Sign in to follow this  
Mooge

Damjadiid agenda to deploy AMISOM in Galkacyo is almost complete. What a shame

Recommended Posts

Mooge   

Kooxda maamusha siyaasadda villa Soomaaliya ee Damu-jadiid ( Dhiigga Cusub) oo si lama filaan ah awoodda dalka kula wareegtay 12 September 2012, balse hadda waqtigu ka dhammaaday ayaa inta aysan bannayn xafiiska Villa Soomaaliya oo ay mar kale loolan xoog leh ugu jiraan sidii ay ku soo noqon lahaayeen, waxay qarka u saaran yihiin inay ku guuleystaan qorshe ay sanadihii lasoo dhaafay isku hawlayeen oo ahaa sidii Ciidamo Shisheeye oo AMISOM ka tirsan loo geyn lahaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ka dib markii Damu-jadiid ay Gaalkacyo ka rideen dagaallo dano siyaasadeed ay dambeeyaan.

Intii ka dambaysay 2012, Damu-jadiid waxay dhowr jeer isku dayeen inay ciidamada AMISOM geeyaan Gaalkacyo, iyagoo ugu mar marsiiyoonaya inay tahay goob colaadeed ayna tahay in la kala dhexgalo beelaha Soomaaliyeed ee halkaas wada dega, gaar ahaan Puntland iyo Galmudug oo marar kala duwan dagaallo dhexmareen.

Damu-jadiid ayaa damacoodaan xoojiyey wixii ka dambeeyay July 2015, oo ay maamulka gacan ku rimiska ah ee Galmudug u cimaamadeen xubin sare oo kooxda ka tirsan ayna doorasho afduubnayd ku doorteen xubintaas oo ah C/kariin Xuseen Guuleed.

Dagaalkii bishii December 2015 ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee khasaaraha badan geystay oo ahaa dagaal dano siyaasadeed ay gadaal ka riixayaan, islamarkaasina villa Soomaaliya dhaqaalo xoog leh ku bixisay iyadoo taageeraysay dhinaca Galmudug ayaa fursaddii ugu habboonayd ee Damu-jadiid u suurtagalin kartay inay Ciidanka AMISOM Gaalkacyo geeyaan, balse fursaddaas ayay ku beeldareeyeen arrin uga muhiimsanayd oo ahayd in Galmudug ay aqoonsi ka hesho Puntland oo markaas inkirsanayd, waxaana xalka dagaalka ay ka dhigeen in Madaxwaynaha Puntland uu aqoonsado Galmudug oo salaamo horjooge C/kariin Guuleed.

Fursadda Labaad oo hadda taagan.

Damu-jadiid ayaa hadda qarka u saaran inay qorshahooda ku guulaystaan, waxayna haystaan fursad labaad oo ay colaad uga hurinayaan Magaalada Gaalkacyo iyagoo maleeshiyaad fara badan kasoo aruuriyey Cadaado, Guriceel, Dhuusamareeb illaa Koonfurta Mudug, islamarkaasina hubka iyo saanadda Maleeshiyaadkaan laga saaray keydadka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ee Muqdisho, iyadoo maleeshiyaadkaan lasoo dhoobay koonfurta Gaalkacyo si ay dagaal iyo fowdo uga abuuraan magaalada, waxaana maalmihii lasoo dhaafay socday fowdadaas ay maleeshiyaadku hurinayaan, iyadoo dagaallo goos goos ah ay magaalada ka dhaceen.

Damu-jadiid oo fursaddaan ka faa’iidaysanaysa ayaa shalay ku dhawaaqday inay ciidamo dawladda federaalka ah ka tirsan geynayaan magaalada Gaalkacyo si ay colaadda u joojiyaan, balse waxaa la wada fahansan yahay in ciidankaasi ay u sii gogol xaarayaan Ciidamada AMISOM.

Wasiirka warfaafinta dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ( Xubin damu-jadiid) ayaa sheegay in si colaadda loo joojiyo ay amar ku bixiyeen in taliyeyaasha ciidanka xoogga Soomaaliya ay ciidamo geeyaan magaalada Gaalkacyo si colaadda loo joojiyo.

