariyo dhaqan iyo caado soomaaliyeed iyo mid muslina ma'aha

waxaa laga wada hadlayo madax shub iyo abaay siti ma'ahan waa masiir umadeed iyo dal,aqoon kastoo ay gaalo kasoo baratay caqiidada iyo dhaqankaa ka xoog badan.

Dhanka caadooyinka reer galbeedka si ay wax u yeeleeyaan dhaqamada islaanka waxay ahmiyadda siiyaan dumarka iyo caruurta,waana qiso dheer oo lasoo koobi karin

usoo noqo miss adna,

Hadda ka hor waxaa loo diray ingiriiska iyo jarmalka si ay aqoonsi ugu doonto snm daal dheer ka dibna way shaqayn wayday,waana labo dal oo dumar hogaamiyo.

su'aasha is waydiinta mudan waxaa weeyaan meel raggeedii qaadiro la jiifo, dumar muxuu ka keeni?!

aragtidayda

Snm si aan loo sii daalin waa laba boqol oo km waxa beesha aqoonsiga doonaysaa degto suurta galna ma'ahan inay miiska la yimaadaan jamhuuriyad iyo wax noocaas ah.

Ma jiro mana dhalan doono madaxweyne ogolaan kara in dalkiisa lakala qaybiyo xataa haddi awoodiisu kooban tahay amni qowmigu waa lama taabtaan taas waa muhiim inay ogaato snm.

Tan wada hadalka

Wada hadal looma fariisto haduu iska hadal un yahay, shaah iyo coffe badan yaa ku khasaaraya.

Hadduuse yahay mid caqli iyo xikmad wata sidii dalka iyo dadka loo midayn lahaa waa muhiim sharuud kastoo adagna waa laga gudbi karaa, waxaana aamin sanahay in tanaasul badan koonfurtu diyaar la yihiin.

wixii dhacay cid la waydiin karo siilanyo, muuse suudi iyo morgan yaa ka nool ayagana looma baahna in la waydiiyo,waa in laga gudbaa oo buug cusub lasoo gataa,si umaddaa walaalaha ah qibladda ugu wada jeesato.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Gooni,

Awoowe, horta waa ta hore Marwo Edna Adan uma baahna cid u dooda ama u hadalsha. Taariikhdeeda kali ah ayaa kuugu filan jawaab tay doonto ha noqotee.

Hadaan hal ama laba ka idhaahdo, waa mida kowaad e, Edna Adan reer Somaliland waxay ku ogyihiin qof daacad u ah qadiyadda oo marnaba iyo sinaba looga shakiyi karin inay mugdi galiso. Waa shakhsi ay daacad ka tahay in umadda Somaliland mar danbe dib u dhicin halaaggii laga dhaxlay midowgii lagu degdeggay 1960kii.

Dhanka kale ee sheegtay Madaxwayne ku dhici kara inu aqbalo arinkaa, jawaabto waa sandule ayaa looga dhigayaa.

Somalidu waligeedba madax adayg iyo waali cas waa lagu yaqaanay, laakin waxa la yidhi "geelow daaq, oo daaq, oo marka ciin daaqdo ayaa lagu yaabay".

Mid waa inaad ogaato, in Midnimo Somalia timaado mar kale, waa cadceeda oo galbeed ka so baxda.

Wada hadalka Hargeisa iyo Mogadishu waxay fursad u tahay siyaasiyiinta Mogadishu inay ka shaqeeyaan wanaaga iyo horimarka Somalida. Laakin hadii ay fahmi waayaan, hadii ay garan waayan in walaaltinimo ku jirto in Somaliland dadkeedu wuxu rabo lagu taageero.

Madaxda Mogadishu ayagoo indhahoodu shan tahay ayaa Somaliland aqoonsigeeda ay heli doonta. Aniga shaki iga ma jiro taa. Its a matter of when and not if.

Dad badan ayaa waxay yidhaahdaan, 30 sano ayaa Somaliland bila aqoonsi ahayd.

Dadka sida ku hadla, in kasto u eegtahay su'aal macquula, hadana jawaabteedu waxa weeyaan, aduunka horeeto iyo danbeeto kama dhicin dal ka go'ay dal kale oo "fail state" noqday. Hadaan si kale ku dhigo, dal dhan oo burbur ku yimid laga bilaabo tuulo ilaa magaalo madax, Somalia mooye aduunka meel kale kama dhicin. Malaha Libya ayaa u dhaw maanta.

