Sign in to follow this  
malistar2012

Mashruuc Xaafad Cusub looga Hir-gelinayo Deegaanka Jazeera ee Duleedka Muqdisho oo Maanta lasoo b

Recommended Posts

Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Mashruuc dhismayaal cusub looga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lasoo bandhigay maanta, iyadoo la sheegay in dhismayaashan ay yihiin xaafad cusub oo ka mid noqonaya xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana mashruucan uu ka kooban yahay in ka badan 1,200 oo guri.

 

Xaafadda looga dhawaaqay hirgelinta mashruucan cusub ayaa laga sheegay in dhismayaaashan ay isugu jiraa deegaan, ganacsi, masaajidyo, kuwo lagu nasto oo bilic iyo tayo heer sare ah ayaa waxaa maal-gelinayay ganacsato Soomaaliyeed.

 

Bandhigan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas'uuliyiin kala duwan oo uu ka mid ahaa gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarsan, guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Gabeyre, dad ajaaniib ah, maal-gashatayaal iyo ganacsato Soomaaliyeed.

 

Maamulka shirkadda dhul iyo guri Real Estate Ltd, Maxamed Cabdi Marteello oo ugu horreyn ka hadlay xafladda ayaa sheegay in dhismaha Jazeera Estate uu yahay mashruuc cusub oo ka faa'iideysan doonaan dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in dadka Soomaaliyeed ay maal-gashan karaan, isla markaana mashruucan uu u furan yahay cid kasta.

 

“Waa arrin u furan cid walba inay iska diiwaangeliso inay dhismayaasha ku sameysato maal-gashi,” ayuu yiri Marteello oo sheegay in qof walba uu ka heli doono wuxuu uu daneynayo.

 

Sidoo kale, Mateello wuxuu sheegay in mashruucan uu billaaban doono labo bil gudahood, isagoo xusay in dhismayaasha ay ka mid noqon doonaan kuwo hoteello ah, isla markaana dadka Soomaaliyeed ay iibsan karaan ayna kiro ku degi karaan.

 

 

 

Mas'uul u hadlay shirka Jazeera Estate ee fulin doonta mashruucan ayaa isna sheegay in dad badan ay shaqo ka heli doonaan, isla markaana uu qorshuhu yahay in la sameeyo dhismayaal laga hirgeliyo magaalada duleedkeeda lana furo si aan loogu ekaan magaalada gudaheeda, sida KM4 illaa Bakaaraha oo kale, wuxuuna intaas ku daray in magaaladu ay noqoto mid afar geesood ah.

 

 

David Park oo ah wakiilka shirkada African Skies oo ka qeyb-qaadanaysa dhismaha mashruucan ayaa sheegay in xaafadda Jazeera Estate ay tahay xaafad amnigeedu sugnaan doono lehna dhammaan adeegyada kale ee loo baahan yahay, isagoo intaas ku daray in xaafaddan ay tahay mid casri ah.

 

Sidoo kale, David wuxuu sheegay in dadka dibadaha ka yimaada ay iloobi doonaan meelaha ay ka yimaadeen haddii ay arkaan dhismayaasha laga hirgelinayo xaafadda cusub, wuxuuna tilmaamay inay dowladda ka heli doonto wixii xuquuq ah, hadii ay tahay wax canshuuro ah wuxuuna ugu baaqay in laga faa'iideysato mashruucan taariikhiga ah.

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho oo isaguna ka hadlay madasha ayaa sheegay in mashruucan uu yahay arrin shacabku u baahan yahay, fursado badan oo furanna ay jiraan, gaar ahaan maal-gashiga iyo dhismaha dalka laga sameeynayo, isagoo ugu baaqay qurba-joogta inay ku soo laabtaan dalkooda oo ay maal gashadaan.

 

 

 

“Dadka dibaddiisa kasoo laabanay waxay u baahan yihiin wax ka duwan wixii hore, waana wax lagu farxo dhismayaasha lasoo bandhigay ee Jaziira laga hir-gelinayo, waana kuwo la mid ah sida hoteelka Kempesky ee dalka Jabuuti ku yaalla,” ayuu yiri Tarsan.

