Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland army takes more territory in eastern and southern Sool region

Recommended Posts

Ciidamada Somaliland oo qabsaday Deegaanno ka tirsan Gobolka Sool

Jimce, Febaraayo 14, 2014 (HOL) — Deegaanno ka tirsan gobolka Sool ayaa la sheegayaa in xilligan gacanta ay u galeen ciidammo ka tirsan Somaliland, waxaana ciidamadan maalmahan ay dhaq-dhaaqyo ka wadeey gobollada Sool iyo Cayn.

 

Dhowr guuto oo ciidamada Somaliland ka tirsan ayaa xilligan ku sugan deegaanka Kalabayr oo 28-km koonfur galbeed kaga beegan degmada Laascaanod, guddoomiyaha gobolka Sool ugu magacaaban Puntland arrintan xaqiijiyey.

 

Axmed Ibraahim Faarax (Faracade), wuxuu sheegay in ciidammo ka socda Somaliland ay si buuxda ula wareegen deegaanno dhowr ah oo ay ka mid yihiin Kalabaydh, Karin Dabayl Wayn, Dharkeyn Geenyo iyo tuulooyin kale oo dhammaantod kawada tirsan gobolka Sool.

 

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland wuxuu uu intaas ku daray in ciidamada xilligan isku ballaariyay deegaannada ay yihiin ciidammo si weyn u xooggan oo ka yimid magaalada Hargeysa.

 

"Ma ahaa wax cusub in ciidammo Somaliland ka tirsan ay qabsadaan deegaanno gobolka Sool ka tirsan horay Laascaanood ayaa gacantooda ugu jirtay, xilligan waxaan idiin xaqiijinaynaa in ciidammo si weyn u hubaysan ay la wareegen deegaanno gobolka Sool ka tirsan," ayuu yiri Axmed Faracade.

 

Sidoo kale, wuxuu xaqiijiyay mas'uulkan in wax dagaal ah uusan ka dhicin deegaannada xilligan ciidamada Somaliland ay soo gaareen, isagoo sheegay inay si nabad ah ula wareegen oo aysan la kulmin wax iska caabin ah.

 

Qabsashada deegaanada cusub ayuu ku sheegay guddoomiyuhu Axmed Fara-cadde mid gar-darro ah oo ay Somaliland ku dan-daansanayso Puntland.

 

Dhinaca kale, Axmed Ibraahim wuxuu beeniyey warar soo baxayay oo sheegay in ciidammo ka tirsan Somaliland ay madaxweyne xigeenka Puntland, C/xakiim Cabdulaahi (Camey) ka hor-istaageen safar uu ku tagi laha degmada Buuhoodle oo deegaan ahaan uu kasoo jeedo.

 

Puntland iyo Somaliland waxay ku muransan yihiin maamulka gobolka Sool iyo deegaanno ka tirsan, waxaana labada dhinac ay sheegtaan in maamulidda deegaannadaas ay iyagu leeyihiin.

 

Dhaq-dhaaqyada cusub ee ciidamada Somaliland ayaa ka dhigaysa mid soo cusbooneyn karta xiisada labada maamul u dhexeysa ee ku aaddan maamulidda gobollada ay isku haystaan.

 

Ma jiro wali wax hadal ah oo kasoo baxay madaxda sare ee Puntland iyo Somaliland, lamana garan karo jawaabta ay bixin doonto Puntland maadaama deegaanno cusub ay qabsadeen ciidanka Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland army has taken over the southern part of the entire sool region which was in the past in the hands of local militia affiliated with Khatumo which includes dharkeyn geeyoe karin dabaylweyn and kala baydh. Some sources are saying that the Khtatumo militia there have joined with Somaliand defense forces against the garowe administration.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Mooge   

Xaaji, tell me why Somaliland would have its trucks and boys from borama drive to desert empty land and say "we captured". why would somaliland do this? you know the answer. you know what is coming and Somaliland doesn't know how to respond.

 

niyoow, watch my words. something is cooking and it will not be pretty for somaliland. militia from hargiesa must leave lasanod. that is the only demand abdiweli is making.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge abdi cawar has lost all his cards with the Khatumo clan when he made karaash minister and biindhe he alienated the entire khatumo movement. He undermined khatumo which made the khatumites more furious with the garowe clan enclave , listen to galaydh this gave Somaliland the chance to move into the Southern part of sool garaad jamac has nothing against Somaliland stopping the vp of pl entering buhoodle. Cabdi cawar is a blessing for SL , If he tries to violate eastern sool he violates khatumo , khatumo moves closer to SL every day. cabdi cawar is going to unite khatumo with SL further and SL will soon move into taleex and boocame.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^ one step closer to Garowe and the buffer zone.

 

inshallah we see this over garowe soon:

 

 

 

15 miles from Garowe the capital and they cant stop anyone...My God...hahaha...

