Sign in to follow this  
Carafaat

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Dowladdu waxay ku howlan tahay sidii ay Puntland Wadahadallo ula furi laha

Recommended Posts

Carafaat   

Madaxweyne_Xasan_Sheekh_Max.jpg

 

Jimco, August 30, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta ka hadlayay warbaahinta ku hadasha afka dowladda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheynayso inay wadahadallo la furto maamulka Puntland oo dhawaan ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray.

 

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale soo dhaweeyay heshiiskii ay dowladdu kula saxiixatay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya maamulkii hore ee Jubbooyinka, isagoo xusay inay qayb ka tahay horumarrada ay dowladdu ka gaartay dhinaca dib u heshiisiinta.

 

"Waxaan aad uga xunnahay hadalkii kasoo yeeray mas'uuliyiinta Puntland qaar ka mid ah, iyadoo la xusuuto in Puntland ay saldhig u ahayd tiirarkii lagu soo dhisay dowladda hadda jirta; kuna bixiyeen dadaal badan iyo maal, mana garan karo sababta hadalkaas ka keentay; balse waxaa socda qorshe aan ku doonayno inaan wadahadal kula furmo is arrinta keentay hadalkaas aan meesha uga saarno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

 

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdu Somalia ay horay u muujisay sida ay raalliga uga tahay maamulkaas iyadoo halkaas ay isugu tageen madaxda dowladda, wuxuuse hadalka kasoo baxay ku tilmaamay mid aad looga xumaado.

 

“Bani’aadamn ayaan nahay waana macaamilaynaa haddii uu khalad dhaco waa laga wadahadli karaa waana la is-fahmi karaan, innaguna waxaan ku dadaalaynaa sidii aan uga daweyn lahayn waxyaabaha keenay in Puntland ay ku dhawaaqdo inay xiriirka u jartay dowladda,” ayuu madaxweynuhu ku daray hadalkiis.

 

Puntland ayaa toddobaadyo ka hor ku dhawaaqay inuu xiriirka u jaray dowladda Somalia oo uu ku eedeeyay arrimo kala duwan oo uu ka mid yahay wax ka badalka dastuurka dalka, iyadoo war kasoo baxay xafiiska madaxweynaha Puntland lagu sheegay in illaa cabashadooda la xalliyo aysan wax wada-shaqeyn ah la yeelanayn dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Iyadoo la xusuusto in madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Faroole uu shalay sheegay inay dowladda dhexe ee Soomaaliya kasoo horjeeddo hirgelinta nidaamka federaaliisimka ayaa madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay arrintaas wuxuu sheegay in dowladdu ay raalli ka tahay in federaalkiisimka lagu baahiyo dalka oo dhan, wararka sheegaya in dowladdu ay ka soo horjeedana ay yihiin kuwo been ah oo la doonayo in shacabka jah-wareer lagu geliyo, isagoo xusay in dadka hadalladaas sheegaya looga baahan inay rayi'gooda caddeeyaan.

 

Dhanka kale, madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay heshiiskii magaalada Addis Ababa lagu gaaray Arbacadii lasoo dhaafay ayaa sheegay inuu yahay mid lagu xallinayo mashaakilaadka ka taagan Jubbooyinka, wuxuuna xusay in shirar dib u heshiisiin ah oo lagu dhameystirayo heshiiskaas ay ka kala dhici doonaan Muqdisho iyo Kismaayo.

 

Madaxweynaha oo ka hadlayay heshiiskii Addis Abaha ayaa yiri: "Heshiiskaas wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid; iyadoo dowladdu wax badan ka tanasushay maamulkuna wuxuu ka tanaasulay wax badan oo uu jeclaan lahaa. Heshiiskaas wa billow ah wuuna sii socon doonaa inta laga dhameystirayo; dowladduna waxay diyaar u tahay inay ka hor-tagto wax kasta oo keenaya colaad kusoo laabata deegannadaas."

 

Heshiiska ay dowladda iyo maamulkii Jubbooyinka ku gaareen magaalada Addis Ababa ayaa waxaa qodobbadiisa ka mid ahaa in la sameeyo maamul KMG ah oo muddo laba sano ah ka taliyanaya deegaannadaas, kaasoo uu hoggaamin doono Sh. Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe).

 

http://hiiraan.com/news/2013/Aug/war...ta30-33129.htm

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH: “Dowladdu waxay ku howlan tahay sidii ay Puntland Wadahadallo ula furi laha

Well done Now that the Jubba fiasco is over done with its time for Puntland .....

 

Farole needs to accept President Hassan Sheekh as his President stop undermining the SFG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haatu   

Faroole is easy to please. Just sign power and resource sharing agreements with him and make them law and he's happy.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Xasan Sheekh” Puntland waxay saldhig u tahay midnimada Soomaaliya, Taariikh fog ayay ku leedahay…”

 

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sida u arko hadalkii Maamul Goboleedka Puntland ee ahaa inay xiriirka u jareen dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Mr Maxamud waxaa uu sheegay inuu ka xun yahay in uu maqlo hadal noocaas ah oo weliba waxaa uu sheegay in hadalada ka soo yeeray Maamul Goboleedka Puntland ay dhaawici karaan midnimada umadda soomaaliyed.