 

Waxaa kaloo goobta ka hadlay, guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Daaci) iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo labaduba soo dhaweeyay mashruucan kuna tilmaamay mid wax tar weyn u leh shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhismaha laga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo u jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho 3-km, wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 730,000 Mitir oo laba jibaaran (73 hektar), deegaankan ayaa loo dhameystiri doonaa adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogta ah, taleefoon, Internet IWM.

 

Haddii mashruucan la hirgeliyo wuxuu noqonayaa xaafaddii ugu horreysay oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogta ah uga shaqeeya sugidda amniga, maareynta goobaha danta guud, sida masaajidda, jidadka, goobaha caruurtu ku ciyaarto, beeraha lagu raaxeysto iyo nadaafadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mashruuc dhismayaal cusub looga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lasoo bandhigay maanta, iyadoo la sheegay in dhismayaashan ay yihiin xaafad cusub oo ka mid noqonaya xaafadaha degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaana mashruucan uu ka kooban yahay in ka badan 1,200 oo guri.

 

“Dadka dibaddiisa kasoo laabanay waxay u baahan yihiin wax ka duwan wixii hore, waana wax lagu farxo dhismayaasha lasoo bandhigay ee Jaziira laga hir-gelinayo, waana kuwo la mid ah sida hoteelka Kempesky ee dalka Jabuuti ku yaalla,” ayuu yiri Tarsan.

 

Waxaa kaloo goobta ka hadlay, guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Cadoow (Daaci) iyo guddoomiyaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed oo labaduba soo dhaweeyay mashruucan kuna tilmaamay mid wax tar weyn u leh shacabka Soomaaliyeed.

 

Dhismaha laga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo u jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho 3-km, wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 730,000 Mitir oo laba jibaaran (73 hektar), deegaankan ayaa loo dhameystiri doonaa adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogta ah, taleefoon, Internet IWM.

 

Haddii mashruucan la hirgeliyo wuxuu noqonayaa xaafaddii ugu horreysay oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogta ah uga shaqeeya sugidda amniga, maareynta goobaha danta guud, sida masaajidda, jidadka, goobaha caruurtu ku ciyaarto, beeraha lagu raaxeysto iyo nadaafadda.

Mashruuc_Jazeera_6.JPG

 

 

 

Mashruuc_Jazeera_1.JPG

 

 

Mashruuc_Jazeera_8.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mogadishu will never go back to Anarchy and chaos inshallah with all this investment by the locals , Diasporas and International donors

 

 

 

Dhismaha laga hirgelinayo deegaanka Jaziira ee duleedka Muqdisho oo u jira garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho 3-km, wuxuu ku fadhiyaa dhul dhan 730,000 Mitir oo laba jibaaran (73 hektar), deegaankan ayaa loo dhameystiri doonaa adeegyada guud ee nolosha sida biyo nadiif ah, koronto joogta ah, taleefoon, Internet IWM.

 

Haddii mashruucan la hirgeliyo wuxuu noqonayaa xaafaddii ugu horreysay oo leh nidaam iyo maamul u gaar ah oo si joogta ah uga shaqeeya sugidda amniga, maareynta goobaha danta guud, sida masaajidda, jidadka, goobaha caruurtu ku ciyaarto, beeraha lagu raaxeysto iyo nadaafadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Good if it will materialize. It is not us that you should try to convince that Mogadishu residents are ready to be civilized, won't loot the scrap metals, loot the properties, farms and not destroy their city again but rather this should be made aware to Mogadishu citizens.