“Anigoo ku hadlaya afka Ra’iisul Wasaaraha, Waxaa la farayaa taliyeyaasha ciidamada qalabka sida, wixii ciidan ay u heli karaan oo awood u leh inuu damiyo colaad, in loo diro magaalada Gaalkacyo”ayuu yiri Maareeye.

Warsidaha PuntlandOne.com oo soo xiganaya ilo xog ogaal ah ayaa fahansan in Dagaalka Gaalkacyo uu yahay mid fursad kama dambays ah siinaya Damu-jadiid.

Dawladda Puntland wali jawaab kama bixin hadalka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ee ah inay magaalada Gaalkacyo geynayaan Ciidamo Dawladda federaalka ka tirsan, lamana oga in Puntland ay arrinkaan oggolaan doonto iyo in kale.

Si kastaba ha ahaatee Magaalada Gaalkacyo ayaa u muuqata mid aan fursan doonin dagaal xoog leh oo dhexmara Ciidamada Difaaca Puntland iyo maleeshiyaadka Maryo Calasta ah ee Galmudug iyo Damu-jadiid, maadaama dagaalku yahay mid Villa Soomaaliya laga hurinayo oo ujeeddo siyaasadeed laga lee yahay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

AWOOWE MOOGE

weligaa ma maqashay maandeeq?

 

Maandeeq hal geela ma'ahayn sida soomaalidu sheegto.

 

Maandeeq waxay ahayd gabar qurux badan oo ku dhalatay waqooyi.

 

waxayna qaaday quruxdii afrika ayadoo muqdisho ku kortay.

 

Sidoo kale waxaa loo balansanaa inay ka qayb qaadato tartanka quruxda aasiya iyo yurub,balse adeerkaa cabdulaahi allaha u naxariistee yaa kufsaday.

 

Waxaa la weydiiyay sababta ku kaliftay in gabadhaas soomaaliyoo dhan fiirsanayso udamcay keligiis, wuxuu ku jawaabay keligay baa geya soomaalida kale shaqo kuma laha.

 

Intii muranku socday bay gabadhii ayadoo uur leh waqooyigii ay ka timid u baxsatay mar kale.

 

waa lasoo dhaweeyay waxaanay reer waqooyigii go'aan ku gaareen inay la joogto ayagoo og in sidkeedii dhamaaday mar hore.

 

waa la sugay markay dhali weyday yaa illaahay amarkii qaadkii la joojiyay.

 

Jabhaddii waqooyigu way kacday,meeshay gabadha quraan iyo culumo ama dhakhtar wanaagsan u dooni lahaayeen bay go'aansadeen inay usc ka dhaliso.

 

yuusan hadalku ila dheeraane gabadhii markay usc indhaha ku dhufatay bay iskeed u dhashay.

 

maxay dhashay?

 

waxay dhashay todaba waraabe oo ilma puntland ah.

 

su'aasha reer puntland u taal waxay tahay see awlaadoodii oo koonfur joogta xuduud gaalkacyo difaac uga geli karaan?

 

damjadiid iyo itixad suufiya usc snm federaal wuxuba soo awlaadiinii ma'ahan, maa xal aan hubaysnayn u raadisaan dadkiina?

Share this post


Link to post
Share on other sites

^

Gooni, sxb, while I enjoyed your little anecdote, I don't think we should give much credence nor hullabaloo to the moryanism on display in Mudug. The actions of our Moryan neighbors is nothing more than the last ditch attempts to derail the 2016 elections. But, like every thing else that Culusow has done in his tenure, he will once more come up short.

 

The federalism agenda Puntland has pushed for is now the law of the land, and today in every corner of Somalia, the institutions of the Somali Federal government are being strengthened, which as we all know is an anathema to the Moryan ideology that has been running amok, these past two decades or so, in Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

said:

this is sad. hopefully Galkacyo will become peaceful. we have to learn to get along guys. give peace a chance.

 

The average civilian in Galkacyo properly wants to live in

peace but it is the politicians that instigate those conflicts

for their own gain.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Tolmoge

saxiib puntland waa inay noqotaa hormuudka xaalmariyaha soomaaliyoo dhan looma baahna dabkay shiday inay wax ka kulaali weydo.

