Sign in to follow this  
malistar2012

Mogadishu security improves as SFG cracks down on Alshabaab cells

Recommended Posts

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia oo Xalay Kulan la Qaatay Wasiirro iyo Saraakiisha Hay’adaha Amniga

 

 

 

Talaado, August 13, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya , Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa xalay kulan la qaatay wasiirro, saraakiil ciidan iyo xubno ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, isagoo kala hadlay xaaladda ammaan ee dalka.

 

Kulankan ayaa markii uu soo gabagaboobay waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed isgoo sheegay in kulanku uu ku saabsanaa sugida ammaanka dalka iyo howl-galladii ugu dambeeyay ee ay ciidanka ammaanku sameeyeen kuwaas oo laga gaaray horumaro dhanka la dagaallanka argagaxisada ah iyo weliba unugyo isku xiran oo ku howlanaa qal-qal-gelinta amniga.

 

“Kulanku wuxuu ahaa mid aad muhiim u ah oo uu shir-guddoominayay ra’iisul wasaare Saacid, waxaana si qoto-dheer looga hadlay waxqabadka hay’addaha amniga dalka, gaar ahaana Muqdisho, waxaana si aad ah looga dooday qorshaha sugidda amniga iyo xasilinta dalka, dood dheer kaddib waxaa la isla qiray in toddobaadkii ugu dambeeyey la qabtay howlo badan oo amniga Muqdisho ku saabsan, waxaana hay’addaha ammaanku iyagoo is-kaashanaya ay gacanta kusoo dhigeen 17 unug oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo xusay in unugyadan oo ka kooban halkii unugba uu ka koobnaa saddex illaa 11-xubnood oo gabi ahaan lasoo qabtay, iyagoo ku howlan falal ay dhan ah amniga.

 

 

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in warbixino cad-cad ay hay’adaha amnigu kasoo gudbiyeen kooxahan nabadiidka ah, si loo cirib-tiro. Isgaoo intaas ku daray in degmooyinka howlgalladan laga fuliyay ay ka mid yihiin Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley, Xamar-weyne, Xamar-jajab, Shibis, Bakaaro, Heliwaa, Dayniile iyo Wadajir, tirada guud ee kooxahan ee gacanta lagu dhigayna ay dhan yihiin 39 ruux.

 

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay inay jiraan howlo ballaaran oo weli ay ku guda jiraan hay’adaha amniga iyagoo dhidibbada u siibaya unugyada weli ku howlan amni-xumada.

 

“Runtii waa guul billow ah, waxaana rajeynayaa in la xaqiijin doono amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waana waajib na saaran in kooxahaas aan shacabka ka badbaadino,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo shacabka ugu baaqay inay gacan ka geystaan ka hortaga kooxahaas.

 

Kulanka ra’iisul wasaaruhu la qaatay wasiirrada iyo saraakiisha amniga ayaa wuxuu qeyb ka yahay kulammo is-daba-jooga ah oo uu la qaadanayay toddobaadyadii ugu dambeeyay hay’addaha ammaanka, kuwaasoo uu kula xisaabtamayay xaqiijinta amniga iyo xasilinta dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Amaanka_Dalka_1.JPG

 

 

 

Amaanka_Dalka_6.JPG

 

 

“Runtii waa guul billow ah, waxaana rajeynayaa in la xaqiijin doono amniga dalka, gaar ahaana caasimadda, waana waajib na saaran in kooxahaas aan shacabka ka badbaadino,” ayuu hadalkiisa ku daray, isagoo shacabka ugu baaqay inay gacan ka geystaan ka hortaga kooxahaas.

 

 

Amaanka_Dalka_3.JPG

 

Congrats to The SFG keep up the hard work , Mogadishu security and stability must improve.

 

 

Amaanka_Dalka_5.JPG

 

 

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in warbixino cad-cad ay hay’adaha amnigu kasoo gudbiyeen kooxahan nabadiidka ah, si loo cirib-tiro. Isgaoo intaas ku daray in degmooyinka howlgalladan laga fuliyay ay ka mid yihiin Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley, Xamar-weyne, Xamar-jajab, Shibis, Bakaaro, Heliwaa, Dayniile iyo Wadajir, tirada guud ee kooxahan ee gacanta lagu dhigayna ay dhan yihiin 39 ruux.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Cambuulo iyo bun;973451 wrote:
178 terrorists got caught within a week!! Not bad well done to the SFG.

Where did get 178?

 

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in warbixino cad-cad ay hay’adaha amnigu kasoo gudbiyeen kooxahan nabadiidka ah, si loo cirib-tiro. Isgaoo intaas ku daray in degmooyinka howlgalladan laga fuliyay ay ka mid yihiin Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley, Xamar-weyne, Xamar-jajab, Shibis, Bakaaro, Heliwaa, Dayniile iyo Wadajir, tirada guud ee kooxahan ee gacanta lagu dhigayna ay dhan yihiin 39 ruux.

waxaana hay’addaha ammaanku iyagoo is-kaashanaya ay gacanta kusoo dhigeen 17 unug oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo xusay in unugyadan oo ka kooban halkii unugba uu ka koobnaa saddex illaa 11-xubnood oo gabi ahaan lasoo qabtay, iyagoo ku howlan falal ay dhan ah amniga.