 

“Puntland Taariikh fog ayay ku leedahay Somaaliya, waxay kaalinta koowaad kaga jireen halgankii xoriyadda, la dagaalanka Xukumaddii kelis taliyihii iyo nidaamka Federaalka, Puntland waxay aas aas u tahay dowladda hadda jirta”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo maanta ka hadlayay telefishinka dalka halkaas oo dadka soomaaliyed si toos ah su’aalo ugu weydiinayan madaxweynaha.

 

Hogaamiyaha Maamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Faroole ayaa dhawaan sheegay inuu xiriirka u jaray Dowladda dhexe ee soomaaliya isagoo markaasi ku doodayay in wax laga bedelay dastuurka dalka in kastoo arrintaas uu beeniyay afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya oo soo bandhigay cadeymo buuxda.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxaa ku taliyay in wax kasta oo khilaaf ah oo taagan laga wada xaajoon karo haddii la isku yimaado waa sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay in dowladu ay dadaal badan ugu jirto hirgelinta nidaamka Federaaliisimka ah, isagoo tilmaamay in aysan jirin qawaaniinta hageysa Federaalka isagoo xusay in dowladu ay dadaal ugu jirto sidii loo diyaarin lahaa qawaaniinta federaalka, isagoo dhinaca kalena xusay iney gobolada usii magacaabeen maamulo KMG ah.

‘’Heshiiska adis’ababa wuxuu ahaa mid meel dhexe la isugu yimid iyadoo dowladu wax badan ka tanasushay maamulkaasina uu sidoo kale ka tanasulay wax badan uu jeclaan lahaa, heshiiskaasina wa bilow waana sii dhaneystiridoona dowladuna waxey diyaar u tahay iney ka hortagto wax kastoo keenaya colaad ku so laabata deeganadaasi’’ ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

 

http://newsomali.com/2013/08/30/madaxweyne-xasan-sheekh-puntland-waxay-saldhig-u-tahay-midnimada-soomaaliya-taariikh-fog-ayay-ku-leedahay/

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

^^^

 

A purely tribalist fiefdom that has undermined every attempt to pacify Somalia based on fair terms because of an enate desire for more power. Lets not forget they came to mugdisho on the back of Ethiopian tanks and were proud of it. Assisting Ethiopia in toppling the Islamic courts. They have constantly been anti government from the day Hassan shieck was elected for what reason??? Simple: its not federalism it's because he is hag simple. The elections was a flop. No one know what they actually control and even their own people don't like the admin. This is not hoyada midnimada. Wa cancer Saxib. I don't really see any real gains to be had from opening dialogue. He is not even elected and doesn't represent anyone.

 

Hassan sheick knows full well its pointless to negotiate with pirates because they can't offer anything. He wants international legatamcy and for him to be able to say I am a peace maker simple. What he really want is the same Jubba terms from farole:

 

1. Governer general

2.Nationalisation of militia

3. Ports and airport

 

Etc

 

Hahahah... Walahi I like this guy hahahah...

 

Punt state coming to a theatre near you... Hag dont let this guy go Walahi waa strategist and a half hahah.

Share this post


Link to post
Share on other sites
uchi   

What is wrong with this Garoodi character? He seems to be obsessed with the "Pirates". Come to think of it, a lot of the resident SL SOLer's (Carafaat included) have some deep seated hate for the Somali residents east of them.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Too late dude, the only way out is Let all of those you elected relinquish their posts and Re elect new PM, Ambassadors ,Head of agencies that literally represent All Somalis, what I mean all Somalis are, No more Hwye and HG running the government like crazy foxes. Get it.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

uchi;975586 wrote:
What is wrong with this Garoodi character? He seems to be obsessed with the "Pirates". Come to think of it, a lot of the resident SL SOLer's (Carafaat included) have some deep seated hate for the Somali residents east of them.

Many secessionists are obsessed with a certain people, the threads they (Xaaji Habaar, Saalax Fox, Carafaat Carte Qaalib and GAROODI "doesn't deserve a nickname") post is an overwhelming indication of these individuals.

 

It's called cuqdad.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

Somalia;975606 wrote:
Many secessionists are obsessed with a certain people, the threads they (Xaaji Habaar, Saalax Fox, Carafaat Carte Qaalib and GAROODI "doesn't deserve a nickname") post is an overwhelming indication of these individuals.

 

It's called
cuqdad
.

Cuqdad is the changing of somali history to suit a people who have no proud history amongst the Somalis (if you do please enlighten). Cuqdad is attempting to dominate others even though historically its known full well you don't have a single fighting bone, cuqdad is the ungodly attempt to wipe out an entire people using the arms they paid for in the name of hegemony and consequently getting wiped out yourself. Cuqdad is bringing shame to the somali speaking people by constantly being used as a tool of foreign nations be it Ethiopia and Kenya and being he first Somalis to raise an Ethiopian flag on somali soil, cuqdad is living off the welfare of the somali state and when the rightful owners take back their tax dollars calling them mor¥an. cuqdad is opposing a president and making his job harder simply because he is hag.

 

Saxib open your eyes out of all the somali people: every man is content with what god gave him except you because you inhabit regions were animals couldnt survive in let alone people.

 

And no one is more cuqdad full then your people problem with hag problem with duriyada. Deep servitude of Kenya and Ethiopia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this