 

see ku xaal marin kartaa?

 

kow waa in maamulku iska daayaan erayga galnus magacana u qaataan siduu yahay ee galmudug,aaway nuskii kale?

 

labo waa in dadka la baraa is dhexgalka iyo wada noolaashaha ee aan la barin kala qoqobnaata iyo kalsooni darada

 

Sadex waa in maamulku yeeshaa hal afhayeen oo cid walba iidaacadda soo istigin kuna hadlaa luuqad maamulku ogyahay si looga fogaado isku dhac iyo in maxjarku noqdo marmarsiyo dad badan ku naf waayaan.

 

khaladaadka waxbaa laga bartaa faa'iido danbe yaana lagu xisaabtamaa.

 

gaalkacyo markaad suuqa tagto makala garanaysid dadku meeshay kasoo kala jeedaan koonfur iyo waqooyi lahjadooduna waa isku mid wax yar mooyee!

 

tusaale kuwa waqoyigu waxay yiraahdaan(biyo aan cabbo isii)

 

koonfurtuna (biyo aan cabo isii)

 

(b) shiddan keliyaa u dhaxaysa farqi qurbo joogtu soo saari karto ma'ahan.

 

dhanka dhaqaalaha puntland waxaa ku yaal airport caalami ah iyo dekad khaliijka u dhow,umaddii ka faa'iidaysan lahaana waxaa la yiri yaysan gaalkacyo soo dhaafin,ama xuduudka ha lagu kala wareego

 

Dr,c/wali waxaad noogu sheegteen inuu soo bartay dhaqaalaha kana soo baxay jaamacadda macdonald,hadduusan magacu iga khaldanayn.

 

ma yamen baa loo dhisay ilaha dhaqaalaha mise in somasli kawada faa'iido? mise shinbirahaa loo dhisay inay buul ka dhistaan?

 

Hadda iyo dan iyo aragtidayda

nuska ka maqan galmudug ha lagusoo daro si kalsooni fiican loo helo

 

yaan dadka lakala fogayn oo markii islaan qoryo ku shidato koonfurta la oran saaka qiiqu waa maxay iyo saxaafadda ha loo yeero.

 

Hal qof oo dulmi ku dhintaa ilaahay waa uga qiima badan yahay kacbada aan u jeesano markaan tukanayno.

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
YoniZ   

Gooni,

 

Oday si dheer wax cabiray ayaad tahay marka hore.

 

Laba arimood ayaan ka dhuuxay hadalkaaga:

 

- Mid hore waa, in Abdulahi Yusuf iyo reerkii uu hogaaminayey ay dowladnimadii Somaliya ayagu burburka ku bilowday, masuuliyada dhibta maanta taaganna ay ayagu qaataan.

 

- Tan labaadna waa in Galguduud iyo Mudug hal maamul wada noqdaan.

 

Mida hore, waan kugu raacsanahay in burburka mas'uuliyadiisa ay qeyb ku leeyihiin reerka aad sheegtay.

 

Waxa lakin aan cadaalad aheyn in aadan xusin, in masuuliyada koowaad ee Kufsi askareedku uu bilaabay Maxamed Siyaad, asagoo wixii Somali weyn u dhexeeyey ee doorashadii ugu danbeysay dhowr iyo todabaatanka xisbi ku tartartameen kaligii jeebka ku shubtay.

 

Lama inkiri karo in bilowgii afganbiga kooxyar oo uu ushiisa kaqaadan karo ay wax la waday Odayga. Waqti fiican oo labadii quwadood ee aduunka kutartameysayna uu kusoo aaday, taas oo fududeeysay dhisida mashaariic mug weyn ku fadhiya.

 

Hase yeeshee marka la is barbardhigo maalinta uu xukunka qabtay Maxamed Siyaad ee shalay ku beegnayd iyo, maalinta uu ka talaabay xuduuda Mandhera waa labo sawir oo aad u kala fog.

 

Waxa cad inuu dhaxlay dowlad iyo dad dhisan, walow ay jireen dulduleelo badan, hadana kuma sii liidan dowlad qaarada madow kutaal xiligaas.