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia rising...saxib where is the doom and gloom forcasted huuh?

 

Somalia rising while accusing others of being scared your land is there for the taking.

 

Mooge: The reality is Gas told you all porkies: to get elected he does what every politician has been trained to do...lie and tell you he can do more then he actually can. The man will never and can never take back a single inch of Somaliland territory simple.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Sida baryahanba muuqatayba snm waxay ku dhex jirtay khalkhal siyaasadeed oo aad u ba’an waxayna kilaftay in shacabkii waqooyi galbeed uu shaki soo kala dhex galo markuu arkay jilayaashii riwaayadda aqoonsi doonka oo masrixii feedh isku boobaya

 

Ciidamaa soo ruqaansaday waa maaweelo cusub oo dadku fahamsamsanyahay

Laascaanood ciidan qaran oo hargaysa ka yimid inuusan difaaci Karin caruurtuna way ogtahay

 

Reer laascanoodna laba shaati isku layn maayaan insha allah xaqna waxay u leeyihiin inay nabad ku noolaadaan soomali darwiishana ahaadaan

Dhib dagaal ma sahlana naf iyo hantiba way ku luntaa rafasho badan buu keenaa hees, dhoola cadayn iyo marqaana waa la kala tagi.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Khatumites will always end up where they belong,,Somaliland, period.In worst case scenario,war, everyone else will lose to Somaliland.Somalia let alone puntland don't stand a chance to win war against SL or they wouldn't just be talking for so long.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gooni

 

Aqoonsiga Somaliland ba mar walba ka dhow Somalia oo nabad noqota oo xasiloon oo dal noqoto ta waliga ku seexo. Laascanood hadanay ciidan qaran difaacin yaa baas eeh difaaca loolz reer sool iyaga diiday mamuulka budhcad badeedka.. Oo somaliland ku biiray ama khatumo sheegtey maamnta maaalin Somaliland iyo khatumo iskaga dhaw yihin ma jirto

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

buraha

sure they will be somaliland and they will somali darwish forever

 

xaaji

Somalia nabdeedu way soo dhawaatay mar walba khayr sheeg rajo fiicana ku seexo

 

 

Ma laga yaabaa inaad u fakarayso hadii meeshaan koonfurtu degi weydo in snm la aqoonsan doono? mise taa bedelkeeda meeshaan waxaad jeclaan lahayd inaad wax la qaybsato oo saburkiibaa kugu dheeraaday?

 

Ciidan qaran waxaa loo yaqaan ciidan ka kala yimid ilaa sedex kun oo km iyo ka badan oon isku lahjad ahayn, ma dhici karto inaad ciidan lagasoo ururiyay 200km ugu yeerto ciidan qaran wiilasha sedexda islaamood midkood baa dhashaye yaan la iska layn suldaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Anigu rajo ma arko nabadi faraha ka baxday shabaabki xoogeysteen qarax meel ay ka fuliyan maalin walba iyo ciidan shisheeye oo la so tubo meel kasta oo la soo kordhiyo umalayn mayo inay nabada Somalia so dhow dahay. SNM horumar bay gaadhay dhan dhaqaale dhan nabadeed dhan ganacsi dhan dhisme wa wax ilaahy loogu xamdi naqo oo hada maanta wax ka xumaada maba jirto..

 

Ciidan qaran lugu ma nisbeyoo lahjaday ay ku hadlaan eeh waxa lugu nisbeeya oo kaliyaa qaabka iyo siday u socdaan loo tababaray siday u shaqeystaan Somaliladn wa dal homogenous ah oo dadkisu ay yihin dad isku wada mid ah oo isku dhaqan iyo haybad iyo xeer ba ay yihin markas ciidanka qaranka jamhuuriyada somaliland iyaga heerka is gaadshiiyey eeh maha cid kale cidna wax kama sugaan iskooda bay wax u qabsasdaan. Wanay tuseen calaamka in ay Somaliland somalia u baahnayn eeh , somalia u bahantahay somaliland , ooo waba waxay u daba ordayaan.....

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Anigu iyo adigu isku lahjad maahin isku gobolna maahin somaalina waa nahay isu tagaasu waa qaran

hadaan ciidan isugu nimaano waa qaranimo xoog leh, ciidan gobaleed iyo ciidan qaran farqigaas baa u dhexeeya

 

xuduud qabiileedka snm wuxuu ku eg yahay markaad wax yar burco soo dhaafto ka dibna reer abtigaa xuduudkiisa ayaa bilaabanaya ilaa maashaa allah

 

Su'aashan isku day aragtidaada adigoo mahadsan inkastoo aygu leeyihiin su'aashaas hadana,,,,

Maxay soomaalidu dadka waqooyi galbeed ku jeclaadeen oo u daba ordayaan haday tashadeen?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this