Aduunka waa ku adkaatay in Somaliland aqoonsadaan madaama taas u horseedi karto in xal loo waayo Koonfurta Somalia oo sii kala burburto.

Laakin maanta koonfurta Somaliya wax lagu sheegay "Federal" ayaa lagu soo dabaalay, oo maanta Puntland tusaale odhan kari mayso "gooni" ayaan u baxay, maxaa yeelay waxay saxeexe ka tahay "federalka". Taas waxay suurto galinaysa in Somaliland iyo Somalia cidii matashaa ay kala baxaan.

Hadii Somalia ka meermeerto, dee Somaliland lugta loo hayn maayo. Waana siday tahay.

30kii sano anigu waxaan qabaa faa'iido ayay Somaliland u ahayd, Sida ku dhacday South Sudan oo kale Somaliland kuma dhici doonto maxaa yeelay maanta dadka iyo dalkuba waa ka aqoon badanyahay, ka maamul fiicanyahay.

Alot of conflict of interest, very biased, and very angry, this kinda person should not be in the talks, wherever the talks lead to,

Other men and women with more caliber and cool head , young , passionate, have to somme to lose or gain, with no bias agenda, and open minded, not very angry and conflicted like this old lady should be included.

Edna is very sick, and hates SOMALIS from South, and said numerous times in public.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Saalax   

Edna is a 80 year old that belongs in a retirement home. It is not

her place to decide the future of Somaliland.

Share this post

Link to post
Share on other sites

^^ An 80 year old that is sharper than anyone you have ever known.

Edna Adan commands unparallled support from all sides of Somaliland politics. And a person who we do not have any doubts will be as formidable & shrewd as anyone can be.

I understand she is hiring the right team behind her from both opposition parties and government.

"Waxaan anigu qabaa qofka layga horkeeni doono inaan ka nasiib badnahay, waxaan u arkaa in inaga uu xaqu inala jiro
, waxaan doonayaa inaan idinla dardaarmo in aydaan marnaba iga shakiyin, dadnimadayda ha ka shakiyina, daacadnimadayda ha ka shakiyina, waa inaad igu taageertaan oo aad igu taageertaan talaabooyin wanaagsan oo aan tuso adduunka oo aan ka sheego dalkayga Somaliland
, waxaynu nahay dal jirayaal, safiiro ayaynu wada nahay, waxaynu difaacaynaa dalkeena oo aynu wanaag ku difaacaynaa."

Adna Adan

source:

Share this post

Link to post
Share on other sites
Samafal   

Whatever one thinks of Edna, you have to admire her resolve in sacrificing her time and resources to make a difference in what she knows best: health. Sacrifice is something unknown to us Somalis. I think we are quite individualistic people.

Share this post

Link to post
Share on other sites
Mourad1   

Edna is a great person, but a very limited politician. In her infamous speech, it clearly shows off what kind of a person she is. The beautiful and compassionate part of her speech is completely overshadowed by her insulting and demeaning part.

Beyond any doubt, Edna Aden is unfit to head Somaliland's negotiation team. Nonetheless, Hargeysa's chief goal in the talks is not to make any progress. Thus, Mrs. Aden perfectly fits the picture.

Share this post

Link to post
Share on other sites
galbeedi   

After 90 days Ahmed Siilaanyo and company are done. Soon She will be going to Cumar Geele and will beg him for the re-start of the negotiations with Somalia. Nothing is expected to come from these talks. She and company are looking to get some badly needed cash before the end of their term.

There were some money from the E.U frozen by Hassan Sheikh last year and they want to cash it before they leave for good. The tough talk is smoke and mirror to mislead innocent people.

Share this post

Link to post
Share on other sites

^

Not too sure if that was you or your sources speaking, but had it been someone else that is being accused of being after the money, I could have given the benefits of the doubt. It is a joke.

The recently held London Conference for Somalia (Proper) underscored the need to restart the talks between Somaliland and Somalia to finalise their final status. The International community's position on "Somalia's Unity" now depends on the final outcome from these talks. The previously premature position of calling respect for territorial integrity and unity of Somalia is no longer the case.

