Sign in to follow this  
Carafaat

The return of Somali Airlines

Recommended Posts

Carafaat   

Maxamuud Maxamed Guuleed “ Shirkadii Somali airlines waa la soo Celinaa, Dowlada dadaalkaas ayay wadaa Bisha Oktobar ayay bilaabayaan..

 

Maareeyihii Hore ee shirkadii Somali Airlines Maxamuud Maxamed Guuleed ayaa waxa uu warbixin ka baxshay xaalaa Diyaaradihii Soomaaliya ay lahayd meesha ay ku danbeeyeen, Rajada Dowlada Soomaaliya ay ka leedahay in ay Dib u soo Celiso Magacii Somali Airlines.

 

Guuuleed oo la Hadlayay Bogan ayaa sheegay in Diyaaradii Somali airlines ay iskugu jirtay kuwa yar yar iyo waawayn oo dhamaantood ay ahaayeen kiro lahaansho ah, Qaarkoodna ay lahaayeen dalal kale balse ay shuraako ku ahaayeen oo dhaqaalihii ka soo baxa la kala Qeybsan jiray.

 

Waxa uu sheegay Guuleed in bisha oktobar ay Diyaarado gaaraya ilaa afar xabo oo iskugu jira kuwa yar yar iyo mid Wayn ay shaqo bilaabi Doonaan, asaga oo sheegay in Diyaaradahaas ay laba ka mid ah ka shaqyn Doonaan Gobolada Dalka ama Local Gudaha ah.

 

“ Aniga Markii ay Dowladii dhacaysay ma ahayn Maareeyihii Somali Airlines Balse laba sano ka hor ayaan shaqadii ka tagay nin kale ayaa loo dhiibay Howsha, markii Dowladii dhacday ayaa la ii yeeray oo la Yiri daba gal Hantida shirkada oo soo badbaadi Dhaqaalaha, sidaas ayaan howsha ku galay, waan daba Cararnay Maadaama Qibrad aan u lahaa, oo meelihii aan wax ku ogaa ama Dowladihii Bangiyada Noogu yaaleen oo aan wada shaqaynta lahayn, Kenya, Masar, Dubai, Italiya meel wax yaalaan oo aan ugu tagay ma jiraan”ayuu yiri Guuleed oo ka hadlayaya in dhaqaale ay u taalay shirkada Somali Airlines Xiligii ay bur burtay Dowladii dhexe ee Soomaaliya.

 

“ laba Diyaradood oo waawayn mid air Bus Dowlada Somaliya soo Ijaaratay iyo Boin 727, oo Markii ay soo dagtay lagu xabadeeyaya iyo laba Diyaaradood oo yar yar ah oo Jarmalka aan isla lahayn, air Bus Ijaar iib ayay ahayd oo ah wixii lagu heshiiyay Bixi wixii lagu heshiiyay kadibna Yeelo, dood dheer kadib sidaas ayay ula Wareegtay, waxaa Nalagu Yiri Somaliya hadaad Tihiin baxsha lacagta la idin ku leeyahay ama iskadaaya Diyaarada dadkii Maalgaliyay ayaa Leh’ayuu markale Yiri Jeneraal Guuleed oo ahaa Maareeyihiin Somali Airlines.

 

“ Tii labaad ee 727 oo Diyaaradii la xabadeeyay Xiligaas waxaa haystay Garoonka UNESOM markii danbe way kacaday, waxaana markii danbe Qilaaf u dhaxeeyay dadkii isku hayay Muqdisho ayaa diiday in ay soo dagto, waxaan gaynayn Dubai, markii Mudo la joogay dadkii iska lahaa ayaa yiri lacagteena na siiya ama waan qaadanaynaa, Marikii danbe sheikh Zaaid ayaa arinta soo dhexgalay, aniga iyo Cumar carte, waxa uuna Yiri hadaad leedihiin Diyaaradaan waan idinla safanayaa hadii kale ha I ceebeenina iskadaaya Diyaarada anaa markii Somali isku timaado Diyaarad dhiibaya, ayuu nagu Yiri sheikh Zaaid”ayuu markale Yiri Guuleed.