 

Waxa uu katagay, dowlad uu dumiyey intii ka harsaneyd una diiday in cid kale dib u yagleesho (legitimacy) iyo, dad uu dab isugu dhiibay intii aan dabka hore u qaadan. Hore waxaan uga sheegay madashan mar dhowrsano laga joogo, oo ku beegnayd dabaal deg nin u sameynayey 21ka October, in ay jirtay horaantii January 1991, ayadoo reeraraha qaarba loo sheegayo xerada ay tahay inay tagaan si loogu qeybiyo hub. Xeryahaas waxaa kamid ahaa, Xalane, Shiirkole iyo, Isha Guulwadaha. Odaygu markaas wuxuu weli ahaa madaxweynaha dalka, waxa lagala xaajoonayey maalmahaas inuu xukunka wareejiyo.

 

Itaas ayaan ku dhaafi arinta hore.

 

Tan labaad, waxa aan aaminsanahay horena aan madashan uga dooday, in labada gobol ee Mudug iyo Galguduud ay noqdaan hal maamul, walow ay taas ka horeyso in dadku heshiiyaan, iska cafiyaan colaadii dhexmartay, isna aaminaan. Intaas hadii aan la helin, halkooda qolo walba haku noolaadaan, colaada meelaha fog lagasoo falkiyeyna way dhamaan mardhow.

 

Nin aan saabxiib nahay ayaan maalin dhoweyd wada kaftanay, waxa uu ku dooday in Ceerigaabo dhowr reer ay ku noolyihiin, hadana nabad lagu wada noolyahay. Maxaa sidaas Galkacyo u diiday ayuu halku dhigu ahaa.

 

Waxa ninkaas ka hoos baxay hal arin oo muhim ah, Ceerigaabo waxa la wareegay hal reer, mana ogalaan in maamul aan aheyn kooda in magaalada uu ka jiri karo. Reeraraha kale si nabad ah way ugu noolyihiin lakin xor uma aha hadey rabaan maamul u gooni ah.

 

Galkacyo way kafiicnaatay Ceerigaabo. Waxa reerkii halkaa katalinay heshiis la gaareen reer kale oo magaalada qeyb ka deganaa, walow markaas sanado magaalada dibada ka joogeen. Waxa lagu heshiiyey, in qolada markaa magaalada wada maamuleysay iyo, qolada dibada joogtayba ay ku wada noolaadaan magaalada. Qolo walbana uu maamulkooda gaar u noqdo.

 

Arintaas waxay sabab u noqotay in Galkacyo dhinacyada dhismaha iyo ganacsigaba ay aad u fiday marka la bar bar dhigo Ceerigaabo oo reerihii deganaa ay qaar marti ku yihiin xaga maamulka.

 

Intaas ayaan ku dhaafi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

The Mudug brothers need peace and harmony. This war was engineered ( waxa laga soo staadhay) from Villa Somalia. Hassan Sheekh single handily picked the leaders of Galmudug, South West, and Hiiraan/Shabeelle , while the Kenyans installed Ahmed Maoobe of Jubba land. That means Puntland is the only administration that was selected by their own people.

 

 

These Mudug communities ( Puntland and Galmudug) should make a united front and defeat the Al-shabaab and other anarchists together. The Galmudug administration should concentrate to clean the internal groups in Galmudug denying their legitimacy and leadership. There is Ehlu Sunnah Wal Jameeca -a non state anarchist militia claiming to represent central Somalia while occupying Dhuusamareeb and other places. Al-shabaab is not only active , but took over couple of villages for the last few weeks. By most accounts, the Galmudug region is growing in terms of business and trade . What is missing is law and order.

 

Still, both the Cadaado , Caabudwaaq and Dhuusamareeb communities hold their arms and men separately. While Senator Cabdi Qaybdiid openly transferred his arms and militia to the new Galmudug leadership, all other communities have their own militia. Mr. C/kariim guuleed, the Damujadiid stooge should try to be independent and find peace with his neighbors and reject the schemes from Damujadiid. So, Mr.Guuleed has a lot fish to fry than worry about Puntland, he must bring other anarchists in the region under his control.

