Sign in to follow this  
malistar2012

Mogadishu 2and commando battalion complete ten month training

Recommended Posts

Waxaa maantanTababar xerada Jaziira ee duleedka Magaalada Muqdisho loogu soo xirayay dufcaddii labaad ee ciidamada gaarka ah Komaandooska ee Danab iyo saraakiil dhameysatay tababar layli sarkaal.

 

IB0A6732-515x343.jpg

 

Madaxweynaha oo maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandoos ah (S

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray dufcadii labaad Ciidamo Kumaandos ah oo tababar u socday muddo 10-bilood ah, iyadoo Madaxweynaha uu shahaado gudoonsiiyay askartii dhameysatay Tababarka.

 

Munaasabada tababarka lagu soo xirayay oo uu Madaxweynuhu khudbad ka jeediyay ayaa waxaa ka qeyb galay Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Taliyaha Ciidanka Xooga dalka, saraakiil ka tirsan AMISOM iyo Midowga Yurub.

 

Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya Jen, Dahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin dufcadii labaad Ciidamo Kumaandoos ah oo ay yeelaneyso dowladda Soomaaliya, isagoo ku amaanay ciidamadan sida ay ugu dhabar adeegeen tababarkan heerkiisu sareeyo, kuna booriyay inay dalka is bedel ka sameeyaan.

 

Sii hayaha xilka wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Sheekh xasan Xaamud ayaa sheegay in Soomaaliya ay dagaal kula jirto aragagixiso caalami ah, sidaas darteedna ciidamada xooga dalka uu ka saaran yahay waajib sidii ay dalka nabad ugu soo dabaali lahaayeen.

 

“Waxaa tihiin Mustaqbalkii dalka, kuwii bad baadin lahaa, waxaa la idinta rabaa inaad dalka nabad ka dhigtaan oo aad cadawga ka xoreysaan”ayuu yiri Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku amaanay ciidamadan dadaalkooda iyo sida ay ugu dhabar adeegeen tababarkan, waxaana uu kula dar daarmay in tababarada ay qaateen ay dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaa, ayna qeyb lixaad leh ka qaataan howl galada socda.

 

“Tababarka aad dhameysateen waa mid sare, waxaana dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay idin ka sugayaan waxqabad muuqda, waayo waxaa socda dagaal lagula jiro kooxo nabadda diiddan, idinka ayaana la doonayaa in dalkan nabad aad ka dhigtaan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Ugu dambeyn, ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa saldhigga xafladdu ka dhacaysay ku soo bandhigay gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayeen tababarkii ay qaateen, kaasi oo ay mas’uuliyiintii goobjoogga ka ahaa ay aad ula yaabeen.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Another project to milk the EU niyoow. A real army is an army from all corners of Somalia, not an unuka militia where 80% of the reported number are what we in Puntland call ghost soldiers that are used to collect salaries but doesn't even exist.

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

Another project to milk the EU niyoow. A real army is an army from all corners of Somalia, not an unuka militia where 80% of the reported number are what we in Puntland call ghost soldiers that are used to collect salaries but doesn't even exist.

 

Well since the Somaliland Army secures the Waqooyi section of Somalia. And since the Puntland Army secures the Northeastern portion of Somalia. Then I think it's appropriate that the Koonfur sections of Somalia be secured by Somalis from the Koonfur regions.

 

Each region of Somalia is secured by soldiers FROM that region itself

 

After all, it's the South that's undergoing the most stress and violence. Once the situation is stabilized then maybe they'll integrate Puntland's Army with the National Army and so forth

Share this post


Link to post
Share on other sites

<cite>
said:</cite>

OK, then they should secure Mogadishu and its environs.

 

10846222_615907355179837_220304609248864

 

 

Mogadishu and surrounding area are secured by NISA. Well done by the President Hassan security has improved alshaabaab and Nabadiids are on the run....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xaamud “Bisha Janaayo waxaa la qaban doonaa shirweyne qaran oo looga arinsanayo isku dhafka Ciidamada”

by A M | Tuesday, Dec 23, 2014 | 443 views

 

IB0A6933-515x343.jpg

 

 

Sii hayaha xilka Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa sheegay in bisha Janaayo ee sanadka 2015 Muqdisho lagu qaban doono shirweyne qaran looga arinsanayo mideynta iyo isku dhafka Ciidamada Soomaaliya.

Jen, Maxamed Sheekh oo la hadlayay Idaacada VOA, isagoo ku sugnaa degmada Tiyeeglow ayaa sheegay in shirkan ay ka soo qeyb geli doonaan maamul goboleedyada dalka, isla markaana qorshaha uu yahay sidii loo dhisi lahaa ciidamo gaaraya 28-kun askari.

 

“Waxaa qorshaha noogu jirta in bisha Janaayo ee soo socota inaan qabano shirweyne qaran looga hadlayo mideynta iyo isku dhafka Ciidamada, waxaan rajeyneynaa markaa shirkaas ka soo qeyb galaan Maamul goboleedyada”ayuu yiri Jen. Maxamed Sheekh Xaamud.

 

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in shirka lagu qarameyn doono dhamaan ciidamada ku sugan Gobolada dalka, gaar ahaan kuwa maamul goboleedyada, isagoo tilmaamay in dib u habeyn lagu sameyn doono howl gelintooda.

 

Sii hayaha Wasiirka Gaashaandhiga ayaa sheegay in ujeedkooda yahay sidii looga bixi lahaa ku tiirsanaanta Ciidamada shisheeye, isla markaana muhiim tahay in la helo ciidamo tayo leh oo ku filan ammaanka iyo xasiloonida dalka.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowaan war uu ka soo saaray Xafiiskiisa ku sheegay sida ay muhiim u tahay in la isku dhafo Ciidamada Soomaalida ee ku dhaqan Gobolada, isla markaana la qarameeyo.

 

Dowladda Soomaaliya oo uu Caalamka taageero ayaa dagaal kula jirta Ururka Al-Shabaab, waxaana xooga ugu badan ee dhanka milateriga ay ka heshaa Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo ka socda ilaa shan dal.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

<cite>
said:</cite>

Well since the Somaliland Army secures the Waqooyi section of Somalia. And since the Puntland Army secures the Northeastern portion of Somalia. Then I think it's appropriate that the Koonfur sections of Somalia be secured by Somalis from the Koonfur regions.

 

Each region of Somalia is secured by soldiers FROM that region itself

 

After all, it's the South that's undergoing the most stress and violence. Once the situation is stabilized then maybe they'll integrate Puntland's Army with the National Army and so forth

 

the problem Doctor is that qoslaye is getting a lot of money under our name for training and salaries and he is using it for his own clan militia. that is where the problem exists. it is not national army as they like to call it. the title is misleading.

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

3,929 views

 

Kudhowaad 100 boqol saraakiil oo katirsan ciidanka XDS oo tababar loogu soo xiray

 

Mooge

 

no one is denying Puntlanders to join the Arm force in fact their part of it and am sure Puntland militias are welcome if they ready to integrate into the National Army .

 

 

We'll done the Government are preparing for the evacuation of foreign troops 2016 , thousand of we'll trained troops are ready to secure the country .

 

200 soldiers in Afisony Mogadishu are about to complete training for how To Handle or drive Tanks and Army vehicles & heavy Artilleries .....

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this