 

“ Kuwii Yaryaraa labadii mid waxaa loo afduubay Garbaharey, mida kalana UNESOM Markii ay Timid ayaa la Bur buriyay, sidaas ayaa lagu xiray oo Qolo walnaa qaadatay labadaas Diyaaradood intii ay lahaayeen oo waxaan Iri markii Qaran Imaado ayaa loo baahanayaa, wax yar waxaa lagu badbaadiyay Guri ay lahayd Somaliya oo ku yaalay Roma, in kalana waxaan ku shubnaya Bangi ku yaala Jarmalka”ayuu yiri mar kale Guuleed.

 

“ Qorshahaas in aan Diyaaradihii Somali Airlines magacooda ku kacayay aan soo Celino way jirtaa waana afar Diyaaradood, laba yar yar iyo laba dhex dhexaad ah, dalkana aad ayaa looga baahan yahay, waana Muhiim in dalka Diyaaradahaas ayaa loo Rabaa”ayuu yiri Guuleed.

 

“ Diyaaradahaan laga hadlaayo waxa keenay waa Aniga aniga iyo Dowladana waan iska war qabnaa, marka waxaan rabaa in Bisha Oktobar in aan soo Celin Doono diyaarad ku duuli Doonta magaca Somali Airlines kadibna u Duuli doonaan Dalalka Dariska nala ah, kadibna Yurub iyo Caalamka ay u Duuli doontaa”ayuu yiri Guuleeda.

 

“ Waanba haystaa Magacaabista oo mudo sanad ah waxaan ahay Gudoomiyaha shirkada Somali Airlines, marka aad ayaan ugu faraxsanahay in aan soo Celiyo Magaca shirkada’ayuu yiri.

 

“ Hay’ada Civil Avation Hay’ada Duulimaadka Hawada iyo Cimilada, waxayna hoos timnaadaa Wasaarada Duulista, marka ayaga ayaa qaabilsan caafimaadka Diyaaradaha iyo in Diyaarada ay tahay mid hagaagsan, waxaana ku Talin lahaa in Wixii Qatar ku ah laga dhowrasado, mida Madaxweynaha ku sigtay oo kale, oo aan loo galin Baahi ayaa ii haysa, Diyaaradaha aan soo wadno waa kuwa caafimaad qaba, waxaana ka mid ah AM6-W-12- Garoomo aan laami ahayn ayay ku dagi karaan Tuulo Degmo ayay ku dagi karaan”ayuu yiri Mar kale Guuleed.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay Guuleed in Soomaalida ay la shaqeeyaan Dowlada waxa uuna balan qaaday in Diyaaradaha ay soo wadaan ay Noqon Doonaan kuwa wax tar leh oo dalka iyo dadka wax u Tara.

 

“ Waxay ila tahay in ay dowladdu ugu hormariso howlaheeda Xoraynta dalka, dal aanay kuligiis gacanta ku hain, way adagtahay in ay maamushu.

 

Arintaasna waxa lagu gaarikaraa sidatan, In la abaabulo fadhi (Road Map) lagu qeexayo sida dalka lagu xureynayo. Fadhigaas oo ay ka soo Qeybgelayaan. Dowladda Somaliyeed. Dowladaha daneeya xalinta arimaha Somaliya. Dowladaha ciidamadu ka joogaan dalka. UN khubaro Somali, Fadhigaas waa in lagu Qeexo waxa loo baahanyahay si lagu Xureeyo dalka ,ha Noqdaan- Hub, Dad iyo hantiba ,Qola walba waxa looga baahanyahay in ay keento iyo Waqti loo qabto, Markaasna la Xadido Waqtiga la dhameynayo xoraynta”ayuu yiri markale Guuleed.

 

Sidoo kale Hadaan deg deg loo xurein dalka wa sii qeibsamaya, siina burburaya. Qolooyinka gacanta nasiinayana way naga daali ama weynu iska horimaan. Khaas ahaan dowladaha ciidanku ka joogo dalka.