The fact that the IC continues to fund Somaliland's development goals outside that of Villa Somalia's controls, re-inforces this fact.

Somaliland will be going into the upcoming talking with the view of reaching a final plan to dissolve the failed Union of 1960.

Share this post

Link to post
Share on other sites
gooni   

Wada hadalka daacad kama aha snm islaantaana waxay ku iib gaynayaan inay yihiin maamul cilmaaniya oo reer galbeedka wax la wadaaga ama qalbigooda ku yara dhawaada.

Suuq gayntaan dawaladda soomaaliya waxaa looga doonayaa un waa nala fariisteen dhowr jeer,cid kastaa way u jeedaa habartaan furahay wadato inuusan albaabka geli karin.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Waxa dhawaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku qabsoomay wejiga labaad ee shirkii aqoonyahanka Somaliland iyo Somaliya oo hore dalkaas uga qabsoomay.

dr-bulxan.jpg

Shirkan oo socday laba maalmood, waxa labada aqoonyahan ee Somaliland iyo Somaliya dhex joogtay dawladda Turkiga oo wada hadalada labada dal gogosha u fidisay si ay u fahanto qaddiyadaha Somaliland iyo Somaliya. Sidoo kale waxa madasha joogay aqoonyahano u dhashay dalka Turkiga oo eegaya doodaha labada dhinac iyo qaddiyadaha la isku hayo.

Dhinaca Somaliland waxa shirka uga qayb galay Dr. Xuseen Cabdillaahi Bulxan, waxaana ka baaqday oo aan shirka kala qayb gelin laba aqoonyahan oo reer Somaliland ah oo ay ahayd inay weheliyaan Dr. Bulxan, halka ay Somaliya metelayeen laba aqoonyahan oo kala ah Dr. Maxamed Cabdillaahi Baadiyoow iyo Dr. Cabdi Kuusoow.

Dr. Bulxan oo ay aqoonyahanka labada dhinac u doorteen inuu noqdo guddoomiyaha guddiyadan aqoonyahanka ah ee ka kala socda Somaliland iyo Somaliya oo shalay ku soo laabtay caasimada Somaliland ee Hargeysa ayaa Geeska Afrika u sheegay in wada hadalada oo socday laba maalmood ay ku qabsoomeen jawi degen, iyagoo labada aqoonyahan isu dhegaysaneyeen si maskax furan, waxaanu Dr. Bulxan yidhi “Adeer shirkaasi wuu jiray, waxaana isku arkay sidaas aad sheegtay laba aqoonyahan oo ka kala socday Somaliland iyo Somaliya, xageena Somaliland anigaa goob-joog ahaa waxaana iga hadhay laba aqoonyahan oo safarka igu wehelin lahaa, laakiin duruufo jira darteed aan safarka igu wehelin. Halkaas waxa nagu dhex martay dood aanu labadayada dhinac soo bandhignay, waxaanan isu dhagaysanay si maskax iyo laab-furnaan ah, waxaana na dhagaysanayay dawladda Turkiga oo aan aad iyo aad uga mahadcelinayo sida ay noo soo dhawaysay iyo doorka ay ciyaarayso. Niman aqoonyahano Turki ah oo ay dawlada Turkigu soo xushay ayaa iyana goob-joog ahaa.” ayuu yidhi Dr. Bulxan.

Shirkaas waxa uu Dr. Bulxan sheegay in isaga loogu doortay guddoomiya islamarkaana lagu heshiiyay in shirka dambe la isugu yimaado bisha January ee sannadka 2018, waxaanu sheegay in labada dhinac ee Somaliland iyo Somaliya isla garteen in ay shirarkan ka soo baxaan natiijooyin midho dhal ah maadaama oo ay yihiin aqoonyahan. Sidoo kale waxa lagu heshiiyay in ergada aqoonyahanka ahi ka koobnaato toban xubnood oo ka kala socda Somaliland iyo Somaliya.

Shirarkan aqoonyahan Somaliland iyo Somaliya waxa ka horeeyay shirar u socday labada dawladood ee Somaliland iyo Somaliya kuwaas oo ahaa shirar siyaasi oo aanay ka soo bixin wax natiijo ah oo midho dhal noqotay.

Share this post

Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this