Soomaalidu xisaabta wey ku fiicaan jireen eh maxa dhacay?

 

17 unug; tiiba ay ka kooban tahay 3 ilaa 11 xubnood. Tirada guud ee la soo qabtayna waa 39 ruux. Wax macquul ah maaha!

 

Fiiri: ugu yaraan unug baa ka kooban 11 xubnood; unugyada kalana waa in ay ugu yaraan tiiba ka kooobnaataa 3 xubnood.

Haddaba haddii 39-11 waxa soo hadha waa 28. Laakiin 16X3 waa 48; 28 ma la dhigmantaa 48; cajiib;

wariyaashaa waa wixii loo lahaa da'doodu ha a'haato 40 iyo waxii ka badan;;;;;;

Share this post


Link to post
Share on other sites

waxaana hay’addaha ammaanku iyagoo is-kaashanaya ay
gacanta kusoo dhigeen 17 unug oo ka mid ahaa kooxda Al-shabaab,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha oo xusay in unugyadan oo ka kooban halkii unugba uu ka koobnaa saddex illaa 11-xubnood oo gabi ahaan lasoo qabtay, iyagoo ku howlan falal ay dhan ah amniga
.

Hiiraan.com

 

17x11=187. Just a simple misstake gadhayoow lambarada ayaan is daba mariyay uun teeda kale i didnt notice the 3-11 xubnood, waxaan uu moodaye every unug iney 11 persons ka tirsanayeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It looks like these are ripe times for good-old Somali style McCarthyism. Someone should capitalize on this and establish one of those 'counter-terrorism' think-tanks that seem to be all the rage in the west.

Share this post


Link to post
Share on other sites

To have a think thank you need people that can think, not HAG chewing Qat on the beach.

 

I'm telling you this is all bs. A month from now there will be more attacks, learn from Kabul and Baghdad.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abuukar Cumar Cadaan Walaalkiis oo gacanta lagu dhigay+Faah-faahin

 

Dowlada Soomaaliya ayaa xabsiga dhigtay Ganacsade caanka ah dalkeena Soomaaliya kaasi oo lagu eedeeyay inuu xiriir la leeyahay Ururka Al-shabaab.

Ganacsadaha gacanta ugu jira ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Xasan Cumar Cadaan oo la dhashay ganacsadaha kale ee caanka ah Abuukar Cumar Cadaan.

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ganacsade Xasan Cumar cadaan ka soo qabtay hooygiisa oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir,waxaana loo dhaadhiciyay sida la sheegay xabsi dowlada ay leedahahy.

Shaqsigaan ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu u doodo dhalinyaro dowlada ay ku sheegtay inay yihiin Al-shabaab kuwaasi oo gacanta dowlada ku jiray,balse markii danbe isaga xabsiga loo taxaabay.

Waxaa socdo wada hadalo u dhaxeeyo Beesha uu ka soo jeedo shaqsigan la xiray iyo madaxda dowlada uu ka mid yahay madaxweynaha Soomaaliya oo kuy aadan sidii lagu siin deyn lahaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The SFG is finally getting it right , Zero tolerance for alshabaab and their supporters . anyone who finances or is a alshabaab sympathizer should get jail time or bullet in the forehead etc .

 

Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa ganacsade Xasan Cumar cadaan ka soo qabtay hooygiisa oo ku yaala degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir,waxaana loo dhaadhiciyay sida la sheegay xabsi dowlada ay leedahahy.

Shaqsigaan ayaa lagu eedeeyay inuu isku dayay inuu u doodo dhalinyaro dowlada ay ku sheegtay inay yihiin Al-shabaab kuwaasi oo gacanta dowlada ku jiray,balse markii danbe isaga xabsiga loo taxaabay.

Congrats to SFG for arresting one of the biggest alshabaab supporter and Nabadiid in XAMAR

Share this post


Link to post
Share on other sites

malistar2012;973617 wrote:
The SFG is finally getting it right , Zero tolerance for alshabaab and their supporters . anyone who finances or is a alshabaab sympathizer should get jail time or bullet in the forehead etc .

 

 

 

Congrats to SFG for arresting one of the biggest alshabaab supporter and Nabadiid in XAMAR

how is he the biggest Al shabab supporter and nabad-diid?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abuukar Cumar Cadaan and Walaalkiis Xasan Cumar Cadaan are bigges anarchist in Mogadishu they made millions $ running ceel Macan Port Mogadishu for decade . They supported and financed Nabadiids in Xamar . The man is a obstacle to the SFG and Tarzan admin. Abuukar Cumar Cadaan has most of the elders in the Tolka in his pocket .

In several meeting in Shabeellaha Dhexe Abuukar Cumar Cadaan was against tolka fighting / liberating their regions from alshabaab.

Ciidankan ayaa Ganacsadahaan Xabsiga dhigay waxaana ay u eedeeyeen in uu la shaqeeyo ama xiriir uu la leeyahay kooxda Al Shabaab,waxaana uu doonayay in uu damiinto rag Al Shabaab ah oo ciidanka dowladda ay soo qabteen.