 

Cabdixakiin Cilmi Xasan

Cabdixakiin441@hotmail.com

Tel-+254-711830393

254-728211486

Nairobi Kenya

 

Xafiiska Warqabadka Dayniile.com

Webmaster@dayniile.com

Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Deyniilecom@hotmail.com

Webmaster@dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

nuune;976193 wrote:
v7z0vo.jpg

I am glad you have chosen Princess Juliana international airport in Saint Maarten to be the first destination of Somaliland "Arline". I am sure it will do a good job blasting bikini clad trill seeking babes back into the waters on every take off:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Nuune, what is the business model of Somali Airlines? How do you see a government owned airline operating next to private airlines, in the same market?

Share this post


Link to post
Share on other sites

inaadeero Arafat,

 

anaga ha noo xayeysiin the propaganda of the SFG iyo few photo-shopped pics of this defunct airline.

 

Somalia airline had one of the worst safety records in the history of civil aviation. it'll be a public danger to revive this pathetic airlines. even, if, that were the case, i will NOT be taking their international flights nor any flights into Somalia because we all know it will be FULL of Al Shababist suicide bombers iyo walweyn folks. akhas. naga daaya ciyaarta y'all. :mad:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alpha Blondy;976207 wrote:
inaadeero Arafat,

 

anaga ha noo xayeysiin the propaganda of the SFG iyo few photo-shopped pics of this defunct airline.

 

Somalia airline had one of the worst safety records in the history of civil aviation. it'll be a public danger to revive this pathetic airlines. even, if, that were the case, i will NOT be taking their international flights nor any flights into Somalia because we all know it will be FULL of Al Shababist suicide bombers iyo walweyn folks. akhas. naga daaya ciyaarta y'all. :mad:

ta kale......

 

are they going to fund this long-winded mashruuc from begging-bowls of deeqbixiyasha calamiga?

 

also how short will the skirt of Somalia airline's air-hostess be,

 

in keeping up with international standards and best practices are they going to employ some hot cad-cad babes without the burkas and niqabs?

 

i thoughts so.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Tallaabo   

Alpha Blondy;976208 wrote:
ta kale......

 

are they going to fund this long-winded mashruuc from begging-bowls of deeqbixiyasha calamiga?

 

also how short will the skirt of Somalia airline's air-hostess be,

 

in keeping up with international standards and best practices are they going to employ some hot cad-cad babes without the burkas and niqabs?

 

i thoughts so.

:D;)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Marksman   

According to the Somali Airlines Facebook Page, these are the early sketches of the Somali airlines female stewardess clothing. Not sure if this is accurate. Can someone confirm this?

 

It needs a Somali touch. Something typically Somali and recognizable. Perfect moment for a culture exchange. This seems too progressive for the savage Somali.

 

tumblr_ms5b6e6Hfc1r34z06o1_500.jpg

 

tumblr_ms5b6e6Hfc1r34z06o2_500.jpg

 

tumblr_ms5b6e6Hfc1r34z06o3_500.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Naxar Nugaaleed;976213 wrote:
I'd go out of my way to catch flight on one of those

abti,

 

clearly you are fooling yourself into a false sense of expectation.....if you believe this hype. you're a man who claims the entire region of sanaag but who has NEVER set foot on Somali soil. inaar, really? miyaad isku xishood. if i were you, i'd stop lying to myself. but, it's quite obvious, i'm not you and so you can continue in your make-belief reality. ;)

Share this post


Link to post
Share on other sites

Marksman;976212 wrote:

 

It needs a Somali touch. Something typically Somali and recognizable. Perfect moment for a culture exchange. This seems too progressive for the savage Somali.

 

 

and-this-fancy-tissue.jpg

 

my only advise on this 'somali touch' is one of these. it doesn't have to contain 'actual' tissues. it's purely for decorative purposes. :cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Alpha Blondy;976234 wrote:
abti,

 

clearly you are fooling yourself into a false sense of expectation.....if you believe this hype. you're a man who claims the entire region of sanaag but who has NEVER set foot on Somali soil. inaar, really? miyaad isku xishood. if i were you, i'd stop lying to myself. but, it's quite obvious, i'm not you and so you can continue in your make-belief reality.
;)

Lol, abti dadku waa dad walalahaga ah ee xasidnemida ka daa

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this