Sign in to follow this  
malistar2012

Mas'uuliyiin Somaliland ka tirsanaa oo Puntland u goostay (SAWIRRO)

Recommended Posts

 

Xildhibaanno_kasoo_goostay_SL_1.png

 

Isniin, Feberaayo 03, 2014 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland ee gobolka Sool, kuwaas -oo sida ay sheegeen- soo goostay, ayaa maanta si diirran duleedka magaalada Garoowe loogu soo dhoweeyey.

 

 

Mas'uuliyiintan oo ay tiradoodu labo tahay, laguna kala magacaabo Mukhtaar Mahad Cawad iyo Cabdalle Digaale Cali, waxay ka tirsanaayeen golaha deegaanka ee degmada Laas-caanood.

 

Madax ka tirsan maamulka Puntland oo ay kamid yihiin: wasiirka ganacsiga Maxamed Xasan (Soo-cadde) iyo wasiirka kalluumaysiga C/nuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) ayaa soo dhoweynta ka qayb qaatay.

 

 

Labada mas'uul ee dhinaca Puntland usoo goostay oo warbaahinta si kooban ula hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin in sannado kaddib ay Garoowe dib ugu soo laabteen.

 

 

 

 

Caddaalad darro iyo musuq maasuq ay sheegeen inuu ka jiro dhanka Somaliland ayey ku micneeyeen inay tahay sababta ugu weyn ee ku kalliftay inay kasoo tagaan xilalkii ay hayeen.

 

Ugu dameyntiina waxay sheegeen, inay ka go'an tahay sidii ay gacan uga geysan lahaayeen horumarka Puntland iyo weliba sidii loo soo celin lahaa deegaanada Puntland ka maqan ee xilligan uu maamulka Somaliland ka arrimiyo.

 

 

Sanadkan 2014, waa markii ugu horreysey oo mas'uuliyiin horay uga tirsanaa maamulka Somaliland ay Puntland isu soo dhibaan.

 

 

Siyaasiyiin badan oo xilal ka heyn jirey dowladihii hore ee Puntland iyo qaar ka qayb galay doorashadii madaxtinimada Puntland ee sanadkii 2009, ayaa horay ugu biiray maamulka Somaliland.

 

 

 

 

 

Sawirrada: Imaan Maxamed, Hiiraan Online

 

 

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online

xaajidirir@hiiraan.com

Puntland, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mooge

 

Somaliland Army are station Far beyond Laas-caanood AND IN the door steps of Garowe , it will take more then defection to regain Laas-caanood .

 

 

WARAN-CADE.jpg

 

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabhad Beeleedka Somaliland (SNM) oo lagu magacaabo Warancade ayaa Laascaanood yimi isaga oo hubaysan sidoo kalana xidhan Dirays ciidan.

 

 

 

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

my friend, who's indigenous to these parts of Somaliland informed me that these ''opportunistic xukun and xiil doon people'' lack any credibility at all. he later explained ''they're doing this to screw us up''. when i asked why....he said ''there is an idea of a united Las Anod, some kind of abstraction, but there is no real unity, only an entity, something illusory. the vast majority of us are firmly in support of Somaliland, marka dhag ha u dhigin jalaafooyinka yar yar aad la kulanto, inadeero.

Share this post


Link to post
Share on other sites

how long occupied Somalia keep entertaining thmslvs .Come back when colonel kujuku sets your independence day at 2060.

These amateur slaves under Amisom in Mogadishu wish Somaliland & puntland go to war.How about us uniting, taking down that road to Mogadishu to relieve the African forces....we atleast for sure won't rape.

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

How about us uniting, taking down that road to Mogadishu to relieve the African forces….we atleast for sure won’t rape.

 

Raganimo (how) kaliya ka saar si aan gabar danbe oo soomaaliyeed darbi loogu tiirin buurdheerow

 

Reer laas caanood waad tiir adag waxaana u wanaagsan aragtidayda inay puntland raacaan dib danbana aysan u caroon, hadii reer bariga ay ka yaabaan bakhaylnimadooda labada indhood salkooda haku dhufteen waa loo gar niqi sidii caadadu ahaan jirtay hana ogaadeen waxa la isku haysto inay wax ku leeyihiin canshuurtana ha bixiyaan si loo helo markhaati

 

 

khaatumo dhaqaale dakadna ma hayso canshuuta shacabka tabarta yarna sedex maamul uma qaybsami karto aduunkan meeshii dad badan baa dhaqaale laga doonaa dr'gaas hala taageero waa nin soomaalinimada fahamsan qardho sokodeeda magaalo magac cusub leh halaga asaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Slaves is an ancient word now they call adapted colony and cross checking borders

we don't see you outsider we see you one of us

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

 

 

Somali politicians represent no body, and no body cares what the public wants. Nin shaqa tegey isagaa kaa og meeshuu u shaqo tegayo. This is the reality in Maryooley lands.li

 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this