 

Raggan uu Ganacsadahaan u doodayay ayaa waxaa laga soo qabtay degmada Yaakhshiid ee Gobalka Banaadir,waxaana hadda uu yahay Maxbuus .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Amniga Oo Degmada Hodan Ka Soo Qabtay dad lala xiriirinayo kooxda Al shabaab

 

Howlgallo ammaanka caasimada lagu xaqiijinayo ayaa maanta ciidamada amnigu waxa ay ka sameeyeen Iskuul in kabdan 500 arday ay wax ku bartaan oo ku yaala xaafadda KPP ee degmada Hodan ee gobolka banaadir, halkaasi oo laga soo qabtay tiro arday ah oo laga shakiyay.kadib markii laamaha amniga ee dalka ay ka warheleen xog ku saabsan in ay iskuulkaasi ay ku jiraan dad gacan saar la leh kooxaha nabad diidka ah ee Al shabaab.

 

Saraakiisha booliska, nabad sugida iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka banaadir oo goobta gaaray ayaa gudaha u galay iskuulkaasi, waxaana xog waresyi iyo baaritaanno ay ku sameeyeen dhammaan ardaydii iskuulkaasi dhiganeysay oo gabdho iyo wiilal isugu jiray.

 

Ugu dambeyn saraakiishii goobta soo gaartay ayaa sheegay in 13 ka mid ah ardaydaasi oo shan ka mid ah ay ahaayeen wiilal halka sideedda kalena ay ahaayeen gabdho ay dhamaantood madaxa ka wada xiirnaayeen, loogana shakiyay in ay ka tirsanyihiin kooxaha nabad diidka ah ayna u gudbinayaan xarunta dembi baarista CID si baaritaano dheeraad ah loogu sameeyo ardaydaasi madaxa ka wada xiiran.

 

Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka ee gobolka banaadir Warsame Maxamed Xasan “Warsame Joodax” oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in howlgalkaan uu ka dambeeyay kadib markii ay heleen warbixinno muujinaya in goobta ay ku jiraan dad lala xiriirinayo Al shabaab.

 

“Dadka aan maanta gacanta ku dhignay ee 13-ka arday oo ahaa dad madaxa u wada xiiran, waxa ay naga abuurtay shaki weyn waayo dumar madaxa ka xiiran iyo wiil inta, waxaana go’aaminay in aan marsiino xarunta dambi barista ee CID, teeda kale waxaan meesha ku aragnay iskuulka dadka muxaadarada ka jeedinaya in aysan heysanin diinwaan gelin ii dhanka Degmada ahna iyo dhanka Maamulka intaba” ayuu Yiri Warsame Joodax.

 

Guddoomiyaha degmada Hodan Cabdi Maxamed Warsame “Dhabaneey” ayaa ugu baaqay shacabka In ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka ee degmada si looga hortago waxyaabaha amniga lidiga ku ah, taasi oo uu ku tilmaamay in ay sahlayso sugidda amniga.

 

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa si xowli ah ku socday howlgallada amniga lagu sugayo oo ay waadeen ciidmada ammaanka dalka kuwaasi oo laga sameynayay degmooyinka gobolka banaadir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gacan Ku Dhiiglihii Dilay Weriye Xasan Absuge Oo Maanta La Toogtay “SAWIRRO”

 

Maxkamadda darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa maanta xakun dil ah ku fulisay gacan ku dhiiglihii dilka u geystey weriye Xasan Yusuf Absuge dabayaaqadii sannadkii hore.

 

Taarkkihdu markay ahayd 21-09-2012 abaaro 11:00 barqanimo edeeysane Shabaab Aadam Shiikh Cabdi Shiikh Xuseen ina saruuro ibraahim 24 jir ah ku dhashay xamar degan warta nabdda,wuxuu si bareer ah oo ula kac ah u dilay marxuum la oran jiray wariye Xasan Yuusuf Absuge.

 

Maalintii ay taariikhdu ahayd 17-03-2013 waxay maxkamada darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida u fariisatay dacwad ciqaabeedkii oo haysatay gacan ku dhiigle shabaab Aadan Shiikh Cabdi Xuseen waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.

 

maalintii ay taariikhdu ahayd 25-03-2013 wuxuu ka qaatay xukunka racfaan.

 

maalintii ay taariikhdu ahayd 27-07-2013 waxay maxkamada sare ee ciidamada qalabka sida ay mar kale u fariisatay dacwad ciqaabeedkii loo haystay gacan ku dhiigle shabaab Aadan Shiikh Cabdi Shiikh Xuseen waxayna ku xukuntay dil toogasho ah.

 

Maanta oo ay taariikhdu tahay 17-08-2013 waxay maxkamadu fulisay xukunkii dilka ahaa

 

Gacan ku dhiiglahan la dilay ayaa waxa uu noqonayaa kii ugu horeeyay ee lagu helo falalka dilka ah ee lagula kacayo weriyayaasha ka howlgalla dalka.

 

 

DSC05685.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this