Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Govt Condemns Bogus National Conference In Mogadishu

Recommended Posts

Dr_Osman   

PL oo qaadacday shirka ka furmaya Muqdisho

2 Sep 2, 2013 - 2:22:35 AM

 

 

Dowlada Puntland ayaa shaaca ka qaaday inaysan aqbali doonin waxa ka soo baxa shir lagu sheegay inay aayaha Somalia looga tashanayo oo ka furmaya maanta magalada Muqdisho ayna soo qaban qaabisay DF Somalia.

 

Shir jaraa'id oo ay maanta 02 Sep, 2013 si wadajir ah magaalada Garowe ugu qabteen wasiirada warfaafinta iyo maaliyada Puntland ayaa waxay hoosta ka xariiqeen inaysan raali ka ahayn qodobada kasoo baxa shirka Muqdisho ka furmay kaasoo socon doono ilaa 6-da bishaan.

 

Wasiirka warfaafinta Dowlada Puntland Prof. Axmad Shiikh Jaamac oo ugu horayntii warfaafinta la hadlay, ayaa sheegay dowlada Muqdisho inay ku kooban tahay isla markaasna aysan Somalia inteeda kale gaarsiisneyn.

 

Nidaamka federaalka ayuu sheegay Axmad Shiikh Jaamac inaysan fahamsanayn dowlada Somalia,.sidaasi darteedna ay dhibaatooyin badan iska qastay.

 

Wasiirka maaliyada Puntland Faarax Cali Jaamac ayaa dhankiisa sheegay Puntland inay xiriirkii kala noqotay dowlada Xasan Shiikh bishii lasoo dhaafay shanteeda,sidaasi darteedna shirka Muqdisho ka furmay aanan lagu casumin dowlada Puntland,cidna aysan ka matalin dadkeeda.

 

25 Aug, 2013 qoraal ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay DF Somalia inay diyaarineyso shir hal dhinac ah kaasi oo lagu wiiqayo awooda dowladdaaha federaalka islamarkaasina loogu yeeray Aayo ka talinta mustaqbalka Somalia.

 

Qaadacaada Shirkan ayaa soo baxaysa xili la sheegayo suurtalgalnimada in wadahadal uga furmo Puntland iyo DF Somalia mid ka mida dalalka daneeya Arrimaha Somalia.

 

GAROWE ONLINE

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Wasiirka Warfaafinta Puntland: Xukuumada Muqdisho waa u Caado inay Xaafadaha Magaalada isugu yeerato oo ay tiraahdo Soomaali ayaan shir u qabtay.

 

Garoowe (RBC RADIO) Wasiirka Warfaafinta Puntland abwaan Axmed Sheekh jaamac oo uu Xafiiskiisa ku wehliyo Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire ayaa sheegay in Dowlada Puntland aysan waxba kala socon shirka Muqdisho ka furmay Maanta ee looga hadlayo aayaha Soomaalida ayna taageersanayn wixii kasoo baxa loogana hadlayn Aayaha Soomalidee uu ku egyahay oo kaliya Xaafaha ay ka kooban tahay Magaalada sida uu Wasiirku Hadalka u dhigay.

 

“Waxaa Maanta Muqdisho ka furmay Shir lagu sheegay in looga hadlayo Aayaha Soomalida Waa u Caado Xukuumada Muqdisho in ay Xaafadaha ay Magaaladu ka kooban tahay dadka ku sugan intay isugu yeerato ay tiraahdo Soomaali ayaan wax u qabanayaa oo aayaheeda ka hadlayaa taasi waxaan leenahay waa wax kama jiraan inaguna cidi inagama aadin wixii kasoo baxana dee waa aayo ku kooban Muqdisho iyo Xukuumada ka talisa, sidaana waxaa yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland.

 

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri:

 

“ Xukuumada Muqdisho garanmeyso hab maamulka Dowlad nimo mana taqaano sida loogu Dhaqmo Dastuurka iyo Federaaliisimka oo waan ognahay in ay Meelaha ka sheegaan in aysan doonayn dalka in lagu hago Federaaliisimka, sidaa darteed wax xiriir wada shaqayn ah inakama dhexeeyo shirarkooda waa

 

mid u gaar ah Soomali oo dhanna uma sinna sidaa ayaan Caalamka u sheegeynaa ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Puntland Abwaan Axmed Sheekh Jaamac.

 

Wasiirka Maaliyada Puntland Faarax Cali Shire oo Shirka Jaraa’id ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta ayaa kulanka ku xoojiyay in Dowlada Puntland ay Xiriirka u jartay Xukuumada federaalka Bishii lasoo dhaafay 5teedii ayna qalad tahay in Dowladu Magac soomaaliyeed iyadoo sheegeysa in ay qabato shir aan leysla ogayn oo iyada u gaar ah iyo Xaafadaha Muqdisho sida uu Wasiirku yiri.

 

Wasiirka oo Raxan-Reeb ay weydiisay marba hadii Xiriirka ay u jareen Dowlada Soomaliya Waxa ay u sugayaan in Shirarka lagu Casumo ayaa ku jawaabay in Kulankaasi Magaca Soomaliya lagu Magacaabay lana tilmaamay in Dadkoo dhan ay kasoo qayb galayaan sidaa darteed buu yiri waxaan rabnaa inaan Caalamka iyo Soomalidaba u sheegno in Puntland kal hore ay iska joojisay la shaqaynta Dowlada hadana aysan diyaar u ahayn kana qayb galeen shirkaasi wixii kasoo baxana ay qaadacsantahay.

 

Inkastoo Dowlada Soomaliya sidii hore kasoo dabacday oo ay taagan tahay Puntland ayaan la hadleynaa hadana xal isu soo dhawaansho ah kama muuqdo Meesha marka la eego Hadalada kul kulul ay leysku marinayo Saxaafada iyo hardanka siyaasadeed u u dhexeeya 2da dhinac, Puntlandna weli kama aysan hadlin Baaqa Madaxweyne Xasan sheekh ee ah in Miiska wadahadalka leysugu yimaado lagan heshiiyo wixii dhacay.

 

Ibrahim Wadani

 

RBC RADIO

 

Xafiiska Wararka Garoowe.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

Cambuulo iyo bun;975917 wrote:
well done by puntland government. We dont want anything to do with y'all.

Camubolo... We dot have one video of hag talking about or committing any crimes against these neo-siadist but hundreds of their gathering plotting against everyone and anything yet they are suspicious of your people ???

 

I still don't know how you can share a country with these people...

 

The story of """puntland""".

 

 

 

Is what happens when you are out of your league and attempt to undermine people who are more numerous and smarter. They have been trying to undermine Somalis since independence and look at the result today. Hahaha

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garoodi wuxu doonaya inu afkaga isku geliyo puntland iyo hamar. Adeer macaane ninka mooda Puntland inaysan power lahayn wa nin aan siyasiga waxba ka garanaynin. If puntland has no power then this wouldn't have occurred

 

shirk2.jpg

 

madaxweyne-raysal-w.jpg

 

images?q=tbn:ANd9GcRPm_oM6KdEXeB2NdhhBHO

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Garoodi and Xajigu are furious

 

Two Presidents

kenya4.jpg

 

222.jpg

 

223.jpg

 

Gawaaridda Wasaaradda arimaha Dibadda Itoobiya ee Madaxweynayaasha lagu soo dhaweeyo,ayaa Madaxweynaha Puntland iyo Wefdigiisa looga soo qaaday Garoonka Bole-Internatioal,iyadoo la dejiyay Madaxtooyadda Adis-ababa.

Siilanyo treatment Get on the bus waryaa

silaanyo1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this