Sign in to follow this  
Saalax

Fadeexad: Siilaanyo snubbed by Hassan Sheikh Mohamud to meet in Djibouti

Recommended Posts

Saalax   

Fadeexad weyn:Xog ku saabsan Kulankii Dhicisoobay Ee Madaxwayne Siilaanyo Jabuuti Kula Yeelan Lahaa Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh.

 

 

 

Nairobi-(Qaran-news)- Kulankii dhicisoobay ee Madaxweyne Siilaanyo magaaladda Jabuuti uu kula yeelan lahaa Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh, ayaa shabakadda Ramaasnews ka heshay ilo diblomaasoyadeed xogo sir ah oo ku arooraya wixii uu daaranaa kulankaasi.

Sida ilaha diblomaasiyadeed oo aanan magac dhabeyni noo xaqiijiyeen waxa kulanka hal abuurkiisa lahaa Madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha khusuusida ah ee ay ka go’do talada aqalka looga arimiyo Somaliland, waxaanay daaraneyd loolanka cidda noqon doonta Raysal wasaaraha cusub ee Somaliya.

 

 

 

Madaxwayne Siilaanyo iyo xubnahan ayaa olole dhawr jiho ah ku qaaday madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh, sidii uu xilka Raysal cusub ugu magacaabi lahaa Dr. Maxamuud Cabdillaahi Jaamac “Sifir” oo xilligan ah wakiilka Somaliland ee dalka Kiiniya. Dhanka kale waxa madaxweynaha Somaliland suurtagelinta arinkan uu isna xidhiidh toos ah ugala sameeyey madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, sidii uu u suurtogelin lahaa kulan uu ku kulansiiyo madaxweynaha Somaliya. Iyada oo madaxwayne Siilaanyo ugu dhigay madaxwaynaha Jabuuti in haddii uu magacaabo Raysal wasaare kasoo jeeda waqooyi ay fududayn doonto isfahamka wadahadalada u dhexeeya labadooda dhinac.

Waxaana ilaha diblomaasiyadeed intaas ku dareen in Madaxweynaha Somaliya iyo kooxda la talisaa ay dalabkaa si cad u diideen saacadihii ugu dambeeyey ee madaxweynuhu uu u ambabixi lahaa dalka Jabuuti, kadibna madaxwayne Siilaanyo ka cadhooday hindisihiisa dhicisoobay, halkaasna uu gebi ahaanba dib ugaga laabtay kuna baabiiyey ambabixiisii Jabuuti.

 

 

Haddii warkani uu xaqiiq u noqdo sida ilahan diblomaasiyadeed noogu sheegeen, waxay ina tusaysaa in uu jiro xidhiidh toos ah oo ka dhaxeeya masuuliyiinta fadhida aqalka madaxtooyada Somaliland iyo maamulka ugu sareeya hogaaminta dalka Somaliya, taasina ay god madow ku ridayso hiigsigii shacbiga reer Somaliland 23 sanadood ku raadinayeen dal madax-banaan oo leh mid lamida xuquuqaha sharciyeed ee qaramada caalamka.

t0 (1)

 

 

Nairobi

https://qarannews.com/fadeexad-weynxog-ku-saabsan-kulankii-dhicisoobay-ee-madaxwayne-siilaanyo-jabuuti-kula-yeelan-lahaa-madaxwaynaha-somaliya-xasan-sheekh/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

<cite>
said:</cite>

Lol @ Silaanyo
:D

 

It's a pity that doddering Silaanyo does not realize that President Culusow has got his own problems...

 

It is sad how low Siilaanyo sunk, I remember back in 2012 it was actually the

otherway round and now Siilaanyo is snubbed like a teenage girl.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Adam   

<cite>
said:</cite>

If Somali websites are good at anything, it is the spread of baseless rumours, bad editing and language, iyo qabyaalad :-D

Agree the many different socalled online shabakada news sites, cater to the lowest common denominator and is read and quoted by Neanderthals . When they don't have any news they fabricate their own "secret sources" lies and spread it . They are one of the biggest enemy of the people both at home and abroad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this