 

Rather than spend their energy to fight their brothers in Gallakacayo and force thousands of citizens to flee this useless conflict, they must work hard to build their nascent state and bring law and order in central Somalia. The Puntlanders also must sit down with their brethren in MUdug and work out solutions without the useless guarantees of Ethiopia or Villa Somalia.

 

Why would a Somali leader want to spread instability in the peaceful regions of the country?. Few months ago hundreds of Al-shabaab landed in Puntland and Mudug in order to take hold in the cities and coastal area. Fortunately , they were defeated and the unnecessary help of Amisom was not needed. I did mention last month the intentions of Hassan Sheekh to bring Amisom to Puntalnd and other places.

 

For him, since he can not control these regions, he rather give the control to Amisom and others. He want to destroy the idea of some Somalis running their affairs without the presence of foreign army. Well, thanks to Hassan Sheekh, by 2017, South Central Somalia is totally occupied by Amisom.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

This president supposed to replace the foreign troops in Mogadishu and surrounding region, yet he did the unthinkable by increasing their presence. in central Somalia.

 

This faction of Islaax have fragmented Somalia through the leadership of Small influential group financed by the gulf.

Share this post


Link to post
Share on other sites

With Ethiopia pulling most of troops from Central Somalia [They vacated Halgan today] and EU funding running low, it's not a sure bet.

 

Pland's push for federalism might win in the end.

 

p.s. There have been reports of infighting among Ethiopian soldiers in Ceelbuur. Apparently, Ethiopian troops are turning on each other, Oromo and Amhara soldiers killing their Tigray officers.

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

I could be wrong. C/weli too was probably helped by Damujadiid to defeat C/raxman Faroole. The power now rests with small group of Islaax clerics working quietly for forty years in business and Dacwa to gain power. They are " The Sheekh family". They do not have the support of the people and without Amisom, the insurgents would probably take over villa Somalia,

 

By the way , as you said the Ethiopian army is in danger, because the conscripts are mostly Oromo and Ahmara while the officers are TPLF. The war with Eriteria in 2000, where tens of thousands of soldiers died, forced the TPLf to recruit poor Oromo's and others. Also, for the large Oromo under class, the army was the stepping stone for employment. Officially the Ethiopia army is around 200, 000 soldiers., who knows how many are Oromo?.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

yuunis

c/laahi yuusuf allaha u naxariisto wuu gar qaatay asagoo kor taagan dad caato ah, wuuna sheegay in laf jabtay sideedii noqon asaguna ahaa ninkii jebiyay.

 

siyaad barre allaha u naxariistee waa lawada garanayaa wixii khalad iyo saxba uu soo mariyay soomaaliya

 

dib u noqoshada taariikhdu macno ma leh haddaan wax laga baranayn,mana muuqato in wax laga bartay.

 

puntland waxay diyaar u tahay inay dalkeeda iyo dadkeeda difaacdo ayagoo isku duuban shacab iyo caruur,macno weynbaa ku jira

 

reer hebel iska ururi cawaaqib xun bay ku keeni kartaa guud ahaan soomaaliyoo dhan

 

tan ay leeyihiin isbahaysi baa nagu soo duulay waa siyaasad.

 

ushu markay gacantaada ku jabto waa layska fogeeyaa, agtaada laguma tuuro,waxaa laga yaabaa inay ku dhaawacdo.

 

federaalku waa is bahaysi qabiil oo loogu tala galay inaan lagu kala dambayn,wax sharuuc ah oo ka dhexeeya ma jiro

 

kuligood waa madaxweynayaal siman oo mid walbaa xudduud iyo shacab gaara iyo masaalax khaasa wato.

 

markii isku dhac yimaado meel loo noqdo ma jirto,sababtoo ah dawladii dhexe waa ka qayb fadhi ku dirarka.

 

waxaan u sheegaynaa dawladaha dariskaa siiba walaalaheen itoobiya in nala kala dhex galo si aan dhiig badan usii daadan barakacayaashana biyo ha loo keeno.

 

tan ugu dambaysa puntland meeshii la rabay maadaama ay tahay maamulkii ugu horeeyay oo qabiil ku dhisma inay wax bedesho bay weli lasoo taagan yihiin aan u midowno cadawga oo iska dhicino reer baraxley iyo waxay lugaha ku wataan.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this