Share this post


Link to post
Share on other sites
GAROODI   

All the best for mugdisho inshallah it gets back on its feet and again. We have no beef with mugdisho people. We have over 50000 refugees in SOMALILAND that are welcomed. You need better leaders people like Aideed AUN

Share this post


Link to post
Share on other sites
gooni   

Qaxootibaa nala jooga we have no beef reer muqdisho iyo caydiid oo kalaa xamar dhisi lahaa hadal caqli ku jiro uma eka awoowe fuudkaan qaboobay oo hadana sumaysan iska tuf wadankaagu marfash lagu qayilo waa ka weyn yahay

 

Tarsan waa nin wax u kala saaran yihiin sida muuqatana horumar la jecel xamar

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

GAROODI;963730 wrote:
All the best for mugdisho inshallah it gets back on its feet and again. We have no beef with mugdisho people. We have over 50000 refugees in SOMALILAND that are welcomed.
You need better leaders people like Aideed AUN

agreed :)

Share this post


Link to post
Share on other sites

50000 refugees in SOMALILAND

 

H clan will never be refuge in Somaliland those that migrated in Hargesa are wealthy people ............They moved from Xamar and set up shops in Hargesa you called that refuge ?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Yacni they're too good to be refugees in Somaliland but not Puntland/Kenya?

in times of war HAG community are known to migrate to cities close to Xamar like celesh biyah , Afgoy ,Cellbuur , celldheer those are the needy poor once ....why go to Puntland or Somaliland ? I can understand kenya they are seeking sponsorship .

 

The HAG Community that travel to Hargesa are the wealthy once who are seeking business and school for their kids .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

dagaalka sookeeye muxuu ***** faarideeyey oo faidlawe kastaa two cents kiisa arimo oo kusabsaneeyn laa soo taganyahay:) maxaa tuuloyiin yaar yaar oo tool mooyane qof kale maqliin laa faneey....walee, no problem the natural equilibrium is being reached! inkasta aad duucoyiin ficaan ula soo tagantihiin xamar of the aideed kind, ilahi weyn oo waaxiid mooyane reer xamar dheeg ey uu digeyaan majirto.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Daqane   

p.s great project soon there will be a futher housing development in jazeera of a dubai based developer.

it seems wadajir, will be the place to in xamar

Share this post


Link to post
Share on other sites

Lookslike a great project. It's obvious that Mogadishu is going in the right direction, the only thing it needs is security.A proactive SFG that is more serious in handling its own business and capable of creating a beefed up army and police will open the floodgate to foreign investment.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

malistar2012;963806 wrote:

The HAG Community that travel to Hargesa are the wealthy once who are seeking business and school for their kids .

 

The 40,000 Mogadishu citizens that fled from Mogadishu in 2006 and 2007 to Hargeysa don't seem wealthy in the video.

 

 

 

 

 

Somaliland leaves Somalis in limbo

Breakaway state's disputed independence leaves Somali refugees ineligible for aid.

Mohammed Adow, in Hargeysa, Somaliland

 

Somaliland's disputed independence has left hundreds of Somalis ineligible for UN aid and unrecognised by Somaliland's government.

 

Hundreds of Somalis fled recent fighting in Mogadishu, the Somali capital, taking shelter in the relative safety of Somaliland.

 

According to the UN, fighting in Mogadishu has displaced about 400,000 people.

 

An estimated 40,000 of those have fled to Hargeysa, Somaliland's capital, with thousands of others scattered in other settlements throughout the territory.

 

Fatuma Abdullahi, one of the refugees, told Al Jazeera: "I fled from the Bakaara area of Mogadishu during the heaviest fighting in April. It took me 16 days to reach Hargeysa. I am here with some of my family members while others are still in Mogadishu."

 

"There is no going back for me. I am here to stay," she said.

 

 

http://www.aljazeera.com/news/africa/2007/05/2008525185419254144.html

 

 

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salax

 

 

those folks are not HAG nice try , they might travel from Mogadishu but don't belong to the HAG community sxb , they dont even have HAG accent . They could be other Somalis in Xamar that fled Mogadishu. why travel 16 days and cross all those Peace HAG regions? even in the civil war era we never run to Hargesa .....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this